-
Content Count
213,026 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada muhiimka ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta amniga Soomaaliya kadib bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) iyo sidii ay iskaashi u wada samaysan lahayeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka tababarrada iyo qalabeynta ciidanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey xaallada dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka laga sameeyay gaar ahaan dhanka amniga iyo dagaalka lagula jiro Shabaab. Mr.Mathieu ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in Midowga Yurub ay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee la xiriira howlgallada xasillinta iyo amniga Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Israa’iil ayaa Qaramada Midoobay ku wargalisay warqad rasmi ah oo ay ku doonayso inay u jarto xariirka ay la leedahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA. Go’aankan ayaa dhaqan geli doonaa bilaha soo socda, waxana uu imanayaa xilli Israa’iil ay sanadkii labaad gumaad ku hayso dadka reer falastiin ee marinka Qasa, islamarkaana ay jartay halkii irid oo gargaarku u soo mari lahaa. Israa’iil ayaa taniyo markii uu billowday dagaalka Qasa si joogto ah u dhaleecaynaysay hadallada iyo go’aamada qaramada midoobe ee ku saabsan xaaladda Qasa, waxayna horay soo gelidda deegaannada ay maamusho uga mamnuucday xoghayaha guud ee Qaramada midoobe António Guterres. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa badankood aqbalay shirka wada-tashi ee dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ee Jubbaland. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland, iyadoo uu xildhibaannada casuumay 8-da bishaan. Xildhibaannadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay tagayaan Kismaayo, yna aqbaleen casuumaadda Axmed Madoobe, oo haatan is-hayaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuuf. In ka badan 40 Mudane ayuu qorshuhu yahay inay gaaraan Kismaayo, kuwaasi oo ka qeyb-galaya shirka wadatashiga ee ugu yeeray madaxweyne Axmed Madoobe, sida uu shaaciyay Xildhibaan Xasan Yare. “Waxaan rabaa in aan idin sheego in aan aqbalnay inaan aadno Kismaayo, waxaan u tageynana waa wada-tashi, waana la soconaa daruufaha siyaasadeed ee dalka marayo, Xildhibanada labada aqal ee baarlamaanka ku matala Jubaland waxa ay ka kooban yihiin 51, in kabadan 40 ayaa gaari doonto Jubbaland oo u diyaar ah inay gaari doonaan,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare. Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe uu ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday. Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan. Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dowlad-goboleedyada. Axmed Madoobd oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad-goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo. Si kastaba, tan ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu qaaday jidkii Saciid Deni oo horey u kala furteen dowladda dhexe, waxayna midaan cadaadiska siyaasadeedka ku kordhineysa ra’iisul wasaare Xamza oo isagu horey u lumiyay taageerada inta badan maamullada dalka. The post Maxay xildhibaanada BF ee Jubbaland ka yiraahdeen shirka wadatashi ee Axmed Madoobe? appeared first on Caasimada Online.
-
Muwaadin, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxa uu kuugu bushaaraynayaa in doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ay dhici doonto 13-ka November 2024, oo ay maalmo koobani inaga xigaan.Codkaagu waa muhiim, wuxuuna saameyn ku leeyahay jihada siyaasadda iyo horumarka mustaqbalka dalkaaga JSL. Si aad uga qaybqaadato doorashadan, fadlan samee qodobadan: 1) Hubi in aad haysato Kaadhkaagii Codbixinta. 2) Ogow goobta codbixinta ee aad ka dhiiban doonto codkaaga adiga oo garaacaya *318#. 3) Ku dhiirrigeli qoyskaaga iyo asxaabtaada inay doorashada ka qaybqaataan. 4) Ilaali nabadda iyo anshaxa xilliga doorashada. Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan la xidhiidh Xarunta Wicitaanka KDQ adiga oo garaacaya 318. Codkaagu Waa Mustaqbalkaaga. Mahadsanid. Fariinta Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo weli ku howlan xalinta xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sameeyay soo jeedin cusub. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa shaaciyay muhiimada ay leedahay in la aqoonsado madax-banaanida Soomaaliya, taas oo macnaheedu tahay in Itoobiya dib uga joogsato is-afgaradkii horaantii sanadkaan ay la gaartay Somaliland. Sidoo kale waxa uu muujiyay sida ay lagama maarmaa u tahay in Itoobiya ay hesho marin badeed, isagoo sheegay in dalkiisu uu ka shaqeynayo heshiis guud oo ku habboon labada dhinac. Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiis la gaaro uu u baahan yahay in shuruud la’aan ah loo aqoonsado madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayadoo intaas dheer tahay in baahida ay Itoobiya u qabto badda lagu gaaro hab nabadeed. “Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn oo ay ku nool yihiin dad aad u badan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin ganacsiga badda,” ayuu yiri Fidan oo sheegay in tani ka dhigeyso gelitaanka badda mid muhiim u ah danaha dhaqaale ee Itoobiya. Turkiga ayaa haatan dadaal badan ku bixinaya sidii labada dal u gaari lahaayeen heshiis, xilli ay fashilmeen wada-hadalladii u dambeeyay ee Turkiga uu garwadeenka ka ahaa. Ankara ayaa xaqiijisay in ay la shaqeynayaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrintaan, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro heshiis guud oo qanciya dhammaan dhinacyada oo ula jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya, si gobolka u noqdo mid xasiloon. Jabuuti ayaa dhawaan usoo bandhigtay Itoobiya deked ay si gaar ah u isticmaasho, taasi oo noqon doonta dekedda magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, islamarkaana leh waddo horay loo dhisay Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa diidaneyn in Itoobiya hesho deked ay isticmaasho, taas oo loo marayo sifo sharci ah, oo ka gedisan wadada ay hadda Itoobiya ku raadineyso dhul badeedka. The post Turkiga oo soo jeediyay in deked badeed la siiyo Itoobiya – Sidee? appeared first on Caasimada Online.
-
The Government of Somalia and Envoys in the country have now called for increased media safety. Source: Hiiraan Online
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Iran ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay muwaadin Yuhuudi ah, kaasi oo lagu helay dambi dil ah, sida uu sheegay urur aan dowli aheyn, xilli ay sare u sii kacayso xiisadda kala dhaxaysa Israa’iil. Arvin Ghahremani ayaa lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada galbeed ee Kermanshah kadib markii lagu helay dambi ah in uu dil gaystay intii uu socday gacan ka hadal, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Norway. “Ayadoo ay jirto halista dagaal ay la gasho Israa’iil, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay dil toogasho ah ku fulisay Arvin Ghahremani, oo ahaa muwaadin Yuhuudi ah oo Iran u dhashay,” ayuu yiri agaasimaha IHR Mahmood Amiry-Moghaddam, isaga oo intaa ku daray in kiis sharciyeedkan uu lahaa “cillado weyn”. “Si kastaba ha ahaatee, waxaa tani dheer, Arvin wuxuu ahaa Yuhuudi, islamarkaana nacaybka heer dowladeed ee ka dhanka ah Yuhuudda Iran ayaa shaki la’aan ah kaalin muhiim ah ka cayaaray fulinta xukunkiisa,” ayuu Amiry-Moghaddam ku daray. IHR waxa ay sheegtay in Ghahremani lagu eedeeyay in uu nin dilay intii uu socday gacan ka hadal ka dhacay Kermanshah laba sano ka hor. Balse waxa ay sheegtay in sida qoyskiisu ay sheegeen in lagu weeraray mindi, uuna isku difaacay hubkii uu watay. Hooyada Ghahremani, Sonya Saadati, waxay codsatay in naftiisa la badbaadiyo. Qoyskiisu waxa ay ku booriyeen qaraabada dhibbanaha in ay qaataan lacag diyo ah sida uu dhigayo sharciga Islaamiga Iran ee ciqaabta (qasaasidda), kaas oo ogolaanaya bedelkan. Shabakadda Mizan Online ee garsoorka Iran ayaa xaqiijisay xukunka Ghahremani, iyadoo sheegay in qoyska dhibbanaha ay “diideen inay aqbalaan” heshiiskan oo kale. Mizan, oo aan warbixinteeda ku xusin caqiidada Yuhuudda ee Ghahremani, ayaa sheegtay in gacan ka hadalka uu dhacay November 2022 sababo la xiriira khilaaf dhaqaale. Ghahremani ayaa toori ku dilay dhibbanaha. Qareenada eedaysanaha ayaa codsaday in dib loo maxkamadeeyo saddex jeer, balse codsi kasta waa la diiday, ayay raacisay. Mizan waxa ay sheegtay in Ghahremani uu ahaa 21 jir wakhtigii gacan ka hadalka. Si kastaba ha ahaatee IHR waxa ay sheegtay in uu ahaa 18 jir markaas, iyada oo warar kale ay sheegayaan in uu ahaa 20 ama 21 jir markii la dilayay. Sida ay sheegtay IHR, Iran waxaa ku soo badanaya dilalka, iyadoo ugu yaraan 654 qof la daldalay sanadkan oo ay ku jiraan 166 bishii October oo kaliya. Voa The post IRAN oo xukun dil ah ku fulisay muwaadin Yahuudi ah oo geystay… appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo Rasaas goos goos ah ayaa galabta laga maqlayaa jiidda degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer. Ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland oo Jimcihii ku dagaallamay inta u dhexaysa Shangeed iyo balliga Galgal ee nawaaxiga Qorilugud ayaa galabta is weydaarsanaya rasaas goos goos ah. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada labada dhinac ay samaynayaan dhaq dhaqaaqyo xooggan islamarkaana ay jiraan gurmadyo ciidan oo ku biiraya labada dhinac ee is hor fadhiya. Dagaalkii Jimcihii ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland oo kaashanaya mileeshiya-beeleedyo ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada SSC waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo Rasaas goos goos oo laga maqlayo jiidda Qorilugud appeared first on Puntland Post.
-
REPUBLIC OF SOMALILAND 4th November 2024 Declaration to Salvage the Country, by Somaliland Intellectuals The statehood and existence of the Republic of Somaliland were founded on the expressed will and aspiration of the people of Somaliland and on the basis of peace and the cohesion of the society. The people of Somaliland established a state based on consultations and a multiparty system to protect their solidarity. Since the declaration of the restoration of independence in 1991, the people of Somaliland have strived selflessly to build durable peace, sustainable development and unity. Unfortunately, in the last four years, Somaliland descended into insecurity, political instability, international isolation and economic collapse. For example, parts of our territory are no longer under the control of the government. It is self-evident that the people who used to unite behind one national army are now living in a situation where the weapons are falling into the hands of clans who are trying to fill the vacuum created by the government, reversing the nationalisation of arms and weapons amicably concluded in the 1990s. The current status of Somaliland’s peace and system of governance is an embarrassment and a grave concern to the people of Somaliland. The soaring inflation, unemployment, and weakened social services are of grave concern to Somaliland intellectuals and academics. The Somaliland intellectuals and academics, believe the incumbent president has divided the nation that was handed over to rule in December 2017. His return to power will not serve the interests of the Republic of Somaliland and will destroy the remaining social solidarity and the fragile system. Therefore, the academics and community leaders of Somaliland are under an obligation not to become bystanders, and they should play a meaningful role in salvaging Somaliland. Taking this into account, we, the undersigned intellectuals and academics of Somaliland and those who will join the declaration, who are inside and outside of the country, decided to wholeheartedly endorse Abdirahaman Mohamed Abdilahi (Irro) to be elected as the president of the republic of Somaliland to save Somaliland, unite its people and create a stable political environment that can permit dialogue. We call on the people of Somaliland to fully support presidential candidate Abdirahman Mohamed Abdilahi (Irro) and vote for him to save the country they dearly love. Victory rests with a united people. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa la sugayay tallaabo adag oo ay qaado Soomaaliya, maadaama ay Itoobiya ku xad-gudubtay qarannimadeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayay inay xirto safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, taas oo dad badan qabeen inay tahay tallaabada ugu adag ee ay ku muujin karto mowqifkeeda, balse wey ka baaqsatay. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo bixiyay wareysi cusub ayaa sheegay in sababta ka dambeysa arrintaan ay tahay in uusan si rasmi ah u go’in xiriirka labada dal, ayna weli safaaradda Soomaaliya ka furan tahay Addis Ababa. “Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa diblumaasiyiinteenna way jiraan,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaadan la’dahay go’aan rasmi ah oo lagu xirayo gabi ahaan safaaradda Itoobiya, waxa uuna sheegay in aan loo baahneyn caadifad, balse dowlada federaalka ay ku dhaqmeyso diblumaasiyad “Horta safiirka sida uu u baxay ayuu maqan yahay diblumaasiyiinta kale ee meesha joogay way joogaan, fasaxyo iyo dalalkooda si ikhtiyaar ah kuwa ugu maqan maahinee way ku qoran yihiin meesha” ayuu yiri wasiir Fiqi. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland ee dhabaha u xaarayay damaca badda, iyadoo caalamka ku dacweysay xukuumadda Abiy, oo ayadu qaadaay tallaabada qaras ka tuurnimada. The post Sababta ay Soomaaliya u qaadi la’dahay tallaabo adag oo ka dhan ah Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u ansixiyay qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 oo dhowaan ay golaha wasiiraddu meel-mariyeen. Miisaaniyaddan oo ah middii ugu badnayd abid ayaa gaaraysa $1,359,714,328, waxaa ogolaatay in la ansixiyo 172-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay. Miisaanadda dowladda iyo dakhliga gudaha ayaa sanadkan aad u kordhau sida uu horay u sheegay wasiirka maaliyaddu, waxaana qoondadan inteeda badan loo adeegsan doonaa arrimaha nabad-gelyada iyo hormarinta adeegyada. Source: goobjoog.com
-
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira Danjire Cali Cabdi Awaare. Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee XFS socdaalka uu ku tagay Masar waxaa ku wehliya Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeenta Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale). Wafdigaan ka socda Soomaaliya ayaa qayb galaya Madasha Duni Magaalaynta 12 aad (World Urban Forum 12) oo sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jamhuuriyadda Carbeed Masar. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hrageysa ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1,359,714,328. Sida uu ku dhowaaqay guddoonka baaralamaanka waxaa in la ansixiyo miisaaniyadda ogolaatay 172-Xildhibaan, 2 Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay. Intaas kadib waxaa hadalka qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Cabdiqafaar Xaange oo ka warbixiyay heerarka ay soo martay miisaaniyadda la meel-mariyay, wuxuuna sheegay in wasaaradda iyo guddiga maaliyadda ay qabteen shaqo adag. “Waxaan rabaa inaan halkan ka xuso inay miisaaniyaddaani ahayd miisaaniyadihii laga shaqeynayay kuwa waqtiga badan la geliyay” ayuu yiri wasiir ku xigeenku Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen miisaaniyadda dowladda ee 2025-ka. Waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay horumarka dakhliga gudaha, isaga oo tilmaamay sanadka soo socda wasaaradda laga rabo 72 milyan oo dheeri ah oo lagu fududeyn howlaha dowladda. “Guud ahaan baarlamaanka waan u mahadcelinayaa annaga wasaaradda maaliyadda waxaa dusha nagala saaray 70 milyan oo dheeri ah inaan soo saarno sanadka 2025 oo dowladda howlahadeeda ay ku socon doonto” ayuu mar kale yiri Cabdiqafaar Xaange. Hoos ka daawo Sawirrada:- The post Xildhibaanada labada Gole oo go’aan ka gaaray miisaaniyaddda DF ee 2025 + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaashane: ”The 1XBET contributes to capital flight from Somalia and is also causing family breakdowns.” Garowe (PP News Desk) — Puntland parliamentarians have raised concerns about the widespread use of the 1XBET app for betting in Puntland State, Somalia. Abdiqani Farah Dhaashane, an MP in the Puntland Parliament, called for measures to address unregulated online betting. “It has come to our attention that many young people are betting using the 1XBET app. This contributes to capital flight from Somalia and is also causing family breakdowns. Have telecommunications companies been asked what they could do about this issue?” said Dhaashane. 1XBET app is illegal in many countries. In response to the question regarding the 1XBET app, Mohamed Shandi, a member of the Cultural, Media, and Telecommunications Committee of the Puntland Parliament, stated that telecommunications companies claim they “are unable to stop 1XBET online betting.” Somali telecommunications companies claimed they “are unable to are unable to block 1XBET online betting.” Betting customers download the 1XBET app from either Google Play or the Apple Store. They use mobile money wallets from Golis Telecom, Hormuud Telecom, or Somtel to deposit money for betting on football results, including British Premier League matches, the European Champions League and casino games. “Only 1% of Somali customers use Mastercard,” a senior telecoms executive noted. Sergey Karshkov, the late founder of 1XBET. 1XBET was founded by Sergey Karshkov, a Russian national who passed away in Switzerland in 2023 due to “a medical mishap.” His company does not hold gambling licences in the UK, the USA and Australia. In 2020, the Puntland Post published a report on Kulan Sports, an online betting app that used mobile money wallets from telecommunications companies in Somali to process betting transactions. Kulan Sports ceased operations after Hormuud, Golis and Somtel stopped facilitating betting transactions for the app. © Puntland Post, 2024 The post An Illegal Gambling App “Contributes to Capital Flight and Family Breakdown in Somalia” appeared first on Puntland Post.
-
Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliga ah, Cabdi Nageeye, oo metala dalka Netherlands, ayaa xalay ku guuleystay tartanka marathon-ka ee caanka ah, kaas oo lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Nageeye ayaa si layaab leh uga adkaaday ciyaaryahanka reer Kenya, Evans Chebet, oo galay kaalinta labaad, kaas oo 2020-kii ku guuleystay tartankan. Wuxuu bandhigay mid ka mid ah orodadiisii ugu awoodda badnaa abid, isagoo ku dhammeeyay tartanka laba saacadood, toddobo daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi. Daqiiqadihii u dambeeyay ayuu Nageeye ku orday xawaare aad u sareeya, taasoo ka yaabisay dadkii daawanayay tartanka. Dhanka gabdhaha, Sheila Chepkirui oo ah 33 jir u dhalatay dalka Kenya ayaa ku guuleysatay qaybta dumarka, iyadoo ku dhammeysay orodka 2 saacadood, 24 daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi. ku dhammeysay orodka 2 saacadood, 24 daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi. Source: goobjoog.com
-
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa kulan muhiim ah magaalada Burco kula yeeshay Madaxa UK ee Somaliland Ilyas Malek iyo saraakiil kale oo ka socday safaaradda UK. Kulankan ayaa waxa sida oo kale ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socday hay’adda NIMD & qayb ka mid ah ururrada sida SOYDAVO, SONYO, iyo YEEL oo Komishanka kala shaqeeya dhinaca wacyigelinta cod-bixiyayaasha, kuwaas oo todobaadadii u dambeeyey ku hawlanaa wacyigelinta cod-bixiyayaasha Gobolka Togdheer. Source
-
Opposition party Waddani and Kaah political organization are working together to bring peace in the volatile regions of the Buhodle district and Qorilugud. Political leaders from the Waddani and Kaah have in the recent past been playing a role in supporting a dialogue between the traditional elders from the Buhodle district and Qorilugud, contributing significantly to de-escalation efforts Waddani is concerned about the recent heavy fighting which erupted on Friday between the armed groups from the Sool clan clan named SSC (Sool Sanaag & Cayn) and Habarje’lo clan by the name SSB (Sool Sanaag & Buhoodle) in the Qorilugud area near Buhodle District of the Togdheer region which resulted in dozens of deaths and numerous other casualties, leaving a profound impact on the community. Howeve, since a team from Waddani party toured the region, the area has experienced an unexpected calm thanks to direct conversations between traditional elders and business leaders from both sides, who stepped in to intervene and halt the violence. The cooperation and respect of these elders within their communities have proven instrumental in stopping the fighting. Effort by the Waddani pary to reach out to King Mohamud Aw Osman aka Buurmadow (Black Mountain) who is very influential and from Habarje’lo clan has calmed the situation. He is expected to join the traditional leaders and make positive impact in containing further violence. However, the government is not happy with these efforts to bring peace to create instability during the electoral period and is expected to use the military to escalate the conflict, mainly with the intention to confuse the election which is has performed weaker than the opposition so far. Political leaders from the Waddani and Kaah parties have played a crucial role in supporting a dialogue between the traditional elders from the Buhodle district and Qorilugud, contributing significantly to de-escalation efforts. Through persistent negotiations and strategic interventions, these political figures push for the discussion channels to be open to prevent further conflict. The immediate outcome has been promising, as peace has held for two consecutive days, a notable reprieve after such intense fighting. However, groups from both sides are willing to escalate and start a fresh conflict. Further, the Somaliland government is accusing the Somali government and other terrorist groups of backing the SSC armed group which is a sign of escalation yet the government’s involvement in broader peace efforts has been minimal, while the traditional elders and opposition political leaders are carrying the burden of restoring peace and de-escalation. There are also curious events within government especially the replacement of Somaliland Qorilugud military base commander from Col. Qasaali to another colonel who is the nephew of interior Minister Kahin. According to military sources, Kahin was not happy with how Col. Qasali handled the war in the region, as he welcomed and listened to traditional elders who have called for de-escalation Somaliland Reporter Qaran News