-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DF oo faah faahisay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Howl-gal dhinaca cirka ah oo ka dhacay meel u dhaw degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu khaarijiyey sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article -
.Wefdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo ka dajiyay agab lagula socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda. Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh. Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka. Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda. PUNTLAND POST The post Jubaland oo la gaarsiiyay agab loogu tala-galay la socodka Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.
-
Preventable deaths from diseases like malaria could claim more lives than coronavirus: International Committee of Red Cross Source: Hiiraan Online
-
Lionel Messi has told Barcelona that he wants to leave the club this summer, sources have confirmed to ESPN. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadka soo socdo ku tago magaalada Washington, si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kadib markii uu ka cabsaday in warkaas la dusiyey, islamarkaana tegitaankiisa Washington uu noqon lahaa “qarow”, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye. Go’aan lagama gaarin in kulan uu noqon lahaa mid la duubo kadibna warbaahinta laga baahiyo, iyo inuu noqon lahaa mid toos ah oo warbaahinta ay goobjoog ay ka tahay. Kuwa gadaal ka riixaya kulanka, oo ay ku jiraan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushne,r ayaa u arkay is-gacan qaad dhexmara labada nin mid wanaajin kara magaca Bin Salman, kana dhigi karay in loo arko hoggaamiye carbeed oo ka shaqeynaya nabadda, ayna xoojin kartay taageerada heshiiskii dhex-maray Imaaraadka iyo Israel. Kulanka ayaa kadib laga soo saari lahaa bayaan ay waxyar un ka dhiman tahay in Bin Salman uu aqoonsado Israel, hase yeeshee si xooggan u tusmeyn lahaa in boqortooyada ay ku taagan tahay waddadii ay xiriir kula yeelan lahayd Israel. Taariikhda kulanka ayaa la isku raacay sidoo kalena kooxda baratakoolka qaabilsan ayaa sii tegay Washington. Bin Salman ayaa Washington iman lahaa 31-ka August kadib marka uu dhamaado kulanka xisbiga Jamhuuriga. Waxay noqon lahayd booqashadii ugu horreysay ee u uku tago Mareykanka tan iyo bishii March ee 2018. Isaga oo aan dooneyn inuu tago safaaradda Sacuudiga ama qasriga safiirka, si aan loogu dibad-bixin haddiiba laga war helo, Bin Salman ayaa sii iibsaday afar guri oo loogu talo-galay kaliya booqashadiisa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Middle East Eye. Qorshahan ayaa burburay Sabtidii kadib markii Bin Salman uu helay warbixino sheegayey in safarkiisa la dusiyey. Shuruudda booqashadiisa ee uu Aqalka Cad la galay ayaa ahayd in kulanka uu ahaado mid 100% sir ah, islamarkaana la ogaado kaliya marka uu kasoo laabto caasimadda Mareykanka. La-taliyayaashiisa ayaa is-tusay in haddii safarka sir ahaado aysan xubnaha congress-ka ee mucaaradsan heli lahayn fursad ay ku diyaariyaan bayaan ay ku cambaareynayaan, sidoo kalena kuwa u ololeeya inuu caddaalad helo Jamaal Khaashuqji iyo qareenada matalaya Saad Al-Jabri aysan heli lahayn waqti ay ku diyaariyaan. Tallaabo sharci ah. Hase yeeshee maadaama hadda laga war helay kulanka Bin Salman ayaa ka cabsaday in loo soo diyaar garoobay ayna suurta-gal tahay inuu wajaho kiis maxkamadeed, oo uu awoodi waayo inuu kasoo baxo Mareykanka. Trump iyo Kushner ayaa si aad ah u doonayey booqashadan inay dhacdo, waxaana markii ay fashilantay ay si deg deg ah Bariga Dhexe ugu direen xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo si uu taageero ugu raadiyo xiriirka Israel iyo Imaaraadka. The post Maxamed Bin Salmaan oo si deg deg ah u joojiyey kulan uu la yeelan lahaa Netanyahu kadib arrin soo shaac baxday first appeared on Caasimada Online.
-
Turkey delivers 12 off-road vehicles to Somalia Vehicles sent by National Defense Ministry as part of military and financial cooperation agreements Turkey has delivered 12 off-road vehicles to Somalia as part of bilateral military and financial cooperation agreements, the National Defense Ministry said on Monday. In a statement, it said the vehicles, which are meant for use over rough terrain, were supplied for the Somali 3rd (Eagle) Infantry Battalion. They were handed over to Somalia’s chief of defense force on Aug 22. The two countries are longstanding partners, engaging in close cooperation in different fields. *Writing by Fahri Aksut Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan, sidoo kalane ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho. Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si hoose uga socoto magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen siyaasiin iyo xubno kale oo muhiim ah. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dalka ka baxay bartamihii sanadkii 2018 kadib markii uu iska casilay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana markaas saarnaa cadaadis xoog leh oo ay u geesteen mas’uuliyinta dowladda Soomaaliya. Mudada ku dhaw saddexda sano ee Shariif Xasan Sheekh Aadan dalka ka maqnaa waxa uu ku sugnaa Nairobi iyo meelo kale oo ay qeyb ka tahay dalka Turkiga waxa uuna ahaa siyaasi afgaaban oo aan ka soo muuqan Warbaahinta. Shariif Xasan, ayaa ka tirsan hogaamiyaasha Xisbiyada dalka waxa uuna saaxiib dhaw la yahay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Si rasmi ah looma oga socdaalkiisa hase yeeshee waxaa la aamimsan yahay in ay la xariirto arrimaha doorashada iyo waqtiga kala guurka ah ee uu dalka galay. The post Xog: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sanado kadib kusoo wajahan Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Arrimaha doorashooyinka waxaa heshiis siyaasadeed ka gaaray madaxda saddex Maamul Goboleed, ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, waxaa heshiiska qayb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaase shirka ka baaqday madaxda Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxay dhinacyadan ku heshiiyeen 15 qodob, oo ay u arkeen inay xal u noqon karto ismarin-waagii ka taagnaa doorashada heer federal. Heshiiska kaddib, waxaa soo baxay falcelino ka kala imaanaya dhamaan qaybaha bulshada oo ay ku jiraan siyaasiyiin, madaxda Puntland iyo Jubbaland. Madaxda xisbiyada ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyey heshiiska Dhuusomareeb seddax, kuna taliyey in dhinacyada ka maqan laga qayb geliyo si loo helo heshiis dhamaystiran. Halka ay Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland soo saareen bayaan lagu soo koobi karo nuxurkiisa labo qodob: (1) Inaysan qayb ka ahayn heshiiska ay dhinacyadu gaareen; iyo (2) Inay diyaar u yihiin in la dhagaysto aragtidooda. Dad badan waxaa dhabana-heys ku noqotay adeegsiga hadalada asluubaysan ee aan horey looga baran mucaaradka si ay u cabiraan aragtidooda ku abaaran go’aamaddii laga soo saaray Dhuusamareeb Saddex. Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in adeegsiga erayga “qaswade – spoiler” uu noqday daawo xumaddii (qandho) haysay siyaasiyiinta Soomaaliyeed lagaga jabiyey! Hay’adaha sharciga Soomaaliya waa kuwo tabar daran, awoodna uma laheyn joojinta erayada kicinta iyo hurinta colaada ee ka soo yeeraye qaar ka mid ah jilayaasha siyaasadda! Inkastoo aan la ogayn in Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) wada meel marin doono qodobada ka soo baxay Dhuusamareeb Saddex, maadaama ay xildhibaanadu leeyihiin go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka, misna qodobada ay dhinacyada isku afgarteen waxaa ku jira qodobo lagag fogaanayo in doorashada la musuq-maasuqo. Sida qodobka 9aad oo awood fulinta, agaasimka iyo maamulka doorashada siinayaa Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ), iyo qodobka 6aad oo dhigaya in hal maalin ay ka wada dhacdo doorashada dalka oo dhan. Waxaa ku jira heshiiska qodobo ka horstaagan madaxda Maamul Goboleedyadda inay galaangal ku yeeshaan doorashada xildhibaanada, sida qodobka 7aad oo siinay GMDQ inay kuraasta ku asteesan deegaanada amni darrada ka jirto u wareejin karaan goobo ammaan ah. Sidoo kale, waxaa ku jira qodobo si gaara u dabraya hoggaanka Puntland, kaas oo ah qodobka 8aad oo ku talinaya in kuraasta Somaliland lagu doorto doorasho dadban, taas oo ka dhigan in Sool iyo Sanaag Bari la xeer yihiin Awdal, Togdheer, iyo W/Galbeed, madaama inta badan deeganadan ay gacanta ugu jiraan maamulka Somaliland, ama ay keeni karto colaad haddii doorashada lagu qabto goobaha siyaasadoodu xasiloonayn. Waxaa xiiso gaar ah leh, qodobka 1aad, oo dhigaya in doorashada 2020/21 noqoto mid deegaan doorasho, iyo qodobka 10aad oo ku talinaya in doorashada lagu galo hanaanka xisbiyada badan. Labadan qodob waxay doorashada u ekaysiinayaan mid qof iyo cod, balse qodobka 3aad ayaa xadidaya tirada codeen karta, kaas oo ah kursigiiba 301, ama ugu badnaan in kursi walba dooranayaan 1505 codbixiye, sida uu dhigayo qodobka 5aad. Haddii uu Barlamaanka gudoonsado in lagu dul shaqeyo tallooyinka siyaasadeed ee ka soo baxay Dhuusamareeb Saddex, waxaa haboon in si gundheer looga doodo, wax ka bedal lagu sameeyo qodobada qaar, kuwo cusubna lagu kordhiyo. Maadaama tirada codbixiyaasha la xadiday oo tirada guud ee u codaynaysa Aqalka Hoose tahay 82,775 codbixiye, waxaa haboon in codbixiyaasha la diiwaangeliyo “biometric”. Tani waxay sahlaysaa in maalin keliya dhacdo doorashada, islamarkaasna waxaa meesha ka baxaya codka oo la musuqo, waana wax sahlan, oo xitaa lagu dabaqi karo kuraasta Somaliland, si hanaanka doorashada u wada noqoto mid iskuwada mid ah. Qodobka 11aad ee qeexaya hanaanka doorasho Aqalka Sare, waa in wax ka beddal lagu sameeyo, si han aan keliya wax loogu doorto, taasoo sharciyad wanaagsan siinaysa xildhibaanada cusub, islamarkaasna hoos u dhigi karta wax isdaba-marinta. Si looga fogaado khilaaf cusub oo dhexmara Aqallada Barlamaanka, waa inay si wadajir ah u meel mariyaan sharciyada la xariira doorashada heer federal. Islamarkaasna dhinacyada ka maqnaa Dhuusamareeb Saddex, waa inay u soo gudbiyaan aragtidooda wax dhisaysa gudoonka Aqallada Barlamaanka, maadaama ay xildhibaanadda leeyihiin go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka heer federal. Ugu danbeen, GMDQ waa inay dalbadaan kor-joogto caalamiya si kalsooni ay u helaan dhinacyada oo dhan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Go’aamada Dhuusamareeb saddex yey libinta siisay? first appeared on Caasimada Online.
-
Turkey has delivered 12 off-road vehicles to Somalia as part of bilateral military and financial cooperation agreements, the National Defense Ministry said on Monday. In a statement, it said the vehicles, which are meant for use over rough terrain, were supplied for the Somali 3rd (Eagle) Infantry Battalion. They were handed over to Somalia’s chief of defense force on Aug 22. The two countries are longstanding partners, engaging in close cooperation in different fields. The post Turkey delivers 12 off-road vehicles to Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
London (PP) — Bannaanbaxayaal Itoobiyaan ah ayaa ku hor bannaanbaxay Safaaradda Itoobiya ku leedahay London. Bannaanbaxayaashu waxay dalbanayeen sii daynta siyaasiyiinta Oromada uu ka mid yahay Jawaar Maxamed oo uu taliska Abiy Axmed xabsiga u taxaabay si aysan ula loollamin xisbiga uu camcamay oo la yiraahdo Xisbiga Badhaadhaha. Safaaradda Itoobiya ee London: Wiil Oromo ah oo calanka Itoobiya siibaya. Mid ka mid ah bannaanbaxayaasha ayaa koray daarta safaaraddu ku taallo oo soo furay calanka Itoobiyo si uu ugu beddelo calanka qowmiyadda Oromada oo hadda colaad siyaasadeed oo ba’an kala kulantay Abiy Ahmed oo magaca Oromada ku noqday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Safaaradaha Itoobiya ku leedahay reer Galbeedka ayaa kala kulmay jaalliyadaha Itoobiya cadaadisyo siyaasadeed qalalaasaha ka aloosan Itoobiya awgiis. Itoobiya xaalladdeeda siyaasadeed waxay maraysaa marxalad adag oo qowmiyaduhu kala sii aammin-baxeen. Gobolka Tigray ayaa bisha soo socota qaban doona doorashooyin welwel badan ku abuuray kelitaliska cusub uu Abiy Axmed horwadeenka ka yahay. © Puntland Post, 2020 The post Bannaanbaxayaal Itoobiyaan ah oo Siibay Calanka Safaaradda Itoobiya ee London appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa ku shirsan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo safar ku tagay magaaladaas. Labadaan Madaxweyne ayaa qaadacay natiijada Shirkii Dhuusamareeb 3 waxaana socda kulamo ay uga tashanayaan khilaafka ka dhashay arimaha doorashada iyo waqtiga kala guurka ah. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa diidan afar qodob oo ku jira shirkii Dhuusamareeb waxaana qodobadaasi ay kala yihiin. 1) – In laga saaro qodobka sheegaya in doorashada lagu galo cisbi, lagana dhigo ergo kaliya. 2) – In guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka meesha laga saaro lana magacaabo guddi doorasho oo heer maamul goboleed iyo heer federaal, laakiin lagu heshiiyo. 3) – In ergada laga dhigo 101 qof, soona xulaan odayaasha dhaqanka oo keliya, lana baabi’iyo kuraasta la israacinayo. 4) – In magaalooyinka ay doorashada ka dhacayso ay go’aamiyaan maamul gobaleedyada, laguna faro-galinin. Dhinaca kale, waxaa socda dedaalo lagula hadlayo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxaana dadaalkaas wada xubnaha beesha caalamka. Wararka aan helnay ayaa sheegayaa in madaxda dowladda lagu cadaadinayo in ay dhageestaan tabashada maamulada Jubaland iyo Puntland waxna laga qabto. The post Afar qodob ee ku jira heshiiska Dhuusamareeb 3 oo ay diidan yihiin Axmed Madoobe iyo Deni first appeared on Caasimada Online.
-
Saacadaha soo socda, waxaa lagu wadaaa in War-murtiyeed laga soo saaro Shir Caawa Magaalada Garoowe uga socda Madaxda Puntland iyo Jubbaland. Shirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaa ka qayb-galaya xubno ka tirsan Golayaasha labada dhinac, oo ay weheliyaan Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlaamanka Soomaaliya. Shirka waxa looga arrinsanaya mowqifka labada Maamul ee ku wajahan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021, oo aan weli heshiis midaysan laga gaarin Hannaanka ay u dhacayso. Xog hoose oo warbaahinta Puntland Post ka heshay Shirka Garoowe, waxay sheegaysaa in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay aqbaleen dadaal dhex-dhexaadin ah oo uu wado Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Deni iyo Axmed Madoobe ay maalmaha soo socda ka degi doonaan Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan gaar ah kula yeelan doonaan Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto oo dhex-dhexaadinaya iyaga iyo Villa Somalia. Sidoo kale, waxay la kulmi doonaan Madaxweyne Farmaajo, si loo dhammeeyo tabashada Puntland iyo Jubbaland ka qabaan Shirkii Dhuusamareeb 3, islamarkaana loogu ballamo shir kale oo lagu turxaan-bixiyo Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada. PUNTLAND POST The post XOG: Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku howlan sameynta dhoolla-tus millateri, kadib markii ay dhawaan shaacisay in Badda (Mediterranean Sea) ay ka heshay Saliid iyo Gaas dabiici ah oo ay ka faa’iideysaneyso wax soo saarkiisa.. Dhoolla-tuskaasi ayaa kasii dari kara xiisada Turkiga kala dhaxeysa Giriiga, midaasi oo salka ku haysa xudduuda labada dhinaca, oo ay yihiin xad biyo wadaag ah. Waxaana isasoo taraya bandhigga hubka iyo maraakiibta casriga ah oo ay kala leeyihiin xukuumadaha Turkiga iyo Giriiga, taasi oo gaartay meeshii u sareysay, iyada oo dhinac walba uu doonayo inuu is muujiyo isaga oo liidaya dhanka kale. Xukuumaddaha Turkiga iyo Giriiga ayaa labaduba wacad ku maray inay dhoola-tus millateri ay ka sameyn doonaan maanta Jasiiradda Crete, taasi oo dab kusii qabaneysa xiisada labada dhinac oo laga cabsi qabo inay horseedo dagaal hor leh. Xiisada labada dowladooda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu dhawaan Turkigu sheegay in Badda Mediterranean ay ka heshay Saliid iyo Gaas dabiici ah, isla markaana ay sii wadi doonaan baaritaanka saliidda ee uu ka wado baddaasi. Tallaabadaasi uu qaaday Turkigu ayaa waxa si weyn uga carooday Giriiga oo u arka in howl-galada baaritaan ee Ankara ay wado yihiin kuwo sharci darro ah. Muranka labada dhinac ayaa kasii daraya, xili uu dhinac walba uu wacad ku marayo inuu dhoola-tus millater ka sameyn doono baddaasi oo uu ku muujinayo awoodiisa, midaasi oo dhalin karta in ciidamada labada dowladood ee ka wada tirsan gaashan buurta NATO uu dhexmaro iska hor-imaad aan la mahdin. The post TURKIGA oo sameynaya dhoolla-tus militari xilli ay kasii dartay xiisadda Greece first appeared on Caasimada Online.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-shabelle-25082020.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ku qaabilay wafdi uu hoggaamiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta soo gaaray Dhuusamareeb. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga faahfaahin uga bixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha uga wadahadleen kulankaas. “Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya.” Iyadoo dhawaan Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyay wajigii sedaxaad ee shirkii wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay u sii gudbi doonaan magaalada Garowe oo ay kuwada suganyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Siyaasigan oo si weyn u dhaliila hab maamulka madaxda federaalka ayaa lagu wadaa in uu Garowe kulan kula qaato madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo iyagana ay aad siyaasada dalka isugu hayaan Villa Somalia. The post Sawirro: Maxay ka wadahadleen Qoor Qoor iyo CC Shakuur? first appeared on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online)-Duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sarkaalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cusmaan Yarow (Cabduqaadir Kumaandoos), waxuuna mar soo noqday madaxa Jabhadaha Al-Shabaab. Duqeynta lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa maanta barqadii ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Cadaad-Gari oo dhacda inta u dhaxeysa degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in goorta la beegsaday sarkaalkaas uu tirsanayey xoolo nool oo qeyb ahaan ugu soo aaday. Xoolahaas ayaa la sheegay in dadka ku nool deegaanadaas ay Zeko ahaan uga soo uruursadeen Al-Shabaab, kadibna ay qeyb-sadeen. The post Madaxii Jabhadaha Al-Shabaab C/qaadir Kumaandoos oo la dilay first appeared on Caasimada Online.
-
Turkey and Libya on Thursday declared a recent agreement signed between Greece and Egypt on the delimitation of maritime jurisdictions in the Eastern Mediterranean “null and void," stressing that the deal usurped and ignored the rights and continental shelves of both Ankara and Tripoli. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-25082020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay kulankii xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray isaga iyo Fahad Yaasiin, oo ah Taliyaha NISA. Xasan Sheekh ayaa kulankaasi ku sheegay mid ka marnaa arrimaha siyaasadda, wuxuuna ku macneeyay mid ‘booqasho ahaa’ oo aan laheyn ajende siyaasada, maadama kulankaasi lala xiriirinayay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub iyo arrimaha doorashooyinka dalka “Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah”. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in kaalinta uu kaga jiro talada dalka darteed uu Fahad ugu booqday gurigiisa, isla markaana ay ku koobneyd arrimo ka baxsan xaalka dalka. “Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta.” Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, illo xog-ogaal ah ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in laga wada hadlay qodobo badan oo la xiriiro xaaladda kala guurka uu dalka marayo iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dhanka doorashada. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha laga wada hadlay ay ku jirtay magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay. Hadal heyn xoog leh ayaa soo xoogeysaneysay todobaadyadii u dambeeyay oo ahaa inay dhici karto in Mucaaradka lagula gorgortamo xilka Ra’iisul Wasaaraha ama Xukuumad qeyb ka yihiin mucaaradka. Qorshaha ka dambeeya arrintaas ayaana ah muddo kororsi, haddii ay dhacdo in Ra’iisul Wasaaraha lagula heshiiyo Mucaaradka, waxaana loo arkaa in Fahad Yaasiin yahay buundada isku xiri karta Mucaaradka iyo Farmaajo oo uu gacantiisa midig yahay. The post Madaxweyne Xasan oo faah-faahin ka bixiyey kulankii uu la yeeshay Fahad Yaasiin first appeared on Caasimada Online.
-
Maanta ayaa laga joogaa 30 maalin markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali kheyrre waxaana la sugayay in Madaxweyne Farmaajo soo magacaabo ra’iisul wasaare soona dhisa xukuumad sii wadda hawlaha dowladda inta ka dhimman muddo-xileedka dowladda nabad iyo nolol. Daawo Warbixin Ku Saabsan Magacaabista Raiisulwasaaraha Sidoo Kale Aqriso Xogta Magacaabista Raiisulwasaaraha Oo Faah Faahsan Ma jiro Qodob Dastuuri ah oo Muddo u Cayimaya Soo Magacaabista Raiisulwasaaraha Goobjoog News Source: goobjoog.com