Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has appointed two senior advisors to strengthen governance, democracy, and federal affairs in the country, according to a statement released on Thursday. Source: Hiiraan Online
  2. 461411775_8673210706063350_6160198039388611250_n Qaran News
  3. 461024681_543139594915993_3289118838916824912_n Qaran News
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa 48 saac ee u dambeeyay sare u kacay xamaasada ololaha doorashooyinka Somaliland, ayada oo ay iska soo daba dhacayeen heeso lagu dhaliilayo maamulka Muuse Biixi Cabdi. Heesahan oo badankood ay qaadeen fanaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska, oo ay si weyn isku seegeen maamulka Biixi, ayaa waxay si qayaxan ula hadlaysaa madaxweynaha markale u tartamaya in la doorto. Heestan oo ay qaadeen hobollo kamid ah koox-faneedka ugu caansan deegaanada Soomaalida ee Xiddigaha Geeska ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilaysa inuu dagaalkii Sool ku fashilmay, midnimadii Somaliland uu dhantaalay. Bal aynu isdul taano waxaa ereyado kamid ah luuqda heestan oo odhaneysa “Doorkii horaan siganay, oo sahan la’aan guurnay, maantana ku socon meyno, Soomaaliland baa leh. Sowtaan kuu dhiibnay, qaran saanad iyo xoog leh oo suga xuduuddisa, Somaliland oo dhan, dadku samo ku naalloodo, nabad iyo midnimo suuban.” Sidoo kale waxay odhanayaan miraha heesta ugu kulul ee xaraarada u yeeshay ololaha doorashada Somaliland, “Seeskii cigaal taagay, Daahir iyo Siilaanyo sare beey u qaadeene, adigana sided yeeshay?. Sool bari xaggeed geysay. Saxanow difaac qaran waa sidee? Ma sideetan iyo boqol mayl, xadkii dib u soo baxbaa? Maya waa si kale! Ma saraakiishii iyo ciidankii oo jeel ku jira ii sacab tumaa?.” Ereyadaas waa qayb kamid ah heesta saacadihii ugu dambeysay hareysay baraha bulshada Soomaalida, iyadoo abuurtay hadal hayn siyaasadeed oo murtiyeeysan. Eedaha ay heestan sida weyn u baahday ay u saarineyso Biixi ayaa loo arkaa kuwa saameyn ku yeelan kara doorashada soo socota ee uu markale u tartamayo Muuse Biixi, maadaama ay yihiin eedo siyaasadeed oo culeyskooda leh. Sidoo kale waxaa xusid mudan in isla muddadaas 48-ka saac ah ay soo baxeen illaa saddex hees oo kale oo si cad u dhaliilaya maamulka Muuse Biixi, kuwaas oo shacabka ugu yeeraya inay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u codeeyaan. Heesahaan ayaa badankooda waxay ka siman inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi. Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan. The post SOOL xaggeed geysay? – Saameynta heesaha iyo guuxa doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Shrika wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo horey u soo hoggaaminayey ciidamada gaarka ah ee Puntand ee PSF. Qoraalka la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha ee ay wasiiradu ansixiyeen uu yahay sarkaan aqoon iyo khibrad u leh ciidamada. Jeneraal Sulub Axmed Firin, oo sanad iyo dheeraad hayey xilkaas taliyaha ciidanaka Booliska ayaa ku biiray Golaha Wasiirada isagoo loo magacaabay wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Jeneral Asad Diyaano, ayaa laba jeer oo kala ahaa sanadihii 2019 iyo 2024 u tartamay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, labadaas jeerba wuxuu la tartamayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Waa kuma Jeneraal Asad Diyaano? Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, waxa uu ku dhashay magaalada Galaadi ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya siddeetanmeeyadii, xilligaas uu dhalanayey Asad, aabbihii Jeneraal Cismaan Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa Jabhaddii SSDF ee fadhigeedu ahaa dalka Itoobiya. Waxbarashadiisa hoose wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho halka waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku dhammaystay magaalada Boosaaaso ee Puntland. Waxbarashadiisa heerka jaamacadeed waxa uu ku soo qaatay Jaamacadda Osmania ee dalka Hindiya. Maaddaama aabbihiis uu ka mid ahaa ciidamada uuna madax ka ahaa Hay’adda PSF, Jeneraal Asad wuxuu ka mid noqday ciidamadaas. Agaasimaha guud ee Ciidamada PSF, ayaa loo magacaabay intii Puntland xukumayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole isagoo xilkaas hayey ilaa sanadkii 2018-kii basle ilaa 2007-dii ayuu ka mid ahaa ciidamada PSF. Waayo-aragnimadiisa ayaa u badan dhanka ammaanka isagoo muddo 14 sano ka shaqaynayey arrimaha ciidamada. Waxaa kale oo uu soo noqday la taliye sare oo dhanka ammaanka ah ee Puntland. Asad, wuxuu hoggaaminayey ciidamad PSF, xilli Puntland ay dagaallo ba’an kula jirtay ururka al-Shabaab oo xoog ku lahaa buuraha Calmadow ee teedsan gobollada Bari iyo Sanaag. Ciidamada PSF, ayaa sidoo kale xilligii uu hoggaaminayey waxay dagaallo la gashay dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab oo ciidamada Puntland ay kula dagaallameen xeebaha Mudug iyo Nugaal. Ninkan horrey looma aqaan wajigiisa intii uu hoggaaminayey ha’ayadda PSF oo uu taageero Maraykanku balse wuxuu ka soo muuqday warbaahinta sanadkii 2018-kii markaas oo ku dhawaaqay inuu u taagay yahay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii dhacday sanadkii 2019-kii. Asad, wuxuu doorashadaas lahaa saamayn weyn ka dib markii laba cod uu kaga adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni. Muddo xileedkii Madaxweyne Deni wuxuu ka mid ahaa mucaaradkii xukuuumada markii danbe oo Puntland laga hirgaliyey nidaamka doorasho qof iyo cod ah, Jeneral Asad Diyaano wuxuu ka mid ahaa madaxda iyo asaasayashii Xisbiga Mideeye oo ka mida kuwa ugu tunka weyn ee galay doorashadaas. Sanadkii 2024-tii wuxuu sidoo kale mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, isagoo markaasna uu ka adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni balse doorashadan wax sidaasi u weyn kuma lahayn. Dadka yaqaanna waxay tilmaamaan inuu yahay nin ad adag oo aamus badan. Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa muddo kooban ku sameeyey saamayn siyaasadded oo ballaaran waxaana lagu tilmaamaa inuu ku helay sidii mutuxnayd ee u mucaaraday xukuumada uu hoggaamiyo Siciid Cabdillaahi Deni ee Puntland oo kalkiisii labaad xukunka haya. Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in magacabistiisu timid xilli xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federalka uu gaaray halkii ugu xumayd. Isha: BBC The post Waa kuma Asad Diyaano, ninkii labada jeer la tartamay Deni ee maanta la magacaabay? appeared first on Caasimada Online.
  6. Suldaanka guud iyo gudida beelaha West Burco Clan ayaa maanta qada sharafeed soo dhawayn ah u sameeyay Suldaan Yusuf Muxumed Xiiray. Xafladdani oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay waxa ka soo qayb galay salaadiin, cuqaal, xildhibaano,ganacsato, siyaasiyiin dhalinyaro iyo dad aad u tiro badan xafladani oo ka dhacday Hotel Kaah ee magaalda Hargeysa waa tii labaad ee nooceedani oo kale ah ee lagu maamuuso suldaan Xiiray. Xafladda oo hada uun bilaabmatay la soco iyada oo fhamaystiran dhawaan Suldàanka guud oo salaamaaya dadweynahii xafladda ka soo qayb galay Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, sidoo kale ah la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha diinta ayaa si kulul uga hadlay xiisadda sii laba kacleyneysa ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Cali Wajiis oo toos ugu jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in hadalkiisa uu muujinayo inay wada-shaqeeyaan iyaga iyo kooxda Al-Shabaab. “Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu dhowaan yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya. Sheekha oo jawaab adag ka bixiyay hadalkan ayaa sheegay in Itoobiya iyo argagixisada ay iska war qabaan, ujeedkana uu yahay in la burburiyo qaranimada Soomaaliya. “Shalay waa dhageysaneyseen wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya hubka dowladda Soomaaliya soo gadatay wuxuu yiri hubkaasi argagixisada ayuu aadayaa, halkaas waxaad ka gartaa in Itoobiya iyo argagixsada ay iska warqabaan” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay rabto in fasiraad qaldan ay ka bixiso hubka ay heshay dowladda dhexe, maadaama laga qaaday cunqabateyntii hubka. “Wuxuu rabaa in dowladda Soomaaliya meesha ka baxdo, argagaxisadana uu cayiliyo, kadibna dacaayad u sameeyo, si uu u maqashiiyo caalamka, taas micnaheedu waxaa weeye waa wada shaqeeyaan”. ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Wajiis. Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in difaaca dalka ay ku garab siiyaan dowladda federaalka, si loo soo xiro xuduudaha dalka. “In dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha lagu garab istaago dhammaan xuduudaha Soomaaliya lasoo xiro, qodobkaas waa qodob lagama maarmaan ah” ayuu raaciyay. The post Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo Itoobiya ku eedeyay arrin halis ah oo la xiriirta… appeared first on Caasimada Online.
  8. madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano), oo badelaya Sarreeye Gaas SulubAxmed Firin oo kamid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa horay u ahaan Taliyaha Ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland, sidoo wuxuu dhowr jeer u tartamay xilka madaxtinimada ee maamulkaas, waxaana Sargaal saameyn badan ku leh Ciidamada qalabka sida. Sargaalkan oo kamida dadka sida weyn uga aragti duwan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo arkaa nin galaangal badan siyaasadda deegaanada maamulkaas, gaar ahaan ciidamada ugu awoodda badan laamaha nabad-gelyada Puntland ee PSF. Janaraal Asad Cismaan Diyaan dadka sida dhabta u yaqaani waxay ku tilmaamaan nin karti leh oo wax badan ka badeli kara ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, magacaabistiisuna waxay ku soo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo weli taaganyahay. Source: goobjoog.com
  9. 461199885_3433928050084179_6023452379610014162_n Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay kadib markii xil cusub iyo dalacsiin darajo uu isku helay taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Sulub Axmed Firin oo haatan lagu beddalay Asad Cusman Diyaano oo ay maanta magacaabiistiisa meel-mariyeen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya. Kahor inta aan xilka laga qaadin Sulub wuxuu madaxweynaha Soomaaliya u dallacsiiyay darajada Sarreeya Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho. Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa ninkan saacado uun kadib u magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, si uu uga mid noqdo golihiisa wasiirada. Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo hadda ra’iisul wasaaraha uu hiilo wayn siiyay taliyihii hore ee ciidamada Booliska. Haddaba sidee looga falceliyay dallacsiinta iyo magacaabista Sulub? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxayna dadka hadlay ay ka bixiyeen fasiraado kala duwan. Ayaanle Cabdullahi ayaa falcelintiisa ku yiri “Soomaaliya ayaa laga helaa qof saacado kahor taliye ahaa saacado kadibna wasiir Ah”. Cabdimahad Guure Barre ayaa yiri “Dalacsii oo xilka ka qaad, wasiir ku xigeenna ku abaal mari ayaa la yiraahdaa alaabtaan”. Cabdicasiis Nuur “Xamza xariif waaye ina adeerkiisa wax la’aan ma dhigin saasaa laga rabaa nin waliba ninkiisa ha noleysto”. Mustaf Aadan ayaa isna su’aal ka keenay “Saacad ka hor ciidan ayuu ahaa hadana wasiir maa ka dhigteen?” Maxamed Cusmaan “Maanta generaal baa darajo garbaha loogu xirayay caawana wasiir gaadaid, markaan dowladnimadu wax miisaan iyo macno toona kuu lahayn”. Cali Xasan Waare ayaa isaguna ku jawaabay “Dowlad nimada Soomaaliya waxay noqotay bariiskeyga meel ku sheeg”. The post Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay dalacsiinta iyo magacaabista SULUB appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib oo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha. Taliyaha cusub ayaa sida aan horay idin-kula wadaagnay, kadib xog ay baahisay Caasimada Online waxaa loo magacaabay Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeeda Puntland, kaas oo ay magacaabistiisa maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Shirka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ansixinta kadib warbixinnno kala duwan laga dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga. Asad Diyaano oo muddo dheer naawilayay in la magacaabo xilkan ayaa ugu dambeyn maanta oo Khamiis ah helay fursadda gaarka ah ee uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalaya taliyihii hore ee ciidanka Booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya. Sulub kahor inta aan xilka laga qaadin waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu usii dalacsiiyay darajada Sarreeye Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu horay usii wado howsha Booliska oo ay ugu horreyso sugidda amniga caasimada Muqdisho. Si kastaba, waxaa magacaabista Asad Diyaano kasii horreeyay tallaabo kale oo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu la-taliyeyaashiisa arrimaha dimuquraadiyadda iyo federaalka u kala magacaabay Axmed Jaamac Maxamed (Cillal) iyo Cabdisamad Maxamed Gallan oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland, kana mid ah mucaaradka madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni). The post Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacabista taliyaha cusub ee BOOLISKA appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, culimaa’udiinka, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere. “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alle ha u naxariisto Marxuum Sheekh Maxamed. Wuxuu ahaa caalim qiimo badan oo door weyn ka soo qaatay fidinta diinta Islaamka iyo kor u qaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka marxuumka, culimaa’udiinka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa eedeymo culus oo u jeediyay dowladda Itoobiya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay kala dhexeyso xiisad xoogan. Fiqi ayaa marka hore ku eedeeyay Abiy inuu laayey dadkiisa, isla markanaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu laayay illaa hal milyan qof, sidoo kalena uu barakacayay 7 milyan oo kale. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu hadda doonayo inuu dhibaatada usoo xawilo Soomaaliya, balse wuxuu kula taliyay inuu xisaabtamo. “Dalkiisii isaga ayaa burburinaya dadkiisa malyan kamid ah ayuu dilay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay 6 illaa 7 milyan dadkiisa ayuu qixinayaa dadkiisa ayuu maalin kasta diyaarado ku garaacayaa oo laynayaa ninkaas sida qarda jeexa ah iyo xaaladdaas ku sugan in uu dhibaatadii dalkiisa uu ku abuuray uu raadsado xal kale oo uu Soomaaliya lasoo aado runtii isaga ayay tahay inuu kun jeer xisaabtamo” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Dhinaca kale wasiirka oo soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ayaa su’aal geliyay in ra’iisul wasaaraha Itoobya in uu ka garaabi doono qaladka uu galay iyo xadgudubka uu gaystay isaga oo lasoo xiriirayo dowladda federaalka Soomaaliya. “Aniga ma ii muuqato isagoo sidaas sameeyay una bareeray waxaas in uu inta qarda jeexaas kasoo jiireyso uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro iima muuqato dariiqaas” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxay ahayd inuu ka fakiro laba in aysan is qaban Karin dal aan nabadgelyadiisa ciidamada ilaalinayo kamid ahay, isla markaana aan ku xad-gudbayaa madaxa bananaadiiisa”. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay Anakara, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay adduunka tusisay inay xal diyaar u tahay, laakiin weli caqabadda ay ka jirto dhinaca waddanka Itoobiya. “Shirarkaas isku day uunbey ahaayeen oo aan adduunka ugu muujineynay in aan diyaar u nahay iyada oo shaatigeenna nagula haysto in aan haddana diyaar u nahay dal walaalaheenna ah oo haddana Tukri ah ay iyagu aadeen Itoobiyaanka oo ay yiraahdeen na dhex-dhexaadiya” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Soomaaliya oo su’aal gelisay in Abiy uu ka garaabi doono qaladkiisa xilli xiisadda kasii dareyso appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) — The Somali Council of Ministers appointed General Asad Osman Abdullahi as the country's new police commissioner on Thursday, replacing Major General Sulub Ahmed Firin. Source: Hiiraan Online
  15. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi. Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Gen. Asad Diyaano appeared first on Puntland Post.
  16. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi. Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac. Source: goobjoog.com
  17. TOPSHOT – Russian President and presidential candidate Vladimir Putin meets with the media at his campaign headquarters in Moscow on March 18, 2024. (Photo by NATALIA KOLESNIKOVA / POOL / AFP) (Photo by NATALIA KOLESNIKOVA/POOL/AFP via Getty Images) Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka in Ruushku uu isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah. Vladimir Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday. Hoggaamiye Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka. Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado Nukliyeerka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo ku hanjabay in uu Reer Galbeedka u adeegsan doono Hubka Nukliyeerka appeared first on Puntland Post.
  18. Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo ka wada tirsan Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu diley xubno ka tirsan ururka Alshabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM u jira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay isku abaabulayeen. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa helay xogta xubnihii Alshabaabka ahaa ee halkaas isku aruurinayay, ka dibna weerar kadis ah ku qaaday sida ay saraakiishu sheegeen. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa ka socda gobollo badan oo dalka kamida, waxaana wada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta dowlad gobololeedyada iyo dadka deegaanka. Source: goobjoog.com
  19. Awdheegle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Jowhar-Awdheegle, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa kooxda ay weerareen, kadibna ay dileen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugna halkaasi. “Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo kawada tirsan Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ay horjoogayaal ku jiraan” ayaa lagu yiri qoraalka. Xubnaha Al-Shabaab ee la weeraray ayaa goobta uu howlgalka ka dhacay ku lahaa shir, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda, waxaana xog ka helay ciidamada uu sidaas duulaanka ugu qaaday. Sidoo kale waxaa la fishiliyay dhagar ay maleegayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu beegsaday aagga degmada Awdheegle, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. “Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM ujira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay Khawaarijta ka wadeen is Aruursi iyo Shirar ay ku Abaabulayeen dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.” Ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waxaa qorshahoodii fashiliyay Geesiyaasha Qarankeenna oo u daatay, khasaarre kala duwanna gaarsiiyay Khawaarijta aan Arxanka laheyn ee Argagixisada ah.” Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay SH/HOOSE appeared first on Caasimada Online.
  20. Wuxuu ku dhashay miyiga gobolka Sanaag sanadkii 2008-dii, qoyskiisu waxay ahayeen reer guuraa xoolo-dhaqato ah hase yeeshee ay saameeyeen isbeddelada cimilada oo ku qasbay qoyskiisa inay u soo guuraan tuulooyinka gobolka Sanaag. Carrafaad Maxamud Jaamac, waa da’yar dadaal shakhsiyadeed ku hiigsaday nolol hiilaad leh ka dib markii muddo ku siman afar sano oo keliya uu isaga gudbay miyiga Sanaag, magaalada Hargaysa ilaa Maraykanka oo hadda uu ku joogo fursad deeq waxbarasho ah. Wuxuu BBC-da u sheegay in yaraantiisii ilaa lix sano jir uu ku noolaa miyiga, hase yeeshee intii baraar raaca uu ahaa aysan marna niyaddiisa ka bixin inuu maalin uun helo fursad waxbarasho oo naftiisa ku hormarin karo. “Madaxayga ayey ka guuxaysay inaan mar uun waxbarashada bilaabo oo miyiga ka tago,”ayuu yiri Carrafaad. Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay gateen arigii ay haysteen dabadeedna ay u soo guureen Ceel-Afweyn oo ay guri ka dhisteen, halkaasna uu ka bilaabay waxbarashiisa asaasigaa ah. Sanadkii 2015-kii ayuu Carrafaad waxbarashada dugisga hoose ka bilaabay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Xigashada Sawirka,Carrafaad Markii uu ku jiray fasalka lixaad ee dugsiga dhexe ayuu Carrafaad maqlay fursad kale oo isaga u noqotay mid yoolkiisa uu ku gaari karo. “Waxaan ku war helay in Iskoolka Abaarso uu arday ka qoranayo Somaliland oo dhan, oo Ceel-afweyn imaanayaan, waan usii diyaar garoobay oo an galay imtixaanka waana ku guuleystay,” ayuu BBC-da u sheegay Carafaad. Burburkii qoyskiisa Markii qoyskiisa ay u soo guureen tuulada ayna ka yimaadeen miyiga waxaa Cafaraad uu sheegay in nasiib darro ay kala tageen labadiisa waalid. Hooyadiis ayuu sheegay inay lafdhabar u ahayd nolashiisa oo ay ganacsi yar oo ay lahayd uu ku tiirsanaa qoysku. Wuxuu BBC-da u sheegay saamaynta arrintaasi isaga ku yeelatay. “Wallaahi markii aan arkay xaaladda qoyskeyga waxay igu sababtay inaan u dhabar adaygo waxkasta, oo aan nin iska soo saaro oo nolosha si fiican ula dagaallamo oo meel iska soo saaro ayey igu kaliftay oo u dhabar adaygo,” ayuu yiri Carrafaad. Wuxuu sheegay inay jiraan walaalihiis iyagana waxbarasho loo geeyey magaalooyin ay ka mid tahay Burco. Aabbihiis ayuu sheegay inuu hadda ku nool yahay dhulka gubadka ah oo uu ka shaqaysto beeyada Ayaamihiisii Abaarso Xigashada Sawirka,Abaarso School Carrafaad, wuxuu ku guulaystay imtixaanaadkii uu u galay Iskoolka Abaarso markaana wuxuu galay safar kale oo waxbarasho iyo nolol kale oo ka duwan tii tuuladiisa, wuxuu in ka badan 500 Kilimitir soo galay safar dhulka ah oo ka soo bilaabay Ceel-afweyn isagoo soo gaaray Hargaysa. Nolosha markan uu galay Carafaad waa ka duwan tahay tiisii hore sababtoo ah wuxuu galay Iskool waxbarasho iyo Jiifle isku ah. Abaarso, waa halka da’ayarkan ka dhigtay inuu u furmo hayaan nololeed oo iftiin leh. Magaalada Abaarsao oo 15-kilimitir galbeed ka xigta Hargeysa , waa halka uu ku yaallo Iskool Abaarso oo ay dhigtaan arday kuna nool yihiin. Carafaaad wuxuu BBC-da u sheegay in maalmihii kowaad ay waxwalba ku adkaayeen dhanka waxbarashada iyo deegaankaba basle markii danbe uu dadaal ka dib la qabsaday. “Waxbarashadu aad bay u kala duwanayd Abaarso iyo meeshii hore ee an ka soo dhigan jiray, oo dee iskoolkan wuxuu ku baxayaa luuqada Ingiriiska anniguna si fiican uma aqoon Ingiriiska barigaas. Iskoolkii hore waxaa laga yaabaa in 50 arday aad ahaydeen oo macallinku sabuura ku dhigo casharka oosan kula hadlin laakiin halkan dugisgan cusub waxa laga yaaba in fasalkii shan iyo tobban ruux yahay oo macallinka kula hadlayo, xiriir fiican kula leeyahay, su’aalo ku waydiinayo.” ayuu yiri Carafaad. Iskoolka Abaarso, wuxuu Carafaad ka sii watay waxbarashadiisa isagoo ka bilaabay fasalka toddobaad ilaa uu ka gaarayey fasalka kowaad ee dugsiga sare. Hibadiisa kale ee Abaarso ku soo baxday Xigashada Sawirka,Carrafaad Qoraalka sawirka,Carrafaad iyo saaxiibadiis oo ku orod tababar ah ku qaadanaya Abaarso Carrafaad Maxamuud Jaamac, markii uu joogay Ceel-afweyn iskuma ogayn inuu leeyahay hibo dhanka orodka ah basle markii uu yimi Abaarso wuxuu xiisayn jiray ciyaarista kubada cagta. Isagoo galab u ciyaaraya koox kubad cagta kana dheelaya garabka ayuu arkay mid ka mid ahaa macallimiintiisa Iskoolka Abaarso sida uu u ordayo Cafaraad. Halkan ayey ka bilaabanaysaa sheekada kale ee hibadiisa kale ee soo baxday….. “Labadii sano ee ugu horreysay ee an dhiganayey Iskoolka waxaan aad u ciyaari jiray kubadda cagta”ayuu yiri Macallinka galabtaas arkaya Carafaad, waa macallinkiisa xisaabta balse wuxuu sidoo kale ahaa tababare orod oo ka yimi dalka Canada oo Soomaali ah. Sidoo kale macallinka qudhisa walaalkiis ayaa ka mid ah orodyahanada u orda dalka Canada. “Wuxuu i arkay inaan aad u ordayo oo dhalinyarada kale ka dheeraynayo oo aannan xiiqayn, markaas ayuu igula taliyey inaan dhanka orodka ku fiicnahay iina noqon karo fursad kale oo waxbarasho ku heli karo” ayuu BBC-da u sheegay Cafaraad. Macallinkiisu wuxuu u sheegay in haddii uu xoogga saaro dhanka orodka uu ku heli karo deeq waxbarasho oo dibada ah. Gudaha Soomaaliland ayuu markii danbe kaga qayb galay tartamo orodka intaas ka dibna uu horumar ka sameeyey orodka. Hibadiisa danbe waxay hilaac u noqotay hayaan kale oo noloshiisa ah Xigashada Sawirka,Carrafaad Qoraalka sawirka,Hargeysa iyo Ttartan orodka oo ka qayb galay Carrafaad Abaarso ilaa Ameerika Xigashada Sawirka,Carrfaaad Sida uu BBC-da u sheegay Carafaad Maxamuud, waxbarashada ayuu sidoo kale foolaad ka ahaa ardaydii uu wax la baranayey isagoo kaalimaha hore ka galay imtixanaadka iskoolka Abaarso. Iskoolkiisa ayuu sheegay inuu bixiyo fursado waxbarasho oo dibada ah oo uu siiyo ardayda kaalimaha hore ka gala waxbarasha basle ay isaga ay u dheerayd inuu lahaa hibo dahabi ah oo u sahli karta in albaab kale u furmo. “Waxaa la soo doortaa ardayda xagga dhibcaha ugu fiican, aniga waxaa i caawiyey anigoo waxbarashayda ku fiicnaa waxaa ii sii dheeraa xagga orodka oo aan ku fiicnaaday, markaa waxaa dhacday in ay i ogaadaan macallimiin jooga Iskoollo ku yaalla Maraykanka oo ay ila soo hadlaaan oo ay i dhaheen inaan Iskoolkayaga soo xeraysatid oo aan fursad ku siino waxbarasho ayaan rabnaa” ayuu yiri Carafaad. Macallimiinta Iskoolka Maraykanku wuxuu BBC-da u sheegay Carafaad inay la soo xiriireen macallinkiisa ka caawiyey inuu orodka ka dhigto waxaa u labeeya waxbarashadiisa. “Markii na xareeyey ee an dhammaan wixii ayga baahnaayeen dhan sameeyey, macallimiinta xagaa Maraykanku waa i caawiyeen oo waa ii fududeeyeen”ayuu yiri Carafaad. Markii uu fursadan waxbarasho ee Maraykanka uu helay Cafaraad, wuxuu dhiganayey fasalka kowaad ee dugsida sare ee Abaarso. Waligiis diyaarad ma raacin, basle safarkan waa mid kale oo ku cusub Carafaad, wuxuu galay duulimaad dhowr iyo tobban saacadood ah oo ku gaaray Maraykanka iyo machadka Deerfield Academy oo ku yaalla gobolka Massachusetts. Wuxuu Maraykanka ka sii waday halkii uu ugu tagay Abaarso isagoo hadda dhigta fasalka tobnaad ee dugsiga sare ee iskoolka Deerfield Academy oo ah mid si gaara loo leeyahay. Xigashada Sawirka,Carrafaad Qoraalka sawirka,Carrafaad oo kaalinta kowaad ka galay tartan orod ah oo Maraykanka ugu qayb galay Kolkii uu Maraykanka tagay Carafaad, caqabado kale oo nolosha iyo waxbarashada ayuu mar kale fooda daray markan waxaa u weheliya cunnada oo caqabadi ka qabsatay. “Waxyaabo badan oo caqabado badana ayaa kula soo gudboonanaya, xagga waxbarashada waa ka duwan tahay halkii hore ee aad la qabsaday oo maadooyinkii waa sii aadkanayaan, xagga bulshada waa sii adkaanaysaa waayo dadkan waa dad cadaana oo saaxiibo kuma lihid. Cuntada maalmihii hore oo kale maadaama ad qof muslim ahay dhinac walba caqabad kala soo gudboonaynays” ayuu BBC-da u sheegay Carafaad. Ka sokow waxbarashadiisa wuxuu docda kale ka watay tababarkisiii orodka, tababar ka fiican kii hore ee Somaliland ayuu sheegay inuu helay markii uu tagay Maraykanka. Waxaase caawisay meshii uu ku soo koray ee ahayd buuralayda iyo tababaradii uu ku soo qaatay Iskoolkiisii Abaarso. Bartamaha bishan Carafaad Maxamuud Jaamac, wuxuu gaaray mid ka mida yoolalkiisii uu higsanayey isagoo kaalinta kowaad ka galay tartan maxlali ah oo loo qabto orodyahanno da’yar oo ka socda gobollada la isku yiraahdo New Englands ee waqooyi- bari Maraykanka, sida Hampshire, Massachusetts, iyo Connecticut. Tartankaa soo la magacabo “loomis invitational,” waxaa ka galay in ka badan 150 orodyahan oo dhigiisa ah ayuu kaalinta kowaad ka galay. Wuxuu BBC-da u sheegay in ku guulaysigaasi kaalinta uu galay ee kowaad ay ku dhiiri galinayso inuu sii xoojiyo dhanka orodka uuna ka faa’iidaysto fursado ku lamaan tartankaas oo ah inuu helo fursad jaamacadeed oo gudaha Maraykanka maada sida uu sheegay jaamacadu dalkaasi daneeyaan dadka hibada leh sida isaga oo kale ah. Sida ehelkiisu u arkaan horumarkiisa Xigashada Sawirka,Ibraahim Siciid Ibraahim Siciid Axmed, waa ehelka Carafaad Maxamuud Jaamac iyo qof masuulka ka ah Maraykanka maadaama uu da’yar yar yahay. BBC-du ayuu Ibraahim ogolaansho u siiyey inay baahin karto sheekada Cafaraad maadaam uu yahay 16 sano jir. Wuxuu sheegay inuu qoys ahaan ku faraxsan yihiin dadaalka mudada kooban ee uu sameeyey Carafaad. “Waa wax lagu farxo horumark uu sameeyey afar sano ka hor wuxuu joogay Ceel-afweyn xoolo dhaqato ayuu ahaa muddo intaa le’eg qof hadda wax la baranay madaxda Maraykanka carruurtooda waa wax aad iyo aad loogu farxo, fursadaasna wuxuu ku helay dadaal dhiniciisa ah iyo Iskoolka Abaarso” ayuu BBC-da u sheegay Ibraahim. Wuxuu intaa raaciyey in tani muujinayso in qof isagoo da’yar reerkiisa ka yimi hadda uu wadan aad ugu fog meeshii ka yimi uu ku nool yahay oo la qabsado ay tahay wax farxad leh. Farriin ay soo dhigeen bartooda facebook, iskoolkiisii hore Abaarso ayaa ku ammaanay dadaalka ballaaran ee sameeyey Carrafaa Source bbcsomali Qaran News
  21. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Ruushku si taxadar leh u tixgalinayo doonno weerar kaga yimaado dal aan Nukliyeer lahay oo ay taageerayaan mid ku hubaysan hubka Nukliyeerka inuu yahay “Weerar wadajir ah”, taas oo loo fasiran karo khatar ah in hubka Nukliyeerka loo adeegsado dagaalka Ukraine. Hadalo muhim ah oo uu jeediyay habeennimadii Arbacada ayuu madaxweynaha Ruushka ku sheegay in dowladdiisa ay ka fiirsaneyso in ay wax ka bedesho sharciyada iyo shuruudaha horudhaca ah ee uu Ruushka u adeegsan doono hubkiisa Nukliyeerka. Ukraine waa dal aan nukliyeer ahayn oo taageero militari ka hela Maraykanka iyo dalalka kale ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka. Hadalladiisa ayaa imaanaya iyadoo Kyive, ay raadinayso in ogolaansho u hesho in gantaalada riddada dheer ee ay ka heshay dalalka galbeedka goobaha militariga Ruushka. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa todobaadkan u safray dalka Mareykanka, waxaana lagu wadaa in Khamiista uu magaalada Washington kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, halkaasoo la filayo in codsiga Kyiv uu noqdo ajandaha ugu sarreeya. Ukraine ayaa sanadkan ku siqday dhulka Ruushka, waxayna doonaysaa inay beegsato saldhigyo ku yaalla gudaha Ruushka oo ay sheegtay inay gantaallo looga soo rido Ukraine. Isagoo ka jawaabaya hadalka Putin, madaxa xafiika shaqaalaha ee Zelensky Andriy Yermak, ayaa sheegay in Ruushku “aysan hadda haysan wax aan ahayn cagajugleyn nukliyeerka ah si ay u cabsi geliyaan caalamka”. Putin ayaa horey ugu hanjabay isticmaalka hubka Nukliyeerka. Ukraine waxay ku dhaleecaysay inay tahay “hanjabaad ciidan oo xooggan” si ay uga hortagto xulafadeeda inay bixiyaan taageero dheeraad ah. Shiinaha oo xulafo la ah Ruushka ayaa sidoo kale ku baaqay in la dejiyo xaaladda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in madaxweyne Xi Jinping uu uga digay Putin isticmaalka hubka Nukliyeerka. Laakiin Arbacadii, ka dib markii uu la kulmay Golihiisa Ammaanka, Putin wuxuu soo jeediyey ballaarinta qorshihisa kakan. Xigashada Sawirka,Getty Images Caqiiddada cusub ee nukliyeerka ayaa “si cad u dejin doonta shuruudaha Ruushka si uu ugu wareego isticmaalka hubka nukliyeerka,” ayuu ka digay – wuxuuna sheegay in xaaladahan oo kale ay ka mid yihiin gantaallada caadiga ah ee ka dhanka ah Moscow. Waxa uu sheegay in Ruushku uu ka fiirsan doono “suurtagalnimadan” uu ku isticmaalayo hubka Nukliyeerka ah, haddii ay ogaadaan in la daahfuro in mowjado gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu rido dalkoda, taasoo soo bandhigtay “khatarta halista ah” ee ku wajahan madaxbannaanida dalkaas. Waxa uu intaa ku daray: “Waxaa la soo jeediyay in gardarada ka dhanka ah Ruushka ee waddan kasta oo aan Nukliyeer lahayn balse garab ka hela mid ku hubaysan Nukliyeer ah, loo tixgeliyo weerarkooda wadajirka ah ee Ruushka.” Hubka nukliyeerka ee waddanku waxa uu ahaa “dammaanad qaadka ugu muhiimsan ee amniga qarankeena iyo muwaadiniintiisa”, hogaamiyaha Kremlin ayaa sheegay. Tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka, wadamada ku hubaysan hubka Nukliyeerka waxay ku hawlanaayeen siyaasad ka hortag ah, taas oo salka ku haysa fikradda ah in haddii dawladaha dagaalamaya ay qaadaan weeraro waaweyn oo Nukliyeer ah ay horseedi doonto burbur la wada hubo. Xigashada Sawirka,Reuters Laakiin waxa kale oo jira hub nukliyeer ah oo taatikada ah kuwaas oo ah madaxyo yar yar oo loogu talagalay in lagu burburiyo bartilmaameedyada isagoon dhalin wax shucaac ah oo baahsan. Bishii Juun, Putin wuxuu digniin u diray waddamada Yurub ee taageeraya Ukraine, isagoo sheegay in Ruushka uu haysto “hubka nukliyeerka ah oo badan inta taalla qaaradda Yurub, xitaa haddii Maraykanku uu la wareego tooda.” “Yurub ma laha nidaamka digniinta hore oo horumarsan,” ayuu raaciyay. “Marka la eego waxay yihiin kuwo aan difaac lahayn ama ka yar.” Waqtigaas waxa uu ka dhawaajiyay in isbedel lagu sameeyo caqiidada Nukliyeerka ee Ruushka – dukumeenti qeexaya shuruudaha ay Moscow ku isticmaali doonto hubka nukliyeerka. Ruushka ayaa dagaal muddo labo sano socda ka wada gudaha dalka Ukraine kaas oo dhaliyey saamayn caalami ah. Bbcsomali Qaran News
  22. Maamulka Israa’iil ayaa duqeymo joogto ah ka wada koonfurta dalka Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 600 boqol oo qof, halka dhaawacyaduna ay haatan 1500 oo ruux ku dhowyihiin. Dadka ka qaxaya duqeymahan ayaa tuban jidadka ka baxa magaalada caasimadda ah ee Beyruut, ayadoo raadinaya goobo gabaad leh oo ay uga nabad-galaan duullaanka gardarrada ah ee Ciidanka Yuhuudda. Militariga Israa’iil ayaa dhinacooda sheegay inay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah ururka Xisbullaahi, ayadoo tilmaamay inay tiigsanayaan yoolka ah inay wiiqaan awoodda Ururkan aadka u hubaysan ee reer Lubnaan. Dhanka kale Xisbullaahi ayaa wadda duqeymo xooggan leh oo ka dhan ah Israa’iil, ayadoo ay gantaalladu sida roobka ugu hoobanayaan gudaha dhulka uu ka taliyo maamulka Netanyahu, taas oo kumanaan Israa’iil ah ku qasabtay inay galaan godad dhulka hoostiisa ah. Sidoo kale duqeymaha Xisbullaahi waxay gaareen gudaha magaalada Tel Aviv, ayadoo la beegsaday xarunta sirdoonka muusaad iyo talisyo kaloo ciidan, waxaana wararku ay sheegayaan in deegaanada waqooyiga iyo bartamaha Israa’iil ay cabsidii abid ugu xumayd ka jirto. Dekedda magaalada Eita ayaa sidoo kale waxaa qarxiyay koox ay Iran taageerto oo ku sugan gudaha dalka Ciraaq, kuwaas oo garab u ah ururka Xisbullaahi ee Lubnaan. Weerarada Israa’iil ee dalka Lubnaan ayaa imaanaya xilli ay ku guuldaraysatay dagaalka marinka Qasa oo socday muddo ka 10 bilood, islamarkaana illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaarin. Xeeldheereyaasha ayaa qaba in Israa’iil ay Lubnaan la maagantahay dhibaatadii ay ka geysatay marinka Qasa, balse taasi ma fududa maadaama ururka Xisbullaahi oo 40 sano ka badan jiray uu aad uga awood badanyahay Xamaas, sidoo kalena dalalka maamulka Tel Aviv taageeraahi aysan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan. Source: goobjoog.com
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Barre ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika “Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay sidoo kale ka wada-hadleen qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  24. New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York oo uu uga qayb-galayo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa weli kulamo gaar gaar ah ka wada magaaladaasi. Xamza ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo xasaasi ah. Sidoo kale waxa labada mas’uul ka wada-hadleen arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika. Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub. Ra’iisul wasaaraha sidoo kale wuxuu horay New York ugula kulmay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada arrinsadeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxda kale ee uu la shiray waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak oo isna ku sugan magaalada New York, waxayna ka wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait. Sidoo kale wuxuu Amiirka ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. The post R/W Xamza oo saddex qodob kala hadlay Mareykanka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  25. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa uu magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika. Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika iyo qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu mahadceliyay taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com