-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland police have destroyed WADDANI party offices in the Sahil region of Berbera. Reports indicate officers from Berbera took down the party’s flags and destroyed equipment within the offices. It is not clear why the officers attached to Berbera attacked the offices but this is another case of political intolerance being witnessed in Somaliland as the country heads towards the 2024 Presidential elections set for November 13. The party is accusing President Muse Bihi of instigating violence against opposition parties and individuals Source Somaliland reporter Qaran News
-
Xisbiga WADDANI oo la yaaban War laga Qariyay oo xalay ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland. “Waxaa la yaab ah in aannu warbaahinta ka ogaanno kulan lagu sheegay, in lagaga arrinsanayey difaaca qaran oo ay madaxtooyadu ku andacooto in aannu ka maqnaannay. Haba yaraato ee ma jiro wax martiqaad kulan ah oo aannu ka helnay madaxweynaha, iyo xitaa kulan aannu ka warqabnay in uu qabsoomayo. *Hal booli ahi, nirig xalaal ah ma dhasho*, ‘waa hubaal in shir been lagu agaasimay, aanu midho dhal noqon karin, waaba haddii marka hore midho laga sugayey ee’ WADDANI ajandihiisa Koowaad ee siyaasaddu, sida uu hore u caddeeyey, waa difaaca iyo ilaalinta qarannimada. Laakiin waxa uu aaminsanyahay in difaacu uu ku guulaysan karo oo keliya midaynta iyo walaalaynta umadda, taas oo ah ujeeddada ‘Socdaalka Walaaleeye’ ee ay hadda murashaxa iyo hoggaanka xisbigu ku marayaan dalka. Madaxweynihii midayn ummadeed laga sugayeyna waxa uu shaqada difaaca qaranka ka bilaabay, in uu sii qaybiyo intii ugu yarayd ee ay ahayd in ay talo-wadaag u noqdaan difaaca, kuwaas oo ay xisbiyada qaranku ugu horreeyaan. Ballanteennu waa Qaranka oo dib loo mideeyo, si uu isu difaaco.” WQ-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi. Qaran News
-
Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Yuusuf Cabdi Xasn (Sandheere )oo loo haysto kicin dadweyne iyo iska horkeenid bulsho, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Booliska. Ninkan oo maalmo ka hor si qabiilaysan uga hadlay kiiska eedeysane Sayid Cali Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisa, waxayna booliisku sheegeen in ay horgeyn doonaan maxkamad qaadidda galdacwadeedkiisa awood u leh. Sidoo kale booliisku waxay bulshada ka codsadeen inay la soo socadsiiyaan falkasta oo nabad-gelyada lid ku ah, ayagoo la xariiraya tirsiga Ciidanka ee ah 991 ama farriin sidaha @bolice.gov.so Source: goobjoog.com
-
Markab xamuul oo Masar ay leedahay ayaa xirmaddii labaad oo hub ah geeyey Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil millitari oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Markabka xamuulka ah ee ka yimid Masar ayaa billaabay dejinta hubkaasi, oo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters. Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka iyo hareeraha dekadda, iyadoo kolonyo baabuur ah ay hubka u qaadeen dhismaha wasaaradda gaashaandhigga iyo saldhigyo ciidan oo ku dhow, siday soo xigatay wakaaladda Reuters. Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo horay u kala saxiixday heshiis iskaashi millitari midna weli si rasmi ah ugama hadal hubkani oo ah shixnaddii labaad, oo ay Masar gayso Soomaaliya bil gudaheed. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo markab hub ah geysay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen tuulooyin dhowr oo dhaca Galbeedka Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool. Deegaanada ay ciidanku howlgallka ka sameyeen ayaa kala ah hiibow, Mey kooreebin, iyo bunka oo qiyaastii 20km u jira Magaalada Xuddur, dhinaca galbeedna uga beegan. Howlgalka waxaa hogaaminayey Taliyaha guutada 9-aad Gaashanle dhexe Yoonis aadan Xasan, iyadoo ujeedku ahaa in Alshabaab laga saaro goobaha ay ku suganyihiin ee deegaanada dhaca galbeedka magaalada Xuddur . Gobolka Bakool ayaa kamid ah meelaha ay si xoogga leh uga socdaan howlgallada ka dhanka ahaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga Dalku. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (HOL) – At least two people were killed and two others wounded in a clash between rival armed forces on the outskirts of Beledweyne town on Monday, local sources report. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia. Danjireyaasha causub ee Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah: 1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea 2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland 3. Julia Pataki, Safiirka Romania 4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain 5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland 6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan, isaga oo u sheegay Danjireyaasha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow la yeelato dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada. Safiirada cusub ayaa dhankooda tilmaamay in ay xooga saaridoonaan horumarinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia. Danjireyaasha causub ee Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah: 1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea 2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland 3. Julia Pataki, Safiirka Romania 4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain 5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland 6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan, isaga oo u sheegay Danjireyaasha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow la yeelato dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada. Safiirada cusub ayaa dhankooda tilmaamay in ay xooga saaridoonaan horumarinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalkaas. Danjire Maxamed Cali Nuur oo dhowaan la magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa la filayaa inuu ka shaqayn doono xoojinta xariirka labada dal oo aan wixii burburkii dalka ka dambeeyay firfircoonayn. Faransiiska ayaa kamid ah 5-ta dal ee codka diidmada qayaxan ku leh Qaramada Midoobay, gaar ahaan golaha ammaanka, Soomaaliya oo dhowaan golahaas ku biirtayna waxaa muhiim u ah inay xariir wanaagsan la yeelato dalalka dunida ugu saamaynta badan sida ay xeeldheereyaashu qabaan. Source: goobjoog.com
-
An Egyptian warship has delivered a second major cache of weaponry to Somalia including anti-aircraft guns and artillery, port and military officials said on Monday, in a move likely to stoke further friction between the two countries and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xiriirka cusub ee kooxda Al-Shabaab ay la yeelatay Xuutiyiinta Yemen. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay telefishanka Al-Carabiya ayaa shaaciyay walaacooda ku aadan iskaashiga cusub ee labada kooxood, kaas oo ku qotoma qalqal-galinta ammaanka gobolka. “Waxa jira xirriir adag oo ka dhaxeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, taasina waxay khatar ku tahay nabada gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu wasiirka ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xakameyso iskaashiga kooxahan, oo iyagu halis weyn ku ah amniga iyo degenaanshaha gobolka, sida uu sheegay. “Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay qaado tillaabadii ay wax uga qaban lahayd wadashaqaynta iyo heshiiska u dhaxeeya labada dhinac,” ayuu yiri Wasiir Kaahin. Wasiir Kaahin ayaa tilmaamay in Somaliland kaligeed mas’uuliyadi ka saarnayn ilaalinta nabad-gelyada marinnada badda cas, wuxuuna geesta kale caalamka ugu baaqay in ay door wayn ka qaatan xakamaynta dhaq-dhaqaaqyada khatarta ku ah ganacsiga gobolka. Xiriirka iskaashi ee kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen oo jiritaankiisa uu horey u xaqiijiyey Mareykanka, ayaa waxaa haatan isa-soo taraya walaaca laga qabo, iyada oo laga cabsi qabo in Xuutiyiinta ay Shabaab u daabulaan hub xooggan, xilli ay wajaheyso guluf culus oo iska kaashanayaan ciidanka Soomaaliya iyo shacabka hubeysan ee deegaanka. The post SOMALILAND oo ka walaacsan xiriir cusub oo Al-Shabaab ay la yeelatay… appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa soo saartay go’aan looga joojinayo isticmaalka bacaha dhammaan degaannada Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaradda degaanka Puntland ayaa lagu go’aamiyay joojinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha ee dhammaan degaannada Puntland. Qoraalka wasaaradda degaanka ayaa lagu caddeeyay laga bilaabo 22 bisha Sept. in laga joojiyay dhammaan-ba degaannada Puntland keenista, gadista iyo isticmaalka bacaha. Go’aankani oo lagu socod-siiyay dhammaan shirkadaha ganacsiga Puntland ayaa lagu sheegay mid ku salaysan ilaalinta degaanka waxaana shirkadaha laga dalbaday in ay keenaan badiil kale oo aan dhib ku ahayn degaanka. Halkaan ka akhriso go’aanka wasaaradda PUNTLAND POST The post Wasaaradda degaanka Puntland oo joojisay ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha appeared first on Puntland Post.
-
September sees multiple anniversaries of unsolved journalist killings Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysnaa in ay maalgalinayeen kooxda Shabaab islamarkaana ay dhaqaalo ugu aruurinayeen akoono ay u sameeyeen. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Aabahaan reerka, labadii Xaas ee uu qabay iyo Gabadhiisa lagu helay dambiga taageerada Shabaab. Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sano oo xariga ah iyo Labaatan Kun oo doollar. Faadumo Xasan Cusmaan oo Gabadhiisa ah ayaa lagu xukumay laba Sano ah xabsi ah. Xasno Aweys Qaasim oo aheyd Xaaskiisa ayaa lagu xukumay laba Sano oo xabsi. Aamino Cabdullaahi ABBA Nuur ayaa lagu xukumay laba Sano. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo sii hurineyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya, ayada oo xalay dekedda wayn ee Muqdisho kula wareegtay hub uu siday markab ay soo dirtay dowladda Masar. Hubka ayaa dekedda looga soo daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, waxaana la geeyay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar waxay sheegayaan in hubkan ay dowladda Masar siisay Soomaaliya, halka warar kalena ay ku warramayaa in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan. Hadda sidee looga falceliyay? Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa si siyaabo kala duwan uga falceliyay hubkan soo galay gudaha dalka, kadib markii muuqaalo la helay lagu baahiyay baraha bulshada. Inta badan shacabka ayaa walaac iyo walwal xoogleh ka muujiyay in dagaal uu ka qarxo Soomaaliya, isla markaana ay isku fara saaraan Itoobiya iyo Masar oo si weyn isku haya. Maxamuud Darwiish “Weli lama arag lamana maqalin madaxweyne ogolaanaya in shacabkiisa lagu dhex dagaalamo dalka Soomaaliya wuxu geli doonna dagaal aan loo fiirsanin”. Ibraahim Abuukar “Masar dadkeeda Soomaaliya way kala baxeysa, waxeyna diyaar u tahay inay la dagaalanto Itoobiya waxa meesha ku dhimanaayo waa Soomaali kaliya”. Maxamed Cabdikariin “Ethopia hub faqiireed ayey soo galineysa Somalia, halka masar ay hub culus soo galineyso”. Galad Cabdalle Cali “Saanad ciidan oo so dageyso wa qalad in ay shacabka arkaaan”. Daahir Daacad “Cadowga ayaa kula dagaalameynaa hubkaas ee dowladda halagu garab istaago”. Maxamed Cadde “Khatarta laga qabo in wadankaan dagaal ka qarxo waa sii kordheysaa maalinba maalinta ka dambeyso ee allow xasilooni noogu soo dabaal wadankeyna”. The post Shacabka oo walaac xoog leh ka muujiyay tallaabada dowladda qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay xaalad kacsanaan ah laga dareemay magaaladaasi oo ay indhowanahayaan isku hayaan ciidamada PSF iy sidoo kale hoggaanka sare ee Puntland. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa xalay lagu arkay bartamaha magaalada, kuwaas oo la soo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus oo dadka deegaanka ku beeray cabsi dagaal. Taliska qaynta booliska gobolka Bari oo war soo saaray ayaa sheegay in ciidamada ay ku jiraan kaliya howlahooda shaqo, isla markaana aysan jirin wax dhibaato. Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan Boosaaso islamarkaana ay xaaladda nabad-gelyada tahay mid deggan. “Ma jirto wax xiisad ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Waxaa kale oo warkan lagu xaqiijiyay in aysan jirin ciidamo hubeysan oo isku horfadhiyo bartamaha magaalada Boosaaso, ayna been abuur yihiin wararka la faafiyay. “Taliska Ciidan Booliska Gobolka Bari, waxa uu idiin xaqijiinayaa inaysan jirin wax ciidan ah oo wada Howl-gal gaar ah ama ciidamo is-horfidhiya” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Booliska Puntland ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ammaan darrida ah. “Dadka faafinaya wararka been abuurka ah waa kuwa ku sifoobay baahinta warar aan xaqiiq ahayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka magaalada Boosaso inay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka. Xaaladda kasoo cusboonaatay Boosaaso ayaa ka dhalatay kadib digniin culus oo ay soo saareen ciidanka PSF-ta oo sheegay in loo diiday isticmaalka garoonka Boosaaso. The post WAR cusub oo kasoo kordhay xaaladda Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas. Madaxweynaha Galmudug iyo safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo la-dagaallanka argagixisada iyo sidoo kale taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha. “Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay imaatinka Masar oo si toos ah usoo caga dhigtay gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka & Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda. Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay tahay dal xor ah, isla markaana cid kale aysan u daba fariisan doonin arrimaheeda gaarka ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka ay doonto ay la macaaleyso, ayna kasoo gudubtay marxaladdii wax loo meerin jiray sida uu hadalka u dhigay. “Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay iyadu leedahay go’aanka xulashada dalka ay la macaalimeyso, Masarna ay iyadu dooratay, sidaaasna ay ku timid Soomaaliya. “Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno. Gobanimo!” ayuu mar kale yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay dekedda Muqdisho uu soo gaaray markab siday hub culus oo ka yimid Masar, kaas oo baabuur waawayn looga soo daabulay, waxaana la geeyay wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale ee lagu kaydiyo hubka dowladda. Tallaabooyinkan ayaa sii hurinayo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyada oo haatan laga digayo in Soomaaliya ay ku dagaalamayaan dowladaha Itoobiya iyo Masar. The post DF oo war culus kasoo saartay imaatinka MASAR kadib hubkii ay lasoo degtay appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Somaliland, xilli dhawaan ay xukuumadda Somaliland xidhay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa. Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira. “Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tidhi safaaradda Masar ee Soomaaliya. Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaadhay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii January ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxeexeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya heshiis taariikhi ah. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Masar inay kasoo horjeedo madax-banaanideeda, kadib markii ay Masar heshiis difaac la saxiixatay Soomaaliya oo haatan ay is-hayaan Itoobiya. Source
-
Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeedha fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay Axaddii guddiga doorashada. Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa. Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaadhay doorashada. Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sanno ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran. Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka. Source
-
La taliyihii hore ee amniga raysal wasaaraha Itoobiya ahna agaasimihii Guud ee Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya, Redwan Hussien, ayaa ka dhawaajiyay Itoobiya in ayna doonayn deked, balse ay doonayaan inay bad helaan. Redwan Hussien ayaa aaminsan in Itoobiya mar hore lumisay fursad ay bad ku heli kartid, hase ahaatee, markaan wuxuu sheegay wax kaste haku qaadatee inay Itoobiya ka go’an tahay inay bad hesho “Waa inaan Bad helnaa ujeedkeena ma ahan Deked, wax kasta ay nagu qaadato waxaan luminay fursadeenii ugu horreysa xiligii Mililiq. Laakiin hadda nagama hoos bixi doonto,” ayuu yidhi Redwan Hussien Horraantii sannadkan ayaa wareysi laga qaaday sarkaalkan mar uu ahaa la taliyaha amniga ee raysal wasaare Abiy, wuxuu sheegay, in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla ogaayeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxeexay. Source