-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-subax-18092020.mp3 View the full article
-
Myqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. Maxamed, oo 57 sano jir ah, ayuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”. Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah. Maxaa ka mid ah caqabadaha horyaalla? Magacaabidda rai’sul wasaaraha cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira kala guur siyaasadeed. Waxaa uu dalka ku jira xilli lagu wado in dalka Soomaaliya ay doorasho dadban ka dhacdo. Waxaa shalay lagu heshiiyay qaabka loo marayo doorashada 2020 iyo 2021-ka. Hadaba waxaa rai’sul wasaaraha cusub horyaala caqabada badan oo ay tahay in uu ka gudbo. Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa rumaysan in ra’isul wasaaraha waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay in u fuliyo ay ka mid tahay dhaqangalinta heshiiskii maamul goboleedyada iyo dowladda fedaraalka. “Waxaa laga rabaa in uu fuliyo howla uu isaga hadda gadaal ka gaaray ayna ugu horeeyso heshiiskii hadda ugu dambeeyay ee salka ku haya doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri Mr Rashiid. Waxaa intaa ku daray in rai’sul wasaaraha cusub sidoo kale looga fadhiyo in uu isu keeno dhinacyada ku kala irdhoobay siyaadda oo uu isku dayo in uu mideeyo. “Waxaa kale oo xiga in siyaasiyan dadka hadda kala irdhoobay oo siyaasadda isaga soo horjeeda inuu isu soo dhaweeyo gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda in uu isu soo dhaweey,” ayuu yiri Mr Rashiid. Rai’sul wasaaraha la magacabay Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa sidoo kale ay dad badan ka filayaan in uu hanto kalsoonida shacabka iyo saamileeyda dhanka siyaasadda. “Waa in uu gogol xaar u sameeyo mustaqbalka dhaw arrimaha ku saabsan doorashooyiinka kalsooni na galiyo dadka kale ee banaanka taagan ee maanta daneynaya siyaasadda inay qeyb ka noqdaan markaa in uu howlahaasi oo dhan meelmariy,” ayuu yiri Rashiid Cabdullaahi Maxamed wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya. Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay. Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso – waa haddii la meel mariyee – xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. The post Caqabadaha horyaalla ra'iisul wasaaraha la magacaabay first appeared on Caasimada Online.
-
Nur Hashi Warsame was shot several times and later succumbed to his wounds in a hospital Source: Hiiraan Online
-
TechInAfrica – The startup ecosystem in Africa looks as promising as ever with the 50 percent growth of tech hubs across the continent. Let’s look at the 5 Rising African Startups ready to shake the ground this year. Source: Hiiraan Online
-
MUSCAT: In the aftermath of the Ogaden War, Somalia’s Bakaka Band found themselves “somewhat meaningless,” in the words of singer Shimaali Ahmed Shimaali. Founded to sing patriotic songs by the government’s Ministry of Interior in 1978 — the height of the Somali-Ethiopian border conflict — peacetime presented a crisis of identity. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ee Villa Somalia ayaa lagu gaaray heshiis ka kooban 15 qodob, waxaana qodobka ugu cawaaqibka weyn uu noqday inuu meesha ka baxay guddigii madax-banaanaa ee doorashooyinka qaranka. Qodobka koowaad ee heshiiska ayaa u qoran sidan “In dowladda federaalka ay magacawdo guddi doorasho oo heer federaal ah kaas oo kaashanaya guddi doorasho oo heer dowlad goboleed ah.” Qodobkan ayaa macnihiisu yahay in guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey uu meesha ka baxay, haddii madaxweynaha uusan go’aansan inuu dib u magacaabo taasi oo wax diidaya aan lagu xusin heshiiska. Xitaa haddii dib loo magacaabo guddiga ma yeelan doono awood buuxda, waxaana awoodda iyo maamulka doorashada la wadaagi doona guddiga ay soo magacaabi doonaan dowlad goboleedyada. Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa ku jiray in guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ay hoggaamiyaaan doorashooyinka, hase yeeshee waxaa ka horyimid maamul goboleedyada, maadaama guddigan loo tirinayey inay ku dhow yihiin madaxtooyada. Heshiiskii lagu gaaray Villa Somalia ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu kaga tanaasulay qodobo badan, waxaana muuqata in madaxweynaha in ugu dambeyn uu wax walba u huray in dalka doorasho ay ka dhacdo. The post Qodobka ugu cawaaqibka weyn heshiiska doorasho ee lagu gaaray Villa Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
Maxamed Xuseen Rooble., ra’iisul wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. Maxamed, oo 57 sano jir ah, ayuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”. Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay. Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso – waa haddii la meel mariyee – xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Bayaanka lagu magacaabay Rooble ee ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweyne Farmaajo ku faray: “In uu deg-deg ku soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho, dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.” Haddaba waa kuma Maxamed Xuseen Rooble? Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah. Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden. Sanaddii 2,000 ayuu jaamacad ku taal magaalada Stockholm ka qaatay saahadada heerka labaad ee Masters Degree-ga. Maxamed waxa uu markaas wixii ka dambeeyay ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO). Sida ku cad nuqul ka mid ah CV-giisa oo BBCda la soo gaarsiiyay, waxa uu ku hadlaa shan luuqadood, oo kala ah Soomaali – lugaddiisa hooyo -, Ingiriis, Swedish, Carabi iyo Talyaani. Maxamed Xuseen Rooble waa nin aanan hore loogu aqoon arrimaha siyaasadda hasayeeshee waxa uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinka. Maxamed waxa uu siyaasadda ku soo biirayaa xilli doorasho ay waddanka ku soo food-leedahay, arrintaas oo noqonaysa shaqada ugu wayn ee loogaga fadhiyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waa haddii la meelmariyee. Wuxuuse ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka heshiiyeen nooca doorasho ee uu dalku geli doono iyo habkii loo mari lahaaba. Qaran News
-
War Murtiyeed ka soo baxay shirkii Farmaajo & Hogaamiayaayasha Maamul-goboleedyada Somalia WAR-MURTIYEED Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020. Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3. Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb. Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda; 1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah. 2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. 3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas. 4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. 5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. 6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare. 7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah. 8. in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. 9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020. 10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. 11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan. 12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada. 13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay. 14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka. 15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. Muqdisho, Sebteembar 17, 2020 –DHAMMAAD– Qaran News
-
Somalia:Wasiir goor dhoweyd lagu dilay Magaalada Jowhar Wasiir ku-xigeenkii arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle Nuur Xaashi Warsame ayaa goor dhoweyd oo caawa fiidnimadii ah lagu dilay magaalada Jowhar . Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle dilka Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa geystay dabley bastoolado ku hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday. Marxuum Nuur Xaashi Warsame ayaa sidoo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta dilka Wasiir ku-xigeenka caawa loogu geystay Magaalada Jowhar. Qaran News
-
Washington, D.C (Caasimada Online) – Agaasimaha waaxda mukhaabaraadka AFRICOM, Heidi Berg ayaa walaac badan ka muujisay awooda Al-Shabaab, xili uu Mareykanku ku dhiiranayo kordhinta weerarada ka dhanka ah maleeshiyadaasi. Berg ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay ka awood sareyso Al-Qaacidada Soomaaliya iyo Boko Xaraam, marka loo eego dhanka cabsi galinta, midaasi noqon karta caqabad hor istaagta danaha reer Galbeedka ee gobolka. Waxayna carabka ku adkeysay in Al-Shabaab ay tahay kooxda ugu halista badan qaarada Afrika, maadama ay beegsi gaar ah ku hayaan saraakiisha iyo masaalixdooda. “Waxaa hubinay in ay jiraan ku talogal ah in la qaado weeraro ka dhan ah Mareykanka. Waxaan daawanay iyadoo ay arrintaas dhaceyso bilooyinkii dambe” ayey tiri. Waxayna intaas kusii dartay “Boko Xaraam iyo Al-Qaacida waa kooxo halis badan, balse Al-Shabaab ayaa mudan in laga walaaco, xili uu been abuurkeeda uu soo xusuusinayo weeraradii daaraha mataanaha.” “Waxaan haatan xaqiijinay in Al-Shabaab ay tahay kooxda ugu khatarta badan qaarada Afrika marka laga hadlayo awooda ay ku cabsi gelin karto danaha reer Galbeed ee gobol ahaan”. Walaacan ayaa imanaya xili ay dhawaan Al-Shabaab weerar iyo qaraxyo ku dhaawaceen askari Ameerikan ah, kaasi oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Janaay Cabdalla. Inkasta oo uu taliska AFRICOM sheegay inuusan jirin dhaawac halis ku ah askerigaasi naftiisa oo kasoo gaaray weerarkaasi, haddana waxa uu weli isbitaal u yaala dhaawaca kasoo gaaray weerarkaasi. War-saxaafadeed ay xiligaasi soo saartay ayey ku xustay in duqeyn aargudasho ah oo ay qaadey falkaas kadib ay ku dishay hal dagaal yahan oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe sarre u qaaday weerarada uu ku bartilmaameedsanayo saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, isagoona dhawaan qorsheynaya inuu weeraro ka dhan ah kooxdaasi ka fuliyo deegaanka baadiyaha ah ee Lamu iyo Garissa ee dalka Kenya. The post Somalia: Sarkaal Mareykan ah oo walaac cusub muujiyey first appeared on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Dagaal la isku adeegsaday hub culus ayaa ku dhawaad nus-saac ka socday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada. Dagaalka ayaa dhex maray dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo gacanta ku haya ammaanka garoonka. Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno ayaa sheegaya in dib ay u laabteen dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray ciidamadii ku sugnaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee AMISOM. Sanadkii 2012-kii ayaa ugu dambeysay Al-Shabaab inay weerar toos ah ku qaadaan Dhuusamareeb, balse xalay ayey aad ugu dhawaadeen oo weerar lagu tilmaamay “ku dhifo oo ka dhaqaaq” ku qaadeen garoonkeeda diyaaradaha oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM. The post WEERAR culus oo xalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
-
President Farmaajo selects Mohamed Hussein Roble as next PM
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmaajo has appointed a former technical consultant as Somalia's new prime minister just hours after Somali leaders have reached a deal on a revised election model. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Reysul Wasaaraha Soomaaliya u Magacaabay Maxamad Xuseen Rooble. MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABAY WASIIRKA KOOWAAD EE DALKA Muqdisho, Sebteembar 17, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020. Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu that 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hay’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka. DHAMMAAD. Source
-
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa xilka Riasal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaaliyeed u magacaabay mudane Maxamed Farax Rooble. Mudane Maxamed Farax [...] The post Maxamed Xuseen Rooble oo loo magacaabay Raisal Wasaaraha Dawlada Federaalka. appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020.” “Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu that 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.” Sida ay ogaatay Caasimada Online, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-gidir. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hay’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka. The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra'iisul wasaare cusub first appeared on Caasimada Online.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/BAr___Qubanaha-1792020-OK.mp3 View the full article
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho. Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. “Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kheyre. Sidooo kale wuxuu intaasi ka daray inay muhiim tahay in doorashada lagu qabto waqtigii loo asteeyey, maadaama ay ku xiran yihiin arrimo badan. “Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaarihii dhawaan kalsoonida lagala noqday Xasan Cali Kheyre. Shirkii wada-tashiga Muqdisho oo maanta la soo gabagabeeyey ayaa waxaa laga soo saaray illaa 15 qodob oo ku aadan arrimaha doorashada ee 2020/21. View the full article
-
Mogadishu (PP Editorial) — The agreement on 2021 elections ends political uncertainty on one hand and complicates the status of federal institutions on the other, if the Federal Parliament endorses the deal signed today by the Federal Government, Federal Member States and Banadir region. The modification of an article in Dhuusamareeb III Agreement that sanctioned hybrid electoral model — 4.5 powersharing arrangement and political parties — grants Federal Member States more influence to decide who will go to or return to Mogadishu as an MP or Senator. Compared to the Vision 2016 which was touted as a steppingstone to remaining in power for the incumbent, the 2021 electoral model is a dramatic climbdown for the Fedeal Government of Somalia. The Electoral Law will have to be abrogated to make way for an electoral model that institutionalises the 4.5 system, a social contract that relegates many Somali social groups to a second class citizenship. The silver lining in the electoral deal is that the discriminatory nature of the powersharing system will not be deepened through the involvement of political parties in the forthcoming elections. The incompatibility of a multiparty system and political institutions based on a flawed powersharing arrangement has been self evident. Purveyors of political inequality: Signatories of the agreement on the electoral model belong to the politically powerful clans. Puntland State signed up to the 2016 electoral model on the promise that the 4.5 system will be retired after 2017. Two of its demands — the dissolution of the National Independent Electoral Commission and the abrogation of the Electoral Law — boosted its political fortunes at the expense of principles based on political equality and genuine representation for Somali social groups that the 4.5 powersharing system regards as non-stakeholders. No representative from Fifth Clans had attended confrences out of which Dhuusamareeb and Mogadishu Agreements emerged. Twenty years after the infamous 4.5 system was conceived in Djibouti the Somali political leaders had given it a new lease of life in Mogadishu. The International Community emphasises the quota for women but pays no attention to the political marginalisation of Somali clans wrongly known as Others. Somalia’s International Partners could do well to explore how the electoral model can be prevented from institutionalising political inequality in Somalia. © Puntland Post, 2020 The post Institutionalising Political Inequality in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
GUNMEN believed to be Al-Shabaab militants have assassinated a state minister for the regional ministry of religious affairs in the southern town of Jowhar on Thursday evening. Nur Hashi Warsame, who was also a member of HirShabelle state parliament has been shot dead outside a mosque following the evening prayers, according to the police sources. There was no immediate claim of responsibility for the murder which becomes the second high-profile figure to be killed in the city since last August. View the full article
-
Waxaa goordhow war-murtiyeed laga soo saaray shirka doorashada ee socday madaxda dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana muuqata in dib loogu laabtay doorashadii 2016-kii, oo waxyar uun lagu daray. Heshiiskan waxaa looga guuleystay qodobbadii uu riixayey Farmaajo sida guddiga doorashada madaxabannaan, badinta tirada ergada iyo isku daristooda oo ku dhowaa nus milyan, badinta deegaannada doorasho iyo arrimo kale. Qodobbada ku qoran heshiiskan waxaa ka mid ah guddi gaar ah loo dhiso doorashada, 2 magaalo loo asteeyo doorashada, tirada xildhibaannada laga dhigo 101 iyo in heshiiska ansixintiisa lagu saro aqalka sare. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobbada Heshiiska: 1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah. 2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. 3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas. 4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. 5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. 6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare. 7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah. 8. in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. 9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020. 10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. 11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan. 12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada. 13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay. 14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka. 15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. Muqdisho, Sebteembar 17, 2020 Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in caawa magaaladaaasi lagu dilay Allaha u naxariistee Nuur Xaashi Warsame oo ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle. Marxuumla oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo hubeysan oo goobta ka baxsaday Sidoo kale waxaa meesha uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Dhowaan ayey aheyd markii magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha iyo waraabka maamulka HirShabelle. View the full article
-
Somali President Mohamed Farmajo and five regional leaders plus Mogadishu mayor have agreed on a new election model for the 2020/21 polls, which is seen as crucial for the country’s stability. Farmajo has hosted leaders of the regional states of Galmudug, South West State, and Hirshabelle, Jubaland, and Puntland as well as the governor of Banadir in Mogadishu. According to a joint communique released on Thursday evening, the leaders inked a deal to form Electoral Constituency Caucuses, with each caucus consisting of 101 delegates who will vote for a seat in parliament. The agreement, which was reached at the end of four-day of talks, must be approved by the Lower House of Parliament. The four leaders also resolved to establish at least two constituencies in each regional state where the elections take place and that the elections will be held nationwide on the same day. The leaders also resolved to hold indirect elections in Somaliland, regional assemblies to elect members of the Upper House. The leaders also agreed with a 30 percent quota for women to be observed. The agreement needs to be approved by parliament. The meeting took place amid pressure from the international community which said preserving the recently cultivated trust among the leaders and sustaining the consensus-building process initiated during the last Dhusamareb summit is imperative to keep Somalia on a stable political path. The Horn of Africa nation last held one-person, one-vote elections in March 1969 when the government was overthrown in a bloodless military coup. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. View the full article
