-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho waxaa maanta ka socda Xaflad balaaran oo lagusoo dhaweynayo Madaxda Dowlad Goboleedyada loogana mahad maqlayo howshii ay kala tuureen. Madaxweyne Deni oo maalmihii lasoo [...] The post Toos u daawo Xaflad Mahadcelina oo loo qabtay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan wadajir ah la qaatay Madaxda maamulada dalka, Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa kala hadlay mas’uuliyiintaas muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Dhuusamareeb-3. Madaxda ayaa sidoo kale ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka. Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa isaguna tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka heshiiska doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto. “Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan”. Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay guddoonka baarlamaaka inay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay. Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa dhawaan heshiis kama dambeys ah ka gaaray khilaafkii ka taagna doorashada, kaasi oo muddooyinkii dambe horseeday jahwareer siyaasadeed oo hor leh. Heshiiska ay madaxdu ku gaareen Muqdisho ayaa la horgeyn doona xildhibaanada golaha shacabka oo uu hore u sheegay Farmaajo inuu ku celin doono heshiis kasta oo laga gaaro doorashada. Waxaana taagan dood ay xildhibaanada qaar ka qabaan heshiiskaasi, kuwaasi oo walaac xoogan ka muujiyay qoddobada ay sida wada-jirka looga soo saaray shirkii Muqdisho, halka guddoonka golaha iyo xildhibaano taabacsan ay u sacaba tumeen heshiiskaasi. The post Madaxweyne Farmaajo oo dalab u gudbiyey guddoonka labada Aqal ee BF + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Waxaa maanta kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay sidii baarlamaanku u ansixin lahaa heshiiskii dhawaan ay Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo heshiiska hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa heshiiska madaxda Soomaaliya ka xumaaday, waxayna ku tilmaameen hannaanka doorasho ee lagu heshiiyay mid ka hooseeya yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay. PUNTLAND POST The post Madaxda Soomaaliya oo ka shiray sidii loo ansixin lahaa heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Skopje (Caasimadda Online) – Booliska Waqooyiga Macedonia ayaa gacanta ku dhigay 61 qofood oo tahriibayaal ah iyo 5 ruux oo la rumeysan yahay iney yahiin muqalasiin dadka ku haga tahriibka. Hawlgalka ayaa dhacay kadib markii taliska ciidamada loo gaarsiiyay xog la hubo oo ku saabsan dadka, waxaana la amray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran howshaan iney ku dhaqaaqaan. Sida lagu sheegay xog hordhac ah wadamada ay dadka kasoo kala jeedaan waxaa lagu sheegay saddex wadan oo ay wakhtigaan colaado ka jiraan waxaana ku jira Soomaaliya, labada wadan kale waxaa lagu sheegay Afghanistan iyo Suuriya. Sidoo kale xogo kale oo ay dusiyeen warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno u dhashay wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo ah laba wadan oo ay xasilooni badan ka jirto marka loo barbardhigo saddexda wadan ee kale. Ciidamada Waqooyiga Macedonia wxey horay gacanta ugu dhigeen 28-ruux oo lagu haayay guri ku yaalla halkaas si loosii gudbiyo, waxaana wadamadooda lagu sheegay Afghanistan, Bangladesh iyo Pakistan. Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa doonayay iney ka gudbaan xadka Serbia, si ay halkaas uga sii wataan safarkooda ay ku doonayaan iney ku tagaan wadamada kale ee yurub. Sida la fahamsan yahay tahriibayaashaan ayaa kasoo gudbay xadka Greece, waxeyna xukuumadda Macedonia ogtahay in tahriibayaal badan ay ku xayiran yahiin wadanka dariska la ah. The post Soomaali lagu xiray dalka Waqooyiga Macedonia iyo waxa lagu haysto (Warbixin) first appeared on Caasimada Online.

Mulkiilaha kooxda Chelsea oo Lacag $100 milyan ah siiyay shirkad barakicisa shacabka Falastiin Roman Abramovich waa nin si weyn loo yaqaano, waana milkiilaha kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Chelsea Elad waa ha’yad ka howlgasha dhulka laga haysto Falastiin ee Bariga Qudus, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Silwan ama “Ir David” oo luqadda Hebrewga ah micneheeduna yahay “Magaaladii Daa’uud” Tan iyo markii la aasaasay ha’yaddan, sannadkii 1986, Elad waxay ku dhowaad 75 guri oo ay ka dhistay Silwan dejiyay qoysas Yuhuud ah, waxay sidoo kale ha’yadda maamushaa deegaannada taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Daa’uud, halkaas oo ah goob dalxiiska caan ku ah. Sannadkasta waxaa booqda in ka badan hal malyan oo qof. Agaasimihii hore ee ha’yadda Elad, Shahar Shilo wuxuu BBC-da u sheegay in istaraatiijiyadda hay’addan ay adeegsaneysay ay aheyd mid dalxiis “si ay u sameyso wax ka duwan siyaasadda dhabta ah ee ka jirta magalaada Daa’uud. Ha’yadda Elad waxay ku tiirsaneyd lacago deeq ah. Ku dhawaad kala bar deeqdaas na waxay heshay intii u dhexeeysay sannadihii 2005-tii ilaa 2018-kii, kaalmada ugu badanna waxay ka heshay afar shirkadood oo Ingiriiska laga leeyahay. illaa iyo hadda lama oga cidda iska leh shirkadahan. Dokumentiyada FinCEN Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in shirkadaha Abramovich ay ugu deeqeen ha’yadda Elad 100 malyan oo doolar Magacyada afartan shirkadood ee deeqdaas siiyay Elad waxay ka soo muuqdeen dokumentiyo bangi oo si sir ah loo dusiyay ee lagu magacaabo “Fincen Files.” Waxaa dokumentiyada ku jira macluumaadka bangiga ee ku saabsan lacagaha lagala baxay iyo cidda leh shirkadahaas. Warbaahinta Buzzfeed ayaa si hoose ku heshay dokumentiyadaas oo loo gudbiyay ururada caalamiga ah ee weriyeyaasha dabagalka sameeya iyo BBC-da. Magaca ka muuqda dokumentiyada waa Roman Abramovich, waxaana ku xusan in uu yahay milkiilaha saddexda shirkadood ee deeqda siiyay ha’yadda Elad halka shirkadda afaraad uu isaga maamule ka yahay. Akoonka ha’yadda Elad waxaa ka muuqda in shirkadahaas ay ugu deeqeen in ka badan $100 milyan oo doollar. Waxayna taasi ka dhigan tahay in milkiilaha kooxda Chelsea uu ahaa isha ugu weyn ee dhaqaalaha siin jirtay ha’yadda Elad, 15-kii sano ee la soo dhaafay. Goobaha taariikhiga ah Malaayin qof ayaa booqdaa deegaanka ay maamusho Elad oo ah goob taariikhi ah oo ku yaalla Bariga Qudus Goobaha taarikhiga ah ee ku yaalla dhulka la heysta waxaa lagu maamulaa xeerar lagu muransan yahay, waxaana suuragal in Israa’iil ay jebineyso xeerarka caalamiga ah, marka ay u ogolaaneysay ha’yadda Elad in ay howlo sahan ah ka sameyso deegaanka Silwan. Waxaa intaas dheer, in loo ogolaaday in dadka ay dejiso deegaanka, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamaa mid ka dhan ah xeerarka caalamig ah. Israa’iil, deegaankaas uma aragto in ay heysato. Ha’yadda Elad waxay sheegeysaa in lagama maarmaan ay tahay in ay sameyso howlaha taariikhiga ah ee deegaanka taas oo looga golleeyahay ilaalinta dhaqanka Yuhuudda. Shirkaddan waxay BBC-da u sheegtay in ay raacday shuruucda iyo xeerarka Israa’iil ee u degsan ha’yadaha aan dowliga aheyn. Mar wax laga weydiyay in Roman Abramovich uu deeq siin jiray iyo in kale, waxay ku jawaabtay in siyaasaddooda ay dhigeyso ilaalinta sirta deeq bixiyaha. Ku dhawaad kala bar deeqda deeqda la siiyay ha’yadda Elad intii u dhexeysay 2005-2008 waxaa bixiyay afar shirkadood uu leeyahay Abramovich Afahayeen u hadlay Abramovich wuxuu BBC-da u sheegay: “Mr Abramovich way ka go’an tahay, waana deeqsi taageera Israa’iil iyo bulshada Yuhuudda. In ka badan 20-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu deeq ahaan u bixiyay illaa $500 malyan oo doollar oo uu ku taageerayay caafimaadka, seyniska, waxbarashada iyo bulshada Yuhuudda ee ku nool Israa’iil iyo guud ahaan caalamka”. Haddii aanay dhaaqalahaas heli laheyn hay’adda Elad, uma suuragasheen in si degdeg ah ay ugu guuleysato hadafkeeda ah xoojinta jiritaanka Yuhuudda ee agagaarka Falastiin. Sharciga hantida Khariidada deegaanka Silwan Qaar ka mid ah guryaha ay ha’yadda Elad dejisay dadka waxaa laga saaray dad Falastiiniyiin ah oo horey dhulkaas u lahaa, balse waxaa laga barakiciyay dhulkaas iyadoo la adeegsanayay sharciga Israa’iil ee muranka badan dhaliyay ee loo garanayo “Sharciga ka maqnaanshaha hantida”. Wuxuu sharcigan u ogolaanayaa Israa’iil in ay la wareegto hantida ay dadka Falastiiniyiinta isaga tageen ama kuwa ka qaxay guryahooda xilligii dagaalka. Waxaa kiiskaas udub dhexaad u ah, guriga Sumarin oo ku yaalla dhinaca midig ee xarunta ha’yadda Elad, waxaana halkaas ku nool qoys ka kooban 19 qof. Amal Sumarin, oo ah hooyada dhashay qoyskan waxay sheegtay: “Markii aan ku aqal galay halkaas, seygeyga wuxuu ku noolaa halkan isaga iyo adeerkii Xaaji Muuse Sumarin.” Amal Sumarin waxay sheegtay in xaaskii Xaaji Muuse Sumarin ee geeriyootay, waxay u sameyn jirtay: “Waan daryeeli jirnay, cuntada ayaan u karin jirnay waana quudin jirnay. Seygeyga wuu u qubeyn jiray, wuxuuna geyn jiray isbitaalka. Wuxuu nagu oran jiray ‘Gurigan idinkaa iska leh gaar ahaan canugeyga – aniga iyo seygeyga’.” Qoyska Sumarin waxay dagaal kula jireen howlaha deegaameynta Israa’iil tan iyo sannadkii 1991-kii Xaaji Muuse Sumarin, wuxuu geeriyooday sannadkii 1983-dii, waxaana gurigiisa la wareegtay Israa’iil iyadoo adeegsaneyso sharciga ka maqnaanshaha hantida ee 1987, waxaana laga iibiyay waaxda Hemnutah oo qeyb ka ah sanduuqa qaran ee maaliyadda ee Yuhuudda (JNF). Sanduuqan JNF waxaa shaqadiisa ka mid ah in uu iibiyo isla markaana dhulka u dhiso dadka Yuhuudda. Sannadkii 1991, Hemnutah waxay ka codsatay maxkamadda in qoyska Sumarin laga raro gurigooda. Qoyska Sumarin oo taageero ka helayay ha’yado aan dowli aheyn iyo maamulka Falastiin waxay bilaabeen in arrinta ay maxkamad geeyaan. Maxamed Dahle oo muddo 10 sano ahaa qareenkii qoyska Sumarin, wuxuu BBC-da u sheegay: “In dib loo soo celiyo hantida Falastiiniyiinta ee la siiyay dadka Yahuudda ah, ma ahan arrin suuragal ah.” Bishii Agoosto qoyskan waxay ku guuldareysteen racfaan ay ka qaateen kiiska oo ay dhageysatay maxkamadda degmada Qudus, haddana waxay dacwaddooda u gudbinayaan maxkamadda ugu sarreysa Israa’iil oo la filayo in kiiska ay dhageysato bisha April ee sannadka 2021. Dagaalka dhanka sharciga ah Ha’yadda Elad waxaa lala xiriiriyay tallaabooyin dhowr oo dhulkooda looga raray Falastiiniyiin ku sugan Bariga Qudus BBC-da qeybta Carabiga waxay ogaatay in ha’yadda Elad ay dabada ka riixeysay howlaha ah in dadka Falastiin laga raro guryahooda iyadoo ogolaatay inay bixineyso dhammaan kharashaadka ku baxayo kiiska, sida ku xusan warqad loo diray Hemnutah sannadkii 1991-kii iyo kiis kale oo ku saabsan qoysas laga raray deegaanka Silwan. Waaxda Hemnutah kama aysan jawaabin su’aalaha ku saabsan dacwaddan, halka Elad aysan xaqiijin in weli ay maalgelineyso kiisaska. Hay’adda Elad waxay sheegtay in dhammaan hantideeda ay si caddaalad ah ku heshay “Ma jiro qof Falastiini ah oo laga raray gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Daa’uud iyadoo aanan loo marin hanaan maxkamadeeda, ama qof aan loo ogolaan in kiiskiisa uu maxkamad u gudbiyo,” waxa sidaas yiri Doron Spielman. Qareenka qoyska Falastiiniyiinta ah Maxamed Dahle ayaa yiri: “Waa xaalad hal qowmiyad ah ay ku sameysaneyso sharci dan u ah halka qowmiyad kale uu dhibaateynayo sharcigan”. Nuqul kamid ah dokumentiga Saameynta ha’yaddan ayaa ku sii xoogeysanaya dhulkaas. Safiirka Mareykanka u fadhiya David Friedman wuxuu si weyn u taageeraa deegaameynta Israa’iil ay ka wado dhulka la heysto, wuxuuna ka qeyb qaatay munaasabad lagu daahfurayay magaalada Daa’uud. Friedman wuxuu ka mid ahaa dadkiii sida weyn u taageeray sannadkii 2019-kii in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil. Sannadkan 2020, markii madaxweyne Trump uu shaaca ka qaaday qorshaha nabadda ee Falastiin, wuxuu deegaannada ay maamusho ha’ayadda Elad ku magacaabay deegaano taariikhi ah ama kuwa ruuxi ah oo u baahan in la ilaaliyo, waxay dhammaan deegaannadaas ku yaalla dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta laga saaray. Qaran News
-
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3. Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto. “Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaadanaya doorka kaga aaddan midnimada iyo ilaalinta wadajirka Shacabka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Guddoonka Baarlamaaka in ay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa codsi ku saabsan heshiiska doorashada u gudbiyay Baarlamaanka ka hor maalinta sabtida ah oo lagu wado in la horgeeyo. Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ayaa ka heshiiyay arrimaha doorashada, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban 15 qodob oo la isla fahmay, taasoo ay udub dhexaad u tahay horgeynta Baarlamaanka. Saciid Deni oo difaacaya heshiiska doorashada ee la gaaray ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka labada aqal inaysan carqalad ku noqon heshiiska la gaaray, wuxuuna ka dhawaajiyay inaan cidna loogu darnaan. Deni ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada xilka sii heynta ku jooga, qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish. Beesha Caalamka waxey qabaan walaac ku saabsan hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay, waxaana jira olole baahsan oo ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka wadeen Muqdisho tan iyo markii heshiiska la gaaray. Madaxda Maamul goboleedyada waxey doonayaan in la ansixiyo heshiiska ay ku gaareen caasimadda, waxaana la ogeyn doorka ay beesha caalamka ku yeelan doonto hadii la ansixiyo. Sidoo kale shalayto waxaa xerada Xalane ka dhacay kulan looga hadlayay hanaanka loo qaabili doono amaanka doorashada oo dhexmaray taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. The post SACIID DENI oo hal arrin ka codsaday xildhibaanada BF first appeared on Caasimada Online.

Waxaa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray khilaaf muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyay guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa lagu dhammeeyey khilaafka labada Aqal, waxaana kaalin weyn ka qaatay madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ku sugan caasimadda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaray, sida ay wada shaqeyn buuxdo u yeelan lahaayeen labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya. Dhinaca kale waxa kulanka lagu soo qaaday, sida ay labada Aqal u meel marin lahaayeen heshiiska ay doorashada ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa M/goboleedyada. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid dagan, kadib shirkii wada-tashiga Muqdisho, waxaana sidoo kale la magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. View the full article
-
Ciidamada Xoogga oo go’doomiyey Ceel-lahelay iyo Ceel-Garas
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciidamada Xoogga dalka ayaa ku wajahan deeganada kala ah Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee batamaha Soomaaliya. Deegaanadaan ayaa mudo ku dhaw 10 sano waxaa gacanta ku haya dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaas oo ay haatan ciidamadu go’doomiyeen. Shalay ayey aheyd markii ciidamada Xoogga dalka la weegeen deeganada Bulacle, Xirsi-Fiin, Cada-Xaar, Ceel-Guureeye iyo God-Dhurwaa ee gobolka Galgaduud View the full article -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah kulan ula yeeshay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka kuwaas oo is diidanaa mudooyinkii ugu dambeeyay. Kulankaan oo laba ujeeddo lahaa ayaa marka hore lagu soo hadal qaaday sidii dib loogu soo celin lahaa wada-shaqeyntii u dhaxeysay labada aqal isla markaana loo dhameyn lahaa wax walba oo culesyo ka dhex jiray. In lasoo dhameeyo khilaafka labada aqal, waxaa lagu soo hadal qaaday shirkii ay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waana dhameystirka heshiiskaas. Heshiiska doorashada ee ka koobnaa 15-ka qodob laguna gaaray Muqdisho waxaa ku jirtay in baarlamaanka la horgeeyo, sidaas darteed waxaa si wadajir ah loo horgeyn doonaa labada aqal. Si heshiiska doorashada u noqdo mid dhaqan gala waxaa loo baahan yahay iney si wadajir ah u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka, sida wararka sheegayaan waana waxaa la horgeyn doonaa maalinta Sabtida ah. Madaxda maamul goboleedyada tan iyo markii ay heshiiska la gaareen dowladda dhexe waxey Muqdisho ka wadeen olole ay taageero ugu raadinayaan ansixinta heshiiska, waxeyna kulamo gooni-gooni ah la yeelanayeen xubnaha maamul walba ugu jira Baarlamaanka labada aqal. Waxaa la sugi doonaa ansixinta iyo diidmada Baarlamaanka ee heshiiska lagu gaaray Muqdisho kaas oo la isku raacay in doorashada ku dhacdo wakhtigeeda lana bilaabi doono si hordhac ah bisha November ee soo aadan. The post Maxaa iska bedalay hanaanka loo ansixinayo heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ka nabadeynayay Muqdisho ayaa kusoo gabagabeeyey inuu gacanta isu saaro Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi iyo [...] The post Madaxweyne Deni oo ku guulaystay inuu heshiisiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare appeared first on . Source
-
Nin dooxay xaaskiisa oo uur leh si uu u ogaado ilmahay dhalin doonto Haweeneyda uu dhaawaca u geystay seygeeda Nin ku nool dalka Hindiya ayaa caloosha ka dooxay xaaskiisa oo uur leh si uu ogaado waxa uu noqon doono ilmaha dhalan doono, waxaana dhintay canugii uurkeeda ku jiray, sida ay sheegeen booliska dalkaas. Qoyska haweeneyda waxay ku eedeeyeen seygeeda in sababta uu u weeraray ay tahay in uu markasta doonayay in uu ogaado canuga ay sido xaaskiisa gabadh mise wiil. Lamanayaashan waxay dhaleen 5 gabdhood, ninka wuxuu si joogto ah xaaskiisa ugu cadaadin jiray inay dhasho wiil. Waxaana xabsiga la dhigay ninka dhaawaca u geystay xaaskiisa balse wuxuu beeniyay in si ula kac uu u weeraray. Waxay arrintani ka dhacday degmada Badaun ee dhacda gobolka Uttar Pradesh, waana meesha dadka ugu badan ay ku nool yihiin waqooyiga Hindiya. Saraakiisha booliska waxay BBC-da u sheegeen in haatan xaaladda haweeneyda ay wanaagsan tahay isla markaana lagu daweynayo cisbitaal ku yaalla magaalada Delhi. Gabadh la dhalatay haweeneyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in lamanayaasha ay markasta ku murmi jireen arrinta ah inay dhasho wiil. Sida laga soo xigtay walaalkeed, haweeneyda waxaa Axaddii loo qaaday cisbitaalka Delhi xilli ay xaaladdeeda halis aheyd. Wuxuuna seygeeda warbaahinta gudaha u sheegay in bir caarad leh oo ku tuuray xaaskiisa, xilliggaasina uusan u maleyneyn inay dhaawaceyso. “Waxaan dhalay shan gabdhood, mid kamid ah wiilasheyda ayaa geeriyooday, waxaan ogahay in ilmaha uu Illaahey bixiyo” Booliska waxay baarayaan dhacdadan. Waaliddiin badan oo ku nool Hindiya waxay inta badan ku rajo weyn yihiin inay helaan wiilal badan. Ku dhawaad 46 malyan gabdhood ayaa la la’yahay halka jaan iyo cirib ay dhigeen Hindiya 50-kii sano ee lasoo dhaafay, sida laga soo xigtay warbixin ay soo saaray Qaramada Midoobey bishii Juun. Sanad kasta, in ka badan 460,000 oo gabdhood ayaa caloosha hooyadood laga soo xaaqaa inta aysan dhalan arrintaas oo ku saleysan in inta badan la doorbido wiilasha, waxay sidoo kale tallaabadaas horseeday in gabdho badan ay dhintaan madaama la dayacay. Warbixin ay soo saartay dowladda Hindiya sanadkii 2018-kii waxaa lagu sheegay in damaca loo qabo in la helo wiilal ay horseeday in 21 malyan gabdhood la dayaco guud ahaan waddankaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Mudane Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) oo dhowaan loo doortay gudoomiye ku xigeenka kulanka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay. Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sanadkan 2020-ka inta badan ay madaxda caalamka uga qeyb-galeysaa habka Online-ka. Sidoo kale waxaa sanadkan shirka diiirada lagu saaray saameynta uu cudurka Coivid-19 ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay. Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb-galay ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo warbixin golaha ka siiyey xaaladda dalka. Mahdi Guuleed ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan. Si kasabtaba ha’ahaatee Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan 2020-ka loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambeysay sanadkii 1979-kii. The post Sawirro: Somalia oo gudoomineysa shirka Golaha guud ee QM first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa hadda soo dhamaaday shir ka dhacay Villa Somalia kaas oo uu madaxweyne Farmaajo la lahaa guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada. Shirakan ayaa la sheegay in lagu dhameeyey khilaaf muddo sanad iyo bar ka dhex jiray labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Labada aqal ayaa la filayaa iney ka wada shaqeeyaan arrimaha doorashada iyo sharciyo kale oo muhiim u ah xilliga kala guurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Weeraryahanka naadiga Dowladda hoose ee Muqdishu City Club Feysal Xasan Xaashi ayaa u dabaal dagay sanad guuradiisii kowaad,tan iyo markii ku soo biiray kooxda Muqdishu City bishii September 2019,isagoo kaga yimid naadiga Dekeddaha. Mudadii sanadka aheyd laacib Feysal waxa uu kooxdiisa la gaaray guul waaweyn oo dhinacaha tartamada gudaha,isagoo hantay horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedkiisii kowaad kula guulaystay kooxdiisa Muqdisho City Club,sidoo kale wuxuu kaalamaha ka galay gool dhalinta horyaalka,isagoo dhaliyay 16-gool. “Wuxuu ii ahaa sanad cajiib ah waxaan gaaray guulo waaweyn,balse waxay ku dhaceyn qaabka wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen maamulka,macallimiinta iyo taageerayaasha naadiga Muqdisho City Club” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib Feysal Xasan Xaashi. Maamulka kooxda Muqdisho City iyo taageerayasha ay u mahad celiyay ciyaaryahan Feysal Xaashi da’daalka uu ka geystay horomarka kooxdooda mudadii sanadka aheyd,iyagoo sheegay in ay ka sugayaan intaa iyo ka badan in uu ku soo kordhiyo naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club. “Waan ugu mahad celinaynaa wax-qabadka sare uu soo bandhigay xirfadyahan Feysal,waxaan ka sugayaan intaas iyo in ka badan in uu ku soo kordhiyo naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Cabdiqaadir Xaaji Muxidiin (Dacar) oo ah la taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir kana tirsan maamulka sare ee MCC. Si kastaba Feysal Xaashi ayaa waqti wanaagsan ku soo qaatay kooxaha LLP Jeenyo iyo Dekedda wuxuuna ka mid yahay weerayahanada ugu wanaagsan Soomaaliya. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com