-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sawirkan waa mid hore Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland, oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu soo warramayaa, in ay Maanta oo Arbaco ah diideen Diiwaan-gelinta ay wadaan Guddiga Dib u habaynta Ciidamada Puntland. Warar lagu kalsoonyahay oo Puntland Post heshay, waxay sheegayaan in Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo ku sugan Taliska Caano-ka’dhan ay diideen Barnaamijka Diiwaan-gelinta, oo ay wadaan Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland. Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, ayaa gacma-maran kala soo laabtay Taliska Caana-ka’dhan, kadib markii Ciidanka halkaas ku sugan ay ku gacan-sayreen Barnaamijka Diiwaan-gelinta Ciidamada. Waxaase xusid mudan, in Guddigu ay shalay Diiwaan-gelin ku bilaabeen Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan Taliska Godod, kuwaas oo horay diidmo ka keenay Arrimaha Diiwaan-gelinta, balse markii dambe lagu qanciyay. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo diiday in la diiwaan-geliyo appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii hore ee Horumarinta ee Dalka Denmark Mr. Christian Friis oo Maalmihii u dambeeyay Safar ku joogay Somaliland ayaa ka warramay Ujeeddada socdaalkiisa iyo kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo Wasiirada Xukuumadda qaarkood. Christian Friis oo shalay Warbaahin uu Geeska Afrika ka mid yahay kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu dalka u yimid mashaariic la xidhiidha horumarinta Kalluumaysiga, isla-markaana doonayaan inay mustaqbalka dhow Somaliland ka furaan Warshad kalluunka lagu farsameeyo, si Dalka dibeddiisa loogu dhoofiyo. Christian Friis oo ah Wasiirkii xilligii la hirgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) isla-markaana Dawladdiisu furtay Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka warramay ujeeddada socdaalkiisa xilligan, waxaanu yidhi “Magacaygu waa Christian Friis, waxaan ahay Wasiirkii hore ee Horumarinta Denmark, imika halkan waxaanu u joognaa Aniga iyo Fear Fishing inaanu raadino Fursad si aanu u taageerno Kalluumaysiga. 8 sanadood ka hor, waxaanu nimid Halkan aniga oo ah Wasiirka Horumarinta Denmark, waxaanu furnay Xafiiska Denmark ee Hargeysa, waxaanuna aasaasnay Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Taasina waxay ahayd Aqoonsi Somaliland u aqoonsanay inay wax wanaagsan qabatay, aad baanan ugu faraxsanahay in Somaliland horumarkeedu uu si wanaagsan u socdo xitaa Coronavirus oo jira. Wasiirka hore waxa kale oo uu sheegay inay hadda arkayaan fursad wanaagsan oo ay lagu horumarin karo waaxda Kalluumaysiga ee Somaliland “Waxaanu arkaynaa fursad aad u weyn oo ah Waaxda Kalluumaysiga ee Somaliland, taasina waa sababta aan halkan u joogo. Somaliland waxaanu nahay Saaxiib, imikana waan doonayaa inaanu Saaxiibtinimadaa sii adkayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Qaranka qaarkood “Waxaanu kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarka Somaliland, Wasiirka Maalgashiga Somaliland, dhammaantood kulamadaasi waxay ahaayeen kulamo muhiim ah oo midho-dhal leh. Waxaan doonayaa inaan u Mahad-celiyo Madaxweyne Muuse Biixi, si uu noogu garab qabtay Hawsha aanu wadno ama Horumarka aanu ka wadno xagga horumarinta Kalluumaysiga, waxaanu noo muujiyey inuu na garab taagan yahay oo uu nagu dhiiri-gelinayo hawsha aanu bilownay.” Ugu dambayn, wuxuu sheegay “Waxaanu doonaynaa inaanu Somaliland ka furno Warshad lagu farsameeyo kalluunka si waddamada kale loo geeyo, waxaanu rejaynaynaa in Maalin dhaw Denmark lagu cuno Kalluun laga keenay Somaliland.”ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray in Cidda Maalgeshiga samaynaysa ay tahay Shirkad Magaceedu yahay IFU, taasi ooh ore Adduun lacageed oo gaadhaya 3 Billion oo dollar ugu Maalgelisay illaa 100 Waddan oo kale. Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo hore xiyaarado ugu soo rogtay qaadka ka imaan jiray dalka Kenya, sababo la xiriira Covid-19 ayaa go’aankaasi wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay xukuumadda Nairobi iyo sidoo kale ganacsatada Qaadka ee wadankaasi Kenya. Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu ka qoray xiyaarada ay Soomaaliya saartay Qaadka ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in dowladda federaalka ay ku soo rogtay Qaadka maalin-walba uga imaan jiray dalkaasi. The Business Daily ayaa shaaciyey illaa afar qodob oo Soomaaliya ay hor dhigtay Kenya, kuwaas oo kala ah:- 1 – In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. 2 – In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya 3 – In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. 4 – In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. Dhinaca kale Wargeyka ayaa warbixintiisa ku xusay inuu go’aankan saameyn ku yeeshay ganacsatada Kenya, islamarkaana uu dhulka galay dhaqaalahooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalab ay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya ay ku gacan seertay, si looga qaado xayiraada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sii adkeysay xayiraadaha Qaadka ee saaraan duulimaadyada dalka Kenya, iyadoo digniin u dirtay diyaarado la sheegay in si qarsoodi ah Jaadka ku soo geliyaan dalka. The post Maxay yihiin afarta shardi ee DF Soomaaliya ku xirtay keenista qaadka Kenya? first appeared on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda. Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh. Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017kii. Tallaabadan ayaa sidoo kale waxey qeyb ka tahay fulinta ballan-howleedka caalamiga ah ee Sandi-framework qodobkiisa “G” oo dhigaya in dowladaha sameystaan xarumaha ka sii diga musiibooyinka. “Soomaaliya kuma sii jiri karto musiibooyinka isu badbadala sida abaar, fatahaad iyo dabeylo (oo hadda nagu soo batay), dowladda Soomaaliya waxey go’aan ku gaartay in la helo xal-waara, waxey taasi waajib ka dhigtay in aan ka wasaarad ahaan guntiga dhiisha isaga dhigno sidii loo heli lahaa hey’addo karti leh, awooda in ay ilaaliyaan nafta, duunyada iyo ilaha-nololeed ee uu qarankan ku tiirsanyahay.” Sidaasi waxaa yiri sii hay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa. Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda. Sarkaal u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in agabkan uu wax weyn ka badali doono siyaabihi ay digniinaha u gaarsiin jireen bulshooyinka ku nool gobalada iyo degmooyinka jubaland. “Waxaan u mahadcleinaynaa wasaaradda oo maanta ina soo gaarsiisay agab isugu jira kombuutarro, shaashado lagala socda habka-isbadalka cimilada iyo aalado kale oo muhiim u ah noona fududeynaya gudashada waajibkeenna.” Ayuu yiri Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkaan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir. View the full article
-
Bishii lasoo dhaafayee Luuliyo 2020 degmada Diinsoor ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa lagu soo xeray tartan kubbadda cagta oo u socday kooxaha ka dhisan degmada,waxaan qabsoomida ciyaarahaas is dhaxgalka bulshada soo dhaweeyay bahda isboortiga iyo dadka ka soo jeeda Gobolka. Guddoomiyihii kooxda Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) sidoo kalane ah aas aasaha iyo maamulaha xarunta goolhayaasha Soomaaliya ee (Garoje Goalkeeping Academy) ayaa dhiiri-geliyay tartankii dhawaan soo idlaaday,isagoo sheegay in loo baahan yahay in la horomariyo isboortiga Diinsoor iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. “Runtii maamulka iyo xiriirka kubbadda cagta Diinsoor waxa ay sameeyeen shaqo wanaagsan oo loo baahnaa waxaan bogaadinayaa tartankii kubbadda cagta ee loo qabtay kooxaha ka dhisan Degmada Garoje Goalkeeping Academy wuxuu dhiirigelinayaa howlaha horomarinta isboortiga Diinsoor wuxuuna madaxda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Soomaaliya ugu baaqaya in la taageero qorshayaasha lagu kobcinayo isboortiga Gobolka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay mudane Garooje. Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Xogta Tartankii Ku Qabsoomay Diinsoor Maamulka Isboortiga Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Oo Soo Xirey Tartan U Socday Kooxaha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrimo Dastuuri ah, sida muddada magacaabida Ra’iisul wasaaraha iyo nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in labaduba aysan ku qorneyn Dastuurka,balse ay yihiin kuwa curfi iyo soo jireen. ”Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran.”ayuu CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireen dastuuri ahaa, maadaama illaa iyo hadda uusan macagaabi Ra’iisul wasaare, iyadoo ay ku qaaday in ka badan 30 cisho, welina uusan ku laaban baarlamaanka. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo uusan aqbali karin xilligan inay dhammaatay afartii sano ee muddo xileedkiisu ahaa, balse wuxuu u soo jeediyey inuu magacaaba Ra’iisul wasaare dalka ka bixya marxaladda adag ee haatan lagu jiro. ”Madaxweyne Farmaajo in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireenkii dastuuriga ahaa, waxey xoojineysaa dhaqankiisii dastuur ku tumashada ahaa. Waxey kaloo tilmaam ka bixineysaa ninkii 30 beri ixtiraami waayey, in aan laga sugaynin in uu aqbalo in 4-tii sano ka dhammaatay. Ninka aan dastuur ixtiraamaynin maxaa lagu aaminayaa in uu dhowro? Madaxweyne dastuurka ilaali oo magacow raysalwasaare dalka ka bixiya xilliga kala guurka.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir. Hadalka siyaasgan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Villa Soomaaliya looga fadhiyo magacaabida Ra’iisul wasaare cusub oo bedalaya Mudane Xasan Cali Khayre oo si lama filaan ah bishii la soo dhaafay ay ku rideen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. The post Famaajo oo 'noqday' Madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireen dastuuri ahaa first appeared on Caasimada Online.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) takes note of the signing into law of the Amendment of Media Law following the approval of the final amended version from the both Houses of the Federal Parliament by President Mohamed Abdullahi Farmaajo. Some of the provisions of the Law on Amendment of Media Law will go a long way in giving effect to Article 18 of the Federal Provisional Constitution of Somalia which provides for freedom of expression, freedom of opinion and media freedom by repealing the draconian and widely discredited 2016 Media Law that infringed on the country’s constitutional rights. Particularly, the government’s stated interest of establishing Public Service Broadcasting (PSB) is a giant step forward as PSB will give prominence to issues of editorial independence and public accountability – the two main principles that would distinguish PSB from a government/state or commercial broadcasting. Of course, though, among other contentious issues is the fact that the new law falls far short of expectations of the media industry. NUSOJ responded positively to invitations from the government and the parliament to make an input into the content of the new Amendment of Media Law that has now replaced 2016 Media Law. Regrettably, most of the key proposals or recommendations submitted to the government and the parliament were not incorporated into the new law. It’s no secret that NUSOJ has previously and repeatedly raised concerns that the draft amendment of Media Law failed to comply with the international standards on freedom of expression. The final version of the Law is no different. Some of the key concerns were the provisions that criminalise expression and the journalism profession, restrictions on who can practice journalism profession, dictated ethical guidelines, the independence & composition of the Somali Media Council, determined judicial prosecution of vague media crimes, issuance of press cards and undetermined fines for journalists and news media organisations. “We have constantly urged the federal government, including the President of the Republic, to align the amended media law with African and international instruments and principles on freedom of expression that Somalia is a signatory to, so that the country acquires progressive and democratic laws benefitting all Somalis. Our demand for real media and policy reform, remains alive,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. In line with the Constitution and democratic practices, NUSOJ urges the government to expeditiously set up a true PSB which must be independent from any interests, notably political and economic; be accessible to all citizens; provide programming that caters for diverse tastes and interests; and serve the public interest especially at this critical time that the country is about to go to elections to ensure a fair and equitable coverage of the contesting parties/candidates. Furthermore, NUSOJ calls upon the Federal Government to genuinely spearhead the establishment of Somali Media Council (SMC) in a process that is transparent and inclusive in order to safeguard its independence, representativeness and credibility, and to allay serious concerns expressed over this legislation. In line with his statement on 3 May 2020, NUSOJ appeals to President Mohamed Abdullahi Farmaajo to declare a moratorium on the arrest and imprisonment of journalists due to their journalistic work until the Penal Code of Somalia is progressively reformed. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu saxiixay xeerka muranka badan dhaliyey ee saxaafadda. Xeerkan oo maanta lagu wado in uu wasiirka warfaafinta ku dhawaaqo ayey saxaafadda in badan muran ka keentay, sida: (1). Kaalinta wasaaradda warfaafinta ee soojeedinta, 9-ka xubin oo ay 3 ku lahaadaan, xulista iyo xataa shaqo siinta ama ceyrinta guddiga saxaafadda. (2). Maxkamadda ku shaqada leh iyo ciqaabta la marsiinayo saxafiga. (3). Rukhsad bixinta iyo arrimaha la xiriira. (4). Guud ahaan saameynta xeerka ee saxaafadda. Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ayaa kulamo la qaatay baarlamaanka federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo xataa Farmaajaha qudhiisa si loogu qanciyo in xeerkan uu caqabad ku yahay xuriyadda hadalka iyo saxaafadda, laakin dheg jalaq looma siin. Farmaajo waxaa uu xeerkan heystay tan iyo sanadkan bilowgiisa iyada oo inta uu xeerka agyaallay saxafiyiin badan lagu qaaday xeerar duugoobey oo uu ku jiro xeerka ciqaabta. Waxaa xusid mudan in aanu xeerkan cusbeyn, ee hadda dib u eegis uun lagu sameeyey, ee uu horay u saxiixay madaxeweyne Xasan Sheekh January 9, 2016, waxayna sidoo kale kusoo baxday faafinta rasmiga ah, laakin maamulka Farmaajo waxaa uu saxafiyiintii la maxkamadeeyey u diiday in ay loo adeegsado xeerkaas oo madaxweyne Xasan horay u saxiixay. Intii uu Farmaajo madaxweyne ka ahaa Soomaaliya waxaa aad u yaraaday guud ahaan xuriyadaha ku xusan dastuurka KMG ah gaar ahaan saxaafadda sida qodobka 18aad ee “Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta”, Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka, Qodobka 21aad. Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka, Qodobka 22aad. Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda, Qodobka 23aad. Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda iyo Qodobka 32aad. Xaqa helidda macluumaadka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa bilaabay abaabul xoogan oo ku aadan, sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa madaxada dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed. Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha caalamka ay haatan wado kulan guud oo ka dhacaya Muqdisho, kaas oo dhinacyadaas ay uga wada-hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahana arrimaha doorashooyinka ee 2020/ 2021-ka Kulankan ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa diirada lagu saarayaa sidii wadajir looga wada-shaqeyn lahaa marxaladda adag ee kala guurka ee haatan lagu jiro. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in maalmaha soo socdo magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan Madaxweynayaasha maamullada Jubbland iyo Puntland oo qeyb ka noqonaya shirkaasi, si loo dhameeyo xiisada kala dhexeyso dowladda federaalka Somalia. Waxaa sidoo shirka oo ah mid ballaaran ka qeyb-galaya siyaasiin kala duwan oo isugu jira mucaarad iyo muxaafad, kuwaas oo haatan qaarkood ku soo wahan dalka, sida Madaxweynihii hore ee Koonfur GalbeedSoomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Abaabulka ugu xoogan waxaa wada safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto, kaas oo horey u dhaliilay qaabka ay wax u wadaan Axmed Madoobe & Deni. Xaaladda siyaasadeed ee daka ayaa ah mid cakiran, kadib markii Dhuusamareeb lagu gaaray heshiis doorasho oo ay ka maqan yihiin Jubbaland, Puntland iyo saamileyda kale. The post Beesha caalamka oo abaabul xoogan wada, A/Madoobe iyo Deni oo ku soo wajahan Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Kiiskii Hodan Shanlayste oo mar kale Maanta la dhegaysanayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Arbacada ah mar kale dhegaysanaysa, dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska AUN Hodan Axmed Maxamed Shanlayste. Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. 15-kii February 2020, ayay Maxkamaddu markii u horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwadda. PUNTLAND POST The post Kiiskii Hodan Shanlayste oo mar kale Maanta la dhegaysanayo appeared first on Puntland Post. -
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyey tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo ay ka geysteen gobollada Jubbooyinka. Cabdirashiid Maxamed Gaas oo ka mid ah waxgaradka deegaanada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeymo aan loo meel dayin ciidamadaas ay ka fuliyaan halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu halkii laga rabay inay sugayaan amniga dadka shacabka ah ay iyagu waxyeeleeyaan, sida uu hadalkau dhigay. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliyeed inay wax ka qabato dhibaatooyina ay ciidamada Kenya ku hayaan shacabka gobollada Jubbooyinka View the full article
-
Ciidamada Booliska Soomalaiyeed ayaa xoojiyey maalmihii u dambeeyey howl-gallada ay ka wadaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo xalay baaritaano xoogan ka sameeyey gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Howl-gallada oo ahaa kua qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka ay howl-galladaasi ku soo qab-qabteen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo markii dambe qaarkood la sii daayey. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan baaritaanadaasi. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid faraha ka siiyey, waxaana ka dhacayey qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article
-
Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab iyo saaxibada Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku dilay Cabduqaadir Cusmaan Yarow oo loo yaqiinay Cabduqaadir Kumaandoos, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Howl-galkaan oo ka dhacay tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere. Kumaandoos ayaa mar ahaa Madixii Jabhadaha Al-Shabaab, waxa uu sidoo kale u xuubsiibtay Qaybta Propaganda. Hadda dilkiisa marka uu dhacayay waxa uu madaxa ka tirsanaey xoolo uu saami u helay oo ay Al-Shabaab ka qaateen dadka deegaanka, sida lagu sheegay qoraalka dowladda. View the full article
-
Warsheekh (Caasimada Online) -Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Marxuum Nuur Macow Sireey oo da’diisa lagu sheegay 97 sano jir. Waare ayaa sheegay in ayaan darro weyn ay tahay in Aano Qabiil loo dilay Oday da’ah oo aan galabsan wax dambi ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u jeedada laga leeyahay dilkaasi ay tahay kaliya raadinta xumaan iyo in la soo cusbooneysiiyo dagaal dhex-mara dad walaalo ah. Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa sidoo kale amray laamaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka marxuumka oo maalin ka hor lagu dilay Maaxaay oo hoostaha degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu dambeyn wuxuu ka digay in dib loo soo cubooneysiiyo dagaal beeleedyo hor leh oo ka dhaca halkaasi. Dhacdadan ayaa waxa ay si weyn u aragagax gelisay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadlay hayaa degmada Warsheekh iyo deegaanada ku xeeran. Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo dad walaalo ah, innkastoo muddooyinkii la soo dhaafay xaaladda gobolka ay aheyd mid yare degan. The post WAARE oo shaaciyey u jeedo laga lahaa dilka nin 100 jir ku dhowaa first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wakiilka Taiwan u fadhiya Sweden Mr. Vincent Yao, ayaa ka hadlay muhiimada xidhiidhka dalkiisu la yeeshay Jamhuuriyadda Somaliland. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Wakiilka Taiwan u qaabilsan Sweden Mr. Vincent Yao, oo u sheegay idaacadda Radio Sweden in cilaaqaadka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland ay ku doonayaan inay ku sii ballaadhiyaan joogitaankooda diblomaasiyadeed ee Afrika, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ku taallo Bogcad muhiim ah. Danjire Vicent Yao waxa uu xusay inay Siddeed dal oo ka tirsan Midowga Yurub oo Sweden ka mid tahay ay Xafiiyo ku leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland. Diblomaasigaas reer Taiwan wuxuu intaas ku daray in dalalka Somaliland xafiisyada ku lihi ay gaadhayaan 22 Waddan.Waxaanu caddeeyey in Somaliland muhiim u tahay dalkiisa oo ay ka wada shaqeynayaan mashaariic ay ka mid yihiin Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta. Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsan ayaa lagu majeertaa horumarka ay ka gaadheen Dawladnimada, Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyadda, waxana ka dhexeeya duruufo taariikheed oo iskaashigooda mataaneeyey. Source
-
“ILA QAAYO WEYN..” Gabbad: Asc. Waar Guun beryahaa waynu kala yar raagnaye bal warran. Guun: Warka anigu ma idaacad baan ahay dee orodoo BBC daa dhegeyso. Gabbad: BBC yaa? Waar taasi waa Radio Muqdisho eh noo warran jikaarka naga daayoo. Inaadeer horta sidaad yar tahay? Miyaa lagu maray dee? Guun: ‘aar warna ma haynee wax na weydii dee aanu kaaga jawaabnee. Waaxay iska warran uun? Gabbad: Waa hagaage ku weydiiyay eh Buurta kala-jeexan ka warran. Guun: Yaa? Maxaa baasee kala jeexan? Ma ma surwaalkaa iga jeexmay? Gabbad: waa markeenii! Wadhlo! Waar surwaal layne dad masaakiina baa la raray ma maqashay? Guun: Ma abaar baa ku heshay meesha? Sawtii lala lahaa sanadkan waa barwaaqo meel waliba. Gabbad:Hodhodho! “Shimbirtii Oodweynaay hodhodho.” Ayuumbaan maqli jiray. Kan anaaba maqal dhaama. Guun: Sucuudigii iyo Paskistan baa is haya miyaad maqashay adigu? Gabbad: Jaw! Waar bal Landta ku soo noqo oo ina wax hadal hayn ah Madaxweyne miyaad maqashay? Guun: Mayee ma maqal. Miyuu dhexdhexaadinayay? Gabbad: haddaa dad masaakiin ah oo dan yar ah miyaad maqashay? Ina ma kugu soo duuleen? Guun: Miyuu caawiyay? Gabbad: Aqallo la dumiyay ma maqashay haddaa? Guun: Haa. Falastiin baan ku maqlay. Gabbad: Dumar iyo carruur ooyaya oo dibadda loo qubay ma maqashay? Guun; Oo Falastiin ah? Haa dee baan ku idhi. Gabbad;Hargeisa ma ku maqashay? Guun: Waar anigu Madasha ma maqlo. Gabbad: eeg. eeg. Wuu is yeelyeelayaa wax walba wuu og yahaye. Guun: Ma anigu? Gabbad: Haddaba waa inagiiye oo cidi ina maqli maysee markaad aragto isagoo qalad ku jira oo duni qarribay ama cid dulmaya ama meel ku haysta ee adigoo ka xun haddana aad guulwadayso heestii aad qaadi jirtay maxay ahayd? Guun: hhhhhh. Adigu hoos u dhig dee. Waa ku sidee. Hayna qarribin dee. Gabbad: waayee maxay ahayd heestii. Guun: “ Weli aniga way ubax nuurayoo Ila qaayo weyn.” Heestii Maandeeq dee. Cid haw sheegin hadda arrintu waa beynii wa beynak. Gabbad: Oo adigu waad sii jeclaataaba miyaa? Oo maba nacdid? Source
-
Black Minnesotans are more than five times more likely than White Minnesotans to be infected with COVID-19, more than three times more likely to be hospitalized, and three or four times more likely to die Source: Hiiraan Online
-
Raysal wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay in uu kala hadlay xogyahay arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo boqosho ku tagay dalkaas arrimo ay ka mid yihiin in Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagxisada si looga qaado cunaqabateynta Dalka Sudan ayaa ku jiray liiska wadamada aragagxisada maalgaliyo laga soo bilaabo sannadkii 1990-yadii markii hogaamiyahii Al-Qaacida Osama Bin Laden uu halkaas ku noolaa, isagoo marti u ahaa xukuumadii Madaxweynihii Xukanka la xooga looga tuuray ee Cumar Al-Bashiir. Dalka Sudan ayaa ka mid ahaa dalalka uu Mareykanka ku daray liiska wadamada taageera argagixisada sida Kuuriyada Waqooyi, Iran iyo Suuriya. Hogaamiyayaasha Sudan ayaa si aad ah u ugu hamuun qaba in la soo afjjaro cunaqabataynta saaran iyo in liiska laga saaro si ay uga baxdo takoorka dhanka dhaqaalaha ee lagu hayo. Haddii Sudan laga saaro liiska islamarkana cunaqabataynta laga qaado ayaa waxay fursad u helaysaa inay la macaamisho hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha islamarkana ay soo jiidato maalgashi iyo inay deemo qaadato. Mid ka mid ah shuruudaha Mareykanka uu ku xiray si Sudan liiska looga saaro ayaa ah inay magdhaw siiso qoysaska 17 askari ee ku dhintay weerarkii ay Al-Qaacida ku qaadeen markabkii USS Cole ee ku sugnaa xeebaha dalka Yemen sanaddii 2000. Dowladda Sudan ayaa shuruudaasi aqbashay bishii February ee sanadkan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa, Mr Pompeo ayaa ugu baaqay Sudan in ay dib u soo celiyaan xiriirkii kala dhaxeeyay Israa’iil. Mar sii horeysay, Mr Pompeo waxaa uu sheegay in uu Sudan ku yimid duulimaadkii tooska ahaa ee ugu horeeyay ee u kala goosha Tel Aviv iyo Khartuum, oo ku tilmaamay inay tahay “mid taariikhi ah “. Waxaa uu xoghayaha arrimaha dibadda isku dayayaa in hormar laga sameeyo oo ay xidhiidh dhaw yeeshaan Israa’iil iyo dalalka Carabta ee gobolka. Waxaa uu booqashadisa ku soo maray,Israel, Sudan, Bahreyn iyo dalka Imaaradka Carabta oo iyagu horey heshiis ula gaaray Israa’iil. Waxaa uu Pompeo ku baaqay dalalka Carabta inay la heshiiyaan Israa’iil. Mareykanka ayaa gar-wadeen ka ahaa heshiiskii dhexmaray Imaaraadka iyo Israa’iil, islamarkana uu madaxwayne Trump uu si wayn ugu faanay. “Waxaan aad ugu rejo weenahay in dalalka kale ee Carabta ay ku soo biraan arrintan “, ayuu yidhi. Waa booqashadii ugu horreysay oo muddo 15 sano ah uu ku tago dalka Sudan, islamarkana tan iyo xilligaasi ma wanaagsanayn xidhiidhka labada dhinac Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-26082020.mp3 View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadka soo socdo ku tago magaalada Washington, si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kadib markii uu ka baqay in warkaas la dusiyey, islamarkaana tegitaankiisa Washington uu noqon lahaa kadis, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye. Go’aan lagama gaadhin in kulan uu noqon lahaa mid la duubo kadibna warbaahinta laga baahiyo, iyo inuu noqon lahaa mid toos ah oo warbaahinta ay goobjoog ay ka tahay. Kuwa dabada ka riixaya kulanka, oo ay ku jiraan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushne, ayaa u arkay is-gacan qaad dhexmara labada nin mid wanaajin kara magaca Bin Salman, kana dhigi karay in loo arko hoggaamiye carbeed oo ka shaqeynaya nabadda, ayna xoojin kartay taageerada heshiiskii dhex-maray Imaaraadka iyo Israa’iil. Kulanka ayaa kadib laga soo saari lahaa bayaan ay waxyar un ka dhiman tahay in Bin Salman uu aqoonsado Israel, hase yeeshee si xooggan u tusmeyn lahaa in boqortooyada ay ku taagan tahay waddadii ay xidhiidh kula yeelan lahayd Israa’iil. Taariikhda kulanka ayaa la isku raacay sidoo kalena kooxda baratakoolka qaabilsan ayaa sii tegay Washington. Bin Salman ayaa Washington iman lahaa 31-ka August kadib marka uu dhamaado kulanka xisbiga Jamhuuriga. Waxay noqon lahayd booqashadii ugu horreysay ee u uku tago Mareykanka tan iyo bishii March ee 2018. Isaga oo aan dooneyn inuu tago safaaradda Sacuudiga ama qasriga safiirka, si aan loogu dibad-bixin haddiiba laga war helo, Bin Salman ayaa sii iibsaday afar guri oo loogu talo-galay kaliya booqashadiisa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Middle East Eye. Qorshahan ayaa burburay Sabtidii kadib markii Bin Salman uu helay warbixino sheegayey in safarkiisa la dusiyey. Shuruudda booqashadiisa ee uu Aqalka Cad la galay ayaa ahayd in kulanka uu ahaado mid 100% sir ah, islamarkaana la ogaado kaliya marka uu kasoo laabto caasimadda Mareykanka. La-taliyayaashiisa ayaa is-tusay in haddii safarka sir ahaado ayna xubnaha congress-ka ee mucaaradsan heli lahayn fursad ay ku diyaariyaan bayaan ay ku cambaareynayaan, sidoo kalena kuwa u ololeeya inuu caddaalad helo Jamaal Khaashuqji iyo qareenada matalaya Saad Al-Jabri aysan heli lahayn waqti ay ku diyaariyaan. Tallaabo sharci ah. Hase yeeshee maadaama hadda laga war helay kulanka Bin Salman ayaa ka cabsaday in loo soo diyaar garoobay ayna suurta-gal tahay inuu wajaho kiis maxkamadeed, oo uu awoodi waayo inuu kasoo baxo Mareykanka. Trump iyo Kushner ayaa si aad ah u doonayey booqashadan inay dhacdo, waxaana markii ay fashilantay ay si deg deg ah Bariga Dhexe ugu direen xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo si uu taageero ugu raadiyo xidhiidhka Israa’iil iyo Imaaraadka. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in weerar dhinaca cirka ah shalay lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. Taliska AFRICOM ayaa qoraal ku sheegay in duqeynta lagu dilay Sarkaalkaasi, ay ka dhacday agagaarka Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe. Warka laguma sheegin magaca Sarkaalkaasi iyo weliba xilka uu ka hayay Ururka Al Shabaab, balse waxay sheegeen in la sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab. Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xalay baahisay in weerar dhinaca cirka ahi lagu dilay Cabdulqaadir Cismaan Yarow (Cabdulqaadir Kumaandoos), oo hore u soo noqday Madaxii Jabhadaha ee Al Shabaab. Source
-
The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting blockade of Miraa imports. Source: Hiiraan Online