Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ‘I’m a woman, I’m black, I’m a refugee, an immigrant, a Muslim and I wear a hijab. And all of those are identities that have been vilified by the right,’ she tells Richard Hall Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Riyadh)-Laga bilaabo Sucuudiga illaa Imaaratka Carabta, culimada ku sugan halkaas waxay u muuqdaan kuwa ka hadlaya xidhiidhka Israa’iil iyo Carabta, waxayna u xayeysiinayaa si aad u sareysa, si ay u xoojiyaan saameynta ha’yadaha diinta ee dalalka Carabta. Culimada waxayna ka mid yihiin ha’yadaha dowladda ee wax ka baddalaya fatwada iyo go’aanada arrimaha diinta ay soo saaraan, sida ay rumeysan yihiin dad badan oo dusha kala socda xaaladaha gobolka. Sheekh Sudeys iyo Sheekh Wasiim Yuusuf Dhawaan ayay aheyd markii dadka isticmaala baraha bulshada ay si wayn uga hadlayeen khubaddii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ee uu 4-tii bisha September uu ka jeediyay Xaramka Makah, taas oo uu kaga hadlay xidhiidhka nebi Maxamed NNKH uu la lahaa Yuhuudda. Dadka qaar waxay sheegayaan in khudbaddaas ay gogol dhac u aheyd xidhiidhka Israa’iil iyo Sacuudiga. Dad ka soo horjeeda in dalalka Carabta ay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil, waxay sheegayaan in khudbadda Sheekha ayna ka turjumeyn fikaraddiisa gaarka ah ama tan diinta, balse uu isaga matalayo dowladda jirta gaar ahaan marka la eego xidhiidhka ka dhexeeyo dowladda iyo ha’yadaha arrimaha diinta qaabilsan ee Sacuudi Carbiya. Dadka qaar waxay is wedinayaan, sidee dowladda wax uga baddali kartaa aragtida ha’yadaha diiniga ah? Marka la eego dhinaca Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqay in xidhiidh uu la yeeshay Israa’iil, Sheekh Waasim Yuusuf oo xidhiidh dhaw la leh dowladda ayaa hadal heyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada. Sheekha waxay aragtidiisa tahay in xoojinta xidhiidhka Israa’iil ay tahay tallaabada ugu wanaagsan, sida uu ku qoray barta uu Twitter-ka ku leeyahay. Weli sheekha wuxuu Twitter-ka soo dhigayay qoraallo dhowr ah oo ku saabsan arrintaas, wuxuu rumeysan yahay in xidhiidhka Israa’iil uu xal nabadeed u noqon karo qadiyadda Falastiin. Sheekh Waasim Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil aysan mas’uul ka aheyn dhibaatooyinka ka dhacay dalalka Carabta. “Israa’iil ma ayna qarxin masaajid, ma ayna abuurin khilaafka ka dhex taagan Suniyiinta iyo Shiicada, ma ayna gubin kaniisadaha ku yaalla Carabta. Kuwa sameeyay dhibaatooyinkaas waa inaga.” Waasim Yuusuf wuxuu bartiisa Twitter-ka ku weeraray kacdoonkii Carabta oo uu ku tilmaamay “Kacdoonkii waalnaa”, wuxuuna taageerayaasha Xisbullaah iyo Ikhwaanul Muslimiin ku eedeeyay in ay yihiin dadka colaadda ka dhex abuuray gobolka. Sida culimada Sucuudiga, Sheekh Wasiim Yuusuf wuxuu baraha bulshada kala kulmay dhalleeceyn xooggan, maadama uu jeediyay hadallo is burinaya, horraan wuxuu taageeri jiray qadiyadda Falastiin wuxuuna inta badan ku adkeysan jiray in Qudus ay tahay caasimadda Falastiin. Waa aalad gacanta ugu jirta dowladda Ha’yadaha diinta ee rasmiga ah ee ka qeyb qaadanaya xoojinta arrimaha xidhiidhka Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxay muujineysa in culimada soo saaraya fatwada diinta islaamka ay saameynta ku leeyihiin arrimaha siyaasadda ee dalalka Carabta iyo sida hoggaamiyeyaasha ay u adeegsadaan diinta si danahooda ay ugu gudbistaan. Sacuudiga iyo Imaaraatka kaliya kuma saabsano arrintan, balse waxaa jiro dalalka kale oo Carab ah oo hore u soo saaray fatwo ogolaaneyso in dalalka Khaliijka ay xidhiidh la yeelan karaan Israa’iil. Muftigii guud ee Masar, sannadkii 1979-kii, Jaadal Xaq Calaa Jaadal Xaq, wuxuu soo saaray fatwo uu ku taageeray Masar markii ay xidhiidhka la yeelatay Israa’iil. Sannadkii 1995-tii, Muftigii weynaa ee Sacuudiga, Cabdul Caziiz Bin Baaz, wuxuu soo saaray fatwo tan lamid ah ka dib markii Sacuudiga uu saxeexay heshiiskii Oslo. Qorshaha lagu heshiiyay Sida ay sheegayaan dadka la socoda siyaasadda gobolka; waxa ka muuqda heshiiska waa arrin diini ah, gaar ahaan xidhiidhka Israa’iil iyo Imaaraadka, waxaana heshiiskaas loo xayeysiinayay isu soo dhawaansho u dhexeeyo Muslimiinta, Yuhuuda iyo Masiixiyiinta. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in loo bixiyay ‘Heshiiskii Abraham’. Warbixinno ay qoreen cilmi baarayaal u dhashay Israa’iil waxay ku sheegeen in Baadariga ugu weyn madhabta katoligga ee diinta masiixiyiinta, Pope Francis iyo muftiga Al Azhar ay ka qeyb qaateen xoojinta walaaltinimada, si loogu dadaalo nabadda iyo wada noolaanshaha aadanaha. Waxay cilmi baadhayaasha intaas ku dareen, in marka la gaadho sannadka 2022-ka, qoyska Abraham ay xadhigga ka jari doonaan masaajid, kaniisad iyo macbad ay ku cibaadeysataan Yuhuudda kaas oo looga golleeyahay sare u qaadidda is-fahanka dhanka diimaha iyo xoojinta waxyaabaha laga mideysan yahay. Source
  3. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegaya in la badalay dhamaan ciidankii Asluubta ee ilaalin jiray xabsiga dhexe iyo kontaroolada laga soo galo xabsiga. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ciidan cusub oo laga keenay Baydhabo, kuwaas oo muddo ku sugnaa Muqdisho, lagu badalay ciidankii hore u joogay Xabsiga iyo kontaroolada ku dhaw dhaw. Ciidanka laga keenay Baydhabo oo in muddo ah ku sugnaa Muqdisho ayaa dhowaan si rasmi ah loogu daray ciidanka Asluubta, waxaana la sheegay in hore uu u diiday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, isagoo sabab uga dhigay in loo baahan hubin badan iyo in la meeleeyo xuquuqdooda. Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Asluubta ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankan oo u badan qaraabada Taliyaha ciidanka Asluubta ay daganaayeen gudaha xabsiga dhexe tan iyo markii la magacaabay Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan, waqtiyo badana la isku dayay in loo dhiibo xabsiga iyo in laga mid dhigo ciidanka balse hada looga faa’iideestay weerarkii dhacay iyo Isbadalka Xukuumaddii dalka ka jirtay. Xabsiga dhexe waxaa dhowaan ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac badan kadib markii gudaha xabsiga ka dagaalameen koox ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ahaa maxaabiis meesha ku xiran. The post Ciidankii ilaalada Xabsiga dhexe oo lagu badalay ciidan laga keenay gobol kale first appeared on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlayey munaasabad loo qabtay Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashada xildhibaada ee socota, siiba kuraasta xildhibaanada ee taalla dowlad goboleedyada. Cawad ayaa sheegay in madax goboleedyada ay culeys saarayaan kuraasta xildhibaanada, gaar ahaan kuwa aan xiriirka wanaagsan la laheyn. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kursigiisii uu ka soo wareejistay Puntland, islamarkaana uu keensaday Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye xigeenka labaad ee baarlamaanka oo sii hadlayey ayaa ku goodiyey, haddii xildhibaanada laga joojin waayo cadaadiskaas inay aysan ansixin doonin heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. “Haddii aad heshiiseen, annaga qayb ayaan ka nahay, kursigeyga waxa aan u wareejistay Galmudug ee Saaxiibada kale hakaa nabad galaan, Doorasho ayaan usoo soconaa ee ammaan hala idinka helo, haddii kale Sooma ahan, Wallaahi ma ansixineyso heshiiskaas.” ayuu yiri ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka. Cawad ayaa deegaan doorashadiisu ay tahay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Puntland, ayaa cabsi uu qabo darteed kursigaas u wareejistay Galmudug. Dhankiisa oo Deni oo hadalka qaatay ayaa u jawaabay Cawad, wuxuuna yiri “Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa aan leeyahay kursiga aad ka raratay Puntland waad kusoo ceshan kartaa, waxaana kuu damaanad qaadayaa haddii uu dib usoo ceshado in aan ku qabi doonin walwal, in aad garab naga heshaan mooyee, walwal kale hanaga rajeynina.” Arrimahan oo horey looga digay ayaa ku soo aadaya, xilli aad loogu sii dhawaanayo doorashada xildhibaanada iyo tan Madaxweynaha ee 2020/2021-ka. The post Muxuu Cawad kursigiisa ugala soo cararay PUNTLAND? first appeared on Caasimada Online.
  5. (SLT-Washington)-Hal qof ayaa loo qabtey kaas oo la aaminsan yahay in uu warqad sunta dilaaga ah ee Ricin u direy Madaxweynaha Maraykanka Donalad Trump, sidaas waxaa sheegay Booliska Federaalka ee Baadhitaanada Dembiyada (FBI) Qofka ka dambeeyey warqadda sumysan ayaa lagu sheegay inay ahay haweeney u dhalatay dalka Kanada, sida ay qortey wakaalada wrarka ee Reuters. Baakada wadatey sunta ayaa lagu qabtey barta kontoroolka boosatada ee Aqalka Cad, mana gaadhin Madaxweyne Trump. Qofka ku eedeysan dembigan ayaa lagu qabtay xadka Mareykanka iyo Kanada ee magaalada Buffalo, New York, sida uu u sheegay AFP sarkaal ka tirsan booliska xuduudaha. Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, eedaysanaha ayaa haystey baastoolad xilliga la qabanaayey. Xilli hore, laba kiis oo kala duwan, ayaa laba qof loogu xukumay xabsi ka dib markii ay u direen Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama waraaqo sunta ricin-ku la soo geliyey . Sunta Ricin waxaa laga helaa abuurka geedka ay isku magaca yihiin ee Racin waana mid ka mid ah walxaha ugu sunta badan adduunka. Ricin-ka sunta ah wuxuu sababi karaa matag, dhiig bax gudaha ah, neefsashada oo dhib ku noqon karta una horseedi karta dhimasho. Source
  6. Kenya Defence Forces troops on Monday killed five Shabaab militants after they ambushed a military convoy. Source: Hiiraan Online
  7. Bemidji remarks about "good genes" compared to "race science." Source: Hiiraan Online
  8. Gaarisa (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gobolka Garrisa ee Kenya ayaa gacanta ku dhigay dad Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 12-qof. Sida uu baahiyay Citizen Tv waxa shaqsiyaadkaasi lasoo qabtay kadib markii laga waayay dukumintiyo muujinaya jinsiyadahooda, xili ay saarnaayen gaari dowladeed. Telefishanka oo soo xiganaya laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay shaqsiyaadkaasi ka dalbadeen hubinta howlaha ay wadaan, iyaga oo maraya buundada Garissa-Tana, kadibna ay cadaatay inay watan dukuminta aan sax aheyn. Eedeysanayaashan ayaa waxa loo haysta inaysan sax aheyn aqoonsiga gaariga ay wataan, kaasi oo ay ciidamadu xaqiijiyeen inuu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalada Garissa. “Saraakiishu waxay ogaadeen in aqoonsiga la siiyey uu ka duwan yahay midka gaariga dhabta ah, waxay kaloo ogaadeen in gaariga uu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalooyinka Garissa” ayey yiraahdeen illo wareedyo dhanka laamaha amnigu. Arrintan ayaa imaneysa xili uu tuhun badan ka jiro dalka Kenya, kaasi oo la xiriira ka ganacsiga dhoofinta dadka, maadama marar hore dad badan lagu dhoofiyey gawaari aan wadan sharciyo sax ah. Dabayaaqada isbuuci hore unbey aheyd markii ciidamada Kenya ay fashiliyeen kooxo ku howlanaa dhoofinta dadka, isla markaana ay xireen raggii ku howlanaa falkaasi iyo saddex gaari oo ay wateen. The post Kenya oo xabsiga dhigtay Soomaali badan + Sababta first appeared on Caasimada Online.
  9. A man walk past portraits of former United Nations Secretary-Generals, Monday, Sept. 21, 2020 at United Nations headquarters. In 2020, which marks the 75th anniversary of the United Nations, the annual high-level meeting of world leaders around the U.N. General Assembly will be very different from years past because of the coronavirus pandemic. Leaders will not be traveling to the United Nations in New York for their addresses, which will be prerecorded. Most events related to the gathering will be held virtually. No access to world leaders on the U.N. grounds will be possible, therefore, and access to most anything will be extremely curtailed. (AP Photo/Mary Altaffer) Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha qaramada Midoobe James Swan. Shirkaan ka qabsoomay xerada Xalane ayaa diirada lagu saaray qaabkii ay dhinacyada ku shaqada leh isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga doorashooyinka soo aadan ee la filayo iney dhacaan 2020 ilaa 2021. Barta twitter-ka hawlgalka qaramada midoobe ee soomaaliya ayaa lagu soo qoray qiraal ku saabsan kulanka labada dhinac, sidoo waxaa lagu faah-faahiyay qodobada kale ee lagu jeex-jeexay. “Wakiilka qaramada midoobe wuxuu maanta la kulmay taliyaha ciidanka booliska. Gen. Abdi Hassan Mohamed, si uu ugala hadlo mowduucyo ay ka mid yahiin wada-shaqeynta hay’addaha amaanka Soomaaliya, iskaashiga daneeyayaasha iyo qorsheynta amaanka doorashooyinka nagu soo fool leh” ayaa lagu yiri qoraalka la daabacay. Talisk Booliska Soomaaliyeed waxey sheegeen in kulankii dhacay uu ahaa mid muhiim ah isla markaana lagu qorsheeyay hanaankii loo sugi lahaa goobaha ay ka dhaceyso doorashada soo aadan. Waxaa jira cabsi laga qabo weerarada kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas oo kordhiyay mudooyinkii dambe weerarada ay la beegsanayaan xubnaha dowladda iyo xarumahoodaba. The post Muxuu ahaa ujeedka kulankii dhex maray James Swan iyo Cabdi Xasan Maxamed? first appeared on Caasimada Online.
  11. Wararka ka imaanaya Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Dowladda Soomaaliya ee DANAB ay halkaasi ku laayeen dad Rayid ah kadib markii ay ku qaldeen Al-shabaab. Hawlgal qorshaysan oo habeen hore Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen Tuulada Mooyilow oo ka tirsan Degaanka Tooratoorow ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dileen 8 ruux oo shacab ah kuwaas oo hurday masjid ku yaal Tuuladaas. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dadka masaajidka lagu laayay ay ahaayeen kuwa socoto ah oo Tuulada ka waayay meel ay seexdan sidaasna masaajidka ku seexday balse Ciidanku ay ku qaldeen Saraakiil Al-shabaab ah. Taliska DANAB ayaan dhankooda weli ka hadlin wararka sheegaya in ay dad rayid ah ku dileen hawlgalkaasi qorshaysan ee habeen ka hor ka dhacay Shabeellada Hoose. PUNTLAND POST The post Ciidanka DANAB oo dad rayid ah ku laayay Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  12. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed ayaa kala hadlaya wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka in saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Incirlik laga soo raro Turkiga loona soo wareejiyo Imaaraadka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New Khaleej. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska u sheegay in qorshaha uu yahay in lasii xoojiyey xiriirka qotada dheer ee Imaaraadka Carabta uu la leeyahay Mareykanka. Abu Dhabi ayaa dhowaan xiriir rasmi ah la sameysatay Israel kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid dhanka Mareykanka. The New Khaleej ayaa sheegay in ilo sirdoon ay u sheegeen in Bin Zayed uu rumeysan yahay in Abu Dhabi ay danaheed istaraatiijiga ah ka hormarineyso wax kasta, oo ay ku jirto xiriirka gaarka ah oo ay la leedahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Sida uu wargeyska sheegay, Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale Pentagon-ka Mareykanka iyo hay’ado maaliyadeed kala shaqeynaya mashruucyo militari iyo kuwa dhaqaale. Si kastaba, afhayeen u halday Pentagon-ka Mareykanka Colonel Thomas Campell ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Mareykanka uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu ka guuro saldhigga Incirlik. Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa mugdi uu soo galay sanadihii tegay, hase yeeshee joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Turkiga ayaa lagu warramay in dan ka badan tan Turkiga ku qabaan Mareykanka. The post Mohamed Bin Zayed oo Mareykanka kala hadlay qorshe ka dhan ah Turkey first appeared on Caasimada Online.
  13. Meydka sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho Maqribnimadii hore ee caawa ayaa meydka sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga helay gudaha hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Shariif Doofil, waxuuna heystay darajada Gaashaanle. Meydka Shariif ayaa laga helay qol uu ka deganaa hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, gaar ahaan aagga Ceel-gaabta. Lama oga sababta uu u dhintay, waxaana bilaabmay baadhitaano ku saabsan sidii loo ogaan lahaa geerida marxuumkan, iyadoo laamaha ammaanka oo tegay halkaas ay durbadiiba kaxeysteen maamulihii hotelka. Warar aan helnay ayaa sheegaya in sarkaalkan ay waxyar ka hor inta aan la helin meydkiisa ay ka tagtay haweeney aan weli la garan waxa ay tahay oo la kulantay. Baadhitaan xooggan oo arrintan ku saabsan ayaa hadda socda. Madaxtooyada Soomaaliya weli kama hadal dhacdadan, waxaana wararka ay sheegayaan in laga war sugayo baadhitaanka. Qaran News
  14. Seynisyahankii sirta hubka nuclear-ka ka xaday Mareykanka ee u gudbiyay Ruushka Klaus Fuchs wuxuu isagoo isagoo ka cararay Jarmalka tagay Ingiriiska, wuxuuna baxsad ka ahaa Naasiyiinta Xilligan oo kale, bishii September ee sanadkii 1949-kii, Madaxweynihii Mareykanka ee lagu magacaabi jiray Harry Truman, ayaa shacabka Mareykanka u sheegay in Soviet-ka ay qarxiyeen bambadoodii ugu horreysay oo nuclear ah, isagoo qeexay in Washington ay heyso caddeyn muujinyesa in Soviet-ka ay arrintaas sameeyeen isbuucyo ka hor. 3-dii bishii September, 1949-kii, seynisyahanno Mareykan ah ayaa dareemay shucaan hawada kasoo galay meel ka mid ah dhulkii Soviet-ka, kaasoo noqon karay oo kaliya tijaabada hubka nuclear-ka. Markii madaxweyne Truman warkaas loo sheegayna wuu aamini waayay, isagoo la taliyeyaashiisii dhinaca seyniska iyo milatariga ka dalbaday inay baadhitaan ku sameeyaan arrintaas. Markii xogta la xaqiijiyay, Truman wuxuu soo hor istaagay qaranka, wuxuuna u sheegay in xilligaas wixii ka dambeeyay uusan Mareykanka ahayn waddanka kaliya ee heysta hub nuclear ah. Markaas wixii ka horreeyay sirta qalabka laga sameeyo nuclear-ka waxaa heystay Washington oo kaliya. Taatiikhdu waxay dhigeysaa in 29-kii bishii August, 1949-kii, ay midowgii Soviet si rasmi ah u noqdeen dalka labaad ee “heysta nuclear” markaasoo ay qarxiyeen bambadii plutonium-ka ee loo yaqaannay RDS-1, taasoo ahayd hubkoodii ugu horreeyay ee nuclear ah. Sida laga soo xigtay xog ku keydsan xarunta sirdoonka Mareykanka ee CAI-da, in Soviet-ka ay helaan hubkaas waxay lama filaan ku noqotay dhammaan dowladaha Reer Galbeedka. Khubarada Mareykanka ma aysan aaminsaneyn in Ruushka ay hubkaas soo saari karaan ilaa laga soo gaadho sanadkii 1953-kii. Haddaba sidee bay Soviet-ka ku heleen bambada nuclear-ka? Haddii aad Google ku qorto su’aasha ah “kumuu ahaa ahaa seynisyahankii sirta bambada nuclear-ka u gudbiyay Soviet-ka?” – adigoo ku qoraya luuqadda Ingiriiska – waxaa kuu soo baxeysa jawaabta, oo ah in seynisyahankaas uu ahaa Klaus Fuchs. Waa kuma Klaus Fuchs? Fuchs wuxuu ahaa madaxa waaxda seyniska iyo cilmibaadhista hubka wax gumaada ee Britain Klaus Fuchs wuxuu meel u dhow magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ku dhashay 29-kii bishii December ee sanadkii 1911-kii. Aabihiis wuxuu ahaa baadari lagu magacaabi jiray Emil Fuchs, oo ka mid noqday dadkii kasoo horjeeday maamulkii Naasiyiinta. Klaus Fuchs qudhiisa wuxuu markii dambe ka mid noqday dadkii aaminsanaa fikradda hanti-wadaagga, wuxuuna ku biiray ololaha ka dhanka ah Naasiyiintii uu hoggaanka u hayay Adolf Hitler. Markii uu Hitler qabsaday xukunka Jarmalka, wuxuu u qaxay dhinaca waddanka Britain, sanakii 1933-kii. Halkaas wuxuu ku dhammeystay waxbarashadiisii dhinaca seyniska, kaddibna wuxuu billaabay howlo basaas ah oo uu u sameynayay Britain iyo Mareykanka intii u dhaxeysay 1941-kii ilaa 1950-kii. Mas’uuliyiin Jarmal ah ayaa dowladda Britain u sheegay sanadkii 1934-kii in Fuchs uu horay uga mid ahaan jiray dadka aaminsan nidaamka hanti wadaagga, laakiin Britain way iska indha tirtay arrintaas maadaama cidda hadalka uu kasoo baxay ay ahaayeen Naasiyiinta. Toddobaatan sano ka hor, gaar ahaan 1950-kii, Klaus Fuchs waa la xidhay kaddib markii looga shakiyay inuu u basaasayo Midowgii Soviet. Xilligaas, Fuchs wuxuu ahaa madaxa waaxda seyniska iyo cilmibaadhista hubka wax gumaada ee Britain. Intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuu ka shaqeynayay waaxda tamarta Atomic-ga ee UK. Sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa howl-wadeennadii mashruucii Manhattan ee lagu sameeyay hubkii ugu horreeyay ee nuclear ah. Waxaa la sheegay in Fuchs uu warqado xog ku qoran tahay ka tuuri jiray darbiga xarunta Kidington Park, sidaasna ay ku qaadi jirtay haweeney magaceeda is afgarashada uu ahaa “Sonya”. Xogtaas waxay ahayd macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan sida loo sameeyo bambooyinka. ‘Khiyaano aad u fool xun’ Wuxuu qirtay inuu ku xad gudbay sharciga qarinta sirta qaran ee xasaasiga ah Seynisyahannadii uu ka mid ahaa ninkan ee cilmibaadhista ku sameynayay xarunta Harwell ayaa suuragaliyay sameynta hubka wax gummaada ee nuclear-ka. Markii la xidhay wuxuu qirtay dambiyada uu sameeyay. Intii ay socotay dacwaddii ka dhanka ahayd, wuxuu qirtay afar dambi oo ku saabsan jabinta sharciga qarinta sirta, waxaana lagu xukumay 14 sano oo xadhig ah, kuwaasoo 9 ka mid ah uu gudaha ku dhammeystay. Markii xukunka lagu ridayay, garsoorihii maxkamadda wuxuu yidhi: “Waa ceebeysay soo dhaweyntii iyo badbaadintii uu ku siiyay waddankan.” Fuchs oo ay askar geeyeen garoonka diyaaradaha Heathrow, 1959-kii, isagoo u socday Jarmalka Bari, kaddib markii lasii daayay Nick Hans, oo ah qoraa wax ka qora taariikhda xaruntii cilmi baadhista hubka nuclear-ka ee Harwell, ayaa sheegay in Fuchs uu xisaabaad is afgarasho ah ku gudbin jiray sirta. Mr Hanns wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay u weynaayeen dambiyada uu geystay seynisyahankan. “Wuxuu khiyaano iyo dhabarjabin ku sameeyay waddankiisa, oo ah halkii sida wanaagsan loogu soo dhaweeyay, uuna ka helay boos uu uga shaqeeyo xarunta Harwell, waliba lacag badanna uu ku qaadanayay howshaas<” ayuu yidhi Hans. Wuxuu intaas ku daray: “Wuxuu ahaa nin aad u caqli badan, wuuna ogaa cawaaibka ka dhalanaya sirta uu gudbinayay. Taas micnaheeda waa inay jirtay suurtagalnimada in Ruushka uu nuclear heli karay ka hor inta aysan heli Mareykanka iyo Britain, taasina ay horseedi kartay Dagaalka Saddexaad ee Adduunka.” Mashruucii Manhattan wuxuu ahaa sir aad xasaasi u ah Waxaa la aaminsan yahay in sirta ugu weyn uu ninkan bixiyay mar uu xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka shaqeynayay sameynta bambadii atomic-ga ee ka socotay magaalada Los Alamos, ee gobolka New Mexico. Fuchs markii uu xidhnaa 9 ka mid ah 14-kii sano ee lagu xukumay, waa la sii daayay sanadkii 1959-kii, wuxuuna u dhoofay waddankii markaas la odhan jiray Jarmalkii Bari. Halkaas ayuu culuumtiisii seyniska kasii watay, ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 1988-kii. Waxaa la og yahay in Fuchs uusan ahayn seynisyahanka kaliya ee sirta Mareykanka u basaasi jiray Soviet-ka. Waxaa jiray jaajuusiin kale oo Mareykan ah, kuwaasoo Ruushka u gudbin jiray xogtii mashruucii Manhattan, sida seynisyahannada kala ahaa Theodore Hall, Saville Sachs, Julius, Ethel Rosenberg iyo kuwo kaleba. Laakiin Fuchs ayaa ahaa ninkii ugu caansanaa ee bixiyay sirtii ugu badneyd ee nuclear-ka. Qaran News
  15. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaaladda Muqdisho kaga qeybgalay xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayo. Mas’uuliyiinta Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada soo diyaarisay xafladda, ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland iyo doorkiisii muhiimka ahaa ee uu ka geystay heshiiska lagu go’aamiyey Doorashada Dalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan oo weliba loogu sameeyay degmada Howlwadaag ee uu ku dhashay kuna soo koray. Xafladda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad, Goleyaasha Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Muqdisho. Halkaan ka daawo Muuqalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Xaflad soo dhowayn ah loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  16. Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa si kulul uga jawaabtay tallaabada uu Mareykanku ku rabo in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran, xili tallaabadaasi lagu macneeyay mid sharci darro ah. Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani ayaa ugu horeyntii sheegay in Mareykanku uu wajahayo Guul-darro weyn kadib markii ay wadamo badan oo reer Yurub ah ay ka hor-yimaadeen rabitaankaasi. Wuxuuna ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto jawaab si daran wax u burburin doonto, inkasta oo uusan carabaabin arrinta weyn ee ay kaga jawaabayaan rabitaanka Mareykanka. “Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto handdadada Mareykanka” ayuu yiri madaxweyne Ruuxaani. “Mareykanku wuxuu usii dhawaanaya guul-darro, xilli uu shaaciyay tallaabada cunaqabateynta. Wuxuuna wajahaya guul-darro iyo jawaab diidmo ah oo uga timid beesha caalamka” ayuu sidoo kale yiri. Trump iyo maamulkiisa ayaa qaba in tallaabadaasi ka dhanka ah Iran ay ku cadahay ‘in la qaadi karo markale’ heshiiskii uu Mareykanku ka baxay labo sano ka hor (2018) ee la xiriiriya Nukliyeerka. Aragtidaasi mid ka gadisan ayey qabaan dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka, waxayna si wada-jir ah u sheegen in Mareykanku uusan awood buuxda u laheyn inuu qaado tallaabo noocaasi oo kale ah. Rabitaanka Mareykanka ayaa sidoo kale waxa si adag uga hor-yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, xili lasoo warinayo in xukuumadda Washington ay maanta cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xiriiriyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda. The post IRAN oo luuqad adag ugu hanjabtay Mareykanka kadib tallaabadii uu qaaday first appeared on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ayaa Xalay la kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay in ka badan 50 xildhibaan oo ka soo jeeda Beelaha Muqdisho kuwaas oo uu ka dalbaday in ay siiyaan Codka Kalsoonida maadaama uu dhowaan hortegayo Baarlamanka. Kulanka waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday Kulamo uu Xildhibaannada Baarlamanka kaga raadinayo Codka Kalsoonida si uu u soo dhiso Xukuumad cusub. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo weli kulamo ka wada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Dowlada Puntland waxaa Caawa Muqdisho kusoo dhaweeyey Asxaabtiisii ay isku Xaafada ahaayeen Barisamaadkii, Xafladaasoo ay soo qabanqaabiyeen Masuuliyiin Asal ahaan kasoo jeeda Xaafada Waabari [...] The post Madaxweyne Deni waxaa Muqdisho loogu sameeyay Xaflad soo dhaweyn iyo waayowaayo ah appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey markii wadajir loo shaaciyey heshiis doorasho oo dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxaa Muqdisho ka bilaawday kulamo siyaasadeed iyo olale xoog leh oo ay wadaan madaxda dowlad goboleedyada. Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo weli ku sugan Muqdisho ayaa mid kasta waxa uu casuumaad gaar ah u sameeyey xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela deegaanada dowlad goboleedkiisa. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay casuumay xildhibaanada ku jira labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland, waxuuna u jeediyey khudbad u muuqatay mid uu ku beer-laxawsanayo. Sidoo kale madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna maanta midba gaar u casuumay dhamaan xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada ay ka arimiyaan maamulladooda. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayey isna caawa kulan casho sharaf ah ugu casuumanyihiin xildhibaanada dowladda dhexe ka soo galay deegaanada Puntland. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa hal u jeedo ka leh kala xod-xodashada xubnaha baarlamaanka federaalka, waxayna ku adkeynayaan fariinta ah inay ansixiyaan heshiiskii dhawaan lagu kala saxiixday Villa Somalia ee laga gaaray hanaanka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya. Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo sida ka muuqatay qodobadii heshiiska madaxweyne Farmaajo uga guuleystay sidii ay wax u rabeen ayaa cabsi ka qaba in heshiiskaas lagu fashiliyo hor-geynta baarlamaanka. Cabsi badan ayey ka qabaan in baarlamaanku diido heshiiskaas, taas oo ku kaliftay inay gaar-gaar u shiriyaan, iyagoo ka wada dalbanaya hal qodob oo ah ansixinta heshiiskaas. Caasimada Online oo xog ka heshay rabitaanka Madaxweyne Farmaajo ee meel marinta heshiiskaas ayaa ogaatay in madaxweynuhu uu doonayo in mar un uu dhaafo culeyskan ka heysta dariiqii loo mari doorashada dalka, isla markaana baarlamaanku ansixiyo heshiiskan, si qodobadii heshiiskaas loogu jaheeyo doorashooyinka dalka. Si kastaba, ayada oo ay jirto in madaxweynaha doonayo in heshiiska la meel-mariyo, ayaa haddana waxaa weli jira shaki ay qabaan madax goboleedyada iyo is-aaminaad la’aan weli ka jirta labada dhinac, taasi oo keentay qorshaha ay wadaan madax goboleedyada. The post Xog: Madax goboleedyada oo walaac xooggan qaba iyo ujeedka ololaha ay wadaan first appeared on Caasimada Online.
  20. Garowe (PP News Desk) — The Permanent Committee of the Puntland Parliament summoned Finance and Planning Ministers following complaints submitted by respective parliamentary select committees. The Permanent Committee of the Puntland Parliament did not share with the media the content of complaints lodged with the secretariat of Puntland Parliament about the performance of the two ministries. The Parliamentary Permanent Committee: Puntland Parliament is trying to shake off its supine attitude to the Puntland State Government. Finance and Planning Select Committees of the Parliament delivered progress reports on inspections they conducted. The session held today at the premises of the parliament comes in the wake of mounting criticisms about the role of the Parliament acting as an enabler for the Puntland State Government rather than as an independent institution with a mandate to keep tabs on government activities. Puntland Ministry of Finance has been criticised for withholding World Bank grants particularly “cash transfers to vulnerable households”. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Parliament Summons Finance and Planning Ministers appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Maqribnimadii hore ee caawa ayaa meydka sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga helay gudaha hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Shariif Doofil, waxuuna heystay darajada Gaashaanle. Meydka Shariif ayaa laga helay qol uu ka deganaa hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, gaar ahaan aagga Ceel-gaabta. Lama oga sababta uu u dhintay, waxaana bilaawday baaritaano ku saabsan sidii loo ogaan lahaa geerida marxuumkan, iyadoo laamaha ammaanka oo tegay halkaas ay durbadiiba ka xeysteen maamulihii hotelka. Warar aan helnay ayaa sheegaya in sarkaalkan ay waxyar ka hor inta aan la helin meydkiisa ay ka tagtay haweeney aan weli la garan waxa ay tahay oo la kulantay. Baaritaan xooggan oo arrintan ku saabsan ayaa hadda socda. Madaxtooyada Soomaaliya weli kama hadal dhacdadan, waxaana wararka ay sheegayaan in laga war sugayo baaritaanka. The post Meydka sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-21092020.mp3 View the full article
  23. Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa markii uhu horreysay ka hadashay heshiiskii hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho. War-saxaafadeed ay wadajir ah u soo saareen Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi ahaa mid ay gaartay cid gaar ah oo aan loo dhammeyn, hannaanka lagu heshiiyay aan faahfaafin dheeriya laga bixin oo uusan caddeyn. Sidoo kale Beesha Caalamku waxay tilmaantay in hanaanka doorasho ee la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka. Beeaha Caalamka waxay ku baaqday in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay. Hadalka Beesha Caalamla ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo heshiiska hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Beesha Caalamka oo dhameystiran. Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka waxay garwaaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo. Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay. Iyadoo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka. Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo. Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay. * Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay”. The post Beesha Caalamka oo ka xumaatay heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Post-independence Somali leaders viewed the unitary system as an effective tool to maintain national unity, stability and economic growth. The civilian government of 1960 to 1969 was followed by a totalitarian military regime which dragged the country into civil war. It created distrust among communities and eliminated Somali nationalism and brotherhood. Source: Hiiraan Online