Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,703
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland intii u dhaxaysay 24 ilaa 27 Bishan August 2020. Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka. Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka. Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sidoo Kale Aqriso Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Labada Dhinac Saciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Guul Iyo Horomar Ku Sheegay Shirarkii Ugu Qabsoomay Garoowe Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb. Ugu horreyn Madaxweyne Qoo-Qoor ayaa uga mahaceliyey guddoomiyaha imaashiyha caasimadda Galmudug, halkaas oo uu caawa uga qeyb-galayo munaasabadda furitaanka Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale Qoor-Qoor ayaa guddoomiyaha aqalka sare warbixin dheer ka siiyey xaaladda Galmudug iyo horumada laga dareemayo deegaanada maamulkaasi. Dhankiisa Cabdi Xaashi oo madasha ka hadlay ayaa boggaadiyey dadaalka uu sameeyey Madaxweynaha Galmudug, isaga kula dar-daarmay inuu xoojiyo dib u heshiisiinta. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha Galmudug dadaalladii uu ka geystey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kadib shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Cabdi Xaashi ayaa waxaa sidoo kale la filaya inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb in uu la kulmo guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. The post Maxay ka wada-hadleen Qoor-Qoor iyo guddoomiye Cabdi Xaashi? first appeared on Caasimada Online.
  3. Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Xassan Bin Xamsa. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arimaha Hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Galmudug. Sidoo kale, waxaa la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin lahayd dhismaha Ciidanka Daraawiishta ee Galmudug. Ugu dambeyn kulankaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday is afgarad, waxaana Safirka Qatar uu Galmudug ku amaanay horumarka ay samaysay mudadii koobnayd ee ay jirtay oo la xusi karo dadaalada ay ugu jirto dibu dhiska iyo Mideynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
  4. Hal ruux ayaa ku dhaawacmay mudaharaad maanta ka dhacay magaalada Boorama. Mudaharaadkan ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii magaalada laga hor istaagay in uu gudaha u soo galo Ugaaska Beelaha Awdal Clan. Muddooyinkii ugu dambeeyay gobolka Awdal ayaa waxaa ka taagnayd xiisad la xidhiidha saami qeybsiga Golaha wakiillada Somaliland, halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Waxaan halkan idin kugu soo koobeynaa magacyada Soomaalidii ku dhintay weerarkaasi. Waxay u tageen New Zealand inay nolol cusub ka abuurtaan iyaga iyo qoysaskooda. Cabdiqaadir Cilmi Wuxuu ahaa aabbe 70 sano jir ah oo dhalay afar carruur ah. Wuxuu ka yimid Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa dadkii lagu dilay masaajidka Al Nuur. Wiilkiisa Saciid ayaa gaaray masaajidka iyadoo uu weerarku socday, ninka hubeysan markii uu arkayna wuu ka cararay goobta. “Waa arrin naxdin badan leh. Aabbahey wuxuu ka badbaaday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Ma uusan lahayn waxyaabahaasi oo kale ayaa ka dhici kara New Zealand,” ayuu yiri Saciid oo la hadlay wargeyska Washington Post. Mucaad Ibraahim Mucaad oo seddax sano jir ahaa ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee lagu dilay weerarkaasi. Wuxuu la socday walaalkii Cabdi iyo aabihii oo labaduba ka badbaaday weerarka. Walaalkii Cabdi ayaa sheegay in Mucaad uu ahaa “wiil firfircoon, ciyaar badan, oo mar kasta qosoli jiray, aadna u dhoola caddeyn jiray” Muuse Nuur Cawaale Muuse Nuur Cawaale wuxuu markii hore ka yimid Soomaaliya. Xaas ayuu ifka kaga tagay, balse ma uusan dhalin carruur, sida lagu daabacay barta uu internetka ku leeyahay waregeyska Stuff News. Waxaa la sheegay inuu ahaa macallin darasaadka Islaamiga ah ka bara iskuulka Hagley iyo masaajidka Al Nuur. Qaran News
  6. Qabiil ka kooban 53 qof ee laga cabsi qabo inuu Dunida ka dabar go’o Qabiil fog oo deggan Jasiiradaha Andamans ee ka tirsan dalka Hindiya ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ah. Afar xubnood oo ka soo jeeda qabiilka “Greater Andamanese” ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida uu sarkaal caafimaad BBC-da u sheegay. Labo ka mid ah ayaa la dhigey isbitaal, halka labada soo hartayna lagu karantiilay xarun daryeel. Qabiilkan ayaa la rumaysan yahay inay ka kooban yihiin 53 qof, oo ku nool mid ka mid ah 37-ka jasiiradood ee noloshu ka suurtawdo oo ay ku xeeran yihiin deegaanno aan la gaadhin. Jasiiradaha bariga ka xiga ee Andamans iyo Nicobar ayaa waxay diiwaan geliyeen 2,985 kiis oo Covid-19 ah iyo 41 dhimasho oo ka dhalatay cudurkaas tan iyo markii ugu horaysay ee fayraska laga helay bilowgii bishii June. Kiisaska ugu horreeya ee cudurka ‘Covid-19’ ee ku dhacay qabiilkan aadka u tirada yar, siina dabar go’aya ee Andamanese ayaa la ogaadey isbuucii hore markii dhammaan 53-da xubnood lagaga baadhay cudurka goobta Strait Island, oo u dhow caasimadda Blairir, halkaas oo ay ku nool yihiin. Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Caafimaadka, Dr Avijit Roy oo la hadlay BBC ayaa sidaasi sheegay. Shaqaalaha caafimaadka iyo gurmadka deg-degga ah ayaa doomo u raacay jasiiraddaasi toddobaadkii la soo dhaafay si ay usoo baadhaan qabiilkan muddo hal maalin gudaheed ah. “Dhammaantood waxay ahaayeen dad iskaashada oo noloshoodu isku xidhan tahay,” ayuu yidhi Dr Roy. “In badan oo kamid ah xubnaha qabiilkan waxay u kala safraan inta udhaxeysa Port Blair iyo jasiiraddooda, waxaana suuragal ah in cudurka intii ay safarradaa ku jireen uu ku dhacay,” ayuu yidhi. Qaar ka mid ah xubnaha qabiilkan ayaa xitaa ka shaqeeya shaqooyin yaryar oo magaalada gudaheeda ah. Dr Roy wuxuu sheegay in ay hadda mudnaanta koowaad siinayaan sidii loo hubin lahaa in cudurka uusan ku faafin jasiiradaha kale. “Waxaan ilaalinaynaa oo si dhaw ula soconaynaa dhaqdhaqaaqyadooda annagoo mar walba baari doonna,” ayuu yiri. Andamans waxay hoy u tahay shan qabiil oo nugul, qarkana u saran inay dabar go’aan, waxayna kala yihiin: Jarawas, North Sentinelese, Great Andamanese, Onge iyo Shompen. Jarawas iyo North Sentinelese lama dhaqmaan intooda kale. Waxayna cadaw u yaqaannaan shisheeyaha oo dhan, qofna uma ogola inuu soo galo jasiiraddooda. Sanadkii 2018-kii, muwaadin Mareykan ah oo la yirahdo John Allen Chau, ayaa waxaa lagu toogtay qaansooyin iyo fallaaro kaddib markii uu isku dayay inuu halkaas soo eego. Dalxiiseyaal badan ayaa basas u raaca si ay usoo arkaan qabiilka Jarawas Hayadda Tirokoobta Dadyowga ee fadhigeedu yahay London ee Survival International, isla mar ahaantaana u doodda xuquuqda qabiilladaasi, ayaa sheegtay in Greater Andamanese ay ahaayeen 5,000 qof markii British-ku guumeysanayeen jasiiradahaas sannadkii 1850-kii. Muddo dheer oo ay la daalaadhacayeen saamaynta xanuuunno badan kaddib ayey tiradooda guud ahaaneed hoos u dhacday. Sannadkii 2010, Boa Senior, oo ahaa af-yaqaankii ugu dambeeyay ee ku hadli kara luuqadaha Great Andamanese wuxuu dhintey isagoo jira da’da 85. Jasiiraddan waxaa badanaa loo yaqaan “riyada cilmi baarayaasha bini’aadanka” waana aagagga ugu badan ee lagaga hadlo luuqadaha kala duwan ee adduunka. Dhanka kale, 476-xubnood oo ka soo jeeda qabiilka reer-guuraaga ah ee Jarawa, oo iyana ku nool kayn aad u ballaaran oo u dhexeysa koonfurta iyo bartamaha Andamans, ayaa durba la raray oo ku go’doonsan qaybta ugu fog ee hawdka kadib markii uu faafay cudurka, sida ay saraakiishu sheegeen. Kooxo ka kooban shaqaalaha caafimaadka iyo dhakhaatiir ayaa loo diray si ay usoo baaraan in kabadan 115 xubnood oo ka tirsan qabiilka Ongi ee iyagana kula nool hal jasiirad, sida uu sheegay Dr Roy. Xubnaha qabiilka Shompen ayaa sidoo kale la baari doonaa. Andamans waxay hoy u tahay “dad si gaar ah khatar ugu jira” oo ay ka mid yihiin qabiillada Jarawas iyo North Sentinelese Shaqaalaha gurmadka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u safraya jasiiradaha ay ku noolyihiin qabiillada halka meel ka soo wada jeeda ayaa la rabaa in ay soo caddeeyaan oo iskasoo baaraan ‘Covid-19’ ka hor inta ayan safrin, waxaana la karantiilay hal toddobaad markii ay soo noqdeen. Dr Roy wuxuu sheegay in kiisaska “Covid-19” ee laga helay 10-kan jasiiradood aysan badnayn illaa hadda. Qabiilka Andamans ayaa waxay leeyihiin labo isbitaal, seddex xarumo caafimaad iyo 10 xarumood oo lagu daweeyo bukaanada Covid-19. Waxay sidoo kale leeyihiin mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee imtixaanka Hindiya. Qaran News
  7. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ka dambeeyay inay Magaalada Garoowe kulan gaar ah ku yeeshaan isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Deni waxaa uu sheegay in shirkaasi uu lahaa hal ujeedo oo ah sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021. Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in shirkii ay Magaalada Garoowe ku yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland uu kusoo dhamaaday guul, isla markaana ay soo wada saareen go’aano ay ku mideysan yihiin. Madaxweynayaasha maamullada Jubbalnad iyo Puntland oo maalmihii u dambeeyey shirar ku lahaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda guud ee dalka, si loo gaaro xal siyaasadeed, ka hor doorashooyinka 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay wada-hadal dhanka teleefanka la yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ay isla garteen in xal mideysan laga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan arrimah doorashooyinka dalka. War-murtiyeeedka ay soo saareen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa sidoo kale lagu sheegay inay wada-hadal la geli doonaan dowladda federaalka ah, islamarkaana ay imaan doonaan Muqdisho oo uu ka dhici doono shirweyne wada-tashi ah oo dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyd kale ee dalka. The post Deni oo ka hadlay sababta keentay shirkii uu Garoowe kula yeeshay Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
  8. GAROWE (HOL) - The leaders of Puntland and Jubbaland have said they will be heading to Mogadishu to meet the Federal Government leadership over the electoral deadlock after they boycotted the talks in Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  9. Kulankii u dhexeeyey Jubbaland iyo Puntland wuxuu kusoo dhamaadey in Shir cusub oo Arimaha Doorashada looga hadlayo lagu qabto Magaalada Muqdisho. wararka hoose oo Puntlandi.con [...] The post Shir cusub oo looga hadlayo Arimaha Doorashada oo ka dhacaya Muqdisho appeared first on . Source
  10. Warmurtiyeed kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in Muqdisho u iman doonaan shir wadatshi ah,iyaga oo intaa ku daray in intii ay ku wada hadlayeen Garoowe ay wada hadal xagga telefoonka ah la yeesheen madaxda Dowladda Fderaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada. Daawo Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Shirarkii U Dhaxeeyay Labada Maamul Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in kulamadii ku qabsoomay magaada Garoowe guul ay ku soo dhamaadeen guul iyo horomar kuwa kale ay sidaa ka rajaynaynaa. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa isna sheegay in ay madaxda heer Ferdaal iyo heer Dowlada goboleed loo baahanay in loo tanaasalo danta shacabka. S kastaba Labadan mas’uul ayaa iman-doona Muqdisho si ay Villa Somalia u hordhigaan waxyaabaha wax ka bedelka u baahan ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo la warinayo in mabd’a ahaan ay aqbaleen. Goobjooog News Source: goobjoog.com
  11. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose. Dagaallada ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla agagaarka degmooyinkaa Baraawe iyo Qoryooley ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi, waxaana saraakiisha ciidanka dowladda ay shaaciyeen inay ka hortageen weerarada lagu soo qaaday. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo howl-gallo ka wada halkaasi. View the full article
  12. Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey xildhibaano, wasiiroka tirsa dowladda dhexe Socdaalka Madaxweynihii koowaad ee Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu dalka ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo marxalad kala guur ah. View the full article
  13. Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed sidoo kale mar soo noqday guddoomiyihii hore Baarlamaanka Sooomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa soo gaaray caasimada Mqudisho waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaan ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Fedraalka iyo madaxda oo ka socotay xisbiyada. Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Soo Dhaweynta Shariif Xasan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Kulan La Filayay in ay Habeennimadii Xalay jilbaha isku daraan Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo la sheegay in uu dabada ka riixayay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa gabi ahaanba baaqday oo aanay waxba ka suurto galin. Sida ay ilo wareedyo rasmi ahi wargeyska Foore xalay u xaqiijiyeen Kadib kulankii qadada ahaa ee shalay Huteel Cali Jirde ay isugu yimaaddeen siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, Wasiirradii hore ee xukuumaddii Siilaanyo iyo wax-garad kale oo gabagabadiisii ay kulan gaar ah ku yeesheen Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi kaasi oo uu Baashe Maxamuud Xaashi kaga dalbaday in uu isu keeno Madaxweynaha cadaadisna ku saaro sidii uu Siyaasi Maxamuud Xaashi dib ugu dhigi lahaa hankiisa siyaasadeed ee Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE wakhtiganna uu Madaxweynaha ku garab galo sidii uu Madaxweynuhu ugu sii fadhiyi lahaa kursigaasi balse xogahani sheegeen in Siyaasi Maxamuud Xaashi Arrintaasi gaashaanka ku dhuftay oo diiday. Ilo-wareedyadani waxa ay tibaaxeen in ugu dambayn kadib kulankaasi qadada ahaa uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee Madaxtooyadu badheedhihiisa ugu sheegay Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar in aanay isaga iyo Madaxweynaha wax dhibaato ahi dhex oollin balse kaliya uu ku taamayo sidii uu hankiisa siyaasiga ah xisbiga uu wax ka aasaasay uga dhex tartami lahaa, Madaxweynuhuna u fulin lahaa ballan qaadyadii iyo heshiisyadii u dhaxeeyey Xisbiga oo ahaa in sidii Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi kursiga banneeyo taasina uu ku adag yahay oo aanu cidna uga tanaasulayn. Si kastaba ha ahaatee waxa sidaasi meesha kaga baxay hadal hayn badan oo ka dhalatay qorshaha Baashe Cawil Xaaji Cumar shalay ula tagay Siyaasi Maxamuud Xaashi oo lagu sheegay in ay ahayd sidii Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada loogu qancin lahaa in aanu wakhtigan xisbiga dhexdiisa ka tartamin si wada jir ahna Madaxweynaha loogu cimaamado sii haynta xilka kursiga Guddoomiyenimo. Dhinaca kale Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulankii qadada ahaa ee shalay uu soo abaabulay Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil ay xukuumaddu ka war qabtay qabanqaabadiisa, halka wararka qaar kalena sheegayaan in aanay taasi jirin ee uu ahaa kulan ku koobnaa Baashe Cawil Xaaji Cumar oo sheegay in qadadan ay u soo wakiisheen qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo isaga oo la sheegay in uu doonayo in uu isku muujiyo tallaabadaasi halganna ugu jiro sidii uu door ugu yeelan lahaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dhexdeeda iyo waliba xisbiga oo uu Mustaqbal dheeraad ah ka rabo. Source
  15. (SLT-Muqdisho)-Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa maanta toban sanno oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,366, ku riday Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Soomaaliya, Guuleed Maxamed Ibraahim. Maxkamadu waxay masuulkaan ku heshay inuu lunsaday lacag dhan $137,907 waxayna amar ku bixisay inuu lacagtaas kusoo celiyo qasnada dowladda sidoo kalena waxay ka mamnuucday inuu xafiis dambe oo dowladdeed maamulo. Maxkamada gobolka Banaadir waxay sidoo kale 9 sanno oo xabsi ah ku riday Cali Sheikkdoon Cabdi oo ahaa madaxa hubinta xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda federalka ahna mulkilaha shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Maamuus. Sarkalkaan ayaa lagu helay xatooyo hantida dadweynaha iyo ku daneysiga xafiis dowladdeed ee uu ka howlgalayay, waxayna maxkamadu sidoo kale ku xukuntay inuu qasnada dowladda ku celiyo lacagta uu lunsaday oo dhan $58,505 uuna bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya 59 malyan oo shilinka Soomaaliga ah, waxay maxkamadu ka reebtay inuu shaqo dambe oo dowladdeed qabto. Uways Xasan Cumar iyo wiilkiisa Khadar Uways Xasan oo lagu helay ku daneysi xafiis dowladdeed iyo xatooyo, ayaa lagu riday xukuno kala duwan. Maxkamadu waxay Uways ku riday hal sano iyo 6 bilood oo xabsi ah iyo ganaax dhan $1,183. Halka wiilkiisa oo maamule ka ah shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Xabiib ay ku riday saddex 3 sano oo xabsi ah iyo $1,183 ganaax ah Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale maxkamada gobolka Banaadir ay xukuno ku riday masuuliyiin katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kadib markii lagu helay musuq maasuq. Source
  16. Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo wafdigaasi la socday,waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta Galmudig iyo hoggaamiyaasha qeybaha bulshada. U jeedada socdaalka Guddoomiyaha ee dhinaca Galmudug ayaa lala xiriiriyay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan Xisbiga KULMIYE inta bandanna ka hadla hadba xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gaar ahaan tan xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE ayaa shaaca ka qaaday Qorshe cusub oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku dhisayo KULMIYE cusub oo isaga gaar ah oo ka duwan KULMIYIhii hore kaasi oo qorshaha dhismihiisa nidaamka cusub ee KULMIYE cid kasta oo ka hor timaad bustihiisa dibadda u dhigaya sida uu hadalka u dhigay Siyaasi Cali Guray. Sidoo kale Siyaasi Cali Guray waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda guud ee xisbiga KULMIYE aanu waddanku waxba uga aayin Somaliland-na aanay ka dambayn doonin Siyaasadda Muuse Biixi iyo Xisbiga KULMIYE oo uu ku sifeeyey xisbi dani ku badday ah. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray oo qoraallo koobkooban oo uu xaaladda xisbiga KULMIYE kaga hadlayo ku baahiyay degelka uu ku leeyahay Mareegta Facebook waxa uu yidhi: “Waan ka xumahay saaxiibadayda Kulmiye ugu muddada dheer. Muuse waa Madaxwayne waana Guddoomiyaha xisbiga. Markan isaga ayaa gacantiisa ku samaysanaya Kulmiyihiisa. Qof kasta oo aan ahayn Kulmiyihiisa bustihiisu waa dibadda. Wixii hore loogu heshiiyay oo dhan wax ka jiraa ma jiro ama jeclaada ama necbaada. Kulmiye ayaa ka hadlaysaane ma filayo Somalilandba in ay ka dambaynayso”. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Awrka Dhasha Xun Geelaba Waa Loo Beddelaa Saw Maaha?. KULMIYE wuxuu Somaliland u dhalay laba Xukuumadood oo aan midna wax looga aayay oo wayni jirin. Ma filayo in Kulmiye uu xukuumad saddexaad u dhali doono Somaliland waayo awrkaba haddii ay dhashiisu xumaato waa loo beddelaa geela oo baarqab cusub ayaa lagu daraa hadii loo soo helo. Markaa xisbiyada kale fursadda may ka faa’iidaysan oo si fiican may u soo qooqi mise waabay dhufaanan yihiin oo KULMIYE wuxuu noqon dani ku badday? Somaliland Ilaahayow ka badbaadi”. Ugu dambayn Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu hannaan kaftan ah ugu jawaabay dadka ku dhaliila in uu isaguba taageeray xisbiga KULMIYE iyo Murashaxnimadii Muuse Biixi waxa uu yidhi: “Kollay Aakhiro intii Muuse taageertay waa la waydiin Maxaad ku raacday? Dayaxa waa markii iigu horreysay weligay een tegay. Nuxurka maqaalkan maalintaa wuxu Ahaa Cabdiraxmaan Cirro Loogama Tegin Nacayb Loo Qabo Ee Muuse Waxa Looga Yaacay Waa Nacayb Loo Qabo. Maanta kuwii ugu xigay ee maalintaa ka dhaqaaqay inay iga saxsanaayeen oo anigu aan ka keliya ee qaldamay ahaa ayuun buu isagu ii sheegay. Waanan qaatay in aan isa saxona iyo sida aan isu saxayaa aniga keligay ayay ii taalaa saw maaha markaa” ayuu yidhi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray). Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Shariif Xasan ayaa markii uu soo gaaray Muqdisho wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo si gaar ah uga hadlay xaaladda guud ee xilligaan uu marayo dalka iyo marxaladda kala guurka. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa ugu horeyn dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay aragtiyadooda isugu geeyaan doorashada guud ee la filayo inay dalka ka dhacdo. Wuxuu tilmaamay in waqtigaan uusan aheyn xilli mucaarad iyo muxaafad loo kala safto kaliya balse loo baahan yahay in dalka uusan ka hoos marin heerarkii horey loo soo maray. Shariif Xasan ayaa sheegay in sunna ay tahay dalka taladiisa qori isku dhiib ay tahay , islamarkaana waxaa uu ku baaqay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, isagoona ka digay khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha doorashada. “Waa sunna in dalka taladiisa qoray isku dhiib laga dhigo doorashadane ay ku dhacdo si nabad ah oo aan khilaaf dhalin, doorashada ayuu sheegay in laga wada qeyb qaato ruux walibana calafkiisa uu qaadan doono,waxaan moodayay in ley hilmaamay blse may dhicin mar haddii si heer sareysa leysoo dhaweeyay”. Socdaalka Shariif Xasan ee Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. The post Shariif Xasan “ Waa sunno in dalka taladiisa qoray isku dhiib laga dhigo” first appeared on Caasimada Online.
  19. The United States military denied claims by Somali Islamist militant group Al-Shabaab that American military personnel were injured in an airstrike on Monday. The U.S. military conducted an airstrike in the vicinity of Dar as Salam after Al-Shabaab militants attacked partner forces from a building. The airstrike killed six militants and injured three others. A statement by the U.S. Africa Command acknowledged that American forces were in the locality to support Somali forces but none of them were casualties in the strike. “When this airstrike occurred, U.S. forces were in the vicinity in order to advise and assist Somali partner forces. Al-Shabaab falsely claimed U.S. casualties. No U.S. forces were injured or killed during the attack,” AFRICOM said in a statement. The Al-Qaeda-linked group is known to use propaganda videos and messages to lure in unsuspecting members, build community support, seek media attention and dupe the Somali public, a fact that AFRICOM was quick to point out given this most recent claim. “Al-Shabaab routinely resorts to the tradecraft of terror, crime, and propaganda to intimidate and seek control of the local populace. Persistent pressure against the al-Shabaab damages their narrative, network, and plans for broader destruction and violence,” Colonel Chris Karns, AFRICOM director of public affairs, said. In May, AFRICOM flagged a Twitter account for falsely alleging that two civilians were killed in an airstrike in a village called Araboow. AFRICOM, at the time, responded clarifying that it had not conducted an airstrike in Somalia since April 10. “This report is not accurate. This may be an example of al-Shabaab using lies and propaganda to spread false civilian casualty allegations in order to grab media attention and deceive the Somali public,” AFRICOM tweeted. In April, AFRICOM said that Al-Shabaab was increasingly relying on lies and propaganda as it had been weakened by sustained military operations led by the Somali National Army and AMISOM forces. View the full article
  20. Wafdiga uu hogaaminaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug,waxaana caasimada si heer sare ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha Baalamaanka Galmudug iyo madaxda ka tirsan golayaasha Dowladda u jeedka socdaalka guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa lagu sheegay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug. Eeg Sawiradda Qaabka Loo Soo Dhaweeyay Wafdiga Aqalka Sare Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WARKA-DUHUR-2782020-o.mp3 View the full article
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo hadal kooban jeediyay, kadib markii uu soo dhammaaday Shirkii Puntland iyo Jubaland uga socday Garoowe, ayaa sheegay in hal ujeeddo loo qabtay Shirkaasi. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Shirka loo qabtay sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021. Sidoo kale, wuxuu xusay in Shirku uu ku soo dhammaaday guul, islamarkaana haatan Puntland iyo Jubaland ay ka midaysan yihiin Mowqifkooda Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha Doorashada soo socota. Mudane Deni, wuxu dhinaca kale Raja wanaagsan ka muujiyay Shirka qorshaysan in Muqdisho lagu qabto in Heshiis looga gaaro Hannaanka Doorashada Dalka. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in hal ujeeddo loo qabtay Shirkii Garoowe appeared first on Puntland Post.
  23. 51-kii Muslimiinta ahaa ee lagu xasuuqay laba masaajid oo ku yaalla dalka New zealand Qaran News
  24. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo Warbaahinta la hadlay kadib Shirkii Garoowe ugu soo dhammaaday Puntland iyo Jubaland, ayaa ku baaqay in dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya ay tanaasul iyo dulqaad isu muujiyaan. Madaxweynaha Jubaland, wuxuu sheegay in Marxaladda kala guurka ah ee Dalku haatan marayo, ay tahay mid u baahan dulqaad iyo isu-tanaasul dheeriya, si looga heshiiyo Hannaanka Doorashada 2020/2021. Axmed Madoobe, ayaa xusay in Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya loo baahanyahay, in ay ku qabsoonto Wakhtigeeda, ayna noqoto mid lagu wada qanacsanyahay, oo si xasilooni iyo Nabad ah ku dhacda. Balse, wuxu si adag uga digay, in Muranka iyo Is-qab-qabsigu sii socdo, taasi oo sida uu sheegay Xasilooni-darro iyo Khal-khal Amni gelinaysa Xaaladda Waddanka. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka digay in Qalalaase Siyaasadeed ka dhaco Soomaaliya appeared first on Puntland Post.