Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Deeqo Yaasiin ayaa markii ugu horreysay si faah faah-faahsan uga hadashay sharciga Galmada ee dooda adag ka dhex-dhaliyey Golaha Shacabka. Wasiir Deeqo oo wareysi gaar ah siisay Shabelle TV ayaa marka hore shaaciysay in sharcigan uu muddo labo sano ah horyaallo baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada loo qeybiyey bishii Septermber ee sanadkii la soo dhaafay 2018-kii. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay sugayeen ka wasaarad ahaan in aqrinta koowaad uu baarlamaanku mariyo sharcigaas, kadibna loo yeero, si ay faah faahin uga bixiso, balse waxa ay carabka ku dhufatay in aysan taas dhicin, sida ay hadalka u dhigtay. Deeqo Yaasiin oo hadalkeeda sii wata ayaa sheegtay in muddo kadib ay maqashay in bishii Augusto ee sanadkan uu markale ka doodayo Golaha Shacabka sharci la yiraahdo Galmada, kaas oo ay tilmaamtay in wasaaradeeda aysan gudbin, shaqana aysan ku laheyn. “Ka wasaarad ahaan shaqo kuma lihin sharcigaas Augusto sanadkan ayaa Golaha Shacabka waxaan maqlay sharci Galmo la yiraahdo in la keenay baarlamaanka xildhibaanadiisuna ay iska diideen, laakiin waxaa ku sheegaa sharciga Galmada ma’ahan sharci aan annaga Golaha keenay.” ayey tiri wasiirka haweenka xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay in sharcigan la siyaasadeeyey, islamarkaana ay ka dambeeyaan dad leh dano siyaasadeed. “Waa la siyaasadeeyey xeerka Jinsiga, dadkii siyaasadeeyey Ilaah ayaan ku daayey” ayey markale tiri wasiiraddu. Marwo Deeqo Yaasiin oo ka jawaabeysay dhaliilaha xoogan ee loo jeedinayey maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in si shaqsiyan ah loo aflagaadeeyo, waxayna xustay in sharciga dambiyada jinsiga uu yahay sharcigii xukuumadda Somalia. “Sharcigaan ma’ahan sharciga wasiiradda, sharciga dambiyada jinsiga waa sharciga xukuumadda federaalka.” ayey sii raacisay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dood badan ka dhalatay hindise sharciyeedka Galmada oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka, waxaana si weyn uga dhiidhiyey guddoonka Golaha Shacabka dalka iyo inta badan Culimada Soomaaliyeed. The post Wasiirka haweenka oo iska fogeysay inay gudbisay sharcigii ka hor imaanayey Diinta Islaamka first appeared on Caasimada Online.
  2. (SLT-Riyadh)-Muran ayaa ka socda gudaha qasriga looga taliyo dalka Sacuudi Carabiya, waxaa su’aal la iska weydiinayaa haddii la macaamilka Israa’iil ay u fiican tahay iyadoo Imaaraadka iyo Baxreyn ay si cad ugu dhawaaqeen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Israa’iil. Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska The Wall Street Journal u sheegay in Boqor Salmaan Bin Cabducasiis uu ku khilaafay wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Mohamed Bin Salmaan in gacan loo taago Yahuudda, waxaana la ogyahay taageerada uu u hayay go’aankii ay hore carabta uga gaadhay Israa’iil iyo in la helo dowlad madax banaan oo ay leeyahiin dadka reer Falastiin. Boqor Salmaan wuxuu u muuqdaa mid u jiheysan inuu ku mowqif la noqdo Iran oo aan marnaba taageersaneyn sida ay Mareykanka heshiis uga dhex abuurtay dowladaha Carbeed iyo Israa’iil. Waxaa kaloo la fahamsan yahay in boqorka uu aad uga naxay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee mareykanka uu ku dhawaaqay 13-kii August kaas oo dhexmaray Israa’iil iyo Imaaraadka, waa marka ay ku dhalatay inuu u dhaqaaqo inuu la jaanqaado la taliyayaashiisa iyo sidoo kale dadka ka hadla arrimaha Sacuudiga, taas badalkeeda dhaxal sugaha aad ugama nixin galaangalka Israa’iil ee dalalka Carabta. Dhanka kale, dhaxalsuge Mohamed Bin Salmaan wuxuu dareemayaa cabsi ku aadan in aabbahiis uu laalo heshiis aan dan ugu jirin in lagu yagleelo qaranimo ay Falastiin sameyso, waa sida dadka badi hadal hayaan. Mohamed Bin Salmaan wuxuu si ulakac ah u saxeexay heshiis aan ku cadeyn doorka dadka reer Falastiin mana aanu ogeysiin aabbahii. Israa’iil waxey ogolaatay iney hoos u dhigto dul-ballaadhsiga ay ku heyso Falastiin si ay dib ugu soo celiso xidhiidhkii ka dhaxeeyay Imaaraadka, waana qeyb ka mid ah heshiiska uu mareykanka gadh-wadeenka ka ahaa. Boqor Salmaan isagoo cadheysan ayuu wasiirkiisa arrimaha dibadda amray in la caddeeyo xukunka dib u aas-aasidda Falastiin, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiska caadiga ah. Xubin ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wargeys laga leeyahay gudaha Sacuudiga in arrintaan ay Imaaraadka Carabta ku cadaadin karto iney Israa’iil ku cadaadiyaan heshiisyo dheeraad ah. Source
  3. Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan loo magacaabay xilka Ra’iisulwasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faariintiisii ugu horaysay diray tan iyo markii lagu dhawaaqay sedex cisho ka hor, oo digreeto uu ku soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ra’iisulwasaare Rooble ayaa fariintiisi waxaa si gooni ah ugu jeeday golaha shacabka ” Waxaa farxad ii ah inaan idiin la wadaago si sharaf iyo dareen mas’uuliyadeed leh, kalsoonidii uu isiiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidaas darteed waxaan doonayaa inaan codka kalsoonida ah weydiiso golaha shacabka oo aan rajaynayo in ay isiin doonaan codka kalsoonida si aan u guto waajibaadka la ii idmaday”ayuu yiri Ra’iisalwasaaha cusub. Warar hoose oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisulwasaare Roooble maalinimada barrito oo isniin ah la horgeyn doono golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka , si ay ugu qaadaan codka kalsoonida ah, waxaana Muqdisho saacadii tagay ka socday kulamo gaar gaar ah uu Rooble la lahaa Xildhibaannada golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Minnesota)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolka Minnesota. Trump oo boqolaal kamid ah taageerayaashiisa la hadlayay, ayaa Soomaalida iyo qaxootiga ka yimid dalalka Islaamka ku tilmaamay inay la wareegidoonaan oo burburindoono Minnesota, haddii uu guulaysto musharaxa la tartamaya Joe Biden. Madaxweyne Trump ayaa afar sanno kadib mar kale ololihiisa doorashada ku galaya la dagaalanka iyo nacaybka soo galootiga ah ee ka imaanaya inta badan waddamada Islaamka Trump wuxuu mar kale weerar afka ku qaaday xildhibaanada Congress-ka Ilhan Omar, isgoo ku tilmaamay inay tahay Xagjir geysatay fal dambiyeedyo. 03 November sannadkan, dalka Maraykanka waxaa ka dhicidoonta doorashada madaxtinimada. Madaxweyne Trump ayaa loolan adag kala kulmidoona madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Joe Biden oo sannadkaan ah musharaxa ka socda xisbiga dimuqraadiga . Source
  5. Wasiirka haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Deeqo Yaasiin oo la hadashay Shabelle ayaa sheegtay in aysan sax aheyn sida looga fal-celiyey sharciga dambiyadda Galmada la xiriira ee muranka ka dhex-dhaliyey Golaha Shacabka. Deeqo ayaa sheegtay in sharcigan uu baarlamaanka horyaallay muddo labo sano ah, islamarkaana ay jiraan dad dano shaqsiyeed leh oo faham qaldan bulshadda ka siinaya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la shaqsiyadeynayo sharcigan oo ay tilmaamtay inuu yahay sharciga dambiyada jinsiga ee xukuumadda Soomaaliya. Wareysiga ay Shabelle TV siisay wasiirka haweenka ayey sidoo kale ku sheegtay in ay ka xun tahay, iyada oo aan waxba la hubsan in xitaa loo geystay Aflagaado shaqsi, waxayna gabi ahaanba meesha ka saartay wararka tibaaxaya in ay u ololeyneyso ficillo ka dhan ah Diinta Islaamka. Wasiiradda ayaa ka soo muuqatay muuqaal baahiyaha Shabelle iyada oo gacanta ku haysata Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo muujinaysa in ay tahay haweeney ku dhaqanta Kalaamka Alle iyo Sunnadii Nebi Muxamed ( NNKH). View the full article
  6. Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriintiisii ugu horreysay diray, isaga oo kula hadlay xildhibaanada BF Soomaaliya. Rooble Golaha Shacabka la dalbaday inay codka kalsoonida ah siiyaan, si uu uguto waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Hoos Ka Akhriso Farriinta: Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim, Asalaamu Caleykum Wa raxmatullaahi wa barakaatu Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga. View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-20092020.mp3 View the full article
  8. (SLT-Muqdisho)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kiis kufsi oo naxdin leh uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan, iyadoo la kufsaday gabadh 5 jir ah. Qoyska dhibaatada ku dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in falkan uu geystay nin xaafada degan oo gabadha qabsaday, dabadeedna faraxumeeyay. Gabadha shanta jir ayaa lagu magacaabaa Samiira Yuusuf Maxamed ayaa la geeyay cisbitaalka Digfeer, si baadhitaan loogu sameeyo xaaladeeda, iyadoo natiijada baadhitaanka lagu ogaaday in gabadha lagu kufsaday. Qoyska gabadha la kufsaday ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaalad helaan, waxaana la sheegay ninka kufsiga geystay uu baxsaday. Kiiskan kufsiga ayaa noqonaya kii labaad oo carruur yar ah oo ka dhaca Muqdisho. Source
  9. Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo markii u horraysay Xalay farriin soo diray, ayaa Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ka codsaday, in ay siiyaan Codka Kalsoonida. “Waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble. Mudane Rooble, ayaa sidoo kale xalay la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan, ku xigeenkiisa Kowaad Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaanno kale. Ra’iisul wasaaraha magacaaban ,ayaa sida qorshaysan Isniinta soo socota hortegi doona Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, si ay u siiyaan Codka Kalsoonida, kadibna waxa uu soo dhisi doonaa xukuumad cusub. Halkaan ka daawo Farriinta Ra’iisul wasaaraha PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo Codka Kalsoonida weydiistay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  10. The day after George Floyd died, another video also went viral. Source: Hiiraan Online
  11. Kenyan police on Saturday arrested 12 people from neighboring Somalia without valid identification documents along the common border. Source: Hiiraan Online
  12. Society has put some constraints on individuals with regard to what men or women can do and that has prevented a lot of people from attaining their set goals in life for fear of being judged or ridiculed. Others also defied societal norms and restrictions to be the ‘firsts’ in their fields like Nasra Haji Hussein, Source: Hiiraan Online
  13. NAIROBI - Fifteen-year-old Nasra Aidarus is happy to be back in class after a four-month school closure due to the COVID-19 pandemic that hit Somalia Source: Hiiraan Online
  14. Magaalada Muqdisho, gaar ahaanna Degmada Kaaraan, ayaa markale laga soo weriyay kiis kufsiya oo argagax leh, kaas oo sida la xaqiijiyay loo gaystay gabar yar oo da’deeda lagu sheegay 5-sano jir. Gabadha yar oo lagu magacaabo Samiira Yuusuf Maxamed, ayaa la geeyay isbitaalka Digfeer, si baaritaan loogu sameeyo, waxaana natiijada baaritaanka lagu xaqiijiyay in kufsi ba’an loo gaystay. Qoyska gabadha dhalay, ayaa laga soo xigtay in Kufsiga uu gaystay nin kamid ahaa dadka deggan Xaafadda, kaas oo baxsaday kadib markii uu si xun u kufsaday ilmaha yar ee Saqiirka ah. Sidoo kale, Qoyska ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo Ninka ku eedaysan kufsiga ilmahooda, islamarkaana ay caddaalad helaan. Kufsiyada argagaxa leh, ayaa todobaadyadii dambe ku soo badanayay Magaalada Muqdisho, waxaana kamid ahaa kii gabadha la kufsaday haddana dabaqa laga soo tuuray. PUNTLAND POST The post Saqiir 5-sano jir ah oo lagu kufsaday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. At a rally in Minnesota, President Trump described an MSNBC anchor hit by a rubber bullet while covering protests after the death of George Floyd in May as “a beautiful sight,” Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Dowlad Goboleed Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay xubno ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ah ay Madaxweynaha uga mahad celiyeen sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hannaan Doorasho oo heshiis lagu yahay isla markana meesha ka saara walaaca ay Bulshadu ka qabtay mustaqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah. Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in Ururada Bulshada Rayidka ah xubnaha ka socday ay sidoo kale sheegeen in ay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Muqdisho kula kulmay Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  17. Putin oo siiyey billaddii ugu qaalisanayd ninkii curiyey gantallada guuxooda ka dheereeya Madaxwaynaha Ruushka Putin Madaxwaynaha Vladimir Putin ayaa gudoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa dalkaasi ninka lagu magacaabo Herbert Efremov, oo ahaa ninkii ikhtiraacay ama sameeyay gantaalada casriga ee guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic . Madaxwaynaha ayaa gantaaladan ku tilmaamay kuwa Ruushka siiyay sareeyn dhanka hubka ah markii ugu horeysay taariikhda. Shir dhanka muuqaalka ah ayuu Mr Putin, waxaa uu Mr Efremov la barbar dhigay khubaradii Ruushka ee xilligii Soofiyeedka sameeyay barnaamijka hubka Niyukleerka. Waxaa uu madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin sidoo kale xusay in Ruushka muudo toboneeyo sano ah door muhiim ah ay ka ciyaarayeen dhanka awodda militariga. Balse waxa uu sheegay in sameyntii uu iyo soo saaridii gantaalada guuxooda ka dheereeya ay yihiin kuwa xawli dheereeya, awood badan islamarkana aysan suuragal ahayn in la soo rido. Gantaalada guuxood ka dheereeya ee hypersonic Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa farta ku fiiqay in markii sanaddii 2002 uu madaxwaynihii hore ee Mareykanka George W. Bush’ ka baxay heshiiskii ka hortaga gantaalada riddada dheere ay Ruuska ku qasbanaadeen inay hormariyaan gantaalada guuxooda ka dheereeya ee hypersonic. Gantaalada Ruushka ee guuxooda ka dheereeye ayuu sheegay madaxwayne Putin inay yihiin kuwa 27 jeer guuxooda ka dheereeya. Sida ay Ruushka sheegeen waxay gantaaladan awoodaan in ay gaaraan 100 kiilo mitir. Waxaa gantaaladan uu markii ugu horeysay madaxwayne Putin xarigga ka jaray 1 March sanaddii 2018. Gantaaladan guuuxooda ka dheereeya ayaa waxaa ay sidoo kale awood u leeyihiin inay xambaaraan madaxyada Niyukleerka Qaran News
  18. Tira intee le’eg oo dibadbaxayaal ah ayaa loo baahan yahay si madaxweyne xilka looga tuuro?+ Haweeney dhar cad xiran oo hortaagan booliiska ka hortaga dibadbaxyada Midkee ayaa wax ku ool ah dibadbaxyada rabshadaha iyo gacan ka hadalka wata iyo kuwa aan rabshadaha wadan? Baaxad intee dhan ayaa se loo baahan yahay si hogaamiya siyaasadeed xilka loga tuuro? Mid ka mid ah cilmibaarayaasha oo si taxadar leh u darstay su’aalahan, ayaa rumaysan in loo baahan yahay 3.5% ka mid ah bulshada si ay uu dibadbaxa u guuleysto. Dhaqdhaqaaqyadii midnimada ee Poland ee sanaddii 1980-yadii , oo ay hogaaminayeen ururo, dhaqdhaqaaqii looga soo horjeeday midib-takoorka ee Koonfur Afrika, xil ka tuuristii madaxwaynihii Serbia Slobodan Milosevic; kacdoonkii Tunisia ee looga so horjeeday, Zine al-Cabidine Bin Cali kaasi oo huriyay kacdoonkii Carabta. Dhammaan arrimahani waa tusaalooyiin la xusuusto oo ku saabsan kacdoonadii caanbaxay kuwaasi oo sababay isbadal siyaasadeed. Midkii ugu dambeeyay imika ee diirada lagu hayo ayaa ah Belarus – halkaasi tobonnaan kun oo qof ay isugu soo baxeen waddooyiinka ka dib doorashadii lagu murmay ee uu guusha ka sheegtay madaxwayne Alexander Lukashenko. Xukuumadda dalkaasi ayaa si arxan daro ah uga jawaabtay dibadbaxyadan, qaar badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray islamarkana waxaa jira eedeeymo badan oo la xiriira jirdil laga geysanayo goobaha dadka lagu xiro. Waxaa sidoo kale xusid mudan in dibadbaxyadani ay yihiin kuwa guud ahaan si ammaan ah ku socda. Ma laga yaabaa in ay guuleystaan? Waa hagaag, mid ka mid ah siyaabaha lagu qiimaynayo ayaa ah in dib loo milicsado taariikhda. Erica Chenoweth oo ah maclin cilmiga siyaasadda ka dhigta jaamacadda Harvard ayaa qiimayntan sameeyay. XIGASHADA SAWIRKA,KRIS SNIBBE / HARVARD GAZETTE Qoraalka sawirka,Erica Chenoweth Midkee baa wax ku ool ah Dibadbaxyada rabshado wata iyo midka aan rabshadaha wadan? Baaxad intee dhan ayaa se loo baahan yahay si hogaamiya siyaasadeed xilka looga tuuro? Mid ka mid ah cilmibaarayaasha oo si taxadar leh u darsay su’aalahan, ayaa rumaysan in lo baahan yahay 3.5% ka mid ah bulshada ayay guusha ku iman kartaa. Dhaqdhaqaaqyadii midnimada ee Poland ee sanaddii 1980-yadii , oo ay hogaaminayeen ururo, dhaqdhaqaaqii looga soo horjeeday midib-kala soca, xil ka tuuristii madaxwaynihii Serbia Slobodan Milosevic; kacdoonkii Tunisia ee looga so horjeeday, Zine al-Cabidine Bin Cali kaasi oo huriyay kacdoonkii Carabta. Dhammaan arrimahani waa tusaalooyiin la xusuusto oo ku sabsan kacdoonadii caanbaxay kuwaasi oo sababay isbadal siyaasadeed. Midkii ugu dambeeyay imika ee diirada lagu hayo ayaa ah Belarus – halkaasi tobonnaan oo qof ay isugu soo baxeen waddooyiinka ka dib doorashadii lagu murmay ee uu guusha ka sheegtay madaxwayne Alexander Lukashenko. Xukuumadda dalkaasi ayaa si arxan daro ah uga jawaabtay dibadbaxyadan, qaar badan o oak mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray islamarkana waxaa jira eedeeymo badan oo la xiriira jirdil laga geysanayo goobaha dadka lagu xiro. Maxaabiis si yaab leh u baxsatay oo la baadigoobayo Diyaarad arrin la yaab leh u soo caga dhigatay Sirta lama filaanka ah ee ku qarsoon qosolka Waxaa sidoo klae xusid mudan in dibadbaxyadani ay yihiin kuwa guud ahaan si ammaan ah ku socda. Ma laga yaabaa in ay guuleystaan? Waa hagaag, mid ka mid ah siyaabaha lagu qiimaynayo ayaa ah in dib loo milicsado taariikhda. Erica Chenoweth oo ah maclin cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Harvard ayaa qiimayntan sameeysay. Prof Chenoweth ayaa diiradda ku saartay daraasadeeda dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah kaligood-taliyayaasha ee ma aha midka dumuqraadiyada. Sida dimuqraadiyadda oo kale, kaligood-taliyayaasha xukunka loogama qaadi karo doorasho iyo codeyn. Dumuqraadiyadda, haddii nidaamyadu ay wanaagsanayn, siyaasiyiinta ayaa la dooran karaa iyada oo la eegayo ballanqaadayadooda ku aadan in ay nidaamkaasi meesha ka saarayaan oo ay isbadal sameynayaan. Balse tani ma aha wadiiqada loo mari karo kalitaliyayasha, waxaa halkan ka muuqata micneyn loo baahan yahay in la qeexo. Sharaxaadda iyo micnaynta dimuqraadiyada iyo kalitaliyayaasha ayaa halkan su’aal ka taagan tahay. Nidaam siyaasadeed ayaa noqon kara mid dimuqraadiyadiisu sareyso iyo mid ay hooseyso. Waxaa sidoo kale jirta in ay hadba ay ku xiran tahay sida aad u micneyso dibadbaxyada rabshadaha wata iyo kuwa nabdoon. Weerarada loo geysto hantida ma waxaa loo tixgalinayaa inay yihiin “rabshad”? Maxaa se ay noqon kartaa dibadbaxayaasha ku dhawaaqaya erayo cunsurinnimo ku dheehan tahay ama aflagaado iyaga oo aan wax gacan ka hadal ah geysan? Maxay tahay ficilada sida in uu qofka naftiisa huro sida in uu cuntada ka soomo? Ma waxaa weeye rabshad iyo gacan ka hadal? Iyada oo ay jirto inay adagtahay in kala saaridda arrimahan ayaa waxaa hadana jira qeyb ka mid ah dibadbaxyada oo aan rabshado wadan islamarakana ay jirto kuwa kala oo ay iska caddahay inay rabshad ku dheehan tahay. Dilka way iska cadahay in uu yahay rabshad. Waxaa sidoo kale jira dibadbaxyo nabdoon, codsiyo la gudbinayo, boorar, shaqa joojin iyo qaadacaad, dhammaan arrimahan waa kuwa aan rabshado ku saleysnayn. Waxaa jira in 198 qeybood loo qeybiyay dibadbaxyada aan rabshadaha wadan. Marka la lafa-guro dhaqdhaqaaqyadii dibadbaxyada ee la hayo macluumaadkoodka laga soo bilaabo 1900 ilaa 2006, Erica Chenoweth iyo Maria Stephan waxa ay baaritaankooda ku ogaadeen in laba jibaar ay suuragal tahay inay guuleystaan dibadbaxyada aan rabshadaha wadan. Su’aasha xigta ayaa ah sabab? Jawaabta ayaa u muuqata in ay tahay in rabshadaha ay hoos u dhigaan gundhigga taageerada dhaqdhaqaaqa. Dad badan ayaa mar walba ku soo biira soo biira mudaaharaadyada aan rabshadaha wadan. Kacdoonka aaan gacan ka hadalka wadan ayay halistiisu yartahay, waxaana loo baahan yahay oo kali ah in uu qofka goob joog ka ahaado islamarkana uma baahna tababar in dadka la siiyo. Waxaa dadka ka qeyb qaadanaya dhaqdhaqaaqyada kacdoonka looga baahan yahay oo kali ah in waqti ay u huraan. Dhammaan sababahan, dibadbaxyada aan gacan ka hadalka wadan ayaa waxaa sareysa inay ka qeyb galaan haweenka, caruurta, dadka naafada ah iyo waliba kuwa da’da ah. Hadaba maxay arrintani muhiim u tahay? Aan tusaale u soo qaadano kacdoonkii lagu magacaabi jiray Bulldozer ee looga soo horjeeday Slobodan Milosevic. Markii askarta la waydiiyay sababta ay dibadbaxayasha hubka ugu isticmaali waayeen,waxay ku jawaabeen in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay garanayeen. Waxay ciidamada ka caga-jiidayeen inay toogteen ilama adeeradood, saaxibadood iyo waliba dariskooda. Waxaa sidoo kale jirta in micno ay sameynayso tirada dibadbaxa ka qeyb galayso taasi oo laga yaabo in booliiska ay aqoonsadaan qaar ka mid ah dadka ka qeybgalaya. Erica Chenoweth ayaa la timid tirada rasmiga ah ee ku saabsan in dibadbax ay ka qeyb qaataan ka hor inta aysan guuleysan. Tiradaasi ayaa ah 3.5% bulshada halka ay dibadbaxayada ka dhacayaan. Waxaa laga yaabaa in taasi ay kuula muuqato tira aad u yar. Tirada dadka ku nool dalka Belarus ayaa ah mid ka kor u dhaafaysa 9 milyan, taasi waxay micnaheedu tahay in marka la dhaho 3.5% ay gaarayso 300,000. Mudaaharaadyada ballaaran ee ka socda caasimadda, Minsk, ayaa lagu qiyaasay tobonnaan kun oo qof, amaba 100,000, inkastoo wakaalada wararka ee AP ay tirada ku sheegtay in ay ka badan tahay 200,000. Marka tirada 3.5% la eego ma aha mid badan. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Booliiska rabshada ka hortaga ee Belarus Dhaqdhaqaaqyo badan ayaa ku guuleystay iyada oo tiro intaasi ka yar tahay islamarkana hal ilaa labo dibadbax ayaa guuldareysta iyada oo ay jirto in tira badan ka qeyb galeen. Chenoweth ayaa tusaale u soo qaadatay kacdoonada guuldareystay iyada oo ay jirto in dad badan ay ka qeyb qaateen sida kii ka dhacay Baxreyn sanaddii 2011 Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo soo diray farriintiisii ugu horreeyey tan iyo intii xilkaas loo magacaabay, wuxuuna kula hadlay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya. Rooble ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.” “Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.” Wararka ayaa sheegaya in Rooble la filayo in maalinta Isniinta uu Baarlamaanka codka kalsoonida u qaado, waxaana uu saacadihii tegay waday kulamo gaar gaar ah oo uu ku kasbanayo xildhibaannada, si ay codka kalsoonida u siiyaan. Rooble ayaa haddii la siiyo codka kalsoonida si deg deg ah usoo dhisi doona xukuumad, ayada oo xog aan helnay ay sheegeyso in wasiirada xukuumadda ay inta badan diyaarsan yihiin. Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la magacaabay Khamiistii saacado un kadib markii heshiis laga gaaray arrimaha doorashada, taasi oo meesha ka saartay inuu wax kaalin ah ku yeesho go’aanada la xiriira doorashada, waxaana hadda u taal shaqo ah inuu soo dhiso xukuumad fuliso waxyaabihii lagu heshiiyey. Si kastaba, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa. The post Daawo: Ra'iisul wasaaraha magacaaban oo soo diray farriintii ugu horreysay first appeared on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ee Villa Somalia ayaa lagu gaaray heshiis ka kooban 15 qodob, hase yeeshee waxaa weli ay su’aalo dul yaallaan qaar ka mid ah qodobaas. Cabdirashid Khaliif Xaashi oo ah agaasimaha machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa banaanka keenay shan su’aalo oo mudan in laga jawaabo, kuwaasi oo si dhab ah loogu cadeyn war-murtiyeedka shirkii doorashada ee dowladda federaalka iyo maamulada. Cabdirashiid Xaashi ayaa sidoo kale ku taliyay in 1000 codbixiye ay noqdaan kuwa dooranaya kursi kasta oo baarlamaani ah doorashada 2020 & in lagu mideeyo codbixiyaasha gobol walba sidaa darteed ugu yaraan 35-kun oo codbixiye ay doortaan xildhibaan kasta. Wuxuu xusay in doorkii xisbiyada ee shirkii Muqdisho uu maqnaa, taasi oo uu ku tilmaamay arrin markale muran horseedi karta, maadama uu dalku ku jiro marxalad xasaasi ah. Hoos ka aqriso 5 su’aalo ee jawaabta u baahan: — Sidee sida saxda ah odayaasha, dowladaha gobolka iyo bulshada rayidka ay u soo wada xulayaan 101 codeeye? — Maxay noqon doonaan doorka saxda ah ee guddiga doorashada heer federaal iyo hay’adaha doorashooyinka heer gobol? — Dastuurku wuxuu ku tilmaamayaa in baarlamaanka uu ka kooban yahay laba gole – aqalka sare iyo aqalka hoose – laakiin markii dambe, aqalka sare dhinac ayaa laga saaray. Sidaas darteed, Kalfadhi wada jir ah oo baarlamaan (laba gole) ma wuxuu ansixinayaa heshiiskan siyaasadeed? — Xisbiyada Siyaasadda waxaa laga tuuray daaqada muranka ka hadlaya sanado badan; haddii mar labaad la tuuro, sababtu waxay ahayd in la sheego? — Markii hore, qaar waxay u sheegaan dadka deggan Muqdisho inay yeelan doonaan 13 kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, arrintan waxay u muuqataa in la tuuray, laakiin lama sheegin? “Madaxweynaha federaalka iyo shanta maamul goboleed ee heshiiska nabadeed la galay waxay u baahan yihiin inay la wadaagaan inta kale ee Soomaalida xaqiiqda heshiiskooda maadaama ay u badan tahay inay wax ka qabteen arrimahan xasaasiga ah haddii aysan iyaga wax ka qabanna ay hadda si wanaagsan wax uga qaban lahaayeen,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Cabdirashiid. The post Shan su'aal oo jawaab u baahan kadib heshiiskii lagu gaaray Villa Somalia first appeared on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-19092020.mp3 View the full article
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta kulan gaar la qaatay xildhibaannada labada gole ee maamulkaas ku matalo dowladda federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa inta badan waxaa aad looga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee uu maraayo sida uu warbaahinta sheegay afhayeenka madaxtooyada Puntland. A fhayeen Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaannada labada gole ay madaxweyne Deni ku bogaadiyeen si marweliba Puntland u garab taagan tahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad guutadiisa 15-aad ayaa maanta howlgallo ka fuliyey deegaanno dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Ciidamada oo ka ruqaansaday magaalada ayaa u jaheystay deegaanka Meer-dugul oo ay waqtiyadii dambe ay maamulayeen Al-shabaab. Dalaag xoogan oo deegaanka ka dhacay ayey ugu dambeyn ciidamadu waxaa ay la wareegeen deegaan ,Al-shabaab ayaan isaga baxay deegaan Meer-dugul oo ay muddooyin ku sugnaayeen. Maamulka Galmudug wasaaradiisa amniga ayaa dhowaan ku dhawaaqday in la qaaday howlgallo ka dhan ah Al-shabab oo deegaanno dhowr ah kaga sugan deegaannada maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay diyaarad nooca wax basaaso ah oo maanta ku dhacday gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan aagga Ballidoogle. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaaradaas oo ku dhacday meel aan ka fogeyn garoonka Ballidoogle oo saldhig weyn oo militeri ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab ee Soomaaliya. Sida ay ku sheegeen warkooda, diyaaradan oo ah mid yar ayaa markii ay dhacday dul heehaabeysay deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo u dhaw Ballidoogle, waxayna tilmaameen inay ku jirtay “howlgal basaasnimo ah.” Waxay sheegeen inay ku rakiban yihiin kaamirooyinka wax duuba oo ay iyaga ku basaaseysay, balse hadda ay gacanta ku hayaan. Waa diyaaradii labaad oo bishan gudaheeda ay burburkeeda soo bandhigeen Al-Shabaab, waxayna sidaan oo kale burburka diyaarad aad u yar ku soo bandhigeen gobolka Jubada Hoose, taas oo ay sheegeen inay ku soo dhacday duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Maalin ka hor markii burburka diyaaradda ay ku soo bandhigeen Jubbada Hoose waxay weerar is-miidaamin ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaa-Cabdalle oo 60-KM u jira Kismaayo. Sawirro laga soo qaaday buburka labadaas diyaaradood oo ay baahisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa muujinaya inay yihiin kuwo aad u yar oo loogu tala-galay inay wax duubaan oo kaliya. The post Al-Shabaab 'oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday' duleedka Ballidogle + Sawiro first appeared on Caasimada Online.