-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka weerar lagu laayey Macalimiin Dugsi Qur’aan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Kooxda weerarka fulisay ayaa bartilmaameedsatay goob ay ku sugnaayeen Macalimiinta, xilli ay ku jireen Subac ama Quraan aqris. Ugu yaraan 5 Macalin ayaa ku dhimatay halkaasi, sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray, Sheekh Daahir Xasan Cali, Macalin Maxamuud Canbuure, Macalin Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe, Macalin Mukhtaar C/laahi Cilmi iyo Ow Muxumud Xasan Cali. Sidoo kale wadaadada la laayey ayaa waxaa ka mid ah labo Macalin oo walaalo ahaa, kuwaas oo kala ah, Sheekh Daahir Xasan Cali iyo Ow Maxamuud Xasan Cali. Macalimiinta la dilay ayaa Salaada subax ka hor bilaabay Subaca, salaada ka dibna markale ku laabtay Qur’aan aqriska, waxaana kadib sidaasi ku leysay dableyda. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaas ay salka ku heyso arrimo la xiriira aano Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Cadale iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Dhowaan ayey aheyd markii degmada Warsheekh aano Qabiil darteed loogu dilay Oday ku dhowaad jira 100 sano, falkaas oo lama filaan ku noqday dad badan oo Soomaaliyeed. The post Macalimiin Subac ku jiray oo lagu laayey degmada Cadale first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka laga helayo demada Cadale gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in 5 Macalin Dugsi Quraan la dilay, iyaga oo xilligaas ku jiray Subac ama Quraan akhris. Weerarka lagu dilay Macalimiinta ayaa dhacay aroornimadii hore ee saaka, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Dabley hubeysan oo aan la aqoonsan cida ay ka tirsan yihiin ayaa la sheegaya inay dilka geysteen. kana baxsadeen goobtan. Shanta Macalin Quraan ayaa Salaada subax ka hor bilaabay Subaca, salaada ka dibna markale oo ay u laabteen ay Dableydan dileen, mana jirto cid ka hadashay ilaa hadda. Halkaan hoose ka aqriso magacyada Macalimiinta:- 1-Sheekh Daahir Xasan Cali 2-Macalin Maxamuud Canbuure 3- Macalin Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe 4-Macalin Mukhtaar C/laahi Cilmi 5-Ow Muxumud Xasan Cali. View the full article
-
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirka ayaa xalay dib u billowday, maadaama labadii maalin ee la soo dhaafay ay wada-tashiyo ku kala maqnaayeen madaxda, sida ay shaaciyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa xalay shirka ku biiray guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo sii hayaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka, waxaana qodobada la’isku hayo ka mid ah:- 1-In aanay doorashadan maamulin Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, taas bedelkeed la sameeyo Guddi heer federaal iyo heer dowlad goboleed, 2-In doorashada aanan xisbi lagu gelin. 3-In deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana Muqdisho ka socda shirar gooni-gooni ah oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka. View the full article
-
Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Abshir Kaaraan oo la hadlayay warbaahinta Shabelle ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee degmadaasi. Abshir Kaaraan ayaa sheegay in haatan amniga degmada uu wanaagsan yahay, islamarkaana ay howl-gallo ka sameeyaan ciidamada ammaanka ee Kaaraan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada ay ku tallaabsatay horumar ganacsiga, isla markaana ay ganacsatadu heleen jawi u suurta galinaya inay si xor ah u ganacsadaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha canshuuraha, wuxuuna tilmaamay in dadku aysan wada fahansaneen muhiimadda ay leedahay bixinta lacaga canshuuraha oo uu xusay in ay tahay faa’iido dib ugu soo laabaneyso bulshada. Kaaraan waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu bulshada badan gobolka Banaadir, waxaana ku yaalla suuq ay ku xiran yihiin shacab fara badan. View the full article
-
Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiiro ka tirsan Beesha Caalamka. Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Dawladda Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan iyo Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaani oo ka mid ah waftiga ay hoggaaminayaan Dani iyo Madoobe ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya James Swan, Safiirka Uk Ben Fender, Safiirka Maraykan Yamamoto iyo Safiirka Mudowga Yurub Nicolas Berlange Martinez, Labada Wasiiru-dawle waxaa ku weheliyay kulanka lataliyaha madaxwaynaha iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cisman Seed Celmi Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la sheegay in diirada lagu saaray kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha aduunku ugu deeqo Soomaaliya, dib uhabaynta hannaanka Maaliyadda Puntland iyo Jubbaland iyo arimaha siyaasada Soomaaliya ee xiligan taagan, waxaana la tilmaamay in kulanku ku dhammaaday is-fahan. Beesha Caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa maalmihii la soo faadhay kulamo gaar gaar ah ku qaatay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo u warramayey warbaahinta ayaa si kulul ugu jawaabay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo dhowaan eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka Somalia. Salaad Cali Jeelle oo lagu tiriyo siyaasiyiinta taageersan Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana banaanka ka difaaca dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Madasha Xisbiyada Qaran ay iska hor keeneyso Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in hoggaanka Madasha ay doonayaan in xilligaan la galo qalalaase siyaasadeed oo hor leh. Siyaasiga Salaad Calaad Jeelle oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Madasha ee ahaa inay dhisayaan dowlad gaar ah, haddii aysan dowladdu ka shaqeyn arrimaha doorashada iyo deganaashaha dalka. “Inaad colaad ugu baaqdo inay dadku kala tegaan oo ay is-fargaran waaayaan inaad dhiiro-geliso runtii waa arrin aad looga xumaado.” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalladaas iyo digniinta aan loo meel-dayin ay ka dhalan karto cawaaqin xumo, loona baahan yahay in laga feejignaado. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ay si adag uga hadleen xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka, iyaga oo si gaar ah kali-talisnimo ugu eedeeyey Madaxweyne Farmaajo. The post Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo si kulul ugu jawaabay Madasha Xisbiyada Qaran first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka jawaabay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in uu is-casilayo, waxaanu si dadban ugu jawaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga oo shalay eedaymo u jeediyay. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa twitter ayuu ku yidhi “Aniga waxaan ka soo fantay siyaasada Golaha Deeganka,waxan ka mid ahay Aasaasayasha KULMIYE, Axmed Siiraanyo qofka labeeya ayaan ahay, tacab badan ayaa igaga jira KULMIYE socod barad ma ahi dabayshu wado.xil aan iska casilayna ma jiro shacabkii i doortay ayaan u shaqaynaya.” Source
-
There are many violent incidents in Mogadishu that often go unnoticed. But when Hamdi Mohamed Farah was tossed over a six-storey building in the city's Waberi zone, anger boiled over in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay soo saaraan qaraxyo miino, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ururka 66-aad guutada 14 Octeber ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Taliyaha Ururkaasi Axmed Maslax ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah ay ku soo qabteen howl-gallada, kuwaas oo si gaar ah looga sameeyey dhinaca bari ee Awdheegle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii xoojin doonaan howl-gallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa Xukuumadda ugu baaqay in aanay qiil iyo talo ka dhigan xidhiidhka Taiwan ee ay balaadhiiso xidhiidhkeeda Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka ay la leedahay Beesha Caalamka. Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf, ayaa sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, baaqna u diray Shacabka reer Somaliland “Taiwan, waa waddan aan weli la ictiraafin sida dalkeena oo kale, inkasta oo uu Tiknoolijiyadda uu horumar ka gaadhay, inaynu xidhiidh yeelana waa mid loo baahnaa oo muhiim inoo ah, laakiin taladeenu ha dhaafato Taiwan baanu xidhiidh la yeelanay oo Xukuumaddu ha balaadhiso siyaasadeeda arrimaha dibedda oo Beesha Caalamka xidhiidh ballaadhan oo dhinaca kasta ah ha la yeelato” Mar uu ka hadlayey Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Xisbi waliba Shirweyne ayuu qabsadaa, laakiin Shirweynaha Xisbiga Kulmiye aad baa loo hadal hayaa, waxaana si gaar ah loo hadal hayaa kursiga ay isku haystaan Wasiirka Ganacsiga iyo Madaxweyne ku xigeenka, kolay Madaxweyne ku xigeenku waa waayo-arag, sidaas darteed Madaxweyne ku-xixgeenka waxaa la gudboon sida aynu hadda wax u arkayno inuu Shirweynaha kaba joogo, inuu tanaasulo iyo inuu calafkiisa qaado oo uu tartamo, waxaa kale oo la gudboon in intaas ka horeeysa Shirweynaha inay heshiis gaadhan Wasiirka Ganacsiga iyo Madaxweyne ku-xigeenku”. Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyada ilaaliyaan,oo ka dheeradaan wax kasta oo nabadgalyada khatar ku ah. Source
-
Wasiir La Eeday Uun Iga Dheh Ka Arimaha Diinta, Awqaafta, Iyo Dhaqanka Ee Jabuuti Nin aqal muraayad ah ku jiraa haduu tuurtuuryo dayn waayo horta yaa uga futo xun waa yaab eh? Sawkii Hadraawi yidh: ADIGOO DAALAY OO CUDUR KA SOO DOOGAY. NIN TUNKIISA DAAWADAY HADUU KUU DARDAARWERIYO. LIBTA LOOMA DAAYEE USHAA LAGU DILAACSHAAYE Soomaali oo dhan dhexdeeda ninkan Caligurey waa biri-ma-geydo, marka laga reebo TUUGTA MAREEGAALE EE DAWLADDA JABUUTI. Iyaguna waa calooshood la ciyaaro aanay rag waxba iska soo arag eh bal hadda waa u fasax ciddii ay quudhsan karaan eh isu kaayo daaya. Qura’aanku waa carabi balse carabigu quraan maaha. Nin jariidad yar oo af carabi ah malmaluuqi jiray marka kabo ka waawayn loo xidho ee Wasiir laga dhigo (Wasiirka Arimaha Diinta. Awqaafta, iyo Dhaqanka ee Jabuuti) weliba arimaha diinta, dhaqanka, iyo Awqaafta la isugu daray wuu faaqay. Kan gabadha reer Jabuuti ee Canfarta ah ee af soomaaliga badan ee Ina Bukaaco ay yidhaahdaan ayaa ka dadnimo fiican oo ka wadanisan oo dalkeeda Djibouti uga lexojeco badan oo ka damiir wanaagsan. Halkaan kala qaaday ma jecli in aan wax faahfaahin ah ka bixiyo oo waxay noqonaysaa fadeexad sideeda u taal. Mid baanse laaxin laga jarayn oo aan gunta soo taabtay qiyaamahana la i waydiin doonaa. Waxa ku dhan calaamadihii Rasuulku scw inoogu sifeeyay qofka munaafaqa ah ادا حدث كدب و ادا اُمن خان و ادا و عد اخلف Waxa u dheer dirodiraynta. Iska daa qiyam diineed eh waa qof ka madhan wanaag oo dhan oo aan seedi u dhanaanayn. Waa munaafaq hadana Muuminow la leeyahay aragii nactar. Aniga xagyga Ixtiraamku maaha waxa dhinac keliya ka socon kara ee waa xidhiidh u baahan mar kasta laba dhinac oo iswaydaarasada. Cid keligeed xaq u leh in la ixtiraamo iyaduna aanay cidna ixtiraamini ma jirto aniga xagayga. Caligurey inta taqaan way ogyihiin oo markhaati bay ka yihiin inta aan difaaci jiray Dawladda Jabuuti. Tii ugu dambaysay Goddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo aan abti u ahay tii aan ku dhigay ayaa la ogaa. Iyaguna intaan kabahooda tolayay anigana kafantayda in ay tolayeen si fiican baan u ogaaday. Anigu isdifaaca ma aqaan oo difaca kuma wanaagsani. Difaacayguna waa weerar waana bilaw. Ninkii dab hindhisayow soo daa hadaba, oo gelin qudha ha ii tudhin Caligurey Source
-
(SLT-Garoowe)-Roobab khasaare gaystey ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah degaanada maamulka Puntland, Waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhawaac leh oo soo gaadhay dad shacab ah. Wararku waxaa ay sheegayan in Roobabka oo ahaa mahiigaan, dabeylana watay ay ka da’ayeen Degmada lagu magacaabo Rako Raaxo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaadhay dad xoolo dhaqato ah. Goob joogayaal ayaa sheegay in hal qof oo haweenay ah ay ku dhimatay roobabkaas, kadib markii ay Biriq ku dhacday Haweenayda, waxaana sidoo kale goob joogayaal ay sheegeen in Gaadhi ay ku dhacday Biriq kaasi oo xiligaas ayna jirin wax dad ah oo saarnaa, balse dhammaan gaadhiga iyo guryo ka agdhawaa ayaa bur-buray. Wararku waxaa ay intaas ku darayaan inay jiraan xoolo badan oo roobab ku saameeyeen, waxaana dadka shacabka ee reer guuraaga ah ay dalbadeen in loosoo gurmado. Wasaaradda Arrimaha deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada maamul Gobolleedka Puntland ayaa hore soo saartay digniin Cusub oo ku socota dadka degan deegaanada Gobolada Bari, waxaana lagu wargeliyay roobab daadad wata oo halkaas ku waajahan. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda deegaanka Beeraha ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolada Bari laga qabsi qabo inay ka da’aan roobab sababi kara daadad xooggan, isla markaana daadadka ku rogmadaan deegaano ka tirsan Goboladaas. Source
-
(SLT-Qaza)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa habeenimadii Arbacada duqeeyey marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, taas oo sababtay khasaaro weyn sida ay ku warrameyso warbaahinta Falastiin. Sida laga soo xiganayo Wafa, wakaalada wararka ee Falastiin, diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa gantaalo ku dhuftey Beyt Lahiya ee ku taalla waqooyiga marinka, sidoo kale Israa’iil waxay beegsadeen Deyr al-Balah badhtamaha marinka Qasa, iyo goobo kale oo ku yaalla dhanka koonfureed ee isla marinka Qasa. Subaxnimadii hore ee shalay Arbaca ahayd ayaa bayaan ka soo baxay ciidanka Israa’iil lagu sheegay inay qaadeen ilaa 10 weerar oo dhanka cirka ah taas oo lala beegsadey goobo Xamaas ay ka soo ridey gantaalo. Galabnimadii Salaasada ayaa laba gantaal ka soo dhaceen dhanka Qasa waxaana ka hortey oo qabtey Iron Dome anti-missile system sida Israa’iil sheegatay. Duqeymahan ayaa imaanaya iyada oo dalalka Imaraadka Carabta iyo Baxreyn ay heshiis taariikhi lagu sheegay kula saxeexdeen Israa’iil magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Source
-
(SLT-Moroto)-In ka badan 200 oo maxaabiis ah ayaa waxa ay ka baxsadeen xabsigii lagu hayay ee ku yaalla magaalada Moroto, ee waqooyi bari waddanka Uganda. Maxaabiista ayaa waxa ay toogteen oo ay khaarajiyeen askari iskudayay inuu hor istaago, ka hor inta aanay u jihaysan dhinacaas iyo buuraha ku xeeran magaalada. Maxaabiista ayaa la sheegayaa inay la baxsadeen 15 qori iyo rasaas, Xabsiga ayaa waxa uu ka dhisanyahay dhul dhaca buurta Moroto ee ku taalla bannaanka magaalada. Ciidammada asluubta iyo millateriga ayaa waxa ay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan maxaabiistaasi baxsadka ah. Afhayeen u hadlay millateriga ayaa waxa uu sheegay in weli ay ku daba jiraan maxaabiistaasi baxsadka ah, waxa uuna intaasi ku daray inay laba qof nolol ku qabteen halka laba kalana ay dileen. Warbaahinta gudaha ayaa waxa ay ku warramaysaa in israsaasaynta u dhaxaysay maxaabiista baxsadka ah iyo askarta ayaa waxa ay sababtay inuu istaago ganacsigii magaalada. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-subax-17092020.mp3 View the full article
-
KARARE, Kenya (Thomson Reuters Foundation) - Lechodede Lbang’a has managed to keep farming for more than 40 years, even through northern Kenya’s worsening drought, but now he worries that his main source of income faces a threat more immediate than climate change: the military. Source: Hiiraan Online
-
After the very first case of COVID-19 emerged in Somalia, the government enforced strict curfews and shutdowns in order to contain the spread of the virus. Today the country has a recorded 3 389 COVID-19 cases and is on track to implementing its COVID-19 economic recovery strategy. Joining CNBC Africa for more is Abdirahman Dualeh Beileh, Finance Minister of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
BELETWEYNE, Somalia, September 16, 2020 – The African Union Mission in Somalia (AMISOM) Force Commander Lieutenant General Diomede Ndegeya has paid an official working visit to AMISOM troops in Beletweyne manned by Djiboutian Armed Forces (DJAF) and Ethiopian National Defence Forces (ENDF) to familiarize himself with sector 4. Source: Hiiraan Online
-
A military court in Somalia has sentenced a militant Islamist to life in prison for his role in a deadly attack on a US base in Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Cali Guray oo Weearar Qaawan oo Afka ah ku qaaday Wasiir Reer jabuuti,Halkuuse kala qaaday! “Iska Daa Qiyam Diineed Eh, Waa Qof ka Madhan Wanaag Oo Dhan Oo Aan Seedi U Dhanaanayn, Waa Munaafaq Hadana Muuminow La Leeyahay”Siyaasi Cali Guray. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo Kamid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Islamarkaana mudooyinkii ugu Danbeeyay safar ku joogay Caasimada dalka jabuuti, ayaa Eedihii ugu cuslaa Ujeediyay Wasiirka Diinta Iyo Arimaha Dhaqanka Ee Dalka Jabuuti Muumin Xasan Bare. Sidoo Kale Siyaasi Cali Guray Ayaa Sheegay In Wasiirka arimaha Diinta ee dalka jabuuti uu Yahay munaafaq dadka isku dira loogu Yeedhay Muumin, Siyaasi Cali Guray Ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; WASIIR LA IIDAY UUN IGA DHEH KA ARIMAHA DIINTA, AWQAAFTA, IYO DHAQANKA EE JABUUTI Qura’aanku Waa Carabi Balse Carabigu quraan maaha. Nin jariidad yar oo af carabi ah malmaluuqi jiray marka kabo ka waawayn loo xidho ee Wasiir laga dhigo (Wasiirka Arimaha Diinta. Awqaafta, iyo Dhaqanka ee Jabuuti) weliba arimaha Diinta, Dhaqanka, iyo Awqaafta la isugu daro wuu faaqaa. Kan gabadha reer Jabuuti ee Canfarta ah ee af soomaaliga badan ee Ina Bukaaco ay yidhaahdaan ayaa ka dadnimo fiican oo ka wadanisan oo dalkeeda Djibouti uga lexojeco badan oo ka damiir wanaagsan. Halkaan kala qaaday ma jecli in aan wax faahfaahin ah ka bixiyo oo waxay noqonaysaa fadeexad sideeda u taal. Mid baanse laaxin laga jarayn oo aan gunta soo taabtay qiyaamahana la i waydiin doonaa. Waxa ku dhan calaamadihii Rasuulku scw inoogu sifeeyay qofka munaafaqa ah ادا حدث كدب و ادا اُمن خان و ادا و عد اخلف Waxa u dheer dirodiraynta. Iska daa qiyam diineed eh waa qof ka madhan wanaag oo dhan oo aan seedi u dhanaanayn. Waa munaafaq hadana Muuminow la leeyahay aragii nactar. Aniga xagyga Ixtiraamku maaha waxa dhinac keliya ka socon kara ee waa xidhiidh u baahan mar kasta laba dhinac oo iswaydaarasada. Cid keligeed xaq u leh in la ixtiraamo iyaduna aanay cidna ixtiraamini ma jirto aniga xagayga. Caligurey inta taqaan way ogyihiin oo markhaati bay ka yihiin inta aan difaaci jiray Dawladda Jabuuti. Tii ugu dambaysay Goddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo aan abti u ahay tii aan ku dhigay ayaa la ogaa. Iyaguna intaan kabahooda tolayay anigana kafantayda in ay tolayeen si fiican baan u ogaaday. Anigu isdifaaca ma Aqaan oo difaca kuma wanaagsani. Difaacayguna waa weerar waana bilaw. Ninkii dab hindhisayow soo daa hadaba, oo gelin qudha ha ii tudhin Caligurey. Siyaasi cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Qaran News
