-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn oo xalay loogu sameeyey Muqdisho ayaa sheegay erayo laga dheehan karo musuq iyo awood sheegasho maamulkiisa ah isla markaana abuuri kara kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah. Madaxweyne Saciid oo u jawaabayey hadal uu ka jeediyey xafladda Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka kaas oo sheegay inuu kursigiisa kala soo cararay Puntland isla markaanaaan nagaadi ku aheyn Galmudug ayaa yiri” Kursiga uu Mahad la soo cararay wad soo ceshan kartaa ayaa ku dhihi lahaa, waxaan balanqaadayaa haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaalana waan ka daba tagayaa in aan kala shaqeeyo halkan ka shgeeyaa”. Hadalka madaxweyne Deni ayaa loo fasiran karaa inuu meesha ka saarayo hufnaanta soo xulista kuraasta xildhibaannimo ee 2020/2021, eex la’aanta iyo in madaxda dowlad goboleedyada ay masaafo isku mid ah u jiraan dadka tartamaya. Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada 2020 ee khamiistii gaareen dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa faqrooyinka xulista xildhibaannada loo dhigay sidan: In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka waxaa uu goobta ka sheegay “Aniga kursigeyga waxaa uu transit kusoo yahay Galmudug halkaas ayaan doorashada kusoo galayaa, saxiibada Puntland kusoo dooranaya hakaa nabad galeen, …doorashaan u soo soconaa walaalayaalow ammaan ha la idiinka helo., Qoorqoor la hadal oo ninkaa ammaan sii dheh,”. Heshiiska kahor golaha shacabka 30-kii June, 2020 ayaa anisixiyey xeer lagu nidaaminaya kuraasta isla markaana diidaya in kuraasta laga rago deegaannadii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirka la tashiga daneeyayaasha maxaliga ah ee heerka waxqabadka hufan ee karboonka iyo karinta cuntada wanaagsan ee nadiifta ah sida ay ugu suurtoobi lahayd qoysaskeena ku nool Somalia. Mudanayaal iyo marwooyin, Shirkada wax –soo-saarka ee BURN, waxay hirgalin doontaa mashruuca wax qabadka ee kaarboonka oo loo yaqaan (VPA1) mashruucani wuxuu ku sahabsan yahay sida uu qoys walba oo Somalia ku nool ugu suurtoobi lahayd cunto karis wanaagsan oo nadiif ah, waxay shirkada BURN fulinaysaa barnaamijka tayadiisu sarayso ee loo yaqaano Dahab, kaasoo heerkiisa wax qabad uu aad u sareeyo ‘ECOA_BURN. Barnaamijka wax kariska cuntada wanaagsan ee nadiifta ah oo ay hada shirkada BURN ka fulinayso wadamo badan ayaa loo yaqaanaa (PoA) waxaana mashruucan iska leh si khaas ahna u maamusha shirkada wax-soo-saarka ee BURN. Sidaa daraadeed waxay shirkada BURN ay u qabanaysaa shir daneeyayaasha mashruucan oo ay ka mid yihiin wasaaradaha dawlada Somaliland gaar ahaan wasaarada deegaanka, haayadaha hoos yimaada qaramada midoobey, ururada aan dawliga ahayn, ururada haweenka ,machadyadaa cilmi baadhista iyo dadka deegaanka ah ee ay si toos ah ama si dadban uu mashruucani u saamaynayo. Shirkada wax-soo-saarka ee BURN, (isku-duwidda iyo maaraynta hay’adda PoA) waxay ku martiqaadaysaa daneeyayaasha maxaliga ah in ay ka soo qayb galaan mid ka mida ah shirarka wada tashiga ee la qaban doono wakhtiyada soo socda. October 22-2020, 8:30 am to 13:00 Pm in Mogadishu Maida hotel Xamarweyne, Mogadishu (+252) 616 272 236 Mudanayaasha iyo Marwooyinka daneeyayaasha ah ee aan ka soo qayb gali Karin kulankan waxay fursad u leeyihiin inay uga soo qayb galaan khadka tooska ah ee loo yaqaan ZOOM. Faahfaahinta galitaanka khadka ZOOM. Waa kuwan hoos ku xusan. October 22nd Meeting ID: 884 9358 0826 Link://us02web.zoom.us/meeting/register/tZwpfuqtpjsiGNJCRiq6LYLnuZqiS8-KKptJ Hadii aad u baahato faahfaahin dheeraada ah oo ku sahabsan macluumaadka kulanka wada tashiga fadlan u qor Email lucie millard oo ah agaasimaha istarajiyada is balaarinta ee shirkada BURN(lucie.millard@burnmfg.com)Ama wac Mohammed Adam agaasimaha shirkada BURN ee degaanka soomaalida(+252 633 065 733). Mudanayaal iyo Marwooyin hadii aydiin suurtoobi waydo ka soo qayb galka shirka waxaad nagala soo xidhiidhaan ciwaanadan kor ku xusan. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha guutada 15-aad ee ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame ayaa warbixiyey dagaal ciidamada xoogga iyo Al-shabab ku dhex maray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliaya. Taliyaha ayaa sheegay in ciidanku la wareegay deegganno hoosta degmada Ceelbuur sida uu hadalka” Ciidamada oo qaadanayo awaamiirta madaxdooda waxaa ay qaadeen tallaabooyin amniga lagu xaqiijinaayo, allah mahadiisna waxaa lagu guuleystay in laga fogeeyo deegaannada, ciidamadu waxaa ay gaareen deegaanno hoos tago degmada Ceelbuur” ayuu yiri taliyaha. Taliyaha oo sii hadlaayo ayaa yiri” Ujeedkeenu waa in meel kasto ay shacabka ku dhibaayaan aan gaarno, shalay dagaal weyn madhicin ee waxaa dhacay baacsi, khasaare xoog leh ayaan gaarsiinay meedkooda iyo dhaawaca meel kasto ayuu yaallaa” ayuu yiri taliye Mascuud Maxamed Warsame. Hadalka kasoo yeeray taliye Taliyaha guutada 15-aad Mascuud Maxamed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo deeggaanno ka tirsan Galmudug ay isku horfadhiyaan ciidamo katirsan xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab, waxaana maanta degan deegaannadii shalay lagu dagaalamay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha Galmudugta loo dhan yahay iyo dadaallada uu wado Madaxweyne Qoor-Qoor. “Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah musharrax Madaxweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee la riday Xasan Cali Kheyre ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Kheyre ayaa sheegay inuu kulan miro dhal ah la qaatay Qoorqoor ayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo kaalinta Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu madaxweyne Qoorqoor kala hadlay xaaladda Galmudug iyo wixii u qabsoomay. “Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaar ah ee Facebook. Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal weyn ku bixiyay dhismihii Galmudugta cusub ee lagu doortay Qoorqoor, ilaa iyo hadda saameyntiisu waa id ka jirta degaanada Galmudug. Dhnaka kale waxaa la sheegaa in Qoorqoor ku lug lahaa riditaankii Kheyre, waana markii ugu horreysay oo ay kulmaan tan iyo 25 Luulo 2020, iyadoo ay muddo ku wada sugnaayeen Muqdisho. Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada dalka, doorashada la filayo inay dhacdo sanadka dambe ee 2021. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Kheyre iyo Qoorqoor? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo haatan kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horreyn labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo kaalinta ay ku leedahay dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale Qoor Qoor iyo Khayre ayaa diirada saaray xaaladda maamulka Galmudug iyo howlaha horyaalla. “Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa horey ula kulmay xildhibaan Jawaari iyo sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Khayre ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweyne oo u taagan doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. The post Khayre oo arrimaha doorashooyinka kala hadlay Qoor Qoor first appeared on Caasimada Online.
-
Diyaaradaha Kenya oo duqeymo xoogan ka fuliyey gobolka Gedo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo dhanka cirka ah oo xalay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa ka dhacay deegaano Mii ah oo ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah. Wararka ayaa sheegaya in duqeymahaasi lagu laayey xoolo aad u fara badan, wuxuuna sidoo kale barakac ku billowday deegaanada la duqeeyey. Dadka shacabka ah ayaa gaaray magaalooyinka waa weyn, sida Ceelwaaq, si ay uga baxsadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi. Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo xoogan ka fuliyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo meelaha qaar ay ka joogaan dagaalyahanada Al-Shabaab. View the full article -
Despite the political liberalisation achieved in Ethiopia in the past two years, obstacles to a smooth transition remain. One major problem is the growing polarisation among political elites. Although this polarisation is exacerbated by current political power struggles, it is undergirded by divergent intellectual traditions about the past, present and future of Ethiopia. Literature on the ideological underpinnings of Ethiopian history and politics has long identified contradictory schools of thought that can be traced back to the student and rebel movements of post-1960 Ethiopia. These underpinnings have been identified differently by different authors – for example Ethiopian/ist nationalist versus ethnonationalist perspectives, or nation-building versus national oppression colonial theses, or centre versus periphery perspectives. Generally put, perspectives in the first category celebrate the antique, independent and glorious statehood of Ethiopia and the social cohesion of its people. Those in the second category stress the relative recency, brutality and exclusivist state formation and nation-building efforts in the country and the diversity of its people. Both inform academic and political debates, and have had enduring policy implications. Download the fullDownload Source: Institute for Security Studies. The post Constitutional design options for Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa habeen hore kulan la yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuwaasi oo muddo ka maqan Golaha. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Gobolka Awdal ayaa Muddo ka maqan fadhiyada Golahooda, iyagoo diiddan in doorashada Golaha lagu galo Saami-qaybsigii doorashadii 2005-tii. Madaxweyne Biixi ayaa sida Warar Xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika wuxuu Xildhibaannada ka codsaday inay ku soo noqdaan Fadhiyada Golaha Wakiillada ee ay ka dareereen kuna Gacan-siiyaan inay doorasho dalka ka qabsoonto, sidoo kalena ka hawl-galaan dejinta bulshada Gobolka Awdal. Hase-yeeshee, Xildhibaannada oo aad ugu adag Go’aanka ay ka qaateen Qadiyadda Saami-qaybsiga ayaa sida Warku sheegay waxay Madaxweynaha u sheegeen in aanay Go’aan gaadhi karin, balse ay Talo kula noqonayaan Bulshada Gobolka Awdal oo ay sheegeen inay aamisan yihiin in aanay doorashadan ku geli karin Saami-qaybsigii doorashadii 2005-tii, xilligaas oo uu Madaxweyne ahaa Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeeda Gobolka Awdal. Xildhibaannadu ma sheegin wakhti go’an oo ay ku soo celinayaan jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixinayaan Dalabka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayn, Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa dhawaan go’aamisay in doorashada Golaha Wakiillada ee dhawaan dalka ka qabsoomaysa lagu galo habkii lagu galay doorashadii 2005-tii, habkaasi oo ah ka ay diiddan yihiin Bulshada reer Awdal ee ay matalayaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Madaxweyne Biixi la kulmay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay wiil dhalinyaro ahaa ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay xaafada Macalin Nuur ayaa yimid, kadib markii ragga burcadda ah ay gurigiisa ugu dhaceen marxuumka, iyaga oo inta aysan dilin ka qaatay mobile-kiisa, kadibna toogasho ku dilay, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Ciise Yalaxow, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta ka baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilka iyo dhacaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe tegay meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya. Maalmihii dambe Muqdisho waxaa ku soo badanayey kooxaha burcadda ah oo xilliyada habeenkii ah dhac baahsan ka geysanaya qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir. The post Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Meydka Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay laga dhex helay Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka la helayo. Meydka Saraalka ayaa laga helay Hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Sarkaal la dilay, sida ay baahiyeen warbaahinta magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan Weli lama oga wax sababay dhimashada Saraalka oo magacaabiisa lagu soo gaabiyay Shariif, isla markaana kamid ahaa Ilaalada koofi casta ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Meydka Marxuum Shariif la geeyay Xarunta hay’addaha CID-da, waxaana socda baadhitaano kala duwan oo ku aadan dilkiisa, sidoo kalena waxaa la sheegay in la xidhay milkiilaha hotelka Ridwaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ergo ka kooban 20 xubnood oo kala socda Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga JSL Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayay Shalay kulamo uga bilaabmeen Magaalada Hargeysa. Sida ay Warar Xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika Ergadan oo ka kooban 20 xubnood oo kala kala ah Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa shalay kulankoodii koowaad ku yeeshay Magaalada Hargeysa, waxaanay ka wada-hadlayaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa aragtiyaha kala fog ee Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ee salka ku haya Tartanka kursiga 4-aad ee Hoggaanka xisbiga Kulmiye, waxaanu kulankooda Shalay ahaa Qado iyo fadhi. Ma jiro, weli war rasmi ah oo ay soo saareen Ergadani oo dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Awdal, isla-markaana ay soo xuleen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga oo mid walba soo Magacaabay 10 Xubnood oo isugu jiro 4 Aqoonyahan iyo 6 Madax-dhaqameed, waxaana suurto-gal inay Isfahan ka gaadhaan Tartanka kala irdheeyey Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland. Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in haddii Ergadani ku guul-daraystaan inay isfaham dhex dhigaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ay arrintan la wareegi doonaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Go’aan kama dambays ah ka soo saari doona. Source
-
Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo xalay ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay waayihiisii hore iyo Xamar. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu u hiloobay waqtiyadii quruxda badnaa ee uu ku soo qaatay Muqdisho, gaar ahaan segmaddii uu ku dhashay ee Howlwadaag. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu ka qeyb-qaadan dooni dib u dhiska degmadaasi iyo horumarinteeda. Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda, isaga oo uga qeyb-galay shirkii wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xildhibaano iyo mas’uuliyiinta qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee kua sugan M/ Muqdisho. Kulanka ayaa ku saabsanaa taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, iyadoo ay goobta joogeen ku dhawaad 50 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kulankan ka qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe. Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa haatan dadaal ugu jira kasbashada xildhibaanada si ay u siiyaan codka kalsoonida. Rooble ayaa tan iyo markii la magacabaay waxa uu kulamo kala duwan oo siyaasadeed ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Malatariga Kenya ayaa shaaciyey inay dileen 5 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari. Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka mid ah Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen kolonyo ka tirsan malatariga dalkaasi, xilli au ku socdaalayeen deegaanka Lafey oo hoosta Mandera, kuna dhow xadka labada dal. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duulaankaasi ay Al-Shabaab ku dileen askari ka mid ah ciidamada malatariga Kenya, islamarkaana ay ku dhaawaceen labo kale. Xarakada Al-Shabaab ayaa weli wada weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, iyada oo inta badan bartilmaameedsata saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dalkaasi. View the full article
-
Waxaa saaka deganaashiyo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa deegaannaddii maalinimadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada xoogga dalka iyo xulufadooda AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada isgarabsanayo ayaa dhaqdhaqaaqyo kawada deegaannaddii ay la wareegeen ee Ceel-bulacle, Miir-dugul iyo deegaanka Ceel Cali Mire, waxaana saacad kasta la filan karaa inuu dib u qarxo dagaal dhex mara labada dhinac, maadaama aysan gala fogeyn. Wararka qaar ayaa sheegayaa in Ciidamada ay kaabiga ku hayaan deegaan ka Ceel garas oo ku dhowaad 10 sao ay maamulayeen Al-shabab, waxaana jiro deegaanno dhowr ah oo ayka maamulaan gobollada Mudug iyo Galgaduug ee maamula Galmudug. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ee ka tirsan xoogga dalka qeybta 21-aad guutadiisa 15-aad ayaa horay u sheegay in ay howlgalka ay siiwadayaan, tan iyo inta ay ka gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta maamulka Galmudug oo ay ka maamulaan gobolka Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-2292020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo dhowaan loo wakiishay hogaaminta siyaasadda Mudullood. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Senator Qeybdiid uu Cali Mahdi u gudbiyay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ahaa in Mudullood siiyaan fursad oo aysan ka hor imaanin xukuumadda uu soo dhisi doono iyo guud ahaa hogaamintiisa. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in Qeybdiid uu sidoo kale Madaxweynaha u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda uu keeni doono ballan qaadayaan in aan la dhibaateynin Mudullood loona fududeeyo wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin islamarkaana ay awooda dowladda Soomaaliya. Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wax dhibaato oo ay xukuumadda cusub kala kulmi doonto Mudullood balse waxa uu dalbaday in Ra’iisul wasaaraha ka fogaado wax kasta oo dhaawici kara ama ka fogeyn kara dadka uu matalo ee Mogadishu Clan. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxa uu hormuud ka yahay Xildhibaano iyo Senataro badan oo dalbanaya in lala shaqeeyo Maxamee Xuseen Rooble oo aan wali helin kalsoonida baarlamaanka waxaana muuqato abaabul xoog leh oo ka socda Muqdisho, kaas oo lagu raadinayo kalsoonid beelaha iyo siyaasiinta. Cabdi Qeybdiid iyo Rooble ayaa kasoo wada jufada reer Hilowle ee beesha Sacad Habargidir. The post Xog: Cabdi Qeybdiid oo Cali Mahdi u gudbiyay codsi ka yimid R/Wasaaraha cusub first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Dubai)-Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed ayaa kala hadlaya wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka in saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Incirlik laga soo raro Turkiga loona soo wareejiyo Imaaraadka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New Khaleej. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska u sheegay in qorshaha uu yahay in lasii xoojiyey xidhiidhka qotada dheer ee Imaaraadka Carabta uu la leeyahay Mareykanka. Abu Dhabi ayaa dhowaan xidhiidh rasmi ah la sameysatay Israa’iil kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid dhanka Mareykanka. The New Khaleej ayaa sheegay in ilo sirdoon ay u sheegeen in Bin Zayed uu rumeysan yahay in Abu Dhabi ay danaheed istaraatiijiga ah ka hormarineyso wax kasta, oo ay ku jirto xidhiidhka gaarka ah oo ay la leedahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Sida uu wargeyska sheegay, Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale Pentagon-ka Mareykanka iyo hay’ado maaliyadeed kala shaqeynaya mashruucyo millatari iyo kuwa dhaqaale. Si kastaba, afhayeen u halday Pentagon-ka Mareykanka Colonel Thomas Campell ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Mareykanka uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu ka guuro saldhigga Incirlik. Xidhiidhka Turkiga iyo Mareykanka ayaa mugdi uu soo galay sanadihii tegay, hase yeeshee joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Turkiga ayaa lagu warramay in dan ka badan tan Turkiga ku qabaan Mareykanka. Source
-
(SLT-Tehran)-Dowladda Iran ayaa si kulul uga jawaabtay tallaabada uu Mareykanku ku doonayo in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran, xili tallaabadaasi lagu macneeyay mid sharci-darro ah. Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani ayaa ugu horreyntii sheegay in Mareykanku uu waajahayo Guul-darro weyn kadib markii ay wadamo badan oo reer Yurub ah ay ka hor-yimaadeen rabitaankaasi. Wuxuuna ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto jawaab si daran wax u burburin doonto, inkasta oo aanu carabaabin arrinta weyn ee ay kaga jawaabayaan rabitaanka Mareykanka. “Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto hanjabaada Mareykanka” ayuu yidhi madaxweyne Ruuxaani. “Mareykanku wuxuu usii dhawaanaya guul-darro, xilli uu shaaciyay tallaabada cunaqabateynta. Wuxuuna waajahaya guul-darro iyo jawaab diidmo ah oo kaga timid beesha caalamka” ayuu sidoo kale yidhi. Trump iyo maamulkiisa ayaa qaba in tallaabadaasi ka dhanka ah Iran ay ku cadahay ‘in la qaadi karo markale’ heshiiskii uu Mareykanku ka baxay laba sanno ka hor (2018) ee la xidhiidha Nukliyeerka. Aragtidaasi mid ka duwan ayey qabaan dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka, waxayna si wada-jir ah u sheegen in Mareykanku aanu awood buuxda u laheyn inuu qaado tallaabo noocaasi oo kale ah. Rabitaanka Mareykanka ayaa sidoo kale waxa si adag uga hor-yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, xilli lasoo warinayo in xukuumadda Washington ay maanta cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xidhiidhiyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda. Source
