Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli faah faahino dheeraad ah laga helayaa kulan saacado badan qaatay oo xalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka warbixiyey taliyihii hore nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xubin ka ah xisbiga UPD, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Sanbaloolshe ayaa marka hore sheegay in kulanka uu ka dambeeyey codsi ka yimid taliyaha NISA, kadibna uu aqbalay Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa booqasho sharafeed iyo salaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in Fahad Yaasiin uu isku dayey inuu Xasan Sheekh kala hadlo arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, balse laga diiday arrintaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Madaxweyne Xasan u sheegay in NISA looga baahan yahay inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasadda, ayna gudato waajibaadka ka saaran amniga dalka. “Dadka Soomaaliyeed waxaa u caddeynayaa anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD in aan la isku qaadin arrimo la xiriira Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaaday aan laga hoos-qaadin Taliyaha Nabadsugida, farriinta Madaxweynaha wuxuu ahaa yaa dalka qalqal la gelin, doorashada si nabad haloo qabto, Nabadsugida siyaasadda faraha hakala baxaan wixii hadda ka dambeeya.” ayuu yiri Sanbaloolshe oo ka tirsan xisbiga UPD. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli uu dalka haatan ku jiro marxalad kala guur ah oo doorasho la’isku diyaarinayo, kadib markii shirkii Dhuusamareeb lagu shaaciyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, taas oo ay soo dhoweeyeen xisbiyada mucaaradka dalka. The post Sanbaloolshe oo soo bandhigay ‘arrin uu Xasan Sheekh ka diiday’ Fahad Yaasiin first appeared on Caasimada Online.
  2. Hogaamiyayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulankiodii la sugayay wuxuu goordhow ka bilaabanayaa Garowe. Labada Masuul waxay kawada hadlayaan Xaalada [...] The post Deni iyo Madoobe oo kulan xasasi ah uga bilowday Garowe appeared first on . Source
  3. Magaalada Dhuusamareeb Waxaa maanta laga sugayaa Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur , isla markaasna ka mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka [...] The post Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo olole Doorasho kasoo bilaabaya Dhuusamareeb appeared first on . Source
  4. Iyadoo inta badan gobolada dalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayey saldhig cusub ka sameeysteen magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/ Dhexe, islamarkaana ah caasimadda HirShabelle. Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo lahadlay Iwarbaahinta ayaa sheegay saldhiggan ciidanka Danab ay ka sameeysteen magaalada Jowhar ay ugu talagaleen in lagu dardar galiyo howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. “Ciidanka Kumaandooska waxay xarumo ku leeyihiin Juballand, Koonfur Galbeed, Galmudug, haddana HirShabelle ayay ka sameeysteen dhowaan waxaan dalka oo dhan ay ka xoreeyn doonaa Al-Shabaab ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Taliye Ismaaciil. Ugu dambeyn taliyaha ayaa xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Muqdisho, halkaasi oo ay dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka labada dhinac isaga kala gooshta, waxaana uu intaa ku daray inay ciidanka ay cagta mariyeen jidgooyooyin lagu dhibaateynayay shacabka, wadanuna ay ka saaraan miinooyin. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  5. (SLT-Taiwan)-Xafiiska ay dawladda Taiwan dhawaan ka furatay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qaaday tallaabo uu ku xoojinayo xidhiidhka Somaliland uguna quus goynaayo Dawladda Xamar. Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa bilaabay inuu bulshada reer Somaliland ee u safreysa Taiwan u fiiseeyo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland . Taiwan ayaa tiro dad ah oo u badan ganacsato u fiiseysay baasaboorka Somaliland, taasi oo kordhinaysa dalalka dal ku galka siiya Somaliland Sida : Itoobiya, Imaraadka Carabta, Turkiga ,Zambia, Jabuuti iyo Dalal kale oo ka mida Yurub iyo Afrika. Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa hore uga biyo diiday xidhiddhka iskaashi ee Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo horseeday in labada dhinac ay is weydaarsadaan wakiillo, iyaga oo xafiisyo diblumaasiyeed ka kala furtay Hargeysa iyo Taipel Source
  6. War-saxaafadeed:- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) waxa uu si adag uga soo horjeedaa xadhiga labada wariye ee kala ah Liibaan Cismaan Cali iyo C/qaadir Habane oo ka kala tirsan telefishanka Eryal iyo mareegta Wajaalenews, kuwaasoo ku xidhan xarunta danbi baadhista ee C.I.D-da. Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa xadhiga labada wariye kuwo ka baxsan xeerka Saxaafadda maadaama oo la xidhay iyadoon Dacwadooda la dhagaysan, iskana difaacin eedaha loo haysto, kuwaas oo ay ahayd intaan la xidhin in lagu soo oogo. Ururka SOLJA, waxa uu soo dhawaynayaa Dacwada Mulkiilaha Telefishanka Astaan C/manaan Yuusuf, kaasoo ay dacwadiisii maanta ka bilaabantay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, iyadoo in badan ururku ku baaqayey in sharciga la horkeeno, maadaama xadhigiisa ay ku gedaanaayeen mugdiyo farabadan. SOLJA, waxay walaac badan ka muujinaysaa qaabka uu wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu ula dhaqmayo Suxufiyiinta Dawladda, Hay’addaha warbaahinta ee madaxa banaan iyo horumarkii saxaafadda Somaliland oo uu wiiqayo. Ururka SOLJA, waxa wariyayaasha ka hawl gala wasaaradda Warfaafinta ka soo gaadhaya tacayadiyo farabadan oo ay ka mid yihiin in aan la siinin gunnooyin ay ku shaqaynayeen oo wasaaradda heshiisyo kula gashay wasaaraddo kale, Hay’addo madax banaan iyo shirkaddo ganacsi, kuwaas oo marka lacagahooda la soo qaado aan la siin ama la leexsado. Marka ay isku dayaan inay kala xisaabtamaan masuuliyiinta wasaaradda-na loogu hanjabo in shaqada laga eryi doono, iyadoo lacagahaas ay xaqa u leeyihiin ee wasaaradda soo gala aanay meel na kaga dhicin qasnadda dawladda ama aanay marin nidaamka xisaabeed ee maaliyadda halka xafiis loogu talo galay dakhliga wasaaradda soo gala uu ka dhex furan yahay xarunta Wasaaradda. Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa heshiisyada ay wasaaradda Warfaafintu la gasho hay’addaha iyo shirkaddaha madaxa banaan ee aan sharciga waafaqsanayn in ay wiiqeen dakhligii ay ku tiirsanaayeen warbaahinta madax banaan, maadaama wasaaradda oo Miisaaniyadda qaranka ka hesha in ka badan Afar Milyan ay tartan dhinaca suuqa ah kula jirto warbaahinta gaarka loo leeyahay, taasoo sababtay inay albaabadu u xidhmeen warbaahin farabadan. Warbixinada dhiilada leh ee ku habsatay wariyayaasha warbaahinta Dawladda u shaqaysa iyo kuwa warbaahinta gaarka loo leeyahay ba ee hortaagan ururka SOLJA iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ba waa talaabada uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku joojiyay horumarkii suxufiyiinta ee dhinaca Aqoonta oo uu dhamaantood ka jaray, isagoo gooyay dhaqaalihii Qaranku ugu talo galay. Gaar ahaana wuxuu ka joojiyey boqol suxufi oo wax ka barta Kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacaddaha kale ee gaarka loo leeyahay. Ururka waxa uu u arkaa Wariyayaasha u shaqeeya warbaahinta Dawladda oo ah kuwa ugu badan ee uu ururku matalo inay ku sugan yihiin xaalad car juuq dheh, taasoo uu wasiirku kusoo kordhiyey wasaaradda isagoo u adeegsada cago juglayn iyo hanjabaad gaadhsiisan in uu ula dhaqmo nidaam ka baxsan shuruucda shaqaale nimo, isagoo u adeegsada go’aamo sharci daro ah sida dhacday mudadii uu wasaaradda joogay oo uu kolka uu doonana eryo markuu doonana soo celiyo inta uu doono, mushaharooyinkoodii iyo gunnooyinkoodiina kaga haysto awood sharci daro ah. Ururka SOLJA, waxa uu walaac wayn ka qabaa in isla xisaabtankii iyo ku dhaqanka sharciga ka la’yahay wasaaradda warfaafinta oo la moodo inaanu qaban xeerka Saxaafadda iyo xeerarka kala duwan ee qarankan ka dhigay kuwo isla xisaabtama gaar ahaan inaanu wasiirku u hogaansamin awoodoo sharci dajinta oo uu gabi ahaanteed ba iska dhigo tiray in uu ku dhaqmo xeerarkii ay Ansixiyeen sida xeerka lagu dhaqan galiyey Miisaaniyad sanadeedka 2020-ka. Ururku waxa uu hore mawqif cad uga istaagay go’aankii sharci darada ahaa ee lagu xidhay Star iyo Universal, kuwaas oo uu wali ururka aaminsan yahay in ganaaxii la saaray uu ahaa sharci daro, maadaama aanay wasaaradda iyo Wasiirka mid koodna xaq u lahayn in ay kala noqdaan, Xayiraan ama ganaaxaan wariye ama Hay’ad warbaahineed. Ururka SOLJA, isagoo ka duulaya u adeegsiga Suxufiyiinta iyo hay’addaha warbaahinta Xeerka Ciqaabta waxa uu toddobaadkan Maxkamadda sare ee Somaliland u gudbiyey Dacwad ka dhan ah tacadiyadda ciqaabeed ee ay xukuumaddu kula kacdo Warbaahinta Somaliland, waxaanu ka rajaynayaa Maxkamadda Sare inay tixgaliso Dacwadaas, maadaama dood muddo dheer qaadatay ay ka taagan tahay qaabka loo maro Dacwaddaha Saxaafadda. Sidaasi daraadeed,; Ururka SOLJA, isagoo ka duulaya dhibaatooyinka kala duwan ee kor ku xusan waxa uu ku baaqayaa qoddobadan:- In hay’addaha kala duwan ee Hanti-dhawrka, Golaha Wakiiladda, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Madaxweynaha Qaranku wax ka qabtaan dhibaatada wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu ku hayo shaqaalaha iyo hay’addaha warbaahinta Inay hay’addaha Garsoorku joojiyaan inay si fududu isaga xidhaan Mulkiilayaasha iyo hay’addaha Warbaahinta, iyagoon ka garniqin Dacwadahooda ama aanay ku taageerin masuuliyiinta Dawladda ku tagrifalka awodeed ee ka baxsan inta shuruucda dalku u ogoshahay In Golaha Wakiiladdu guda galo Wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka Saxaafadda ee sanadkii 18aad horyaala golaha Wakiiladda In guddida Dabagalka Hantidu baadhis madax banaan ku samayso isticmaalka Miisaaniyadda iyo Dakhliyadda kala duwan ee soo gala wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, gaar ahaan Madaxa Iibka Barnaamijyadda ee wasaaradda oo hore u galaaftay wasiiro imikana cabasho badan ay Suxufiyiinta u shaqeeya wasaaraddu ka muujiyeen In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland tallaabo cad ka qaato dibu-dhaca ka jira wasaaradda isla markaana dar dar galiyo adeegyadda kala duwan ee ay bulshada u hayso oo ah kuwo haddii muruq iyo maan la galiyo lagula tartami kari lahaa warbaahinaha kala duwan ee loo isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Source
  7. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo Ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay xaalada Farasamada Gacanta ee dalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dayacanyihiin dadka farsamayaqaanada ah, isla markaana loo baahanyahay in dadkaasi la garab istaago oo la tayeeyo farsamadooda korna loo qaado, isaga oo Xukuumadda iyo ganacsatada waaweyn ee dalka u soo jeediyay inay maalgeliyaan dadka leh xirfadaha farsamo. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) waxaa uu sheegay in wakhtigan loo baahan yahay in kor loo qaado wax soo saarka beeraha dalagyada muhiimka ah ee bulshadu aanay ka maarmayna la beero, sidoo kale waxaa uu xildhibaanku ku baaqay in xoolaha nool ee dalka loo raadiyo suuqyo cusub oo caalamiya isla markaana xoolaha aynu u iibgeyno, isaga oo Xildhibaanku intaas ku daray in hadii arrimahaas la sameeyo ay wax wayn ka bedelayaan dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada. Source
  8. Taliyaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka oo saacado badan qaatay, islamarkaana uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii ay wada-shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub iyo sida loo wajahayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Fahad Yaasiin oo ah nin galan-gal xoogan ku leh dowladda, islamarkaana saaxiib la’ah Madaxweynaha Soomaaliya uu maanta la kulmi doono Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulamadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro xilli kala guur ah iyo marxalad adag, kadib markii shirkii Dhuusamareeb 3 lagu shaaciyey nooca doorasho ee la qabanayo. View the full article
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu warbixin ka dhegaystay Guddiga, islamarkaana bogaadiyay shaqada wanaagsan ee u qabsoomtay oo uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan. Qoraalka waxaa lagu xusay, in Madaxweyne Deni ay ka go’antahay hirgelinta Nidaamka xisbiyada badan oo hadda meel wanaagsan maraya, Xukuumaduna waa garab taagantahay Guddiga, iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Ankara)-Israa’iil ayaa kala shaqeyneysa saddex dal oo Carbeed oo kala ah Masar, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya in la wiiqo Turkiga, oo madaxa sirdoonka Israa’iil ee Mossad Yossi Cohen uu rumeysan yahay inay yihiin “halista ugu weyn” ee Israa’iil. Roger Boyes ayaa ku qoray wargeyska The Sunday Times in Cohen uu halista Turkiga kala hadlay saraakiil sirdoon oo ka kala socda Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, muddo iminka laga joogo laba sanno. “Awoodda Iran waa mid jilicsan, halista ugu weyn waxay ka imaneysa Turkiga,” ayuu Cohen u sheegay saraakiisha sirdoonka Carbeed ee uu la kulmay. Sida uu sheegay Boyes, ujeedka hadalka Cohen ayaa ah “in halista Iran aysan weli meesha ka bixin, balse la xadidi karo ayada oo la adeegsanayo cunaqabateeno iyo sirdoon la wadaago.” Si kastaba, “Diblomaasiyadda Turkiga, iyo siyaasadeeda xisaabta ku dhisan ee ay ku wajahaan Bariga Dhexe ayaa halis ku ah Carabta iyo Dalalka Meditareeniyaanka,” sida uu qabo Cohen. Turkiga ayaa sidoo kale ah awood ka tirsan isbaheysiga NATO, oo ciidan ahaan aad uga awood badan Carabta, ayna adag tahay in Mareykanka iyo Yurubta ay saaraan xayiraado la mid ah kuwa Iran. Source
  11. (SLT-Garasle)-Wararka aan ka helayno degaanka Garasle ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal Khasaare dhimasho iyo dhawaac leh oo u dhexeeya laba beelood oo halkaas dega. Waxaa la sheegayaa in dagaalka oo muddo saacado ah qaatay uu hal qof ku dhintay waxaana lasoo sheegayaa in tiro kale ku dhaawacmeen. Waxaa adag in la helo xogta ku aaddan dagaalka maaddaama isgaadhsiinta degaanka Garasle ay go’antahay, waxaana wararku sheegayaan in mar kale uu dagaal qarxi karo, iyadoo maleeyshiyaadka labada dhinac ay is hor fadhiyaan. Maamulka Degaanka ayaa la shegay in ay ciidan u direen si loo loo joojiyo dagaalka, balse wali si toos ah loom kala dhex galin labada dhinac ee dagalamaya, waxaana wali socda hub aruursi ay wadaan beelaha ee dagaalamaya. Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasiyiin culus oo mucaarad ah ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Siyaasiyiintan ayaa waxaa horkacaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana socdaalka ku wehlinaya xubno ka tirsan xisbiga Wadajir iyo mas’uuliyiin kale. Ujeedka socdaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inuu la xiriiro kulan ay la qaadan doonaan madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada. Sidoo kale waxaa haatan qaban-qaabadii u dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeedo dowladda dhexe ayaa soo dhoweeyey heshiiskii Dhuusamareeb, inkastoo uu ka digay dib u dhac ku yimaada, xilliga loo qorsheeyey inay dhacdo doorashada 2020/2021. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli todobaadkii la soo dhaafay Dhuusamareeb lagu soo xiray wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo aysan ka qeyb-gelin mucaaradka. The post Siyaasiyiin miisan culus oo magaalada Dhuusamareeb ku wajahan + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  13. (SLT-Dubai)-Dibad-baxayaal cadheysan oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo kasoo horjeeda xidhiidhka dalkooda uu la sameystay Imaaraadka Carabta, ayaa aas-aasay urur iska caabin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Ururkan oo ay aas-aasen rag ka mid ah mucaaradka Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan Saeed Nasser Al-Taniji, Saeed Khadim Bin Touq Al-Mari, Ahmad Al-Shaybah, Hamid Abdullah Al-Nuaymi, Hamad Mohammed Al-Shamesi iyo Ibrahim Mahmoud Al-e Haram ayaa loogu magac-daray Midowga Iska-caabinta Caadiyeynta Xidhiidhka Israa’iil ee Imaaraadka Carabta. Bayaan ay soo saareen ayey aas-aasayaasha ururka waxay isku dayga Imaaraadka Carabta uu xidhiidh kula yeeshay Israa’iil ku qeexeen “qiyaameyn qaran”, waxayna intaas ku dareen in tallaabooyinka ay sharciyeynayaan qabsashada Israel ee dhulalka Falastiiniyiinta. 13-kii August, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis ay ka shaqeysay Washington oo dhex-maray Imaraaadka Carabta iyo Israa’iil. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu baajinayey goosashada Daanta Galbeed ee ay Israa’iil qorsheysay, hase yeeshee dadka diidan heshiiska ayaa sheegay in caadiyeynta xidhiidhka laga shaqeynayey muddo sannado ah, ayada oo saraakiil Isra’aaliyiin ah ay booqanayeen Imaraaadka, kana qeyb galayeen shirar. Netanyahu ayaa toddobaadkii tegay shaaciyey in goosashada Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin, taasi oo burineysa sheegashada Imaaraadka Carabta. Ururka cusub ee la sameeyey ayaa ujeedkiisa uu yahay inay matalaa shacabka Imaaraadka Carabta ee diidan xidhiidhka Israa’iil, sarena u qaadaan ka warqabka halista xidhiidhka, lana taageeto qadiyadda Falastiiniyiinta. Source
  14. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay in ay dhowaan qaadi doonaan Hawlgal Ciidan oo Al-shabaab loog saari doono Dhulka ay kaga sugan yihiin Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay ka hadlayay Munaasabad ka qabsoontay Dhuusamareeb ayaa sheegay in Maamulkiisu qaadi doono hawlgal ka dhan ah Al-shabaab si looga xoreeyo Degaannada Galmudug. “Galmudug waxay qaadi doontaa howlgal ay cadawga kaga xoreyneyso deegaanada ay heystaan” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Sidoo kale Shacabka Galmudug ayuu ka codsaday in ay garab istaagan Ciidamada si loo xaqiijiyo Amniga islamarkaana looga guulaysto Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Galmudug oo ku dhawaaqday Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland, xili uu weli khilaaf ka taagan yahay qabsoomida doorashada. Madaxweynaha ayaa warbixin dheer ka dhageystay Guddigaasi, midaasi oo ku qotomtay hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka. Guddiga ayaa sidoo kale Biixi u sheegay inay howlahaasi u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen. Muuse Biixi ayaa guddiga ku bogaadiyey dedaalkaasi ay sheegeen ee ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, isagoona ku dhiirigeliyay inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi uga qabsoomi lahaayeen deegaanada Somaliland. Waxa kale oo madaxweynuhu ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka, oo xiligan uu muran badan ka taagan yahay. Ugu dambeyntiina waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka Somaliland la iskula meel dhigay ‘in si wada-jira loo wajaho caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinka’. The post Muxuu ahaa ujeedla kulanka uu Muuse Biixi la qaatay guddiga doorashooyinka? first appeared on Caasimada Online.
  16. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidanka milateriga gaarka ah ee Kumaan dooska Soomaaliya ee DANAB ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Ciidankaan oo wata gaadiid dagaal ayaa safar dhulka ah uga baxay Muqdisho waxeyna dageen gudaha magaalada Jowhar iyadoo ay arintaasi ka dhalatay hadal heyn badan. Illaa iyo hadda si dhab ah looma ogeyn ujeedka ciidanka ay u tageen, waxaana jiraty warar soo baxay oo qaarkood sheegayey in la doonayo in loo adeegsado doorashada HirShabelle, si la mid ah tii Galmudug. Hase yeeshee, qaar kamid ah saraakiisha DANAB oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidankaan aysan wax lug ah ku laheyn arrimaha doorashada iyo siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana qorshaha ay ku gaarene Jowhar ay aheyd arrin soo socotay muddo sanad iyo bar ah. “Ciidankaan siyaasad shaqo kuma lahan, xitaa madaxweyne Farmaajo kama war qabo safarkeena, wax doorasho la xariirana uma bixin, waa ciidan cusub oo dhawaan tababar ka soo baxay waxaana ugu talagalnay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Danab oo la hadlay Caasimada Online. “Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, intaasba waxaan ku leenahay saldhigyo, HirShabeelle waa meesha keliya ee aanan daganeyn, hadda ayaana soo dagnay waxaana ugu wacan Shabaabakii aan ka soo saarno Sh/Hoose waxa uu galaa Sh/ Dhexe marka howlgal wadajir ah ayaa sameyn doonaa,” ayuu yiri. Dhinaca kale, waxaa la filayaa in todobaadkaan dhamaadkiisa uu si rasmi ah u billowdo qorshaha iyo abaabulka doorashada maamulka HirShabelle, waxaana arrintan waddo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wafdi ka socda Villa Somalia ayaa la filayaa in ay dhawaan gaaraan Jowhar islamarkaana ay bilaabaan olalaha doorashada maamulkaas. The post Xog: Qorshaha 'dhabta ah' ee ciidamada DANAB loo geeyay magaalada Jowhar first appeared on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-subax-25082020.mp3 View the full article
  18. Turkey has delivered 12 off-road vehicles to Somalia as part of bilateral military and financial cooperation agreements, the National Defense Ministry said on Monday. Source: Hiiraan Online
  19. There’s now further confirmation that an incident that at first indicated that the Panama-flagged chemical vessel Aegean II (IMO: 9016911) had been hijacked off the Horn of Africa was something different. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 qof oo ka tirsna booliska Soomaaliya iyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan jirin ciidan ka tirsan Asluubta oo weerar ku qaaday guriga Farxaan Maxamuud Qaroole. Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad baraha Bulshada iyo warbaahinta Soomaalida loogu baahiyay wararka sheegayo in la weeraray guriga taliyaha ciidanka Haramcad ee Farxaan Qaroole. Wararka lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya, in 6 Askari oo ka tirsan ciidanka asluubta ay Axaddii maqribkii ka noqdeen Isgoyska dabka oo la sheegay inuu yiilay gaari qarax looga shakiyay, waxayna markaas wadeen sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta oo dagan Waabari. Ciidanka Asluubta ayaa guriga sarkaalka ay wadeen damcay in ay galaan Buundo 1-aad kuna aadan Isgoyska dabka, waxaana la sheegay in ay ku tageen aag u xirnaa Farxaan Qaroole, markii ay ka soo laabteena rasaas lagu furay. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in rasaasta ay fureen ciidanka Farxaan Qaroole islamarkaana aysan jirin wax rasaas ah oo ay bilaabeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeyso in Taliye Farxaan Qaroole ciidankiisa qirteen in rasaasta dhankooda ka bilaabatay kadib markii ay ka shakiyeen gaariga goobta ka laabtay. Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale shalay beeniyay in ciidanka Asluubta ay weerar qaadeen kadib markii warbaahinta Soomaalida ay shalay baahisay xogtaas. Afhayeenka ciiddanka asluuubta, Cabdiqani Maxamed Qalaf, ayaa sheegay sarkaal katirsan ciidanka asluubta oo ilaalo wata ay israsaaseeyeen ilaalada taliyaha ciidanka Haramcad, taasoo uu sheegay inay ku timid isfahan darro iyo kala shaki ka dhex abuurmay labada ciidan. “Nin sarkaal oo katirsan ciiddankeeda ayaa marayay waddada dabka, waxaa wadada laga sheegay Qarax, Wuxuu ka leexday jidkii, wuxuu maray jid cadde, jid caddihii wuxuu geeyay guri uu degen yahay nin sarkaal oo markii dambe nala ku sheegay taliyaha haysta ciidanka Haramcad. Markii wadadii kusoo xirantay ayuu taliyuhu kala wareegay, kadibna labadii ciidan way is xabbadeeyeen, ciidanka Haramcad ayaa shakiyay oo xabbada soo riday,” ayuu yiri Cabdqani Qalaf. The post Xaqiiqda weera la sheegay in ciidamada asluubta ay ku qaadeen taliyaha Haramcad first appeared on Caasimada Online.
  21. A Somali American has been named Minnesota’s Teacher of the Year for 2020. Qorsho Hassan is the first Somali American to receive the honor,which was announced earlier this month by a group called Education Minnesota. Source: Hiiraan Online
  22. The construction of the controversial 700 km wall at the Kenya-Somalia border is back underway according to a former Somali forces Colonel Aden Ruffle. Source: Hiiraan Online
  23. OTTAWA: Canadian Conservatives on Monday announced their new leader, former air force navigator Erin O’Toole, who will quickly have to get the party battle-ready to challenge liberal Prime Minister Justin Trudeau in possible snap elections. Source: Hiiraan Online
  24. Accuse ministry of running down even the NCPB, buying local farmers' maize at throwaway prices Source: Hiiraan Online
  25. Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa kala shaqeyneysa saddex dal oo Carbeed oo kala ah Masar, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya in la wiiqo Turkiga, oo madaxa sirdoonka Israel ee Mossad Yossi Cohen uu rumeysan yahay inay yihiin “halista ugu weyn” ee Israel. Roger Boyes ayaa ku qoray wargeyska The Sunday Times in Cohen uu halista Turkiga kala hadlay saraakiil sirdoon oo ka kala socda Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, muddo imnka laga joogo laba sano. “Awoodda Iran waa mid jilicsan, halista ugu weyn waxay ka imaneysa Turkiga,” ayuu Cohen u sheegay saraakiisha sirdoonka Carbeed ee uu la kulmay. Sida uu sheegay Boyes, ujeedka hadalka Cohen ayaa ah “in halista Iran aysan weli meesha ka bixin, balse la xadidi karo ayada oo la adeegsanayo cunaqabateeno iyo sirdoon la wadaago.” Si kastaba, “Diblomaasiyadda Turkiga, iyo siyaasadeeda xisaabta ku dhisan ee ay ku wajahaan Bariga Dhexe ayaa halis ku ah Carabta iyo Dalalka Meditareeniyaanka,” sida uu qabo Cohen. Turkiga ayaa sidoo kale ah awood ka tirsan isbaheysiga NATO, oo ciidan ahaan aad uga awood badan Carabta, ayna adag tahay in Mareykanka iyo Yurubta ay saaraan xayiraado la mid ah kuwa Iran. The post ISRAEL oo saddex dal oo Carab ah kala shaqeyneysa qorshe ka dhan ah Turkey first appeared on Caasimada Online.