-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diyaarad Xamuul ayaa xiligay soo dagaysay ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Muqdusho waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey mid kamida Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha. Wali lama shaacin in [...] The post Diyaarad Xamuul oo ku burburtay Garoonka Aaden Cade appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna. “Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey. Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay inuu tanaasulay kadib markii dowlad goboleedyada ay ku goodiyeen inay doorashada qaadacaan oo dalku kala tagayo, taasi oo keeni lahayd in shisheeye soo faro-geliyo. “Waxaa ku tanaasulay markii ay gaartay meesha ugu dambeysay oo ah in la kala tago oo dadka rajo xumo la geliyo. Waxaa isoo baxday labo inaan kala doorto, oo ah in dalku kala tago oo wadajirkeena lumo anoo ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah, iyo inaan dalka isku hayo oo aanu kala tagin, oo aanu shisheeye na soo faragelin, taas ayaa keentay inaan qaato tanaasul iyo waxeena ha xumaado ha samaato aan gaarno go’aankeeda mas’uuliyadeeda qaadano, laakiin shisheeye aanu marna na soo dhex gelin,” ayuu yiri Madaxweynaha. Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-Sabti-19.9.2020.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay Kulan Casho Sharaf ah, oo uu u sameeyay Madaxdii ka qayb-gashay Shirkii Muqdisho, ayaa si daah-furan uga warramay culaysyadii uu kala kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada mudadii ay socdeen Shirarkii Arrimaha Doorashada. Madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay in uu shaki badan ka qabo in dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay isaga u heshiiyeen, si meesha looga saaro Mowqifkiisi ku aaddanaa in ay dalka ka dhacdo doorasho ku salaysan Hannaanka qof iyo cod. Madaxweynuhu wuxu tilmaamay, in Shirkii Dhuusamareeb 3 uu ka qaaday shaki la xiriira in Madaxda Dowlad Goboleedyada oo dhan ay horay isaga ugu heshiiyeen, si loo fashiliyo Go’aankiisa ku aaddan Doorashada soo socota, taas oo uu xusay in baaritaan lagu sameeyo. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shakigiisu sii xoogaystay kadib markii Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo Heshiiskii Dhuusamareeb 3 wax ka saxiixay ay haddana kaga mowqif duwanaadeen Shirkii Muqdisho, islamarkaana la mowqif noqdeen Puntland iyo Jubaland. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in uu isagu tanaasul muujiyay, kadib markii uu garowsaday Midnimada iyo Wadajirka Dalka, si aysan khilaafkii taagnaa uga faa’idaysan dalal uu sheegay in ay jecel yihiin Qalalaasaha Soomaaliya. Halkaan ka daawo Hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in uu laba Arrimood dartood uga tanaasulay Doorashadii qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Ministry of Women and Family Affairs organised a meeting to introduce effective advocacy for women’s quota in the bicameral legislature of Somalia. Amino Haji Osman: Barriers to female participantion in the political process must be removed. Attended by cabinet ministers, the Chairman of Puntland Transitional Puntland Electoral Commission, the Chairman of the Office of Puntland Human Rights Defender and representatives from civil society organisations, the meeting spotlighted barriers to women’s participation in the political process and what can be done to rectify the problem of female underrepresentation in Somalia. Guled: Voter registration will get underway in Puntland soon for pilot local government elections. Puntland Minister for Women and Family Affairs Amino Osman Haji enumerated challenges facing women to become members of federal and sub-national legislatures. Amina made a mention of the progress made in women’s representation during the 2017 federal election although the 30% quota for women was not fully implemented. She contrasted the state of female representation in the Federal Parliament and the Upper House with the low representation rate for women in parliaments of Federal Member States. Respect our quota: Girls artistically portraying the impact of female underrepresentation in the political process. Guled Salah, TPEC Chairman, who delivered a short speech at the meeting, briefed participants on preparations for the pilot local elections to be conducted in Puntland. Guled said that voter registration would get under way in Puntland soon and had urged women to take part in the registration to exercise their right to vote. Said Abdi Mumin, the Chairman of the Office of Puntland Human Rights Defender, had expressed a similar sentiment. “Puntland State Government must guarantee the representation of women in legislatures in line with article 35 of the Puntland Constitution” said Mumin. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Blazes a Trail for Women’s Quota Advocacy appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay xafladda xiritaanka shirkii Muqdisho, ayaa ka hadlay arrima kala duwan. Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa si guud ugu mahadceliyay Madaxda iyo wufuudii kasoo qeybgashay Shirka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo sida uu sheegay muujiyay odaytinimo iyo tanaasul muddadii uu socday shirka wadatashi. Mudane Qoor Qoor, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta waqtigeeda, waxaana uu bogaadiyay Heshiiska Arrimaha Doorashada ee lagu gaaray Muqdisho. Madaxweyne Galmudug, wuxuu ugu danbeyntii ka codsaday dhammaan dadka soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan heshiiskaan taariikhiga ah oo laga gaaray Hannaanka Doorashada Dalka. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo jeediyay baaq ku saabsan Heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON (AP) — Supreme Court Justice Ruth Bader Ginsburg, a towering women’s rights champion who became the court’s second female justice, died Friday at her home in Washington. She was 87. Source: Hiiraan Online
-
Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed on Thursday appointed a political newcomer to become prime minister, nearly two months after the country’s parliament voted out former Prime Minister Hassan Ali Khaire. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qaranka. “Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.” Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Casho Sharaf ku saagootiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday sababta uu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu tanaasulay kadib marki dowlad goboleedyada ay ku hanjabeen inay doorashada qaadacaan oo dalku kala tago, taasi oo keeni lahayd in shisheeye soo faro-geliyo. “Waxaa ku tanaasulay markii ay gaartay meesha ugu dambeysay oo ah in la kala tago oo dadka rajo xumo la geliyo. Waxaa isoo baxday labo inaan kala doorto, oo ah in dalku kala tago oo wadajirkeena lumo anoo ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah, iyo inaan dalka isku hayo oo aanu kala tagin, oo aanu shisheeye na soo faragelin, taas ayaa keentay inaan qaato tanaasul iyo waxeena ha xumaado ha samaato aan gaarno go’aankeeda mas’uuliyadeeda qaadano, laakiin shisheeye aanu marna na soo dhex gelin,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan madax goboleedyada ay dhinac uga soo wada jeesteen, oo xitaa uu waayey kuwii uu mooday inay la safan yihiin. “Markii halkan ay yimaadeen, waxaan dhahay i keena wax umadda Soomaaliyeed ku qanacdo oo sharci iyo dastuur ku dhisan, raggii aan moodayay inay ila socdeen iyagaa ugu horreeyay, taas waxay igu abuurtay shaki u baahan in la baaro,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha qarankeenna. “Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey. Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. The post Farmaajo oo shaaciyey laba sabab oo uu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod ah first appeared on Caasimada Online.
-
AWR XAMUULKII WUU QAADAA XADHIG QALOOCANSE MA QAADO Buuggii aan ka qoray saaxiibkay Abwaan Cabdiqays (GEEDIGII CABDIQAYS) yaa akhriyay ee ka helay wax aan si gaar ah ugu durayay Jabuuti dal ahaan, dawlad ahaan, iyo dad ahaan midna? Laga soo heli maayo haddiise laga soo helo waxan jecelahay in aan ogaado inta aanan ka hadlin halka aan kala qaaday Wasiirka Awqaafta ee Jabuuti ama dawladda Jabuuti si aan isu sixi karo inta aanan cidna la wadaagin xogta ku saabsan xaqiiqada xaaladda buugaasi halka ay maanta marayso iyo dagaalka ay dawladda Jabuuti ku qaaday faafidda buuggan iyo waxa ay ku qoonsatay oo aan si cad u soo bandhigi doono in kasta oo aanay cid dhinaca dawladda Jabuuti ahi marna si toosa iyo si dadban midna iigu carab daarin hadana aan dareensanaa in wax ay qoonsatayba ay wax jiraan balse aan la doonayn in wax la iga waydiiyo ama wax la iiga sheego. Maadaama aan ogahay in dadka badankoodu aanay haysan buugga waxan idinla wadaagi doonaa qaybo ka mid ah oo ah inta uu u dhintay buugu ee khusaysa Jabuuti kuwaas oo sarbeeb ama maldah siyaasadeed ah laakiin dadku ay wakhtigaa iyagu fasirteen sidii ay u fasirteenna uu buugani xusay. 1:waxa ka mid ah heesta magaceeda la yidhaa “Waan U Ciidi Lahaa” ee ay ku jiraan tuducyafani: Hoheey ciilka i haysta Calooshaa i hogmaysa Curuuqdaydiyo jiidhka Cadkii wuu i dhamaaday Middii aan u cidlooday Haday caawa timaado Waan u ciidi lahaayoo Waan ciyaari lahaaye Heestan “footnote”-ka waxa ku qoran “waxay ka hadlaysaa Xornimadii Jabuuti”. Waxanay soo baxday 1967kii ka hor aftidii dadka Jabuuti laga qaaday 19 March 1967kii 2:Waxa ka mid ah tixda la yidhaa “Ninkii Iga Riday Indhaha”. Tixdan wuxu buugu xusayaa in ay ka hadlaysay nin isagu halgamaa caana ahaa reer Jabuutina ahaa oo gumaysigii Faransiisku xidhay indhahana ka riday kolkii dambena xabsiga lagu dhex dilay magaciisana la odhan jiray Maxamuud Cadhoole. Waxa tixdan ku jiray: Hadii adiga oo ladan ibtilo Eebe kugu keeno Waa inaad sidii Nebi Ayuub mahad la oydaaye Alxamdulilla waa inaad dhehdood ku ogolaataay Indhihii kuwii iga ridee ani i naafeeyay Orgobe weeye aqalkaan ku jiray iigu soo galaye Heesta iyo tixduba in halgankii Jabuuti ay ahaayeen waxa xaqiijiyay Abwaan Cabdiqays. Meel laga qoonsan karana maan garan hadii aan gebi ahaanba la diidanayn in la soo qaado haba yaraato eh wax ku saabsan halgankii gobonimodoonka Jabuuti oo ka mid ahaa jibadii lixdankii ee Somaliwayne oo ahayd higsigii ummadda soomaaliyeed oo dhan meel ay joogtayba wakhtigasi. Caligurey (La soco) Qaran News
-
Daahfurka shirkadda maraakiibta Ganacsiga Djibouti ayaa markii u horraysay Shalay ka hawl bilowday gudaha Soomaaliya. Wakiilka shirkadda Maxamed Cabdixaliim oo ka hadlay munaasabad gudaha dekedda Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in shirkadoodu 14 maalmood oo keli ah ay kaga keeni doonto xamuulka dalka Turkiga, halka shirakadaha kale safarkoodu uu yahay ugu yeraan 45 cisho. Farhat Akkat oo ah maamulaha shirkadda Albeyrak ee dekedda Muqdisho maamusha ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkadda cusub ee qaabilsan daabulidda shixnadaha ganacsiga, ee sida tooska ah isugu xireysa Soomaaliya iyo Turkiga. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Djibouti ee Soomaaliya iyo xubno kale, kuwaasi oo soo dhaweeyay shirkaddan cusub. PUNTLAND POST The post Shirkadda Maraakiibta ganacsiga Djibouti oo ka hawl bilowday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dawlada Shiinaha oo 18 diyaaradood oo kuwa Dagaalka u diray Hawada Jasiirada Taiwan+Xiisad aloosan Shiinaha ayaa mar kale hawl gallo milatari ka wada hareeraha jasiiradda goosatay ee Taywan. Waxay kusoo beegmaysaa xili sarkaalkii ugu sareeyay ee ka socda dawladda Maraykanku uu booqasho ku joogo Taywan. Keit Krach oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ah masuulkii ugu sareeyay ee waaxda arimaha dibadda ka socda oo Taywan booqda muddo ka badan 40 sanno. Dawladda Shiinahu waxay markan si cad u qiratay in dhoola tusyo milatari ay ka samaynayso Taywan, iyadoo ku sababaysay in ay ‘ilaalinayso madaxbanaanideeda.’ Afhayeenka wasaaradda difaaca ee dawladda Shiinaha ayaa sheegay in Maraykanka iyo Taywan ay abuurayaan qas iyo rabshad. Si cad ugamuu hadal safarka masuulka Maraykanka ah ee Taywan ku sugan. Taywan waxya sheegtay in difaaceeda ay hawl galisay, kadib diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha oo ka gudbay marinka Taywan. In ka badan 18 diyaaradaha dagaalka ah ayay Taywan sheegtay in ay soo galeen xadkeeda. Waa tiro aad uga badan tii ay ku warami jirtay hawlgaladii hore. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne oo caasimad u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi, kadib markii rag hubeysan ay bambo ku tuureen maqaaxi ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo haweeney ahayed ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay carareen kooxdii ka dambeysay falkaasi oo si aayar ah uga baxsaday meesha ay wax ka dhaceen. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Goonta qaraxa lagu weeraray waxaa ka agdhow saldhig ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada intaba. Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo qeyb ka ah falalka ammaan darri ee ka dhacay gudaha magaaladaasi. The post Weerar geystay khasaare dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Beledweyne first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalintii Sabtiga September 12, 2020 ku shaaciyay bartiisa Twitterka in uu doorashada soo socoto musharrax u yahay madaxtooyada Soomaaliya. Golaha Shacabka ayaa July 25, 2020 kala noqday kalsoonidii xukuumaddiisii xilli dalku u baahan yahay xasillooni siyaasadeed. Ku dhawaaqidda musharraxnimada Khayre waxay dhalisay su’aallo ka badan jawaabaha la bixin karo. Wax yar ka hor inta aan Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Mudane Xasan Cali Khayre ku kala weecan masiirka siyaasadda, “Nabad iyo Nolol” waxay u muuqatay mid aan lagu loodi karin masraxa siyaasadda Soomaaliya. Sida soo baxday muddo kaddib, khilaafka Farmaajo iyo Khayre wuxuu salka ku hayay: b) Muddo kororsiga xukuumaddooda; t) Iskahorimaadka doorasho Qof iyo Cod iyo waqtiga u dhiman xukuumaddooda; iyo j) Laga maarmaannimada shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada. Waxaa soo dhaweyey Khayre dad u arkayay inuu yahay shaqsi aan muran ka taagneyn tartanka doorashada sanadka dambe. Balse taasi ma dhaboobin, kaddib markii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu dareensaday musharraxnimada Khayre ugana falceliyay si aan caadi ahayn, iyadoo lala yaabban yahay mabda’a uu u taagan yahay. Warar laysla dhaxmarayay baraha bulshada ayaa sheegay in Mudane Khayre uu ka cudur daartay inuu ka hormuuqdo xafladdii Hotel Doorbin, haseyeeshee, xeeldheerayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xafladu ay ahayd mid loo qabanqaabiyay hab qabiil, taas oo khilaafsan mabaad’ida siyaasadda ee uu Khayre damacsan yahay inuu ku tartamo. Dad badan ayaa isweydiinaya maxaa Khayre deddejiyay iyadoo weli la sugayo hannaanka doorasho ee uu dalka qaadan doono. Ilaa hadda Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul-goboleedyada si daacad ah iskuma afgaran qaabka loo dhigayo doorashada iyo waqtiga la qaban doono. Inta yar ee ay gaareenna waxay ku timid isku jiidjiidka beesha caalamka. Malahaa Mudane Khayre wuxuu saadaaliyay in shirka wadatashiga uu ku dhammaanayo sida ay rabaan maamul goboleedyada, sida ku cad warmurtiyeedkii soo baxay September 17, 2020. Dhinaca kale, weerarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxuu si tooxan uga turjumayaa in Khayre uusan ku biirin ilaa hadda xerta Abu Dhabi. Balse siyaasiyiin in mudda ah ku maqnaa degaankaas (Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan) ayaa dib ugu soo laabtay saaxadda siyaasadda culaysna saaraya dowladda. Waxaa muuqata in la gudaggalay ololihii doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), iyadoo aysan muuqan mucaarad waddani ah oo isku duuban una barbardhigi kara Madaxweyne Farmaajo. Balse, haddii Farmaajo uu ku sii wada siyaasiyiinta ka soo horjeeda riixitaanka, waxaa laga yaabaa inuu ugu dambeynta ku soo dhaweeyn doono Villa Somalia. Si kasta ha noqotee, booqashadii lama filaanka ahayd ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusman Jawaari uu ku tegay guriga Ra’iisul wasaarihii hore Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u muuqato mid kordhin doonta su’aalaha siyaasadeed ee aan la ogeyn waxa xigi doona. Xaqiiq waxaa ah wada jirka siyaasiyiinta ku bahoobay “Madasha Xisbiyada” inaysan kalsooni fiican u dhaxeyn. Taas waxaa u daliil ah in ilaa maanta ay la soo bixi la’yihiin hoggaamiye mideeya. Guud ahaan, maqnaasha hoggaamiye mucaaradka kala duwan ku daba safan yihiin waxay ka dhigan tahay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee soo socoto siyaasiyiinta ashaamudka ah (kala duwan) ay ku midoobi doonaa keliya dhaqankoodii ahaa “Lugta ha lagu dhego ninka Villada fadhiya.” AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Musharaxnimada XASAN CALI KHEYRE oo dhalisay su’aalo ka badan jawaabaha first appeared on Caasimada Online.
-
Afar arrimood ka ogoow Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in baarlamaanka la horgeeyo si ay u ansixiyaan, magacaabistiisa ayaa kusoo begmeysaa xilli dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ka heshiyeen qaabka ay u dhaceyso doorashada. Waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo ku saabsan Ra’iisul wasaarahan cusub. Wakhti kooban oo u harsan Muddo xileedka dowladda hadda jirta waxaa ka haray 143 maalmood, waxaana laga dhursugaya in uu soo dhiso xukuumad oo iyada xitaa sugeysa in Baarlamaanka ay kalsooni ka helaan. “Fursadooyin buu heystaa inkasta uu wakhtigu yahay mid aad gabaabsi u ah marka la eego heshiiskii hadda la gaaray oo la rabo doorashooyinka bisha Nofembar in uu howlgalo” Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya. “Ma lahan khibrad siyaasadeed” Waa nin ku cusub siyaasadda, inta badan Ra’iisul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya ma laheyn wax khibrad siyaasadeed ah markii xilalkaas loo magaacaabayay, sida uu BBC-da sheegay Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha siyaasadda. “Waana arrinka dhaqanka soomaaliyeed badanaa illaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf qof, aan xirfadda siyaasadeed ka mid noqon, xisbi siyaasadeed aan ka qeyb gelin, ama xildhibaan noqon, in lagu soo tuuro siyaasadda, waxay la mid tahay shakhsi caadi ah oo Ra’iisul wasaare laga dhigay,” ayuu yiri Maxamed Caalin. “Nin khibrad siyaasadeed leh ma ahan, guddoomiye gobol ma soo noqon, musharrax maamul goboleed kama soo noqon, xildhibaan maamul goboleed ma soo noqon, xildhibaan federaal ma soo noqon, wasiir ku xigeen ma soo noqon, safiir ma soo noqon.” Maxamed waa Injineer ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sano la soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO). “Waa nin aad u degan” Dadka aqoonta u leh Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ku tilmaamay in uu yahay ni deggan oo af gaaban isla maarkana joogooyin sare ka soo qabtay Qaramada Midoobey gaar ahaan mashaariic badan oo ay Ha’yadda ka fulisay Soomaaliya. “Waa nin jagooyin sare ka soo qabtay UN gaar ahaan hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO, howlo badan ka soo qabtay Soomaaliya iyo Somaliland, siiba ha’yaddaas oo dhanka mashaariic badan oo dalka ka fulisay uu qeyb ka ahaa. Waa nin aad u deggan, nin bashaah ah oo umadda dhexgeli kara,” ayuu yiri Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo Wasiir ka soo noqday Soomaaliya. Arrimaha doorashooyinka In kastoo laga heshiiyay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonto, haddana waxaa Ra’iisul wasaaraha cusub laga filayaa in dowladdiisa ay xoojiso dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka. “Hadda dib u dhis ciidan lagama sugayo, dib u dhis dhaqaale lagama sugayo, hadda waxaa laga sugayaa in uu dib u habeyn ku sameeyo waxyaabaha lagu heshiinayay ee tubta doorashooyinka. Siyaasad ahaan dowladdiisa sidey u xoojin doontaa amniga codeynta iyo dhexdhexaadnimada la xiriirta dhaqaalihii caalamka uu baxsho ama musharraxiinta ay bixiyaan,” ayuu yiri Maxamed Caalin oo khabiir dhanka siyaasadda ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in Maxamed Xuseen Rooble laga doonayo in uu ambaqaado arrimaha doorashooyinka haddii taas uu ka leexdana wuxuu wajihi karaan guuldarro, sida uu Caalan qabo. “Sida iyagu ay sheegeen wakhtiga hadda haray waa afar bilood, waxaa laga sugi karaan in uu ku ekaado uun dariiqa doorashada, hadduu kaa ka leexdo oo uu is ballaariyo si xukuumaddiisa saddex sano ama labo sano u hesho, fashil badan baa qabsan karaa.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qodobka 11-aad ee heshiikii Villa Somalia looga gaaray arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa ku qoran: Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan. Balse, su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah maxaa dhacaya haddii baarlamanka uu ansixin waayo, xilli xildhibaanada lagu tuhmayo inay doonayaan muddo kororsi. Prof Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qadar una waramayay BBC-da, ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan galayo haddii baarlamanka ay meel-mariyaan iyo haddii kaleba. “Anigu intaan ka fahamsanahay xataa haddii ay ka horyimaadaan waa laga soconayaa oo cidna u istaagi mayso waayo waa niman in ay sii joogaan raba ayaa la leeyahay, go’aan ka gaara,” ayuu yiri ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi. Waxa uu kula taliyey inay sharcigan is-dhaafiyaan oo ay deg deg u meel mariyaan. “Horta golaha shacabku wax uu gaar u leeyahay oo goalaha kale aanu la laheyn waxaa weeye waxaan inaaney u fahmin awood ay leeyihiin’e, in ay is dhaafiyaan ayaa la qaatay,” ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qadar una waramayay BBC-da. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal laga talo-geliyey heshiiskan ka hor inta aan qalinka lagu duugin, uuna diyaar u yahay inuu u meel-mariyo, sida ugu dhaqsiyaha badan. Maxamed Mursal iyoi ku xigeenkiisa Cabdweli Ibraahim Muudey ayaa sidoo kale ku xiran oo xulufo la ah madaxweynaha, lamana filayo inay caqabad noqdaan. The post Heshiiska doorashada 'wuu dhaqan-galayaa xitaa haddii golaha shacabka uu diido' first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaan caawa ka qeybgalay Xafladda Gunaanadka Shirkii Wadatashi ee aniga iyo Madaxda kale heer Federaal iyo heer Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka [...] The post Daawo : – M/weyne Deni oo caawa ka qeyb galay xafladii gunaanadka Shirkii wadatshiga ee Muqdisho lana kulmay marwada M/weynaha Seynab Macalin iyo Hooyada M/weynaha Maryan Xasan appeared first on . Source
-
The Turkish lira plunged to a new record low against the US dollar to finish the trading week, adding to its year-to-date plunge to 28%. The lira joined the broader emerging market currency selloff as the Federal Reserve’s downbeat assessment Source: Hiiraan Online
-
The federal government of Somalia and its member states have, after lengthy discussions and consultations, agreed to an indirect electoral formula to conduct the upcoming National Elections. A joint communique released after the agreement explained that under the new arrangement, the National Independent Election Commission (NIEC) tasked to oversee the country’s electoral process, has been made dormant. A new electoral commission with membership from the federal government and the member states is set to manage the next election. Source: Hiiraan Online
