-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaza (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya mintidiinta Falastiiniyiinta iyo Militariga Israa’iil ayaa laga soo sheegayaa marinka Qaza, ka dib xafladdii Washinton ka dhacday oo ay heshiis ku kala saxiixdeen laba dal oo kuwa gacanka Carbeed iyo Israa’iil. Mintidiinta Falastiiniyiinta ayaa waxay labo Madfac ku rideen dhanka Israa’iil. Mid ka mid ah gantaaladaasi ayaa waxaa u ku dhacay magaala xeebeedka Ashdod, halkaasi oo labo nin ay ku dhaawacmeen. Falastiiniyiinta ayaa waxay sidoo kale shalay 13 gantaal ku ganeen dhanka Israa’iil. Militariga Israa’iil oo ka jawaabayay ayaa waxay duqeeyeen magaalada Qaza, gaar ahaa sida ay sheegeen goobo ay ku sugnaayeen kooxda Xamas. “Lama yaabani in argagixisada Falastiiniyinta ay gantaalo ku soo rideen Israa’iil xiilli xaflad taariikhi ah ay socotay,” waxaa sidaasi wariyayaasha Washinton ugu sheegay rai’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. “Waxay doonayaan inay daba gadiyaan nabadda, taasina kuma guuleysanayaan,” ayuu intaa ku daray. “Wan weerari doonaa qofkii gacan uu nagu waxyeeleynayo noo qaada, sidoo kale waan gaaraynaa ciddii gacan nabadeed noo fidisa.” Kooxda Xamas, oo gacanta ku haysa magaalada Gaza, ayaa uga digtay Israa’iil “inay natiijo xumo kala kulmi doonto haddii ay daandaansadaan dadka Falastiiniyiinta islamarkana jawaabta waxay noqon doonaan mid toos ah”. Xiisadda Qaza ayaa bilaabatay xilli Mr Netanyahu iyo wasiiradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka iyo Baxreyn oo heshiis nabadeed oo taariikhi ah ku wada saxiixday Aqalka Cad ee Mareykanka. Mr Trump ayaa sheegay “in heshiiskan uu gundhig u yahay nabad waarta oo laga hirgaliyo guud ahaan gobolka “. The post Muxuu Salka ku hayaa dagaalka marinka Qaza ku dhexmaray Xamas iyo Militariga Israa'iil? first appeared on Caasimada Online.
-
Siihaya xilka Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaasi kulul uga hadlay dhacdadii maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Raage Celle ee gobolka Sh/Dhexe. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Mahadi Guuleed ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka xun tahay falkaasi arxan darrada ah. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen shantii qof ee saaka aroortii hore lagu dilay gobolka Shabeelaha Dhexe. “Aad baan uga xumahay dilka rag culimmo ah loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen. Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga.” ayuu yiri sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka. Allaha u naxariistii dilka Macaliiminta ayaa la sheegay inuu salka hayo dilal la xiira aano Qabiil oo ka taagan deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe. View the full article
-
Several gunmen killed at least five Quran teachers and wounded several other people during readings from the holy book in southern Somalia, officials said. The attack this morning in the town of Rage Ele in the Middle Shabelle region, killing innocent civilians and religion teachers, was “unacceptable,” said Muse Geney, Adale district commissioner. From information police have about the attack, “we believe that what happened was a vengeance-related crime,” he added, explaining that the teachers and the attackers were from different clans, and the gunmen wanted vengeance for an earlier attack. Ali Nour Hassan, a police officer in the town of Jowhar, Middle Shabelle’s capital, told Anadolu Agency that several clerics were wounded and were transported to Jowhar hospitals for treatment. He said that Hirshabelle State authorities and security forces are investigating the attack. View the full article
-
Ciidamada Booliska maamulka Gashaanle Muse Biixi Cabdi ayaa ku xiray magaalada Hargeisa Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, kaas oo aad looga yaqaano [...] The post Daawo : – Maamulka Muse Biixi oo xiray Bilaal Bulshaawi oo ah Wiil dhalinyaro ah oo Reer Tiktok oo ka soo jeeda Muqdisho appeared first on . Source
-
Degaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaa subaxnimadii hore ee saaka koox hubeysan ay ku weerartay 7 wadaad oo meel miyi ah u joogay quraan saar. 5 kamid ah wadaadada ayaa ku dhintay goobta lagu weeraray, halka 2 dhaawac loogu qaaday Muqdisho uu mid kamid ah jidka ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen maamulka Raage Ceelle ee falku ka dhacay. Wadaadkii dhaawaca ahaa ee ka haray wadaadada ayaa la sheegay inay cid ugu dambeysay isagoo loo soo wado Muqdisho, waxaana la ogayn sida ay tahay xaaladdiisa caafimaad. Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay falkan naxdinta leh, waxaana maammulka degaanka sheegeen inay howlgalo dhacdan la xiriira ay wadaan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya. Degaanka dhibaatadan ka dhacday waxaa horey uga dhacay dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo ka dhextaagan beelaha kuwada nool gobolka Shabeellada Dhexe. Dilka wadaadada ayaa ku soo aadaya, iyadoo billo ka hor degmada Balcad lagu dilay 8 dhakhaatiir ah oo howlo caafimaad ka waday gobolka Shabeellada dhexe. PUNTLAND POST The post 6 wadaad oo lagu dilay Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Beledxaawo (Caasimadda Online) – Sida ay sheegeen saraakiil amaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaa lagu guuleystay in wadada isku xiriirisa magaalooyinka Doolow iyo Beled Xaawo ee gobolka Gedo laga soo saaro qaraxyo. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in qaraxyadaan oo nuuca culus ah laga soo bixiyay wadada maalintii talaadada oo ay taariikhdu ku beegneed 15/09/2020. Waxaa la rumeysan yahay in qaraxyadaan lala damacsanaa gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaas ku sugan. Gudoomiyaha maxkamadda ayaa gobolka Gedo u jooga maxkamadeynta eedeysanayaal la tuhunsan yahay iney ka tirsan yahiin ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Al-Shabaab ayaa ku xoogan deegaanada gobolka Gedo, waxeyna halkaas dagaal kula galaan ciidamada Shisheeye iyo kuwa Soomaaliya, waxeyna sameeyaan dagaalo fool ka fool ah iyo qaraxyo ay dhigaan wadooyinka. 12 bilood ka hor ayaa la xasuustaa in gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ka badbaaday isku day qarax wadada la dhigay. The post Qaraxyo wadada loo dhigay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo la fashiliyay first appeared on Caasimada Online.
-
Xirsi Jamaca Gaani wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland iyo wasiiru dowwlaha wasaaradda Maaliyada maamulkaPuntland Maxamed Cabduqaadir Cismaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay la kulmeen wakiilka Qaramada Midoobay u u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, safiirka Uk Ben Fender, safiirka Mareykanka Amb, Donald Yamamoto iyo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Berlange. Labada Wasiiru dowle oo ka mid ah wafdiga magaalada Muqdisho ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay xubnaha Beesha Caalamka kala hadleen kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha aduunku ugu deeqo Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib u habeynta hannaanka Maaliyada Puntland iyo arimaha Siyaasada Soomaaliya ee xiligaan taagan oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka waxaa ay ballan qaadeen in taageero ay u fidin doonaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida amniga iyo dhaqaalaha. Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeyo dowladda fedetaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo marayey wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho & Afgooye. Sidoo kale qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ugu yaraan 1 askari, labo kalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa waddada. Inta badan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ayaa weeraro qaraxyo iyo kuwa dhaba-gal ah Al-Shabaab kala kulma xilliyada ay isaga kala gooshayaan K/ iyo bartamaha dalka. View the full article
-
Fadhigii 64aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, ka dib wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi sidoo kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka. Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-17092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir lasoo taagay 12 eedeysane oo loo heysto kiiska kufsigii & dilkii loo geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo dhawaan la sheegay in laga soo tuuray dabaq ku yaalla dagmada Waaberi iyadoo uu maxkamadda gudoominaayay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan. Gabadhaan oo ka mid aheyd ardaydii ka qalin jabisay sanadkaan dugsiyada sare ee dalka ayaa kufsi loo geystay sida ay sheegeen xarumaha caafimaadka ee baarista ku sameeyay kiiskeeda. Eedeysanayaasha maanta maxkamadda la keenay oo gaarayay 12 waxaa ku jiray eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo 24-jir ah kuna muqdisho lagana soo qabtay magaalada Cadaado kadib markii uu damcay inuu baxsado. Shan ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la fasaxay kadib markii wax dambi ah lagu waayay, waxaana ka mid ah laba shaqsi oo muuqaal ahaan shabaha eedeysanaha laga soo qabtay magaalada Cadaado, sidoo kale waxaa la fasaxay milkiilaha carwada uu ka shaqeynayay eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan, damiinkii shaqada ka damiintay iyo ninkii shaqada geeyay oo dhamaantood loo soo xiray falkaan kadib markii la waayay eedeysanaha. Toddoba shaqsi oo uu ku jiro eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan ayaa la amray in baaris dheeri ah lagu sameeyo isla markaana loo celiyo xarunta dambi baarista CID, waxaana ku jira shaqsiyaadka baarista dheeriga ah lagu sameyn doono Milkiilaha Hotel-ka, masuulkii soo dhaweynta Hotel-ka, waardiyaha Hotel-ka iyo dad kale oo siyaabo kale loola xiriirinayo kiiska. Maxkamadda waxaa ku sugnaa Xildhibaan Xasan Macalin oo golaha shacabka ku matala gabadha loo geystay kufsiga iyo dilka, sidoo kale ehelada marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa ku sugnaa maxkamadda. The post Maxaa kasoo kordhay kiiska gabadhii kufsiga iyo dilka loogu geystay magaalada Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
-
WAR-SAXAAFADEED: 17/09/2020 Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha, Ansixiyeyna Siyaasad Cusub. Halkan ka Daawo Muqaalka Warka:- Fadhigii 64aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, ka dib wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi sidoo kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka. Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood. Qaran News
-
Havana (Caasimadda Online) – Madaxweynaha wadanka Cuba ayaa hambalyo u diray mid ka mid ah laba dhakhtar oo u afduuban dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan Soomaaliya. Madaxweyne Miguel Díaz-Canel ayaa twitter-ka soo dhigay fariin uu maalinta dhalashiisa ugu hambalyeynaayo Assel Herrera Correa oo muddo ku dhaw laba sanadood u af duuban kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida. Sanadkii 2019 ayey aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay gobolka waqooyi bari Kenya ka afduubteen laba dhakhtar oo uu mid ka mid ah yahay Assel Herrera Correa. Madaxweynaha Cuba wuxuu fariintiisa ku sheegay inuu la xiriiray ehalada dhakhtarka, sidoo kalana ay muujinayaan iney taageero la garab joogaan mar walba. “Maanta wa dhalashada dhakhtarka reer Cuba, Assel Herrera Correa, kaas oo nasiib daro wali afduuban, waxaan taleefoon kula xiriiray walaalkiis iyo hooyadiis, waxaana u xaqiijiyay taageeradeena iyo sidoo kale dareenkeena” ayuu bartiisa twitter-ka kusoo qoray madaxweynaha maalintii shalay aheyd. Labada dowladood ee Cuba iyo Kenya ayaa ka wada shaqeynaya sidii ay xoriyadooda dib u heli lahaayeen labada dhakhtar eek ala ah Landy Rodríguez Hernández oo qaabilsan qaliimada gaarka ah iyo Assel Herrera Correa oo daaweynta guunta ah. Sida lagu helay xogo dhanka sirdoonka ah labada dhakhtar ayaa la sheegay in lagu haayo deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya, horay ayeyna Kenya iyo Cuba uga wadahadaleen sidii loo wajahi lahaa badbaadinta dhakhtaatiirta. The post Mid ka mid ah Dhakhaatiir u afduuban Al-Shabaab oo fariin loo diray maalinta dhalashadiisa first appeared on Caasimada Online.
-
Turkey to launch Türksat 5A satellite into space on Nov. 30
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Turkey will launch the Türksat 5A satellite into space on Nov. 30, Transportation and Infrastructure Minister Adil Karaismailoğlu said Wednesday. Source: Hiiraan Online -
Hanti Dhawrka Guud Oo Shalay Iyo Maanta Baadhitaan Ka Waday Xarunta Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Ayaa Maanta Oo Khamiis Ah Waxay Xabsiga U Taxaabeen Agaasimayaal Iyo Qaar Ka Mida Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley. Shaqaalahan La Xidhay Ayaa Kala Ah (1)Agaasimaha Waaxda Maaliyada Iyo Maamulka Iyo Lacagta Ee Dawlada Hoose (2)Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada (3)mushaarbixiyaha Dawlada Hoose (4)Masuulka Bixiya Shidaalka Dawlada Hoose Ujeedka Xadhiga Masuuliyiintan Ayaa La Xidhiidha Baadhitaanada Ay Hanti-Dhawrku Ka Wadeen Xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban qaraxa kadib ka sameeyey halkaasi. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay ku sii jeedeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa gudaha Caasimada iyo nawaaxigeeda ka dhacayey qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
The United States military is seeking powers to carry out covert drone strikes in Kenya, a far-reaching proposal that would for the first time hand Washington military leeway to directly conduct counterterrorism combat operations within the Kenyan territory. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Goobjoog FM ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdadii saaka lagu laayey Macaliimiita ee ka dhacday duleedka degmadaasi. Muuse Ganey oo ah guddoomiyaha degmada Cadale ayaa xaqiijiyey in weerarkaas lagu dilay illaa 5 Macallin, xilli ay ku jireen Subac. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan falkaasi arxan darro ah, isagoona tilmaamay inay dhacdadaas salka ku heyso aano Qabiil. “Mashaakil dhici jiray waaye, xogta waa maqli doonaa waa qabyo, arrin waa nagu badatay, waan ogaan doonaa, koley dad shicib waayey, dagaal beeleed waaye, dowlad ma aha, aano qabiil ayaan tuhunsanahay.” ayuu yiri guddoomiye Muuse Ganey. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Labada dhinac saraakiishooda iyo odeyashooda waa isla joogaan, macal dowlad goboleedka waa isla hadalany, annaga hadda ayaan u soconaa.” Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya maamulka iyo HirShabelle inay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka jira halkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka aroortii hore maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayee Culumo, islamarkaana rasaaseeyey, waxaana halkaas ku dhintay illaa 5 Macalin oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo isla dhashay. Si kastaba ha’ahaatee waxaa degmada Cadaale iyo deegaanada hoos yimaada marar badan ku soo laa-laabtay dagaal beeleedyo u dhexeeyo beelo wada daga deegaanadaas. The post Maamulka degmada Cadale oo war ka soo saaray Macalimiintii la laayey first appeared on Caasimada Online.
-
Wararkii u dambeeyay ee Puntland Post ka helayso shirka Muqdisho ayaa sheegaya in isfahan laga gaaray intoodii badnaa qodobadii laysku mariwaayay. Kulankii xalay saqdii dhexe gaaray ee ka qeybgaleen guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaxdu horrumar ka saameeyeen. Qodobada la isku fahmay Guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey oo lagu daro 6 xubnood oo ay soo magacaabaan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maamuulaya doorashada. Waxaa meesha laga saaray qodobkii xisbiyada. Degaan doorashada ayaa lagu koobay 2 goobood. Ergada u codeynaysa xildhibaanada ayaa la isku fahmay in laga dhigo 101, oo ay soo xulaan odayaasha dhaqanka. Waxaa la isla qaatay in xildhibaan walba goonidiisa loo doorto, oo aan la isla dooran xildhibaanada qaarkood. Qodobada weli aan xalka laga gaarin. Inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaa doonaya in war-murtiyeedka lagu caddeeyo xiliga doorashadu bilaamayso iyo xiliga ay dhammaanayso, madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ka warwareegaya. Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayaa in go’aamada ka soo baxa shirka la horgeeyo baarlamaaka, halka madaxda kale intooda badan ay diidan yihiin. Shirka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka soo baxo war-murtiyeed lagu mideysan yahay, haddii qodobada weli la isku hayo isfahan laga gaaro. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa maanta ka dhacay qarax geystay khasaare. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aaasay oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamao ka tirsan dowladda federaalka Soomaliya. Goobjoogyaal ayaa xaqiijiyay inay arkayeen askar dhaawac ka soo gaaray qaraxaas, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhashay qaraxaas. Qaraxa kadib ayaa la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada u dhaxeysa Ceelaha Biyaha iyo Muqdisho, inkastoo markii dambe dib loo furay. Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM. Ma jirto cid weli ka hadashay qaraxa lala eegtay dowladda federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Qarax lala eegtay ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Cadale ayaa sheegay in saaka ilaa 5 macalin lagu dilay halkaasi siyaabo la xiriira aano qabiil. Muuse Ganey, oo ah guddoomiyaha Cadale oo goordhow la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhacadada ay ka dhacday meel u dhow Raace Ceelle, isla markaana dadka dhintay gaarayaan ilaa 5 qof. “Mashaakil dhici jiray waaye, xogta waa maqli doonaa waa qabyo, arrin waa nagu badatay, waan ogaan doonaa, koley dad shicib waayey, dagaal beeleed waaye, dowlad ma aha, aano qabiil ayaan tuhunsanahay” sidaasi waxaa yiri Muuse Ganey. Dhanka kale, guddoomiye Muuse Ganey ayaa intaa raaciyey in lagu dhex jiro “Labada dhinac saraakiishooda iyo odeyashooda waa isla joogaan, macal dowlad goboleedka waa isla hadalany, annaga hadda ayaan u soconaa”. Guddoomiyaha Cadale Muuse waxaa uu ka hadlay in dhacdooyinka noocan ah ay ku bateen deegaanka, isaga oo ka codsaday dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedka Hirshabelle iney gacan ka geystaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeesheen wasiiro ka tirsan Jubaland iyo Puntland xubno ka socda Beesha Caalamka, loogana hadlay arimo xasaasi ah. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah Beesha Caalamka u la yeeshay wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland, Xirsi Jamac Gaani iyo wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cismaan. Labada wasiiru dowle ayaa la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan, Safiirka UK Ben Fender, Safiirka Maraykanka Amb, Donald Yamamoto iyo Safiirka Midowga Yurub ee u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlange. Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha adduunku ugu deeqo Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib u habeynta hannaanka Maaliyadda iyo arrimo kale oo xasaasi ah. Waxa kale oo ay isla soo qaadeen labada dhinac arrimaha siyaasada Soomaaliya ee xiligaan taagan, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka. Ilo ku dhow shirka ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta in xubnaha Beesha Caalamka ay ballan qaadeen inay taageero u fidin doonaan maamullada Jubbaland iyo Puntland. Si kastaba ha’ahaatee hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmahan ku sugan Muqdisho, iyaga oo u joogo shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo looga hadlayo doorashooyinka ee soo socda. The post Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Beesha Caalamka first appeared on Caasimada Online.
