Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,703
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Itoobiya:Bukaanno buux dhaafiyay Cusbitaalada & Goobaha lagu dabiibo dadka qaba Xanuunka Covid19 Fayraska karona ayaa ku sii kordhay dalka Itoobiya Saraakisha xarunta ugu wayn ee lagu dabiibo dadka uu soo ritay feyriska Corona ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegeen in xaruntaasi ay buuxsamayso sababa la xiriira kiisaska fayraska karona oo sare u kacay. Saraakiisha caafimaadka dalkaasi ayaa sidoo kale waxay sheegeen in bukaanno cusub aysan imika qaabili Karin. Agaasimaha xarunta Millennium Hall’s medical Dr Wuletaw Chanie ayaa BBC-da u sheegay in qeybta la dhigo dadka xaaladoodu ay culus tahay ama u baahan qalabka neefsashada ay imika qarka u saaran tahay iney buuxsanto. Dr Chanie ayaa sheegay in xaruntan lagu daweeyo dadka uu ku dhaco feyriska Corona ay buuxsami doonto muddo toddobaad gudihiis ah, islamarkana aysan qaabili Karin bukaannada cusub ee u baahan qeybta xaaladaha culus, sida kuwa u baahan qalabka neefsashada. Xaruuntan ayay dhakhaatiirtu sheegeen in maalinkii ay qaabisho 20 bukaan oo ah dad uus oo ritay fayraska corona. Waxaa xaruntan ku taala magaalada Addis Ababa imika lagu daweynayaa 200 oo bukaan. In ka badan kala bar bukaannada xaruuntan ku jira ayaa waxaa ku xiran qalabka dadka ka Kaaba neefsashada. Tirada bukaanada uu soo ridanayo fayraska Corona ayaa sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay . Bishaan Agoosto oo kaliya waxaa dalkaasi laga diiwaangaliyay 25,000 oo kiis. Sida ay sheegtay wasaaradda ee dalka Itoobiya waxaa dalkaasi ilaa iyo imika laga diiwaangaliyay in ka badan 42,000 oo. Kiisaskan ayaa intooda badan laga helay caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa Qaran News
  2. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland ayaa kulan la qaatay Injineerka Gacanta ku haya dhismaha Garoonka Kubbadda cagta Mire Awaare ee Caasimada Dowladda Puntland. Wasiir Jaamac Faarax Muuse oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan soo dhowayn iyo Iswaraysi la qaatay injineerka, injineerka ayaa dalka dabadiisa ku maqnaa mudooyinkii u danbayey Xanuunka Dunida Saameeyey Covid19 awgii oo shaqadu gaabis ku timi mudadaa. Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa Madax ka tirsan xiriirka kuubada Cagta Puntland iyo Gudoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Nugaal. Kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar gallin lahaa Dhismaha Garoonka mudo koobana ugu dhamaan lahaa qaybaha ka harsan dhismaha Garoonka loona gogli lahaa Rooga Cagaaran, injineerka gacanta ku haya ayaa Cadeeyey inay soo gaba gabayn doonaan Dhisamaha Garoon Dhamaadka bisha September 2020. Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa sheegay in ay dhawaan heli doonaan garoomo kubbadda cagta oo si wanaagsan loo diyaariyay. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Ciiro.mp4 Ugu Danbayntii wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Faarax ayaa u mahad Celiyey injineerka, Gudida Garoonka iyo Cid walba oo ka qayb qaadatay dhismaha Garoonka Kuubada cagta ee Mire awaare, wuxuuna Dhallinyarada ugu bushaareeyey in la dhamays tiri doono kuna qabsoomi doonto Ciyaaraha Gobolada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa bogaadiyay da’daalada dib u dhiska garoomada kubbadda cagta Puntland wuxuuna sheegay in Dowladda ay dhallinyarada u diyaarinayso garoomo caalami,isagoo bulshada Puntland ee gudaha iyo dibada ugu baaqay in laga qeyb qaato horomarka iyo kobaca isboortiga deegaanada kala duwan ee maamulkaas. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/mira-awaare.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  3. MOGADISHU (HOL) - Two senior officials in the Ministry of Fisheries and Office of the Accountant General were Thursday slapped with an accumulated jail term of 19 years for embezzlement of public funds and use of public office for personal interest. Source: Hiiraan Online
  4. Dhuusamareeb ( Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Cabdi Xaashi oo ay wehlinayaan Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada ku soo dhoweeyey guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, xildhibaano, wasiiro Galmudug ka tirsan iyo boqlaal dadweyne ah. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka socdaalka guddoomiye Cabdi Xaashi uu yahay sidii uu uga qeyb geli furtaanka caawa ee Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Glamudug. Sidoo kale inta uu joogo magaalada wuxuu la kulmo doonaa madaxweynaha Galmudug, isagoo kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Guddoomiyaha aqalka sare oo muddooyinkii dambe uu khilaaf kala dhexeeyey golaha shacabka iyo villa Soomaaliya ayaa kali ku noqday marka la’eego saaxada siyaasadda, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama xaaladda dalka ay ka sii dareyso. Si kastaba ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyey wejiga saddexaad ee shirka wada-tashigda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu caddeeyey nooca doorashada ay dalka ka dhaceyso sanadkan 2020 illaa 2021-ka. The post Muxuu yahay u jeedka safarka guddoomiye Cabdi Xaashi ee Dhuusamareeb? first appeared on Caasimada Online.
  5. War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Madaxda Puntland iyo Jubaland uga socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa lagu shaaciyay in Shir Wada-tashiya oo ku saabsan Arrimaha Doorashada Somaaliya lagu qaban doono Magaalada Muqdisho. War-murtiyeedka waxa lagu xusay in Deni iyo Axmed Madoobe ay Wada-hadal Khadka Taleefonka ah la yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale ee Dalka kaasi oo ay kaga arrinsadeen sidii Heshiis midaysan looga gaari lahaa Hannaanka Doorashada Dalka. Sidoo kale waxay sheegeen in Wada-hadalka lagu go’aamiyay in Shir Wada-tashiya la isugu yimaado Magaalada Muqdisho si looga wada-hadlo Arrimaha Doorashada iyo Xaaladda Kala guurka ah. Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale u mahadceliyeen Beesha Caalamka oo sida ay sheegeen dadaal ku bixinaysa in Doorashada Soomaaliya ku qabsoonto Wakhtigeeda. Hoos ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Madaxda Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  6. Borama ( PP Features ) — The Political turmoil in Ethiopia has had an impact on the vegetable prices in Somaliland. Awdal vegetable traders import vegetables and fruits from Oromia, the centre of uprising in Ethiopia following the assassination of the singer Hachalu Hundessa in Addis Ababa two months ago. Sheikh Mohamed Saeed Saaweer of Borama recently urged locals to learn from the episode of vegetable and fruits shortage in the city and till the land. “ Our land is fertile. We have to devote time and resources to our agricultural sector. It took only a political unrest in Ethiopia to result in a surge in vegetables and fruits prices” said Sheikh Saaweer. Somaliland Vision 2030 rhetoric: Agriculture is a key sector in Ethiopia. According to the Somaliland Government “The agricultural practices of … farmers [in Awdal] remain relatively simple, using single pointed shafts for ploughing, and neglecting the potential advantages of fertiliser and extension work.” Property and land prices in Awdal keep rising. Property speculators are behind the drive to extend construction planning to agricultural areas of Borame. The decline of the agricultural industry in Awdal points to a Somaliland Government policy that attaches no importance to boosting agriculture in regions with a farming tradition. Sheikh Mohammed S. Saaweer: Let us boost our agricultural productivity. The low agricultural productivity in Somaliland stands in stark contrast to the lofty vision summarised in Somaliland National Vision 2030: “The key position of agriculture in the economy means that there remains a strong imperative to resource the development of the agricultural sector to raise the standard of living of the majority and ensure food security for the nation.” The swarm of locusts that swooped down upon farms in Somaliland exacerbates the situation of farmers forging ahead despite absence of a sound agricultural policy in Somaliland. “Somaliland leaders pay lip service to agricultural development. We have a Faculty of Agriculture and Environment at Amoud University but we import what we can grow in our region and suffer when supplies stop” says Mohamud Ali, a trader in Borama. “Our MPs hardly discuss human development issues. It is at the mosque where citizens air views on the impact of poor economic policies on society” says an economist who has decided to lobby MPs from Awdal for more investment for the agricultural sector. Ironically Somaliland President Muse Bihi renamed the Ministry of Agriculture to the Ministry of Agricultural Development. If the agricultural underdevelopment in Somaliland is any guide, it leaves no one in doubt that Somaliland Government views agriculture as an economically less viable sector. © Puntland Post, 2020 The post Political Turmoil in Ethiopia Exposes Lack of Agricultural Policy in Somaliland appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xaaladda dalka, kadib shirar ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed iyo mida amniga ee dalka. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay inay wada-hadal taleefanka ah la yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana la’isla gartay in la’isugu yimaado shirweyne kale oo dhowaan ka dhacaya M/ Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
  8. .Xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay maanta Xukunno ku ridday saraakiil ka kala tirsan wasaaradda Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo mulkiilayaal shirkadeed. Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda Maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $ 1,183 oo Dollar. Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah Agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $137, 907 oo Dollar. Khadar Aweys Xassan ayaa isagana Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo Xabsi ah. Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah Madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $3,549 USD. sidoo kale, waxaa lagu amray in uu qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno ku ridday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbalnad iyo Puntland oo maalmihii u dambeeyey shirar ku lahaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda guud ee dalka, si loo gaaro xal siyaasadeed, ka hor doorashooyinka 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay wada-hadal dhanka teleefanka la yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ay isla garteen in xal mideysan laga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan arrimah doorashooyinka dalka. War-murtiyeeedka ay soo saareen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa sidoo kalelagu sheegay inay wada-hadal la geli doonaan dowladda federaalka ah, islamarkaana ay imaan doonaan Muqdisho oo uu ka dhici doono shirweyne wada-tashi ah oo dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyd kale ee dalka. Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay in warsaxaafadeedka inay labada dhinac ay ka wada-hadleen iskaashiga ka dhexeeya Jubbaland iyo Puntland. Dhowaan ayey aheyd markii gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmdug lagu soo gabagabeeyey shir ay ka maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee sanadkan ka dhaceysa dalka. The post Axmed Madoobe iyo Deni oo war xasaasi ah ka soo saaray shirarkii Garoowe first appeared on Caasimada Online.
  10. Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano iyo wasiiro. U jeedka safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay inuu qeyb-ka yahay is-bedalka siyaasadeed ee dalka, isagoona ka qeyb qaadan doono arrimaha doorashaa ee 20/21. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo ka bilaabi doono gudaha magaalada caasimadda Muqdisho, isaga oo marka hore la fariisan doono Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuued iyo Sheekh Shariif Sheekh oo haatan ay saaxibo dhow yihiin. Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu warbaahinta u qabto shir jar’aaid, kana hadlo xaaladda siyaasadeed dalka, gaar ahaan xilliga kala guurka ee haatan lagu jiro. Si kastaba ha’ahaatee socdaalka Shariif Xasan ayaa ku soo aadaya, iyad haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. The post Shariif Xasan oo sanado kadib dib ugu soo laabtay dalka + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  11. Warmurtiyeed kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in Muqdisho u iman doonaan shir wadatshi ah iyaga oo intaa ku daray in intii ay ku wada hadlayeen Garoowe ay wada hadal xagga telefoonka ah la yeesheen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada. Akhriso: Warmurtiyeedka: Source: goobjoog.com
  12. Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland oo maalmahaan ka arinsanayay Doorashada Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii maanta soo saari doona Warmurtiyeed ka turjumaya Natiijada kulankooda. Warar kala duwan [...] The post Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta soo saaraya Warsaxaafadeed appeared first on . Source
  13. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa rabacadii Cabdicasiis Nuur Xuseen u magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug, tallaabadan oo imaaneysa maalmo uun kadib markii uu horay u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare. Madaxweyne Axmed Kaariye Qoorqoor oo ay muuqato inuu dhisayo garsoor dhameystiran ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, waxaa ay u qorneyd sidan: Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga. Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha. Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha. Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug. Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM Wuxuu soo saaray xeerkaan: Qodobka 1aad Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM Qodobka 2aad Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda usoo gudbineysaa taariikh nololeedka Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug. Cabdicasiis Nuur ayaa waxaa uu ku dhashay Galkacyo 1988-dii, isaga oo Jaamacadda SIMAD ka dhameeyey heerka 1aad ee qaanuunka(Bachelor of Laws) . Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa: Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug waxaa uu xilliga la magaacabayey ilaa sanadka bilowgiisa ahaa lataliye sharci oo madaxbannaan. Halka April 2019 ilaa Dec 2019 uu sidoo kale ahaa La-taliye sharci Nootaayada Dr.Faaruuq, isaga oo July 2017-Dec 2019 caawiye qareen ka ahaa Xafiiska Qareenada ee Xalane Law Office. Waxaa uu heystaa tababarro la xiriira shaqadiisa, oo ay ku jirto mid uu ka qaatay maxkamadda gobolka Banaadir. Tallaabada uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku magaacabay xeer ilaaliyaha Galmudug oo lagu daray middii guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa nooceeda ah, waa mid horay loo qaaday, waana mid wax badan ka badali doonta in Galmudug yeelato garsoor wax badan ka qabta baahiga dadka ku nool dowlad goboleedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Garsoore u dhashay Waddanka New Zealand, ayaa Khamiista maanta ah xukun xabsi daa’im oo aan cafis laheyn ku riday ninka caddaanka ah, Brenton Tarrant, kaasi oo 51 qof oo Muslimiin ah oo cibaadeysanayay ku toogtay dalkaasi taasi oo ahayd toogashadii ugu dhimashada badneyd ee New Zealand. Waa markii ugu horreysay ee maxkamad ku taal New Zealand ay xukun xabsi daa’im ah ku riddo qof inta noloshooda ka harsan. Qaaliga maxkamada sare ee Christchurch Cameron Mander ayaa sheegay in Tarrant uusan muujin wax qoomamo ah iyo in muddada dheer ee lagu xukumay aysan ku filneyn in ay ka cafiso dambigiisa. Tarrant, oo ah 29 sano jir u dhashay Australia ayaa qirtay 51 dambi oo dil ah, 40 dacwadood oo isku day dil iyo hal eedeyn oo ah inuu galay fal argaggixisinimo intii uu ku guda jiray toogashadii 2019-kii ka dhacday laba masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch isagoo toogashada si toos ah uga baahinayay Facebook. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post New Zealand: Xabsi daa’im lagu xukumay Brenton Tarrant appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (HOL) - The International Seafarers' Welfare and Assistance Network (ISWAN) has welcomed the release of three Iranians held hostage by Somali pirates for nearly five-and-a-half years. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale xukunno adag ku riday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, kuwaas oo lagu helay xatooyada Xoolo dadweyne. Xukunka ay ridday maxkamadda ayaa isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed, kadib markii xubnahaas oo ka kala tirsan wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo milkiiliyaal shirkadeed lagu helay masuq ay sameeyeen, sida ay sheegtay maxkamaddu. Halkan hoose ka aqriso magacyada dadkaasi iyo xukunnada lagu riday: 1-Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 255,25,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $ 1,183 USD. 2-Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre waxaa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1183 dollar. 3-Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shillin Soomaali ah oo u dhiganta $137, 907 USD. 4-Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 88,725,000 oo Shillin Soomaali ah isla markaana $3,549 USD, sidoo kale waxaa lagu amray in qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday. Si kastaba ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii agaasimeyaaal iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu riiday xukunno adag, kadib markii lagu helay musuq-maasq. The post Maxkamadda gobolka Banaadir oo markale xukuno adag ku ridday mas'uuliyiin first appeared on Caasimada Online.
  17. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale xukuno isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku ridday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya. Xubnaha la xukumay ayaa waxaa ay ka kala tirsan yihiin wasaaraddaha Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo milkiiliyaal shirkadeed. Masuuliyiinta la maxkamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah:- Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 255,25,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $ 1,183 USD. Khadar Aweys Xasan, waxaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 295,25,000 oo Shillin Soomaali ah oo lamid ah $ 1,183 USD. Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shillin Soomaali ah oo u dhiganta $137, 907 USD. Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 88,725,000 oo Shillin Soomaali ah isla markaana $3,549 USD, sidoo kale waxaa lagu amray in qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Afhayeenka guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa goor-dhawayd looga yeedhay xarunta baadhista dambiyadda Somaliland ee C.I.D-da. Maxamed Siddiiq Dhamme oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa xaqiijiyay waxaanu yidhi “Hadda waxa looga yeedhay xarunta danbi baadhista C.I.D magaalada Hargaysa Af-hayeenka Barkhad Jaamac Batuun Xisbiga WADDANI Waxaanu u aragnaa tallaabadaasi Intimidation lagu samaynaayo. Waxaana lagu haystaa ka hadalka Haybsooca qarniyada soo taagnaa ee uu ka hadlaayay toddobaadkan tallaabadaasi waa caddaawad muujinaysa Takoor hor leh.” Dhan kale wararka qaar ayaa sheegaya in la xidhay Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun balse ma jirto illaa cid xaqiijisay xadhiggiisa. Source
  19. Qatar, represented by Qatar Fund for Development (QFFD), continues to support development projects in Somalia with the start of asphalt-paving work on the Mogadishu-Afgoye road. Source: Hiiraan Online
  20. Inta aanan u gudbin falanqeynta heshiiska dhusamareb-3 ee 19ka Agoosto 2020, waxaan jeclahay inaan akhristayaasha qoraalkan xusuusiyo in Shirkii dhusamareb-1 gooni u ahaa DG-yada Galmudug, Puntland, HirShabelle, Koofur Galabed, iyo Jubbaland si ay u mataanoobaan, una mideeyaan aragtidooda ku saabsan doorashada 2020/2021, waxayna isku raaceen inaysan suura gal aheyn qabashada doorashada halka qof iyo halka cod (HQHC) 2020, loona baahan yahay doorasho heshiis lagu yahay oo aan aheyn HQHC, mowqifkaasoo waafaqsanaa go’aankii Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka (DF). Qof kasta oo waxgarad ah waxaa u caddaa in xalka miiska saaran yahay doorasho dadban oo guud ahaan la mid ah tii 2016. Shirka xigay ee dhusamareb-2 wuxuu ahaa shir laba geesood ah ee u dhexeyay dowladda Federaalka iyo DG-yada ka qayb galay shirkii dhusamareb-1. Ku talagalka ujeedada Shirka dhusamareb-2 wuxuu ahaa ka wada hadalka hannaanka doorashada dadban 2020. Ahmiyadda kale ee Shirka waxay aheyd soo nooleeynta isu soo dhawaanshaha iyo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo kala xiriir furtay laga soo bilaabo bishii Juun 2018, taaso curyaamisay dadaalkii loogu jiray dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya sannadaha 2017-2020. Madaxweyne Farmajo oo aan marna ka welwelin wada shaqeyn la’aanta DF iyo DG-yada wuxuu oggolaaday inuu ka qayb galo shirka dhusamareb-2 asagoo careysan, kana ciil qaba kulanka iyo go’aammada ka soo baxay Shirka dhusamareb-1, kana go’an tahay inuu kala tuuro isbaheysiga iyo wada tashiga ka dhex unkamay DG-yada. Markuu diiday go’aankii shirkii dhusamareb-1 oo waafaqsanaa go’aankii Golaha Wasiirrada DF, asagana lagu taageeri waayay doorashada HQHC ee ujeedkeeda yahay waqti kororsi, wuxuu u baahday inuu helo waqti uu wax uga beddelo geedisocodka wada hadalka dhusamareb. Sida darted, wuxuu ku adkeystay in warmurtiyeedka shirka dhusamareb-2 lagu qoro magacaabidda Guddi Farsamo oo ka soo baarandegga hannaan doorasho oo ku dhacda waqtigeeda, laguna wada qanacsan yahay, iyo in la isugu yimaado shirka dhusamareb-3 ee loo ballamay 15ka Agosto 2020. Labo (2) maalmood kaddib dhammadka shirka dhusamareb-2 oo ku aadaneyd 25 Luulyo 2020 waxaa xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo ka soo horjeeday mowqifka Madaxweyne Farmajo ee doorashada HQHC oo nuxurkeed yahay muddo kororsi. Kaddib, waxaa degdeg u tagay ama looga yeeray Muqdisho Madaweynayaasha 3da DG ee Galmudug, HirShabelle, iyo Koofur Galbeed waxayna la kulmeen Madaxweyne Farmaajo, Safiirka Qatar, iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin oo ka taliya arrimaha Soomaaliya. Tuhunku wuxuu yahay in isbaheysi cusub lagu heshiiyay. Waxaa xigay afduubka Guddiga Farsamada loo xilsaaray ka soo baarandegga hannanka doorashada 2020 ee lagu heshiiyay inuu ku shaqeeyo dhusamareb, haseyeeshe lagu amray inuu ku shaqeeyo Muqdisho. Waxaa Shirka dhusamareb-3 lagu martiqaaday Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo ah Sarkaal hoos yimaada, kana amar qaata Madaxweyne Farmaajo. Tallaabooyinkaas iyo khudbaddii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay xiritaankii shirkii dhusamareb-2 waxay kala furfureen isbaheysigii 5ta DG, waxayna soo nooleeyeen khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo DG Puntland iyo Jubbaland, waxayna abuureen koox ka kooban 3 DG iyo Gobolka Benadir oo daacad u ah xukun maroorsiga iyo muddo kordhiska Madaxweyne Farmajo iyo kooxda Puntland iyo Jubbaland oo mucaarad ah, taaso Madaxweyne Farmajo u arkay guul, hase yeeshe mar kale hakisay wada shaqeyntii DG-yada iyo DF, hirgelinta doorasho ku dhacda waqtigeeda iyo ambaqaadka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo waa garan waayay in heshiiska dhusamareb-3 uusan noqon karin taabbagal, isla markaana fadeexo weyn iyo dhaawac ku yahay hoggamintiisa. Dad badan oo isugu jira Madaxda DF, DG, Xildhibannada BF, Warbaahinta, Ciidammada, Garsoorka, siyaasin iyo aqoonyahanno, ayey ku adkaatay fahamka, tixgelinta, iyo qiimeynta isku lammaanaanta iyo kala qaybsanaanta heerarka DF- Dowladda Dhexe, DG, iyo Dowladaha Hoose iyo midnimada iyo kala soocnaanta hay’adaha dastuuriga ee dowladda dhexe ee federaalka- Madaxweynaha JFS, labada Aqal ee BF, Golaha Wasiirrada, Garsoorka, iyo Ciidammada QS- oo dastuurka federaalka kmg ah kala siinayo mas’uliyado iyo awoodo wada shaqeyn iyo kala shaqeyn iyo is ilaalin iyo isi sixid. Mas’uul kasta oo xil go’aan qaadasho qabanaya wuxuu ku dhaarta inuu daacad u yahay, ilaalinayo dastuurka iyo sharciga ee oo uusan daacad u aheyn qof ka sarreeya. Haseyeeshe lama dhawro dhartaas. Khudbadihii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay xiritaankii shirarkii dhusamareb-2 iyo dhusamareb-3 waxay ifinayaan fikradaha khilaafsan dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiga ah, baahida hoggaamineed ee marxaladda dalku marayo, iyo ku dhaqanka nidaamka maamul-wanaagga ee Madaxweyne Farmajo qabo, kuwaaso sabab u ah qalalaasaha siyasadeed, maamul, iyo nabadgelyo ee dalka ka taagan iyo fashilka qabsoomidda doorashada HQHC. Nidaamka federaalka dimoqradiga ah ee ku qeexan dastuurka KMG waa ka duwan yahay nidaamyadii dowladeed ee dalka Soomaaliya soo maray. Dhammeystir la’aanta dastuurka kmg iyo jiritaan la’aanta sharciga qaabka shaqo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee la rabay in la dhammeystiro 2016 ka hor waxay Soomaaliya u diideen dowlad karti leh, sharciga hoggaaminayo, dalka u horseeda nabad, xasillooni, dib u heshiisin, iyo horumar. Qodobbada DG Puntland soo jeedisay waxaa ka mid ahaa in shirka dhusamareb-3 ka soo qayb galo Ra’iisul Wasaare haysta kalsoonida Barlamaanka Federaalka oo beddela Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka oo dhinac ka ah heshiiska Isbaheysiga iyo isla xisaabtanka ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya ( International Partnership Agreement and Mutual Accountability Framework for peace and state building in Somalia) si loo xaqiijiyo in shirka dhusamareb-3 lagu gaaro heshiis doorasho ee dhammeystiran oo deg deg loo fulin karo. Waxaa xusid mudan in beesha caalamka ay aad u daneyneyso habka doorasho ee 2020/2021. Saaxibada Beesha Caalamka qaarkood waxay si gaar ah u taagerayaan qoondada haweenka iyo nidaamka doorashada HQHC inkastoo ay xog ogaal buuxa u yihiin in 3dii sano iyo barka la soo dhaafay aan wax diyaar garow ah loo sameyn doorasho HQHC. Lama yaqaan ujeedooyinka ka dambeeya mowqifka dalalkaas oo carqalad ku ah doorasho Soomaalida dhexdeeda ku heshiiso. Tusaale ahaan, Xogwarranka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya taarikhdiisu tahay 13 Agoosto 2020 ma sheegayo in DG-yada ka qayb galay dhusamareb-1 ku heshiiyeen inaysan suura gal aheyn hirgelinta doorashada HQHC 2020. Sababta lama yaqaan. Sidaa darted, ka soo qayb galka Wakiillada beesha caalamka waxay leedahay fa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin xallinta khilaafaadka Somalida dhexdeeda, xallinta khilaafaadka beesha caalamka iyo Somalida u dhexeeya, isla meel dhigidda hab doorasho ee lagu wada qanacsan yahay, jaangoynta iyo helitaanka dhaqaalaha loo baahan yahay iyo ugu dambeyn dammanad-qaadka hirgelinta habka doorasho ee lagu heshiiyo. Dhalliilaha Guud ee heshiiska doorasho Dhusamareb-3: Asal ahaan, Heshiiska waa sharcidarro sababtoo ah waa xaaran in Madaxwerynaha JFS saxiixo heshiis aan Golaha Wasiirrada soo marin. Ra’iisul Wasaaraha/Wasiirrada ayaa u xilsaaran saxiixa heshiisyada DF dhinac ka tahay. Sida darted, ka maqnaanshaha Ra’iisul Wasaaraha waxay burrineysa heshiiska dhusamareb-3. DG-yada Puntland iyo Jubbaland wax kama saxiixin heshiiska doorashada. Sidoo kale, Bulshada Ra’yidka, Wakiillada Xisbiyada iyo saamileyda siyaasadda kama qayb gelin doodda habka doorasho ee ku qoran heshiiska dhusamareb-3. Heshiisku wuxuu taageraya siyaasadda xukun mororsiga iyo ololaha muddo kororsiga ah ama kontroolka maamulka doorashada ee Madaxweyne Farmajo waday si mintidnimo ah 3 sano iyo bar si uu xukunka ugu waaro. Sidaa darted, guud ahaan heshiiska dhusamareb-3 waa heshiis loogu tala galay inuu abuuro khilaaf, xiisad siyaasadeed, iyo dib u dhac qabsoomida doorashada 2020 si shacabka soomaaliyeed loogu khasbo inay u dulqaatan hagardaamo iyo xukun sharcidarro ah beddelka nabad, xasillooni, iyo dowladnimo dhalanteed ah. Heshiiska wuxuu ka soo horjxeeda mabaadi’ida doorashada daahfuran, sahal ah, hufan, dhaqaale ahaan macquul ah, xoojineysa kalsoonida shacabka ku qabo doorashada iyo sharciyadda dowladnimada. Qodobbada heshiiska waa is diidayaan, fulinta heshiiskana waxay qaadaneysa waqti dheer oo kallifaya kordhin muddo xileedka BF iyo Madaxweynayaha taaso aan la aqbali karin. Hannanka doorasho ee heshiiska dhusamareb-3 dhigayo waa ka xun yahay hannankii doorasho 2016. Wanaagga iyo Xumaanta doorasho kasta waxay ku xiran tahay xeerka doorashada iyo fulinta iyo fulin la’aanta xeerkaas doorasho ee lagu heshiiyay. Heshiisku kama wada jawaabayo su’aalaha kala ah: 1. Muxuu yahay xeerka doorashada (Rules of the game); 2. doorashada ma dhaceysa waqtiga dastuurka federaalka farayo oo ah Nofember 2020? Haddii aysan dheceyn taarikhdee doorashadu dhaceysa? Yaa Maamulaya Doorashada? Cidda Maamuleysa heshiis ma lagu yahay? Maaliyadda loo baahan yahay ma la hayaa/helaya si doorashadu u dhacdo waqtiga loogu tala galay? Intee qaadaneysa fulinta doorashada? Yaa u xilsaaran ilaalinta u hoggansanaanta ama ku tumashada xeerka doorashada? haddii qalad, khilaaf, ama dambi dhaco yaa u xilsaaran xallinta/garsoorka? Waa intee muddada loo baahan yahay tabaabushaha iyo tababarrada la xiriira hirgelinta heshiiska doorashada? Maxay tahay kaalinta warbaahinta iyo korjoogayaasha? Heshiisku wuxuu ka soo horjeeda mabaadi’ida federaalka, wuxuuna dhirrigelinaya in hay’adaha dowladda federaalka (Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka-GDMQ, Booliska, Mileteriga, Garsoorka, Nabadsugidda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda) garab maraan Maamulka DG-yada. Heshiisku wuxuu isku qaldaya doorashada beel iyo deegan doorasho HQHC iyo doorashada isreebreebka iyo doorashada lagu kala guuleysanayo. Dhalliilahaas guud kaddib, waxaan halkaan hoose ku falanqeynaya 15ka qodob ee ku saabsan doorashada 2020: Qodobka 1 wuxuu dhigaya in doorashada 2020/2021 noqoto deegan doorasho (electoral constituency Caucus) taaso Soomali ahaan la macna ah doorasho dadban. Doorashada kursi loo qoondeeyay beel deegaankeeda la yaqaan waxaa lagu qabanaya magaalo madaxda DG-yada deegaankeeda. Ma ahan in Xildhibaan la weydiiyo arrintaas. Horey ayaa kuraasta xildhibannada loogu qaybiyay DG-yada. Wareejinta kursi xildhibaan horey loo dhigay DG waa in la raaca nidaam daahfuran oo caddeynaya in la sameeyay khalad loona baahan yahay saxitaan. Qodobka 2 wuxuu dhigaya in GMDQ uu fududeynayo (ansixinayo) dhismaha guddiga xulista codbixiyayaasha beelaha. Xilkaas waxaa iska leh barlamaannada DG-yada oo laga rabo inay soo saaran xeer la raacayo si loo dhiso guddiyada xulaya codbixiyayaasha. GMDQ wax shaqo ah kuma laha abaabulka iyo fududeynta guddiga xulista codbixiyayaasha beelaha. Qodobada 2 iyo 3 waxay u baahan yihiin faahfaahin siinaya beelaha tilmaamo si doorashada xildhibannada u noqoto mid xalaal ah. Qodobka 3 wuxuu xadidaya tirada ergada dooraneysa hal kursi beeled oo laga dhigay 301 codbixiye. Hufnaanta habka Xulista codbixiyayaasha waa xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah. Qodobka 4 wuxuu faraya in DG kasta u asteyso ugu yaraan 4 goob doorasho. Heshiisku wuxuu isku qaldaya goob codbixin (polling place) iyo deegan doorasho (constituency district/area) oo ah deggan dhuleedka ay ku nool yihiin beesha/jufada xildhibaan X matalayo. Wax xigmad ah kuma jirto asteynta deegaan doorasho madaama kursiga xildhibaanka ay dooranayaan 301 cod bixiye ee la soo xulay. Xag maamul, dhaqaale, hoy, waqti, agaasin, nabadgelyo, iyo xallin khilaaf darted, waxaa habboon in doorashada ka dhacdo Magaalo Madaxyada DG-yada muddo laba toddaabd ku siman. Doorashada Magaalo Madaxyada waxay warbaahinta iyo korjoogayaasha doorashada u fududeyneysaa inay xog ogaal u noqdaan hirgelinta doorashada iyo soo bandhigidda musuqmaasuqa. Qodobka 5 wuxuu tilmaamaya in Xisbiyadu soo sharraxayaan musharrixiinta ku tartameysa kuraasta beelaha, isla markaana wuxuu dhigaya in codbixiyayaasha 3 ilaa 5 kursi oo hal goob doorasho wadayaal la isku dhafo wadajirna u doortaan 3 ilaa 5 kursi. Waa xadgudub iyo maalxumo in beelaha qaar lagu khasbo hab doorasho ka duwan beelaha kale. Taas waxay u horseedeysa doorasho fawdo ah, waxaana ka dhalan kara natiijo doorasho muran hor leh dhalisa. Waxaa habboon in qaska ka taagan dalka aan lagu darin jaahwareer kale. Qodobka 6 wuxuu dhigaya in doorashada ka dhacdo dalka oo dhan hal maalin. Habka doorashada dadban ee ku dhisan beelaha ayaa diidaya in hal maalin doorashado ka dhaco dalka oo dhan. Fulinta doorashada dadban waxay qaadaneysa ugu yaraan ilaa labo toddabaad. Qodobka 7 wuxuu GMDQ awood u siinaya in deegan kale u wareejiyaan kursi/kuraas loo asteeyay deegaan sabab amni darted. Kuraasta xildhibannnada waxay ku qoran yihiin DG. Doorashada dadban waxay ka dhaceysa magaalo Madaxda DG-yada. Sidaa darted, ma cadda sababaha kallifaya in kursi beel la wareejiyo. Wararka sheegaya in xildhibannada qaarkood rabaan wareejinta kursigooda meel aan reerkooda degganeyn waa arrin u baahan in DG iyo DF iyo Odayaal dhaqameed xaqiijiyaan, lana caddeeyo sababta kursi DG ku qoran loogu wareejinayo DG kale. Qodobka 8 wuxuu dhigaya in kurasta Somaliland lagu doorto qab doorasho dadban. Doorashada xildhibannada Somaliland waa arrin u baahan qormo gaar ah. Qodobka 9 wuxuu dhigaya in qorshaha iyo fulinta doorashada looga dambeeyo GMDQ oo kaashanaya Maamulka DG-yada iyo Bulshada Ra’yidka. Sharci ahaan GMDQ shaqo kuma laha qorshaha iyo fulinta doorasho dadban. Guddigu wuxuu u xilsaaran doorashada HQHC ee ku saleysan Xisbiyada badan. Qodobka 7 iyo 9 waxay GMDQ u xilsaarayaan shaqooyin ka baxsan mas’uuliyadiisa sharci. Qodobka 10 wuxuu dhigaya in doorashada lagu galo hannaan xisbi oo macnaheedu yahay in xisbiyadu soo sharraxayaan musharrixiinta ku tartameysa kuraasta beelaha loo qoondeeyay, taaso siyaasad ahaan, sharci ahaan, maamul ahaan, maslaxad guud ahaan aan habbooneyn. Xisbiyo ma dhexgeli karaan musharraxa iyo beeshiisa. Guddiga DG-yada ee maamulka doorashada ayaa u xilsaaran hubinta musharrixiinta kuraasta beelaha iyo shuruudaha dastuurka ee laga rabo musharrax kasta. Qodobka 11 wuxuu dhigaya in Barlamaannada DG-yada dooranayaan Xildhibannada Aqalka Sare. Qodobkaan wuxuu u baahan yahay faahfaain qaabka musharraxnimada kuraasta Aqalka Sare. Qodobka 12 wuxuu dhigaya in heshiiska Dhusamareb-3 loo gudbinayo Barlamaanka Federaalka, taaso macnaheedu yahay in BF awood u leeyahay inuu diido, wax ka beddelo, ama sidiisa u ansixiyo. Haseyeeshe heshiiska dhusamareb-3 ma joogo heer BF loogu gudbin karo. BF wuxuu galaya khilaaf daneed (Conflict of Interests) haddii heshiiska doorashada loo gudbiyo waayo doorashada waxay khuseysa xildhibannada BF oo 3 bilood ka harsan tahay muddo xileedkooda. Sidaa darted, waxaa habboon in Xildhibannada BF aysan wax shaqo ah ku yeelan heshiiska doorashada dadban 2020. BF wuxuu ku guuldarreystay inuu dalka u dejiyo sharci doorasho 2 sano ka hor. Qodobka 13 wuxuu dhigaya in GMDQ dardargeliyo hirgelinta doorashada waqtigeeda ku dhacda. Ugu horreyn, GMDQ ma dardargelin karo doorasho uusan sharcigeeda hayn, lana darsin sida loo hirgelin karo, isla markaana loo hayn dhaqaale iyo cudud lagu hirgelin karo. Waxaase mudan tixgelin in GMDQ uusan sharci ahaan mas’uul ka noqon karin doorashada dadban ee heshiiska dhusamareb-3 lagu guddonsaday. Qodobka 14 wuxuu dhigaya in madaxda ka soo qayb gashay shirka dhusamareb-3 ay ka go’an tahay inay sii wadaan dadaalka xal u helidda tabashooyinka DG-yada Puntland iyo Jubbaland. Qodobkaan waa jeesjees waayo wax ka qabashada tabashooyinka waa mas’uuliyad gaar u ah Madaxweyne Farmajo oo dhegaha ka fureystay inuu ka hadlo, ka jawaabo qodobbada Puntland iyo Jubbaland qoraal ahaan ku bandhigeen, isla markaana wuxuu ku khasbay 3da DG ee Galmudug, HirShabelle, iyo Koofur Galbed iyo Gobolka Benadir inay saxiixaan heshiis aan wax wanaag ah ka dhalaneyn. Qodobka 15 wuxuu dhigaya in la ilaaliyo 30% ka saamiga haweenka, taaso ah shardi ka abuuraya tabashooyin bulshada soomaaliyeed dhexdeeda. Haweenka iyo ragga soomaaliyeed waxaa saaran waajibka ah inay ka wada tashadaan habka doorashada si loo yareeyo khilaafka haweenka iyo raga, loona xaqiijiyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka siyaasadda iyo hoggaaminta dalka. Soomaaliya waxay dhex dabaalaneysa mushkilado badan oo u baahan xikmad, xeelad, iyo hortobyo lagu furdaaminayo ama lagu xalliyo. Waxaa lagama maarmaan ah dhammeystirka habraaca doorasho dadban oo tifaftiran, daahfuran, sahlan, habraaceeda la hubin karo, lana hirgelin karo 2020. Ka qaybgalka dhammaan saamileyda siyaasadda waa lagama maarmaan. Dr. Maxamud M Culusow Afeef: Qoraalkan waxaa isla leh qoraaga ku saxiixan. Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Taiwan)-Dawladda Shiinaha ayaa weli sii wadda dagaalka ka dhanka ah xidhiidha iskaashi ee dhex maray Dawladaha Somaliland iyo Taiwan. Shiinaha oo aaminsan in Taiwan tahay dhul ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha ayaa sheegay inaanu ogolayn inay lumiyaan Taako keliya oo ka mid ah Dhulkooda Shiinaha. Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya Amb. Qin Jian oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland, ayaa Shalay qoraal ku qoran luqad adag ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, kaasi oo ah farriin ku socota Dawladaha Somaliland iyo Taiwan. Amb. Qin Jian waxa kale oo uu sheegay in Taiwan ahayd dhul uu Shiinuhu aasaasay 71 sanadood ka hor, sidaasi darteed aanay xilligan ka tanaasuli Karin. Safiirka ayaa Qoraalkiisa ku yidhi “Waxaanu la saaxiibnaa dalalka dunida Annaga oo dhaqaalahayaga ku horumarinayna. Ma lumin karno in yar oo ka mid ah dhul-weynaha China.” Safiirku waxa kale oo uu sheegay “Taiwan waxay ka tirsanayd China illaa wakhtiyadii hore. 71 sannadood ka hor China wuxuu geeyay 35 Milyan oo ruux, waxaana laga aasaasay China cusub..” ayuu yidhi. Xiisadda diblumaasiyadeed ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa kor u kacday tan iyo bishii February ee sannadkan oo ay heshiis wada saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan, maadaama oo Shiinuhu aaminsan yahay in Taiwan ka mid ah Dhulkiisa isla-markaana aanay Cidna heshiis la gelin Karin. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo horraantii bishan dhamaanaysa yimid Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa hadallada xilligan ka soo baxayaa muujinayaan inay midho-dhali waayeen dedaallo diblumaasiyadeed oo uu ku doonayey inuu Somaliland ku qanciyo inay ka noqoto Heshiiska Taiwan, taa beddelkeedana ay xidhiidh wanaagsan la yeelato Shiinaha. Taiwan ayaa dhawaan Xafiis Wakiileed ka furatay Magaalada Hargeysa, waxayna markiiba bilowday inay Ganacsatada Somaliland u fiisayso Baasaaboorka Somaliland, sidaasi si la mid ah Somaliland ayaa doonaysa inay bisha soo socota si rasmiya Xafiis diblumaasiyadeed uga furatay Caasimadda Taiwan ee Taipea, halkaasi oo uu ku sugan yahay Safiir ay Somaliland u Magacowday. Source
  22. Waxaa uu dib u dhac ku yimid booqasho lagu waday in maanta ay ku yimaadaan caasimadda Muqdisho madaxweyneyaasha Puntland Saciid iyo Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe , si maamulka Farmaajo ugala hadlaan arrimaha doorashada. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda dib ugu laabto caasimadda Jubbaland ee Kismaayo halka Deni oo sii joogayo Garoowe. Madaxweyneyaasha Deni iyo Madoobe ayaa wararku intaasi ku darayaan in aaney meesha ka saarin imaanshiyahooda Muqdisho balse ay dib u dhacday, iyada oo la filayo in mid weliba uu Xamar uga yimaado dowlad goboleedkiisa. Labada mas’uul ayaa iman-doona Muqdisho si ay Villa Somalia u hordhigaan waxyaabaha wax ka bedelka u baahan ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo la warinayo in mabd’a ahaan ay aqbaleen. Beesha caalamka ayaa ku jira dhexdhexaadinta labada dhinac, imaanshiyaha Muqdisho ee mas’uuliyiintanna waa miraha dhexgalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweyniyaasha Turkiga Tayyip Erdogan iyo Donald Trump ayaa telefoon kaga wadahadlay xidhiidhka labada dhinac, arrimaha gobolka iyo xiisadda ka taagan badda Mediterraneanka ee u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga, sida uu sheegay xafiiska madaxweyne Erdogan. Xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga ayaa sare u kacday markii xukuumadda Ankara u dirtay markabkeeda sahminaya biyaha lagu muransan yahay ee bariga badda Mediterranean talaabadaas uu Athenis ugu yeedhay sharci-darro. Labadan dal oo ka wada tirsan gaashaan-buurta NATO ayaa si weyn isu maan-dhaafay waxayna wada sheeganayaan mulkiyadda kheyraadka ku jira biyahaas oo uu kamid yahay gaas dabiiciga ah, iyadoo muranka labada dhinac uu salka ku hayo qalfoof badeedka ay ku firidhsan yihiin jaziirado Giriigu leeyahay. Source
  24. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli dowladda Soomaaliya ay wado tacadiyada ay ku heyso siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiintii hore. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khudbaddiisa ku sheegay in shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu celiyey Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kadib markii ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Somalia. Ma shaacin halka uu ku jeeday Khayre, balse wuxuu tilmaamay in loo adeegsaday ciidamadii uu dhisayey saddexdii sano ee uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. ”Maantadan waxaa la ii sheegay nin wasiirada Galmudug ka mid ah oo maanta ka yimid Muqdisho in Airoport-kii lagu celiyey Ra’iisul wasaarihii ninka ahaan jiray in isbraaro loo dhigtay Xasan Cali Khayre.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ”Ciidanka marka haddaan loo sheegin shaqadaada waxay tahay amniga, shaqaada waxay tahay inaad dowladnimada dhowrto, shaqadada waxay tahay inaad Dastuurka ilaaliso oo hub loo dhiibo **********ka wuxuu ka bedalan yahay malaha haddii qofkii la raboloo isticmaali karo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Caasimada Online ma xaqiijin karto warkan uu shaaciyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyadoona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan falkaasi la sheegay in lagu celiyey, R/wasaare Khayre. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dalka uu ku jiro xalaada cakiran iyo marxalad kala guur ah oo la’isku diyaarinayo doorashooyinka 2020/2021-ka. The post Maxaa ka jira in Xasan Cali Khayre lagu celiyey garoonka Aadan Cadde? first appeared on Caasimada Online.