-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal kooban ka soo saaray war-murtiyeedkii galabta laga soo saaray shirkii madxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa soo dhaweeyay. Kheyre oo qoraalkan soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku baaqay in sidooda loo fuliyo qodobada lagu heshiiyey, isla markaana laga fogaado mudo kororsi. “Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kheyre. Waxa uu sheegay in doorashada dalka oo waqtigeeda ku dhacda ay ku xiranyihiin wax kasta oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya. “Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaarihii dhawaan kalsoonida lagala noqday Xasan Cali Kheyre. Shirkii maalmahan Muqdisho uga socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray 15-qodob oo ay heshiis uga gaareen doorashada ka dhaceysa dalka dabayaaqada sanadkan iyo horaanta sanadka soo socda ee 2021-ka. Kheyre ayaa muddo badan u ololeynayey in dalka doorasho ay ka dhaco, kuna dhacdo waqtigeeda, isaga oo ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo inuu doonayo muddo korosi, taasi oo horseeday khilaaf ugu dambeyn xilkiisa uu ku waayey. The post Kheyre oo war kasoo saaray heshiiska ay gaareen Farmaajo iyo madax goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
-
A military court in Somalia has sentenced a militant Islamist to life in prison for his role in a deadly attack on a US base in Kenya. Farhan Mohamud Hassan was also convicted of being a member of al-Shabab, an al-Qaeda affiliate headquartered in Somalia. Its fighters cross the border into Kenya to carry out attacks. A US soldier and two contractors were killed in January’s attack on the base in the coastal region of Lamu. It was the first attack by al-Shabab on US forces in Kenya, which has troops in the 20,000-strong Africa Union force battling the militants in Somalia. The US often carries out airstrikes in Somalia to target al-Shabab. Hassan added that he joined al-Shabab in 2010 and took part in many attacks in southern Somalia. View the full article
-
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kadib markii Madaxweynuhu la-tashiyo badan ka sameeyey uu xilka Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa” ayaa lagu yiri Qoraalka. Mudane Farmaajo ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hay’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Hirshabeelle, sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awgaafta Hirshabeelle Nuur Xaashi Warsame, ayaa Caawa lagu dilay Magaalada Jowhar. Marxuumka ayaa kooxo hubaysan Rasaas ku fureen, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe. Kooxdii weerarka gaysatay ayaa Goobta isaga baxsaday, iyadoo aysan jirin ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumka. Bishii hore, ayaa sidaan oo kale wasiirkii Beeraha Hirshabelle oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Cabdqaadir Abuukar Karaani waxa lagu dilay magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Wasiir ku xigeenkii Diinta iyo Awqaafta Hirshabeelle oo lagu dilay Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka ka aloosan Kulmiye ayaa sheegaya in hadda ay arintu iskugu soo biyo shubatay Booska Kursiga Ku xigeenka 4-Aad ee Kulmiye ee uu hadda ku fadhiyo Saylici kaasi oo Muran xoogleh iyo hirdan Culusi ku dhex marayo Madaxweyne Xigeen Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamud Xasan Sacad Saajin. Wararka ayaa sheegaya in Ergo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahin Axmed ay isku dayeen inay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ku qanciyaan inuu ogolaado tartan iyo inuu go’aan la sheegay inuu qaato ka noqdo ayaa sheeegaya in Wasiiradaasi ku hungoobeen islamarkaana uu Saylici ka diiday in Kursigiisa oo qudha lagu tartamo, waxaanay arintii noqotay inuu shalay afka furto Wasiir Saajin wax bandanna daaha ka rogo iyo in khilaafkii isaga iyo Saylici u dhexeeyay loo taag waayay, islamarkaana uu Saylici taagan yahay inaan lagula tartami Karin Kursigaasi haddii kale aanu shirkaba ka qayb galayn. Wasiir Saajin Oo Warbaahinta la hadlay ayaa uu yidhi “Nolosha Dimuqraadiyadu waa tartan, Tartankana nin diyaar u ah ayaan ahay, lakiin Madaxweyne ku xigeenka oo joogay Dhawr iyo toban sanno hogaanka Xisbiga, oo aan filayay inaanu isagu kaba mid ahayn tartanka, aanan u haysto inuu soo dhamaystay, kuna biiro raggii ka horeeyay ee Xasan Ciise ka mid yahay, Cabdiraxmaan Awcali ka mid yahay, Axmed Yuusuf Yaasiin ka mid yahay, oo uu dee noloshiisa kale uu iska galo, ayaa waxay noqotay, Meesha anaa leh, Cidiba iskama kay agsharaxi karto, waxaanay igu noqotay wax cajiib ah”. Waxa kale oo uu yidhi “Cabdiraxmaan, ololihii 2017-kii, si fiicanbaan ugala qayb galay, waxaan filayay oo kolka hore isaga Gaar ahaan ka filayay haddii dabcan aan ula imaado, ninkii dhisi lahaa, Xaqiiqdii arintaasi way ila adkaatay, wuxuu galiyay nooc kale oo tartan ah, qofka bini aadamka ahi isaga ayaa damac leh, damac lagu abuuraa majiro. Markii halkaas Gudididii qaban qaabadu ay shuruudihii loo baahnaa soo dejisay, dee maaha daw inaan qof ku idhaahdo, maan is sharaxaa mise isma sharaxo”. Sidoo kale waxa uu yidhi “Markiiba waxaan arkay Olole qaloocis ah, oo gaadhay heer la yidhaahdo markii u horaysay, Gadabuursiyaw kusoo kala baxa, dee wax siyaasad ah oo noocan ah in gadabuursi ku kala baxo illayn geel lama kala qaadin eh, mabay ahayn,calaa kuli xaal, waxaanu isku nimid, waxaanu soo istaagay Xisbigan la igulama tartami karo, dee haddii ay anigaa leh tahay inuu cid soo abaabulo ayay ahayd, oo uu soo dhiso, oo uu isagu u gartay, laakiin wada hadalnay, natiijaddii waxay ku dhamaatay wada hadalnay, ana damac ayaan leeyahay oo waan iska hor sharaxay, la igasoo daba gal, oo diyaar ayaan u ahay haddii la ila tartamayo, laakiin ilama tartami kartid ima qabato”. Dhinaca kale waxa uu yidhi “Arinta in la foolxumeeyo maaha, isagana Isku deegaan ayaan kasoo wada jeednaa, Awdal, kaayagii meesha yimaadaaba Awdal uunbuu kasoo jeedaa, inkasta oo ninka madaxweyne ku xigeenku meesha u tagayo inuu Somaliland ku matalo, waayo Madaxweyne ku xigeen Somaliland oo dhan ayuu u yahay, dadka qaar ayaa u akhrisanaya in haddii uu murankani sii socdo in Gobolkii dhibaato u keenayso, Gobolkiibay Amni-daro ku abuuraysaa, waa waxba kama jiraan warkaasi, cid dhibaato ka dhigaysa anigu ma fahmayo”. Isagoo fariin u diray Saylici ayaa waxa uu yidhi “Saylici, shirkii Burco isagoo Cabdiraxmaan Awcali Gudoomiey ku xigeen ka ah ayuu damac yeeshay Saylici, kulama yaabayo, Cabdiraxmaan oo markaa sumcadiis aad u sarayso , ayaa sababo markaa jiray ayuu meeshii yimid, dee lama odhan Cabdiraxmaanaw adigu kusii fadhi hogaanka, Saylicina lama odhan adigu Madaxweyne Ku xigeen ayaan kuu sharaxi doonaa, waa wax isku mid ah, sidii ayuu ku qaaday, rabshadani ma dhicin, Buuqa imika laga sheekaynayana ma fahmaho anigu”. Waxa kale oo uu yidhi “Xisbiga Kulmiye intii UDUB ka dambaysay waan kujiray, anigoo Xisbiga kujira, muddo dheer intii UDUB baabayba, ayaa waxaa dhacday, Madaxweynaha hadda Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamuud Xaashi, rag badan ayaa noogu yimid Abu-Dabai, Dalab ayaa la iga dalbaday inaan Olole sameeyo, oo reerkayaga ka dhex sameeyo markaa, maalintaasi kaambaynka la iga dalbaday rag badan iima oga, nin aan xisbiga kujirina Kaambayn lagama dalbadeen, taasi waa taas, ta kale, madaxweynaha Ogolaanshiyo kamaan qaadan, inaan is sharaxo,xaq ayaan u leeyahay, nin kastana xaq ayuu u leeyahay, laakiin in porobagaanda laga dhigto ayay u ekaatay,madaxweynuhu, Samaroonaw ku soo heshiiya ayuu yidhi”. Dhinaca kale wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in Hadalkan Saajin Daba socdo kadib markii uu Saylici diiday inuu tartan lagalo Wasiirkan isagoo sheegay inaanu noqonayn Madaxweyne Wasiirkiisa la tartama, taasina uu badelkeeda ka dhiganayo inaanu gabi ahaanba Shir weynaha Kulmiye iman oo uu ka maqnaan doono haddaan laga reebin Saajin, iyadoo dhinaca kale la sheegayo inuu Maalmaha soo socda dalka dibadda uga baxayo si uu uga muquurto tagis shirka Kulmiye ee qabsoomayo bilawga bishan fooda inagu soo haysa Source
-
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay in ay dabada ka riixayaan sidii ay maallinimada Sabtida meesha uga saari lahaayeen, una laali lahaayeen xeerka isku dhafan ee wax ka baddalka iyo kaabista lagu sameeyey ee arrimaha Doorashooyinka oo la filayay in maalmihii ugu dambeeyey uu Guluhu ansixiyo balse dib u dhacay oo aanay ansixin. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Golaha Wakiillada Somaliland waxa ay sheegayaan in Inkasta oo Golaha Wakiiladu muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan ku hawlanaa falan-qaynta iyo doodda la xidhiidha Xeerka isku dhafan ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Diiwaan galinta codbixiyayaasha oo xildhibaanno badani dooddooda ka dhiibteen aanay wakhtigan u muuqan in uu si dhib yar Golaha wakiillada uga gudbayo maadaama xogaha qaarkood sheegayaan in Xildhibaanno door ahi isu bahaysanayaan sidii ay xeerkaasi meesha uga saari lahaayeen haddii ay helaan codad ku filan oo ay kaga guulaystaan Xildhibaanno kale oo iyaguna doonaya in la ansixiyo. Inkasta oo wali Golaha wakiillada Somaliland ay fadhiyadiisii ugu dambeeyey ka maqnaayeen doodda xeerkan Xildhibaannada ka soo jeeda Awdal iyo Sool haddana waxa ay dhinaca kale xildhibaanada Goluhu qaarkood isu diyaarinayaan sidii ay u ansixin lahaayeen Xeerkaasi haddii uu kooramku u buuxsamo, waxaase dhinaca kale soo baxaya xogo cusub oo sheegaya in ay arrin taasi lid ku ah wadaan xildhibaanno kale. Ilo-wareedyo u dhuun daloola xaaladda Golaha Wakiillada iyo xeerkan ayaa Wargeyska Foore u sheegay in Sabtida toddobaadkan ay fadhi isugu imanayaan oo u ballansan yihiin Golaha Wakiiladu iyada oo ay wali Golaha ka maqan yihiin Xildhibaannada Gobollada Awdal iyo Sool, fadhigaasi oo lagu sheegay mid meesha ay kaga saarayaan xildhibaannadu kadib markii ay ku sababeeyeen in iyada oo ay wali xildhibaanno door ah oo goboladaasi ka soo jeedaa ka maqan yihiin aan la ansixin Karin xeerka doorashooyinka oo aan isagu waxba ka baddalin saluugga saami qaybsiga ee ay qabaan beelaha darafyadu. Arrinta walaaca leh ayaa noqonaysa saamaynta ay arrintan ku yeelan karto qabsoomiddii doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee la filayay in ay sannadka dambe dalka ka qabsoomaan taasi oo haddii xeerkaasi ay laalaan Goluhu dib u ridi karta qabsoomidda Doorashooyinka. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaan Iyana la arkayn wax door ah oo ay ku leedahay cadaadis ay golaha ku saarto ansixinta xeerka iyo sidoo kale xal ka gaadhista xildhibaannada maqan, iyo in ay iyadu raalliba ka tahay inay sidan ku sii daawato xaaladda cakiran ee Golaha ka taagan tan iyo markii doodda xeerkani bilaabantay ee ay dibadda uga baxeen xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Darafyadu oo aanay wax saamayn ah xukuumaddu ku lahayn golaha. Isku soo wada duuboo waxa la eegi doonaa bal halka ay xaaladda Goluhu salka dhigto iyo in ay ansixiyaan xeerka iyo in ay taa baddalkeeda diidaan oo ansixin waayaan, waxaana la sugi doonaa fadhiga la sheegay in ay maalinta Sabtida ee Toddobadkan u ballansan yihiin Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in caawa bartamaha magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas. Koox hubeysan ayaa magaalada ku dhex toogatay Allaha u naxariistee Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ahaa baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle. Xildhibaanka ayaa xilligii la dilayey waxa uu ka soo baxay masjid uu ku soo dukaday salaadii Cishaha oo ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar. Dableydii geysatay dilka Xildhibaanka ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana inta badan xaafadaha magaalada ka bilaawday howlgallo ay sameynayaan ciidamada booliska Hir-Shabeelle ee ka howlgala magaalada Jowhar. Howlgalladan ayaa lagu baacsanayaa kooxdii geysatay dilka xildhibaanka, welina ma jirto cid loo soo qabtay. 17-kii bishii aan soo dhaafnay ee Agoosto, xilligan oo kale ayaa magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha Hir-shabelle Cabdiqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas. Allaha u naxariistee Kaaraani oo dilkiisa ay ka soo wareegatay 30-cisho ayaa la toogtay xilli sidaan oo kale uu uga soo baxay salaadii Cishaha masjid ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle, welina ma jirto cid loo soo qabtay dilkiisa. The post Xildhibaan kale oo caawa lagu dilay magaalada Jowhar first appeared on Caasimada Online.
-
Guddoomiyihii Kaambaynka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa walaac weyn ka muujiyay xaalada Geed la sheegay in shirkad aan la aqoonsan oo Shiine ah iyo wasaaradda Beeruhu ka beerayaan Banka carro-sanka ah ee Degmada Tog-wajaale kaasi oo uu sheegay in laga samayn karo sun khatar ah oo halis galin karta amniga qaranka. Siyaasi Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo baadhitaan ku sameeyey Mashruuca la sheegay in wasaaradda Beeraha iyo koox Shiinays ahi kaga beetayaan geed lagu magacaabo SALLIID Magaciisa cilmiga ahina xagga Ingiriisiga ku noqonayo RICIN COMMUNIS, halka af maalmeedka aan cilmiga ahayn ingiriisi ahaan la yidhaa “CASTER” ayaa waxa uu sheegay in geedkaasi waddanka halis ku yahay dalalka qaarkoodna laga sameeyey sun kiimiko ah oo xataa dadka lagu layn karo. Xamse Cabdiraxmaan Khayre waxa uu qoraal dheer oo uu arrinka geedkan ka sameeyey ku yidhi sidan: “Hoos waxaa idiinku lifaaqan war Ka baxay warbaahinta dalka qaar Ka mid ah Kaas oo Ku sahabsanaa Shirkad la yidhi dalka Shiinaha ayaa laga leeyahay oo la yidhaa “Africa Agricultural Development Group” iney maal-gashanayso banka Tog-Wajaale qayb Ka mid ah oo Ka badan 40%. Waxaa waftiga Shirkada Ka socda dad Shiinaha oo markaa madaxdii Shirkadda ah, dilaaliin Soomaali ah iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane, Muumin Seed. Madaxdii Shirkada ayaa meesha Ka hadashay oo sheegtay iney Ka beerayaan Geedka la yidhaa “CASTER”. Halka la yaabka iyo fajac Ka soo baxay maaha oo keliya in sugnaanshaha Shirkada cabsi wayn laga qabo maadaama intii Xukuumadani jirto shirkado-beenaadyo badan oo shiine ah dalka lagu baadhay sida tii SOMALILAND-SINGPORE SILK ROAD ee ardayda shaqo qaran u qaadaysay Shiinaha oo wali la sugayo iyo Bangigii Wasaaradda Maalgashiga la saxeexay Mashaariicda halka bilyan markii dambe la waayay ragiina baxsadeen, waxaa cabsida wayn iyo qaylo-dhaanta aan idiinka sidaa waa Geedka laga beerayso ee “CASTER”. “Waa maxay Geedka Caster: Xog hordhac ah oo qof looga qaateen ah oo aqoon u leh arimahan ila wadaagay soo diray ayaa u dhigan sidan:Kolay cid aqoon u leh cilmigan ayaa si mug leh uga warami oo Aniga iyo idinkuba aad waydiin doontaane, aniga baadhistaydii aan idiin soo koobi: Geedka Caster/Kaasterku waa “Salliid” ama dhir u eg “Shunfax” oo magaceeda cilmiga ahi yahay “Ricinus Communis” taas oo meelahaa [gudaafadaha, dooxyada iyo ayga] iskeed uga bixi jirtay. Waxaa laga tuujiyaa Saliid loo adeegsado daawaynta: -Calool istaaga -Juudaanka -Jabtidda/Syphills -dadejinta foosha xiliga dhalmada. Waxaa kale oo loo isticmaalaa kala-fogaynta/xakamaynta dhalmadda iyo in lagu dhaashado mararka qaar. Waxaa ugu layaab badan in geedkan laga sameeyo caleentiisa inta la ridqo hub kimikaad [Chemical Weapon] oo argagixsada iyo qas wadayaasha u gacan geli kara. Waxaa Ku jirta caleenta geedkan maado aad u sun ah oo la yidhaa “Ricin” oo inta buddo laga dhigo cidda lagu beegsado ay neef ahaan Sanka uga qaadan Karto naftana aanay dhulka ula dhacayn. Sanadkii 1972 ayaa shir lagaga arinsadday hubka kimikadda ah loo aqoonsaday iney tahay “Hub” loo adeegaan karo dagaaladda iyo argagixisada.Waxaa Ku sumoobi Kara maadadan dad iyo duunyo wixii calashadda qalkeeda. Waxaa Berri aan sii fogayn lagu weeraray buddada hubka ah ee geedkan laga sameeyo madax badan oo dalka Maraykanka ah [aqalka cadna ku jiro] taas oo ay dawladdu markaa ku tilmaantay weeraro argagaxiso.” Waxaan hawl-galiyey khubaro dhirta iyo beeraha ku takhasustay oo baadhis kama dambays ah inaga siin doonta 1)halista geedkan, manficiisa iyo in loo baahan yahay oo mudnaan leeyahay . 2) siddee ayay inoogu badisaa In dhulka carra-sanka ah ee banka Tog-Wajaale aynu kala soo baxno cunto aynu ku quudino kumanaanka qoys ee reer Somaliland ee habeenkii gogosha taga calooshoodda oo madhan ee la tiicaya nafaqo darradda, gaajadda iyo cudduradda iyo dhulkaa aynu ka beerno shun-fax leh halis caafimaad iyo mid argagixiso oo la dhoofiyo dad kooban oo gaar ahina ka helaan dhaqaale. Waxaanan macluumaad Ka hayn oo ciddii haysa aan Ka codsanayaa inay Nala wadaagto : -Shirkadda hawsha wadda sugnaanshaheeda -Mashruuca & Maalgelintan waxa uu daaran yahay. Ma hubaa Mise waa saliid ? Maxaase lagu doortay -Dadka Dhanka Somaliland Ka socda ee Shirkada hor-kacaya iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Xukuumada Somaliland iyo Kuwii shirkadihii hore ee macmalka ahaa inagu baadhan jiray. Wixii xog halkaa aan Ka helno waxaan u adeegaan doonaa in dadka iyo dalka loogu hiiliyo. Waxaan Xukuumadda Ku barbar taagan nahay wixii horumar iyo maalgashi togan ee dalka ay Ka waddo. Waxaan hor istaagi doonaa wixii dhib, hagardaamo iyo boob ah ah kooxo awooda Ku takri-falayaa soo maleegaan. Dabcan waxaynu kaashan doonaa dadka reer Somaliland guud ahaan iyo kuwa Deegaanka. Ugu dambayntii waxaan halkan madaxwaynaha halkan uga dirayaa fariin kooban balse Marka hore waxaan xasuusinaynaa in nidaamkii Siyaad Barre ee lala dagaalamay dhulkan uu cunto dadka uga soo saaray oo lagu badhaadhay. Baaqa aan Ku soo tebinayo ayaa ah: “Madaxwayne dalka cunto-yaraanta iyo saboolnimadda,iyo nafaqo-darradda Ka jirta kagama bixin karno gacmo shisheeye sidaa aad in badan Ku celcelisay. Sidoo kale kagama bixi karno silica shun-fax ama sun shisheeye beero ee soo Ka joog oo dhulka iyo dadkaba Alle (swt) wuu ku waydiin’e wax manfac leh uga faaiiddee oo tudaal iyo taariikhsan ka tag”. Allaha Mahad leh Xamse C/raxmaan Khayre Source
-
Qore Cabdi Farax Juxa Qodobo muhiim ah oo xaqiiqada u eg ayaa Madaxda Soomaalidu ku gaartay Mugadishu. Qodobka keli ah ee fartii Farmaajo ee aan [...] The post JUXA : – Beesha Caalamka ayaa laga rabaa in ay heshiiskan ka ansixiyaan labda Aqal ee is diidan iyo Mursal iyo Muudey oo ah xerta Farmaajo. appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-1792020-ok.mp3 View the full article
-
WAR-MURTIYEED Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, [...] The post Breaking News War-murtiyeed : – SHIRKA WADATASHIGA DOORASHOOYINKA Dalka ee Muqdisho appeared first on . Source
-
Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020. Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Dhuusamareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Dhuusameeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Dhuusamareeb 3. Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Dhuusamareeb. Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Dhuusamareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda. 1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah. 2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. 3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas. 4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. 5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. 6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare. 7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah. 8. In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. 9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020. 10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. 11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan. 12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada. 13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay. 14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka. 15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. Muqdisho, Sebteembar 17, 2020 DHAMMAAD The post War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020. Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3. Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb. Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda; 1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah. 2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. 3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas. 4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. 5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. 6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare. 7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah. 8. in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. 9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020. 10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. 11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan. 12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada. 13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay. 14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka. 15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa daqiiqado ka hor lasoo saaray war murtiyeedka Shirkii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uga socday Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay shirka oo dhameystiran WAR-MURTIYEED Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020. Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3. Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb. Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda; In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah. in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. –DHAMMAAD– The post Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo ku heshiiyey 15 qodob first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa isaga soo dhawaaday inta badan qodobadii la isku hayey shirka uga socdo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Sida ay illo wareedyo ku dhow dhow shirka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa la isku fahmay inta badan qodobadii dooda culus ka taagneyd, waxaana isbadal lagu sameeyey illaa 4 qodob xilli hal qodob si toos ah looga saaray qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3. Arrinta deegaan Doorashada oo ahaa qodob adag ayaa meel dhexe la isugu yimid, iyadoo lagu saleeyay inay doorashadu ka dhacdo Caasimadaha maamula Goboleedyada iyo laba magaalo oo kale, halka tirada ergada la isku fahmay inay noqdaan 101 xubnood. Sidoo kale qodobkii uu madaxweyne Farmaajo si weyn ugu dhaqaganaa ee ahaa in doorashada ay maamusho Xaliima Yarey ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray iyadoo la isla gartay in la sameeyo guddi ay ku mideysan yihiin Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada. Halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah qodobada ay isku raaceen dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Waxaa lagu heshiiyey in ergada wax soo dooraneysa laga dhigo 101 ergo. Waxaa la isku fahmay in meesha laga saaro guddiga madaxa banaan ee doorashada oo ay hoggaamineyso Xaliimo Yarey, iyadoo la filayo in la dhiso guddiga ay ku mideysan yihiin Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. In Deegaan doorashada ay noqoto laba deegaan doorasho maamul Goboleed kasta. In aysan hadda suurtagal aheyn in doorashada lagu galo nidaamka xisbiyada. Iyo in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda. Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in shirka laga soo saaro war murtiyeed, waxaana weli dhiman qodobo yar yar oo aan la isla meel dhigin, balse waxaa la isku fahmay qodobadii ugu adkaa. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online. The post DF iyo Maamul Goboleedyda oo isku soo dhawaaday iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
-
Warbixin cusub ayaa Midowga Yurub kasoo saarey xaaladda Soomaaliya iyo faragelinta Imaaraadka Carabta ee dhinac siyaasadda, taasoo saameyn ku yeelatay amniga iyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Midowga Yurub ayaa sheegay in khilaafka saddex sano jirsaday ee u dhaxeeyay dalalka Khaliijka Carabta uu saameyn xun ku yeeshay dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya dagaallo ku dhawaad 30 sano ka socday. “Imaaraadka wali wuxuu sii wadaa ficilo muuqda, oo dhaawacaya si toos ah amniga iyo horumarka dhinaca siyaasadda dalka Soomaaliya, wuxuu ka dhex abuuray khilaaf dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, kaasoo wiiqay iskaashigii amniga qaranka, doorashooyinka iyo arrimaha horumarka,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub. Waxuu Midowga Yurub dhanka kale ugu baaqey Imaaraadka inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta arrimaha Soomaaliya, islamarkaana ilaaliyo madax-banaaninada dalka. Gollaha Amaanka ayaa horey u sheegay in dhuxusha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya in loo iib geeyo Imaaraadka, iyadoo loo marsiinayo wadanka Iran, taasoo dhaqaale badan ka heshay Al-Shabaab. Midowga Yurub ayaa sheegay in amniga Soomaaliya uu hadda marayo meel xasaasi ah, islamarkaana uu saameyn ku yeeshay xasiloonida gobolka Geeska Africa iyo meelo ka baxsan. “Midowga Yurub wuxuu aaminsan yahay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya aaney awoodin inay fuliso waajidbaadka saaran, iyadoo Ciidanka qaranka, inkastoo horumar sameeyay haddana wali ma awoodo inuu kahor tago khatarta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warbixinta. Sidoo kale, Midowga Yurub wuxuu ka hadlay Ciidamada AMISOM ee lagu wado inay dalka ka baxaan December 2021, islamarkaana ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan kuwa dowladda Soomaaliya. Wuxuu Midowga Yurub ugu baaqay African Union inuu sameeyay isagoo kaashanaya dowladda Federaalka qorsho waxtar leh, oo lagu buuxin karo booska AMISOM marka ay faarujiyaan Soomaaliya sanadka soo socda dhamaadkiisa. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan ka dhacay Muqdisho isugu yimid hoggaanka sare ee dalladda waxbarashada SEFE iyo maamulayaasha iskuullada hoos taga Dalladdaas. Qoraal ka soo baxay kulankaas ayaa mar kale lagu shaaciyey in dalladda SEFE iyo iskuullada hoos taga aysan weli ku qanacsaneyn natiijadii imtixaanaadka dowladda, kaas oo ay dhawaan shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Maamulka dalladda SEFE iyo maamulayaasha iskuulada ayaa wasaaradda waxbarashada ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn in ay qanciso ardayda, waalidiinta, macalimiinta iyo dalladdaha waxbarashada ee dalka. Hoggaanka dallada iyo maamulayaasha iskuullada ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in la cadeeyay sababta 8-kun oo arday ay ugu dhaceen imtixaanaadka dowladda iyo sababta ay wasaaradda waxbarashada u diiday in dib loo baaro natiijada imtixaanka, maadaama aan lagu wada qancin. Mas’uuliyiintii isugu yimid kulankaas ayaa cadeeyay in ay go’aansadeen in guddoonka waxbarashada gobolka Banaadir iyo wasaaradda in aysan wax xiriir ah la sameyn doonin, inta ay taallo cabashada ardayda. Keysi Mayow Abul Xuseen oo ah Agaasimaha fulinta ee dalladda waxbarashada SEFE ayaa war-murtiyeedka ka soo baxay kulankooda warbaahinta u aqriyay, waxuuna sheegay in ay muhiim tahay in dib loogu noqdo natiijada Imtixaanka dowladda ee dhawaan la shaaciyey. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayey mas’uuliyiintan ka dalbadeen in arrintaan uu soo fara-geliyo, kana hadlo dhibaatada lagu hayo ardayda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku wada sugan Muqdisho ay ugu baaqeen inay si deg-deg ah ugu jawaabaan cabashada ardayda iyo sida loola dhaqmay, isla markaana la sameeyo guddi dib u baara natiijada Imtixaanaadka. The post Sawirro: Dallada SEFE oo eedeyn culus u jeedisay wasaaradda waxbarashada first appeared on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyahii ugu wakhtiga dheeraa ee u qaabilsanaa gobolka shabeelada dhexe. Al-Shabaab waxaa muddo 10-sano ah deegaankaas ugu magacownaa Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-Kudukade, waxaana badalkiisa la magacaabay Cabaas Abuu Muxamed oo loo yaqaano Khalifa Cade. Sarkaalka la magacaabay wuxuu muddo ku dhex jiray dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya, wuxuuna mar noqday gudoomiyaha gobolka Gedo ee dagaalyahanada, waxaana intaas usii dheer inuu mar qabtay xilka maaliyadda. Al-Shabaab waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhex socday isbadallo, saraakiil badan ayaa awoodahooda hoos loo dhigay halka kuwa kalana sare loo qaaday, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli dowladda, ciidanka Amisom iyo taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ay kordhiyeen hawlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo 10 sano kadib xil ka qaadis ku sameysay Guddoomiyhii Gobolka Sh/Dhexe first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ogaatay in lacag ka badan 3.7 Malyan oo Doolar ay shirkadaha xawaaladaha Soomaalida u kala gudbiyeen shaqsiyaad ku shaqeysta ganacsi sharci darro ah. Warbixintaan waxaa sameeyay hay’adda Global Initiative Against Transnational Organised Crime ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxeyna si gaar ah u taabaneysaa qof u dhashay wadanka Yemen oo ay mareykanka saareen cunqabateyn la xiriirta argigixinimo. Arintaan waxey sare u qaadeysaa walaaca ay wajahayaan shirkadaha xawaaladaha Somalida kuwaas oo shuruudo badan lagu xiro marka ay doonayaan iney lacago u kala xawilaan wadamada dibadda. Warbixinta waxaa lagu sheegay in 176 qofood ay u muuqato iney xiriir ganacsi la leeyahiin dadka ka ganacsada hubka sharci darrada ah ee u kala goosha Soomaaliya iyo Yemen, waxaana baarintaanadaan laga sameeyay magaalada Boosaaso. Warbixinta waxey sheegeysaa in nin lagu magacaabo Sayf ABdulrab Salem Al-Hayeshi oo saddex sano ka hor ay mareykanka cunaqabteyn saareen loo wareejiyay lacag ku dhaw 40 kun oo Doolar, waxaana ninkaan oo dhalashadiisa tahay Yemen lagu eedeeyay inuu taageero dhaqaale siiyo kooxaha Al-Qaacida ee ku nool Jasiiradda Carabta iyo Dowladda Islaamiga ah ee Yemen. Shirkadaha warbixinta magacooda lagu faafiyay waxey kala yahiin Amal Express iyo Iftin Express kuwaas oo lacag ka qabtay macamiilada, waxey adeegsadeen shabado ay ku lifaaqan yahiin magaciisa iyo naaneystiisa. Shirkadda Iftin Express gabi ahaanba wey diiday iney ka warbixiso xogta macaamiilkeeda, halka Amal Express ay gabi ahaanba beenisay iney xiriir la leedahay Al-Hayeshi. Labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Taaj ayaan lagu helin wax lifaaq ah oo ku sabsan iney shaqsiyaad cunaqabteyn la saaray wax u wareejiyeen, balse waxaa warbixinta lagu sheegay in shaqsiyaadka ay isticmaaleen magacyo kale taasna ay tahay wax xad gudub ku ah sharciga ka jira Soomaaliya. Inkastoo Dahabshiil ay sheegtay iney gabi ahaanba joojisay xawilaadii u dhaxeysay dalalka Soomaaliya iyo Yemen, hadana warbixinta waxey sheegeysaa in hal nin uu adeegsaday 24 magac oo isagoo adeegsanaya afarta shirkad, walow shirkadaha ay ku doodeen in macmiilka aan loo ogolaan karin inuu isticmaalo aqoonsiyo taleefoono badan. “Hay’adaha nidaamiya maaliyadda ee Soomaaliya waa shaqaale hoose oo aan heysan agab dhaqaale, isla markaana aan lagu kalsooneyn hay’adaha maaliyadeed ee gudaha” ayuu yiri C/Raxmaan M. Cabdullaahi oo ah gudoomiyaha Bangiga dhexe kadib markii wax laga weydiiyay hadii ay wax ka ogyahiin arintaan. Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxey sheegeen iney baaritaan ku sameynayaan isla markaana ay ka hortagayaan maalgalinta waxa loogu yeero argagixisada. Sidoo kale gudoomiyaha wuxuu sheegay in jabinta sharciga iyo la dagaalanka lacagaha la dhaqo loo xiray shaqsiyaad, wuxuuna tusaale usoo qaatay masuul bishii August loo xiray inuu maamule ka ahaa bangi aan diiwaangashneyn. The post Qaar ka tirsan Xawaaladaha Soomaalida oo lagu eedeeyay inay fududeeyaan hubka sida sharci darada ah loo soo galiyo dalka first appeared on Caasimada Online.
-
76dii ayaan ka soo hayaamay Puntland oo waqtigaas loo yiqiinay Waqooyi Bare, mandiqadaas wadanka keliya oo la yiqiinay oo xiriir ganacsi iyo mid bulsho lala [...] The post Cumar Dhollawa : – Yaa ka dambeeya cadaawad dawlada Emirateka oo aheyd saaxiibka kaliya ee ganacsiga somaalida mudo dheer ? appeared first on . Source
-
MOGADISHU (HOL) - Five religious teachers were killed and three others injured in suspected clan clashes in Adale district of Middle Shabelle region Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Aamino Cismaan Xaaji, Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimah Qoyska Puntland Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimah Qoyska Dowladda Puntland ayaa Garowe ku qabatay kulan lagu daahfurayay u qareemidda qoondada haweenka ee siyaasadda. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa oo lagu casumay wasiiro ka tirsan Puntland, Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland, ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale. Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimah Qoyska Puntland Aamino Cismaan Xaaji oo ugu horeyn kulanka daahfurtay ayaa ka warbixisay caqabadaha haweenka ka hortaagan kamid noqoshada goleyaasha sare ee dowladda, waxayna xustay in matalaada haweenka ay aad u hoosayso marka la eego hay’adaha dowloliga ah. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyeynta Puntland Cabdiwali Mire Xirsi oo kulan ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in wasaaradiisu diyaar u tahay inay haweenka kala shaqeeyaan sidii ay u heli lahayeen doorkooda matalaada siyaasadda. Dhanka kale Gudoomiyaha Guddigga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa kulanka ka sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan diiwaangalinta codbixiyaasha ka qaybqaadanaya doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, wuxuuna haweenka ku dhiirigaliayay inay noqdaan kuwa ugu badan ee isdiiwaangaliya, si ay u helaan qoondadooda siyaasadda. Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland Siciid Cabdi Muumin oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda uu waajib ka saaran yahay damaanad qaadka ilaalinta xuquuqda haweenka, sida uu qabo qodobka 35-aad ee Dastuurka Puntland. PUNTLAND POST The post Garowe oo laga daahfuray u qareemidda qoondada haweenka ee siyaasadda appeared first on Puntland Post.
