Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,703
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii saxiixay wax ka badalka sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo mudda badan u xayirnaa saxiixiisa kadib markii ay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ansixiyeen 8-da Luulyo 2019 iyo 14 Janaayo 2020 Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadal ka jeediyey xaflad lagu dhaqan gelinayey sharcigaan ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid taariikhi ah oo muhiim u ah Saxaafadda Soomaaliya haddii ay ahaan laheyd kuwa Dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay. Wasiir Maareeye ayaa sheegay inuu u hambalyeenayo saxaafadda Soomaaliya maadaama uu sheegay inay maanta leeyihiin sharci qaran oo ilaalin doona. Sharciga maanta dhaqan galay ee saxaafadda ayaa waxaa in badan muran ka keenay Saxaafadda iyagoo si gaar ah walaac uga muujiyey qodobadaan soo socdo: (1) – Kaalinta wasaaradda warfaafinta ee soojeedinta, 9-ka xubin oo ay 3 ku lahaadaan, xulista iyo xataa shaqo siinta ama ceyrinta guddiga saxaafadda. (2) – Maxkamadda ku shaqada leh iyo ciqaabta la marsiinayo saxafiga. (3) – Rukhsad bixinta iyo arrimaha la xiriira. (4) – Guud ahaan saameynta xeerka ee saxaafadda. Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ayaa kulamo la qaatay baarlamaanka federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo xataa Farmaajaha qudhiisa si loogu qanciyo in xeerkan uu caqabad ku yahay xuriyadda hadalka iyo saxaafadda, laakin dheg jalaq looma siin. The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay sharci uu muran badan ka taagnaa first appeared on Caasimada Online.
  2. MOGADISHU (HOL) - Somali president Mohamed Farmaajo Wednesday signed into a law an amended version of the country’s Media Law following three years of debate on the law. Source: Hiiraan Online
  3. Xukumada Farmaajo oo 4 Shuruudood oo siyaasadysan ku xidhay Qaadka Kenya keento Somalia Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo hore xayiraado ugu soo rogtay qaadka ka imaan jiray dalka Kenya, sababo la xidhiidha Covid-19 ayaa go’aankaasi wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay xukuumadda Kenyai iyo sidoo kale ganacsatada Qaadka ee wadankaasi Kenya. Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu ka qoray xayiraada ay Soomaaliya saartay Qaadka ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in dowladda federaalka ay ku soo rogtay Qaadka maalin-walba uga imaan jiray dalkaasi. The Business Daily ayaa shaaciyey illaa afar qodob oo Soomaaliya ay hor dhigtay Kenya, kuwaas oo kala ah:- 1 – In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. 2 – In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya 3 – In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. 4 – In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu leexiso Magaalada Wajeer taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. Dhinaca kale Wargeyka ayaa warbixintiisa ku xusay inuu go’aankan saameyn ku yeeshay ganacsatada Kenya, islamarkaana uu dhulka galay dhaqaalahooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalab ay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya ay ku gacan saydhay, si looga qaado xayiraada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sii adkeysay xayiraadaha Qaadka ee saaraan duulimaadyada dalka Kenya, iyadoo digniin u dirtay diyaarado la sheegay in si qarsoodi ah Jaadka ku soo geliyaan dalka. Halkan ka kahri warkaas oo English ku qoran:- The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting blockade of Miraa imports. Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) reckon that talks to end the Miraa stalemate has hit a snag and Somali has issued demands that must be addressed by Kenya. The demands include; Kenya must treat Somalia as an equal, desist from interfering with Somalia’s internal affairs, apologise for violating Somalia airspace, allow in goods from Somalia including fish, rice, sugar, honey, meat and milk and Kenya stops forcing flights from Somalia to make a detour to Wajir for inspection. Somali had also demanded government-to-government talks after it snubbed a delegation of traders and officials from Kenya crops regulator—Agriculture and Food Authority (AFA). “Top government officials in Somalia said Kenya has been unresponsive to the issues. We are banking on President Uhuru Kenyatta to resolve the diplomatic tiff,” Nyamita chairman Kimathi Munjuri said. Qaran News
  4. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Mudane Xamsa Saciid Xamsa, iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo arrimo shaqo u yimid Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Dhinacyadaasi,waxa ay halkaasi isku weydaarsadeen arimo la xiriiray horumarinta maamulka Dowlad Goboleedkaasi.waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug mudane Abdirahman (Makaawe). Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu bogaadiyey daddaalka wasaaradda Gargaarka eek u aadan latacaalida masiibooyinka iyo halis wadareedka. Wafigaasi ka socday Dowladda FS oo maanta garay Dhuusamareeb, waxaa si diiran u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada. View the full article
  5. Maxkamad ku taal magaalada Bankok ee caasimadda dalkaasi Thailand ayaa warqad waaran soo qabasho ah u jartay milyaneerka da`da yar ee dhaxlay shirkadda soo saarta cabitaanka loo yaqaan Red Bull. Ninkan da`da yar oo lagu magacaabo Vorayuth Yoovidhya islamarkaana ku magacdheer «Boss» ayaa lagu haystaa dilka nin boolis ah kaas oo uu jiirsiiyay gaari qaali ah (Ferrari) oo uu watay, horraantii sannadkan. Bishii July ayaa waxaa soo ifbaxay in maxkamadi laashay dambiga loo haystay taajirkan taas oo dhalisay hadal-hayn badan islamarkaana lagu eedeeyay hay`adaha caddaaladda dalkaasi in musuq ay faraha la galeen. Dhaleeceyntaasi kaddib ayay hay`adaha caddaaladdu ka laabteen xukunkoodii hore ee laalidda, waxaana ay iminka soo saareen warqad ay ku dalbanayaan in lasoo qabto ninkan islamarkaana la hor keeno caddaaladda si loo looga abaalmariyo dambiyada loo haysto oo kala ah dil iyo isticmaal daroogo xilli uu gaari waday. Wiilkan yar ayaa waxaa awoowe u ahaa taajirkii hindisay ee abuuray shirkadda Red Bull kaas oo lagu magacaabay Chaleo Yoovidhya, islamarkaana dhintay sannadkii 2012-ka. Qaran News
  6. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay shuruudo adag ku xirtay in dib loo bilaabo Jaadka (Qaadka) Soomaaliya looga keni jiray Kenya, kaas oo loo joojiyay sababo la xiriira COVID-19, iyada oo shuruudahaas u gudbisay dowladda Kenya. Sida uu daabacay Wargeysa ka hadla arrimaha Ganacsiga ee Business Daily iskaashatada Qaadka ee degaanka Nyabene xubno ka socday ayaa yimid magaalada Muqdisho, si ay dowladda Soomaaliya ugala hadlaan in xayiraada laga qaado Haadka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay ku xirtay shuruudo ay ka mid yihiin. 1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. 2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya 3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. 4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin uu sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida Qaadka, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno. View the full article
  7. Munaasabadan oo ahayd mid lagu dhaqan gelinayo Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed, laguna furayo Xafiiska Wararka Dowlada iyo warbaahinta Madaxa Banaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay sii hayaha Xlka R/Wasaaraha Dalka ahna ku xigeenka Reysul Wasaaraha,Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiir ku xigeenka Wasaarada, Xildhibaano iyo Suxufiyiin ka tirsan Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Warbaahinta Dowlada. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf (Al Cadaala) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa shaaca ka qaaday Marxaladaha uu Soo Maray Xeerkan iyo ahmiyada uu u leeyahay Warbaahinta Dalka. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu Xeerkani ka dhigayo Warbaahinta Dowlada mid u firay Qof waliba oo Soomaaliyeed halka ay markii hore ahayd warbaahinta Dowlada mid gudbisa Fariimaha Dowlada. Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada SOomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegau in Xeerkani uu yahay mid ilaalinaya Saxaafada oo aysan sahlaneyn inuu SHaqsi iska xiro Wariyaha uu Shaqadiisa ku jira. Sii hayaha Xilka Reysul Wasaaraha dalka ahna ku xigeenka Reysul Wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ku dhawaaqay inuu Xeerku dhaqan gal yahay ,isla markaasina furay Xafiiska Xiriirka Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Dowlada Soomaaliya. Xeerkaan ,waxaa hotay u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya ,waana mid soo naray Goleyaasha Dowladam kuwaasi oo meel mariyay. View the full article
  8. Afhayeenka maamulka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashooyinka maamulkaasi. Daa’uud ayaa carabka ku dhuftay in aysan doorashadu dib uga dhici doonin waqtigii loo asteeyeym, taas oo isugu jirta mida Madaxweynaha iyo baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ololaha doorashada ay si rasmi ah u bilaaban doonaan bisha soo socota ee September. Doorashada ayuu sheegay inay noqon doonto mid dimuquraadi ah, una dhaceyso si xor iyo xalaal ah, sida uu hadalka u dhigay. HirShabelle ayaa haatan wajaheysa caqabad waa weyn oo ay ugu daran yihiin dhaqaalaha iyo amniga deegaanada maamulkaasi. View the full article
  9. Farmaajo oo Noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somalia xukuma ee jebiyay soo jireen dastuuri ahaa Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrimo Dastuuri ah, sida muddada magacaabida Ra’iisul wasaaraha iyo nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in labaduba aysan ku qorneyn Dastuurka,balse ay yihiin kuwa curfi iyo soo jireen. ”Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran,” ayuu CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireen dastuuri ahaa, maadaama illaa iyo hadda uusan macagaabi Ra’iisul wasaare, iyadoo ay ku qaaday in ka badan 30 cisho, welina uusan ku laaban baarlamaanka. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo uusan aqbali karin xilligan inay dhammaatay afartii sano ee muddo xileedkiisu ahaa, balse wuxuu u soo jeediyey inuu magacaaba Ra’iisul wasaare dalka ka bixya marxaladda adag ee haatan lagu jiro. Hadalka siyaasgan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Villa Soomaaliya looga fadhiyo magacaabida Ra’iisul wasaare cusub oo bedalaya Mudane Xasan Cali Khayre oo si lama filaan ah bishii la soo dhaafay ay ku rideen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Qaran News
  10. Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Arbaco ah mar kale dhegaysatay dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska AUN Hodan Axmed Maxamed Shanlayste. Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 la sheegay in kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. 15-kii February 2020, ayay Maxkamaddu markii u horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwadda. Daawo Go’aanadii Ka Soo Baxay Maxkamadda Gobolka Nugaal Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Taiwan’s Representative to Sweden Vincent Yao (姚金祥) accepted an exclusive interview with Radio Sweden to discuss the establishment of representative offices between Taiwan and Somaliland and the impact of Beijing’s new national security law on Hong Kong. On Wednesday (Aug. 19), Yao gave an interview on Sveriges Radio, stating that Taiwan is actively expanding its presence in Africa, and after several consultations with Somaliland, the two nations decided to mutually set up representative offices. Yao stated that eight other countries, the EU, as well as a number of international organizations, have set up official representative offices in Somaliland, CNA reported. He added that the East African country also has representative offices in 22 countries, including Sweden. Yao emphasized that Somaliland’s location is strategically important and that cooperation between the two countries in agriculture, fishing, energy, mining, and information and communications is bound to expand. When asked whether Taiwan might become the next target of the Hong Kong National Security Act, Yao said that the nation is different from Hong Kong, as it has never been under Chinese Communist Party (CCP) rule. Moreover, he said that the people in Taiwan have a good understanding of the nature of the CCP and do not believe or accept the “one country, two systems” framework. Yao pointed out that the Hong Kong National Security Law applies to all countries, and the goal is to sever Hong Kong’s connection with the world. Taiwan hopes that the international community can condemn this law and support Hong Kong’s democracy and freedom. Swedish Sinologist Torbjorn Loden, who was also invited on the program, said that the more negative China’s international image becomes, the more likely Beijing will engage in a diplomatic battle with Taipei. The content of the Hong Kong National Security Law exposes the CCP’s ambitions and scares the “truth-tellers,” making him fearful of the situation in the formerly autonomous territory. Radio Sweden, established in 1925, is Sweden’s most important public radio station. Yao’s appearance on the radio program is the first time that Taiwan’s representative in Sweden has been invited for an interview on such a significant outlet in Swedish media. Taiwan News Qaran News
  12. Wafdi uu hugaaminayo sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaliya mudane, Xamsa siciid xamsa ayaa manta gaaray caasimada Galmudug ee dhuusomareb. Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareb waxaa kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Gargaarka Galmudug mudane Abdirahman (makaawe) xilibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug. Wafdigaasi oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro ibraahim cali,waxaa mudada ay joogaan Degmadaasi ay la kulmi doonaan madaxda Dowladda Galmudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  13. Ambassador Bashe Cawil Xaaji Cumar oo wada dedaalo uu ku qancinaayo Siyaasi Maxamuud Xaashi inuu ka tanaasulo inuu Madaxweyne Muuse biixi kula tartamo gudoomiyanimada Xisbiga marka la gaadho Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye. Safiirka oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa dedaalo badan gelinaaya sidii aanu muran u soo dhex geli laheyn Xisbiga Kulmiye balse loo sii xoojin lahaa midnimada Xisbiga ee mustaqbalka. Sida ay ilo xog ogaal ahi ii xaqiijiyen Ambassador Bashe ayaa wada kulamo gooni gooni ah oo uu la qadanayo qoorweynta Kulmiye ee ugu horeeyo Maxamuud Xaashi isagoo rabba in murashaxiinta hanka gudoomiyanimo leh u tanaasulan oo aaney kula tartamin jagadan Madaxweynaha Somaliland oo mar labaad la filaayo inuu u tartamo jagadaasi. Write Luqmaan Sawirradan hoos ka muuqda waa Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka soo dhex -Muuqday Kulan qado ah oo uu sameeyay Safiir Baashe Cawil . Kulankani ayaa siyaasiyiin ka ag-dhawi ii sheegeen in safiirku waddo isku soo jiidka Madaxwaynaha iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo muddo aan Wajiyadoodu is arkin. Source
  14. Kor Ka Xaadis Taariikhdii Hore Dawladnimo soomaaliyeed oo hindisaheegu yahay in ay Somaalida Bariga Africa ku nool oo dhami hal dal isku noqdaan waxa bilaabay oo hamuunteeda iyo jacaylkeegu iyo jibadeedu hayey dadka Jamhuuriyada Somaliland, waana dalkii ugu horeeyey ee dawladnimadiisii u loogay in ay helaan shan soomaaliyeed oo dal isku noqda. Marka aad taariikhda iyo dhacdooyinkii jiray dib u raacdo Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay 1990kii waxa ay dhisnayd 30 sanadood oo kaliya , waxa ku midoobay shantii soomaaliyeed laba ka mid ah oo kala ahaa British Somaliland Protectorate ( British Somaliland) iyo Italian Somaliland Trusteeship ama ( Italian Somaliland) oo noqday Jamhuuriyadii Somalia 1 july 1960kii. Waxyaabaha Somalia burburiyey ayey ka mid tahay riyada doonista Shanta soomaaliyeed, sababta oo ah labadii ugu horeeyey ee isku darsadey markii ay xoroobeen ayaan waxbaba ku heshiin, waxii ay kala qorteen ee lagu midoobayeyna iskuba diiday, waxa taa ka sii wadada lagu doonayey Shanta soomaaliyeed waxa ay ka hor imanaysay shuruucdii midowga Africa oo ee 1963kii oo dhigayey in aan dalna dal kale farogalin arimihiisa gudaha isla markaana aqoonsanaa xuduuduhii uu isticmaarku ka tagey , taasi oo Jamhuuriyadii Somalia loo arkay fidno cusub , loona werweray dalalka Africa oo aan isir ku dhisnayn ee xuduudo ku dhisan. Kacaakufkii iyo daalaadhacii faragalin dibadeed iyo mid gudaheega jamhuuriyadii Somalia wax kala hororsatay waxa ay dhashay burbur, xasuuq, dawlad la’aan iyo in soddon sanadood oo kale maanta laga joogo iyada oo labadii Soomaali ee isku biiray ay midina inta ay dawladnimo iyo dib u heshiisiin dhisatey aanu caalamku aqoonsi siinin oo u garba duubnayd Somaliyadii koonfureed oo iyaga soddonka sanoba aan marna tashan ee dawlado shisheeye iyo sokeeyeeba lihi gacanta ku hayeen marka laga soo bilaabo shirkii Djibouti ee 1991 ilaa shirkii ugu dambeeyey ee muqdisho lagu qabtay ee lagu soo dhisay xukuumada caalamku garbaha hayo ee hada ku magacaaban jamhuuriyada federaalka somalia. XAQIIQADA MAANTA TAAGAN IYO XALKA SOMALILAND IYO SOMALIA Kaalinta Somaliland iyo qiimaha dawladnimadeedu u leedahay aduunka. 1- Somaliland waxa ay soddon sanadood kaalin muhiima ah kaga jirtay nabadgalyada, horumarka iyo xasiloonida gobolka iyo gobolada la jaarka ah. 2- Waxa ay soddon sanadood maamulaysay dalkeeda guud ahaan xuduudihiisana 97% ku sugtay nidaamka dawladnimo iyo kala dambayneed iyada oo ay ku haeeeraysan tahay halis badan iyo cadawyo dawladnimada iyo nolosha dadka khatar ku ahi. 3- Somaliland waxa ay xuduud la leedahay wadamada Ethiopia, Djibouti, Somalia iyo marin biyoodka bada cas ee Gacanka Cadmeed oo intaasiba soddonkaa sanadood ahaa nabadgalyo ay tacab Somaliland galisay iyada oo ay hareereheega ka jiraan dawlad la’aan , argagixiso, budhcad badeed iwm oo laga suurtagalin kariwaayey dawladnimo mudadaasiba. 4- Somaliland waxa ay ku taalaa meel aad u muhiim ah oo hadii ay dawlad la’aani jiri lahayd ay dunidu kala xidhmi lahayd xaga bada cas , oo uu dab sudhmi lahaa dawladaha jaararka la ah taasi oo sababi lahayd in Geeska Africa iyo Gacanka cadmeedba ay noqdaan fawdo , hoy colaado iyo argagixiso. DANTA ADUUNKA SOMALILAND IN LA AQOONSADO UGU JIRTA 1- Somaliland waxa ay ka baxaysaa go’doonka iyo culeyska xaga aduunka ka saarnaa soddon sanadood waxa aanay kaalin firfircoon ka qaadaneysaa oo xaga horumarka, dimuqaradiyada, dawladnimada , nabadgalyada iyo dhismaha Gobolka Geeska Africa iyo Badda cas . 2- Somaliland waxa ay tahay cidda kaliya ee jamhuuriyada federalka Somalia wax la qaban karta isna garabsan karaan iyada oo cidwal oo kaleba uga faham fog ugana faro dhuudhuuban arimaha soomaalida . 3- Somaliland waxa ay tahay dalka kaliya ee nidaam dimuqaeadiyadeed oo xor ahi ka jiro marka aad u eegto Gobolka ay ku taallo waxaana ay hormood u noqonaysaa dawlad wanaag iyo dimuqarad ka hirgasha Gobolka Geeska Africa ee Go’doonka iyo dib u dhaca weyn ku jiray qarni badhkiisii ugu dambeeyey. DANTA JAMACADA CARABTA UGU JIRTA AQOONSIGA SOMALILAND. 1- Dawladaha jamacada carabta waxa u soo kordhaya dal kale oo kaalin mug leh ka qaata arimaha carabta, islaamka iyo horumarka. 2- Somaliland waxa ay ka qayb qaadaneysaa xasiloonida Gacanka cadmeed iyo ciidamada badacas loo sameynayo maadaama ay xuduud 1000km ku dhow la leedahay Somaliland Somaliland badda cas. DANTA GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO AFRICA UGU JIRTA AQOONSIGA SOMALILAND 1- Geeska Africa oo in badan ka hadhsan ama ka dambeeya Qaarada Africa ayaa waxa ay u tahay Somaliland oo la aqoonsadaa albaab kale oo uu horumarku ka soo gallo iyo ku xidhnaanta aduunku Africa iyo Geeskaba halka maanta hal albaab oo cidhiidhi ah oo aan kuna filnayni jiro (Djibouti ). 2- Africa waxa ay aqoonsan tahay xuduudihii uu ka tagey isticmaarkii kaasi oo Somaliland u sahlaya in ay ka mid noqoto midowga africa isla markaana qayb weyn ka qaadato hawlaha horumarka, nabadgalyada , isku socodka iyo hiigsiga qaarada oo dhan. 3- Geeska Africa iyo Africa waxa kale oo ay muhiim ugu tahay Somaliland maadaama gobolku uu xasilooni daro amni iyo mid siyaasadeed ay saashadeen oo ay Somaliland na ahayd meelaha ugu wanaagsan soddonkii sano ee ugu dambeeyey in ay kaalin ka wanaagsan oo ka xoog badan tii hore ay ka gasho xaga xasiloonida, nabadgalyada , horumarka, iwm. DANTA UGU JIRTA SOMALIDA AQOONSIGA SOMALILAND 1- Somalida ku nool bariga Africa ama shantii soomaaliyeed hadii ay hirgali wayday oo aanay sharciyan iyo caqliyanba xiligan wax soo muuqda aheyn waxa haboon in midwaliba halkeega ku horumarto oo la iskaga warhayo la iskuna kaashado.. 2- In dadka soomaaliyeed noqdaan dadka Gobolka iyo Qaaradaba ugu dalal badan maadaama oo ay leeyihiin shan dawladood taasi oo macno weyn iyo qiimo weynba u leh soomaalida guud ahaan. 3- In dalalka islaamka ah ee Gobolka Geeska Africa noqdaan qaar tarma oo aqlabiyad ah . 4- in la helo shan soomaaliyeed oo is jecel oo isku damqata marka la dhameeyo xanafaha iyo xafiiltanka siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia, isla markaana la Isla cafiyo dhacdooyinkii iyo taariikhdii madoobayd we Somaliland iyo Somalia soo kala dhex martay. 5- in qabka iyo qoidhnimadii qofka soomaaliyeed ay soo noqoto oo aan dib loo arag soomaali is haysata gudaheega ee la helo soomaali is garabsata oo horumar isku kaashata. 6- In ay meesha ka baxaan danaha ay dawladaha shisheeye ku kala hororsanayaan soomaalida iyaga oo aan waxba u qabaneyn we midba mid uun lagu soofaynayo iyaga oo ka fushanaya hawlahooga. 7- In somalidu isku soo dhowaato oo is fahmi karto mustaqbalkooga dambe iyo qarniyada soo socda waxii la yeeli lahaa ama qaabkii loo noolaan lahaa uu aqoonsiga Somaliland dhagax dhig u noqdo, oo bal aynu sameyno jidkii wanaaga iyo wadiiqooyinkii horumarka wax wada lahaanshaha iyo hadiiba mustaqbalka dambe dadkii gaadhaa ay midnimo ku hamiyayaan ama ay sidaa ahaanayaan. Qalinka: Muxamed Dhimbiil Source
  15. Laacibka Adduunka ee Lionel Messi oo ku dhawaaqay hadal Barcelona wadnaha jaray Xiddiga weyn ee ree Argentina Lionel Messi ayaa kooxdiisa baarceloona u sheegay inuu xilli ciyaareedkan ka tagayo naadiga. Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 33 jir, cimrigiisa ciyaareed oo dhanna kusoo qaatay Barcelona ayaa ku dhawaaqay go’aankan oo aanan marnaba laga filanayn. Waxa uu kooxda ka codsaday in si dhakhsiya lagu fasaxo oo weliba bilaash ah. Barcelona ayaan kala daahin jawaabteeda, waxaanay si degdeg ah ugu sheegtay Lionel Messi in aanay marnaba u ogolaan doonin inuu si bilaash ah kaga tagoi kooxda. Inkasta oo uu laacibkani wax badan usoo qabtay, haddana Barcelona ayaa ka fikiraysa dhinaca ganacsiga marka ay timaaddo inuu tago xiddigga ugu wanaagsan dunida, mana ogolaan karto in uu bilaash ku baxo maadaama lasoo dhaafay waqtigii uu heshiiskiisu u ogolaa inuu si bilaash ah ku bixi karo. Barca ayaa waxaa 8-2 ku garaacay Bayern Munchen rubuc dhammaadkii horyaalka Yurub ee Champions League, 16-kii bishan August. Messi oo niyad jab ka muuqdo, kaddib guul-darradii Bayern Munich Messi oo lixjeer ku guuleystay billada ciyaaryahanka addunka ugu wanaagsan ee Ballon d’Or, ayaa kulankiisii ugu horreeyay Barcelona u saftay sannadkii 2004-tii, waxa uuna koobka Champions League ku guuleystay afar goor. Qandaraaska uu naadiga kula jiro ayaa ku eg dhammaadka 2021-ka. Waxaana la filayaa iney goor dhow kulan qaataan maamulka kooxda. Waxaana jira warar sheegaya in waxa keliya ee Messi lagu qancin karo ay tahay in madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu uu is casilo, sidoo kalana la qabto doorasho deg-deg ah balse Messi ayaa u muuqda qof gaaray go’aankiisi ugu dambeeyay ee aan sinna lagu qancin karin. Kaddib markii la baahiyay warka ah in Messi uu codsaday inuu la fasaxo oo ka tago naadiga ayaa garoonka Nou Camp ee Barcelona waxaa soo buu dhaafiyay taageerayaasha oo ku mudaaharaadaya maamulka kooxda, iyagoona taageero u fidinaya laacibkooda ku gaamuray kooxda. Rokooradii uu dhigay Messi Waxa uu Baarceloona ku soo biiray isagoo 13 sanno jir ah sannadkii 2000, xilligaasi oo uu ka soo wareegay naadiga Newell’s Old Boys ee dalkiisa Argentina. Tan iyo markaasi waxa uu dhaliyay 637 gool, 731 ciyaarood oo uu saftay Barca. Waxa uu kooxda kula guuleystay 34 koob oo waaweyn oo ay kamid ahaayeen 10 horyaalka Spain ee La Liga iyo 4 koob Champions League ah. Waxa uu dhaliyay goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyo La liga (444) Waxa uu noqday cayaarhanka ugu billadda badan, marka laga hadlayo Ballons d’Or Waxa uu 2012-kii noqday cayaaryahanka ugu goolasha badan, dhammaan tartannada kubadda cagta ee caalamka isagoo shabaqa ku hubsaday 79 gool Waa cayaarhanka keliya ee in ka badan 40 gool dhaliyay 10 cilli ciyaareed oo isku xigta Waxa uu haystaa goolasha uga badan ee halkoox loo dhaliyo ee Champions League (115 gool) Qaran News
  16. JOHANNESBURG — The coronavirus is exposing an uncomfortable inequality in the billion-dollar system that delivers life-saving aid for countries in crisis: Most money that flows from the U.S. and other donors goes to international aid groups instead of local ones. Now local aid workers are exposed on the pandemic's front lines with painfully few means to help the vulnerable communities they know so well. Source: Hiiraan Online
  17. Garowe ( PP Features ) — In April 2019 Hodan Shanlayste was found dead in her house in Garowe. Detectives arrested and charged several men with the murder of Hodan. Sixteen months after the case went to court, judges have yet to decide the case. Reasons for the slow progress of the case abound. Defendants argued that they had broken into the house but had not killed Hodan. While this sounds like a legally plausible argument, it shines a spotlight on Puntland criminal justice system. Relatives of the Hodan Shanlayste have criticised “Puntland Ministry of Women, the Ministy of Justice and human rights organisations for not giving the case due consideration”. They said that the Puntland Government had postponed the case several times “because defendants have no lawyers.“ In a 2003 report, Towards Good Governance in Puntland: (A participatory Study on Governance), Puntland Development and Research Center highlighted the incompatibility of the clan-based political identity and the running of institutions for a society that has embraced modernity: “The gravest blunder committed constituted the fact that the managers of state organs— MPs, Ministerial and Judicial posts and recruitment of police officers and civil servants— had been selected on clan quota instead of on formal qualifications, merit and competence. This system impacted dramatically in the functioning of political, legislative and executive organs and the democratic way of governance” argued Puntland Development and Research Center. Miscarriage of justice: Defendants have no lawyers. Lawyers assigned to defend defendants fear they will face hostility from the family of Hodan Shanlayste. A lawyer who declined to represent defendants but asks to be quoted anonymously tells Puntland Post that “early mismanagement of the case has dealt a blow to the reliability of the justice system in Puntland”. “Why did the Puntland criminal justice system refuse to utilise DNA test similar to the one that had a crucial impact on investigations into murder of Asha Ilyas?” asks the lawyer. Asha was killed in February 2019, two months before the defendants broke into the house of Hodan Shanlayste. The justice system in Puntland works alongside the customary law. In a politically and economically unequal society the powerful decides how prosecutors handle the cases. A poor family can be persuaded to accept blood money or compensation to settle a case out of court. The Attorney General of Puntland State does not inquire into cases that are settled out of court. Priority is given to the two parties whose agreement can override detectives’ work before or after the case gets submitted to the court for trial. The use of DNA for the case of the Asha Ilyas removed the possibility for traditional adjudication through the customary law. The Somali patriarchy undermines the notions of justice upon which a modern society depends. Women bear the brunt of the miscarriage of justice that characterises Puntland criminal justice system. “Puntland Justice system is long overdue for reform” said the lawyer. © Puntland Post, 2020 The post The Puntland Justice System and Miscarriage of Justice appeared first on Puntland Post.
  18. Garowe (HOL) - A Puntland court has begun hearing the arguments in a case whereby seven men are accused of brutally raping and murdering a local woman in Garowe last year. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WARKA-DUHUR-2682020-ok.mp3 View the full article
  20. Beledweyne (HOL) The Somali National Army (SNA) has announced that they have launched an offensive operation against Al-Shabaab in areas under the control of Hirshabelle administration. Source: Hiiraan Online
  21. US Africa Command (AFRICOM) announced on Tuesday it had carried out an airstrike against a senior leader of the Islamist militant group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  22. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xamsa Siciid Xamsa iyo wafdi la socda ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa wafdiga Wasiir Xamsa kusoo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawe, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulkaas, wuxuuna ka mahadceliyay Wasiirak soo dhaweyna loo sameeyay. Ujeedka Wasiirka Gargaarka Dowladda ayaa waxaa uu yahay sidii uu dowlad Goboleedka Galmudug ugu wareejin lahaa agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda. Wasiirka Gargaarka Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawe ayaa ka mahad celiyay kaalmada Dowladda Federaalka uga timid ee loo qorsheeyay in lagu ogaado saadaasha cimilada ku saleysan. Sii hayaha Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wada shaqeynta ka dhaxeysa heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed uu wanaagsan yahay. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa wado olole Dowlad-Gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada Musiiboooyinka, si hey’adaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh. The post Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Dhuusamareeb + ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  23. The first-ever representative of Somaliland in Taiwan said his country will open its office in Taipei early next month, CNA reported Wednesday (Aug. 26). Source: Hiiraan Online
  24. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa shaacisay inay diyaarinayso qabashada tartanka kubbadda cagta ee gobollada. War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargeliyay guddoomiyaasha dhallinyarada iyo cayaaraaha gobollada Puntland inay u diyaargaroobaan tartanka guud ee gobollada, ayna soo xulaan xulkii matali lahaa gobol kasta. Sidoo kale maamulada dhallinyarada iyo cayaaraaha gobollada Puntland ayaa la faray inay sameeyaan ciyaaro saaxiibnimo oo loogu gogol xaarayo tartanka gobollada Puntland. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Cayaaraha Puntland ma sheegin xilliga rasmiga ah ee la qaban doono tartanka kubbadda cagta ee gobolada. Warka Wasaaradda Cayaarada Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo dayac xooggan ka muuqdo garoomada kubbadda cagta Puntland, ayna muuqan garoon lagu qaban karo tartankaas. Qabashada tartanka kubbadda cagta ee gobollada Puntland waxaa ugu dambeysay 2014, markaas oo ku guulestay gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Puntland oo u diyaargaroobaysa tartanka gobollada, xilli ay dayacan yihiin garoomada kubbadda appeared first on Puntland Post.