-
Content Count
213,026 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wefdi uu hoggaaminayo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka kadib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Mudane Olaf Scholz. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz islamarkaana ka wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka sida dib u soo nooleynta Mashaariicdii Farsamada gacanta, Isbedelka cimilada, Horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale. “Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Mudane Olaf Scholz iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka sida dib u soo nooleynta Mashaariicdii Farsamada gacanta, Isbedelka cimilada, Horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia. Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeennu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleystay arrimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista Ururka Iskaashiga Bariga Afrika, sida ay tilmaantay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta afar diyaaradood u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfut Galbeed. Diyaaradahan oo sida shixnado gargaar mucaawino ah ayaa waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA, taas oo dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo taakuleynta. Ujeedka gargarkaan ayaa lagu sheegay in shacabka magaladaas uga gaashaantaan abaarta cabsida laga qabo, waxaana hore gargarkaan Soomaaliya ugu deeqay dowladda Shiinaha. Agasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in gargaarkan looga jawaabayo baaqii madaxda qaranka iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka. “Waxaan halkan maanta ka dirnay afar flight oo aan u dirnay degmada Baydhabo, iyada oo aan ka jawaabeyno baaqii naga soo gaaraya madaxda qaranka iyo shacabka ku dhaqan degmada Baydhabo, iyadoo laga digayo abaaraha ba’an ee hadda la saadaalinayo,” ayey tiri Marwo Sahra Cali Waxay intaas kusii dartay “Waxaan rajeynaynaa in ay sii socon doonaan baaqyada iyo ka jawaabitaanka hay’adda maareynta masiibooyinka, iyada oo marwalba u taagan inay gargaar bini’aadannimo gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee inta badan abaaraha iyo ilinadu ku habsadaan.” Tan ayaa bilow u ah ka jawaabida xaaladda ka taagan Baydhabo iyo in shacabkeeda helaan gargaar deg-deg ah, si looga gaashaanto abaarta laga cabsi qabo, sida ay sheegtay hay’adda SODMA, oo ayadu dowladda federaalka Soomaaliya ugu xilsaaran howlahaan. The post Sawirro: DF Somalia oo maanta AFAR diyaarad u dirtay Baydhabo – Maxay sidaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay R/Wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz. Madaxweynaha ayaa kulamo. muhiim ah la qaadan doono R/wasaaraha dalka jarmalka mudane Olaf Scholz iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale. Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika. Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka Madaxweynahu soo cilinayaq iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya Taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub. Source: goobjoog.com
-
Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo ay guullo ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaano dhowr ah, waxaana kamid ah Jeeroow, Atuunyo, Libsoome, Safaari, Mudulow iyo kuwa kale Howlgalladan ayaa waxaa horkacayay taliyaha ururka 26-aad ee guutada 6-aad G/Le Faarax Maxamuud Xersi oo uu wehliyo taliyaha gorinta 1-aad Dhamme Cabdisalaam Aadan Cali, waxaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya. “Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgallo Khasaaro lagu gaarsiiyey Khawaarijta ka sameeyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ciidamadu ay ka wadaan deegaanada ay maanta gaareen, si ay u xaqiijiyaan amniga. Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka maanta ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka. Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Khawaarijta, waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya, si looga xoreeyo gobolkaasi. The post Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay SH/HOOSE + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
The United States has voiced concern about growing violence in Ethiopia's Amhara state, scene of an insurgency since last year, the country's top diplomat said late Monday. Source: Hiiraan Online
-
Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saartay go’aanno amni oo ku saabsan u diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha Jubaland. Wasaaradda Amniga gudaha Jubaland ayaa soo saartay wareegto amni oo ka kooban 5 qodob kuwaasi oo salka ku haya u diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha Jubaland. “Dhammaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland waxaa la farayaa in ay galaan Heegan buuxa oo lagu xaqiijinayo amniga dhammaan degaannada Jubaland” ayaa lagu yiri Wareegtada ka soo baxday Jubaland. “Sidoo kale dhammaan Ciidamada waxaa la farayaa in aysan ku milmin Siyaasadda oo ay joogaan xerooyinkooda iyo goobahooda Shaqo” ayay sii raacisay Wareegtada oo uu ku saxiixan yahay wasiir ku xigeenka Amniga Jubaland Aadan Axmed Xaaji. Dhammaan Musharrixiinta ka qayb galaya doorashada Jubaland ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in ammaankooda ay sugayaan Ciidamada Booliska Jubaland islamarkaana la siinayo Ciidan sharci ah. “Waxaa mamnuuc ah in la abuuro Ciidamo beeleedyo u abaabulan qaab Qabiil oo lagu qalqal gelinayo Ammaanka iyo Nabadda ka jirta Jubaland” ayay intaasi ku dartay Wareegtada ka soo baxday Dowlad Goboleedka Jubaland. Halkaan ka akhriso go’aannada Jubaland PUNTLAND POST The post Jubaland oo soo saartay go’aanno ku saabsan Sugidda Amniga doorashada Maamulkaasi appeared first on Puntland Post.
-
Jubbaland ayaa soo saartay amar cusub oo ku wajahan musharixiinta siyaasadeed ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaa la faray inay kaashadaan hay’adaha rasmiga ah ee amniga si loo sugo badqabka doorashada. Tallaabadan ayaa la sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida magaalada, hase yeeshee, waxaa loo arkaa inay tahay culeys siyaasadeed oo uu Madaxweynaha Jubbaland uu saaray musharixiinta la tartamaya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore loogu eedeeyay inuu ku shubto doorashooyinka, iyadoo hadalkaan cusub ee kasoo baxay maamulka Jubbaland uu yimid xilli magaalada lagu xiray dad la shaqeynayay musharixiinta mucaaradka ah, oo ay ku jiraan saxafiyiin. Tallaabooyinkan ayaa loo fasiray inay yihiin isku day lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa musharixiinta, iyada oo warbaahinta madax-bannaan laga horjoogsanayo inay tabiso xaaladda ka jirta magaalada. Sidoo kale, waxaa si adag loo amray dhammaan ciidanka ka howlgalaya magaalada Kismaayo inaanay la xiriirin musharixiinta iyaga oo aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha amniga, taas oo ujeedkeedu yahay in laga hortago isku dhac iyo xaalado sababi kara amni-darro. Waxaa digniin culus loo jeediyay kooxaha ciidan ee ku salaysan habka qabiilka ama kooxaysiga, iyadoo la caddeeyay in aysan jirin baahi keenaysa in ciidan qabiilaysan lagu ururiyo magaalada, maadaama Kismaayo la sheegay inay tahay meel nabdoon oo lagu kalsoonaan karo. Dad badan ayaa aaminsan in amarkan cusub uu sii xoojinayo cabashada ay qabaan musharixiinta kasoo horjeeda Madaxweynaha, kuwaas oo ku eedeeyay in maamulka uu adeegsanayo awood ciidan si uu ugu xajisto talada, iyada oo laga hortagayo cid kasta oo isku dayeysa inay ka hortimaado ama saameyn ku yeelato natiijada doorashada. Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 25 tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Comoros
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay xeebaha dalka Comoros ka dib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen oo mareysay badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow Comoros, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Doonta ayaa degtay xilli goor dambe ah, waxayna ku degtay inta u dhaxaysa jasiiradaha Anjouan iyo jasiiradda Faransiisku maamulo ee Mayotte, iyada oo la sheegay inay maraysay marin biyood halis ah oo kumanaan qof ay horay ugu naf waayeen tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Muhaajiriin badan oo galbeedka Afrika ka tacabiraya ayaa si joogto ah naftooda ugu biimeeya jidka halista badan si ay u gaaraan dalalka qaaradda hodantay ee Yurub. Source: goobjoog.com -
Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay jadwalka dhismaha goleyaasha degaanka degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku shaacisay jadwalka dhismaha goleyaasha degaanka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in dhaarinta iyo Fariisinta golaha degaanka degmada Garoowe loo muddeeyay 9 bishan November. Dhaarinta iyo Fariisinta golaha degaanka degmada Dangoroyo ayaa loo muddeeyay 13 November halka dhaarinta iyo Fariisinta golaha degaanka Godobjiraana loo muddeeyay 16 Nov siday wasaaraddu sheegtay. Dhammaan xubnaha goleyaasha degaanka saddexdaasi degmo ayay sidoo kale wasaaraddu ku wargelisay in ay u diyaar garoobaan waajibaadka dhaarinta iyo Fariisinta. Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay jadwalka dhismaha goleyaasha degaanka degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre on Monday appointed a state minister for the Ministry of Planning and Investment, and a deputy Minister for the Ministry of Education, Culture, and Higher Education, following the recent resignation of the previous ministers. Source: Hiiraan Online
-
The lawlessness in Ethiopia which is appearing more like the hallmarks of Prime Minister Abiy Ahmed’s government seems to be worsening. Source: Hiiraan Online
-
American voters go to the polls on 5 November to choose their next president. Source: Hiiraan Online
-
Xilli xiisadda u dhexaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana Axmed madoobe uu qaaday tillaabo dhowr ah oo xaaladda uga sii daraya, ayaa magaalada Kismaayo ka dhacay kulan dhexdhaadin ah oo xurgufta labada dhinac lagu qaboojinayo. Kulanka ayaa dhex maray madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Magaalada iyo wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socotay Dowladda Kenya, islamarkaana ergo ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wafdigan oo uu hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta urur goboleedka IGAD, danjire Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow, ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Shiikh ka codsaday inay labada dhinac u kala dab qaadaan. Inkastoo aan la sheegin qodobada kulanka diiradda lagu saaray, haddana khilaafka ugu weyn ee dowladda fedearaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa salka ku haya arrimaha doorashada, wuxuuna hoggaamiyaha maamulkaasi doonayaa inuu doorashadiisa si gaar ah u qabsado. Source: goobjoog.com
-
Dadweynaha Maraykanka ayaa saaka oo Talaada ah u dareeraya goobaha ay yaalaan sanaadiiqda codadka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xakumi doona dalkan afarta sano ee soo socota. Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxeynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga. Labada murashax ayaa Isniinti shalay oo aheyd maalinti ugu danbeysay ee ololaha doorashada xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennslvania, oo aad loo saadaalinayo in ciddi ku gooleysata uu noqon karo madaxweynaha soo socoda. Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading. Gobolkan ayaa leh 19 codadka loo yaqaanno kuwa ergooyinka. Marka laga soot ago codadka dadweynaha, murashaxi hela ilaa 270 codadka ergooyinka gobollada ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka. Trump ayaa ololahiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku khatintay ololaheeda doorashada caasimadda Pennsylvania ee Philadelphia. PUNTLAND POST The post Dadweynaha Maraykanka oo saaka u dareeray doorashada Madaxweynaha dalkaasi appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa kashifay qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin dalka uga maqan. Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maanta uu magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya. Wuxuu sheegay in wadfigaas uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kenya ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka. “Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe. Wafdigaan waxaa hoggaaminaya Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow. Madaxtooyada Jubbaland ayaa sidoo kale baahisay sawirrada xubnaha wafdigaan, arrintaan ayaa uga sii dari karta xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka, maadaama uu Axmed Madoobe banaanka soo dhigay arrin la doonayey in si hoose loo xaliyo. Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneeyey in Axmed Madoobe uusan hadda diyaar u aheyn in la xaliyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahay in doorasho dadban uu qabsado inta aan la xalin xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka. The post Axmed Madoobe oo kashifay xogta wafdi qarsoodi ah oo DF iyo Kenya u direen Jubaland + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo magacaabay labo wasiir oo buuxinaya boosaskii ay shalay iska casileen wasiirro ka soo jeeda Jubbaland oo ka carooday siyaasadda dowladda federaalka ay ka leedahay Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxos Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya. Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdirashiid Maxamed Ducaale u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS. Labadaan kursi waxaa shalay iska casilay Cabdirashiid Jire iyo Xildhibaan Daqare, kuwaas oo sheegay inay u dul qaada waayeen sida dowladda federaalka ay ula dhaqmeyso Jubbaland, Puntland iyo Khaatumo. Magacaabistaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisadda dowladda federaalka iyo Jubaland ay ka sii dareyso, kadib markii Axmed Madoobe uu xalay kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metala Jubbaland. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa maanta xildhibaanada ka diiday inay aadaan Jubbaland, kadib markii ay ugu tageen xafiiskiisa, si ay uga fasax qaataan. Kulankii Aadan Madoobe iyo xubnaha aqbalay casuumadii Axmed Madoobe ayaa ku soo dhamaaday hanjabaad, waxayna guddoomiyaha u sheegeen inay fowdo ka abuuri doonaan kulamada baarlamaanka. The post Xamza oo soo magacaabay wasiirro cusub iyo xiisada Jubaland iyo DF oo ka sii dareysa appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, kadib markii shalay uu iscasilay Wasiir Ku-xigeenka hore, Mudane Axmed Daqare. Shaqo ka tagista Daqare ayaa ka dhalatay arrimo la xiriira khilaafka maamulka Jubbaland iyo Dowlada dhexe ee Soomaaliya. Magacaabista Cabdirashiid Maxamed Ducaale ay keeni doonto isbeddel iyo horumarro cusub oo ku aaddan waxbarashada dalka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha xilkaasi waxaa shalay iska casilay Xildhibaan Cabdirashiid oo Jubbaland kasoo jeedda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si toos u diiday inuu fasaxo oo Kismaayo ay aadaan xildhibaanada uu casuumaadda u fidiyey Axmed Madoobe, kuwaas oo 8-da bishaan loogu yeeray inay la tashi u tagaan Jubbaland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, in ka badan 30 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ayaa maanta u tegay guddoomiye Aadan Madoobe, kuwaas oo u cadeeyey inay aqbaleen casuumaadii Madaxweyne Axmed Madoobe. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiday codsigii xildhibaanada, wuxuuna faray in garoonka aysan ka bixin, kana qeyb galaan kulamada Baarlamaanka oo bil dheeraad ah oo Madaxweynuhu codsaday maalin ka hor. Sheekh Aadan Madoobe oo dalka hadda ka ah kusime Madaxweyne, maadaama uu safar ku maqan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyey in xildhibaanadaas aysan ka dhoofi karin garoonka. Xogtaan ayaa sheegeysa in Aadan Madoobe Garoonka Aadan Cadde dhigay liiska xildhibaanada aqabalay casuumaada Axmed Madoobe oo ka codsaday inay Kismaayo tagaan. Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada u sheegay in codsiga Axmed Madoobe uu ka horeeyey codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo shaqo dheeraad ah Baarlamaanka ka codsaday muddo bil ah oo kamid ah waqtigooda fasaxa. Kulankii manata ay xildhibaanadaasi ugu tageen guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku soo dhamaaday hanjabaad, iyadoo xildhibaanadu ay guddoomiyaha u cadeeyeen in hadii loo diido safarkooda Kismaayo aysan imaa doonin kulamada golaha, tallaabooyin kalena ay qaadi doonaan. Sidoo kale, hanjabaada xildhibaanada waxaa ku jirtay in kulamada baarlamaanka aysan dhici doonin oo shaqadii Xasan Sheekh uu codsaday aan la qaba doonin hadii safarkooda Kismaayo aan loo fasixin, xubno kulankaas ka qeyb galay ayaa xogtaan u xaqiijiyey Caasimada Online. The post Xog: Xildhibaano liiskooda la dhigay garoonka oo u hanjabay Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.