-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — A four-day conference on Somalia's financial reform and economic development concluded Wednesday in Istanbul, Turkey. The event marked the second review of Somalia's Financial Reform and Economic Development Program, backed by the International Monetary Fund (IMF). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidamada booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin ayaa xilka laga qaaday goor dhow, ayada oo loo magacaabay xil wasiir ku-xigeen. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.” Xil ka qaadista Sulub ayaa timid saacado un kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u dallacsiiyey darajada Sarreeye Gaas. Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu xilka taliyaha booliska u magacaabo Jeneral Asad Diyaano oo reer Puntland ah. Hadii Asad Diyaano loo magacaabo Booliska Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu ka dhabeynayo dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Saciid Deni, maadaama xilalkii uu siiyey siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda. Gobolka Bari oo muhiim u ah Puntland waxaa degan ciidamo uu xukumo Asad Diyaano walaalkiis, kuwaas oo aad u tababaran, islamarkaana Saciid Deni aan ka amar qaadan, waxaana suurtagal ah in dowladda dhexe ay Saciid Deni uga awood badiso Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xalay xilal la-taliye u magacaabay siyaasiin kale oo reer Puntland ah. Madaxweynaha ayaa Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirkii hore ee amniga Puntland u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka. The post Sulub oo xilka laga qaaday, loona magacaabay xil kale appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye gaas Sulub Axmed Firin u magacaabay wasiir ku xegeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada. S/G Sulub ayaa saacado ka hor laga qaaday xilkii Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayadoo lagu badelay janaraal Asad Cusmaan Diyaano oo horay u ahaan jiray hoggaanka ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland. Tillaabadan ayaa qeyb ka ah isbadello waaweyn oo uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, asagoo magacaabay ma’suuliyiin kala duwan oo isugu jira la Taliyaal iyo saraakiil Ciidan. Source: goobjoog.com
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah. Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday. Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka. 71-jirkan leh go’aanka ugu danbeeya ee Ruushka, ayaa sheegay in Ruushka uu ka fiirsan doono in uu adeegsado hubka niyukleerka, haddii dhulkiisa lagu soo weeraro gantaallada soo jireenka ah ee caadiga ah, diyaaradaha dagaalka ama kuwa aanan duuliyaha laheyn. Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado hub culus. The post PUTIN oo uga digay reer galbeedka adeegsiga hub niyukleer ah appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia has made significant strides in various sectors since the civil war, but its healthcare system remains one of the most critical areas in need of attention. With a population of over 15 million, Somalia continues to face challenges in providing adequate medical services, but there are also emerging opportunities to rebuild and strengthen the system. Source: Hiiraan Online
-
The most valuable commodity in contemporary society transcends traditional assets such as gold or oil; it is, in fact, your attention. In an era dominated by digital interactions, the selection of whom to focus on and the manner in which one engages with the surrounding environment have emerged as the most coveted resources. Social media networks, entertainment conglomerates, and advertising firms are acutely aware of this reality, having constructed vast enterprises centred on the ability to capture and retain your attention. Source: Hiiraan Online
-
Arafat Mahamud Jama’s journey from the rural outskirts of the Sanaag region to a prestigious scholarship in the United States is a story of determination and resilience. Born in 2008 to a nomadic family, Arafat’s life took a dramatic turn as the effects of climate change forced his family to relocate from their pastoral life to the villages of Sanaag. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia and Turkey have signed an agreement to boost cooperation in the exchange of financial intelligence. The deal, formalized in Ankara, brings together Somalia's Financial Reporting Center and Turkey's Financial Intelligence Unit (MASAK) and is a major step in fighting financial crimes such as money laundering and terrorism financing. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Puntland President Said Abdullahi Deni has reiterated his administration’s readiness to engage in open talks with the Somali Federal Government, emphasizing the need for a transparent dialogue with broad participation from all sectors of Somali society. The move comes after months of strained relations between Puntland and Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaaleynta Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirkii hore ee amniga Puntland u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka. “Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ee Madaxweyne Saciid Deni ay siyaasadda isku hayaan ayaa intooda badan isku soo dhiibtay dowladda federaalka, si ay xilal uga helaan, waxaana oa mid ah xubnahaan caawa la magacaabay. Sidoo kale waxaa jira xog sheegeysa in Asad Diyaano oo Saciid Deni kula tartamay madaxtinimada Puntland hadda loo magacaabi rabo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Xasan Sheekh ayaa maanta muujiyey saan-saan xil ka qaadis, kadib markii uu Taliska ugu tegay, hal darajana dalacsiiyey Taliyaha hadda jooga Sulub Axmed Firin. Hadii Asad Diyaano loo magacaabo Booliska Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu ka dhabeynayo dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Deni, maadaama xilalkii uu siiyey siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda. Gobolka Bari oo muhiim u ah Puntland waxaa degan ciidamo uu xukumo Asad Diyaano walaalkiis, kuwaas oo aad u tababaran, kuwaas oo Saciid Deni aan ka amar qaadan, waxaana suurtagal ah in dowladda dhexe ay Saciid Deni uga awood badiso Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari. The post Xasan Sheekh oo caawa magacaabay masuuliyiin reer Puntland ah oo Deni ay… appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Dalka Nigeria ayaa ku biiray baaqyada isa soo taraya ee ka soo yeerayaya madaxda Afrikaanka ah ee joogta shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka. Baaqyadaas ayaa lagu dalbanayaa in isbedel deg deg ah lagu sameeyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana talada wax laga siiyo madaxda dalalka Afrika. Afrika ayaa muddo dheer ku baaqeysay in matalaad joogto ah ay ka hesho golaha ammaanka ee ugu sarreeya adduunka. Wasiirka gaashaandhigga Nigeria oo khudbad ka jeedinayay wadahadal gaar ah oo is-dhexgal ah oo ka dhacay shir-madaxeedka, ayaa sheegay in dib u habeyntu ay kor u qaadi doonto ka qayb galka iyo qotodheereynta nabadda iyo ammaanka adduunka. Horay madax badan oo Afrikaan ayaa sidaan oo kale dalabkaan culus ugu soo bandhigtay shirarka golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, balse dheg jalaq looma siin. Shirka lagu soo bandhigay dalabkaan hadal-heynta abuuray waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jeediyey khudbad dheer, inkastoo uusan ka hadlin arrintaan ay Afrika dalbaneyso. Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa Soomaaliya ka socda ayaa weli ku sugan New York, halkaas oo kulamo doceedyo uu la qaadanayo madaxda caalamka uu ka wado, taasi oo fursad weyn u ah Soomaaliya oo dunida ka gadeysa qorshaheeda diblomaasiyadeed ee damaca Itoobiya. The post Afrika oo dalab xasaasi ah geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka. Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin. Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey ciidanka booliska ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Taliye Sulub ku amaanay sida uu ciidanka ugu soo biiriyey oo fursad u siiyey dhalinyarada firfircoon ee u caaboon inay u shaqeeyaan dalkooda. Xasan Sheekh ayaa ka hadlay nidaamka dalacsiinta saraakiisha ciidamada, isagoo sheegay in dalacsiintu ay ku xiran tahay shaqo, balse aysan ku xireyn waqti iyo in laga baryo madaxda. Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac. Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland. Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday. Hoos ka daawo Xasan Sheekh The post Daawo: Xasan oo dalacsiiyey Taliye Sulub – Maxaa ka jira xil ka qaadistiisa? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabad ku qabsoontay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin. Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka, isaga oo ku adkeeyey ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Itoobiya ayaa horraantii sanadkaan gaaray is-afgarad xiisad xooggan ka abuuray gobolka, kaasi oo Somaliland ay sheegtay in Itoobiya ay dhul badeed uga beddelaneyso aqoonsi, maadaama ay Itoobiya si weyn u daneynayso inay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Inkasta oo heshiiskan uu la kulmay diidmo adag oo dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhalleeceyn caalami ah, haddana weli labadii dhinac ee qalinka ku duugay midkoodna kama laaban heshiiskan oo lagu tilmaamay sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya. Waxa aynu warbixinteena isku dul taagi doona qodobka aqoonsiga, inaga oo dib u milicsan doona wareysi uu sanado kahor bixiyay ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi. Wareysigaas oo uu Meles ka qaaday Yuusuf Garaad ayaa waxa uu markaas si cad u sheegay in Itoobiya aysan ku dhiiran karin aqoonsiga Somaliland, haddii aysan taas uga hormarin Soomaaliya, oo macnaheedu yahay “in aysan awood u laheyn aqoonsiga dhul waddan kale”. Wareysiga ayaa u dhacaya sida tan; Yuusuf Garaad: Maaddama xaga ammaanka iyo sirdoonka aad iska kaashanaysaan maxaa idiin diiday in aad Somaliland aqoonsataan?. Meles: Waa su’aal ay dad badan oo ka yimid dhulkaas ka tirsan Soomaaliya in badan i weeyddiiyeen. Annagu reer Ethiopia haddaan nahay arintaas waxaan u aragnaa in ay tahay mid uu ka dambeeyo dadaal firfircoon oo lagu doonayo gooni isu taag iyo Madax banaani. Annaga Dastuurkayagu waa uu oggol yahay arinkaas [go’itaan]. Dadka Reer Soomaliland waxaa ay sheegaan in annagu aan u oggolnahay dadka ku nool kililka shanaad ee Ethiopia in ay goostaan haddii ay doonaan. Balse iyagu aysan fursad taas la mid ah haysan maaddaama ay waddan kale ka tirsan yihiin. Annaguna waxaan ugu jawaabnaa, shuruucdayada annaga ayaa sameeysanay, cid xadkayaga ka baxsanna kuma qasabno. Su’aasha la is-weeydiin karo ayaa ah, sidee bay Gobolada kale ee waddanka Soomaaliya u arkaan Somaliland? Waxaan u arkaa in qof walba ay la xuntahay in loo arko in uu sabab u noqdo kala go’a Soomaaliya. Waa haddii ay u aqoonsadaan Gobol ka mid ah waddanka, in uu yahay dhul ka madax bannaan waddanka intiisa kale. Arrintani aad ayay u khusaysaa Ethiopia laftirkeeda, maaddaama ay madaxdii talisyadii hore ay Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ah ah oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed. Arrintani waa mid u taalla dadka Soomalida ah. Haddii ay aqoonsadaan Somaliland annagu waxba kama qabno oo annaguna waan aqoonsanaynaa, balse waa in ay Soomaalidu iyagu hoggaanka noo qabtaan. The post Sababta u weyn ee ITOOBIYA ugu dhiiran karin aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.