-
Content Count
211,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dibad-baxayaal carreysan oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo kasoo horjeeda xiriirka dalkooda uu la sameystay Imaaraadka Carabta, ayaa aas-aasay urur iska caabin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Ururkan oo ay aas-aasen rag ka mid ah mucaaradka Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan Saeed Nasser Al-Taniji, Saeed Khadim Bin Touq Al-Mari, Ahmad Al-Shaybah, Hamid Abdullah Al-Nuaymi, Hamad Mohammed Al-Shamesi iyo Ibrahim Mahmoud Al-e Haram ayaa loogu magac-dray Midowga Iska-caabinta Caadiyeynta Xiriirka Israel ee Imaaraadka Carabta. Bayaan ay soo saareen ayey aas-aasayaasha ururka waxay isku dayga Imaaraadka Carabta uu xiriir kula yeeshay Israel ku qeexeen “qiyaameyn qaran”, waxayna intaas ku dareen in tallaabooyinka ay sharciyeynayaan qabsashada Israel ee dhulalka Falastiiniyiinta. 13-kii August, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis ay ka shaqeysay Washington oo dhex-maray Imaraaadka Carabta iyo Israel. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu baajinayey goosashada Daanta Galbeed ee ay Israel qorsheysay, hase yeeshee dadka diidan heshiiska ayaa sheegay in caadiyeynta xiriirka laga shaqeynayey muddo sanado ah, ayada oo saraakiil Isra’aaliyiin ah ay booqanayeen Imaraaadka, kana qeyb galayeen shirar. Netanyahu ayaa toddobaadkii tegay shaaciyey in goosashada Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin, taasi oo burineysa sheegashada Imaaraadka Carabta. Ururka cusub ee la sameeyey ayaa ujeedkiisa uu yahay inay matalaa shacabka Imaaraadka Carabta ee diidan xiriirka Israel, sarena u qaadaan ka warqabka halista xiriirka, lana taageeto qadiyadda Falastiiniyiinta. The post Shacabka Imaaraadka oo billaabay kacdoon ka dhan ah xiriirka lala yeeshay Israel first appeared on Caasimada Online.
-
Booliska Mareykanka oo toogtay Nin Madow shalay+Mudharaado rabsahdo wata oo qarxay Mudaharaadeyaasha ayaa gawaadhi ku gubay Kenosha Dibadbaxyo ayaa ka billowday gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka kaddib markii ay boolisku toogteen nin madow ah, kaasoo ay rasaas badan la dhaceen xilli ay sheegeen inay ka fal celinayeen dhacdo la xidhiidhta qoys. Ninka la toogtay, oo magaciisa lagu sheegay Jacob Blake, ayaa isagoo ay xaaladdiisu aad u liidato ku jira isbitaalka. Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa Mr Blake oo dhabarka laga tooganayo isagoo isku dayaya inuu galo gaadhi. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Kenosha. Mas’uuliyiinta Kenosha ayaa ku dhawaaqay bandow deg deg ah oo magaalada la saaray xilliga habeenkii ah, maadaama uu qalalaase xoog leh ka dhashay toogashadaas. Boqollaal qof ayaa habeenimadii ay Axadda sii baxeysay isugu tagay saldhigga booliska. Gawaadhi badan ayaa dab la qabadsiiyay, mudaharaadeyaashana waxay ku dhawaaqayeen “Dib uma dabi doonno”. Digniin ay booliska soo saareen ayaa loogu baaqay dadka ganacsiyada 24-ka saac heysta inay xidhaan, maadaama ay jirto cabsi xoog leh oo ku aaddan in bililiqo la sameeyo. Waxaa kale oo lasoo tabiyay in kooxo budhcad ah ay rasaas ku fureen meelaha qaarkood. Ciidamada amniga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday boqollaal ruux oo mudaharaadayay, si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ku gacan seydhay amarka bandowga. Dhawaan waxaa Mareykanka ruxay mudaharaadyo rabshado watay oo daba socday dilkii George Floyd Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd. Magaca Jacob Blake ayaa si weyn ugu wareegaya baraha bulshada, kumannaan qof ayaana saxiixay dalab lagu doonayo in la maxkamadeeyo askartii ku lug lahayd toogashadiisa. Badhasaabka gobolka Wisconsin, Tony Evers, ayaa cambaareeyay toogashada loo geystay Mr Blake, oo lagu soo warramay in marka la dhaawacayay uusan hubeysneyn. “Inkastoo aannaan heynin faahfaahin buuxda, waxa aan ilaa hadda hubno waa in ninkan uusan ahayn qofkii ugu horreeyay ee madow ah oo la toogto ama la dhaawaco ama si arxan darro ah loogu dilo gacanta shakhsiyaadka sharciga meel mariya ee ka howl gala deegaankeenna,” ayuu badhasaabku ku yidhi bayaan uu soo saaray. Maxaa dhacay? Taliska booliska magaalada Kenosha ayaa sheegay in “toogashada uu askariga fuliyay” ay dhacday waqti ka dambeeyay 17:00 ee maalintii Axadda. Waxay intaas ku dareen in askariga uu gargaar deg deg ah u sameeyay Mr Blake, durbana loo qaaday isbitaalka deegaanka Milwaukee. Waxay saraakiishu sheegeen in booliska ay markaas ka falcelinayeen “dhacdo la xidhiidhta qoys” balse wax faahfaahin ah kama aysan bixinin waxa sababay toogashada. Waaxda caddaaladda ee gobolka Wisconsin ayaa hadda baadhitaan ku wadda dhacdada. Waxay mas’uuliyiinteeda sheegeen in askartii falkaas ku lug yeelatay loo diray fasax ku yimid amar dhinaca maamulka ah. Muuqalaka lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga daawaday saddex askari oo hubkooda ku jeedinaya nin lagu sheegay inuu ahaa Mr Blake xilli uu isaguna markaas kusii socday gaadhi noociisu yahay SUV oo meel u dhow yaallay. Markii uu albaabkii gaadhiga iska furay uu uu gudaha sii galayay, ayuu askari shaatiga kasoo jiiday rasaasna ku furay. Dhawaaqa ilaa toddoba xabbadood ayaa laga maqlayaa muuqaalka, iyadoo markaasna dad goob joogeyaal ah ay qeylinayeen. Askartii dhacdadan ku lug lahayd wali magacyadooda lama shaacinin. Qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, oo lagu magacaabo Ben Crump, ayaa telefishinka CNN u sheegay in qoyska Mr Blake ay lasoo xidhiidheen kana dalbadeen caawinaad. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhallinyarada degmooyinka gobalka Banaadir ee ka qeybta ahaa olalaha ka hortagga cudurka safmarka ah ee Covid-19, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda caafimaadka iyo maamulka gobalka Banaadir aysan bixin mushaarkii dhallinyaradii howshaan waday. Mushruuc wacyi gelin ah oo soconayay muddo laba bilood ah, bishiina lagu qaadanayay lacag dhan 425$ ayaa la siiyay dhallinyarada Muqdisho, hase yeeshee waxaa ilaa hadda ka maqan lacagtaas. Mushruucaan labada bilood ah ayaa soo dhamaaday 30-kii bishii July ee sanadkaan waxaana wixii markaas ka dambeeyay albaabada laga xirtay dhalinyaradii howshaan waday. Qaar ka mid ah dhallinyarada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay wajahayaan jahwareer islamarkaana loo sheegay in aanan lasiin doonin lacagta ka maqan haddii ay warbaahinta ka hadlaan. Sidoo kale dhalinyaardaan ayaa qaabilsanaa diiwaan gelinta dadka uu cudurkaan haleelay, waxeyna ka soo diiwaan gelin jireen xaafadaha taas oo ay kala kulmi jireen dhibaatooyin badan. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga jawaabayo cabashada dhalinyaradaan ay ka maqantahay xuquuqdii ay lahaayeen. The post Waxaa bishii lagula heshiiyey 5 balse dollar lama siin - Dhallinyaro ka cabanaya DF iyo maamulka G/Banaadir first appeared on Caasimada Online.
-
Ninkii dilkiisu sababay isku dhicii Spain iyo Mexico Dilkii Gallostra wuxuu shaaca ka qaaday fadeexad ka jirtay Mexico José Gallostra y Coello, oo u dhashay dalka Portugal, wuxuu ahaa nin aad u qiimo badnaa marka le eego doorkiisii shaqo. Waxaa uu bixin jiray dal ku galka ay dadka reer Mexico ugu safri karaan Spain, xilli uusan markaas jirin xidhiidh ka dhaxeeyay labada waddan. Noloshiisa dhinaca bulshada waxay ahayd mid uu dadka oo idil kusoo jiidan jiray, wuxuuna ka qeyb gali jiray shirar badan oo ay yeelanayeen ganacsato, saraakiil dowladeed iyo diblomaasiyiin. Laakiin waxa uu islamarkaas aruurin jiray xog qarsoodi ah oo uu u diri jiray waddankiisa, taasina waxay siyaasiyiinta Mexico cadaadis ku saareysay inay dib u billaabaan xidhiidhada diblomaasiyadeed. Dadka qaar waxay sheegaan inuu ahaa jaajuus u shaqeyn jiray dowladdii uu hoggaaminayay janaraalkii reer Spain ee lagu magacaabi jiray Francisco Franco. Kuwo kalena waxay aaminsan yihiin inuu ahaa kaliya qof khibrad leh oo la wada jecel yahay. Gallostra waxaa la dilay 20-kii bishii February ee sanadkii 1950-kii. Dilkiisa waxaa bartamaha caasimadda Mexico ku fuliyay nin fallaar adeegsaday oo lagu magacaabi jiray Gabriel Salvador Fleitas Rouco. Sababta loo dilay ilaa hadda lama oga, laakiin fal dambiyeedkaas wuxuu sababay isku dac diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay labada waddan. Isla xilligaas waxaa billowday naceyb aad u weyn oo looga soo horjeeday dadka reer Spain ee dibadaha ku nool. Arrintan waxay qeyb ka tahay taariikhda Mexico ee aan wali si dhammeystiran loo sheegin, sida laga soo xigtay khubaro. Xilliyadaas arrimihii lasoo maray ee aan sharraxaadda badan laga heynin waxaa ka mid ah dagaalkii sokeeye ee Spain, doorkii ay Mexico ku lahayd Dagaalkii Labaad ee Adduunka, soo ifbixitaankii labo dowladood oo awood weyn ku lahaa caalamka iyo sannadihii ugu horreeyay ee Dagaalkii Qaboobaa. Dagaalkii Labaad ee Adduunka Saameyntii ka dhalatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay gaadhay guud ahaan nolosha dadka reer Mexico. Tusaale ahaan, Mexico waligeed ma aysan aqoonsanin dowladdii Franco, laakiin waxaa jiray qeybo ka mid ah waddanka oo taageersanaa janaraalka reer Spain. José Gallostra wuxuu ahaa wakiil aan rasmi ahayn oo Franco u fadhiyay dalka México. Xitaa qaarkood, xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay la safnaayeen Jarmalka, Fransiiska iyo Talyaaniga, iyadoo xaqiiqda jirtayna ay ahayd in Mexico ay si rasmi ah dagaal ugula jirtay xoogaggii la dagaallamayay isbahaysigii kasoo horjeeday xulafada Mareykanka. Intii muddadaas lagu guda jiray, waxaa jiray wakiillo ka socday maamulkii Naaxiga oo Mexico dhexdeeda ka sameynayay ol’ole buunbuunin ah oo looga soo horjeeday Mareykanka iyo isbahaysigiisa. Laakiin waxaa kale oo Mexico ku yaallay xabsi weyn oo lagu xidhi jiray dadka taageersan Naaziga Jarmalka. Francisco Franco wuxuu doonayay dib usoo celinta xidhiidhka México. Dhanka kale, Mexico waxay martigalin jirtay dadka kasoo horjeeday janaraalka Franco iyo kuwa ay dacwadaha kusoo oogtay dowladdiisii Spain. Arrintaas wuxuu Franco u adeegsan jiray eedeymaha uu u jeedin jiray maamulka Mexico. Sidaas ayuu marba marka ka dambeysa usii xumaanayay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada waddan. Khubarada ku xeel dheer arrimahanna waxay aaminsan yihiin in dilkii Gallostra uu sababay sii xumaashada isku dhaca labada dowladood. Laakiin muddo kaddib Francisco Franco wuxuu ol’ole u sameeyay dib usoo nooleynta xidhiidhka diblomaasi ee Spain iyo Mexico. Qaran News
-
Lacag Dahab ah oo aasneyd 1100 sanadood oo hadda la helay Lavagta dahabka ee la aasay wuxuu culeyskeedu yahay 845g (30oz) Dhallinyaro si iskood ah gacan uga geysanaya in la qodo meelo taariikhi ah oo ku yaalla Bartamaha Israa’iil, ayaa waxay heleen 425 shilin oo dahab ah oo lagu aasay meel dhoobo ah. Waxaa la qiyaasayaa in 1,100 sano ka hor halkaas lagu aasay. Dahabkan lacagta ah wuxuu badankiisa ahaa xilligii ugu horreysay ee Islaamka uu ku fiday halkaas, gaar ahaan xilligii Khilaafadii Cabaasiyiinta. Shilimaadkan wuxuu culeyskoodu gaarayaa 845g, waxaana suuragal ah in lacag aad u badan ay ahayd xilligii la aasayay – dhaqaale ku filmaan in guri wayn oo raaxo ah looga iibsado deegaannadii khilaafada. Lama oga ciddii lahay iyo sababta aysan ugu soo noqon lacagtaas. “Qofkii lahaa dhaqaalahan ee 1,100 sano ka hor aasay, waxaa suuragal ah inuu rabay in uu dib ugu soo noqdo, xitaa doonta wuu adkeystay si aysan u dhaqaaqin,” sida ay sheegeen agaasimeyaasha dhallinyarada soo quftay dahabta ee lagu kala magacaabo Liat Nadav-Ziv iyo Elie Haddad. Waxay hadalkaas ku sheegeen qoraal ay soo saareen. Oz Cohen oo ka mid ah dadka si iskood ah arrintan uga shaqeeyay wuxuu sheegay in markii hore uu moodeyay caleen yaryar, ka dib ayuu soo saaray dahabka. Waxay qoraalka ku sheegeen: “In la helo shilimaad dahab ah, oo cadadkoodu intaan la eg yahay, waa arrin aad dhif iyo naadir u ah. Waxay u badan tahay in aan weligeed laga helin meelaha taariikhiga ah ee la qodo, iyadoo la og yahay in dahabka uu markasta qiimo lahaa. Waa la dhalaaliyay, waxaana isu soo dhiibay jiilal badan.” Ninka dhallinyarada ah ee helay dahabkan, Oz Cohen, wuxuu sheegay: “Waa arrin cajiib ah. Dhulka ayaan qoday, markii aan xoogaa wadayna, waxaan arkay wax u eg caleen yaryar. Markii aan eegayna waxayba noqdeen shilimaad dahab ah.” Robert Kool, oo khabiir ku ah lacagta shilinka ah, wuxuu sheegay in lacagta ay ka kooban tahay Dinaar buuxa iyo sidoo kale 270 shilin oo yaryar – shilimaadka yaryar ee dinaarka waxaa loo adeegsanayay “baaqiga soo noqda ee sarifka ah”. Wuxuu intaa ku daray, in qeyb ka mid ah kuwa yaryar ee dahabka ay ahaayeen shilimaadkii boqorkii Byzantine ee Theophilos ee laga adeegsanayay magaaladii Constantinople (oo hadda ah Istanbul). Lacagtaas waxay caddeyn yar oo aan la helin u tahay xiriirkii ka dhexeeyay labadii boqortooyo ee iska soo horjeeday Qaran News
-
adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si dadban u muddeeyey in doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannadu ay dalka ka qabsoomi karaan dhammaadka bisha Ramadaan oo bilawgeedu ku beegan yahay tobanka dhexe ee bisha April, dhammaadkeeduna yahay tobanka dhexe ee bisha May 2021, haddii Ilaahay yidhaahdo. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan leh ka jeediyey kulan uu haweenka KULMIYE kula qaatay xarunta xisbiga talada haya ee Caasimadda Hargeysa maanta (Isniin, 24 August 2020), waxa uu sheegay in doorashooyinka oo si joogto ah waqtigooda ugu qabsooma ay Somaliland u horseedi karaan dowladnimo la mahadiyo iyo mustaqbal fiican. “Doorasho ayaa maanta imanaysa, doorashadaasna waxa aan jecelahay ramadaanta haddii ay maalmaha ugu dambeeya dhaafto in aanay innagu dhaafin, waayo haddii aynu doonayno in uu dalku hore u maro oo aynu ubadkeenna uga tagno dowlad ay mahadiyaan iyo mustaqbalka dambe ee Somaliland-ba, wixii la soo maray ee ay bani’aadamku soo tijaabiyeen ayuun baynu maraynaa oo meel cusub oo kale mari kari mayno, taasina waxay tahay in talada dalka la wadaago. Maxaa talada dalka lagu wadaagi karayaa? Waxa lagu wadaagayaa in shantii sanno hal mar ay doorashadu dhacdo markii lagu ballammay. Haddii koox la doortay ay tidhaahdo; “dhici maayo oo inta aan doono ayaan joogayaa” lagu heshiin maayo, dowlad ku noqon mayno, waynu isku qabsanaynaa oo dib ayeynu ugu dhacaynaa, maantana tii ayaa ina hortaala,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi. Waxaanna muuqata inay dhinac iska waafaqsan yihiin hadalkan Madaxweynaha Somaliland uu sida dadban ugu iftiimiyey waqtiga doorashada iyo jad-walka ay Komishanka Doorashooyinku soo saareen maalintii Axadda ee ay taariikhdu ahayd 23 August 2020, iyagoo Komishanku caddeeyeen inay u baahan yihiin ugu yaraan muddo 9 bilood ah oo ay ku dhammaystiraan hawlaha doorashooyinka, taasoo muujinaysa in doorashooyinku qabsoomi karaan badhtamaha sannadka soo socda ee 2021 (Insha Allaah). Waxa kaloo Madaxweynuhu wax aan la aqbali karin ku sifeeyey muddo-dhaafka aan macquulka ahayn ee ay ku fadhiyaan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu, waxaannu yidhi; “Ma dhacayso dimuqraaddi ayaan ahay, golahana dhaxal ayuu ku soconayaa. Golaha Guurtida ee la doortay kuwii Mado-wayn lagu doortay oo ah muddo ku dhaw 40 sanno ayaa jooga, (xildhibaankii dhintayna) inankiisa ayaa dhaxlay, haddana kii labaad ayaa dhaxlay. Kumaynaan heshiin, halgankana umaynaan gelin in la abuuro boqortooyo qof ah oo ah qof dhaxla qof kale, waana doorasho xor ah oo xilka mar ayaa qofka lagu tijaabinayaa, waana la beddelayaa, xilka ka helaana waa inuu aqbalo, waana khasab, lala kala xishoon maayo, la isugu tudhi maayo, xilkuna dadka ayuu ka dhexeeyaa ee qofku waqtigii loo dhiibay waa inuu soo celiyaa. Shan sanno ayeynu dooranay golayaasheenna oo dhan, golaheenna Baarlamanka (Golaha Wakiillada) lala kala baqan maayo oo lala kala xishoon maayo ee waar 15 sanno xaq nooguma lihidin, shan sanno ayaannu idin doorannay oo haddii aad wax wanaagsan qabateen waad ku ammaanan tihiin oo taariikh ayaad yeelanaysaan, haddii aydaan wax wanaagsan qabanna dhaliisha ayaad leedihiin, laakiin qaar kale ayaa la tijaabinayaa, Dowladaha Hoose waa la mid, Madaxweyneyaashuna waa la mid ee horta waxa aynu doonaynaa in aynu xaqiijino waqtigii la doortay in aynu doorashada waqtigeedii soo celinno, si loogu tijaabiyo kolba qofka wanaagsan oo aanay fawdo dhicin oo aannu isaguna kursiga ku muuso-naabin, mid kalena ku raacin, waayo kan la dooranayo waa isku mid uun oo qof ayaa la tijaabinayaa, marka la tijaabinayo ayuun baa la yaqaan maxaad ka tagtay?, waana qodob oo waqtigoodii ayaa jooga labadaas goleba (Guurtida iyo Wakiilladu) waa muddo-dhaaf aan macquul ahayn, golayaasha Dowladaha Hoose-na waa la mid, markaa doorasho ayeynu gelaynaa, doorashada Golaha Guurtidana waa loo heli waddadii lagu dooranayey, waxayna u baahan tahay marka aynu wax dooranayno aynu si wacan wax u doorano, qiyaasta aynu dooranayno aynu isla helno, qofkaasi shaqadaas inuu yaqaanno ha la eego.” Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay in doorashooyinkii u dambeeyey ay xisbiyada qaranku dar-jiidheen xiliyadii lagu jiray ololaha, isagoo xusay in xisbiyadu ku ololeeyeen hadallo ah cay, colaad iyo waxyaabo ficiltan ah lid ku ahaa dhaqanka iyo wax-isku-ahaanshaha dadka Somaliland, waxaannu ku baaqay in doorashooyinka soo socda laga waayo-arko arrimaha noocaas ah, loona tartami si walaaltinimo iyo wanaag ku salaysan. “Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka oo innagu cusub, halkan markii aynu doorashooyinka gelaynay waynu dar-jiidhnay oo haddii xisbiyada la yahay waa la dar-jiidhay, waana dhaqan aynaan aqoon oo waxa dhacday in markii makarafoonka la qaatay in aynu tartankii u qaadanay cay, colaad, dadka oo la isku bahalo-geliyo iyo ololaha xanaftiisii oo si aan ilbaxnimo ahayn loo adeegsaday, waxaanan weliba leeyahay doorashadan soo socota haddii aynu KULMIYE nahay aynu ka waayo-aragno oo ka UCID jooga iyo ka WADDANI joogaa waa walaalkaa ee aynu tartanno sida ay ardaydu imtixaanka ugu tartanto, aynu ku tartanno sida shax loo wada ciyaaro ee aayar uun faraha boodhka la iskaga tiro,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Yaynaan dhaqankeennii, walaaltinimadeennii iyo dadnimadeennii ku xad-gudbin.” ++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ Khudbadda Madaxweynaha oo dhammaystiran halkan ka daawo https://www.youtube.com/watch?v=KYnP6jFXD8o Source
-
Xog: Arrinta ay qorsheynayaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu si weyn ugu soo dhaweeyay dhigiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shir xasaasiya wada-yeelanaya, kaasi oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xog ay helayso Caasimada Online, ayaa sidoo kale sheegaysa in labada madaxweyne ay qorsheynayaan sidii ay gor-gortan ula gali lahaayeen xubnaha Beesha Caalamka ee ku cadaadinaya aqbalidda heshiiskii dhawaan kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb-3. Shirkaasi oo ay qaadaceen labada madaxweyne ayaa waxa laga soo saaray go’aamo laga gaaray Nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa, taasi oo muddooyinkii dambe jahwareer siyaasadeed dhalisay. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa hore uga wada socday qaadacaadii ay ku sameeyen shirkii Dhuusamareeb-3, iyagoona ganafka ku dhuftay 17-kii qodob ee laga soo saaray shirkaasi. Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay soo saaran war-saxaafadeed ay ku shaacinayaan shuruudo cusub oo ay ku aqbali karaan heshiiskii ay wada saxiixeen Madaxweynaha DFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho. Waxaana la filayaa in kulamada labada madaxweyne ay qeyb ka noqdaan wafdi ka socda beesha caalamka oo lagu wado inay tagaan magaalada Garoowe, si ay madaxdaasi ugula hadlaan cabashada ay ka qabaan arrimaha doorashooyinka iyo weliba shirarkii wada-tashi. The post Xog: Arrinta ay qorsheynayaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online. -
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-Shabelle-24082020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka, kana mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay ‘balan uu sheegay inuu madaxweyne Farmaajo uga baxay dadka gobolka Banaadir’. Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in Farmaajo uu balan ka baxaasi ku cadeeyay shirkii dhawaan lagu soo afmeeray magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo lagu gaaray go’aamo aan loo dhameyn. Cosoble ayaa ku doodaya in madaxweynaha aysan dhab ka aheyn xuquuqdii uu sheegayay inuu u raadinayo gobolka Banaadir, isla markaana uu balan uga baxay shacabka, maadaama uu weli saxiixi la’yahay 13-ka kursi ee gobolka loo ogolaaday. “Maqaamka gobolka Banaadir haddii ay dhab kaa tahay (madaxweyne) waxaad kusoo dari laheyd heshiiiskii doorashada Dhuusamareeb oo adiga aad diyaarastay. Waxaa muuqata inaysan daacad kaa aheyn dhabna kaa aheyn xuquuqda gobolka Banaadir ee aqalka sarre” ayuu yiri. Xildhibaankan oo kamid ah mudaneyaashii sida weyn ugu ololeynayay in 13-kursi aqalka sarre laga siiyo gobolka Banaadir ayaa madaxweynaha ku eedeyey inuu ka been sheegay balantiisi. “Maxaa yeelay ilaa hadda sharcigii golaha shacabka ansixiyey miiskaada ayuu saaran yahay, waana saxiixi la’dahay” ayuu sidoo kale yiri Xildhibaanku. Ugu dambeyntiina waxa uu xildhibaanku ugu baaqay Farmaajo inuu ka run sheego oo uu fuliyo balankii uu u qaaday dadka gobolka Banaadir, kaasi oo ku saleysnaa sidii ay dadkaasi xuquuqdooda u heli lahaayeen. The post Rajadii 13-ka kursi ee gobolka Banaadir 'oo u muuqata inay meesha ka baxday ' first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar usoo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay Magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada tababarka loosoo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda, dugsigaTababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb. Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda & dadkooda kana difaacaan cadowga. Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen. Tani waxay qeyb ka tahay daddaalada Galmudug ee ku aadan tayeynta iyo u qaabeynta ciidamada kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta ayaa laga joogaa 30 maalin markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali kheyrre waxaana la sugayay in Madaxweyne Farmaajo soo magacaabo ra’iisul wasaare soona dhisa xukuumad sii wadda hawlaha dowladda inta ka dhimman muddo-xileedka dowladda nabad iyo nolol. Inkasta oo bil dhammaatay hadana, madaxweynaha waxaa uu heystaa waqti furan, mana jiro qodob dastuuri ah ama ku cad xeer hoosaadka golaha shacabka oo sheegaya ama xaddidaya maalmaha uu u baahan yahay madaxweynaha si uu u soo magacaabo wasiirka koowaad ee xukuumadda, keliya waxa uu dastuurku sheegayaa in madaxweynuhu awood u leeyahay magacaabista iyo kala dirista wasiirrada xukuumadda Soomaaliya. Dastuurka ku meel gaarka ah qodobkiisa 90aad xilka iyo awoodaha madaxweynaha faqradiisa koowaad xarafka (d) ayaa u dhigan “wuxuu magacaabayaa xilka wasiirka koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa xukuumadda federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida golaha shacabka ee baarlamaanka federalka ah oo ah cod hal dheeri ah (50% + 1)”. Dhanka kale xeer hoosaadka golaha shacabka kuma cadda muddada uu madaxweynaha ku soo magacaabayo ra’iisul wasaaraha. Marka laga hadlayo Codka Kalsooni Kala Noqoshada Xukuumadda Xeer hoosaadka golaha shacabka qodobka 54aad faqrada 12’aad ayaa u qoran sida tan “Hadii mooshinka la ansaxiyo Guddoomiyuhu waa in uu ku wargeliyaa Madaxweynaha natiijada codeynta, si uu u fuliyo waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran, Sida ku cad qodobbada 90aad iyo 103aad ee Dastuurka”. Dad badan ayaa aamminsan in madaxweynuhu heysto 30 maalin soo magacaabista ra’iisul wasaare mise jirto meel ay kaga qoran tahay xeerarka iyo dastuurka dalka, intaa waxaa dheer ma jiro hannaan cad oo loo marayo haddii madaxweynuhu ku adkeysto inuusan soo magacaabin ra’iisul wasaare ama la daaho. Xeer hoosaadka golaha shacabka ayaa cayimaya mudada lagu soo dhisayo golaha wasiiradda xukuumadda marka uu helo ra’iisul wasaaruhu codka kalsoonida golaha shacab ka, qodobka 51aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka ayaa u qoran “Ra’isul-wasaaruhu markii uu helo codka kalsoonida Golaha Shacabka, waa in uu hor-keeno liiska Golihiisa Wasiirrada iyo barnaamijka xukuumaddiisa muddo aan ka badnayn soddon (30)- cisho, si Goluhu u siiyo kalsoonida codeyn gacan-taag ah oo aqlabiyadda guud (50%+1) ee tirada Golaha”. Guddoonka golaha shacabka ayaa 25 July 2020 warbaahinta u sheegay in kalsoonida la gala noqday xukuumadda uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxuuna u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmajo inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo gaarsiiya dalka doorasho. Isla maalintaa waxaa war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu yiri “ Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka”. Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maalintaa aqbalay ceyrinta Kheyre waxa uu xilka ra’iisul wasaaraha si ku meel gaal ah u magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenkii xukuumaddi golaha shacabka kalsoonida kala noqday Mahdi Khadar Guuleed. Sharciyaqaano iyo xeel-dheerayaal siyaasadeed waxay ku tilmaameen sharci daro aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka in la magacaabo siihaye ra’iisul wasaare. Dib u milicsi aan ku sameynay dastuuradii iyo axdiyadii ku meel-gaar ka ahaa ma jiro sharci ama axdi sheegaya muddo ama ku qasbayay madaxweynaha inuu muddo kooban ku soo magacaabo wasiirka koowaad ee dalka. W/Q/ Xasan Maxamuud Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s militant group al-Shabaab has increased raids in Mogadishu, taking advantage of the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda Fahad Yaasiin ayaa hadda ka socda hoyga Xasan Sheekh uu ka deganyahay Muqdiaho. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kulankan uu soo bilowday galabta makhrinimadii, kadib markii Fahad Yaasiin uu madaxweynaha ugu tegay hoygiisa. Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in labada masuul ay ka wadahadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka. Kulanka Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin ayaa ku soo aadaya iyadoo saacado kooban ay madaxweyne Farmaajo uga harsantahay mudada 30-ka cisho ah ee dastuurku u ogolaanayo in uu Ra’iisul wasaare ku soo magacaabo. Fahad ayaa la aaminsanyahay in uu talo ku leeyahay soo magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana si rasmi ah loo ogeyn in kulankooda uu ku qotomo la tashiyo la xariira soo magacaabidda ra’iisul wasaare cusub. The post Kulan xasaasi ah oo hadda Muqdisho uga socda Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-24082020.mp3 View the full article
-
Mogadishu (PP Editorial ) — The inequities inflicted on marginalised Somali clans received a new lease of life twenty years ago when the 4.5 power-sharing system was placed at the heart of the Somali political system. The burning question is: Why has the plight of marginalised Somali clans deteriorated despite the adoption of a federal system and end of the transition in 2012? The proponents of the 4.5 have succeeded to institutionalise the lower citizenship status of Somali marginalised clans. The evidence for lesser political rights assigned to the Sixth Clans ( the other grappellation for marginalised clans) lies in the distribution of MPs and Senators of the Sixth Clans constituencies from Lower Shabelle, a region that is known for diverse social groups. The two coastal and hostoric districts, Marka and Baraawe, have undergone a demographic change caused by the civil war. The demographic change does not necessitate the use of minority or majority to describe the status of different clans in the region. Before 1991 both Baraawe and Marka were districs mainly populated by Banadiri clans. The two districs come under the jurisdiction of South West State but have no representation commensurate with their historic rights and belonging to those districts. The picture of underrepresentation gets starker given how the Jareer Weyn clan remains underrepresented in Lower Shabelle region and South West State. Both Jareer Weyn and Banadiri clans suffer the indignity of being relegated to the status of underrepresented clans. With the plans to conduct indirect elections in Somalia underway , MPs and Senators of Banadiri and Jareer Weyn will have to be elected in South West. In practical terms two clans with full representation rights will have the privilege to decide how MPs and Senators and MPs of marginalised clans will be selected. The Fifth Clans of Somalia suffer the indignity of underrepresentation in legislatures and Federal Member States A similar problem faces marginalised clans in Middle Shabelle whose MPs and Senators will be selected under the watch of Hirshabelle State. Why should Federal Member States that relegate half or more of the locals to a lower citizenship status through underrepresentation oversee election of MPs and Senators from marginalised Somali clans? The Electoral Law of Somalia contains provisions for electing MPs and Senators from disputed areas and regions where elections cannot take place. Instead of deepening the political underrepresentation of marginalised Somali clans the National Independent Electoral Commission coud do better by making sure that representatives from marginalised Somali clans elect their MPs and Senators without subsuming them under Federal Member States that institutionalise and benefit from the political underrepresentation of Somali citizens. © Puntland Post, 2020 The post Parliamentary Seats for Marginalised Somali Clans appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raadinaya qof madax uga noqda ololahiisa doorashada sida uu qabo Xuseen Macalin Maxamuud oo mar lataliye kasoo noqday Villa Soomaaliya. Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah madaxa Hay’adda Cilmi baarista Hiraal, si dhawna ula soo shaqeeyay madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha uu dadka ka dhex raadinayo qof uu ra’isul wasaare ka dhigto balse madax uga noqday ololahiisa doorashada marka la gaaro waqtigeeda. “Madaxweyne musharax Madaxweyne Farmaajo wuxuu bil dhan raadinayaa maamulaha ololahiisa doorashada uu title-ka ra’isul wasaare u huwin lahaa” ayuu war qoraal ah ku yiri Xuseen Macalin. Sidoo kale wuxuu talo guud siiyay musharaxiinta sugaya in loo magacaabo xilka ra’isul wasaaraha, isagoo u sheegay iney CV-gooda ku darsadaan khibradda ay u leeyahiin ololaha siyaasadda si ay u muuqato inta ay xilka u qalmaan. Waxaa dhammaad ku dhow waqtiga 30-ka maalmood ah ee uu madaxweyne Farmaajo siinayo dastuurka si uu usoo magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka, balse illaa hadda ma muuqato in lagu soo magacaabi doono mudaddaas. Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan magacaabdida ay ku qaadatay muddo 29 cisho ah ayaa laga yaabaa inuu baarlamanka weydiisto waqti dheer ah, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu ra’iisul wasaaraha magacaabo marka heshiis buuxa laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka. Inkasta oo heshiis lagu soo gaaray shirkii Dhuusamareeb 3, haddana waxaa weli heshiiskaas qeyb ka ahayn Puntland iyo Jubaland. Ma cadda sababta uu madaxweynaha magacaabista ra’iisul wasaaraha ula sugayo arrimaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay tahay isku day uu ku xaqiijinayo in ra’iisul wasaaraha cusub aanu wax kaalin ah ku yeelan go’aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka. The post Farmaajo wuxuu raadinayaa Ra'isul wasaare madax uga noqda ololaha doorashadiisa first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada darawiishta Galmudug. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo muddo dhawr bilood ah la carbinayay, ayaa noqonaya dufcaddii 1-aad ee ka baxda dugsiga tababarka ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Qoorqoor ayaa khudbad uu u jeediyay ciidamada ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan degaankooda iyo dadkooda kana difaacaan cadowga. Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee ciidamada ay u diyaariyeen. Madaxweyne Qoorqoor ayaa markii uu hoggaanka u qabtay Galmudug bilaaabay tayeynta iyo qaabeynta ciidamada kala duwan ee maamulkaas. PUNTLAND POST The post Qoorqoor oo tababar u xiray ciidamo appeared first on Puntland Post.
-
A regional court in Somali capital Mogadishu on Monday sentenced four senior Health Ministry officials for up to 18 years in prison over corruption and theft of public money. The convicted officials were in custody for over three months. Abdullahi Hashi Ali, director general of the health ministry, has been sentenced to nine years in prison with a $2,366 fine. Mohamud Bule Mohamud, director administration and finance department, was given an 18-year jail term, whereas head of accounting Mahdi Abshir, and head of Malaria and HIV/AIDs Bashir Abdi were imprisoned for 12 and three years, respectively. “We have listened to this case at least 14 times, and these officials were found guilty of corruption and public money theft,” the court said. Meanwhile, five ministry officials were released after being found not guilty. Somali security forces arrested the officials in April on charges of embezzling official funds donated to curb the coronavirus outbreak, among others. The Horn African country of 15 million people has so far confirmed 3,269 virus cases, including 93 deaths and 2,396 recoveries, according to US’ Johns Hopkins University. View the full article
-
Kenosha (Caasimadda Online) – Wadanka Mareykanka waxaa laga soo sheegayaa in dibad baxyo ay mar kale bilowdeen kadib booliska gobolka Wisconsin ay toogteen nin madow ah. Booliska ayaa rasaas badan la dhacay ninka madowga ah oo magaciisa lagu sheegay Jacob Blake, waxaana hadda xaaladiisa lagula tacaalayaa isbitaalka. Baraha bulshada ayaa lagu shaaciyay muuqaal muujinaya dhibaatada loo geysanaayo Mr. Blake, waxeyna arintaan ka dhacday magaalada Kenosha. Qalalaase xoogan ayaa ka dhashay toogashada loo geystay ninka madowga ah, waxaana magaalada lagu soo rogay bandow deg-deg ah oo kaliya ku siman xilliga hebeenkii. Inkastoo dad badan ay soo banaan baxeen, kuwaas oo dab qabadsiiyay gawaari hadana booliska waxey soo saareen digniin adag oo ku socota ganacsatada, waxaana laga cabsi qabaa in dadka dibad-baxyada sameynaya ay goobahaas dhibaato u geystaan. Booliiska waxey isku dayayeen iney ka hortagaan dibad-baxayaasha iyagoo isticmaalaayay sunta dadka ka ilmeysiisa. Si kastaba dunida oo dhan waxaa gilgilay dil loo geystay George Floyd intii lagu jiray sanadkaan, markaanna waxaa baraha bulshada dhan ku baahay magaca Jacob Blake iyadoo la codsaday in la maxkamadeeyo askartii dhibaatada geysatay. The post Dibadbaxyo waaweyn oo ka bilowday Mareykanka kadib markii ay booliska toogteen nin madow ah first appeared on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — The President of Jubaland State Ahmed Mohamed Islam arrived in Garowe earlier today. Puntland President Said A. Deni received him at Mohamed Abshir International Airport . The two presidents will discuss the political situation in Somalia following the Dhuusamareeb Agreement that both Federal Member States had boycotted. President Ahmed (left) and President Said will discuss the political situation in Somalia following the Dhuusamareeb Agreement on the electoral model for 2021 elections in Somalia. Last week Jubaland and Puntland issued a carefully worded, joint statement on the Dhuusamareeb Agreement. The agreement paves the way for a repeat of indirect but hybrid elections based on the 4.5 power-sharing formula and political parties. Sources close to Jubaland President told Puntland Post that the International Community is putting a lot of pressure of the Federal Government to seek the input of Jubaland and Puntland and modify aspects of the agreement to make it more inclusive. © Puntland Post, 2020 The post Jubaland President Arrives in Garowe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxana halkaas kusoo dhaweeyey hoggaanka xisbiga, garabka haweenka, guddoomiyayaasha degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa. Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay xubnaha qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo hawshoodii shaqo xarunta uga socoto, waxana ay uga warbixiyeen halka ay hawluhu u marayaan. Intaas kaddib, waxa uu madaxweynuhu kulan furan la yeeshay hoggaanka garabka haweenka xisbiga oo ay weheliyaan qaar kamid ah madaxda degmooyinka kala duwan ee caasimadda iyo laamaha dalalka dibadda, iyada oo si saraaxad leh ay haweenku madaxweynaha u siiyeen warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa doorka ay haween ahaan ku leeyihiin guulaha iyo taariikhda xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha garabka Haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marwo Dallays Shire Faarax oo ugu horrayn halkaas ka hadashay, ayaa ku dheeraatay sida ay haweenku tiir-dhexaadka ugu yihiin xisbiga KULMIYE, qaybta libaaxna uga qaataan abaabulka iyo isku-xidhnaanta xisbiga, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqday kaalinta uu haweenka ka siiyey xukuumaddiisa iyo sida ugu aaminay kaalmaha culculus ee qaranka. Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Marwo Hinda Jaamac Gaanni, iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Marwo Yurub Abiib oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey dedaalka iyo taageerada haweenka KULMIYE mar walba la garab taagan yihiin xisbiga iyo xukuumadda ka dhalata, uguna dhabar-adaygaan culayska hawlahaas kasoo gaadha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa dhankiisa haweenka xisbiga uga xog-warramay hawlaha qaranka ee uu gacanta ku hayo iyo sida uu mar walba muhiimadda iyo tixgelinta gaarka ah u siiyo haweenka qaranka ee uu daacadda uga yahay inay xuquuqdooda helaan, isaga oo si gaar ah u ammaanay kartida iyo shaqo wanaagga haweenka. Madaxweynuhu waxa uu haweenka hogo-tusaaleeyey sida ay xisbi ahaan ay dhexda ugu xidheen ee isugu xilqaameen yoolka fog ee ah in in isku-duubni iyo wada-jir loo wada dhiso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo bulshada la mideeyo, “Halkan (Xisbiga KULMIYE) lacag umaydaan iman, laakiin waynu is xilsaarnay oo waxaynu nidhi haddaanu KULMIYE nahay waxanu nahay dad gobolada oo dhan ah oo Somalilanders ah oo doonaya inay dhisaan dalkooda, wax aynu wada leenahay oo ina wada anfaca oo dawlad ah baynu u wada soconnaa baynu nidhi,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ahi oo meesha lagaga saarayo hay’adaha muddo-dhaafay ee waqtigii la dooran lahaa dib uga dhacay, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadin kastaaba u leeyahay inuu tartan furan ugu galo kuraasida kala duwan ee qaranka. Source