Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo loo sameeyey madaxdii ka qeyb gashay kulankii wadatashiga arrimaha doorashada ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa marmarsiyo u raadiyey fashilkiisa siyaasadeed iyo inuu qaatay doorashadii 2016-kii, dalkana uu 4 sano dib u celiyey, isaga oo iska dhigay odey u tanaasula danta guud, iskana dhiiba wixii lagula dhego. Khudbaddan, Farmaajo kama hadlin guul-darrada rasmiga ah ee keentay in dalka uu dib ugu laabto 2016-kii, mas’uul cidda ka ah, ma qiran in aanu diyaar garow sax ah la iman isaga oo isla khudbadda kula taliyey cidda iman doonta 2021-ka iney horay roadmap ka dejiyaan. Farmaajo kama hadlin raadka xun ee ka dhashay dagaalladii uu ku qaaday federaalka ah iyo maamullada dhisan iney sabab u aheyd in wax la qaban waayo, waxaa uu qariyey in sharciyada ay dib u dhaceen ansixintooda markii uu riday Jawaari, iskuna dira labada aqal. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobbada uu Farmaajo Ka Hadlay: “ Samareeb3 meel fog ayey iga soo kaxeeyeen , waxaa ay i keeneen meel dhexe, waxaan is iraahdaa ma wax ay ku heshiiyeenbaa oo la yidhi raga kale maqnaada, ninkan odayga ah oo madaxweynaha ah afar sano waxaa uu ku qar waayey oo umadda u sheegaayey qof iyo cod, hal mar ma oran karno ha lagu noqdo mid dadbane, annaga ayaa soo dhoweynaynee, adinku nasuga arrintaas waxaa ay u baahan tahay baaris”. Farmaajo oo sii hadlaya: Maxaa yeelay markii aan halkaas isugu tagnay waxaan iri, walaalayaalow qol gala adinku xal ii keena, xal umadda Soomaaliyeed u qalmi kara oo wanaagsan oo macquul ah ii keena, waxaa ay iga maqnaayeen 7 saacadood waa ay igu soo noqdeen waxaa ay ii keeneen heshiiskii kasoo baxay Samareeb3, runtii waan ka naxay, waana ku farxay, waxaan ogahay labada kale oo maqan in ay meel fog ka hadlayaan, waxaan iri bal intaan orod ku qaado bal”. Imaanshiyaha halkaan ay yimaadeen sidii oo kale ayaan sameeyey waxaan iri qol taga 5-tiina fariista ii keena wax umadda Soomaaliyeed ay ku qanacdo oo sharci iyo dastuur ku dhisan, aniga raggii aan moodaayey in ay ila socdeen iyaga ayaaba ugu horeeyeyba, taas ayaa waxaa ay igu abuurtay shaki u baahan in la baaro, waxay ii keeneen wixii aan soo saarnay ileen iyagu waa iga xishoonayeen3-dii hore 2-daas nin ayey rabeen in ay u hadlaan calaa kuli iyo xaal howshaas waxaa ay ku dhammaatay wixii soo axay” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo Waxaa uu Ka Cabsaday Hummaagga ” Kampala Accord” Farmaajo oo khudbadiisa sii wata ayaa sheegay sababo kale oo ku qasbay in uu u laabto 2016-kii isaga oo yiri “Markii ay gaartay meeshii ugu dambeysay oo ah in la kala tago, waxaa ii soo baxday labo inaan kala doorto waxaa ay kala yihiin in dalkA u uu kala tago oo wada jirkeenii uu lumo aniga oo ku adkaysanaayo qof iyo codkii, maxaa yeelay sharci ayaan ku taagnaa iyo dastuur, ayaguna ay yiraahdaan ka qeyb gali meyno doorashada, oo waan qaadacnay, macnaheedu waxaa ay tahay Somaliland awal ayey gaar u taagneyd markaanna in aan waayo labadooda kaliya maahee 5-toodaba waa isla socdeen aan idiin sheego runteee, waxaa ii soo baxday shaqada la ii idmaday oo la ii doortay in ay tahay marka hore dalka inaan isku haayo in aan ilaaliyo wadajirka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed markaas ayaa dowladnimoiyo doorasho laga hadli karaa, laakiin haddii dowlad goboleedyadii qaar ay leeyihiin ka qeyb gali mayno maxaan ka shaqeynay kala qeybin ayaan ka shaqaynay” Tan labaad oo aan u tanaasulay waxaa ay tahay shisheeye inuu nasoo faro geliyo inaan annagu waxeena hanoo fiicnaato, hanoo samaato inaan annagu gaarno go’aankeeda mas’uuliyadeeda aan qaadno, marna uusan shisheeye uusan na isku kaana soo jiid jiidin taasna inaan ka fogaanno waxaa ay ii keentay marka inaan qaato tanaasulka maxaa yeelay dalka inaan isku haayo ayaa muhim ah marka ugu horeyso oo uusan kala tagin’ ayuu hadalkiisa ku soo afjaray. Farmaajo waxaa uu ku guuldareysay inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, waxaa kale oo ku guuldareystay inuu isku hayo dalka 3-dii sano ee la soo dhaafay, waana taasi midda ay umadda aragto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Sidda ay sheegayaan xogo ay faafiyeen mareegaha wararku , 3 dawladood ee Somaliya , Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku heshiiyey urur goboleed cusub oo magaciisa loo bixiyey Horn of africa corporation ( HOAC) urur goboleedkaas oo ujeedadiisa laggu sheegay aasaaska suuq ganacsi oo ka dhaxeeya wadamada bariga iyo koonfurta afrika iyo dhismaha ciidamo wada jira oo u taagan nabad ilaalinta bariga afrika ( Eastern Africa stand by force ). Heshiiska dhismaha urur goboleedkan oo ay saxeexeen sadexda hogaamiye ee sadexdaa wadan 27-jenuary 2020 , ayaa laggu heshiiyey in lagga ansixiyo ururka midnimadda Afrika. Ururkan HOAC ayaan ujeedooyinkiisa rasmiga ah weli aan shaaca lagga qaadin , baarlamaanadda wadamadaasna aan lasoo hordhigin , welina ma cadda mabaadida rasmiga ah ee ururkani u taagan yahay. Dhinaca kale , wadamadda Kenya , Sodan , Djabouti iyo Uganda oo xubno ka ah urur goboleedka Igad ayaan qayb ka ahayn ururkan , iyadoo loo arko in ururkani yahay mid meesha ka saaraya ururkii Igad. Geesta kale , xaaladaha amni ee wadamadan ayaa ah kuwo aan degenayn , wadamadda Itoobiya iyo Soomaaliyana mid walba waxaa haystay culays nabadgalyo , waxaana adag isu socodka dhexdiisa , sidoo kale Ereteriya iyo Itoobiya ayaa iyaguna kala xidhan oo aanay jirin isu socod u dhaxeeya oo dhinaca dhulka sidaa darteed waxaan suurta gal ahayn suuq ganacsi oo dhex mari kara wadamadan. Si kastaba ha ahaatee , gobolka geeska afrika waxaa ka socda isbadalo waawayn , waxaana kusoo wajahan loolanka wadamadda waawayn ee ku loolamaya siyaasadaha caalamka , waxaana durba muuqata sida wadamadda geesku ugu kala qaybsamayaan , sidaa darteed Somaliland waxaa la gudboon in ay si dhaw ula socoto waayaha hareeraheeda ka socda , ciyaarahana dhinaceeda ka gasho . Waxa Diyaariyay Axmed Nuur Guruuje Source
  3. Degdeg:Wararkii ugu dambeeyey diyaarad ku burbrutay Madaarka Muqdisho Faah faahino dheeri ah laga helayaa shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaaradda oo uu oo nuuceedu yahay Foker 50 ay ku dhacday darbiga ama xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi ay waxyeelo ka soo gaartay hal qof, islamarkaana laga soo bad-baadiyey saddex qof oo kale oo ay ku jiraan duuliyaha iyo caawiyihiisa. Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidiyey diyaaradda howl-wadeenada garoonka Aadan Cadde, si uusan dab uga kacin. Geesta kalena Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa faah faahin ka bixiyey shil diyaaradeed oo saaka ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Oomaar ayaa sheegay in diyaaradda oo ay la socdeen illaa 4-qof oo isugu jira duuliyeyaasha iyo shaqaale ay labo ka mid ah soo gaareen dhaawacyo fud-fudud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu burbur diyaaradda dhacday ka soo gaaray qeybta hore, kaddib markii ay ku dhufsatay derbi shub ah oo ah xayndaabka garoonka. Wasiirka gaadiidka duulista hawada Soomaaliya ma shaacin sababta dhalisay shilkaasi ku yimid diyaaradda oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Diyaaradda oo uu numberkeedu yahay 5Y-MHT ayaa u diiwaan-gashan shirkadda Silverstone ee dalka Kenya ee dalka Kenya, basle waxa ay u kireysneyd shirkad Soomaali ah oo la yiraahdo Saacid Airlines, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmiyi. Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magacaabay guddi cusub oo ka shaqeyn doono qaban-qaabada munaasabadda xil wareejinta ee Ra’iisul wasaaraha cusub. Xubnaha guddiga ee la magacaabay oo heer wasiir ah ayaa waxaa ka mid ah sii hayeyaasha xilal ka wasiirada dhalinyarada, gaashandhiga, qorsheynta, dastuurka, duulista hawada iyo caddaaladda. Sidoo kale guddigan ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah u guda galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday, gaar ahaan sidii ay u dhici laheyd munaasabadda xil wareejinta. Sida ka muuqata xubnaha guddiga kama mid ahan wasiiradii ugu dhowaa Xasan Cali Khayre, sida wasiirka amniga iyo kan arrimaha gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa habeen hore Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo bedalaya Khayre oo xafiiska joogay saddex sano ka badan. Rooble ayaa waxaa horyaal shaqooyin adag, sida arrimaha doorashooyinka ee 2020/21, wuxuuna heystaa muddo aad u kooban, marka la’eego muddo xileedkiisa. The post Sawirro: Mahdi Maxamed Guuleed oo magacaabay guddi cusub + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  5. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ay raashiin siineyso dadka ku barakacay fatahaada gobalk Shabeelaha hoose. Qoraal safaaradu ay dhigtay barteeda Twiterka ayaa lagu sheegay in raashin ay siinayaan in ka badan labo kun oo qoys kuwaas oo qeyb ka ah kumnaanka kun ee ku barakacay fatahaadaha daran ee gobolka. Fatahaadaha ka dhacay soomaaliya laga soo billaabo bishii febaraayo ee sanadkan 2020-ka waxaa ay saameeyeen dad lagu qiyaasay 650,000 (Lix boqol iyo konton kun) sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Gobollada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee labada Shabeelle ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameysay. Dhul beereed dhan 75,000 (Todobaatan iyo shan kun) oo hektar ayaa sidoo kale ku baa ba’ay fatahaadaha wabiga Shabeelle. View the full article
  6. Witnesses say a cargo plane has crashed at the international airport in Somalia’s capital. There was s no immediate confirmation of any casualties. Photos posted from the scene show the plane’s cockpit crushed against a concrete barrier just steps from the sea. The Somalia Civil Aviation Authority confirms the crash at Aden Adde International Airport in Mogadishu on Saturday. Markings on the plane indicate that it is operated by Silverstone Air in neighboring Kenya. The company cannot immediately be reached. A spokesman for the U.N. mission in Somalia, shown in photos responding to the crash, did not immediately respond to a request for details. The heavily fortified airport is home to diplomatic missions and serves as a hub for humanitarian flights in the Horn of Africa nation trying to rebuild from three decades of conflict. View the full article
  7. Diyaarad nooca xamuulka qaada ah ayaa saaka ku buruburtay afaafka hore ee darbiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradda oo ay la hayd shirkadda Sky Ward ee dalka Kenya, waxaa sarnaa 4 qof oo isugu jiray duuliyeyaal iyo shaqaale, kuwaas oo saddex kamid uu soo gaaray dhaawac, haatana lagu daawnaynayo mid kamid ah isbitaalada Muqdisho. Diyaaradda ayaa markii hore xamuul u qaaday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii ay soo wajahday cilad. Dhowr jeer oo hore ayaa diyaarado ku burbureen garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo daroomo kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Gudaha Soomaaliya, waxaa ka shaqeeya diyaarado gaboobay, oo dunida mar hore laga macnuucay. PUNTLAND POST The post Diyaarad ku burburtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiirka gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa faah faahin ka bixiyey shil diyaaradeed oo saaka ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Oomaar ayaa sheegay in diyaaradda oo ay la socdeen illaaa 4-qof oo isugu jira duuliyeyaasha iyo shaqaale, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyop fud-fudud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu burbur diyaaradda dhacday ka soo gaaray qeybta hore, kaddib markii ay ku dhufsatay derbi shub ah oo ah xayndaabka garoonka. Wasiirka gaadiidka duulista hawada Soomaaliya ma shaacin sababta dhalisay shilkaasi ku yimid diyaaradda oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Diyaaradda oo uu numberkeedu yahay 5Y-MHT ayaa u diiwaan-gashan shirkadda Silverstone ee dalka Kenya ee dalka Kenya, basle waxa ay u kireysneyd shirkad Soomaali ah oo la yiraahdo Saacid Airlines, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo. Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. The post DF Soomaaliya oo war ka soo saartay diyaaraddii ku dhacday Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.
  9. Maamulka Somalia wuxuu cadaystay inuu Dagaal Cad oo Diplomaasiyadeed ku Qaado Somaliland, ka dib markii uu International community-ga iyo Deeq-bixinayaasha u gudbiyey Maamulkaasi Liisas Doorasho oo ka soo Jeeda dhalasho ahaan Somaliland, oo laga soo Dooran doono Xamar, kuwaasi oo la doonayo in lagu Qanciyo Caalamka in ay matalaan Somaliland. Calooshooda u shaqeystayaasha ka soo Jeeda dhalasho ahaan Somaliland waxaa loo haystay markii hore dad Xamar u shaqo tagay, Laakiin waxaa iminka Cadaatay in ay yihiin khaainul-wadaniin loo adeegsanayo Burburinta himiladda ummada reer Somaliland ay ku doonayaan coriyadooda ee ay u soo galaan halganka dheer. Waxaa hadaba la gudboon ummada Somaliland in aynu u Diyaar Garowno sidii looga hortagi lahaa Dagaalkan foosha xun ee loo adeegsanayo kuwo inagu Abtirsada laakiin la soo saftay cadowga Somaliland. Iyo Sidii looga dhaadhicin lahaa caalamka in aanay Jirin cid Somaliland ku matasha maamulka Somalia, Cida kaliya ee matasha ummadda iyo qaranka Somaliland ay tahay dowladooda iyo madaxda ay doorteen. Allaa Mahad leh Ali Mahamed Waranade Hargeisa-Somaliland S Qaran News
  10. (SLT-Washington)-Waaxda amniga gudaha dalka Maraykanka ayaa jawaab ka bixiyay warqad Ilhan Omar u dirtay Laanta Socdaalka iyo Kastamada dalka Maraykanka, taasoo ay ku muujinaysay walaaca ku saabsan mustaafurinta muwaadiniin Soomaalida ah oo dalka Maraykanka ku nool. Waaxda amnigu waxay sheegtay in la saarayo 39 muwaadin oo Soomaali ah, oo 36 ka mid ahi leeyihiin taariikh dembiyeed oo ay kamid yihiin, dil, kufsi, gacan ka hadal, xadgudub jinsi, dembiyo ka dhan ah carruurta, ka ganacsiga daroogada, iyo taageerada urur argagixiso. Waxay sheegtay shakhsiyaadkan inay abuureen dhibaatooyin aan la tirin karin oo khatar weyn ku ah shacabka Mareykanka, oo ay ku jiraan shacabka Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota. Waaxda amniga gudaha, waxay kaloo sheegtay inay la shaqeyneyso dowladda Soomaaliya si loo tijaabiyo caafimaadka dhammaan muwaadiniinta Soomaalida ee dib loogu celinayo dalkooda. Waxay tilmaamtay Maxbuus kasta oo ku guul-dareysta inuu ka gudbo baadhitaanka caafimaadka ama looga shakisan yahay inuu qabo xaalad caafimaad oo suuragal ah inuu u gudbiyo maxaabiista kale ama shaqaalaha, loo diidayo inuu raaco duulimaadka, si baadhitaan loogu sameeyo. Ilhan Omar ayaa warqadeeda ay dirtay waaxda socdaalka Maraykanka waxaa ku jirtay inay cabsi ka qabto in maxaabiista laga mustaafurinayo Maraykanka ay cudurka Covid 19 ku faafin karaan dalkooda. Source
  11. (SLT-Hawd)-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Hawd iyo masuuliyiinta gobolkaas oo si wada jir ah warbaahinta Qaranka ula hadlay ayaa ka hadlay warar been abuur ah oo maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshadda lagu baahinaayey, kuwaas oo sheegaayey in ciidamada Ethiopia ay soo galeen xuduudka Somaliland isla markaana ay dad ku xidh xidheen. Masuuliyiintan ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay wararka sheegaayey in ciidamada Ethiopia ay usoo talaabeen dhinaca Somaliland, isla markaana ay dad ku xidh xidheen, waxaanay tilmaameen in gaadhi ay lahaayeen ciidamada Ethiopia ay wadadu kasoo khaldantay, markii dambena la celiyey. Gaadhigan oo ay lahaayeen ciidamada Federalka ee Ethiopia ayay masuuliyiinta gobolka Hawd sheegeen in ay dib u celiyeen ciidamada Laanta socdaalka ee Somaliland iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxaanay masuuliyiintani sheegeen in gaadhigani dib ugu noqday dalka Ethiopia, kadib markii loo tilmaamay wadadii uu ka ambaday. Masuuliyiintan ayaa usoo jeediyey dadka wararka been abuurka ah qoraaya ee fidinaaya in ay ka fiirsadaan waxa ay qorayaan, waxaanu tilmaamay in ay baadhayaan ciddii wararkan beer abuurka ah faafisay. Source
  12. (SLT-Taiwan)-Dalka Shiinaha ayaa dhoolatus milatari ka bilaabay meel u dhow Badweynta Taiwan jimcihii shalay, xili sarkaal sare oo Maraykan ahi ay shirar heer sare ah ay kula qaateen magaalada Taipei masuuliyiin ka tirsan Taiwan. Dawlada Shiinuhu waxay si xoogle u cambaaraysay xidhiidhka adag ee u dhexeeya Taiwan iyo Maraykanka, waxaanay ku andacoonaysaa in Taiwan tahay gobol ka tirsan dal weynaha Shiinaha. Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in 18 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Shiinaha ay ku lug lahaayeen dhoolatuskii jimcihii, tiradan oo aad uga tiro badan tan ay Taiwan hore u shaacisay ee ay la kulantay. Waxaana duulimaadyadaasi diyaaradaha Shiinuhu ay ku mareen meel u dhaw Taiwan ka qayb qaatay tiro noocyo kala duwan oo diyaaradaha dagaalka ee dalka Shiinaha ah. Source
  13. (SLT-Muqdisho)-Diyaaraddaan ayaa ah nooca xamuulka qaadda, waxayna kusii jeedday magaalada Beledweyne, cilad farsamo oo ku timid awgeed ayey kusoo dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Ma jiraan khaaaare nafeed oo ka dhashay, waxaana lagasoo badbaadiyay 4 qof oo saarnaa, sida ay u sheegayaan Ilo wareed ku sugan madaarka magaalada Muqdisho. Waxay hadda taallaa meel aan aheyn dhabbaha diyaaradaha ay ka degaan. Sii-hayaha wasiirka gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in loo gurmaday dadkii diyaaradda saarnaa, balse muu sheegin nooca ciladda farsamo ee diyaaradda heshay. Soomaaliya waxaa aad igu kordhaya shilalka diyaaradaha, kuwaas oo dhammaantood la sheegay in la baadhayo, balse weli aan wax natiijo ah oo kama dambeys ah lagama soo saarin. Source
  14. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay diyaarad ku dhacday gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradda oo uu nuuceedu yahay 5Y-MHT ayaa shilka gashay, kadib markii ay qaybta hore ku dhufsatay darbiga dhismaha garoonka. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay la socdeen illaa afar qof oo ay ku jiraan duuliyaha iyo caawiyihiisa, waxaana shilkaasi ku dhaawacmay laba qof, halka ay badqabaa 2-da kale. Sidoo kale howlwadeenada garoonka ayaa gurmad deg-deg ah siiyey diyaaradda, taas oo sahashay in laga hortago inuu dab ka kaco. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in diyaaradda oo ah nooca xamuumlka qaada uu adeegsanayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Soomaaliya ku soo badanayey shilalka diyaaradeed, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  15. (SLT-Chicago)-Dowladda Mareykanka ayaa dalkeeda ka mustaafurisay nin Soomaali ah oo hore loogu xukumay eedeymo la xidhiidha inuu taageero u fidiyay Al-Shabaab. Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 jir ah ayaa laga soo mustaafuriyay magaalada Chicago, iyadoo lagaga soo qaaday diyaarad ay leedahay ICE Air Charter ee Laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka. War saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Socdaalka ayaa lagu sheegay in amarka mustaafurinta laga soo saaray Xafiiska Fulinta magaalada Chicago. Ninkkan Soomaaliga ah ee laga soo mustaafuriyay ayaa loo gacan geliyay dowladda Soomaaliya. “Saraakiisha laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee loo soo gaabiyo (ICE) ayaa nin Soomaali ah kaxeeyey khamiistii, kaas oo lagu xukumay sannadkii 2016-kii maxkamada degmada ee Mareykanka in uu gargaar u fidiyay urur argagixiso” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Waaxda Socdaalka Laga soo bilaabo April 2008 ilaa Agosto 2012, Xaashi wuxuu ka mid ahaa Al-Shabaabka Soomaaliya. Sanadkii 2012, waxaa loo soo gacan geliyay Mareykanka si uu ula kulmo dacwad oogista federaalka ee Bariga Degmada New York. Xaashi wuxuu qirtay dambiga ah inuu taageero maadi ah siiyay Al-Shabab, 29-kii Janaayo 2016, waxaa lagu xukumay sagaal sanno oo xadhig ah. Source
  16. (SLT-Belarus)-Xukuumadda Lukashenko ayaa xidhay xuduudaheeda galbeed iyadoo sheegtay inay ka horgateygso faro-gelinta kaga imaneysa dalalka reer galbeedka. Xuduuda Belarus la wadaagto dalalka Poland iyo Lithuania ayaa gebi ahaan la xidhay, wuxuuna Madaxweynaha Belarus Lukashenko heegan sare geliyey ciidammadiisa. Tilaabadan ayaa imaneysa xili 6dii toddobaad ee lasoo dhaafay ay shacabka waddanka Belarus ay wadeen mudaharaad lagaga soo horjeedo Madaxweyne Lukashenko oo dalkaasi kasoo talinayey 26kii sanno ee lasoo dhaafay. Doorashadii Belarus ka dhacday bishii Agoosto ayaa keentay banaanbaxyo ay shacabka dhigayaan kuna diidan yihiin xukuumada Lukashenko oo cabudhin ku heysa dadka rayidka ah oo doonaya inay helaan xoriyad lamid ah tan ay heystaan shacabka dalalka kale ee reer Yurub. Lukashenko oo isagu kamid ahaa hogaamiyayaasha faro-ku-tiriska ah ee kasoo hadhay Dowladii Sofiyeetka ayaa aaminsan in banaanbaxyada dalkiisa ka socda laga soo abaabulay waddamada reer galbeedka, wuxuuna taageero dhaqaale iyo millatari ka helayaa hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaaradda oo uu oo nuuceedu yahay 5Y-MHT ay ku dhacday darbiga ama xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi laga soo saaray illaa afar qof oo labo ka mid ah ay dhaawacyo yihiin, waxaana dadka la soo bad-baadiyey ku jiro duuliyaha iyo caawiyihiisa, sida ay Caasimadda Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidiyey diyaaraddaas howl-wadeenada garoonka, si uusan dab uga kacin. Sida aan xogta ku helnay diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa waxaa adeegsanayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, balse waxa loo badinayaa cilad ku timid diyaaradda. Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. The post Sawirro: Wararkii u dambeeyey diyaarad ku dhacday garoonka Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.
  18. (SLT-Washington)-Ruth Bader Ginsburg oo ahayd garsoore muddo dheer ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha u geeriyootay cudurka kansarka. Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaalla caasimadda Washington iyadoo ay qoyskeedu ku hareereysnaayeen, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada. Waxa ay ahayd 87 jir. “Qarankeennu wuxuu lumiyay astaan taariikheed,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray Madaxa Maxkamadda Sare John Roberts. Ginsburg ayaa ahayd ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii. Waxay u dhimatay dhibaatooyin ka dhashay kansarka xameetida ku dhaca, sida ay Maxkamaddu ku sheegtay qoraalkeeda. Dhimashada Ginsburg ayaa siineysa Madaxweyne Donald Trump suurtagalnimada inuu sii ballaadhiyo aqlabiyadda garsooreyaasha muxaafidka ee Maxkamadda Sare, islamarkaana uu magacaabo garsoore saddexaad, xilli ay doorashadu soo dhowaaneyso. Raadiyaha Qaran ee NPR ayaa wariyay in maalmo ka hor geerideeda ay Ginsburg waraaq u yeedhisay gabadh ay ayeeyo Clara Spera,iyadoo qoraalka ku sheegtay “rabitaankeyga aadka u weyn ayaa ah in aan la i beddelin illaa madaxweyne cusub la soo doorto.” Source
  19. The post Daawo Sawirada Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Xafladii Villa Soomaaliya appeared first on . Source
  20. MOGADISHU (HOL) - A Kenyan-registered cargo aircraft crashed in Mogadishu airport on Saturday morning, there were no reported casualties. Source: Hiiraan Online
  21. Emergency services in New York state are responding to a mass shooting in Rochester, local officials and witnesses say. At least a dozen people are believed to have been shot. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo khudbad ka jeediyey munaasabad casho sharaf aheyd oo xalay lagu qabtay Villa Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirarkii madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho. Qoor Qoor ayaa shaaciyey in lagala foogaa arragti ahaan intii ay socdeen shirarkaas, balse labada dhinac ay isku qanciyeen hal arrin, taas oo ah danta guud ee Qaranka. “Waxa aan isu qancinay si danta guud loo gaaro oo walaaltinimo leh, mararka qaar waxa aan kala aragti duwanaanay Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland oo ugu dambeyn dhankooda wax ka sameeyay tanaasulka” ayuu yiri yiri Qoor Qoor. Sidoo kale wuxuu faah faahin ka bixiyey shirarkii koowaad, labaad iyo saddexaad ee ka dhacay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xusay in dadaal badan oo aysan u kala harin madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada lagu gaaray xalka siyaasadeed ee dalka. “Waxay ahayd Waqti muhiim u ah qaranka oo lasoo gaaray laguna soo dhawaaday doorashadii, taas oo ah in afartii sanaba mar ay dhacdo doorasho, howsha waxaa la dhameeyay iyada oo aan cidi ku dhex jirin oo ay isu madax bannaan yihiin madaxda dowladda & kuwa dowlad goboleedyada.” ayuu sii raaciyey Madaxweyne Qoor Qoor. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada xal ka dambeys ah arrimaha doorashooyinka ay ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey shirar gaar-gaar ah ku lahaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Maxay tahay halka arrin ee ay isku qanciyeen madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada? first appeared on Caasimada Online.
  23. Wararka naga soo gaaraya garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay ku dhacday diyaarad Xamuul ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya iney socoto la tacaalista diyaaradda, laakin weli lama sheegin wax khasaare ah. Source: goobjoog.com
  24. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Weerarka ayaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday goob maqaaxi oo la sheegay inay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah. Ugu yaraan hal qof oo haweeney aheyd ayaa ku geeriyootay qaraxaas, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay goobta isaga baxsadeen kooxdii ka dambeysay weerarka, kadib falkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Beledweyne ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana gudaha magaaladaasi ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article