-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta Mareykanka ee xannibaya qaar ka mid ah iibsashada difaaca ee dalkiisa iyo tallaabooyin kale ee “halka dhinac ah”. Erdogan ayaa xayiraadahan ku sheegay in ay caqabad ku yihiin awoodda labadan dal ee xulufada NATO ah ku gaari karaan bartilmaameedyadooda ganacsi. Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Washington ayaa sannadihii la soo dhaafay aad u xumaaday sababo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin; ku kala aragti duwanaashaha siyaasadda Bariga Mediterranean-ka, Suuriya iyo Gaza. Waxay sidoo kale ku kala tageen soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee S-400, taasi oo dhalisay in Maraykanka uu cunaqabatayn saaro Turkey 2019-kii, lagana saaro Barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35. Hase yeeshee kadib Ankara waxay xaqiijisay inay Washington ka soo iibsato 40 diyaaradaha F-16 ah iyo 79 qalab kale oo casri ah. Heshiiska ayaa la ansixiyay ka dib markii Turkiga uu ogolaaday dalabka ay Sweden ee ku biiritaanka NATO, taasi oo hoggaamisay in xiriirka uu soo hagaago. Ankara iyo Washington waxay leeyihiin yool fog oo ah $100 bilyan oo ganacsi laba geesood ah, taasi oo aad uga badan ganacsigii 2023 oo ahaa $30 bilyan. Intii lagu guda jiray booqashadii New York ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Erdogan wuxuu u sheegay ganacsatada Turkiga iyo Mareykanka, inkasta oo uu rumeysan yahay in hadafkaas uu suurtagal yahay in la gaaro, haddana iskaashiga dhinaca difaaca ” uu hoos u dhacay” sababo la xiriira xayiraadaha. “Tallaabooyinka halka dhinac ah, sida canshuuraha dheeraadka ah ee qaybaha birta iyo aluminium-ka, baaritaannada iyo cunaqabateynta CAATSA waxay u baahan yihiin in la baabi’iyo,” ayuu yiri Isniintii, isaga oo tixraacaya CAATSA oo laga soo gaabiyo Ka-hortagga Cadawga Mareykanka ayada oo la adeegsanayo Xeerar Cunaqabatayn. “Waxaan rajeynayaa inaan bog cusub furnay kadib mashruucii casriyeynta ee F-16, waxaana rajeyneynaa in xayiraadaha dhoofinta ee dhinacan si joogto ah loo qaado,” ayuu Erdogan ku daray. Waxa uu sidoo kale sheegay in Turkigu uu faa’iido u leeyahay socodka sahayda, isaga oo tusaale u soo qaatay iskaashiga xagga wax soo saarka iyo soo iibinta rasaasta 155mm – oo muhiim u ah dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Washington ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay dhowr qof oo Turkish ah iyo shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu eedeeyay inay jebinayaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka. Turkiga ayaa taageera Ukraine, balse wuxuu ka soo horjeedaa cunaqabateynta Ruushka, inkasta oo uu sheegay inaan lagu jebin doonin dhulka Turkiga. Ka sokow diyaaradaha F-16, Turkigu waxa uu sidoo kale danaynayaa dayuuradaha Eurofighter Typhoon ee Jarmalka, Britain iyo Spain, balse waxa uu ka cawday horusocod la’aan ka dhalatay diidmada Berlin. Isniintii Erdogan wuxuu New York kula kulmay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo intaas ku daray inuu u gudbiyay in Ankara ay diyaar u tahay inay horumariso iskaashiga dhinac walba iyo ka faa’iidaysiga fursadaha wadajirka ah ee faa’iidada u leh labada dhinac. Voa The post Madaxweyne ERDOGAN oo Mareykanka u direy baaq culus oo ku saabsan… appeared first on Caasimada Online.
-
Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda sanad guurada 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha. Intii uu ku guda jiray munaasabadda, Mudane Saalax ayaa hambalyo diirran u diray dowladda Shiinaha oo Soomaaliya saaxiibtinimo soo jireen ah la leedahay. Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ayaa si gaar ah u xusay horumarka iyo isku duubnida dowladda Shiinaha, isagoo carrabka ku adkeeyay taariikhda dheer ee xiriirka saaxiibtinimo ee labada dowladood. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taabbo-gal ah, laguna dhisay is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin ganacsiga, dhaqaalaha, iyo dhaqanka. Wuxuu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Shiinaha ku leeyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta, caafimaadka, iyo waxbarashada. Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyada oo qorshayaasha mustaqbalka dhow ay diiradda saarayaan in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada difaaca, teknolojiyadda, iyo tababarka xirfadeed. Waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay in ay sii wadato xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul ugu jawaabay Itoobiya oo maanta ka hadashay hubka Masar ay keentay magaalada Muqdisho, kaas oo sii huriyay xiisadda ka taagan gobolka. Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegtay inay ka imaan karto halis kale oo wayn. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh. “Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya. Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiir Axmed Macallin oo sheegay in warkan Itoobiya ay ku qarineyso hubka sharci darrada ah ee kasoo geliso xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubkaas uu u gacan galayo shacabka iyo kooxaha argagixisada ah ee halis ku haya amniga Soomaaliya iyo guud ahaan ee gobolka. Hadalka Fiqi waxaa kasii horreeyay mid kale oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay 20-kii bishan soo saartay, kaas oo ay si kulul ugu cambaareysay shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Puntland. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika. The post Wasiir FIQI oo shaaciyay arrin weyn oo Itoobiya ku qarineyso warkii kasoo baxay appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia accused Ethiopia of smuggling weapons on Tuesday amid fears that arms going into the conflict-riven Horn of Africa nation could end up in the hands of Islamist militants. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay fursad wayn oo uu isaga yareyn karo culeyska siyaasadeed ee haatan haysta, kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan. Deni oo ka hadlay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe. “Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Deni. Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Saciid Deni ay tahay fursad gaar ah oo ay haboon tahay inay ka fa’iideystaan madaxda dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac oo wadahadal galo ay muhiim tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Farriinta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku baaqay ee ah in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal, waa fursad ay tahay in madaxda dowladda federaalka ah ka faa’iidaystaan, sababtoo ah ma jirto xilli ay maanta Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo iyo wadajir dhexdeeda ah oo ay ku wajahdo damaca shisheeye iyo dagaalka argagaxisada” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha Puntland ee ah inuu diyaar u yahay in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya. The post Xasan oo fursad wayn helay kadib tallaabadii Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubka ay Masar keentay magaalada Muqdisho, kaas oo habeen hore si rasmi ah ula wareegtay dowladda federaalka, kadib markii marka lagu keenay dekedda Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske Selassie oo war kooban soo saaray ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka imaan karto halis kale oo wayn. Taye Astke Selassie ayaa sidoo kale xusay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh. “Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Itoobiya ay sidoo kale ka walaacsan tahay in saadka ay bixiyaan ciidamada shisheeye ay sii xumeyn doonto ammaanka jilicsan ee Soomaaliya. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay soo saartay dowladda Masar oo faah-faahin dheeraad ah ka bixisay hubka ay keentay magaalada Muqdisho, waxayna xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah. “Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar. Masar ayaa sidoo kale sheegtay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika. The post Dowladda Itoobiya oo war yaab leh kasoo saartay hubka Masar ay keentay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digay in hubka la geeyey Soomaaliya uu uga sii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi. Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii markab laga leeyahay dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho, taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya, sida ay tebisay wakaaladda wararka Itoobiya. Dhinaca kale, wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday kadib markii Addis-Ababa ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed 20 km ah, loogana beddelanayo in ay aqoonsatao Somaliland. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo digniin ka soo saartay hubka ay Masar geysay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Ayadoo ay dowladda Soomaaliya dhowaan dekedda muqdisho kala soo degtay saanad ciidan oo hub culusi ku jiro, islamarkaana ka timid dalka Masar ayaa waxaa arrintaas walaac xooggan ka muujiyay maamulka Abii Axmed. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ka hadlay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in hubka ay dowladda Soomaaliya keensatay uu xaaladda uga sii darayo, islamarkaana ay inuu Alshabaab gacanta u gali ay ka cabsi qabaan. Hadalka wasiir Taye Atske ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor Itoobiya hub aan oggolaansho dowladeed ay soo gelisay deegaannada Puntland, waxaana muuqanaysa in xukuumadda Addis Ababa aysan raali ahayn koritaanka cududda militari ee Soomaaliya iyo hormarka laga samaynayo la dagaallanka kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Xaflad ballaadhan ayaa maanta lagu qabtay Hotel Kaah ee bariga magaaladda Hargeysa, xafladani oo ahayd mid lagu sharfaayay isla markaasina lagu soo dhawaynaayay suldaanka guud ee beelaha Isaxaaq Care suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray. Xafladani oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin hogaamiye dhaqameedyo, cuqaal,ganacsato dhalinyaro iyo marti sharaf badan oo la soo kala jeeda dhamaan gobolada dalka oo dhan. Xafladda oo dhamaystiran la soco dhawaan marka ay soo dhamaato. Qaran News
-
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah (NETP). Kulanka, oo uu furay Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Maxamed Adam, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, wakiilo ka socda shirkadaha Isgaarsiinta, iyo sidoo kale wufuud ka socota ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Ururka Isgaarsiinta Caalamiga, ITU, Ururka Nidaamka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobilka (GSMA), UNICEF, IFRC, UNDP, iyo Bangiga Adduunka. Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Yasin Sheekh, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee ku aaddan ilaalinta isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, isagoo yiri: “Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah waxay si weyn ugu tiirsan tahay ka-qaybgalka firfircoon ee shirkadaha isgaarsiinteenna. Kaabayaashooda, adeegyadooda, iyo aqoontooda farsamo ayaa udub dhexaad u ah qaab-dhismeedka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah ee Soomaaliya. Qorshahan waa muhiim si loo hubiyo in kaabayaasha isgaarsiinteenna ay sii ahaadaan kuwo shaqeynaya oo lagu kalsoonaan karo xilliyada musiibooyinka.” Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Macallin Aadam, ayaa intii lagu guda jiray xafladda furitaanka yiri, “Isgaarsiintu waxay muhiim u tahay gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, kulankan maanta wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an nahay ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxaan hiigsaneynaa inaan dhisno kaabayaal isgaarsiineed oo adag oo adkeysi leh, kuwaas oo si wax ku ool ah uga jawaabi kara xaaladaha degdega ah islamarkaana kor u qaadi kara awooddeena qaran ee maaraynta musiibada, hababka digniinaha iyadoo la isticmaalayo shabakadaha isgaarsiinta .” Mas’uuliyiin ka socda Ururka Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) iyo GSMA ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka, iyagoo bixiyay aragtiyo ku saabsan Fulinta NETP, Habka Digniinta Guud (CAP), iyo Nidaamyada Digniinta Hore ee ku Shaqeeya Farriimaha Mobilka (CB EWS), kuwaas oo muhiim u ah faafinta digniino degdeg ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah. Kulan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu qeexo doorarka iyo mas’uuliyadda ku aaddan hirgelinta qorshaha NETP, si loo hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ay gacan ka geystaan nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah. Natiijooyinka kulankan ayaa la filayaa inay si weyn u xoojiyaan qaab-dhismeedka Qorshaha Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka, taasoo ugu dambeyn horseed u ah isku-duwidda dhinacyada ay khusayso iyo ka-hortagga xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka. Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si adag uga horyimid tallaabo uu qaaday maamulka Puntland, taas oo ka careysiisay SSC. Xiisadda ka dhex qaraxday labada dhinac ayaa salka ku haysa deegaano ay isku haystaan labada dhinac, kaas oo SSC-Khaatumo ay sheegtay inay ka taliso, oo ay kusoo gardarootay Puntland. Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ku kacay tallaabo uu ku tilmaamay xad-gudub iyo meel ka dhac, taas oo ay ku sheegatay qeybo kamid ah maamulkooda, sida uu sheegay. ”Waa wax aan sinaba loo aqbali karin in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah waa xad-gudub iyo meel ka dhac, waana uga digeynaa maamulka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Najiib Barkhadle. Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu digay wasiirka hay’ado uu sheegay inay qeyb ka yihiin arrintaan, oo keeni karta khatar amni oo ka dhalan karta muran dhuleed, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo. “SSC-Khaatumo diyaar ayey u tahay inay difaacayo dhulkeeda iyo dadka deegaanka,” ayuu yiri Wasiir Najiib, oo si adag ugu digay maamulka Puntland oo uu sheegay inay ku kacday xad-gudub ka dhan ah maamulkooda. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu maamulka Puntland wado qorshe uu qaybo ka mid ah Sool iyo Cayn kaga hirgelineyso mashaariic ay fulinteeda leedahay hay’adda UNICEIF ee Soomaaliya, taas oo si weyn uga careysiisay SSC-Khaatumo, oo iyadu u aragta tallaabadan mid ay Puntland ugu soo xad-gudubtay deegaanadeeda. The post SSC-Khaatumo iyo Puntland oo ay ka dhex tafatay iyo SSC oo soo saartay digniin appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay isu diyaarinayso guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Bari iyo Sanaag. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saaka booqday Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa saraakiisha faray in la isu diyaariyo guluf lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah. Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Taliska 54-aad ayaa kooxaha argagixisada ah ku tilmaamay daanyeero buuraha saaran islamarkaana waxa uu sheegay in ciidamada Puntland uga daba-tagayaan buuraha. “Ma jirto dhulkeenna meel cid aan Puntland ahayn xukunto marka laga reebo dhawr nin oo sida daanyeerada qarar saaran kuwaasina waxa uga daba-tagaynaa buuraha ciidamada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay isu diyaarinayso guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraatka Carabta, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash iyo xubno ka tirsan Golahaas. Labada Guddoomiye ayaa si qota dheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, iskaashiga labada Dowladood shucuubtooda iyo sii adkaynta xiriirkaas, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka iyo wadatashiga labada dhinac ee ku aadan arrimaha dan-wadaagga labada dowladood, si looga gun-gaaro kaalinta wax ku ool ah ee diblomaasiyadda baarlamaanka, inta lagu guda jiro hoggaaminta iyo ka qayb galka hawlaha Baarlamaanka gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale labada guddoomiye ayaa xoojiyey muhiimadda xiiriirka, iskaashiga iyo aqoon iswaydaarsiga labada gole, iyadoo arrimahaas loo xilsaaray Guddiyada Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan, islamarkaana ay yeeshaan kulamo dhaxdooda ah oo lagu soo diyaarinayo qorshayaasha dhinacyada muhiimka ah ee ay labada Gole iska kaashan doonaan. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay shir sanadeedka nabadda ee PDRC ayaa waxa kale oo uu sheegay in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe. Deni ayaa waxa oo uu tilmaamay in Puntland diyaar u tahay in ay maal-geliso wada-hadallada uu ku dhowaaqay, kuwaas oo uu sharuud uga dhigay inay ka dhacaan fagaare ay marqaati ka tahay Soomaalida. “Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Saciid Deni. Sidoo kale waxa uu ka digay madaxweynaha Puntland in haddii xaaladda taagan wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay Somaliland, oo ayadu in ka badan 30 sanno ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, iyada oo ay meesha ka baxday wada-shaqeyntii dowliga aheyd ee labada heer, islamarkaana ay Puntland sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: DENI oo ku dhowaaqay wada-hadal iyo shuruud culus oo uu hordhigay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo kahor ku baaqay inay dadka Soomaaliyeed ka fogaadaan hadallada qabyaaladda ku dheehan tahay, kuwaas oo sii kala fogeynaya shacabka, faa’iidoona siinaya cadowga. Hadalka madaxweynaha ayaa daba socda kadib markii dad isaga ku xisaab ah ay qabiileeyeen difaaci dalka, kadibna ay ku hanjabeen inay xildhibaanno deegaan gaar ah metala guryahooda ugu dhici doonaan. Jawaab celintii ay dhinaca kale ka bixiyeen arrintaan ayaa buuq qabiil abuurtay. Fariinta madaxweynaha waxay aheyd baaq waxayna aheyd mid loo baahna, laakiin dad badan oo Soomaaliyeed ayaa kalmada madaxweynaha mid kale oo dhab agdhigtay. Qofka madaxda ah ee qabyaalad diidka ah waxaa laga rabaa inay taasi ka muuqato xukunkiisa iyo dhaqankiisa. Laba qabyaalad ayaa taalla Soomaaliya, mid waa midda afka ee ka socoto baraha bulshada, midna waa tan xukunka madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha khudbadiisa Jimcihii kuma soo hadal qaadin hab xukunkiisa qabyaaladeysan, waana iska indho tiray, wuxuuna taas bedelkeed aad uga hadlay qabyaaladda ka socoto baraha bulshada. Haddaba, Yaa daran qabyaaladda afka iyo midda qalinka? Dabcan ma jiraan wax ka daran in nidaamka dowliga ah lagu dhex faafiyo qabyaalad iyo eex, taas oo umadda Soomaaliyeed usii kala fogeynaysa si weyn. Qabiil iyo qabyaalad farqi ayaa u dhaxeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddo xileedkii hore lagu haystay, haddana lagu haystaa in aanay umadda Soomaaliyeed u sineyn oo reerkiisa hoose ku naas-nuujiyo xukunkii iyo dowladnimadii ka dhaxeysay umadda Soomaaliyeed. Qandaraasyada ay dowladdiisa bixisay illaa iyo hadda wuxuu madaxweynaha ku taxay reerkiisa hoose. Shaqaalihii ugu badnaa ee la qoray tan iyo markii uu xukunka kusoo laabtay wuxuu 80% siiyay reerkiisa hoose. Sidoo kale la-taliyeyaashi ugu badnaa ee madaxweynaha magacaabay waa isku dhari, ciidankii ugu badnaa ee waayahan uu qoreyna waxa uu ka qoray beeshiisa hoose, haddana isla madaxweynahaas ayaa dadka uga digaya qabyaalad. Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu iswaafajiyo ficilkiisa hoggaamineed iyo farriimihiisa. Dadka Soomaalidu hadda waxay soo gaareen marxalad aanay wax walba oo hadal ah sidiisa u qaadaneyn oo ay eegayaan waxa ka dhab ah ama hab-dhaqanka qofka hadlaya. Si ay dadka Soomaaliyeed dhab ugu qaatan hadalka madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu marka hore hakiyaa madaxweynaha hakiyaa qabyaalada iyo eexda ka dhex jirta dowladdiisa ayey leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee liqi waayey farriintii Jimcihii ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo dhinaca kale xogagaal u ah waxa ka dhex socda dowladdiisa. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkasta oo wax badan ka haleeyay dowladnimada Soomaaliya, haddana weligiis laguma eedeyn inuu yahay siyaasi reerkiisa u boobay dowladnimaddii umadda ka dhaxeysay. Soomaaliya waxay u baahan tahay inay shacabka qabyaaladda afka ah dhaafan, madaxduna qabyaaladda qalinka dhaafto. The post Xasan Sheekh: Ma isagaa dacwo iska ah mise? appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa war rasmi ah kasoo saartay hub iyo saanad ciidan oo shalay ay soo gaarsiisay magaalada Muqdisho. Masar ayaa xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah. “Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar. Sidoo kale waxaa qoraalka Masar lagu sheegay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah. Bayaanka Masar ayaa imanaya saacado un kadib markii uu dekedda Muqdisho kusoo xirtay markab dagaal oo siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan oo Masar ugu tala-gashay ciidamada xoogga dalka. Muddooyinkan dambe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo dhawaan un aheyd markii diyaarad ka timid Qaahira oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho. Hubka haatan laga soo dajiyay Muqdisho ee ka yimid Masar ayaa noqonayaa kii labaad, iyadoo kan shalay soo gaaray Soomaaliya uu yahay mid ka duwan kii hore marka loo eego noocyada uu ka kooban yahay oo ay ku jireen kuwo waaweyn. The post MASAR oo war rasmi ah kasoo saartay hubka ay shalay geysay XAMAR appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya uu u gefo dad Soomaaliyeed, uuna Soomalinimada ka saaro. Saciid Deni ayaa arrintan ku macneeyay khatar kale oo kusoo korortay Soomaaliya, isagoo dowladda Xasan Sheekh ku dhaliilay sida aysan illaa hadda tallaabo uga qaadin mas’uulka ka tirsan dowladdiisa ee u gefay beel Soomaaliyeed. “Waxaa soo kordhay dhaqan cusub oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo, waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay in aan tallaabo laga qaadin,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Waxa uu intaas kusii daray “Waa arrin ugub ah oo tallo u baahan, una baahan in kor loo sheego. Waxaan ku waafaqsanahay walwalka ay dad badan ka qabaan jihada Soomaaliya u socoto iyo Geeska Afrika. ” Sidoo kale waxa uu si weyn u dhaliilay hab hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo jihada ay Soomaaliya u socoto, oo uu sheegay inay tahay jiho khatar ah oo keeni karta meel aan laga soo kaban karin. “Waa jiho abuuri karta kala qeybsanaan bulsho uu Ilaahay siiyay waxkasta oo bini’aadam ku midoobo, hadey tahay luuqad, diin, isir iyo wax walba oo bini’aadam ku midoobi lahaayeen, haddana waxaa muuqaneysa in 30 sano bulshadaas isku keeni la’nahay oo ay kala fog tahay.” Dhawaan ayey aheyd markii agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali uu warbaahinta ka sheegay hadal ay si weyn uga caroodeen reer Koonfur Galbeed. Agaasimaha ayaa markaas ilmo Itoobiyaan ah ku tilmaamay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Galbeed, taas oo si weyn looga qeyliyay, maadaama ay tahay mid dhaawaceyso midnimada dalka. The post DENI oo dowladda Xasan ku eedeeyay inay raali ka tahay dhaqan aad u foolxun appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo masuuliyiin kala duwan. Ra’iisul wasaarah ayaa kulan muhiim ah la qaatay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak, kaasi oo isna New York uga qayb-galaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa waxay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirka uu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu kulan doceed la qaatay madaxweynaha golaha hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi. Kulan doceedka ayey ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uga wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen. Kukanka ayaa intii socday waxay labada masuul diirada ku saareen sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas. Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen. Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurta-gelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya. The post Xogta kulamo xasaasi ah oo R/W Xamza uu ka wado New York + Sawirro appeared first on Caasimada Online.