-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jaaliyada ku dhaqan Magaalada Bristol oo Dhaqaale ugu deeqay Magaalada Sallaxley Jaaliyada ku dhaqan Magaalada Bristol oo ka jawaabaya dhibaatadii ay Dabaylaha iyo Daadadku dhawaan u geysteen Degmada Sallaxley ayaa ku deeqay lacag dhan Sideed Kun iyo Shan Boqol iyo Lixdan Doollar (8,560 US dollars ). Jaaliyada reer Bristol oo Caan ku ah inay mar kasta ka qayb qaataan kaalmada looga baahdo xilliyada adag, ayaa iyaga oo isku duubban oo gacmaha is haysta sidii caadada u ahayd markiiba isu kaashaday sidii ay Walaalahooda reer Sallaxley gacan ugu fidin lahaayeen. Waxaan Mahadnaq iyo Duco u dirayaa Qof kasta oo arrintan gacan ka geystay ee wax ku darsaday, waxaanan Allah ka baryayaa inuu Ajar iyo Xasanaad ugu bedelo Tabarucaadkooda. Waxaan si gaar ah uga Mahadnaqayaa Gudida hawshan isku duba riday ee Geesiyaasha ah ee uu hormuudka u ahaa Mudane Mohamed Abdi Sayaqle ee ay ka mid yihiin; Bashir Abade , Said Burale, Nasir Mohamed Aden ,Abdi Omar Mohamed, Osman Ozzy, Asad Gurruuse, Mohamud Mataan Jaamac, Xasan Haaruun, Mahad Jama iyo cid kasta oo hawshan gacan ka qayb qaadatay. Jaaliyada reer Bristol dhawaan ayuun bay ahayd markii ay sidan oo kale iyaga oo isku duuban oo gacmaha is haysta ay lacag Tobon Kun oo Doollar ah ugu deeqeen si wax looga qabto Xanuunkii Covid-19 ee Somaliland soo food saaray. Waad Mahadsan tihiin Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol Qaran News
-
Madaxweyne Farmaajo oo caawa khudbad ka jeediyey Xafladii laguu gunaanadey Heshiiskii Doorashada 29/21 Ayaa ka sheekeeyey qaabkii looga adkaaday mowqifkiisii. Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Maamul [...] The post Madaxweyne Farmaajo “ Waa la isugukay tagay, saas baan uga tanaasulay Doorashadii Qof iyo Cod appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay Xaflad lagusoo gunaanadey Heshiiskii Doorashada, Xafladasoo ay iyana qayb ka yihiin Madaxweynayne Farmaajo iyo dhamaan [...] The post Daawo Sawiro Hordhac ah , Xaflad ka socota Villa Soomaaliya oo lagusoo gunaanadey Heshiiskii Doorashada appeared first on . Source
-
In the past week alone, the Horn of Africa country has been the scene of over a dozen deadly terror attacks. The Islamist militant group is seen to be bent on thwarting the forthcoming elections. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saqdii dhexe ee xalay madaxweynaha Soomaaliya Maaxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib mudo 54-cisho ah oo dalku uu ra’iisul wasaare la’aan ahaa. Ra’iisul wasaare Rooble waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la hor geeyo baarlamaanka, si uu u helo codkooda kalsoonida, intaas kadibna waxaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad cusub, taas oo mar kale la hor geynayo baarlamaanka si loo ansixiyo, waqtiga uu heystana waa 143-cisho oo ah mudada u hartay madaxweyne Farmaajo. Magacaabistiisu waxa ay ku soo aaday saacado un kadib markii war-murtiyeed ka kooban 15-qodob laga soo saaray shir maalmo Muqdisho uga socday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxd maamul goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray hanaanka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya. Caasimada Online waxay idinla wadaageysaa afar arrimood oo ku saabsan ra’iisul wasaarahan cusub. Ra’iisul wasaare Rooble, wakhti kooban ayuu heystaa. Waxaa wasiirka koowaad ee xukuumadiisa u magacaabay Madaxweyne ay mudo xileedka dowladiisa ka hartay 4-bilood iyo 23 maalmood, waxaana sugaya howlo culus oo ay ugu horeeyaan dhismaha xukuumad cusub iyo hir-gelinta heshiis doorasho oo uusan talo ku laheyn, kaas oo ka shaqeyntiisa la guda-gelayo 42-maalmood kadib. Waa bilowga bisha November. Ra’iisul wasaarahan cusub inuu shaqo-galo oo xukuumad soo dhiso waxaa ka horeysa inuu helo kalsoonida baarlamaanka, kadibna uu isla baarlamaanka mar kale hor-keeno golihiisa wasiirrada. Ra’iisul wasaare Rooble, ‘ma lahan khibrad siyaasadeed’ Rooble waa nin ku cusub siyaasadda Soomaaliya oo aan horay loogu arag, “Nin khibrad siyaasadeed leh ma lahan, guddoomiye gobol ma soo noqon, musharax maamul goboleed kama soo noqon, xildhibaan maamul goboleed ma soo noqon, xildhibaan federaal ma soo noqon, wasiir ku xigeen ma soo noqon, safiir ma soo noqon” waxaa sidaas yiri Maxamed Caalin oo ah falanqeeye siyaasadeed. Caalin waxa uu qabaa inta badan Ra’iisul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya in aysan laheyn wax khibrado siyaasadeed ah oo badankood magacaabistooda kadib un la bartay. Ra’iisul wasaare Rooble waa Injineer ka soo shaqeeyey dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden oo dhalashadiisa labaad uu ka heysto, waxuuna in ka badan 10-sano la shaqeynayey hey’adda Qaramada Midoobey ee Shaqaalaha Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO. Ra’iisul wasaare Rooble, waxaa lagu tilmaamay nin aad u degan. Dadka aqoonta u leh Ra’iisul Wasaarahan cusub ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin degan oo af gaaban, isla maarkana jagooyin sare ka soo qabtay Qaramada Midoobey, isagoo gacanta ku hayey maamulka mashaariic badan oo ay QM ka fulisay Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Rooble, waxaa maareyn ka rabta doorashada In kastoo laga heshiiyay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta, hadana waxaa ra’iisul wasaaraha cusub laga filayaa in xukuumadiisu ay xoojiso dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka oo 17-kii bishan Muqdisho lagu kala saxiixday. Maxamed Caalin oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa mar uu la hadlayey BBC waxa uu yiri, “Hadda dib u dhis ciidan lagama sugayo, dib u dhis dhaqaale lagama sugayo, waxaa laga sugayaa in uu dib u habeyn ku sameeyo waxyaabaha lagu heshiinayay ee tubta doorashooyinka. Siyaasad ahaan xukuumaddiisa siday u xoojin doontaa amniga codeynta iyo dhex-dhexaadnimada la xiriirta dhaqaalihii caalamka uu baxsho ama musharraxiinta ay bixiyaan.” Caalin waxa uu qabaa in hadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka leexdo hir-gelinta hanaanka doorasho ee lagu heshiiyey uu cagta saarayo dhabihii guul-darrada. The post Afar arrimood ka ogaaw ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble first appeared on Caasimada Online.
-
SOMALILAND MUST SUSPEND ALL TALKS WITH SOMALIA Somaliland #Government should suspend all talks with #Federal Somalia as long as Somalia claims that members hailing from Somaliland in its parliament, government and judiciary represent Somaliland Republic. This implies that Somaliland Republic doesn’t exist and it is still part of Somalia. This laughable and irrational claim violates Somaliland #sovereignty, #internal affairs and its commitment to international diplomatic #recognition. It is a political war, it is hit job to undermine Somaliland recognition. It is also disparaging and insulting to #Somaliland prestige, dignity and intelligence as #independent nation. This is overdue action that should have been taken long time ago to eliminate this political threat. The two legislative bodies (Senate and House) of Somaliland Republic need to debate the grave political consequences of this threatening politics of Federal Somalia against the existence and independence of Somaliland Republic. New laws are required to counter the political subversion of Somalia against Somaliland in all necessary areas to protect and defend Somaliland eliminating all #political, #social and #economic hostile influences. Ibrahim Hassan Gagale (Somaliland Sovereignty Advocate) Qaran News
-
Kaduna (Caasimadda Online) – Barasaabka gobolka ku yaalla waqooyiga galbeed ee Nigeria ee Kaduna, Nasir Axmad el-Rufai, ayaa saxixay sharci ciqaab adag la marinayo qofka kufsi geysta. Sharcigan ayaa dhigaya qofka kufsi lagu helo looga saaro qalliin Xiniyaha ama la (dhufaano) islamarkana qofkii kufsada cunug ay da’diisa ka yartahay 14 dil loogu daro. Haddii qofka la kufsaday dad’diisu ka weentahay 14 sano ayaa waxaa sharciga uu fasaxayaa in qofkaasi Xiniyaha laga saaro islamarkana xabsi daa’in lagu xukumo. Haddii haweeneyda lagu helo kufsiga caruurta yaryar waxaa la marin doonaan ciqaab adag oo ay ka mid tahay in laga saaro qaar ka mid xubnaha taranka iyo waliba dil. Kiisaska kufsiga ee la soo sheego ee ku aadan in la kufsaday qof ka yar 14 sano, waxaa loo baahnaan doonaa warbixin caafimaad si loo cadeeyo eedeynta. Waxaa sidoo kale sharcigani ka mid ah in dadka caruurta kufsada magacyadoda lagu soo daabaco warbaahinta. Barasaabka gobolka Kaduna ayaa saxiixa sharcigani ku xaqiijiyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweetar-ka xalay. Gobolka Kaduna waa gobolka kali ah ee soo saaray shuruuc noocan ah oo ku dhan ah kufsiga. Waxaa muddo bilooyiin ah ka socday guud ahaan dalka Nigeria cabasho ay shacabka muujinayeen iyo olola looga so horjeedo kufsiga . Inkastoo ay jiraan dad badan oo kufsi loo xiray hadana inta badan waxaa la rumaysan yahay in tirada dambiyadasi lagu helo ay aad u hooseyso. The post Dal soo rogay sharci xaniinyaha looga siibayo kadibna la dilayo qofkii kufsi geysta first appeared on Caasimada Online.
-
Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheikh Axmed uuna Xubin ka yahay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan Dheikh [...] The post Madasha Xisbiyada Qaran waxay soo dhaweeyeen Heshiiskii Muqdisho, waxayna ku baaqeen laba arimood appeared first on . Source
-
War qoraal ah oo ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga hadlay qodobada ka soo baxay shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho. Qoraalka Madasha ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey heshiiska ay doorashada ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedka dalka. Sidoo kale madasha ayaa soo jeedisay in la sameeyo guddiga xalinta khilaafaadka. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo dhaweeyey qodobadii ay shalay heshiiska uga gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada hanaanka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay Madasha oo ka kooban sagaal qodob ayaa lagu yiri, “Madashu waxay mar kasta ugu baaqeysay madaxda shirka in xaaladda kala guurka ah ee dalku uu ku sugan yahay markasta loo maareeyo hanaan horay u socod siinaya dib u dhiska dowladnimada dalka.” Madasha ayaa qoraalkan ku soo dhaweysay hanaanka doorasho oo ay ku heshiiyeen labada madax dowladeed, “Anagoo gar-waaqsan in lagu fashilmay balan-qaadkii ahaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ku saleysan xisbiyo badan” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Madasha ayaa ku baaqday in la sameeyo guddiga xalinta khilaafaadka, isla markaana kormeerayaal caalami ah ay goobjoog ka noqdaan xubnaha ku metelaya gobolada waqooyi ee Soomaaliya. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa guddoonka labada Aqal ee BFS ugu baaqday inay qeyb ka noqdaan heshiiskaas siyaasadeed, iyagoo dhameystiraya hananka wada-ogolka ee doorashooyinka 2020-2021-ka. Hoos ka aqriso war-saxaafadedka oo dhameystiran The post Madasha Xisbiyada oo war ka soo saartay heshiiskii doorashada fariina u dirtay BF first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-1892020.mp3 View the full article
-
Muqdisho : 18 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah la qaatay Wafdigiisa la [...] The post Masawiro : – M/weyne Deni oo maanta kulan la yeeshay xubnihii wefdigii la socday ee Reer Puntland appeared first on . Source
-
Muqdisho: 18, September, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa u Hambalyeeyey [...] The post MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND OO U HAMBALYEEYAY RA’IISAL WASAAARAHA CUSUB. appeared first on . Source
-
Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay qodobada ka soo baxay shirkii wada-tashiga ee lagu soo xiray Muqdisho. Qoraallka xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiska ay gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka aysan ku caddeyn, xilliga rasmiga ah ee ay bilaabaneyso doorashada, islamarkaana uu dalbanayo in la caddeeyo taariikhda. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Ciidamada ammaanka magaalada Cadaado ayaa maanta ku guuleystay inay soo qabtaan caruur lagala soo goostay magaalada Qardho ee dowlad goboleedka Puntland. Caruurtaan oo tiradooda ay gaareyso illaa 8 ayaa waxaa lagu hayey gudaha magaalada Cadaado, iyadoona ciidamadu ay si awood ah ku soo bad-baadiyeen caruurtaasi. Guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa sheegay inay goor hore heleen xogta ku saabsan caruurta, balse ay ku guuleysteen inay soo furtaan, wuxuuna sheegay inay ku wareejiyeen Aabaha dhalay caruurta oo ay muddo laba sanadood ah ka maqnaayeen. Sidoo kale Aabaha caruurta ayaa u mahad-celiyay maamulka magaalada Cadaado iyo dadka shacabka ah kuwaas oo gacan ka geystay in loo soo helo caruurtiisa. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay jaamacada Takfiir oo la sheegay inay heysteen ilmahaasi inay joojiyaan caruurta ay sida dhuumaaleysiga ah dadka uga qaadanayaan. View the full article
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka magaalada Cadaado ayaa ku guuleystay iney soo qabtaan caruur laga soo qafaashay mid ka mid ah magaalooyinka deegaanada Puntland. Caruurtaan oo tiradooda lagu sheegay 8 ayaa lagu hayay gudaha magaalada Cadaado iyadoo laga soo qafaalay magaalada Qardho, waxeyna ciidamada si awood ah u soo qabteen Caruurta oo laga soo badbaadiyay dadkii heystay. Gudoomiyaha magaalada Cadaado ayaa sheegay iney goor hore heleen xogta ku saabsan caruurta, balse ay ku guuleysteen iney soo furtaan, waxeyna ku wareejiyeen aabaha dhalay caruurta oo ay muddo laba sanadood ah ka maqnaayeen. Aabaha caruurta ayaa u mahad celiyay maamulka magaalada Cadaado iyo dadka shacabka ah kuwaas oo gacan ka geystay in loo soo helo caruurtiisa, wuxuuna ugu baaqay kooxda loogu yeero jaamacadda Takfiir iney joojiyaan caruurta ay dhuumashada dadka uga qaadanayaan. Aabaha wuxuu sidoo kale sheegay caruurta hooyadood ay ka mid noqotay kooxdaas, isla markaana ay sahal noqotay iney caruurtiisa muddo laba sano ah ka maqnaadaan. The post Carruur ay koox takfiir ah laba sano heysteen oo aabahood lagu wareejiyay first appeared on Caasimada Online.
-
Xawaaladaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin `ka ganacsiga hubka` Will Ross Africa editor, BBC World Service Warbixin laga sameeyay hannaanka lacag xawilaadda caanka ah ee Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in in ka badan $3.5m ($2.7m) oo lacag caddaan ah ay sanadihii la soo dhaafay gashay gacanta dad looga shakisan yahay inay hubka soo geliyaan dalka. Hay`adda caalamiga ah ee wax ka qabashada dembiyada abaabulan ayaa sheegtay in qof u dhashay Yemen oo caan ku ah ka ganacsiga hubka loo diray boqollaal kun oo dollar iyadoo ay jirto cunaqabateynta Mareykanka. Baadhitaanka ayaa caqabad ku noqon kara isku dayga xawaaladaha Soomaaliya ee ah inay la shaqeeyaan bankiyada caalamiga ah, kuwaas oo ka baqaya inay jebiyaan sharciga lacag is daba marinta. Xawaaladaha qaarkood ayaa iyagoo arrintaasi ka jawaabaya waxay sheegeen inay sameeyeen wax walba oo ay ugu hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah. Qaran News
-
Maxaa kala qabsadayHogaamiyaha Taalibaan & Haweenay Weriye ah oo aan xijaabnayn Shazia Haya (lBidix) waxay la hadashay xubin sare oo ka tirsan Talibaan intii ay socdeen wadahadalka ay la leyihiin dowladda Afghanistan “Ma ahi dilaa, laakiin markii la i kaa barayay ayaa laguu sheegay inaan dilaa ahay. Ma doonayo inaan ka hadlo siyaasad, laakiin aan wakhti idin raadiyo dhamaantiin, aan wada shaahno waxaana idinkaga sheekaynayaa gabayada,” ayuu yiri isaga oo si tartiib ah u hadlaya oo dhoola cadeynaya. Tani ma ahayn wax aan ka filayay in aan ka maqlo xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Taliban. Waan raadiyay si aan wareysi uga qaado malintii ugu dambeysay ee shirkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay caasimada Qadar ee Dooxa, kaas oo u dhaxeeyay Taliban iyo dowladda Afqanistaan. Waxaan ku sii jeeday garoonka, waxaana arkay qaar ka mid ah ergada Taliban oo ay hareeraha ka taagan yihiin saxafiyiin. Waxay arrintaas ii ahayd fursaddii ugu dambeysay ee aan xog iyo sheeko fiican uga heli karay taas oo i dhiiragelisay. Balse Dooxa ugama safrin si uu gabay uga hadlo, anigana la mid ayaan ahaa. ‘Ma doonayo inaan hadlo’ Shazia Haya Shazia Haya oo hadlaysa, gadaalna ay ak muuqdaan ergada Taliban In laga warramo shir ay albaabada u xiran yihiin, mar walba waa caqabad, sidoo kale xaaladda kuma bilaaban yadadiilo wanaagsan. Intaan boorsada dhulka dhigtay ayaa dhankiisa aaday si aan ula yeesho wareysi aan la isu diyaarin. “Ma doonayo inaan hadlo,” ayuu si degdeg ku jiro u yidhi hogaamiyaha Taliban- ma uusan filayn aniga oo ku soo dhawaaday iyo Kaamiradii aan gacanta ku sitay. Waxaan ogaaday in uu ciriiri dareemayo, dib ayaanna uga sikaday. Waan salaamay aniga oo dhoolla cadeynaya waxaana u sheegay in nin aan wada shaqeyno uu yahay qofka wareysan doono anigana Kaamirada uun u hayn doono. Baaxadda ay leedahay shaqadii aan u tagay Dooxa ayaa noqtay mid muuqata. Ima uusna eegaynin Shazia oo ka soo waramaysa goobta uu shirka ka dhacayo Ma doonayo inaan si gaar ah uga hadlo hogaamiye ka caga jiidaya wareysiga, balse intii aan ku guda jiray wareysigii aan la yeeshay xubnaha ergada Taliban iyo wakiiladooda, waxa aan dareemay in wajigeyga marna aysan eegin, waxayna u muuqatay in aysan ku faraxsanayn in dumar ay goobta joogaan marka ay nin la hadlayaan. Waxay rumaysan yihiin in qof dumar ah oo aadan garanayn in aad eegtid in ay tahay xushmad daro iyo dembi. Waxaan wareysi saddex daqiiqo gaaraya ka qaaday mid ka mid ah hogaamiyayaasha sare ee Taliban; intaan wareysiga ku jirnay hal marna ima uusan eegin. Waxaan aaminsanahay in haddii uu hogaamiyahaasi uu barito i arko in uusan xusuusanayn in mar uu wareysi i siiyay. Balse arrimahaas aan kor ku soo xusnay igama yaabin, sababtoo ah, koox dhuumasho ku jirtay oo muddo sannado ah dagaal ku jirtay, in aan hor istaago oo su’aalo ay ka jawaabaan ma ahayn wax lagu fikirayay bilo ka hor. Sidaasi daraadeed waxaan xitaa isu diyaariyay dhacdooyiin kale oo lama filaan ah. Dhacdo tariikhi ah Shazia Haye oo wareysi ka qaadaysa Abdullah Abdullah, madaxa ergada dowladda Ka dib muddo bilo ah oo ay diidanaayeen, haddana markii ay hogaanka Taliban iyo dowladda ay ku heshiiyeen taariikha iyo goobta lagu qabanayo shirkoodii ugu horeeyay oo fool ka fool ah, waxaan dareemay in ay muhiim ii tahay in si la mid ah saxafiyiinta kale ee reer Afqanistaan, inaan soo tabiyo wararka arrintan la xiriira. Ka dib tobannaan sano oo dagaal iyo colaad ah oo dhiig badan uu ku daatay, labada dhinac waxay ugu dambeyntii ku heshiiyeen in ay isku deyaan wadaxaajood lagu soo afjarayo dagaalka. Arrin taariikhi ah ayaa ka dhacaysa horteyda oo aan indhaheyga ku arkayaa. Waxaan goobjoog u ahaa isbadallo badan oo dhacay tan iyo 2002-dii, markii dhinacyada ka soo horjeeda Talban ay soo ifbaxeen ayna bilaabeen dagaalka ka dhanka ah mintidiinta. 18 sano ka dib oo dhinacyadan ay cadaawadda ka dhaxeysay, waxay hadda yeelaneysaa weji wadahadalo iyo dib u heshiisiin. Labiska la xiranayo? Tan iyo markii ay diyaarad aan la socday ka soo kacday magaalada Kabul oo aan u soo duulnay Dooxa, waxaan ka fikirayay dhammaan dhinacyo ay ka mid tahay xuquuqda haweenka, dastuurka, xorriyadda iyo ajandeyaasha dhinac kasta ah. Intii aan qorshaynayay tabinta arrimahan ee aan ka fikirayay wareysiyada iyo su’aalaha, waxaan sidoo kale jiray wax kale oo maskaxda aan ku hayay. “Sideen u lebistaan?” su’aashaas ayaan is waydiinayay. Su’aashan ma ahayn mid muhiim ah, waxaana xitaa laga yaabaa in aysan ku haboonayn in ragga aan wada shaqeyno is waydiiyaan. Balse ka saxafi dumar ahaan iyo anigoo og xeerarka adag ee Taliban, ee ku aadan xorriyada dumarka iyo xuquuqda haweenka, waa in aan ka fikiraa dharka aan xiranayo iyada oo ay jirto in tin illaa cirib aan is daboolayo. Waxaan halkan u imid si aan wareysi uga qaado hoggaanka sare ee Taliban iyo in aan helo shaqsiyaadkaas, waxay qeyb ka ahaayeen shaqadii saddex malmood ahayd ee la ii igmaday. 18 sano ka hor ma awoodin in waddooyiinka aan ku maro dharka aan u xirtay shirkii aan ka qeybgalay. Xilligaasi kooxda Taliban waxay dhaqangeliyeen xeer adag oo ah dhar xirashada gaar ahaan xijaab qarinaya madaxa ilaa lugaha, waxaana la ciqaabayay qof walba oo aan ilaalin ama u hoggaansamin amarkaas. Waxaan is weydiiyay ‘isbedal intee la eg ayaa ku dhacay, sidey se ii qaabili doonaan hadda?’ ‘Qaladaad way dhacaan’ Markii aan jiray 4 sano, ayaan mar raacay eedadey oo xijaab xirnayd. Markii aan gaarnay goobtii aan u soconay waxay iska bixisay niqaabkii ay xirnay iyada oo feeday wajigeeda, ka dibna nin Taliban ka tirsan ayaa ku dhuftay ul, aniga oo arkaya “qari wajigaaga,” ayuu ku ku yiri. Shazia Haya oo wareysi ak qaaday mid ka mid ah maxaabiista Taliban ee la soo daayay Waa ficilladaas oo kale waxaan goob joogga u ahaa markii aan carruurta ahaa, mana hilmaamayo maalintaasi oo xitaa markaan guriga soo gaarnay waxaan eegayay daaqadda, aniga oo hooyo waydiinaya, “mana daba socdaa? Ma noo imaanayaa?” Shirka Dooxa, markii aan la hadlayay mid ka mid ah wakiillada Taliban, waxaan la wadaagay xusuustan, waxaana weydiiyay sida uu dareemayo. “Qaladaad ayaa horey u dhacay mar dambe na laguma noqon doono,” ayuu ku jawaabay Mid ka mid ah tallaabooyiinka ugu muhiimsan waxay ahaayeen in haweenka ay hadda meelo badan ka muuqdaan. Ugu yaraan boqolkiiba 25%, kuraasta baarlamaanka, waa in ay haweenka noqdaan, waxayna dumarka ka muuqdaan warbaahinta, waxaana jira saraakiil dumar ah oo da’a yar ah. Iskuulada iyo dalka Afqaanistaan Waxyaabaha aad dareemi karto oo aad ogaan karto waxaa ka mid ah inay sii kordhayso tirada gabdhaha iyo haweenka iskuullada dhiganaya. Qoyskeyga ayaa muddo dhowr bilood ah ku noolaa dalka Pakistan, waxaana so laabanay markii ay Mareykanka ku soo duuleen Afqanistan ee la dhisay dowladii kumeelgaarka ahayd. Waxaan xusuustaa in aan arkayay xayiisiimo ku dhagan magaalada Kabul oo ku saabsan waxbarshada, waxaana ku dheganaa sawiro wiilal iyo gabdho faraxsan waxaana ku qoranaa “aan waxbarano”. Walaashey iga wayn, waxay Taliban u diideen in ay iskuulka dhigato, balse waxaan aabe ka codsaday in aniga aan iskuulka aadi karo. Waxaa dalka Afqanistaan hadda iskuulada dhigta ku dhawaad 10 milyan oo arday, waxaana jira illaa 36 iskuul oo ay gabdhaha gaar u ah. ‘Hadii aad gaartaan heshiis nabadeed, oo na u safartaan Kabul, ma u maleynaysaa in tan ay mar kale dhaceyso?’ waxaan su’aashan waydiiyay Suahil Shaheen oo ah afhayeen xafiiska siyaasadda ee Taliban ee ku yaalla Qadar. “Haa dabcan waad sameyn kartaa, balse waa in aad xirataa xijaabka Muslimiinta,” ayuu ku jawaabay isaga dhoola cadeynaya. Xorriyadda Goobta hoteelka waxaan ku arkayay xubnaha Talibaan oo aan dan ka lahayn dumarka ajaaniibta ah ee goobta ku sugnaa iyagoo aan xiran dhar kala duwan ama xijaab, waxaana la yaabay in kooxda ay aqbali lahaayeen in dumarka Afqanistaan ay u noolaadaan qaabka ay doonaan. Xuquuda dumarka iyo xorriyada waa qodobbada ugu adag ee labada dhinac ay ka wadaxaajoonayaan. Shazia Haya oo sawir ka qaadaysa ergada Taliban e shirka Doxa Shan ka mid ah xubnaha wadahadalada u matalaya dowladda waa haween, waxayna wadaxajood kula jiraan ergo dhammaantood ka kooban rag oo ku adkeysanaya in dumarka lagula dhaqmo sharciga Islamka. Xubin kale oo ka mid ah ergada Taliban ayaan waydiiyay fikirka uu dumarka ka aaminsan yahay iyo sababta aysan dhinac Taliban wadahadalada ugu soo darin dumar. “Dumar wax ayaan barnay; waxay ka shaqeynayaan gidaarka dhiniciisa dambe, haddana lama joogo wakhtigii ay halkan imaan lahaayeen,” ayuu yiri. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho, waxaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay shir dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya uga socday maalmihii la soo dhaafay oo looga hadlayay arrimaha ku gadaaman habka iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-ka iyo 2021-ka,waxaana laga soo saaray ugu dambeyn war-Murtiyeed ka kooban 15 qodob . Heshiiska cusub ayaa meesha ka saaraya heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubalannd. Si loo dhaqan geliyo, heshiiskan wuxuu u baahan yahay in marka hore ay baarlamaanka ansixiyaan. Qodobbada lagu heshiiyay oo gaarayo illaa 15 qodob waxaa lagu wadaa in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo isla markaana ay ansixiyaan, hasayeshee waxaa su’aal la iska waydiinayaa ma ansixin doonaan baarlamaanku maadama 15-kii bishii Luulyo ee aynu ka soo gudubnay uu guddoomiyaha baaralmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku gacan seyray go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya. Muddooyinkii ay socdeen wadahadallada arrimaha doorashooyinka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa qaar badan oo ka mid ah xubnaha golaha shacabku waxaa ay ku doodayeen in ay muhiim tahay in dalka doorasho ka dhacdo iyaga oo u cuskanayay balan qaadkii madaxda sare ee dowladda iyo in sharci ahaan wakhtiga laamaha kala duwan ee dowoladda uu hadda dhamaad yahay. “Horta golaha shacabku wax uu gaar u leeyahay oo oalaha kale aanu la laheyn waxaa weeye waxaan inaaney u fahmin awood ay leeyihiine in ay is dhaafiyaan ayaa la qaatay”ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qadar una waramayay BBC-da. Sidoo kale waxaa uu sheegay in haddii xitaa baarlamaanku isku dayo inuu diido ansixinta heshiiskaan laga gaaray arrimaha doorashada Soomaaliya aan loo joojin doonin isla markaana laga socon doono loona arki doono baarlamaanka in ay rabaan in si sharci darro ah ay ku sii joogaan kuraasta. “Anigu intaan ka fahamsanahay xataa haddii ay ka horyimaadaan waa laga soconayaa oo cidna u istaagi mayso waayo waa niman in ay sii joogaan raba ayaa la leeyahay go’aan ka gaara”. The post Maxaa dhici kara haddii uu baarlamaanku diido heshiika DF iyo Maamul Goboleedyada? first appeared on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The long-awaited appointment of a Prime Minister had followed the agreement on the electoral model for 2021 elections in Somalia. Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister-designate, is a political novice connected with one of the poltico-religious cliques in Somalia — Damuljadid (the new blood). A picture surfaced showing Roble with key Damuljadiid members, former President Hassan Sheikh Mohamed and Abdikarim Guled, the former Interior Minister, who hails from the same constituency as the new Prime Minister’s. Another picture shows he’s posing for the camera with the former Prime Minister Hassan Ali Kheire. Entrenching Somali post-Islamists’ interests: Roble (third from left, standing) with key Damuljadiid leaders including former President Hassan Sh. Mohamud ( six from left, standing). With the political parties excluded from impending elections, the appointment of Prime Minister allied with Damuljadiid hints at the trend that post-Islamist Somali political cliques managed to forestall a substantive political change in Somalia. The return to 4.5 powersharing system as foundation for elections not only dashes hopes of those who thought the discriminatory system can be married with one person, one vote elections without addressing the plight of the politically marginalised social groups. Politically, Somalia has been edging towards a return to 1990s-style politics to assign more political powers to self-appointed ‘powerful’ social groups. The tentacles of post-Islamist Somali cliques reach into all facets of political and commercial arenas at the federal and sub-national levels. “Somali post-Islamists’ political programme comes across as incendiary. They have a tendency to simultaneously appeal to clan and religious sentiments to bolster their political capital” argued Shu’ayb A. Bile. The new Prime Minister was spared the hassle to negotiate a deal on the electoral model. He comes to the office with less political pressures, only the commitment to delegate more powers to the Federal Member States to prepare Somalia for elections and to keep post-Islamists in power. © Puntland Post, 2020 The post A “Compromise” Somali Prime Minister appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Eight photographers poignantly show the true human cost of the pandemic, and how it must force us into a radical re-think NEW YORK, United States of America,- The United Nations Development Programme (UNDP) has gathered an exciting and thought-provoking selection of prize-winning international photojournalists for the 2020 edition of the international photography exhibition Photoville. Their work on the theme, The far-reaching fallout from COVID-19, how a once-in-a-century crisis is re-shaping the world will be on display from September 17 to November 29 at Brooklyn Bridge Park, in New York. This year’s UNDP exhibit shines a spotlight on the COVID-19 pandemic’s effects as it sweeps over the rich and the poor—from the deserted streets of the mighty economic engine of New York City to the so-called “Sewage Slum” of Nairobi, where some of the world’s most vulnerable people face even more hardship. Eight photographers poignantly show the true human cost of the pandemic, and how it must force us into a radical re-think; about how we live, how we consume, how we treat the planet, and how we treat each other. Photoville, put on by United Photo Industries, is an annual international photography exhibition held in Brooklyn, New York. It is the largest annual photographic event in the city and among the most-attended photographic events nationwide. In 2019 it attracted more than 100,000 viewers in ten days. The photographers Ziyah Gafic documents how COVID-19 is adding to the dangers migrants face as they travel through Bosnia and Herzegovina to reach the European Union. Living in harmony with nature is one of the tenets of Bali society and Nyimas Laula follows Indonesians who lost their tourism jobs and have returned to a traditional life of farming and fishing to feed their families. The vast majority of Nairobi’s residents live in more than 100 informal settlements and are particularly vulnerable. From interrupted schooling to increased danger for sex workers, Nichole Sobecki has documented the effects of the pandemic on the city’s most vulnerable. More than 80 percent of Indians work in the informal sector and Dhiraj Singh has witnessed the heartbreaking losses many have faced simply because they were too poor to be able to afford transportation back to their home villages when they lost their jobs. Even before the pandemic Zimbabwe was struggling with an economic crisis and hyperinflation. Cynthia Matonhodze followed essential supermarket workers who risked their health going to work because they couldn’t afford to lose their jobs. By late March, New York City had become the epicentre of the COVID-19 pandemic in the United States. When a massive lockdown went into effect, the “city that never sleeps” began a three-month hibernation. Dina Litovsky walked Manhattan’s empty streets after sunset, documenting how the psychic landscape of city was affected by the crisis. The Fluxus Foto Collective has highlighted Ecuador’s efforts to support education during lockdown using WhatsApp, which allows children and teachers to communicate freely, and send videos, voice, and text messages. Nadège Mazars took to the deserted streets of Bogotá as the county went into lockdown and the mirage built on the excesses of over-production and consumption fell away. The Photoville exhibition opens in Brooklyn Bridge Park on Water St., under the Brooklyn Bridge, on September 17 and continues through November 29. SOURCE United Nations Development Programme (UNDP) Qaran News
