-
Content Count
213,042 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay dishay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ku sugnaa magaalada Buuhoodle. Ninkan oo Somaliland ay magaciisa ku sheegtay Cabdiqani Sulub, ayaa waxay sheegtay inuu ahaa taliyaha labaad ee xero ay kooxda Al-Shababa ku leedahay Buuhoodle. Sida ay sheegtay Somaliland ninkaan ayaa waxaa lagu dilay dagaalkii u dambeeyay ee toddobaadkan ka dhacay aagga Sool. Arrintan ayay ku shaacisay Somaliland qoraal ay kasoo saartay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Sool, iyadoo oo ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay gadaal ka riixayso dagaalamayaal ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo ciidamada SSC-Khaatumo. Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarkan uu yahay isku day lagu doonayo in lagu carqaladeynayo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 13-ka Noofembar 2024. Horay maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa ku eedeyeyey ciidammada Somaliland inay soo weerareen saldhigyo ay ku leeyihiin degmada Buuhoodle. SSC-Khaatumo ayaa ku tilmaamay weerarkan mid loogu tala-galay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida ka hanaqaaday gobolkaasi. Tan ayaa imaneysa xilli ay habeen hore dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay baaq nabadeed ay ku wargelinayso dhinacyada colaadda ka dhex taagan tahay inay joojiyaan dagaalka. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku boorrisay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhammaan bulshada inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadaha iyo xasilloonida degaannada ay dirirtu ka jirto. 1-dii bishaan ayey ahayd markii dagaal u dhaxeeya maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo uu ka dhacay deegaano miyi ah oo hoosyimaada degmada Buuhoodle. Waxaa dagaalkaas ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Labada dhinac ayaa lagu eedeynayaa inay dabada ka riixayaan colaadda, iyadoo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka kala tirsan labada dhinac ay qeyb ka yihiin colaadda. The post Somaliland oo sheegtay inay dishay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo ku sugnaa… appeared first on Caasimada Online.
-
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, oo booqasho ku timid dalka. Raiisul Wasaaraha iyo Raiisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah, howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha la taaban karo ee dowladdu ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka cilmi barista Haritage ayaa Sabtidi shalay soo saaray, warbixin uu diiradda ku saaray xaaladaha siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan natiijooyini dhawaan kasoo baxay shirki Golaha Wadatashiga Qaran. Warbixinta ayaa saluugtay ka maqnaansha Puntland iyo Jubaland ee muddadii uu socday kulankii u dambeeyay ee madaxda sare ee dalka. Hoos ka aqriso warbixinta Haritage oo dhameystiran; Go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka 30-kii, Oktoober 2024, ayaa dood weyn oo culus ka dhex dhaliyay hormuudka siyaasadda dalka. Go’aamadan ayaa taabanaya arrimo xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee heer faderaal iyo heer dowlad goboleedba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaba, kuna adkaysanaya, in dalka laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah ayaa ah ayaa dooddan xuddun u ah. Mabda’an, doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu ka turjumayaa rabitaanka inta badan ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u hanqal taagaya in ay ka gudbaan nidaamka doorashada dadban taas oo ragaadisay doorashooyinkii dhowaan dalka ka qabsoomay. Doorashooyinka dadban waxa si weyn u saameeya musuq-maasuq iyo nin jeclaysi ay ku kacaan hoggaamiyeyaasha faderalka iyo dowlad goboleedyaduba, kuwaas oo keena xasilooni darro siyaasadeed iyo niyadjab baahsan. Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u xasuustaan jaahwareerkii iyo qalalaasihii siyaasadeed ee 2016/2017 iyo kii 2021/2022, xilliyadaas oo ay doorashooyinkii dhacay ku suntanaayeen ku shubasho, faragalin iyo musuq-maasuq baahsan. Qaran uu hareeyay degenaansho la’aan siyaasadeed tan iyo doorashooyinkii musuqmaasuqa ba’naa ee dhacay 1969-kii, oo uu ka dhashay afgambigii militariga, in lagu soo dabbaalo doorashooyin qof iyo cod ahi waa yididiilo iyo rajo dimuqraaddiyadeed oo Soomaaliya gaadhitaankeeda u halgamayso, balse ka miradhalinteedu u baahan tahay feejignaan dheeraad ah. Aragtida ku salaysan doorashooyin qof iyo cod ah, oo ay wehilso siyaasad ku dhisan xisbiyo siyaasadeed salka ku haya tartan fikradeed, ayaa ah mid ay dadka Soomaaliyeed ku helayaan fursad ay ku kala xushaan, kulana xisaabtamaan madaxdooda. Aragti ahaan, in loo guuro mabaadi’da dimuqraaddiyaddu waa arrin ay soo dhowaynayaan dhammaan dadka doorka ku leh siyaasadda Soomaaliya. Laakiin, in kastoo ay tahay arrin soo jiidasho leh, in badan oo ka mid ah mawaadiniinta iyo dadka doorka siyaasadeed lihi shaki weyn ayay ka qabaan ujeeddooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo weliba awoodda uu u leeyahay in uu fuliyo ballanqaadka doorashooyin qof iyo cod ah, marka loo eego sababahan soo socda: Tan koowaad, Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka (marka laga reebo Puntland), ayaa 2023 sameeyay ballan kan la mid ah, isaga oo sheegay in doorashooyin qof iyo cod ah lagu soo dooran doono golayaasha deegaanka ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo dhicitaankooda loo qoondeeyay 2024; balse waa uu ku guuldarreystay fulinta ballanqaadkaas. Taasi waxa ay sabab u noqotay in dad badani su’aal galiyaan sida uu madaxweynuhu uga *****n karo ballanqaadkiisan cusub. Tan labaad, madaxweynuhu waxa uu heshiiskan la galay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo uu muddo-xileedkoodu dhammaaday sannad ka hor. Hoggaamiyeyaashan ayaa cimri-dherer siyaasadeed ka dhex arka dibudhaca doorashooyinka ee soo noqnoqday, maadaama muddo-kororsigu u suuragalinayo in ay sii haystaan xilal aan lagula xisaabtamin ama aan sharci ku dhisnayn. Soomaali badan ayaan liqi karin in sannad kale loo kordhiyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, taasina waxa ay kor u qaadday shakiga laga qabo sida ay madaxda madashu u hir-galin karaan doorasho qof iyo cod ah oo dhab ah. Tan saddexaad, ballanqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ku saabsan doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu noqon lahaa mid lagu kalsoonaan karo haddii uu ku guulaysan lahaa in uu gobolka Benaadir ka hirgaliyo doorasho deegaan oo qof iyo cod ah, maadaama ay tahay gobolka kaliya ee ay si buuxda u xukunto dowladda faderaalku. In kasta oo ay jiraan ballanqaadyo soo noqnoqday, oo markasta bura, haddana ku dhowaad saddex milyan oo qof oo deggan gobolka Benaadir ayaa weli ku hoos jira maamul kor laga soo magacaabay, taas oo duudsiday xuquuqdoodii ay u lahaayeen doorashada hoggaamiyayaashooda. Ballanqaadyadaas aan la fulin ayaa shaki weyn gelinaya in uu madaxweynuhu ka dhabeeyn doono qabashada doorashooyin qaran oo qof iyo cod ah, sababta oo ah waxa muuqda isdiiddooyin u dhaxeeya hadalka iyo ficilka. Tan afaraad, abaabulka doorashooyinka qof iyo codka ah ee soo cusboonaaday, ayada oo la dhaafay bartamihii muddo-xildeedka madaxwaynaha, ayaa sii xoojiyey oo kaliya shakiga u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda. Dad badan ayaa ka walaacsan in ay arrintani noqon karto xeelad siyaasadeed oo uu madaxweynuhu muddo-xileedka ku kororsanayo marka ay ka dhamaanto afarta sano, taas oo la mid ah isku daygii madaxweynihii isaga ka horreeyay sanadkii 2021. Isku daygaas ayaa horseeday iska hor-imaadyo rabshado wata oo ka dhacay Muqdisho, taas oo muujisay cawaaqibxumada ka dhalan karta doorashooyinka sida xun loo maamulo. Tan shanaad, caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka *****nta doorashooyin qof iyo cod ah, waa maqnaanshaha laba gobol ee xubnaha ka ah dowladda faderaalka oo kala ah Puntland iyo Jubbaland, oo uu weliba weheliyo maamulka dhowaan la aqoonaday ee SSC-Khaatumo. Bulsho aad u kala qaybsan, wadajirka iyo wadar-oggolku waa u lafdhabar, sidaas darteed doorasho kasta oo la doonayo in lagu qanco waxa ay u baahan tahay in ay qayb ka noqdaan gobollada maqan iyo siyaasiyiinta mucaarku. Haddii aanay heshiis ku ahayn daneeyayaasha siyaasaddu, oo ay ku jiraan mucaaradku, helis weyn ayaa ku gadaamnaan karta sharcinimada doorashooyinka qof iyo cod ah. Marka loo eego caqabadahan, madmadow badan ayaa ku gadaaman dooraashooyinka qof iyo cod ah ee ku qabsooma jawiga siyaasadeed ee hadda jira. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan ku dhawaaqay in uu gogol turxaanbixin ah u dhigayo dowlad goboleedyada fikirkan ka soo horjeeda ayaa ah tallaabo wanaagsan. Tallaabadani waxa ay abuuraysaa rejo wanaagsan oo weli suuragalin karta in is-afgarad iyo dhab-u-heshiin siyaasadeed laga gaaro doorashada soo socota. Hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa ku gudboon in ay soo dhaweeyaan gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay, oo ay dib ugu soo biiraan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyaga oo qiimaynaya danta midnimada qaranka. Sida oo kale, waa in uu Madaxweyne Xasan Sheekh muujiyaa dabacsanaan iyo xilkasnimo hoggaamineed, isaga oo u tanaasulaya, isla markaana tixgelinaya tabashooyinka dowlad goboleedyada maqan iyo kooxaha mucaaradka. Ruuxdaas wadashaqayneed waa jidkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh laftiisu u ololaynayay markii uu ahaa hogaamiye mucaarad ah sannadihii 2021 iyo 2022. Si hore loogu tallaabsado, waxa ay talooyinkan soo socda tibaaxayaan jidka loo mari karo hannaan doorasho oo xasilloon, loo dhan yahay, islamarkaana lagu kalsoonaan karo: 1. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: In la sameeyo hannaan doorasho oo ay heshiis ku yihiin dowladda faderaalka, dawladaha xubnaha ka ah federaalka, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Hannaanka noocan ahi waxa uu horseedayaa aasaas waara loo dhigo doorashooyinka 2026, wuxuuna kobcinayaa midnimo qaran. Degdegga iyo meel soke wax ka raadinta waxaa laga dhaxlayaa kala qaybsanaanta iyo kalsooni darroda oo sii xoogeysta. 2. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: Hufnaanta hannaanka doorashadu waa lama huraan. Iyada oo aan loo eegin in doorashadu tahay mid toos ah ama mid dadban, hannaan doorasho hufan oo caddaalad ahi waa inuu Meesha ka saaraa dhaqannadii musuqmaasuqa, isla markaana dammaanad qaadaya islaxisaabtan. Xarumo dhawr ah, oo uu ka mid yahay machadka Heritage, ayaa soo bandhigay hannaano doorasho macquula ah, lana hirgelin karo, kuwaas oo horseedi kara hab doorasho hufan, oo lagu kalsoonaan karo, taas oo ay habboon tahay in ay dowladda faderaalku dhaqangaliso. 3. In Midnimada Qaranka laga hormariyo danaha siyaasadeed ee muddada dhow: Madaxda Soomaalidu waa in ay damacooda shaqsiga ah ka horraysiiyaan xasilloonida qaranka. Ma jiro hoggaamiye Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo keligii rabitaankiisa ku jujuubi kara qaranka; hoggaamin dhab ah ee Soomaaliya waxa ay u baahan tahay isu-tanaasul, wadaxaajood, iyo ku mitid xukun la wadaago. Ugu danbayn, madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu waa in ay mudnaanta siiyaan hufnaanta iyo xalaalnimada doorashada, marka loo barbardhigo nooca doorashada. Ama halla hirgeliyo doorasho toos ah ama mid dadbane, jidka kaliya ee lagu soo noolayn karo kalsoonida shacabku waa in Soomaaliya laga hirgaliyo doorasho caddaalad ah oo ka madax bannaan talo-marooqsiga iyo musuqa madaxda federalka iyo kuwa goboladda, taas ayaana lagu gaari karaa nidaam dimuqraadiyadeed iyo mustaqbal siyaasadeed oo xasilloon. In dalka oo dhan laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah ayaa lafdhabar u ah guusha safarka doorashooyinka Soomaaliya. Hirgelinta doorasho hufan loona dhan yahay, ayaa ah rejada ugu wanaagsan ee ay Soomaaliya ku gaari karto nabad waarta iyo mustaqbal hagaagsan. Ka *****tna iyo xaqiijinta riyadaasi waa masuuliyad saaran dhammaan hoggaanka siyaasadda Soomaaliya. The post Go’aanka golaha wadatashiga iyo cawaaqibka siyaasadda mustaqbalka dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Qorsheynta, C/rashiid Jire, oo ka soo jeeda Jubbaland, ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay istiqaaladiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isaga oo iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda. C/rashiid Jire waxa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada, waxaana uu horey uga mid noqday shaqsiyaadka Jubbaland ugu soo biiray xukuumadda si ay u matalaan deegaannadaas. Dhowr Wasaaradood ayuu soo qabtay Wasaaraddaha Jubbaland ka hor inta uusan usoo dalacin heer federaal. C/rashiid Jire ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana uu door weyn ku lahaa matalaadda siyaasadda Jubbaland ee heer federaal. Xiriirkiisa gaarka ah iyo wada shaqeynta dhow ee uu la leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo waramaya in ay sabab u tahay iscasilaaddiisa. Waxaa uu sidoo kale jiray in khilaaf oo ka dhex jiray Wasiiru Dowlaha iyo Wasiirka Wasaaradda. Ninkaan ayaa ka mid ahaa Xubnihii ugu horreeyay ka mid noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb-galay xarig jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka. Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay taliska ciidanka xoogga dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay dowladnimadda Soomaaliyeed. Waxa uuna bogaadiyay howl-galada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray. Ugu dambeyn ku-simaha madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka. Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xooga dalka, waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka, taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha xerada tababarka ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale. Si kastaba, xaruntan ayaa ah mid heer sare ah oo taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed uu hadda kadib ku howl-gali doono. The post Sawirro: Ciidanka dhulka oo maanta yeeshay xarun cusub oo heer sare ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Jire Qalinle oo ka soo jeeda Jubaland ayaa Maanta iska casilay Xilkaasi. Qoraal Rasmi ah oo uu u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayuu ku caddeeyay Cabdirashiid Jire Qalinle in uu iska casilay Xilkii Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Cabdirashiid Jire ayaa ku sababeeyay is casilaaddiisa in dowladda Soomaaliya ee hadda Talada haysa si gaar ah u takoorayso Maamullada Puntland, Jubaland iyo SSC-khaatumo islamarkaana ka abuurayso colaado iyo xasilooni-darro siyaasadeed. Dowladda Xasan Sheekh ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay ka been-sheegtay Hal-ku-dhigii ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la’ ah” waxaana uu sheegay in Soomaaliya ka gashay dagaallo Sokeeye iyo Kala tag bulsho. Halkaan ka akhriso Qoraalka Is casilaadda PUNTLAND POST The post Cabdirashiid Jire Qalinle: Waxaan isu casilay colaadda Villa Somalia ka hurinayso Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Weerar hoobiyeyaal ah ayaa ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhowr Hoobiye oo laga soo riday meel ka baxsan gudaha xerada ayaa ku dhacay. Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalliin xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Dadka goob joogga ahaa ayaa soo wariyay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka. Amniga Gudaha Xerada ayaa si weyn loo adkeeyay. kooxda Shabaab ayaa dhowr mar weeraro noocaan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha golaha shacabka, ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb-galay xarig ka jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay Dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray. Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka. Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha Xerada Tababarka Ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale. Source: goobjoog.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Israa’iil “waxaa hubaal ah inay heli doonaan jawaab celin xun”, ayuu yiri hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, ka dib weerar ay Israa’iil ku qaadday Iran toddobaad ka hor. Ayatollah Ali Khamenei, ayaa hadalkan u sheegay isagoo la hadlayey arday sabtidii ka hor sanad guuradii 45-aad ee ka soo wareegtay markii la weeraray safaarada Maraykanka ee Tahran sanadkii 1979-kii Hanjabaada ayaa imaanaysa iyadoo Iran ay qiimeyneyso haddii iyo sida laga yeelayo weerarkii Israa’iil ee bishii hore. Iran ayaa sheegtay in weerarkaas looga dilay afar askari kaas oo aargoosi u ahaa gantaallo ay Iran ku weerartay Israa’iil horraantii Oktoobar. Weerarka Iran ayaa jawaab u ahaa dilka hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas – kooxaha hubaysan ee Iran taageerto ee dagaalka kula jira Israa’iil iyo taliye sare oo Iran ah. Khamenei, waxa uu sheegay in cadawga Iran, oo ay ku jiraan Israa’iil iyo Maraykanka, “hubaashii ay heli doonaan jawaab adag oo ku saabsan waxa ay ku hayaan Iran, dadka Iran, iyo kooxaha iska caabinta”. Iran waxa loogu yeero “ dhidibka wax iska caabinta” waa isbaheysiga kooxaha ay taageerto Tehraan oo ay ka mid yihiin Xamaas ee Qasa, Xisbullahee Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen, iyo kooxaha sida fiican u hubaysan ee Ciraaq iyo Suuriya. Badi waxa ay dawladaha reer galbeedka qaarkood u aqoonsadeen inay yihiin ururo argagixiso. Israa’iil ayaa la sheegay in ay burbur xooggan u geysatay difaaca hawada Iran iyo awoodda gantaallada weerarkeeda 26-kii Oktoobar, inkastoo Iran aysan arrintaas qiran. Israa’iil ayaa Iran u aragta in ay tahay taageeraha muhiimka ah ee weerarrada Xamaas ee lagu dilay 1,200 oo qof 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. In ka badan 250 ayaa sidoo kale loo qafaashay Marinka Qasa iyagoo afduub ahaan halkaasi loogu haysto. Wixii markaas ka dambeeyay Israa’iil waxay Qasa ka billowday howlgal ballaaran, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 43,300 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas oo ay maamusho Xamaas. Israa’iil ayaa sidoo kale bishii Sebtembar ee sannadkan qaaday weerar ka dhan ah ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib muddo sannad ku dhow oo ay dagaallo ka socdeen xuduudda, kuwaasoo ay Xisbullah billaabeen inay ku taageerto Falastiiniyiinta maalin kaddib weerarrada Xamaas. Israa’iil waxay sheegtay inay doonayso inay xaqiijiso inay si nabad ah ku soo laabteen tobanaan kun oo qof oo ka barakacay waqooyiga Israa’iil dib colaada halkaasi ka oogan. In ka badan 2,800 oo qof ayaa lagu dilay Lubnaan tan iyo markaas, 1.2 milyan oo kalena waa ay barakaceen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan. Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in in ka badan 60 qof ay ku dhinteen weerrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada Hezbollah ee waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan ee la haysto. Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa ku laabtay Bariga Dhexe si ay isugu dayaan in ay xabbad joojin ka dhex dhaliyaan Israa’iil iyo Xisbullah ee Lubnaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wada xaajoodyadu ay “horumar wanaagsan” sameeyeen Khamiistii heshiis suurtagal ah. Brett McGurk oo ah isku duwaha bariga dhexe ee madaxweyne Biden iyo Amos Hochstein oo hormuud ka ahaa wada xaajoodka khilaafka Xisbullah ayaa gaaray Israa’iil inkasta oo Maraykanku hadda ku jiro doorashada madaxtinimada oo dalkaasi ka dhacaysa bilowga Bishan Nofember. Tan iyo markii ay colaaddu sii korortay shan toddobaad ka hor, Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah oo baahsan ka wadda guud ahaan Lubnaan iyo duullaan dhanka dhulka ah oo ay ku qaadday deegaannada u dhow xadka. Isha: BBC The post Hoggaamiyaha IRAN oo hanjabaad culus u direy Israel iyo Mareykanka – Muxuu ku goodiyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Howlgal ay ka fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu guuleystay in lagu dilo ilaa 27 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Shabaab. Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan. Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey ayaa lala beegsaday kooxo argagixiso ah oo shabaab kasoo ururiyeen deegaanno kala duwan si ay u fuliyaan falal waxyeelo u leh shacabka Soomaaliyeed. Intii uu socday howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyey gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay wateen Shabaab. Ciidamada NISA ayaa xaqiijiyey in howlgalkan uu kusoo dhammaaday guul, iyaga oo ku guuleystay in ay ka hortagaan khatarta kooxda ee qorsheynayay inay dhibaatooyin u geystaan dadka rayidka ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si faah-faahsan uga hadlay howlgallada xoreynta ee dalka ka socda, isla markaana ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabad xarrig jarayay dhismaha cusub ee xarunta Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in guullo waa wayn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, welina uu sii socdo gulufka ka dhanka ah kooxdaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladu ay sii socon doonaan, isaga oo sheegay in waqti dhow uu jab culus oo lama filaan ah ku dhici doono Khawaarijta. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale digniin u diray dadka rayidka ah ee jooga deegaannada Al-Shabaab, wxuuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan aaggooda. “Waqti dhow wax weyn oo aadan filanayn ayaa ku dhici doonna Al-Shabaab ee shacabkow ka fogaada” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Duqeymaha ayuu sidoo kale tilmaamay inay sii socon doonaan, ujeedkana waxa uu tilmaamay inuu yahay in lagu naafeeyo Khawaarijta. “Waxa aad ogtihiin dagaal in lagu jiro, Shabaab iyo innaga waxa aan xabbad ahayn in aysan naga dhaxeyn, Waxa aad ogtihiin in uu Madaxweynaha ku baaqay dagaal cir & dhul ah laga weerari doonno, haddana waxaa la arkay dad Shacab ah oo leh Shabaab wixii lagu duqeeyay ayaa wax naga soo gaaray baa la arkay” Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo ka dhan ah Shabaab, waxaana barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu taageerayo ciidamada. The post Wasiirka Difaaca: Waqti dhow wax weyn oo aadan filaneyn ayaa ku dhici doona… appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka shaacisay in ay hawlgal ku dishay ilaa 27 xubnood oo ka tirsan Mileeshiyaadka Al-shabaab. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda NISA ayay ku sheegtay in Hawlgalka oo ay ka fulisay degaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale oo shabaab ah. “Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayay sheegtay NISA. Hawlgalkaasi oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay wateen Mileeshiyaadka al-shabaab sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka aoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ee NISA. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo shaaciyay in ay hawlgal ku dileen Horjoogayaal iyo Mileeshiyaad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — The Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) announced a major success in its counterterrorism campaign, reporting the elimination of 27 Al-Shabaab operatives during a targeted 12-hour operation in the Yaaqle area of Middle Shabelle. The mission, which targeted a gathering point for the insurgency group, included senior commanders among those killed. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in awoodda ciidan ee Soomaaliya ay si fudud u baabi’in karto cadow kasta oo dalku leeyahay. Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad muqdisho ka dhacday ayaa sheegay in cududdda ciidan ee soomaaliya ay hadda tahay mid laysku halayn karo, islamarkaana cadow walba loogu babac dhigi karo. Hadalka Taliye Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa imaanaya xilli Itoobiya ay hadda ku suntantahay cadowga koobaad ee Soomaaliya, islamarkaana dhiggiisa dalkaasi uu dhowr mar horay u sheegay in Soomaaliya aysan lahayn cudud milari oo xittaa caasimadda Muqdisho ay ku difaacdo, iskaba daa inay Itoobiya hawaysatee. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si lama filaan ah uga hadlay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorasho qof iyo cod ah, kaas oo dhaliyay muran siyaasadeed oo xooggan. Islow ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna soo dhaweeyay qorshihiisa ku aadan in dalka la gaarsiiyo qof iyo cod, isaga oo shacabka ugu baaqay inay garab siiyaan dowladdooda. “Waxay ila tahay in ‘Doorashada QOF IYO COD’ aysan ahayn wax la isku khilaafo oo mucaarad iyo muxaafid loogu qeybsamo. Dhammaanteen waa inaan taageernaa oo dowladda ku garab istaagnaa sidii Dadku u dooran lahaayeen Madaxdooda” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu u jawaabay siyaasiyiinta ka horyimid go’aanka dowladda, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay inay u dhaqmaan sida in la joogo oo kale xilliga doorashada oo ku asteysan sanadka 2026-ka. “Ilama ahayn in iyadoo Sanad iyo Bar ka harsan tahay muddo xileedka Dowladda, ay xilligan soo bixi doonaan Siyaasiyiin iyo Musharixiin hore oo u dhaqmaya sida in la joogo 2026” ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Iima muuqato weli in Siyaasiga Soomaaliyeed uu ka koray fashilinta dowlad kasta oo aanu isaga ka mid ahayn”. Ugu dambeyntii wuxuu farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu tilmaamay in laga rabo inuu ka shaqeeyo in doorashada ay noqoto wadar ogol, loona baahan yahay inuu raadiyo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo diiday qorshaha dowladda dhexe. “Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud waxaa looga fadhiya inuu dib u raadiyo Maamul Goboleedyada maqan, kana shaqeeyo Doorasho la isku raacsan yahay” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post ISLOW oo si lama filaan ah uga hadlay qorshaha Villa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed blasted President Hassan Sheikh Mohamud on Saturday, questioning the feasibility of planned one-person, one-vote elections amid ongoing security challenges and condemning the administration's forced evictions in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay ka fulisay gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Yaaqle ee Shabeelaha Dhexe. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu soo afjaray maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo isku uruursanayay deegaanka uu howlgalka ka dhacay. “Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray maleeshiyaad Khawaarij ah oo cadowgu kasoo aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA. Hay’adda Nabad-Sugidda ayaa xaqiijisay in howlgalkan lagu khaarijiyay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku jiraan horjoogayaal sar sare oo lagu beegsaday howlgalka. “Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lasii raaciyay. Sidoo kale waxaa inta uu socday howlgalkan lagu burburiyay gaadiid iyo ciidan ciidan oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe. “Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dhagar qabayaasha Khawaarijta ay wateen, waxa uuna ku soo dhammaaday guul” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran. The post NISA oo howlgal ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.