-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-2192020.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka aroortii hore dagaalyano ka tirsan AL-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka J/Hoose. Weeraradan oo ka dhacay degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ayaa waxaa xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Sidoo kal wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku bilowday madaafiic ay is-weydaarsadeen ciidamada Kenya iyo raggii weerarka qaaday. Al-Shabaab oo war kooban ka soo saartay weeraradaas ayaa sheegtay inay ahaayeen kuwa safmar ah oo ay ku eekeeyeen saldhigyada ciidamada Kenya. Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba “Xooggag katirsan Al-Shabaab ayaa weerar safmar ah ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ee Degmada Afmadow & Deegaanka Qooqaani, waana weerarkii labaad oo muddo todobaad ah oo lagu bartilmaameedsado Saldhigyadaan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ka ee ka soo baxay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan dagaalladaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobollada Jubbooyinka ka socda dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda, maadaama ay gobolladaas ku xoogan yihiin Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo saaka weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidanka KENYA first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan saacadihii la soo dhaafay la qaatay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ammaanka ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale labada mas’uulayaa diirada saaray doorashooyinka soo socda ee 2020/2021, gaar ahaan sidii loogu diyaar garoobi ahaa ammaanka doorashadaasi. James Swan ayaa ballaan qaaday in Qaramada Midiibay ay Booliska Soomaaliyeed ka caawin doonto amaanka doorashada soo socota, islamarkaana ay garab istaagi doonto. Dhankiisa Taliye Xijaar ayaa ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uga mahadceliyey, sida uu mar-weliba u garab taagan yahay dowladda federaalka. Qaramada Midoobay ayaa si weyn Soomaaliya uga caawiso dhinacyo dhowr ah, sida arrimaha siyaasada, dhaqaalaha ammaanka iyo taageerada dhanka ciidamada. The post QM oo ballan qaad muhiim ah u sameysay DF + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Jubaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow. Dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa lagu soo warramayaa in ay madaafiic ku garaaceen Saldhiga Qoonaani, balse ay iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Jubaland, oo ay weheliyaan Ciidamada Kenya. Dhawaqa Hubka culus, ayaa laga maqlay Degaanka, waxaana la sheegay in dagaal xooggan dhexmaray labada dhinac, kaas oo Al-shabaab ku khasbay in ay dib uga laabtaan Saldhiga. Waxaanse weli faahfaahin sugan laga helin Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaallamay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo culus oo ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa qorsheyneyso inay dib u billowdo xidhiidhka dowladda Imaaraadka Carabta, dib u soo celinta xidhiidhkii Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa waxaa loo dhiibay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan Arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan Maxamed Cismaan Balal, sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan. Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Cismaan Balal uu ku waajahan yahay Imaaraadka Carabta, si uu u bilaabo wada hadalada, isagoo farriin ka sida Madaxweyne Farmaajo. Lama shaacin farriinta Madaxweyne Farmaajo u dirayo Imaaraadka, waxaase jiray xidhiidhka labada dal inuu aad u xumaaday tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajo la wareegtay lacag dhan 9.6 milyan dollar muddo laga joogo 30 bilood. Raysal Wasaaraha Itoobiya oo ay xulufo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkanba ka shaqaynayay sidii loo soo celin lahaa xidhiidhka Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka, iyadoo shuruudaha Imaaraadku dalbaday in la fuliyo si loo soo celiyo xidhiidhka labada dal ay ka mid yihiin in dowladda Soomaaliya bixiso cudur daar rasmi ah, ayna soo celiso lacagaha, aqbasho heshiiska dekedda Boosaaso. Source
-
MINNEAPOLIS (AP) — Before he became Minneapolis’ newest City Council member, Jamal Osman taught a mental health first aid course designed to help people in crisis. Among his students over 3 1/2 years: police officers. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Nairobi)-Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Noordin Haji, ayaa amar ku bixiyay in la baadho $ 71 milyan oo ah “wax iibsasho aan caadi ahayn” oo ay la xidhiidh coronavirus oo ay sameysay Hay’adda Adeegga Caafimaadka ee Kenya (KEMSA). Shaqaalaha cisbitaallada dhibaatada ugu badan la tacaalaya ee Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin si ay u muujiyaan waxa ay ku sheegeen dhaqamada fadeexada ah ee hay’adda, oo dawooyinka iyo qalabka caafimaad u iibisa cisbitaallada guud ee dalka. Saddax toddobaad ka hor, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday guddiga qaran ee Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) in ay baadhaan qandaraasyada la siiyay shaqsiyaad saamayn leh, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, iyada oo aan la ixtiraamin shuruucda wax soo iibsiga dadweynaha. Guddiga anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa baadhitaan uu sameeyey shaqada kaga hakiyey madaxa hay’adda KEMSA Jonah Manjari iyo agaasimaha waaxda sahayda Charles Juma. Dhowr ganacsato reer Kenya ah ayaa hore loogu eedeeyay inay sifo aan sharci aheyn ula baxeen lacag gaadheysa $ 400 milyan oo hanti dowladeed ah taasi oo loogu talo-galay in lagu bixiyo qalabka caafimaad ee loo baahan yahay si loola tacaalo cudurka safmarka ah ee Covid-19. Dalal badan afrikaan ah ayaa la sheegay inay musuqmaasuq ku sameeyeen lacago la doonayay in lagula tacaalo cudurka dillaaga ah ee Covid-19. Bulshada reer Somaliland ayaa waxa ay calaamatul su’aal galinayaan qaabka ay xukuumadda Somaliland iyo guddiga COVID 19 u maamuleen dhaqaalihii gacantooda soo galay, iyada oo dad badan ay sheegayaan in loo maamulay dhaqaalahaasi qaab aan sax ahayn. Haddaba su’aal ay dad badan raadinayaan jawaabteeda ayaa waxa ay tahay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ma amri doonaa in baadhitaan lagu sameeyo guddiga la-tacaalida xanuunka COVID 19 ee Somaliland?? Source
-
(ERGO) – A new goat market in the central Somali town of Guriel has improved health and safety and trading conditions for everyone involved in the local livestock trade. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iskaashi dhinaca Caafimaadka ah la yeelanaysa dawladda Taiwan ka dib markii xidhiidhka labada dal kor u kacay mudooyinkii danbe. Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka oo ay weheliyaan, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Safiirka iyo masuuliyiinta Safaaradda dalka Taiwan ay ku leedahay Magaalada hargeysa. labada dhinaca ay iskaga waraysteen sidii la iskaga kaashan lahaa adeega caafimaad ee labada dal. Sidoo kale, masuuliyiinta Safaaradda ayaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ku wareejiyay agab iyo daawooyinka kahortaga iyo daawaynta xanuunka Coronavirus. Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen, ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay dalkeeda inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa bishan ay ku jrno sheegay in Cilaaqaadka ay la yeesheen Taiwan aanu dalna duullimaad ku ahayn, wuxuuna tilmaamay in labada waddan ay wadaagaan Arrimaha Dimuqraadiyadda, siyaasadda iyo xoriyadda ganacsiga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa joogi doona magaalada Muqdisho inta laga ansixinayo heshiiska siyaasadeedka hannaanka doorashada 2020/21. Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ayaa heshiis ka gaaray xaaladda kala guurka ee dalka, waxaana lasoo wada saaray war-murtiyeed la isku raacsan yahay oo ka kooban 15 qofodb, balse qodob ka mid ah oo ku jiray ayaa qeexaya in la hor geynaayo Golaha Shacabka. Si heshiiska la wada gaaray uu u noqdo mid dhaqan gala waxaa loo baahan yahay ineysan soo diidin golaha shacabka, waana sababta ku kaliftay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iney Muqdisho baaqi ku noqdaan. Ilo madax banaan oo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay kulamo la yeelanayaan xildhibaanada kasoo jeeda deegaankooda, waxeyna ka dhaadhicin doonaan sida ay muhiim u tahay iney ansixiyaan sharciga lagu heshiiyay. Shanta madaxweyne maamul goboleed waxey taageero u raadinayaan heshiiskii ay la galeen dowlada Federaalka. Madaxda waxey doonayaan iney hubsadaan ansixinta heshiiskii danta umadda loo arkay ee lagu gaaray magaalada Muqdisho. The post Madax goboleedyada oo Muqdisho ka bilaabay olole cusub iyo ujeedka first appeared on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State Vice President Ahmed Elmi Osman today inaugurated decentralisation confrernce for implementing ministries. The confrence aims to be a forum for partners in the decentralisation plan to deliver government services effectively and efficiently. Mr Elmi said that the decentralisation plan had significance for the democratisation process currently underway in Puntland. Participants discussed three areas of the decentralisation plan to speed up implementation of core sevices in plan. Participants discussed decentralisation of primary education management and healthcare delivery to districts. Ahmed Elmi Osman: The decentralisation plan is a part and parcel of the democratisation process in Puntland. Successive Puntland administrations were resistant to the change that the decentralisation plan would entail. The clan-based Puntland electoral system has been at odds with decentralisation imperatives. With Puntland preparing to conduct controversial pilot local elections only at three designated districts, the momentum of decentralisation drive serves as a fillip to breaking the centralisation in a Federal Member State that prides itself upon being the originator of the federal system for Somalia. Another topic discussed in one of the confrence sessions pertained to exploring ways local governments can have a role in the management of utility providers. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Vice President Inaugurates Decentralisation Confrence appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa si fudud loo doortay maanta 27 ka xubnood ee Golaha Deegaanka Goldogob Gobolka Mudug. Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad oo ku sugan Goldogob [...] The post Degmada Goldogob oo la doortay Golaha Deegaanka appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-20092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku metela dowlad goboleedka Jubbaland. Kulankaas oo ahaa qado sharaf uu Axmed Madoobe u sameeyey xildhibaanada, ayuu ka jeediyey khudbad uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Axmed Madoobe ayaa u sheegay xildhibaanada inuu soo dhamaaday dagaalkii dheeraa ee isaga iyo dowladda dhexe, isla markaana uusan waxaba u qabin xildhibaanadii uga hiiliyey dowladda federaalka intii ay dagaalka siyaasadeed kula jirtay maamulkiisa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu fahansanyahay in xildhibaanadu ay aad uga walwalayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen, balse uu kula dardaarmayo inay dalka u turaan oo danahooda gaarka ah aysan wax kasta ku jimeyn. “War xildhibaanow aan is cafino, saan filaa adinku wax badan iga tirsan meysaan, laakiin aad is leedihiin odaga waad ka hiiliseen oo dagaal dheer ayuu soo galay, balse waxaan idiin sheegayaa hal qof oo aan wax u qabaa ma jirto” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulankan xildhibaanada deegaanada maamulkiisa ku metela dowladda dhexe uga dal-baday seddax qodob oo kala ah. 1 –In ra’iisul wasaaraha cusub ee madaxweynuhu soo magacaabay ay codkooda kalsoonida siiyaan, isla markaana la shaqeeyaan mudada yare uu heysto. 2 –In ay ansixiyaan heshiiska ay ka gaareen nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, maadaama uu yahay xalka ugu dambeeya ee ay isla garteen. 3 –In xildhibaanadu ay ogaadaan in aysan jirin cid wax u qabta oo ay u simanyihiin deegaan doorashadooda, ka maamul ahaana ay soo dhaweyn doonaan. Ugu dambeyntii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada kula dardaarmay inay ka wada shaqeeyaan sida ugu wanaagsan ee dowladnimada Soomaaliya ay ku sii jiri karto. Hoos ka Daawo The post Daawo: Axmed Madoobe oo qodobo xasaasi ah ka dalbaday xildhibaanada laga soo doortay Jubaland first appeared on Caasimada Online.
-
Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Culimada, Qeybaha Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah. War Murtiyeed Shir ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Dayax, maanta oo ay taariikhdu tahay 2/Safar/ 1442, kuna beegan 20/Sep/2020, ayna soo abaabuleen culumada Soomaaliyeed, ayna ka soo qayb galeen qaybaha bulshada, sida: Odayaasha Dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Ganacsatada, Aqoon yahanka iyo Saxaafadda, sidoo kale ay ka soo qayb galeen hay’adaha dowladda qaar ka mid ah, sida Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Awqaafta, Booliiska soomaaliyeed, shirkaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah. Shirka waxaa ka hadlay masuuliyiin matalaya dhammaan qaybaha ka soo qayb galay, waxaana la is dhaafsaday xog ku saabsan mowduuca la isugu yimid ka dibna waxaa la soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo wax looga qaban karo, waxana ka mid ah:- In ilaalinta anshaxa iyo la dagaalanka mukhadaraadka la siiyo mudnaanta koowaad, sida ay diintu na farayso masuuliyaduna In hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta Anshaxa guud ee Bulshada iyo wacyi galinta Ummadda ay iska kaashadaan sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe midaysan oo la xariirta. In qaybaha kala gadisan ee shacabka iyo hay’adaha dowladdu iska kaashadaan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadaraadka , culumadana loo fududeeyo dacwadda iyo wacyigelinta. In dalka laga hir geliyo Hay’adda Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda, loona magacaabo guddigii diyaarin. in – si deg deg ah- la dajiyo lana ansixiyo sharciga la dagaalanka mukhadiraadka. in la dhiso gole culumo oo dastuuri ah oo hubiya is waafaqsanaanta xeerarka la soo saarayo iyo shareecada islaamka ,sida dastuurku qabo. in wax laga qabto hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh anshax xumada iyo mukhadiraadka. in la qabto shir weyne qaran oo ku saabsan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadiraadka. in laga hortago oo la joojiyo wax kasta oo dhiirigalinaya anshax xumada iyo fuxshiga , sida is dhexgalka qaabka daran , iyo meelaha lagu tunto. Wabillaahi Towfiiq Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
It is difficult to talk about the evolution of the hospitality industry in Kenya without making reference to Mohamed Hersi, the director of operations at Pollmans Tours and Safaris. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kheyre oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas ayaa sheegay in guddoomiyaha uu uga mahad celinayo kaalinta uu ka qaatay xaalada kala guurka ah ee dalku ku jiro. “Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre. Kheyre iyo Cabdi Xaashi ayaa isku mowqif ka ahaa maareynta hanaanka doorasho ee Soomaaliya u jaheysaneyso, balse labaduba waxay dagaal siyaasadeed kala kulmeen xafiiska madaxweynaha. Wada-shaqeynta guddoomiye Cabdi Xaashi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa haatan u muuqata mid aan wanaagsaneyn, halka Kheyre uu ku baxay khilaaf ka dhashay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa. Khilaafkan ayuu xoogiisu soo bilaawday intii aan la aadin shirarkii Dhuusamareeb ka dhacay, waxayna Kheyre iyo Cabdi Xaashi ka mideysnaayeen in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ka wada tashadaan sidii ay Soomaaliya doorasho uga dhici laheyd waqtigeeda. Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanayey in guddiga doorashooyinka loo daayo howshaas si doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga qabtaan, balse dhawaan ayuu ka tanaasulay taas, isagoo aqbalay in la aado doorasho dadban. The post Kheyre oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Swedish scientists have made an announcement that camels and other animals in the same family have antibodies that can block covid-19 virus. Working round the clock to unblock the matrix on coronavirus scientists at the prestigious Karolinska Institute in Stockholm said Friday they are working on a pioneering treatment involving llamas and alpacas in the fight against Covid-19. Dr Gerald McInerney, Associate Professor of Virology at the Karolinska Institute. “Camels, and alpacas and llamas and other animals from that family have special, small single-chain antibodies. Tiny antibodies they’ve proved can block Covid-19.” The institute said it was studying how to put these tiny antibodies on cells, blocking the virus from getting in and to stop patients from developing the disease.From alpaca blood samples the researchers can clone antibodies en masse in the laboratory. They hope to produce a short term treatment, most likely as a mouth spray, or inhaler. “We are very excited that we have something that’s very functional,” says Dr McInerney. Source Taarifa.rw Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta kulan kula qaatay Muqdisho , Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubbaland. Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubbaland. Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubaland. Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay xaaladda dalka, iyadoo Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay arrimaha Jubaland. Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga mahad-celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Culimada, Qeybaha Bulshada iyo hay’adaha dowladda ayaa lagu falan-qeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah. War Murtiyeed Shir ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Dayax, maanta oo ay taariikhdu tahay 2/Safar/ 1442, kuna beegan 20/Sep/2020, ayna soo abaabuleen culumada Soomaaliyeed, ayna ka soo qayb galeen qaybaha bulshada, sida: Odayaasha Dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Ganacsatada, Aqoon yahanka iyo Saxaafadda, sidoo kale ay ka soo qayb galeen hay’adaha dowladda qaar ka mid ah, sida Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Awqaafta, Booliiska soomaaliyeed, shirkaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah. Shirka waxaa ka hadlay masuuliyiin matalaya dhammaan qaybaha ka soo qayb galay, waxaana la is dhaafsaday xog ku saabsan mowduuca la isugu yimid ka dibna waxaa la soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo wax looga qaban karo, waxana ka mid ah:- In ilaalinta anshaxa iyo la dagaalanka mukhadaraadka la siiyo mudnaanta koowaad, sida ay diintu na farayso masuuliyaduna In hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta Anshaxa guud ee Bulshada iyo wacyi galinta Ummadda ay iska kaashadaan sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe midaysan oo la xariirta. In qaybaha kala gadisan ee shacabka iyo hay’adaha dowladdu iska kaashadaan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadaraadka , culumadana loo fududeeyo dacwadda iyo wacyigelinta. In dalka laga hir geliyo Hay’adda Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda, loona magacaabo guddigii diyaarin. in – si deg deg ah- la dajiyo lana ansixiyo sharciga la dagaalanka mukhadiraadka. in la dhiso gole culumo oo dastuuri ah oo hubiya is waafaqsanaanta xeerarka la soo saarayo iyo shareecada islaamka ,sida dastuurku qabo. in wax laga qabto hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh anshax xumada iyo mukhadiraadka. in la qabto shir weyne qaran oo ku saabsan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadiraadka. in laga hortago oo la joojiyo wax kasta oo dhiirigalinaya anshax xumada iyo fuxshiga , sida is dhexgalka qaabka daran , iyo meelaha lagu tunto. View the full article
