Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaarad nuuceedu yahay Fokker 50 oo ay leedahay shirkadda Silverstone Air Service nambarkeedu yahay SY-MHT ay maanta soo Sabti ah September 19, 2020 07;55 AM subaxnimo ku gashay shil garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Diyaaraddu ayaa sidday xamuul iyo afar (4) shaqaale, taasi oo ka baxday magaalada Muqdisho, iyadoo raashin u sidday magaalada Beladweyne, Wax yar kaddib marki ay diyaaraddu hawada gashay ayuu duuliyihii diyaaradda soo gashay cillad (hydraulic problem) wuxuuna dib ugu soo laabtay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Diyaaraddu ayaa ka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cabdulle dhabbaha diyaaradaha dhanka (runway 05), iyadoo cilladdii uu soo tebiyay duuliyaha awgeed ay diyaaraddu ka baxday dhabbaha diyaaradda, waxayna ku dhacday darbiga garoonka. Shaqaalihii la socday diyaaradda dhamaan ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo iyagoo dhaawac ah, sidoo kale diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray bur bur. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in abaaro 2:00 duhurnimo ee maanta dib loo furay garoonka oo ay si caadi ah ku bolowdeen howlihii duulimaadyada. Halkan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka View the full article
  2. Mogadishu (PP News Desk) — A Somali mother, who found an abandoned child by her house in Mogadishu, had vowed to bring up the child along with her four children if no one comes along to claim parenthood of the child. “I heard a child crying outside my house. When I went outside to have a look, I stumbled on a child crying by the wall of my house. There was a carrier bag by the child” said the Somali woman. Kindness: The Somali woman with the abandoned child. She said that she had shared the news of the abandoned child with neighbours who helped her to go the police station, where the case of the abandoned child was recorded in the occurrences book. “I think the abandoned boy is about ten months old. I am the mother of four children. My husband and I agreed to bring up the child if his parents do not show up to take care of him” said the woman. Children abandoned in Mogadishu streets are barely ten days old. Given how well-looked after the abandoned boy looks some locals believe the boy had been stolen from his parents and left in a busy Mogadishu street for fear the police may arrest culprits. © Puntland Post, 2020 The post A Somali Mother Vows to Bring Up an Abandoned Child appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-19092020.mp3 View the full article
  4. A cargo plane crashed Saturday morning at the international airport in Somalia’s capital, and the country’s transport minister said three of the four crew members on board were injured. Photos from the scene showed the plane’s cockpit crushed against a concrete barrier just steps from the sea. Transport Minister Mohamed Abdullahi Salad told reporters that the plane had just taken off for Beledweyne town in central Somalia but returned to the airport after having mechanical problems. Markings on the plane indicated that it is operated by Silverstone Air in neighboring Kenya. The company could not be reached. The heavily fortified Aden Adde International Airport in Mogadishu is home to diplomatic missions and is a hub for humanitarian flights in the Horn of Africa nation trying to rebuild from three decades of conflict. Somalia has seen at least two other such plane crashes this year. In July, a cargo plane carrying humanitarian aid crashed in Beledweyne in central Somalia. And in May, six people were killed when a Kenyan plane with African Express carrying medical supplies crashed on approach to Bardale in the Bay region. View the full article
  5. Jeddah (Caasimadda Online) – Muran ayaa ka socda gudaha qasriga looga taliyo dalka Sacuudi Carabiya, waxaa su’aal la iska weydiinayaa hadii la macaamilka Israel ay u fiican tahay iyadoo Imaaraadka iyo Baxreyn ay si cad ugu dhawaaqeen xiriirka diblomaasiyadeed ee Israel. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska The Wall Street Journal u sheegay in Boqor Salmaan Bin Cabducasiis uu ku khilaafay wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Mohamed Bin Salmaan in gacan loo taago Yahuudda, waxaana la ogyahay taageerada uu u hayay go’aankii ay horay carabta uga gaartay Israel iyo in la helo dowlad madax banaan oo ay leeyahiin dadka reer Falastiin. Boqor Salmaan wuxuu u muuqdaa mid u jiheysan inuu ku mowqif noqdo Iran oo aan marnaba taageersaneyn sida ay Mareykanka heshiis uga dhex abuurtay dowladaha Carbeed iyo Israel. Waxaa kaloo la fahamsan yahay in boqorka uu aad uga naxay xiriirkii diblomaasiyadeed ee mareykanka uu ku dhawaaqay 13-kii August kaas oo dhexmaray Israel iyo Imaaraadka, waa marka ay ku dhalatay inuu u dhaqaaqo inuu la jaanqaado la taliyayaashiisa iyo sidoo kale dadka ka hadla arrimaha Sacuudiga, taas badalkeeda dhaxal sugaha aad ugama nixin galaangalka Isreal ee dalalka Carabta. Dhanka kale, dhaxalsuge Mohamed Bin Salmaan wuxuu dareemayaa cabsi ku aadan in aabahiis uu laalo heshiis aan dan ugu jirin in lagu yagleelo qaranimo ay Falastiin sameyso, waa sida dadka badi hadal hayaan. Mohamed Bin Salmaan wuxuu si ulakac ah u saxiixay heshiis aan ku cadeyn doorka dadka reer Falastiin mana uusan ogeysiin aabahiis. Israel waxey ogolaatay iney hoos u dhigto dul balaarsiga ay ku heyso Falastiin si ay dib ugu soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraadka, waana qeyb ka mid ah heshiiska uu mareykanka garwadeenka ka ahaa. Boqor Salmaan isagoo careysan ayuu wasiirkiisa arrimaha dibadda amray in la cadeeyo xukunka dib u aas-aasidda Falastiin, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiska caadiga ah. Xubin ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wargeys laga leeyahay gudaha Sacuudiga in arintaan ay Imaaraadka Carabta ku cadaadin karto iney Israel ku cadaadiyaan heshiisyo dheeraad ah. The post Qoyska boqortooyada Sacuudiga oo laba u kala qeybsamay first appeared on Caasimada Online.
  6. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland. Ciidamada ayaa dhammaystay Tababar mudda saddex bilood ah uga socday Xerada Ciidanka Xorgoble ee Magaalada Qardho, halkaas oo lagu tababaro Ciidamada kala duwan ee Puntland. Munaasabadda Xiritaanka, waxa Madaxweyne ku xigeenka kala qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Dib –habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo xubno kale. Sidoo kale, waxaa goob-joog ahaa Taliyaasha Ciidamada Difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliiska Gen. Cabdi Xasan Xuseen iyo saraakiil kale oo ka tirsan Daraawiishta iyo Booliiska Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Markii aan arkay natiijada imtixaanka Dugsiyada, aad ayaan u dhibsaday ardayda faraha badan ee aan gudbin. Dow ma aha in aan xukun ku saleysan mala awaal aan ku rido, ama aan canaan kala dul dhaco mid ka mid ah dhinacyada faraha badan, ee toos ama si dadban u yeelan kara mas’uuliyadda mar fashilka ah. Mana doonayo in aan khafiifiyo dhaawaca ay natiijada imtixaanku ku leedahay maskaxda ardayga iyo waalidka, hammigooda, dhaqaalahooda iyo qabkoodaba. Waxaanse rabaa in aan khibraddeyda shakhsiga ah la wadaago ardayga dhacay, maaddaama aniguba aan mar dhacay. Mustaqbalkaagu kuma xirna hal mar oo aad natiijada imtixaanka ku hungowday, sabab kasta ha keentee. Dhicitaan waa hadba sida aad ka dhigato Inkasta oo guusha lafteedu ay u baahan tahay maareyn, guul darrada ayaa ah midda sida loo maareeyaa ay dad kala reebto. Gaabis ama guul darro in aad ka kabataa waxay u baahan tahay geesi ama adkeysi, kalsooni aad isku qabto, awood maskaxeed iyo mid wax qabad. Iyo in aad leedahay bartilmaameed aad higsaneyso. Haddii aad intaa la timaaddo oo guul darradii ku soo wajahday aad cashar ka barato, meeshii ay dib-u-dhac ku gelin lahayd, iyada ayaad fursad u beddeli kartaa. Dadka guul darro la kulma, qof wuxuu dhex degaa guul darrada oo uu hooy ka yeeshaa. Xanuunkeeda ayaa ka adkaada. Wuxuu galaa meer-meerto murugo ah oo uu hoos u sii tiimbado ilaa ay aakhirka la degto. Meertada murugada ahi waxay ka kooban tahay niyad jab u diida in uu hore u tallaabsado, ciil-kaambi aan dhammad lahayn, far-fiiq aan loo meel dayin iyo in uu afkiisa isku beri yeelo. Waxaas oo dhan xaaladda waxba kama beddelaan. Fursadda dhaaftay ka fekeriddeedu waxay ka dhego iyo indho saabtaa fursadaha hadda uu jirsiin karo. Qof kalena wuxuu sameeyaa laba-kacleyn. Quwad ka dahsooneyd in uu leeyahay ayuu adeegsadaa, dadaal iyo dardar hor leh ayuu la soo baxaa. Xawliga kabashadiisa iyo fursadaha u soo baxa isaga ayaa rumeysan waaya. Dhicitaan, ka-kabasho iyo waliba in iskuulka laga gaaro libin aan la haweysan karin dhacitaanka ka hor, tusaale nool aniga ayaa u ah. Waa tan sheekadeydu. Waan Dhacay Ka dib marka aan Dugsiga Xannaanada carruurta ku qaatay Xamar, ayaan fasalka koowaad ee Dugsiga Hoose ka billaabay Buulo Burte. Sannadka koowaad wuxuu u badnaa far barasho, qoraalka tirooyinka, isku darka iyo kala goynta, sawir lagu falaadayo midabbo kala duwan iyo wax aan ka fogeyn. Fasalka labaad ee Dugsiga Hoose, waxaan dhiiqo ku galay xisaabta isku dhufashada iyo qeybinta iyo Afka Ingiriiska. Ficil, faacil iyo Mafcuul bihi iyaguna ima caawin. Waxaa la ii soo dhejiyay in aan dhacay. Cirku in uu igu soo dumay ayaan mooday. Waxay iila mid ahayd fashilka ugu weyn adduunka. Runtiina way ahayd fashilkii ugu weynaa adduunkeygii maalintaas. Xataa ma hubin in aan abid ka soo waaqsan doono. Fasalkeygii, kuraastii, miisadihii, sabbuuraddii, sawirradii derbiyada ku xardhanaa nooca ceramics loo yaqaan oo muujinayay qaaradaha adduunka, sawir koox kubbadda cagta Brazil ah oo ay dayaaradi la dhacday, xisadihii oo dhan, casharradii aan qaadanayay, macallimiintii wejiyadooda, maamulihii iyo nadiifiyihii iskuulka, imtixaanaadkii geddigood, saaxiibbadeydii cayaarta kulligood, wixii oo dhan ayaa sidii xusuusta aflaamta midba mar i hor yimid igana gudbay, aniga oo aan macno u sameyn. Wax aan yeelo ma aqaan. Waxa sidaan xigi doonana ma qiyaasi karo. Talo faraheyga way ka baxday. Waalidkeey ayaa markiiba la igu soo rogay nidaam hor leh oo xakameynaya xorriyaddeyda. Xakameyntaas uma arkeyn wax culeys ah. Aniga ayaan xorriyadba dooneyn. Niyad uma hayo in aan banooni cayaaro iyo in aan webiga u dabaal tago toona. Ma rabin in aan fiidkii soo cayaaro Quful-Naar, Kab-tuur iyo cayaartii Xamar markii aan joogay ay walaalaha iga waaweyni cayaari jireen ee Kadhimeey Kadhim, laakiin ciyaalka Buulo Burte ay u yaqaanniin Darbanow Darban, aadna ay u jecel yihiin. Ma ahayn keliya in aanan tamar u heyn oo aan niyad jabsanaa. Waxaan ka dhuumanayay ardaydii kale. Xataa qof kasta oo iga soo hor baxa waxaan moodayay in uu og yahay in aan imtixaankii ku dhacay. Madaxeyga waxaa buuxiyay ciil iyo caro. Waxaa ii wehliyay weji gabax aan foolka siin waayay waalidkeey, walaalaheey, dhallinyarada xaafadda, ardayda iyo macallimiinta Iskuulka. Allah Jannada ha ugu bishaareeyo, Aabbahay iyo Hooyadeey iyo walaalaheey ayaa iga soo saaray xaaladdaas. Dishibiliin adag ayaa la ii yeelay; wakhtiga dugsiga quraanka, xilliga aqoon barashada guriga, xilliga cayaaraha iyo dabaasha, xilliga nasashada iyo xilliga hurdada. Gacan qabashada ugu weyn waxay ahayd aqbalaad la i aqbalay iyo dhiirri gelin la i tusay in aan ka gudbi karo xaaladda. Waalidkeey wuxuu ii muujiyay in aan wax hore la ii haysan oo ay igu jecel yahay sideyda, hase yeeshee, hadda iyo ka dib la ila xisaabtami doono, gacanna la i siin doono. Waxay u dhigantay in ay igu yiraahdeen, wakhti kaama tegin. Waalid iyo walaalba waxaa naqtiin iyo barasho hor leh la iigu sameeyay maaddooyinka aan qaadanayay oo dhan. Waxaa xoogga la saaray Xisaab iyo Ingiriis oo ahaa labada aan dartood u dhacay. Fasaxa Iskuulka markii laga soo laabtay, Xisaab iyo Ingiriis waxay noqdeen labada maaddo ee aan ugu wanaagsan ahay. Saddex Imtixaan ayaa sannad kasta la fariisan jiray. Fasal kasta marka aad ka gudubtana shahaaddo ayaa la bixin jiray sida jaldiga buugga u adag. Shahaaddada aan ka qaatay Fasalka labaad ee Dugsiga Hoose midabkeedu casaan xigeen ayuu ahaa. Maaddada Ingiriiska waxaa iigu qornayd; Cashara, Cashara, Cashara. Oo macnaheedu yahay in saddexda imtixaan dhibacaha aan mid kasta ku baasay ay yihiin boqolkiiba Boqol. Shahaaddada Fasalka labaad waxaan keydinayay ilaa aan Dugsiga Sare dhammeystay. Waxay horseed iigu noqotay khibrad aan marar badan ka shidaal qaatay oo dhaqan ii noqotay. Waa in sannad kasta hal ama dhowr maaddo aan ugu sarreeyo fasalka ama iskuulka oo dhan. Ama in aan maddooyinka oo dhan marka la isku daro dhibcahooda aan anigu kuwa ugu badan haysto. Waxay ii horseedday in markii aan gaaray Fasalka toddobaad ee Dugsiga Dhexe ilaa aan Jaamacadda dhammaysto aanan marnaba gelin kaalinta Saddexaad. Fashil waxaa iila mid ahayd marka aan waayo kaalinta koowaad. Haddii la iga helo kaalinta koowaad, ma dhici jirin in aan tan labaad waayo. Ardaydii aan wejiga ka dadbi jiray sannadkii aan dhacay, waxaa beddeshay in aan ka mid noqdo kuwa kalsoonida ku qaba natiijadooda ee aan la gabban. Intii aan iskuul dhiganayay ugu yaraan saddex jeer ayaan xusuustaa oo Maamule uu igu casuumay in daabbuurka ama safka iskuulka aan soo istaago si aan ardayda ula hadlo. Jaamacadda aniga ayaaba Guddoomiye u ahaa ardayda toddoba Kulliyadood oo xarunta Gahayr degganaa. Gaar ahaan Maaddada Xisaabta ee horseedday in aan ku dhaco Fasalka labaad, waxay noqotay maaddada aan ugu wanaagsan ahay maaddooyinka aan qaato. Macallin Dugsiga Sare mar ii dhigay Xisaab ayaan habeen is aragnay. Wuxuu i weydiiyay in aan Jaamacad aaday iyo in kale. Markii aan u sheegay in aan Jaamacadda dhigto, wuxuu markiiba i weydiiyay Kulliyadda aan galay. Luqadaha marka aan dhahay wuxuu iigu jawaabay “waad tacaddisay.” Wuxuu raaciyay “Maxaad Xisaabta uga hartay!” Xag shaqo marka ay noqoto, dhicitaankii Dugsiga Hoose igama hor istaagin in aan shaqooyin xirfadeed (professional) oo qaarkood heer caalami uu yahay aan tartan adag u galo kuna guuleysto. Igama hor istaagin in aan caasimado aan dalkeenna ahayn oo shaqo i geysay aan ku guuleysto tartan oo aan Madax u noqdo boqollaal xirfadle oo ka kala yimid dhowr dersin oo dal, kuna nool oo ka shaqeeya qaaradaha oo dhan. Igama hor istaagin in aan ka mid noqdo Madaxda dalkeenna ugu sarreysa oo aan Boqorro iyo Madaxweynayaal shir la galo, miisna aan kula cunteeyo. Horumar nolosha laga gaaraa kuma xirna shahaaddo. Shaqooyinka shahaaddo ku xiranna, kuma xirna oo keliya labo sano oo isku xiga oo la soo dhaafay midka aad shahaaddada qaadatay. Maxaa hadda iiga xiran in aan iskuulka dhammaysan lahaa oo tababbarka Ciidanka ee Xalane aan qaadan lahaa sannad ka hor xilligii aan dhammeeyay oo ahaa 1981? Dhicitaan waa sida aad ka dhigato. Fursaddaada Maanta Marka aan dib u fiiriyo, dhiciddeydii fasalka labaad ee Dugsiga Hoose, wax ay i tartay mooyee waxba iima dhimin. Marka aan iskaa barbardhigo, waxaan aamminsanahay fursadda soo kabashada ee aad maanta haysataa in ay aad uga sarreyso middii aan haystay markii aan ku dhacay Fasalka Labaad ee Dugsiga Hoose. Marka koowaad waad ka da’ weyn tahay, kana aqoon iyo khibrad badan tahay heerkii aan maalintaas joogay. Tan xigta, anigu ma haysan teknoolojiga casrigan ee waxbarasho iyo aqoon kororsi guudba loo adeegsado. Waxa aan doono Google ma weydiin jirin. Youtube cashar kama daalacan jirin amaba ima dhex fariisin jirin fasal Jaamacad qaarad kale ku taal. Ardayda kale iyo aqoonyahanka aan doonana WhatsApp kulama xiiriiri jirin marka aan doono. Dabcan teknoolojigaasi ma jirin. Tan saddexaad, meeshii aniga ay dhiciddeydu ii gaarka ahayd oo ay igu noqotay ninkeed-guba’, maanta idinku waxaad haysataan taageerada shacabka oo ay ku jiraan waaliddiinta, Macallimiinta iyo maamulayaashu. Waa la idinla xanuunsaday. Waana la idiin garaabay. Dhiirri gelintaasi waa in ay shidaal u noqotaa quwadda cusub ee dhacdadani idinka soo saari doonto. Quwad cusub oo aad u aydaan. Wixii ku soo maray waa Tagto oo waxba lagama qaban karo. Waxa xiga waa waxa hadda taagan oo aad wax ka qaban karto. Iyaga ayaana go’aaminaya mustaqbalkaaga. Tagtada waxaa ku xiga tan hadda la taagan oo ay tahay in ay go’aamiso sida ay noqoneyso timaaddadu. U diid Tagtadaada oo ha u oggolaan in ay go’aamiso Timaaddada. Xusuusnow kana dhabee, Wixii aan ku dilin, waa ay ku xoogeeyeen. The post Yuusuf Garaad Cumar: "Aniguba mar baan dhacay" first appeared on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa ka shaqo bilaabay dekedda magaalada Muqdisho, waana markabkii ugu horreeyay ee isku xiraya ganacsiga dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo ganacstada magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayay khadka cusub ee isku xiraya Soomaaliya iyo Turki, waxaana marin ahaan loo marayaa dalka Jabuuti. Sida la ogaaday markabka African Sun ee dalka Jabuuti ayaa 2-dii bishaan kasoo baxay magaalada Istanbul, wuxuu kusoo xirtay dakadda magaalada Muqdisho, wuxuu u gudbi doonaa sida la sheegay magaalada Kismaayo ka hor inta uusan aadin Boosaaso iyo Jabuuti. Maraakiibta soo mara dekeddaha Imaaraadka Carabta ayey ku qaadan jirtay iney Muqdisho soo gaaraan 40 Maalmood, waxeyna tallaabadaan u muuqataa mid looga xoroobay ganacsiga ku xirnaa Imaaraadka Carabta. Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay tallaabadaan ayna muujineyso sida ganacsiga dalka usii baahayo, sidoo kalana ay hormar aan caadi aheyn sameynayaan ganacsatada. Tan iyo markii dowladda Turkiga ay garab istaageen Soomaaliya, ganacsatada Soomaalida ayaa si tartiib tartiib ah ganacsigooda ugu weecinayay dhankaas, waxaana aad loo bogaadiyay go’aanka ay kasoo shaqeeyeen dowladda Jabuuti iyagoo kashanaya ganacsato Soomaaliyeed. The post Ganacsiga Soomaalida oo ka xoroobaya dekedaha Imaaraadka kuna xirmay laba dal oo kale first appeared on Caasimada Online.
  9. MOGADISHU (HOL) - Political parties in Somalia have welcomed the electoral deal reached between the Federal Government and Federal Member States. Source: Hiiraan Online
  10. Waxaa caadi kusoo noqotay dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Aden Cadde kadib markii ay saaka ku dhacday diyaarad Xamuul aheyd. Wararka ayaa sheegaya in haatan la fulay garoonka kadib saacado la hakiyey diyaaradaha soo degayey ama duulayey sababo la xiriiray shilka. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacantay, waxaa kale oo khasaaro soo gaartay diyaaradda laga leeyahay dalka Kenya. Source: goobjoog.com
  11. Washington (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa warqad u dirtay waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka taasoo ku saabsan Soomaalida laga soo musafurinaayo dalkaas, balse durba jawaab ayey heshay. Ilhaan Cumar waxey muujineysay walaaca ay ka qabto dadka Soomaaliyeed ee dalkaas laga soo musaafurinaayo, balse waaxda amniga gudaha waxey sheegeen in 39 Soomaali ah oo dambiyo kala duwan ku eedeysan loo soo celin doono wadankooda, kaasina uu yahay go’aan kama dambeys ah. Dadka lasoo musaafurinaayo waxaa la sheegay iney ku eedeysan yahiin qaarkood dambiyo la xiriira argagixisinimo, dil, kufsi, gacan ka hadal, xad gudub jinsi, ka ganacsiga daroogada iyo dembiyo ka dhan ah caruurta. Waaxda amniga waxey sheegtay in dadkaan lasoo musaafurinaayo ay dhibaato weyn ku ahaayeen shacabka dalka Mareykanka iyo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota. Walaac weyn ayaa laga qabay caafimaad qabka dadkaan, balse waaxda amniga waxey si hufan u sheegtay iney dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto sidii loo hubin lahaa caafimaadka dadkaan loo celinayo dalkooda. Dadka la doortay hadii laga helo qof qaba xanuun la gudbin karo, waa laga reebi doonaa duulimaadka, iyadoo la ogyahay in warqadda ay Ilhaan Cumar dirtay ay ku muujisay sida ay uga walaacsan tahay xaaladda caafimaad ee dadka la musaafurinaayo. The post Dowladda Mareykanka oo go'aan kama dambeys ah ka gaartay Soomaali laga soo masaafurinayo dalkaas first appeared on Caasimada Online.
  12. Maamulka Trump ayaa Jimcihii soo saaray mamnuucid baaxad leh kaasi oo mamnuucaya la soo degista iyo isticmaalka shirkadaha bulshada ku xidhiidho ee laga leeyihiin Shiinaha ee WeChat iyo TikTok laga bilaabo saqda dhexe ee Axadda berri ah. Ogeysiiska ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ku soo kordha dagaalka tiknooloojiyadda Mareykanka ee ka dhanka ah Shiinaha. Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa walaac la xidhiidha amniga qaranka iyo xogaha gaarka ah u cuskaday tallaabada mamnuucista ee labada bar ee internet-ka caanka ka ah ee u adeega in ka badan 100 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka. Laga bilaabo Isniinta, labadan App ayaa laga saari doonaa suuqa laga soo degsado, iyadoo dadka doonaya in ay isticmaalaan aaney awoodi doonin in ku soo dejistaan taleefannadooda. Isticmaalayaasha haatan haysta labadan app ayaan awoodi doonin cusbooneysiinta TikTok iyo WeChat. Xannibaaddan ayaa si deg deg ah uga dhigi doonta labadan app in ay duugoobaan maadaama awood la’aanta cusbooneysiintu ay ka dhigeyso mid aan la jaan qaadi karin barnaamijyada casriga ah ee Apple iyo Google, oo hadda ku xoog badan suuqa teknolojiyadda. Amarka waxaa ka mid ah tallaabooyin lagu doonayo in WeChat looga dhigo mid aan waxtar ka lahayn Mareykanka gudihiisa iyadoo laga mamnuucayo shirkadaha Mareykanka in ay martigeliyaan taraafika internet-ka ama ay ku fuliyaan howlo ganacsi wixii ka danbeeya saqda dhexe ee Axadda. WeChat ayaa u adeegta malaayiin isticmaaleyaal Mareykan ah oo inta badan ku tiirsan app-kan si ay ula xidhiiduaan oo ay ganacsi ula sameeyaan dadka iyo shirkadaha ku sugan Shiinaha. Sida inta badan baraha bulshada, TikTok iyo WeChat ayaa labaduba waxay ururiyaan xogta isticmaalaha, oo ay ku jirto goobta iyo farriimaha si loola socdo nooca macluumaadka xayeysiiska sida tooska ah u khuseeya qofka isticmaalaya. Source
  13. Markii aan arkay natiijada imtixaanka Dugsiyada, aad ayaan u dhibsaday ardayda faraha badan ee aan gudbin. Source: Hiiraan Online
  14. Sii-hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddi wasiirro ah oo diyaarinayo munaasabadda xil wareejinta ra’iisul wasaaraha cusub. Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah. 1 sii hayaha wasiirka cadaaladda Xassan Xuseen Xaaji 2 Sii hayaha wasiirka dastuurka dalka Salaax Axmed Jaamac 3 Sii hayaha wasiirka gashaandhigga Xassan Cali Maxamed (Amar-dambe) 4 Sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Qadiijo Maxamed Diiriye 5 Sii hayaha wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) 6 Sii hayaha wasiirka Qorsheynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan 7 Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Cabdirisaaq Xuseen Aadan iyo xubno kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 18-kii bishaan xilka Ra’iisul wasaaraha dalka u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  15. Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in dalkeeda ay ka soo masaafurisay nin ka soo jeeda Soomaaliya oo la sheegay inuu taageero siin jiray Xarakada Al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu gacan saar la lahaa Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Waaxda socdaalka ee dalka mareykanka ayaa xustay in sharciga dalkooda ay ka qaadeen shaqsigaasi oo sanadkii 2016-kii ay maxkamad ku taala dalkaasi ku eedeeysay inuu si weyn u caawin jiray Al-Shabaab. Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 ayey hay,adda socdaalka markii ugu horeysay ku qabatay magaalada Chicago ee dalkaasi, kadibna dacwad lagu soo oogay. Intii u dhexeysay sanadihii 2008 iyo 2012 ayaa xaashi lagu eedeeyay in uu ahaa xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo markii dambe loo gacan geliyey dowladda Mareykanka oo geysay maxkamad heer degmo ah oo ku taala magaalada New York. Ninkaasi ayaa markii dambe qirtay in Al-Shabaab uu siin jiray taageero agab iyadoo sanadkii 2016 maxkamad ku taala dalkaasi ay ku riday xakun xabsi oo 9 sano ah. Booliiska dalka Mareykanka ayaa marar badan gacanta ugu dhigay dhalinyaro ka soo jeeda SoomAaliya oo lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen Daacish iyo Al-Shabaab. View the full article
  16. Qardho: 19, September, 2020: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland. The post Daawo : – M/weyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo Qardho ugu soo xiray tababar cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska PL. appeared first on . Source
  17. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) oo u warramay Shabelle ka warbixiyey shilkii diyaaradda ee saaka ka dhacay Aadan Cadde. Oomaar ayaa wareysigan ku sheegay in diyaaradda ay cilad ku timid, xilli ay xamuul u qaaday dhanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana ay dib ugu laabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in diyaaraddu ay saarnaayeen ilaa 4 qof oo isugu jira duuliyeyaasha iyo shaqaale, kuwaas oo labo ka mid ah ay dhaawacyo soo gaareen. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo sii hadlaya ayaa sidoo kale xusay in diyaaradda oo laga leeyahay dalka Kenya uu burbur ka soo gaaray qeybta hore, kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo ah xayndaabka garoonka magaalada Muqdisho. Shilkan ayaa sababay inuu hakad-galo dhaq-dhaqaaqa guud ahaan garoonka Aadan Cadde oo si aad ah ay u isticmaalaan duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha. View the full article
  18. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dib u habeyn lagu sameynayo xarunta ciidanka ilaalada deegaanka Xamar iyo Dad dhigista ee degmada Shangaani. Dhagax dhigga guddoomiyaha waxaa ku wehlinayay ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Mudane Cumar Cali Cabdi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka Xamar. Taliyaha ilaalada deegaanka Xamar Cabdinaasir Maxamuud Indha-qarshe ayaa guddoomiyaha gobolka uga mahad-celiyay in maamulkiisu uu isku howlo sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta ilaalada deegaanka iyo waaxda Dad dhigista. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxda Dad dhigista muddo yar ka hor la dayactiray balse maadaama ay badda saarantahay ay ku dhaceen biyaha sidaasna ay ugu ekaatay in aan hore loo dayactirin isagoo sheegay in hadda ay dib u habeyn ku sameyn doonaan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaasi Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa soo saaray wareegto uu ku faray Warbaahinta Qaranka inay si siman oo dhexdhexaad ah u baahiyaan barnaamijyada iyo wararka ka dhaca dalka. Halkan hoose ka akhriso wareegto: Source
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-1992020.mp3 View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Munadanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Loo Qaybiyey Saddex Xeer Oo Ay Xukuumaddu U Soo Gudbisay. Fadhigan ay yeesheen xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland oo uu shir gudoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa mudanayaasha golaha wakiillada loogu qaybiyey saddex xeer oo kala ah, xeerka Aagga ganacsiga cashuuraha ka caagan, xeerka diwaangelinta shirkadaha ganacsiga Aagga cashuuraha ka caagan iyo xeerka hay’adaha Dekedaha Somaliland. Sidoo kale, xoghayaha guud ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mudanayaasha ka hor akhriyey lifaaqa xeerarkan ee tilmaamaya muhiimada ay xeerarkaasi qaranka u leeyihiin, waxaana mudanayaasha laga codsaday in ay soo akhristaan si doodooda loo gudo galo xeerarkaas xukuumadda ka soo gudbay. Source
  22. Boqor Afrikaan ah oo hilibka dadka cuni jiray Jean-Bedel Bokassa Wakhtigan oo kale bishii Sebtember 1979 waxa xilka laga tuuray boqorkii hore ee Afrikada Dhexe, Jean-Bedel Bokassa, waxaanu dalku ku noqday xukunkii Jamhuuriga ahaa ka dib sannado badan oo uu gacan bira ku hayey ninkaas magaciisa lagu xusuusto sheekooyinka badan ee la yaabka lehi. Hadba sooyaalkiisaa fajaca ah maxaa laga yidhi? Mike Thomson oo ka tirsan BBC-da oo wax ka qoray ayaa ku tilmaamay in soddon sano iyo dheeraad magaciisu ku sidkanaa gabood falladii ugu xumaa ee ay ku kacaan keli taliyeyaashii kharibay Afrika gumaystayaashii ka dib. Waxay taariikhdu aad u xustaa in ilaa xad, Jean-Bedel Bokassa, ama Bokassa-ha 1-aad – waa magacuu la baxay markuu is boqray sannadkii 1977, e- in uu ahaa mid ka mid ah “bahalihii ku mamay dhiigga” ee qaaradda Afrika soo mara. Markii xukunka laga riday sannadkii 1979 kiina waxay dad badan oo aad u necbaa cadhadii kula dhaceen taallo weyn oo loo dhisay ninkaas xukumayey Afrikada Dhexe dhawaad 14 sano, taaladaas oo uu isu ekaysiiyey boqor Nero- hii Roomaanka. Laakiin sida uu qabo Jean-Serge Bokassa, oo ka mid ah caruurtii uu dhalay Bokassa, taariikhda iyo dadka badankoodu ba si khaldan ayay u qiimeeyaan mudadii uu ninkaasi xukunka hayey. Waxaanu sheegaa in aabihii ahaa “waddani” dalkiisa aad ugu shaqeeyey oo ay sumcaddiisa dhoobeeyeen kuwii doonayey inay xukunka ka ridaan. Jean-Serge wuxu ahaa todoba iyo toban jir oo isaga oo ku jira fasalka iskuulkii uu ka diganayey dalka Switzerland, ayuun baa degdeg looga soo saaray markii ay ciidamada Faransiisku dalka galeen ee ay xukunka ka rideen Bokassa isaga oo booqasho rasmi ah oo uu Liibiya ku tagay dalka kaga maqan. Waxa markaa Jean-Serge iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa loo qaaday dalka Gabon oo mastaafuris loo geeyey. “Waxaanu aragnay warbixino wargeysyadu qorayeen oo sheegaya in aabahayo aanay taladii Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe gacanta ugu jirin” ayuu yidhi Jean-Serge. “Waxa dishay warbaahinta oo ku tilmaantay inuu hilibka dadka cuni jiray oo caruurtana gumaado” ayuu intaa ku daray. Isagoo hadalka sii wada ayuu hadana yidhi “waxa jirta maahmaah tidhaa markaad eygaaga nacdo, waa inaad ku tilmaantaa inuu qabo cudur halis ah si aad u disho”. Taas oo uu ula jeedo in dadkii necbaa aabihii ay iin u sameynayeen. Waxa se jira sheekooyin argagax leh oo laga sheego Jean-Bedel Bokassa, waxaana ka mid ah kuwan soo socda. “Hilibka dadka ayuu cuni jiray” Bokassa waxa lagu eedeeyey inuu hilibka dadka cuni jiray, waxaanay dadka dhaliilaa ka sheegaan inuu cuni jiray hilibka dadka mucaaradka ku noqda inta kalena u daadin jiray libaaxyo iyo yaxaasyo ku jiray beer xawayaan oo isagu gaar u lahaa. Bokassa Sidoo kale wuxuu tuugta ku xukumi jiray in dhegaha laga jaro. Intii uu talada hayey, Bokassa waxa taageeri jiray Faransiiska oo ahaa dalkii hore u gumaysan jiray wadankaas qudhiisuna uu ciidanmadiisa mar ka tirsanaan jiray muddo labaatan sano iyo dheeraad ahayd. Sannadkii 1966 ayuu Bokassa talada kula wareegay af-gembi milateri isaga oo markaa ahaa taliyaha guud ee ciidamada Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, hase yeeshee madaxweynihii uu awoodda kala wareegay ee David Dacko, waxa markii dambe xukunka ku soo celiyey Faransiiska. Bokassa wuxuu markii hore xidhiidh fiican oo shakhsi ahi ka dhexeeyey isaga iyo madaxweynihii Faransiiska ee hore, Valéry Giscard d’Estaing, ilaa uu gaadhay heer Valéry si aan gabasho lahayn u yidhaahdo Bokassa waa “saaxiibkay, waana shakhsi qoyskayga ka mid ah”. Laakiin sannakdii 1979 ayaa taakuladii Faransiisku siin jiray ka joogsatay Bokassa. Hase yeeshee arintii Faransiisku ka adkaysan waayey waxay ahayd dhacdadii lagu xasuuqay qiyaastii 100 caruur ah oo ka mudaharaadayey amar uu soo saaray Bokassa oo ahaa in ay dirayska dugsiyada oo aad u qaali ahaa ay ka iibsadaan shirkad ay lahayd dumarkii 17 ahaa ee uu qabay midkood. Waxa kale oo warbixino ay soo saartay hay’adda Amnesty International tibaaxayeen in Bokassa si toos ah ugu qayb qaatay hawlgallada dilalka ah ee la dalkaa ka dhacay qaarkood. Ku tagri falka hantida dawladda “Maadaama oo aan inankiisii ahay, waxa jira waxyaabo wanaagsan oo maskaxdayda ku yaal oo aan ku xasuusto. Aabahay wuxuu ahaa qof kalgacal badan, caruurta wuu jeclahaa aad buu caruurta u jeclaa, waana sababta uu u dhalay ku dhawaad 50 caruur ah” ayuu yidhi Jean-Serge. Hase yeeshee waxa jirta eed kale oo ay adagtahay in la beeniyaa oo ah in Bokassa kharash badan ku bixin jiray raaxaysiga, arintaas oo ahayd wax u gaar ahaa mudadii uu xukunka hayey. Bokassa wuxu dhalay caruur 50 gaadhaysa Markii uu qancin waayey xilkii uu isku cumaamaday ee ahaa madaxweynaha dalka ee weligiiba, ayuu go’aansaday inuu isku caleemo saaro boqor, waxaanu xafladii weynayd ee ka dhacday caasimadda Bangui ee is caleemo saarkiisa ku bixiyey tobanaan milyan oo doolar oo hantida dawladda ah. Wuxuu gashan jiray dhar loo ekaysiiyey kuwii uu xidhan jiray boqorkii Faransiiska ee Napoleon. Markuu magaalada dhex marayo wuxuu raaci jiray buudhi ay fardo jiidayaan oo ay gaadh ka yihiin askar ku lebissan dirays u eeg kii ay xidhan jireen askarta fardooleyda Faransiiska ee qarnigii sagaal iyo tobnaad. Xabsigii la dhigay Markii xukunka laga riday, waxa loo ogolaaday Bokassa iyo qaar badan oo caruurtiisa ka mid ah in ay mastaafuris ugu noolaadaan qasri kuwa raaxada ah oo ku yaal duleedka magaalo madaxda Faransiiska ee Paris. Laakiin muddo ka dib, ayuu sannadkii 1986 go’aansaday inuu dalkiisii ku noqdo iyadoo maxkamadda Afrikada Dhexe isagoo dalka ka maqan dil hore ugu xukuntay, haseyeeshee markii dambe la fududeeyey oo laga dhigay xabsi. Muddo markii uu xidhnaa, waxa kama dambaystii cafis lagu sii daayey Bokassa sannadkii 1993 saddex sannadood ka dibna wuxuu u dhintay wadne xanuun isaga oo 75 jir ah. Khariidad muujinaysa halka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kaga taal qaaradda Afrika Mar dambe oo la maamuusay Sannadkii 2010 ayaa waxa soo baxday digreeto uu soo saaray madaxweynihii Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo si rasmi ah loogu soo celinayo Bokassa maamuuskiisii. Qaraarkaas wuxuu soo saaray madaxweynihii hore, Francois Bozize, sannad guuradii kontonaad ee madaxbannaanida dalka, waxaanu Bokassa ugu soo celiyey “xuquuqdiisii oo dhan”. Waxaanu sheegay Bozize oo qudhiisuna talada af-gembi kula wareegay 2003, in hogaamiyahaa hore ahaa qof “aadamaha wax badan taray”. “Bokassa wuxuu ahaa nin ummaddan ka dhashay oo ku caan baxay inuu ka mid ahaa dadka sida weyn dalka u dhisay” ayuu yidhi, Bozize oo billad sharaf gudoonsiinaya haweenkii uu ka dhitay Bokassa midkood oo la yidhaa Catherine, ayaa yidhi “Dalkeenuu dhisay laakiin inagaa duminay wixii uu dhisay”. Waxaana digreetada madaxweynuhu soo saaray ku qornaa in “maamuus u soo celinta Bokassa burinayso dhmaan wixii xukunno dembi ahaa ee hore loogu riday Bokassa”. Qaran News