-
Content Count
211,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sii hayaha ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee dalka kaasi ee uu ugu kuur galayay xaalada guud ee xabsiga dhexe.Marka uu gaaray xabsiga dhexe waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada oo goobta loogu diyaariyay waxaana sidoo kale ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa warbixin ka dhageystay taliska Asluubta. Waxuu taliska asluubta waxaana uu kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta iyo horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya. View the full article
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay aano qabiil degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu dilay Nuur Macoow Sireey oo kamid ahaa dadka degaanka Maaxaay ee degmada Warsheekh, kuna dhowaa da’da 100 jirka. Marxuumkaan oo da’diisa lagu sheegay 97 sano jir ayaa loogu galay guri uu beer ku dhax lahaa, kaas oo ku yaalla degmada Warsheekh, waxaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay dhowr xabo oo rasaas ah. Maamulka degmada Warsheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in falkaan uu salka ku haayo aano qabiil islamarkaana aysan awoodin in ay wax ka qabtaan maadaama lagu guul dareestay in la xaliyo. “Waa nasiib darro weyn waana ka xunahay wixii dhacay xalay, waxaana odayaasha degmada ugu baaqeynaa in si deg deg ah wax looga qabto falkaan,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga ee degmada Warsheekh Mr Jookaay oo la hadlay Caasimada Online. Falkaan ayaa daba joogay dilal kale oo sidaan oo kale degmada uga dhacay kuwaas oo aan xal laga gaarin ilaa hadda waxaana dhicisoobay dedaalo badan oo la sameeyay. Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in uu safar dhulka ah ku gaaro degmada Warsheekh gobalka Shabeelada Dhexe, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiinta a,maanka. Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah mid loogu kuur galayo xaaladda degmada inkastoo la sheegay in uusan booqan doonin qoyska ama qaraabada marxuumka la dilay. Sidoo kale lama filayo in waxbadan uu ka dhaho arrimahaan salka ku haayo aanooyinka qabiilka ee ka socda xaafado ka tirsan degmada Warsheekh. The post Nin 100 sano jir ku dhowaa oo lagu dilay Warsheekh iyo sababta first appeared on Caasimada Online.
-
Taliska Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay weerar qorshaysan ku dileen xubno sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab. Hawlagalka oo laga fuliyay Degaanka Daarusalaam oo hoosyimaada Degmada Awdheegle ee Gobolka Sahbeellada hoose ayaa lagu dilay laba sarkaal iyo xubno kale oo ka tirsanaa Al-shabaab sida laga soo xigtay Taliska DANAB. Wakaaladda Wararka SONNA ayaa ku soo warrantay in Hawlgalka lagu dilay laba horjooge iyo todoba xubnood oo kale kuwaas oo ku shirsanaa Degaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellada Hoose. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ka tirsan Kumaandooska DANAB ayaa Wakaaladdu ka soo xigatay in sidoo kale gacanta lagu dhigay hub iyo saanad ay Al-shabaab leeyihiin islamarkaana la burburiyay xarumoodii. PUNTLAND POST The post Kumaandooska DANAB oo shaaciyay in ay dileen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-2582020-o.mp3 View the full article
-
U.S. Secretary of State Mike Pompeo arrived in Sudan on Tuesday, the top U.S. official to visit the African country since last year’s ouster of its autocratic leader, Omar al-Bashir. Source: Hiiraan Online
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa shir gudoomiyay kulankii kowaad ee Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Galmudug. Kulanka waxaa ku wada sugnaa dhammaan Gudoomiyaasha guddiyada Joogtada ah iyadoo arrimaha looga hadlay uu ka mid ahaa dardar gelinta hawlaha Baarlamaanka. Xoghayaha guud ee Gaarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Faarax (Janagale) ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid loogu gogol xaaraayey furitaanka kal-Fadhiga labaad Baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa warbixino looga dhegaystay Guddoomiyaasha Gudiyada iyagoona faah faahiyay waxyaabaha u qabsoomay Baarlamaanka Kalfadhigii la soo dhaafey ee Golaha. Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Galmudug ayaa furmaya sida la qorsheeyay 27 bishaan oo ku beegan Khamiista todobaadkan. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo warbixin ka dhegaystay Guddiyadda Joogtada ah ee Barlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda Geeska Afrika Oo U Soo Gudubtay Horyaalka Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kooxda kubbadda cagta Geeska Africa oo ka mid ah naadiyada u soo gudbay horyaalka Somalia Premier League 2020-2021 ayaa maamulkeeda waxa ay sheegeyn in ay sameeyeen taariikh aad u wanaagsan,maadam mudo ka dib ay ku soo laabteen horyaalka dalka. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u soo gudubno horyaalka Soomaaliya,shaqada iminka ayay kow tahay waxaan rajaynaaa in aan soo bandhigno ciyaaro wanaagsan oo soo jiita taageerayaasheena waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay macallinka kooxda kubbadda cagta Geeska Africa” https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Geeska.mp4 “mudo ka dib in aan ka dheelno horyaalka waxa ay aheyd shaqo adag aan soo qabanay waxaan u mahad celinaynaa ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda kaalinta ay ka qaateen horomarka Geeska Afrika” ayuu Goobjoog Sports Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) oo ah guddoomiyaha kooxda. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats-1.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com -
Kenya Airways is seeking to lay off half of its pilots as it slashes costs to weather the cash flow crisis deepened by the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland. Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka. Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Kismaayo ( Caasimadda Online) – Sanad ayaa laga joogaa markii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku soo baxay doorasho madaxtinnimo oo ka dhacday Kismaayo, taasoo habka loo maray iyo natiijadeedaba ay muran badan dhaliyeen. Waxaa isla markiiba qaadacay doorashadaasi dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin la baxay isbedel doonka Jubbaland. Doorashadaasi muranka dhalisay ayaa aad u wiiqday xiriirka ka dhexeeyay Kismaayo iyo Muqdisho, waxaana ay horseeday in wasiirka amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ay dowladda Federaalka ku xirto caasimadda iyadoo u haysata tacaddiyo ka dhan ah aadanaha, inkastoo uu markii dambe ka soo baxsaday halkii lagu hayay. Dowladda Federaalka ayaa ciidamo badan geysay degmooyinka gobolka Gedo, waxaana marka laga reebo degmada Ceel waaq ay inta kale kala wareegtay maamulladii taabacsanaa Jubbaland-ta uu hogaamiyo Axmed Madoobe. Hadaba sanad kadib maxay tahay sababta uu Madaxweyne Axmed Madoobe u soo dhisi la’ yahay golihiisa wasiirrada? Sida uu qabo dastuurka maamulka Jubbaland, madaxweynuhu waa inuu golahiisa wasiirrada ku magacaabo muddo 90 maalmood gudahood ah, waxaa se loo oggol yahay inuu baarlamaanka ka codsado muddo kordhin ku aaddan xilliga uu soo dhisayo golahaasi. Madaxweyne Axmed Modoobe ayaa saddex goor ka codsaday baarlamaanka Jubbaland inuu u kordhiyo waqtiga uu kusoo magacaabayo golaha wasiirrada, oo tii ugu dambeysanna ay ahayd bishii June. Baarlamaanka ayaa dhammaan codsiyadaasi aqbalay. Maamulka Jubbaland ayaan si rasmi ah u sharrixin sababta keentay dib u dhaca, waxaana noo suurageli waayay xiriiro telefoonka ah oo aan la sameynay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamulka hadda jira, si aan wax uga weydiino arintan. Adan Aw Xirsi oo laba jeer soo galay golaha wasiirrada Jubbaland, marna ahaa gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa BBC Somali u sheegay in sababo kale duwan oo isku dhexjira ay dhici karto inay dib u dhigeen soo magacaabidda golaha wasiirrada maamulkaasi. “Sababta ugu weyn waxay tahay in doorashadii uu muranka ka dhacay ayaa keentay in gobolladii ay dowlad goboleedka [Jubbaland] ka koobneyd ay kala go’aan oo Gedo gacanta ka baxdo, Jubbada dhexe awalba waxa haystay Al-Shabaab, marka waxaa yaraaday dhulkii laga oggolaa maamulka dhismay,” ayuu yiri Aw Xirsi. Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ka faallooda arimaha, siyaasadda, ammaanka iyo Islaamiyiinta ee Soomaaliya ayaa isna qaba in khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Federaalka uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan magacaabista golaha wasiirrada cusub. “Khilaafka u dhexeeya Federaalka iyo Jubbaland oo meel adag taagnaa August 2019 ilaa June 2020 ayaa la oran karaa waa sababta ugu weyn ee uu Madaxweyne Axmed Madoobe u soo dhisi waayay golaha wasiiradda cusub. Arinta gobolka Gedo oo aan heshiis laga gaarin ayaa iyadana ah mid kale oo dib u dhigtay in la helo gole wasiirro oo loo dhan yahay. Madaxweyne Axmed waxa uu khibrad wanaagsan ka heystaa khilaafkii dhexmaray isaga iyo dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheekh oo markii ay heshiiska gaareen August 2013 ayuu soo dhisay gole wasiirro oo loo dhan yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Dagaal xooggan oo ciidamada Federaalka iyo kuwo Jubbaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan ku dhexmaray magaalada Beled Xaawo horraantii sanadkan ayaa dhaliyay barakac iyo khasaaro hantiyeed. Ciidamada Janan ayaa weli ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn Beled Xaawo, mana jirto wax xabbad joojin ah oo laga gaaray colaaddaasi. Heshiiskii Nairobi Bishii April 2020, kadib wadahadallo muddo socday oo magaalada Nairobi ku dhexmaray Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kursiga ku haystay ee kala ah Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh ayaa waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis nuxurkiisu ahaa in Axmed ay u aqoonsansadeen madaxweynaha Jubbaland iyo sameynta xukuumad wadaag ah. Adan Aw Xirsi ayaa rumaysan in heshiiskaasi uu qeyb ka yahay caqabadaha horyaalla soo magacaabidda golaha wasiirrada ee Jubbaland. “Nimankii iyaguna odayaasha ahaa ee odayga [Madaxweyne Axmed Madoobe] la geli jiray heshiiska markii hore intay madaxweynayaasha la sheegtaan, oo marka saami qeybsiga beeleed la fiiriyo odayga la beel ah, ayaa waxa uu u quuro iyo waxa ay rabaan aanay isdabooleyn,” ayuu yiri Aw Xirsi Xiriirka Jubbaland iyo Federaalka Bartamihii June 2020, dowladda Federaalka ayaa Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweyne kumeelgaar ah oo laba sano haynaya xukunka, arintaasi oo ay ku gacan sayrtay Jubbaland. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa intuu socday shirkii Dhuusamareeb 2 waxay yeesheen kulamo looga arinsanayo khilaafka dhexyaalla, walow aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay isla meel dhigeen. Hadda se waxay u muuqataa in labada dhinac ay sii kale fogaadeen kadib markii uu maamulka Jubbaland ka baaqsaday shirkii Dhuusamareeb 3, sheegayna in wax metalaad ah aanu ku lahayn go’aannada ka soo baxay. The post Sababta uu Axmed Madoobe u magacaabi la’yahay golihiisa wasiirada first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyey wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada la xidhiidha ee xeer Lambar 78/2020. Fadhiga oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxay xildhibaannada golahaasi cod gacantaag ah u qaadeen wax ka bedelka iyo kaabista xeerka kufsiga iyo xadgudubyada la xidhiidha ee xeer lambar 78/2020, iyada oo ay fadhigaas ka soo xaadireen shan iyo afartan mudane, waxaana ogolaaday sodon xildhibaan (30 xildhibaan), halka ay diideen sagaal mudane(9mudane), waxaana ka aamusay shan xildhibaan (5xildhibaan) guddoomiyuhuna muu codeyn xeerkaasina sidaas ayuu ku ansaxay. Geesta kale, guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu xildhibaannada golahaas ku wargeliyey in maalinta sabtida ah ee todobaadka dambe golaha la horkeeni doono xeerka doorashooyinka qaranka. Source
-
MOGADISHU (HOL) - Somali military has announced new offensives against the militant group Al-Shabaab to liberate areas it holds in HirShabelle state. Source: Hiiraan Online
-
A chemical tanker is under way again after a stop for repairs and a police boarding was mistakenly reported as the first Somali piracy attack in more than three years. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan ciidanka dowladda. Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur ayaa waxaa loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor gaar ahaan guutada saddexaad, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara. Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiidkaasi loo gacan geliyey 22-kii bisha August taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage. Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag, waxaana loo adeegsan doonaa howl-gallada Milatari ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Turkiga ayaa Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya oo haatan wajaheyso xaalado amni oo dalka ka jira ayaa dhanka kale isku diyaarineyso howl-gallo cusub oo ka bilaabban doono guud ahaan Soomaaliya. The post Dowladda Soomaaliya oo gaadiid dagaal kala wareegtay TURKIGA first appeared on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey xildhibaano, wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb. U jeedka socdaalka hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa la xiriira kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee Galmudug iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bushada. Sidoo kale wuxuu booqan doonaa deegaanada maamulkaasi, sida magaalada Guriceel oo degmooyin kale oo ku yaalla Galmudug. Safarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aadayaa, xilli todobaadkii la soo dhaafay Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyey wejiga saddexaad shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dhaceysa. Si kastaba ha’ahaatee siyaasigan oo mucaarad ku ah dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyey heshiiskii Dhuusamareeb, balse wuxuu ka diga dib u dhaca doorashada. The post CC Shakuur oo lagu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday xafiiska isu dawidda arrimaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (OCHA) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan saameynta uu ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus. OCHA ayaa wal-wal hor leh ka muujisay xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19, kuwaas oo shalay laga diiwaan-geliyey gudaha dalka. Warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyinka qaar aysan heysan qalab ku filan, sida hawo siiye iyo qalabka qofka siiya neefta eeloo yaqaan Oxygen, Shaybaarka lagu baaro dadka iyo xarumaha dadka lagu karaantiilo. “Gudaha Jubbaland (Gobolka Koofureed), ma yaalaan qalab dadka ku filan, sida Hawo siiye iyo qalabka qofka siiya Neefta loo yaqaan Oxygen, Shaybaarka lagu baaro dadka iyo xarumaha dadka lagu karaantiilo ee Shaybaarka oo aan laga helin Degmooyinka go’aanka ku jira ee Ceelwaaq iyo Dhoobley” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobay. Sidoo kale OCHA ayaa shaacisay in loo baahan yahay in wax laga bedalo sida ay haatan wax u socdaan, kadib markii Puntland laga diiwaan-gelisay in ka badan 400 oo ruux. Waxa kale oo warbixintan lagu sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo dhintay, iyaga oo aan lagu saameyn baaris caafimaad ama aan lagu arkin astaamaha cudurka faafa ee Coronavirus. Ugu dambeyn OCHA ayaa muujisay inuu yar-yahay dadaalka dowladda ee xakameynta cudurka saf-marka ah ee Covid-19 oo si weyn u saameeyey caalamka. The post Qaramada Midoobay oo wal-wal hor leh ka muujisay xaaladda Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaas oo u gogol xaaraysa in dowlad goboleedkaasi uu ka guuro nidaamka Codaynta golaha wakiilada lana gaaro in dadweynuhu codkooda dhiibtaan. Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoontay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan isagoo tilmaamay iney wax ka bedel ku sameeyaan Taariikh doorasheeda maamulkani ku dhaqmayey labaatankii sano ee lasoo dhafay. Madaxweyne Deni ayaa sheegay iney ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo uu sheegay inuu hadda meel wanaagsan marayo , waxa uuna tilmamaay iney Xukuumadiisu ay Guddiga garab taagantahay , iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda ay xaqa uleeyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxo hubeysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay Nabadoon caan ahaa ku toogteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Maxamed Cismaan, waxaana lagu dilay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmadaasi. Nabadoonka lagu dhex-dilay xarun ganacsi oo uu ku lahaa xaafaddaasi, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegaan ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Somalia. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada caasimadda ah ee Muwqdisho. View the full article
-
Bosaso (PP News Desk) — Abdirahman Abdi Mohamed, a journalist, remains in detention in Bosaso after the Puntland Security Force detained him without an arrest warrant three days ago. The journalist’s family has not been able to visit him. PSF declined to state the reason for detaining the journalist. Puntland Security Force detains people in centres in Bosaso where no one has a clue as to how detainees are treated while in detention. Puntland Security Force has detained Abdirahman without a warrant from courts. Puntland administration of President Said Abdullahi Deni was diffrent from previous administrations for not allowing security forces to detain journalists without a warrant from courts. The detention of Abdirahman raises fears that Puntland is relapsing into an authoritarian mode to discourage journalists from reporting on government activities. Puntland Security Force is a foreign-funded outfit involved in counterterrorism operations against Al-shabaab and ISIS. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Security Force Detains a Journalist in Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay Sheekh Cali Maxamed Cismaan oo ka mid ahaa Nabadoonada Soomaaliyeed, kaas oo ay toogteen kooxo bistoolada ku hubeysnaa. Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Siliga Ameerikaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka la toogtay, xilli uu ku sugnaa xarun ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi, waxaana goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeyey falkaasi. Sidoo kale waxaa meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo dhacdada, kadib baaritaano kooban sameeyey. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo sidoo kale maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho oo howl-gallo ay ka bilaabeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomalaiyeed, kadib weerarkii hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Dowladda Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejisay Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah Dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay Ciidamada Miletariga Soomaaliya Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur waxaa loogu tala-galay in ay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gorgor sida ay sheegtay Dowladda Turkiga. Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag waxaana loo isticmaali doonaa howl-gallada Miletari ee ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab. Dowladda Turkiga waxay Soomaaliya kaa caawisaa dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horrayso dhismaha ciidamada iyo Tababarkooda. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejisay Soomaaliya appeared first on Puntland Post. -
Waxaa maanta ku eg waqtiga 30-ka maalmood ah ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed(Farmaajo) siinayo dastuurka, si uu u soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, balse illaa hadda ma muuqato in lagu soo magacaabi doono mudaddaas. Xukuumaddii Xasan Cali Khayre waxa la riday 25-kii bishii July ee sanadkaan, waxaana xukumadda haatan jirta ay sii heysaa xilka. Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan magacaabida ay ku qaadatay muddo 30 cisho ah ayaa laga yaabaa inuu baarlamanka wey-diisto waqti dheeri ah, sida ay sheegayaaan ilo-wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya. Wararka haatan inaga soo gaaraya Madaxtooyada ayaa sheegaya in laga dareemayo dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee magacaabida Ra’iisul wasaaraha dalka. Sida aan xogta ku helnay, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu Ra’iisul wasaaraha magacaabo marka heshiis buuxa laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka, Inkasta oo heshiis lagu soo gaaray shirkii Dhuusamareeb 3, haddana waxaa weli heshiiskaas qeyb ka ahayn maamullada Puntland iyo Jubaland. Ma cadda sababta uu Madaxweynaha magacaabista Ra’iisul wasaaraha ula sugayo arrimaha doorashooyinka, hase‘yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay tahay isku day uu ku xaqiijinayo in Ra’iisul wasaaraha cusub aanu wax kaalin ah ku yeelan go’aan ka gaarista arrimaha doorashada. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raadinaya qof madax uga noqda ololahiisa doorashada sida ay qaban dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka . View the full article
-
Ciidamada Amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa xaruntooda Magaalada Boosaaso ku xiray weriye Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudayfi) oo ka hawlgala Warbaahinta Boosaaso. Weriye Cabdiraxmaan Xudayfi oo Maalintii saddexaad ku xiran Xarunta PSF ee Magaalada Boosaaso ayaan ilaa iyo haatan loo ogolaan in ay arkaan Qoyskiisa iyo Weriyaasha kale midna. Sidoo kale xubno ka tirsan Qoyskiisa oo xiriir la sameeyay Saraakiisha PSF waxay sheegeen in aan weli loo caddayn sababta loo xiray Cabdiraxmaan Xudayfi. Taliska PSF waxay dadka ku xiraan Xarumahooda gaarka ah oo aysan jirin cid ka war-haysa sida maxaabiista loola dhaqmo maadaama aysan ogolayn in xarumahooda la galo. Sidoo kale ma jirto wax waaran maxkamadeed ah oo ay u isticmaaleen qabashada weriyaha taasi oo sharci-darro ka dhigaysa xariggiisa sida ku cad Dastuurka iyo Shuruucda Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamada PSF oo weriye ku xirtay Xaruntooda Boosaaso appeared first on Puntland Post.