Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Kenya, Mr. Rutto, ayaa khudbadisii Shirka Qaramada Midoobay muujiyay taageero buuxda oo uu u hayo Soomaaliya, taasoo ka tarjumeysa xiriirka dhow ee labada dal. Sida uu sheegay, “Waan ku faaneynaa in dariskeenna aan walaalaha nahay ee Soomaaliya ay ku guuleysteen kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM.” Taageeradan waxay muujineysaa in Kenya ay ka go’an tahay in ay taageerto Soomaaliya si ay u hesho fursad ka mid ah go’aannada caalamiga ah. Soomaaliya, oo hadda ku jirta ololaha ay ku dooneyso xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa raadinaysa taageero ka timaadda dalalka Afrika, iyadoo raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu si gaar ah u codsaday in madaxweynaha Kenya uu taageero. Waxaa la ogsoon yahay in Golaha Ammaanka uu ka kooban yahay 15 xubnood, oo ay shan ka mid ah yihiin xubno joogto ah, kuwaas oo xakameeya go’aannada muhiimka ah ee caalamka. Ahaanshaha xubin ka tirsan Golaha Ammaanka waxay siineysaa Soomaaliya fursado badan oo ay ku hesho awood siyaasadeed oo dheeri ah, waxayna ka caawin kartaa in ay saamayn ku yeelato arrimaha caalamiga ah. Xubnaha aan joogtada ahayn, sida kuraasta tobanka xubnood, ayaa looga baahan yahay in ay ka mid noqdaan nidaamka caalamiga ah si ay uga hadlaan danahooda iyo arrimaha gobolka. Kenya waxay ku guuleysatay kursigaas saddex jeer, tan iyo markii ay bilowday ololahoodii, waxayna tusaale u tahay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto fursadahaasi. Maadaama ay Afrika ku soo aaddo ilaa saddex xubnood oo aan joogto ahayn, Soomaaliya waxay u baahan tahay taageero xoojin ah si ay ugu guuleysato hannaankan. Fursadaha ay Soomaaliya ku heli karto xubinimada aan joogtada ahayn waxaa ka mid ah in ay ka qaybqaadato shirar caalami ah iyo in ay gacan ka geysato go’aannada xasaasiga ah. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka faa’iidaysan kartaa doorka shirguddoonka golaha ee meertada ah, taasoo u sahli karta in ay saameyn ku yeelato arrimaha gaar ah. Taageerada Kenya ee Soomaaliya waxay muujinaysaa in labada dal ay wadaagaan danaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale. Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Kenya iyo dalalka kale ee Afrika, waxay haysataa fursad weyn oo ay ku heli karto saameyn caalami ah, taasoo ka caawin karta in ay dib u dhisto sumcadeeda iyo xasilloonida. Source: goobjoog.com
  2. NAIROBI, Kenya (HOL) — A Kenyan court has ordered Premier Bank to release KSh 26 million ($201,942) from Somali Embassy accounts to Kingsly Construction Limited, concluding a three-year legal battle over unpaid renovation work at the embassy's Nairobi compound. The court rejected Somalia's claim of diplomatic immunity. Source: Hiiraan Online
  3. City leaders say the years-long effort to rebuild the Minneapolis Police Department, while not over, is starting to be seen and felt—nearly two dozen more officers, including new firsts, are on the force following a graduation ceremony. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — Somalia's Foreign Minister, Ahmed Moallim Fiqi, has ruled out any immediate prospects for direct negotiations with Ethiopia regarding their maritime dispute, citing Ethiopia's refusal to renounce its controversial agreement with Somaliland. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi has reaffirmed Egypt's commitment to defending Somalia, stressing the nation's vital role within the Arab League and warning that no one will be permitted to threaten its sovereignty. His comments come at a time of increasing military and political tensions in the Horn of Africa, where Egypt's expanding involvement is reshaping regional dynamics. Source: Hiiraan Online
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khodbad ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wuxuu uga hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan Soomaaliya iyo caalamka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin bulsho Illaahay ugu deeqay dhul dihan, islamarkaana fursadaha badani ay Soomaaliya ka bannaanyihiin, asagoo xusay in loo baahanyahay dunidu iskaashato si looga faa’iidaysto hormarka casriga ah ee Teknoolajiyadda iyo maalgashiga. Sidoo kale wuxuu khodbaddiisa diiradda ku saaray xasradaha dunida ee sii kordhaya, asagoo sheegay in caalamku uu wajahayo halis aan horay loo arkin. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan magaalada Newyork ayaa halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo wufuudda ka qeyb-galaysa kulanka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiinta dalka mareykanka. Source: goobjoog.com
  7. Montreal (AFP) – Somali-Canadian rapper K'naan, whose megahit "Wavin' Flag" became an anthem for the 2010 soccer World Cup, was charged Thursday with sexual assault in Quebec City, according to local media. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — Ethiopia is considering shifting its fuel imports from Djibouti to Somaliland's Berbera port, citing long-standing capacity issues at Djibouti's Horizon Oil Storage Depot, according to reports from multiple independent Ethiopian media outlets. The move could reshape trade routes in the Horn of Africa, as Ethiopia has depended on Djibouti for over 90% of its imports and exports for decades. Source: Hiiraan Online
  9. Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan burcad-badeeddii qabsaday markabkii MV Abdalla ee madax-furashada lagu sii daayay. Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsa burcad-badeeddii qabsaday markabkii MV Abdalla ee madax-furashada lagu sii daayay. Taliska ayaa sheegay in hawlgal ay aroornimadii hore ee saaka si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska iyo kuwa PMPF oo ka dhacay degmada Eyl ee gobolka Nugaal lagu soo qabtay eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle). “Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska Puntland. Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 5 malyan oo doolar sida uu tilmaamay Booliska Puntland. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan burcaddii qabsaday markabkii MV Abdalla appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman. War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xamse Barre uu New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood, iyagoo si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan sida lagu sheegay Qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Suudaan oo Shir ku yeeshay magaalada New York appeared first on Puntland Post.
  11. Turkey's strategic push into Africa has seen new projects in Somalia recently where Ankara wants to explore offshore oil fields and is planning to improve military cooperation with a new test site for missiles. Source: Hiiraan Online
  12. With a cargo of heavy weaponry and ammunition destined for Somalia in the increasingly restive Horn of Africa region, the Al Hurreya 2 faced several potential dangers in the Red Sea's treacherous southern reaches. The stakes were considerably high. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — The United Nations Development Programme (UNDP) and Visa have partnered to accelerate digital financial inclusion in Somalia, with a focus on helping vulnerable communities and Micro, Small, and Medium Enterprises (MSMEs) overcome financial barriers. The partnership was announced during the UN General Assembly on Wednesday and is part of broader efforts to support Somalia's Sustainable Development Goals (SDGs). Source: Hiiraan Online
  14. (ERGO) – Halima Hassan Ali and her husband are struggling to provide even a single meal a day for their three children, among the hundreds of families displaced by ongoing conflicts in parts of Lower and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan. Dagaalka ka holcaya dalka Suudaan ayaa sanadkii labaad galay, ayadoo Janaraal Cabdifitaax Alburhaani oo qaar kamida dowladaha gobolka ku eedeeyay inay tageero dhaqaale iyo hub isugu jirta siiyaan fallaagada RSF Source: goobjoog.com
  16. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa xilli danbe oo xalay ku weerarray Tel Aviv gantaal nooca ballistic-ga ah. Wararka ayaa sheegaya in intii uu weerarka socday ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 18 qof, sababo la xiriirta isbuurasho ka dhalatay seeriga digniinta ah ee la yeeriyay. Waxaa sidoo kale la xiray muddadaasi garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo ah midka ugu weyn Israa’iil– oo ku yaalla meel u dhow Tel Aviv. Kooxda Xuutiyiinta oo sheegay inay soo bandhigi doonaan warsaxaafadeed muhiim ah ayaan dhankooda wali bixin faahfaahinta weerarkan xaaladda deg deg ah geliyay Tel Aviv. PUNTLAND POST The post Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo xalay weeraray caasimadda Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ayaa soo saaray go’aan ku aadan in sanadkan aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha bixiya adeegga xajka oo kuwa diyaaradaha qaada xujeyda ay ugu horeeyaan. Guddoga ayaa sababa ku sheegay in isbedel uu ku yimid jadwalka Xajka oo ay soo saartay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyagoo sheegay in adeegga xajka ay qaba doonaan shirkadihii shaqeeyay sanadkaan 2024, iyadoo aan lala tartamin. Hoos ka akhriso qodobada go’aanka: Guddiga adeegga xajka sanadka 1446/2025 oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, isla markaana tixgelinaya koobnaanta waqtiga yo isbeddalka ku yimid Jadwalka xajka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ay soo gudbisay, wuxuu la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed ee xajka daneyneysa qodobadaan: 1. In sanadkan 1446/2025 aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha adeegga xajka. 2. Waxaa sanadkan adeegga xajka fulin doona shirkadihii kusoo baxay tartankii la qabtay sanadkii 1445/2024, marka laga reebo shirkadaha ku guul darraystay u adeegidda xaajiga Soomaaliyeed iyo fulinta heshiiskii shaqo ee ay la galeen Wasaaradda Awgaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya. 3. Guddigu wuxuu farayaa shirkadihii fuliyay adeegga xajka sanadkii 1445/2024, in ay faylashooda u gudbiyaan, waada Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta, laga billabo Sabti 28. 9. 2024 ilaa 29. 9. 2024. 4. Ugu dambayn guddigu wuxuu go’aamiyay in tartanka furan ee shirkadaha adeegga xujeyda Soomaaliyeed ee sanadka 1447/2026, la gaban doono Maarso 2025. The post DF oo joojisay tartankii shirkadaha adeegga Xajka, kadib go’aankii Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo warbixin ka siiyey xaaladda dalka. Madaxweynaha ayaa dhalinyarada uu qaabilay la wadaagay xaaladda guud ee dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed. Xasan Sheekh ayaa dhalinyarada ka dhageystay aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda. Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay dhalinyarada waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin. Dhalinyarada ayaa madaxweynaha u gudbisay talooyin badan, iyagoo uga warbixiyey duruufaha ka qarsoon madaxda ee dalka ka jira iyo sida ay ku haboontahay in loo xaliyo, sidoo kale waxay madaxweynaha ku dhiirigeliyeen guulaha ay xaqiijisay dowladooda. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo kulan balaaran isugu yeeray dhalinyarada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa la wadaagay xaaladda dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin. Source: goobjoog.com
  20. madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano), oo badelaya Sarreeye Gaas SulubAxmed Firin oo kamid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa horay u ahaan Taliyaha Ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland, sidoo wuxuu dhowr jeer u tartamay xilka madaxtinimada ee maamulkaas, waxaana Sargaal saameyn badan ku leh Ciidamada qalabka sida. Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano) wuxuu sanadkii 1983-dii ku dhashay deegaanka gallaadi ee gobolka Doollo oo ka tirsan dhulka Soomaali galbeed ama dowlad deegaanka. Waxbarashada aas-aasiga ah wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halka uu dugsiga sare uga baxay gudaha Puntland, sida uu asaga qudhiisu tilmaamay xilli uu sooyaalkiisa faahfaahin ka bixinayay. Waxbarashada heerka jaamacadda ayuu ku soo qaatay dalka Hindiya, gaar ahaan jaamacadda Cismaani University, asagoo ku dhowaad 15 sano ku soo dhex jiray ciidamada. Sidoo kale wuxuu muddo dheer hoggaan u ahaa Ciidanka PSF oo kamida guutooyinka ugu tayada feecan ciidamada Soomaaliya, waana sargaal aqoon iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha nabad-gelyada. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ee dariiqooyinka Suufiyada iyo Waabiyada ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay inay midoobeen. Culumada labada dhinac ayaa warbaahinta la hadashay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana arrintaan garwadeen ka ah wasaaradda diinta. Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Ibraahim Nadaara oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, jecelna diinta Islaamka, culimadooda oo midoowda waxay ka dhigan tahay shacabka oo midooba.” Culimadii kulanka ka hadashay waxaa kamid ahaa Sheekh Aadan Sugoow oo ka tirsan culimada dariiqada ee Suufiyada wuxuuna yiri “Waxaa farxad noo ah in culumadu ay dhaqangeliyaan midnimadooda Sheekh Aadan Sugoow, arrintaan waa guul dalkeenna u soo hoyatay oo dowladda aan ku garab istaagi karno.” Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan culimada Wahaabiyada ayaa kamid ah culimada galabta ka hadashay kulanka ay ku midoobeen culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha ay ka doodeen iyo waxa ay isku raaceen. “Waxaan ku heshiinay in mar dambe aan la is gaaleysiin oo aan la isku xadgudbin, dadka aan ceebahooda la raadraadin, qolo kastana fikirkeeda lagu ixtiraamo, culimadu markii ay midowdo, in dowladda ay garab istaagi karaan ayaan xaqiiqsanay,” ayuu yiri Cali Wajiis. Sheekh Cali oo sii hadlayey ayaa sidoo kale sheegay in Culimada Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen in la midoobo oo la sameysto gole guud oo loo dhanyahay, waxaa naga go’an in dowladda aan ku garab istaagno difaaca qaranka.” Hoos ka daawo The post Daawo: Culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada oo ku heshiiyey hal arrin appeared first on Caasimada Online.
  22. New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday in si deg deg ah looga taageero wax ka qabashada xaalado adag oo wajahayaan ku dhowaad 4 milyan oo qof oo Soomaali ah. Soomaaliya ayaa baaqan caalamka ugu dirtay shir heerkiisu sareeyo oo ka dhacay magaalada New York, kaasi oo looga hadlayay qaxootiga u barakacay isbedelka cimilada, iyadoo ay ka soo qayb-galeen madax iyo wakiilo caalami ah. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada JFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirkan, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay wajahday dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada. Wasiirka ayaa tilmaantay in 4 milyan oo qof oo Soomaali ah ay gudaha dalkooda ku barakaceen, iyagoo wajahaya xaalado adag oo ay keeneen abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado. Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii aan si degdeg ah loo wajihin, tirada dadka barakacaya ay kor u dhaafi doonaan 7 milyan oo qof sanadka 2050. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageeraan mashaariicda gacan weyn ka geysanaya la tacaalidda caqabadaha isbedelka cimilada. Waxaa la wada dareensan yahay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto iskaashiga caalamiga ah, si loo xoojiyo ka jawaabidda dhibaatooyinka cimilada, iyadoo ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ay saameysay cimiladu. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku adkaysatay in la sii wado wada shaqeynta caalamiga ah si loogu diyaar garoobo natiijooyinka laga filayo shirarka waaweyn ee soo socda ee COP29. The post Soomaaliya oo dalab deg deg ah u dirtay caalamka – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.