-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
COMMENTARY. Mogadishu — Somali journalists face threats from different directions. Al-shabaab operatives target journalists who do refer to the group as a terrorist organisation. The Federal Government and some Federal Member States practise a zero-tolerance media outlets of journalists who are critical of policies or publish articles or opinion pieces that show authorities in bad light. Abdinur Mohamed, Director of Communications at the Somali Presidency, has some ideas to improve the state of the media in Somalia. At an event to launch the Government Public Relations Office and the Press Law Abdinur castigated the freedom” that Somali journalists enjoy. “In Mogadishu there is limitless freedom of the press. There are many radio stations in Mogadishu. Some media outlets have the freedom to support foreign countries against the Somali national interest. This type of freedom of the press must be regulated” Abdinur said. Abdinur: There is limitless freedom of press in Somalia. Tolerance might have had its dictionary definition changed if a government that sends a journalist to jail for “slander” can be tolerant of journalists “working in cahoots with foreign countries”. The moralistic attitude of a senior Villa Somalia official towards the media gives away the intention of the Presidency to bully the media into becoming the unofficial mouth-piece of the Federal Government of Somalia. Too many radio stations in Mogadishu or other parts of Somalia are not a sign of freedom of the press. Media houses started life as “the voice of clans” after 1991. During the first half of 1990s Mogadishu-based journalists launched cyclostyled daily newspapers such as Midnimo and Shabelle Pres. Dalka, launched in 1991 by the Ministry of Information and printed at the former State Printing Agency, ceased publication, only to be re-launched in a different format a few years ago. A government that controls the media directly or indirectly cannot and will not be able to promote freedom of press. Neither the cavalry manner in which some Somali journalists report on politics nor the control freakery of the Federal Government of Somalia when it comes to media relations forebodes a better journalism era in Somalia. Journalists working for private radio stations and television networks have the wealth of experience to learn from past mistakes instead of looking up to the government as a purveyor of journalism ethics. The sarcasm in the statement of the Villa Somalia Communications Director is a wake-up call for Somali journalists who have to be on the guard against granting Villa Somalia or any other authority the privilege to label Somali journalists from expediently high moralistic pedestal. By Hassan Mire Dahir (Hassaney) Ideas expressed in this commentary do not necessarily reflect the position of Puntland Post. The post Muzzling the Somali Media by Stealth appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Galmudug. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu xusay in madaxweynaha uu Cabdicasiis Nuur Xuseen u magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug. Halkaan ka akhriso Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto,2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Galmudug. Madaxweynaha Dowladda Galmudug Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga. Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha. Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha. Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug. Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM Wuxuu soo saaray xeerkaan: Qodobka 1aad Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM Qodobka 2aad Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-shabelle-26082020.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ee safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Danjire Jamaal Maxamed Barrow. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Nigeria ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Safiirka dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Nigeria Danjire Jamaal Maxamed Barrow, ayada oo ciidamada Qaranka wadanka Nigeria uuka qaatay salaam qaas ah ay siiyeen safiirka. Intaasi kadib Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria ambassador Jamaal Maxamed Barrow, isagoo xusay inay xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya Labada dal. Dalalka Soomaaliya iyo Nigeria ayaa xariir qoto dheer hore ugu lahaa, waxaana burburkii dalka kaddib uu ahaa mid gaabis uu ku yimid maadaama dowladii dhaxe ee dalka ay meesha ka baxday. Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo celisay xariirka kala dhaxeeya dowladda Nigeria oo ka mid ah wadamada ugu horeeya Qaaradda Afrika, waxaana Danjire Jamaal Maxamed Barrow horyaala howlo badan oo ah kor u qaadista xariirka labada dowladood iyo soo nooleynta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada wadan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Waxaa Caawa la soo geba-gabaynaya Shirka Madaxda Puntland iyo Jubaland uga socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirka oo saacadihii u dambeeyay cadaadis xooggan kala kulmay Beesha Caalamka, gaar ahaanna Safiirka Maraykanka u qaabilsa Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed lagu diiddanyahay Qodoba kamid ah Heshiiskii Dhuusamareeb 3. Safiirka Maraykanka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, oo maalmihii u dambeeyay dadaal ku bixinayay in ay dhex-dhexaadiyaan Puntland iyo Jubaland oo isku mowqif ah iyo Villa Somaliya, ayaa dhinacyada cadaadis ku saaray in ay mar kale wada-xaajood bilaabaan, si loo dhammeeyo Tabashada Deni iyo Axmed Madoobe ka qabaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3. Dhex-dhexaadintii Beesha Caalamka waxa ka dhalatay, in Deni iyo Axmed Madoobe lagu qanciyo in ay tegaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana Beesha Caalamku gar-wadeen ka noqoto Wada-xaajoodka labada dhinac. Ugu dambeyntii waxaa Caawa lagu ballamay in Talaadada soo socota oo ku beegan 1-da September ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ka degaan Magaalada Muqdisho, si loo bilaabo Wada-xaajoodka Arrimaha Doorashada 2020/2021. Deni iyo Axmed Madoobe, waxay Xerada Xalane Kulan gaar ah kula qaadan doonaan Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto sidoo kale waxa xigi doona Kulan u dhexeeya iyaga iyo Farmaajo, kaas oo diiradda lagu saari doono Tabashada Puntland iyo Jubaland. Kulamadaas kadib, waxaa Muqdisho si rasmiya uga furmi doona Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo lagu turxaan-bixin doono Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubaland ka maqnaayeen. Waxaa xusid mudan, in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Maalinta Berriya dib ugu laaban doono Magaalada Kismaayo, si uu Wada-tashi ula soo sameeyo Golayaasha Maamulkiisa, ka hor inta uusa Muqdisho u dhoofin. PUNTLAND POST The post Xogtii u dambaysay ee Shirka Garoowe uga socda Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Waxa dhowaan lagu qabtay magaalada Hargeysa kulan lagaga hadlayey dhibaatooyinka lagala kulmo habdhaqanka qalloocan ee haybs sooca. Dhaqanka hayb soocu waa dhaqan salka ku haya badownimo, dadnimo xumo, garasho liidata, kalsooni darro ku habsatay int wax is bidda bulshadeenna. Waa dhaqan gurracan oo qayb bulshadeena ka mid ahi kula kacdo qayb kale oo isla bulshadeenna ka mid ah. Si kasta oo aad ugu fiirsatid wax kala geddisnaan ah oo u dhexeeya qofka wax hayb soocaya iyo ka la hayb soocayo heli maysid. Xag midab, xag af, xag diineed xag dherer/gaabnaan, xag cunto, xag cibaado, xag hu’/dhar, ma jiro wax dadkaa kala sooca. Haseyeeshee markaad usii dhabo geshid waxa kuu soo baxaya laba wax oo laga yaabo inay tahay sababaha qarsoon ee labada dhinac ku kala geddisan yihiin 1) Tan koowaad waa karti, adkaysi iyo farsamo wax soosaar, taasoo kan la hayb soocayaa dheer yahay kan wax hayb soocaya. 2) Tan labaadna waa sawir-beenaad maskaxeed oo fulaynimo iyo kartidarro huwan, oo kan wax hayb soocayaa dugsado, si uu ugu buuxiyo meel daloosha oo damqanaysa. Sawir maskaxeedkan ama humaaggan beenta ah ee uu sawiranayo qofka wax hayb soocayaa dawo dhab ah uma noqonayso boogtiisa uu rabo inuu ku dedo si aan loo arkin. Boogtaas dawadeedu waxay ahaan lahayd inuu si run ah u wajaho nolosha, oo uu walaalkii kula tartamo karti, farsamo, xalaal-quudad iyo adkaysi. Kan wax hayb soocayaa markuu tartankii ku fashilmay ayaa wuxuu miciin biday inuu wanaaggii walaalkii gaadhay u beddelo humaag-beenaad cay iyo ceeb ah! Tani waxay la mid tahay dawacadii laga sheegay inay kabaha Nabiga gaadhi weydey ee tidhi “uf”. Tani waa xaasidnimo meeshii ugu danbeysey. Tusaale ahaan, ninkii birta tumayey ee agabkii horumarka iyo nolosha ee aadanuhu baahida u qabey ku guulaystay inuu kaalintiisii buuxiyo, ayaa kii nolosha ku fashilmay uu magac uu ku liidayo ula baxay. Waxaase la yaableh magacaasi laftiisu waa magac farsamo oo qurux huwan, waa magaca “TUMAAL.” Kii kabaha samaynayey, hargaha iyo saamaha farsamaynayey ee ka tolayey saabaanka iyo agabka baahida weyn loo qabo waxa loogu yeedhay “KABATOLE.” Magacan laftiisa nuxur ahaan waa magac farsamoyaqaannimo huwan. Bal hadda u fiirso magacyadani xadaarad iyo ilbaxnimo ayaa ka muuqata. Laakiin, dhibku waxa weeye, maskaxdii masayrsanayd ee cuqdaddu dabooshay ayaa go’aansatay in magacyadani in ay foolxun yihiin. Kuwa maanta wax hayb sooca miyaa laga waayey qof si miyir qabta u fekera oo yidhaahda magacyadani (kabotole, iyo tumaal) waa caqli, farsamo iyo karti la is dheeryahay. Waa wershedda daboosha baahida kuwa masayrsan ee cuqdadu ka indho tirtay in ay si miyir qabta u fekeraan. Kabatole iyo Tumaal waa wershedaha aynu baahiyaheenna nololeed kula soo eeranno oo lagaga jawaabo. Bal qiyaas bulshadeenna Soomaaliyeed oo aan haysan farsamoyaqaannada daboolay baahiyihii wershadaha. Bal qiyaas, kabo la’aan, suun la’aan, waran la’aan, gudin la’aan, mindi la’aan, toorrey la’aan, boorso la’aan, digsi la’aan, daawe la’aan, yaambo la’aan, iwm. Haddaba iyadoo sidaa nolosha loogu kala tegey, oo qolona bulshada baahiyaheedii kafeysey, qoladii kalena aanay hadaltiro mooyee waxba adduunka ku soo kordhin, maxaa keenay in si qalliban loo fekero, oo wanaaggii xumaan loo arko? Maxaa keenay in la quudhsado kii la majeeran lahaa? Maxaa keenay kii dhuuman lahaa in uu u tookho kii uu ka dhuuman lahaa? Goormaase la waayo arkayaa oo la kala baranayaa waxa lagu faano iyo waxa laga faano? Su’aalahaasi dhammaanteen jawaab bay inooga baahan yihiin. Aan u soo noqdo kulankii dhowaan (16kii Agoosto 2020) Hargeysa lagu qabtay ee in badan oo waxgaradka Soomaalida ka mid ah dareenkooda taabtay. Kulankaasi waxa hadallada maanka taabtay, ee qofkii damqasho aadaninimo ku jirto la ilmeeyey goobta ka soo jeediyey, saddex nin oo saddexdooduba ka soo jeedaan dadka samaha loo quudhi waayey ee xumaanta loogu beddelay iyo hayb sooca. Waa Mahdi Cismaan Buuri, Barkhad Jaamac Batuul iyo Maxammed Xasan Cali (Weji). Qofkii xis iyo maan nool leh haddalladaasi meel bay ka taabteen. Mahdi Cismaan Buuri oo saddexdaa nin ka mid ahaa isagu qalbijabkii iyo muraaradillaaci wuu ilmeeyey goobtiina wuu ka kacay. Mahdi keligii ma ilmaynin oo kumanaan qaarna meesha joogeen, qaarna marar kale muuqaalka arkeen ayaa la ilmeeyey. Waxa uu Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd wax dhab ah oo qarniyo soo jirey oo lagula dhaqmayey isaga iyo inta ay isku haybta yihiin, aabbayaashood iyo awoowayaashood. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd dulmi iyo xaqdarro dhaqan iyo sharciba laga dhigtay. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd wax qofna aanu naftiisa la jeclaadeen in lagula kaco. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd waxa ubadkiisa sugaya (haddaan ciyoon laga gilgilan) ee ka hor is taagi doona xorriyaddii iyo xuquuqdii Ilaahay aadanaha siiyey. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd waxa xaddidaya doorashada iyo dookha wiilkiisa iyo gabadhiisa. Waxa mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd wax maalin iyo habeenba mudan in laga ilmeeyo oo laga dagaalamo, ilaa laga hubsanayo in la cidhib tiro. Nasiib darro dad ka mid ah kuwa caadaystay inay walaalohood faquuqaan oo hayb soocaan ayaa ficilkii Mahdi Cismaan dhibsaday. Dadkaasi malaha waxaa la qummanaatay inay buste huwiyaan xaqdarrada iyo xumaanta iyo foolxumada lagula kacayey walaalaheenna Soomaaliyeed ee la hayb sooco. Waxaan maanta daawaday muuqaal aan aad iyo aad u saluugay ugana calool xumaaday. Muuqaalkaasi waxa laga duubay Mahdi Cismaan Buuri. Mahdi wuxuu raalligelin ka bixinayaa dareenkiisii runta ahaa ee ilmada ka keenay dhowaan isaga iyo kumanaanka kale ee Soomaaliyeed ee aan ka midka ahay. Waxa muuqata in xukuumadda Somaliland ee Mahdi ka tirsan yahay “magac ahaan” ay Mahdi ku dirqiday inuu oohintiisii iyo dareenkiisii runta ahaa ka bixiyo raalli gelin! Waxaan aad iyo aad ii dhibtay raalligelintaa Mahdi oo iila muuqatay mid madaxtooyada Somaliland laga soo maleegay. Madaxtooyada Somaliland waxa la gudboonaa inay wax ka qabato waxa Mahdi Cismaan iyo kumanaanka kun oohinta ka keenay ee meel walba laga daawaday. Waxa la gudboonayd inay wax ka qabato oohinta ay uur-kutaallada iyo murugada la deriska ah boqolaalka kun ee Mahdi ay haybta gabooye wadaagaan. Kuwaasoo habeen iyo maalin uurka ka ooyaya. Madaxtooyada Somaliland waxa la gudboonayd inay Mahdi wiilkiisa/gabadhiisa iyo carruuraha kale ee Gabooye u abuurto rajo ay ku tuuraan dulmiga qarniyada la soo kala dhax layey, ee ka dhanka ah beelaha la hayb sooco. Gebagebadii: Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba dib ha isugu noqoto oo inta toobaddu furan tahay walaalahood iyo Eebbe weyneba cafis ha weydiistaan. Somaliland-na ha beddesho Aan ku addoonsadee ha ooyin, haddaad ooydana raalli gelin ka bixi”. Hoos ka daawo Oohintii Mahdi, raalli gelintii oohida, iyo maanso aan hore uga tiriyey dullinimada hayb sooca. 1) OOHINTII MAHDI 2) RAALLI GELINTII MAHDI 3) DADNIMOOY-OOY – MAANSO AAN HORE U TIRIYEY. dalmarbilaal@gmail.com Maxamuud Ibrahim (Xaaji) Qaran News
-
Cairo – 26 August 2020 – UNFPA, IPPF AWR and the other members of the Arab World Advocacy Network (AWAN) for Sexual and Reproductive Health and Reproductive Rights noted that integrating sexual and reproductive health and reproductive rights into their Covid-19 response and recovery so far have fallen short and stress that it is now more important than ever before to realize women’s and girls’ choices and rights to sexual and reproductive health and reproductive rights. AWAN is the Arab World Advocacy Network for Sexual & Reproductive Health and Reproductive Rights (SRH & RR) co-founded by UNFPA Arab States Regional Office and IPPF Arab World Region with the membership of several organizations that share the same objectives in terms of advocating for women, girls’ and young persons’ SRH needs and RR. AWAN acknowledges the unprecedented challenge that Covid-19 poses and stand in solidarity with women and girls who are disproportionately affected by the pandemic. Women account for 70% of health workers, and they perform nearly five times as much unpaid care work as men, putting them at a greater risk for contracting the virus. AWAN reiterates that it is critical that Arab governments ensure the continuity of essential sexual and reproductive health services, respecting the reproductive rights of women and girls and their right to bodily integrity and autonomy. Read the full statement here: https://shar.es/abdtCj Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Caawa magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulkaasi. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Qoor Qoor oo ku taariikhaysan 26-ka Agoosto 2020 ayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug loogu magacaabay Cabdicasiis Nuur Xuseen. Wareegtada ayaa lagu xusay in Madaxweynuhu Magacaabidda sameeyay kadib markii uu arkay Soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug islamarkaana garowsaday baahida deg dega ah ee loo qabo dhisidda Xeer ilaalinta Galmudug. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay shirkooda Garoowe ku ogolaadeen in todobaadka soo socda ay yimaadaan magaalada Muqdisho, si halkaas uu uga furmo shir kale oo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayuu hadda shir uga socda magaalada Garowe, halkaas oo ay isugu tageen markii uu Dhusamareeb ku soo gaba-gaboobey shirkii madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ee Dhuusamareeb-3, kaas oo aysan ka qeyb gelin Deni iyo Axmed Madoobe. Shirka labadan madaxweyne uga socda Garowe ayaa lagu wadaa inay ka soo saaraan war-murtiyeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu jiray dalab Madaxweyne Farmaajo ka yimid oo ahaa inuu Garowe ugu yimaado madaxda Puntland iyo Jubbaland, balse taas bedelkeed ay u sheegeen in iyagu Muqdisho ugu tegayaan. Xubnaha beesha caalamka ayaa gadaal ka riixaya shir kale oo ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si meesha looga saaro madmadowga qorshaha arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/2021-ka. The post Wararkii ugu dambeeyey shirka Axmed Madoobe iyo Deni iyo arrin ay ogolaadeen first appeared on Caasimada Online.
-
Guddiga fatahaadda Beladweyne ayaa duleedka magaalada ka sameeyey buurar (caro tuur) loogu talagalay in lagu celiyo fatahaadda soo noq noqoay ee magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wararka aynu heleyno ayaa tilmaamaya in biyihii ugu badnaa ay iminka soo gaaray duleedka Beledweyne, iyadoo hadda ay celinayaan biyo xireen (carro tuur ) oo ay dhigeen guddiga fatahadda webiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
On 29 June, activist musician Hachalu Hundessa was murdered, triggering protests and unrest that killed at least 239 people, and a heavy crackdown by security forces that has since seen more than 9,000 people detained and internet services shutdown for almost three weeks. Hachalu’s place within the collective Oromo consciousness was as a cultural icon and once-in-a-generation performer. He was cherished by millions of Oromo as an artist that captured the melancholy surrounding their struggle for freedom and equality. That very struggle helped bring Prime Minister Abiy Ahmed to power in 2018. Unsurprisingly, Hachalu’s killing evoked strong sentiments of anger similar to how graphic police brutality recently elicited similar reactions in the U.S. and elsewhere. One tragic result was Oromo mobs targeting ethnic minorities and businesses in the Oromia region. Despite criticisms against the government for its slow response at preventing looming human and economic devastation, a heavy crackdown ensued. Opportunism Rather than looking at these unfortunate events as an opportunity to unify a deeply polarized society and instill trust and legitimacy in disregarded law enforcement and judicial institutions, the government chose to exploit the tragedy for political gain. Hachalu could have been given a dignified memorial worthy of a freedom fighter here in Addis Ababa similar to General Seare Mekonnen, or legendary singer Tilahun Gessese, while still respecting the family’s wish of Ambo as his final resting place. It too could have put its security apparatus on alert to prevent the gruesome violence we have seen in Oromia. But it instead chose to use the opportunity to settle political scores and aggravate an already tragic situation. It engaged in finger pointing, insinuations, and media campaign to ‘poison the well’ before formal investigations or public debate could even begin. These same law-enforcement agencies which claim to have uncovered a deep external-internal web of conspiracies against the state have yet to resolve any of the high-profile killings from the last two years. That being the case, any further lack of transparency and due process is set to erode whatever trust remains in the government and state institutions critical for democracy. Backsliding signs We are at a crossroads facing a multitude of fundamental problems that need meaningful answers. Yet all that the Abiy government can offer is empty slogans and pseudo-profound rhetoric that will set back the quest for a multinational, federal democratic state. Two years into a high-stakes and high-expectations transition, the jailing of high-profile opposition figures, cracking down on protesters and journalists, mass arrests, mistreatment of prisoners, dubious judicial processes, and a lack of broad national dialogue still persists. For a transition to succeed, you need a government and a democratic process of which elections are not only a minimum requirement, and which are rooted in legitimacy and transparency. None of that is enjoyed by the incumbent. The misgivings clouding a once-in-a-generation opportunity for a progressive, democratic dispensation are numerous; the government’s heavy-handed response to the unrest in the wake of Hachalu’s death, the documented killings and abuses in Oromia and Amhara, crackdowns on opposition, a looming constitutional and security crisis due to PP-TPLF standoff, the indefinite postponement of elections, and the Abiy government’s unwillingness for dialogue or compromise. If these events are anything to go by, it is eerily similar to the toxic political climate following the 2005 election. I remember the suffocating political heat of those days like yesterday. Road to nowhere The odds for a triumphant transition to democracy were already bleak, since the subject of reform is the ruins of an archaic imperial state with its own social, cultural, and historical burdens. An ethnic plutocracy in the form of the TPLF, hell-bent on political, economic and ideological domination, was the main obstacle to reforms in the last three decades. However, it is an intolerant, and often impetuous, hodgepodge elite that includes the ruling party, opposition parties, activists, civil society organizations, diaspora groups, online and broadcast media outlets flexing to dismantle the current multinational federalism that are the biggest spoilers to a smooth democratic transition. Their preferred label is as ‘Ethiopianists’, however, their detractors dismiss them as ‘Neo-neftegnas’ —an assortment of people nostalgic for the regressive imperial era, who despise the current multinational federalism, and attribute the recognition and autonomy granted to the nations and nationalities to be the source of all our social and political ills. Multiple studies have found that they are predominantly urbanites, ethnically Amhara, and disproportionately dominate levers of power: government bureaucracy, media, and finance. They pursue this as a zero-sum game, and to the detriment of historically marginalized communities. Regardless, this current fight is one for the soul of this nation; what it should embody and envision for this generation and the ones that follow. And it is only beginning. These faux unitarians and their counterproductive ways are baffling. They call themselves ‘Ethiopianists’, and claim to stand for unity. But it is hard to see anything especially Ethiopian or unifying about them, their approach, their historical narratives, or the society they envision. They claim ultimate guardianship over the Ethiopian state, and are determined to delegitimize and criminalize the legitimate ‘question of the nations and nationalities’ and their struggle for justice and equality. Nonetheless, the more their historical suffering is ignored, the louder the echoes of imperial drums grow. And, the more their aspirations deferred, the less likely we are to realize a nation that is at peace with itself. What I like to call ‘Ethiopia’s original sin’—the violence, the subjugation, the oppression, and the subsequent marginalization of the Nations Nationalities and Peoples upon which it was founded—are still too raw and intense to simply wish away. For example, the story of Menelik II and his violent Zemechas, or conquests, has a different meaning for me and my ancestors than those who still hold him in high esteem as a godlike figure. There was no love lost between Menelik II and my great-grandfather’s generation. Being the Somali tribes along the Jigjiga Valley, they were the first to try to stave off Menelik’s incursions, but unfortunately fell prey to them and his better armed crusaders in the likes of Ras Mekonnen, Dejazmach Benugise, and Kenyazmach Basha-Basha. As Major H.G.C.S Wayne documented in his book; Seventeen Trips to Somaliland and a Visit to Abyssinia, when he trekked northern Somali territories and eastern Ethiopia in late 1890s, Menelik II’s mistreatment of the Somalis was equal to their unforgiving mistrust towards him. So much so they were willing to live under British rule, as documented by Major Wayne, with some semblance of order, rather than the humiliation and degradation of a true despot. Baseless It is Abiy’s alignment with these neo-imperialists and Derg remnants that is the biggest hurdle for the transition. They sit at the crux of political, cultural, economic, military, security and media vessels that were left rudderless by the abrupt retreat of TPLF, and are determined to crush everything and everyone they see as a threat. This does not bode well for a smooth transition. Moreover, there are a range of controversial figures that bear the banner of the ‘Ethiopianist’ camp. This includes exposed xenophobes, to former Derg generals like Fisseha Desta, Mengistu’s second-in-command, and Kassaye Chemeda who even called for violence on national television. These figures are either in the Prime Minister’s inner-circle, have influence on policy, or are praising him on state television. The biggest threat to our societal cohesion and the continuity of the state does not lie with those pushing for greater autonomy and recognition for nations and nationalities. Rather, it lies with those fantasizing about the past, with their preferred cut off for the ‘good old days’ being prior to the EPRDF-era. Continued bullying of anyone refusing to buy their outdated, out of touch dogma into silence by hurling demeaning and crude reductionist insults such as ‘treasonous mercenaries’, ‘savage extremists’, ‘tribal nativists’, ‘terrorists’ will not bring peace and unity. Exit strategy In his inaugural speech, Abiy called for national reconciliation, forgiveness, and the closure of our dark past, promising ‘‘to forge ahead to bright future through national consensus’’. For someone who came to office on a platform of unity and dialogue, it is worth emphasizing the only way forward is by backing out of the current quagmire. It is equally worth noting that any genuine attempt at national dialogue and reconciliation starts with the immediate release of all political prisoners as part of aiming for a comprehensive settlement. If our Nobel laureate Prime Minister can embrace the last true despot in the Horn of Africa, President Isaias Afwerki, as a force for peace and development, finding common ground with his detractors here at home shouldn’t be too hard. However, it is hard to guess if Abiy has come to terms with the reality that no one can rule Ethiopia in peace, and longevity, while making a career out of angering the only tent that can provide a viable governing coalition. Abandoning his natural constituency, the Oromo, neglecting Somalis and the issues they care about, feuding with the Sidama, clashing with the Wolayta and suffocating Tigray is not a good place to start if the goal is to reach peace and unity, and underwrite state continuity. Source: Ethiopia Insight The post Nostalgic Ethiopianists threaten national unity appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh ayaa maanta kulan la qaatay guddiga dastuurka iyo guddiga madaxbannaan ee dib u-eegista dastuurka. Guddoomiyaha ayaa guddiga warbixin ka dhageystay ku aadan guulaha laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo caqabadaha hortaagan dhamaystirka dastuurka. Guddoomiyahu wuxuu bogaadiyey hawsha ay qabteen labada guddi asagoo lawadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadaha heysta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo maanta ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Daa’uud Nuur Muuse waxa uu ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland ee hadda. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka shacabka Puntland, Golaha Wakiillada Puntland, Guddoonka Golaha Wakiillada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu ku abaal mariyo Jannatul Fardawsa, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladiisii. View the full article
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxuu kulan kula qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo salka ku hayay dardar gelin shaqooyinka dowladda iyo is-xog wareysi guud ayaa intii uu socday waxuu mudane Mahdi Guuleed amaanay dowrka agaasimayaasha guud ay ku leeyihiin socodsiinta shaqooyinka qaranka. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo caddeeyay guul laga gaaray Amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda loo dhanyahay, ay horumuud u ahaayeen agaasimayaasha guud iyo shaqaalaha dowladda, waxuuna kula dardaarmay inaysan halkaa ku ekeysan ee ay sii dardar geliyaan shaqooyinka si loo gaaro horumarka la hiigsanayo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-2682020-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay weerarkii saddex sanno ka hor ay ciidamada dowladdu ku qaadeen hoyga hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 17-kii December ee sanadkii 2017-kii, ayaa ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaadeen hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo xiligaasi uu ku sugnaa isaga iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin kale. Wasiir Ducaale ayaa waxba kama jiraan ama ‘been abuur’ ku tilmaamay in weli aysan cadaalad helin dadkii lagu dilay weerarkaasi oo uu sanad ka hor sheegay Cabdishakuur, xili uu xus u sameynayay. Cabdiraxmaan ayaa xiligaasi sheegay inay xuska dhalinyaradaas sanad walba u dhigaan ‘in aan la iloobin iyaga oo aan wali cadaalad helin’, isagoona xusay in kuwii dilay ay wali dalka xukumayaan, isla markaana hal mar aysan muujin garowshiyo. Wasiirka ayaa isaguna sheegay in dhalinyaradii ku naf weyday weerarkaasi ay heleen cadaalad, iyada oo la bixiyey magtoodii, isla markaana ay dowladduna kala xaajootay qoysaskoodii. Wuxuuna sheegashada Cabdishakuur ku tilmaamay ‘macaash siyaasadeed’ oo aan sal iyo raad midna laheyn, maadama ay dowladdu siisay ‘duugtii iyo diyadiiba’ qoysaskii dhalinyaradaasi, sida uu sheegay. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur arrintaasi waxa uu ka dhex arkay arrimo siyaasi ah, wuuna ogyahay in arrintaasi loo xaliyay qaab garsoor, dhaqan iyo mid Diini ahba,” ayuu yiri Wasiir Ducaale. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isagu sanad walba bisha December 17-keeda u sameeya xus dhalinyaradii ilaalada u aheyd, oo uu sheegay inaysan cadaalada helin, halka dowladda taasi badalkeeda ku doodeyso. The post Wasiir Ducaale oo markii ugu horreysay 'been abuur' ku tilmaamay arrin laga faafiyey kiiskii CC Shakuur first appeared on Caasimada Online.
-
The United States military says it killed six al-Shabab extremists with an airstrike in Somalia after the al-Qaida-linked group attacked Somali forces while U.S. forces were nearby. The U.S. Africa Command statement says Monday’s airstrike was carried out near Darasalam village after al-Shabab fighters attacked from a building in the area. The statement says three al-Shabab fighters were wounded. It says no U.S. forces were killed or wounded, dismissing an al-Shabab claim of U.S. casualties. Al-Shabab remains the most active Islamic extremist group in Africa, and the U.S. under President Donald Trump has increased the number of airstrikes against it. View the full article
-
The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting the blockade of miraa imports. Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) reckon that talks to end the khat stalemate have hit a snag and Somali has issued demands that must be addressed by Kenya. The demands include; Kenya must treat Somalia as an equal, desist from interfering with Somalia’s internal affairs, apologise for violating Somalia airspace, allow in goods from Somalia including fish, rice, sugar, honey, meat and milk and Kenya stops forcing flights from Somalia to make a detour to Wajir for inspection. Somali had also demanded government-to-government talks after it snubbed a delegation of traders and officials from Kenya crops regulator—Agriculture and Food Authority (AFA). “Top government officials in Somalia said Kenya has been unresponsive to the issues. We are banking on President Uhuru Kenyatta to resolve the diplomatic tiff,” Nyamita chairman Kimathi Munjuri said. He said traders had agreed to pay increased tax of $4 (Sh432) per kilo in Somalia and adhere to new guidelines aimed at preventing the spread of Covid-19. “Kenya must take a concrete position on miraa because we are still facing basic challenges locally. This will go a long way in countering the anti-khat campaigners from Europe who have pitched tents in Somalia,” Mr Munjuri said. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka gudbay 30-kii maalmood ee la filayey inuu gudahood kusoo magacaabo ra’iisul wasaare cusub kadib markii Xasan Cali Kheyre xilka laga qaaday 25-kii July. Warar badan oo kala duwan ayaa kasoo baxay cidda loo magacaabayo ra’iisul wasaaraha ayada oo marba magac cusub uu kusoo biirayey liiska dadka la hadal hayo. Magacyada la hadal hayo ayaa gebigood ah shakhsiyaad badan oo kasoo jeeda beesha Mogadishu Clan. Si kastaba, Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka looga fakarayo xilkan aysan ku koobneyn oo kaliya Mogadishu Clan, islamarkaana mid ka mid ah waxyaabaha uu madaxweynaha aadka uga fakarayo ay ku jirto in muddo xileedka kooban ee ka harsan waqtiga dowladda uu xilka dhameysto sii-hayaha ra’iisul wasaaraha cusub. Weli ma cadda sida uu sharciga qabo iyo in haddii Mahdi Maxamed Guuleed uu xilka ku dhameysan karo sii-haye ahaan iyo inay qasab tahay in madaxweynaha magacaabis sameeyo. hase yeeshee, mid ka mid ah doodaha Villa Somalia ayaa waxaa ka mid ah in waqtiga harsan oo aad u yar, laguna jiro xilli kala guur ah, ay adkaan doonto in haddii ra’iisul wasaare cusub la magacaabo uu wax badan qabto, maadaama uu waqti badan u baahan yahay. Waxaa sidoo kale jirta cabsi ay qabto Villa Somalia oo ku aadan in ra’iisul wasaaraha cusub la loolami karo madaxweynaha kana horiman karo siyaasad ahaan si la mid ah Xasan Cali Kheyre. Kaaga sii daran’e, ra’iisul wasaare cusub kama baqayo xil ka qaadis, maadaama lixda bilood ee ugu horreysa aan laga keeni karin mooshin. Si kastaba, xildhibaanada Mogadishu Clan qaarkood ayaa ku gacan seeray dooddan, waxayna qabaan in tani ay tahay isku day uu madaxweynaha beesha Mogadishu Clan uga qaadayo xuquuqda matalaad ee ay ku lahayd dowladda federaalka, kadib markii meesha laga saaray Kheyre, sidoo kalena la wiiqay awooddii wasiiradii Mogadishu Clan ugu saameynta badnaa. Warar aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in arrinta ku saabsan in xilkan uu sii hayo Mahdi Guuleed ay tahay mid xooggan, balse ay jiraan caqabado badan oo madaxweynaha u diidi kara inuu sidaas sameeyo, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha weli aan ra’iisul wasaare loo magacaabin. Waxaa caqabadahaas ka mid ah cabsida laga qabo sida xildhibaanada Mogadishu Clan iyo xisbiyada mucaaradka oo badankood ay ku xooggan yihiin Hawiyaha ay uga falcelin karaan iyo waxa ka dhalan kara diidmadooda. The post Beesha Mogadishu Clan oo ay suurta-gal tahay inaan loo magacaabin raiisul wasaare first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay xeerka cusub ee warbaahinta oo ku jiraan qodobo adag oo cadaadis saaraya saxaafadda. Dowladda federaalka ayaa maanta Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu dhaqangalinayay xeerkan, waxaana ka qeybgalay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xeerkan oo la tashiyo iyo dib-u-eegis lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu, sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta. Mahdi Guuleed oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”. Xeerka saxaafadda ee Madaxweyne Farmaajo saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaranayo, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh saxiixay 2016. Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay sharcigan, waxaana la sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 qodob oo bahda warbaahintu dood ka keeneen. Ugu dambeyna waxaa meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo weli ay taagan tahay cabashadii bahda warbaahinta. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci cadaadis adag saaraya saxaafadda appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay Maandooriyayaal si sharci darro ah looga ganacsanayay xaafado ka tirsan magaalada Howlgalkaan oo qayb ka ah qorshaha xoojinta amniga iyo nabad gelyada gobalka Mudug waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida gobalka Mudug, isagoo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo. Ciidamada oo sameeyay xog uruurin iyo baaritaanno ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin Qamri iyo Xashiish aad u farabadan, oo si sharci darro ah lagu soo galiyay magaalada Gaalkacyo. Taliyayaasha qaybta Booliiska iyo nabad sugidda gobalka Mudug.Gaashaanle Sare Cabdirasaaq Maxamuud Sheekh Yuusuf (Faracadde) iyo Gaashaanle dhaxe Qaasim Shirdoon Cali ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay waxyaabaha maanka dooriya Sidoo kaleTaliye ku xigeenka ciidanka Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali ayaa isna xusay in Qamriga iyo xashiishku ay yihiin kuwa qeyb ka qaata amni darada iyo falalka dhaqan xumida ah ee mudooyinkaan dambe ku soo kordhay Gaalkacyo. Ugu danbayntii Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa bogaadiyay kaalinta ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ay ka qaataan xoojinta amniga Gobalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho laga fuliyay 10-kii bishan August ayaa waxa kasoo baxaya xogo dheeriya, sida uu baahiyay barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da. Baaritaan uu sameeyay Galka Baarista ayaa waxa lagu ogaaday in Ibraahim Maxamuud Maxamed “Gama’diid” oo ahaa maxbuus ku xiran xabsiga dhexe uu qorsheeyay weerarkaasi oo ay ku naf waayeen 19 qof, halka ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale. Ibraahim Gama’diid ayaa waxa lasoo xiray 7-dii bisha May 2018-ka, isaga oo ugu dambeyntiina lagu xukumay xabsi sanado badan ah, kadib markii lagu helay inuu qorsheynayey weerar ka dhaca xabsiga dhexe. Gama’diid ayaa muddo qorsheynayay weerarkii loo soo xiray, isaga oo gacan ka helaya shaqsi gudaha xabsiga kaga dhex ganacsada, kaasi oo Maxaabiista u keeni jirey Hilibka iyo Khudaarta. Wuxuna ku guuleystay 10-kii bishan ee 2020 inuu weerarkii loo soo xiray sanado ka hor uu ka fuliyo gudaha xabsiga dhexe, isaga oo gacan ka helaya maxaabiis kale oo argagixiso-nimo loo soo xiray. Qorshaha weerarkaasi ayaa si dhab ah u hirgelay 8-dii bishan inta la ogyahay, iyada oo hub iyo bambaanooyin lagu dhex qariyay Hilib iyo Jawaan Liin ah, gudaha loo geliyay xabsiga. Sidoo kale waxa subaxdii hore ee 10-kii bishan oo aheyd maalinkii uu gelinkeeda dambe uu weerarkaasi fulayey gudaha xabsiga lagu daabulay rasaas dheeri ah, oo qeyb ka aheyd qorshaha uu maleegayay Gama’diid. The post Sidee Ibraahim Maxamuud Maxamed "Gama'diid" u abaabulay weerarkii Xabsiga Dhexe? first appeared on Caasimada Online.
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,Mahdi Maxamed Guuleedayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xeerka saxaafadda ee dib-u-eegis dheer lagu sameeyay kadib uu saxiixay madaxdweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda dhaqan gelinta xeerka warbaahinta, ayaa caddeeyay in xeerkan oo la tashiyo ballaaran iyo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”. Xeerka saxaafadda ee madaxweynuhu saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, hase yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaran, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee dalku saxiixay 2016. Senator Axmed Macallin Nadiir oo ka mid ah guddiga arrimaha bulshada iyo warbaahinta Golaha Aqalka sare ayaa bogaadiyay dhaqan-galka xeerka saxaafadda uu Madaxweynaha Farmaajo Saxiixay. Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay waxaana wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 oo bahda warbaahintu mar kale ay dood ka keeneen, waxaana ugu dameyn meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay madaxweynaha dalka. sii hayaha wasiirka warfaafinta Dowladdda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa isna faahin sharaxaad ka bixiyay Marxaladihii kala duwanaa uu soo maray dhaqan-galka xeerka saxaafadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com