-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani wuxuu sheegay in Mareykanka uu wajahayo “Guuldarro” kaddib tallabada Mareykanka uu ku doonayay in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran xilli waddamada reer Yurub ay ku tilmaameen arrintaas tallaabo aan sharciga waafaqsaneyn. Xilli uu khudbad ka jeedinayay teleefishinka qaranka, Madaxweyne Ruuxaani wuxuu sheegay in “Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto handdadada Mareykanka” Maamulka Trump wuxuu ku doodaya in tallaabada cunaqabateynta dib loogu soo rogayo Iran ay ku qoran tahay heshiiskii uu Mareykanka ka baxay sanadkii 2018-kii ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyerka. Waddamada kala ah UK, Faransiiska iyo Jarmalka waxay sheegeen in Mareykanka uusan laheyn awood uu tallaabadaas ku qaado. Arrinta uu shaaca ka qaaday Mareykanka waxaa ka hor yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ma kala cadda waxa ka dhalan karo go’aanka Mareykanka. Axaddii, saraakiil Amerikaan ah oo aan magacoodu la shaacin o ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in laga bilaabo Isniinta in xukuumadda Washington ay cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xiriiriyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda. Jawaabta Iran Madaxweynaha Iran Ruxuuxaan wuxuu intaas ku daray “Mareykanka wuxuu u sii dhawaanaya guuldarro xilli uu shaaciyay tallaabada cunaqabateynta…wuxuu wajahaya guuldarro iyo jawaab diidmo ah oo uga timid beesha caalamka. Madaxweyne Trump oo Iran u mahadceliyay Mar sii horreysay wasaaradda arrimaha Iran waxay tallaabada Mareykanka ku tilmaantay ‘Mid aan waxbo soo kordhineyn’ isla markaana ‘Tallaabooyinka Mareykanka ay halis weyn ku yihiin nabadda iyo xasiloonida caalamka iyo inay yihiin halis aan horey loo arag oo ka dhan ah Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka” Sida dunida uga falcelisay? Dalalka kala ah UK, Jarmalka iyo Faransiiska oo ka tirsan xubnaha joogtada ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in tallaabada ay shaaca ka qaaday xukuumadda Washington ay ka baxday heshiiskii caalamiga ahaa ee Niyukleerka, aysana u adeegsan karin qodob ku jira si dib loogu abuuro xukun cunaqabateyn ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka waxay sheegtay “Tallaabooyinka sharci darrada ah ee u wado Mareykanka in aysan ka dhalan karin cawaaqib xumo dhanka sharciga ah oo caalami ah oo ka dhan ah dalal kale” Sabtidii, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres wuxuu Golaha Ammaanka u sheegay in tallaabo uusan qaadi karin maadama xaaladda ay u muuqato mid jahwareersan, saraakiisha Mareykanka waxay ku doodayaan inkasta oo ay ka baxeen heshiiska barnaamijka nukliyerka ee Iran haatan ay weli u isticmaali karaan in dib cunaqabateyn u soo saaraan markale. Markii uu Mareykanka isaga baxay heshiiska, wuxuu cunaqabateyn kusoo rogay Iran oo uu si weyn u saameeyay cudurka safmarka ah ee Korona xilli dalkaas uu la daalaa dhacayay dhibaata dhaqaale iyadoo qiimaha shidaalka uu hoos u dhac ku yimid. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta wiil dhalinyaro ku ahaa ku dilay xaafadda Soona-key ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Cali Diini, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka loo yaqaano Bajaajta. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu markii hore askariga soo qaaday, kadibna la sheegay inuu toogtay isaga oo mootada saaran. “Wiilka Bajaajlaha ah ee la dilay askariga oo waddada dhinaceeda taagnaa ayaa ka codsaday inuu qaado waana uu qaaday, balse markii ay marayaeen xaafada Soonakeey uu Askariga rasaas ku furay sidaasina uu ku dhintay darawalkii Mootada.” ayuu yiri qof goobjooge ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dilkaasi uu goobta ka basaday, waxaana Meydka marxuumka meesha qaaday ehelladiisa. Allaha u naxariistee marxuum Bile Cali Diin ayaa ahaa Aabe leh labo Xaas, wuxuuna sidoo kale dukaan ku lahaa xaafadda Soona-key ee degmada Hodan. Ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa inta badan dilal u geysta shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta. The post Bile Cali Diini oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuuud Telecom ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay 32-ka arday ee ku guuleystay imtixaankii ay qaaday horaantii bishii August. Ardaydan ayaa noqotay kuwa ugu dhibcaha badan, ka dib 400 oo arday ahayd oo laga qaaday imtixaanka, Ardaydu waa kuwii horey uga soo qalin jebiyay Dugsiyada Sare ee dalka, isla-markaana naawilaayay waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda. Munaasabadda lagu soo bandhigay laba iyo soddonka arday ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Gudoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf iyo Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi iyo Waalidiin. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo goobta ka hadlay ayaa boggaadiyay doorka Hormuud Telecom, ay ku leedahay bixinta deeqaha waxbarasho, isagoo maamulka ku ammaanay inay culeys badani ka dul qaadeen qoysas fara-badan. Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa ardayda uu nasiibka u hiiliyay kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay maanta haystaan, asagoo ugu baaqay ganacsatada kale ay ku daydaan shirkadda Hormuud. Cabdiraxman Ibraahim Cilmi, Gudomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation ayaa dhankiisa sheegay in shirkaddu sii wadi doonto fursadda waxbarasho, ee ay siinayso bahda waxbarashada, si ay uga faa’iideystaan kuwooda aan awoodin bixinta qarashaadka waxbarashada ee jaamacadda. Dhanka kale ardayda guuleysatay oo wiilal iyo gabdhaba isugu jira ayaa si diiran u soo dhaweeyay deeqda waxbarasho, ee ay ka helayn shirkadda isgaarsiineed ee dalka ugu weyn, iyagoona taasi kaga mahadceliyay. Mudada ardaydu ku guda jirto waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda ayaa waxaa dhaqaalaha ku bixiya bixinaysa shirkadda, iyadoo ardaygu codsan karo jaamacadda ay tahay inuu wax-ka-barto wadanka gudahiisa, sidoo kalana waxa uu u madaxbannaan yahay inuu xusho kulliyadda uu doonayo. Sidoo kale shirkaddu waxay ardayda siin doontaa qalabka iyo tasiilaadka kale, ee ay u baahan yihiin mudada dhawrka sano ahi, ee ay waxbarashada ku guda jiraan. Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo la bixinayo barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom. Hormuud Telecom Scholarship waa deeq waxbarasho oo sanadle ah, oo shirkaddu bilowday April, 2019, iyadoo ujeedka loo aas-aasay barnaamijkan uu yahay in la daboolo baahida waxbarasho ee dalka. HOOS KA DAAWO SAWIRADDA: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha heshiiska doorashooyinka ee ay gaareen dowladda iyo dowlad goboleedyada. Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiiskaas uusan xeer aheyn, wuxuuna tilmaamay in uusan u baahneyn in la asixinyo ama la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in go’aanada ka soo baxay shirkii Muqdisho kaliya lagu gaaray xalka ugu dambeeya ee lagu gali karo doorashada 20/21. “Waxaad ogaataan in heshiiskaas uusan xeer aheyn balse uu yahay xalka ugu dambeeya ee aan isla aragnay oo doorasho lagu geli karo, una baahneyn in la ansixiyo.” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horey u sheegay in heshiiska doorashooyinka la hor geyn doono Golaha Shacabka, si ay uga doodaan, una meel-mariyaan heshiiskaas oo saldhig u ah doorashada soo socota. Si kastabaha ha’ahaatee madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadur ayaa dhowaan isku raacay 15 qodob oo ku aadan doorashooyinka. The post Axmed Madoobe oo si ka duwan Farmaajo uga hadlay heshiiska doorashooyinka first appeared on Caasimada Online.
-
Guud ahaan Nabadda waxaa lagu qeexi karaa wakhti aan dagaal iyo shaqaaqo midna jirin. Guud ahaan, nabad (ama nabad-gelyo) waxay macnaheedu noqon kartaa xaalad wada noolaansho, deggenaan ama xasillooni ah oo aan wax dhib ah jirin haba yaraatee. Nabada iyo caafimaadka bulshadu waa wax isku xiran, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu ku qeexaa caafimaadka inuu yahay “xaalad ladnaansho jireed, maskaxeed iyo mid bulsho oo dhammaystiran, waxay ku tusaysaa in caafimaadku uusan ahayn maqnaanshaha jirro ama naafaanimo oo qura”. Maqaalkan waxaan ku fiirinayaa xaalka Soomaaliya kadib shirkii Carta ee 2000 lagu qabtay dalka Jabuuti annagoo ka eegayna dhanka nabadayta iyo dhismaha dawladnimo. Dib u dhiska dal dagaal ku burburay waa mid aad uga ballaaran dib u dhiska guryo burburay iyo rinjinyentooda. Waxaana asal u ah dib u dhiska xiriirada bulshada ee heerarkooda kala duwan, dib u curinta is aaminaada dadka iyo ku kalsoonaanta hanaanka dowladnimo iyadoo bulshada loo muujinayo rajo wacan ee mustaqbalka. Waxaa muuqata in Shirkii Carta uu Soomaaliya u horseeday soo celinta muuqaalka maqaamkii dawladnimo ee ku dhumay dagaalkii ehliga ahaa iyo burburkii ka dhashay ka bixitaankii ay meesha ka baxday dawladii dhexe. Shirka Nabadda Qaranka Soomaaliya ee 2000 waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Shirka Nabadda Qaranka Soomaaliya (SNPC), kani wuxuu ahaa shirar taxane ah oo lagu qabtay Carta, Jabuuti, laga bilaabo 20 Abriil – 5 Meey 2000. Si ka duwan shirarkii hore ee dib-u- heshiisiinta ee loogu yeeri jiray hogaamiye kooxeedyadii, ururrada hubaysan, shirkii Carta waxaa qayb ballaadhan ka ahaa bulshada rayidka ee aan hubaysan, sidoo kale waxgaradka, hoggaamiyeyaasha qabiilada iyo Culimaa u Diin iyo xubna ka socday ganacsatada. Ka qaybgaleyaal rasmi ah oo ka yimid Somaliland iyo Puntland may jirin sababta oo ah labada maamul waxay doonayeen in aqoonsi u helaan deegaanadooda ka hor inta aysan oggolaan in ay ka soo qaybgalaan shirka. Sidoo kale Carta wax qaybsiga mansabka siyaasadda waxaa lagu go’aamiyey waxay Soomalidu fahmi karto oo ah qabiil waxaan soo baxday nidaamka loo yaqaan 4.5 waxaana la yiri “ Xaq ma ahee waa xal”. Xaalkaa waa tan maanta loo aanaynayo in laabaatan sano kadib laga bixi la’ yahay in habqabsiga siyaasada wali sal looga 4.5 isagoo qabiil ku dhisan. Dhanka kale waxaa muuqatay in shirkii Carta guulaystay natiijadiisuna ahayd in halkaa lagu dhisay Dowladdii Ku-meelgaarka (TNG), dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya tan iyo 1991-kii si loo helo maqaam caalami ah, taasoo u oggolaaneysa Soomaaliya inay mar kale ku guuleysato kursigeedii UN iyo hay’adihii kale sida Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Golaha Islaamka, IGAD iyo hey’ado kale oo dhowr ah. Dawladdii ku meel gaarka ah waxaa ka soo horjeeday koox, loo yaqaan Golaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dib-u-soo-celinta Soomaaliya (SRRC), oo ka koobnaa hogaamiye kooxeedyo ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka. Taas ayaana dhicis ka dhigtay dawladii lagu soo unkay Carta. Iyada oo la isku dayey in la heshiisiiyo TNG iyo kooxdii ka soo horjeeday SRRC, Urur- goboleedka IGAD ee Bariga Afrika waxa uu bilaabay dib-u-heshiisiin qaran oo cusub. Hannaanka ayaa ugu dambeyntii noqday shirkii lixaad ee weyn ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, Shirkii Dib-u-heshiisiinta Qaranka, ee lagu qabtay Eldoret, Kenya, Oktoobar 2002. Waxay soo saartay heshiis xabbad-joojin ah oo ay saxiixeen 24 hoggaamiye kooxeed oo qeexaya baahida loo qabo in la abuuro dawlad leh qaab federaal ah, iyadoo aasaasku yahay midnimadda qaranku taas oo ku cadayd qaab dhismeedkii dawladii lagu sameeyay Carta. Ka dib shirar iyo isku dhacyo iyo isbadallo badan, Soomaaliya maalinba maalinta ka dabaysa waxaa soo kabanaysay dawladnimadeeda iyo muuqaalka iyo maqaamka ay caalamka ku leedahay. Shirarkaa wax ugu waynaa heshiiskii midawga maxaakiimta iyo dawladii TFG oo ka dhacay Jabuuti 2008. Si guud markii aan u eegno arrinta, Carta sanadkii 2000 kadib, waxaa bilowday ifafaalooyin wanaagsan sida inuu jirto hannaankii dawladnimo oo unkamay iyo wax horumar ah oo laga gaaray dhinacayada noolasha, wallow ay jiraan caqabado ka yimid nidaamkii 4.5 ee dib u heshiisiinta shirka Carta saldhiga u ahaa. Waxaa isa soo tarayey in Soomaalidu gaartay halkay ka garawsan lahaayeen inay fahmaan inaysan kala maarmin iyagoo uu ka dhexeeyo dal iyo diin ayna kuwada hadlaan hal luuqad, yihiina dad isku dhaqana, arrinkaasi wuxuu sahli karaa inay dhexdooda ka heshiiyaan qaabka dowladnimo oo ay isla wada oggolyihiin, iyagoo wixii tuhun ah ee dhexdooda ku saabsana ee ka dhashay dagaaladii sokeeya ay meel iska dhigaan. Waxaa muhiim ah in dib u heshiisiinta iyo kalsooni abuuridda ay noqdaan waxqabadka ugu horreeya uguna baaxadda weyn, dawladda iyo ururrada madaniga ahna ay la yimaadaan siyaasad cad oo arrintaa ku saabsan, taasoo fududeyseysa isla markaana dardargelineysa hawlaha qaranka iyo horumarka la hiigsanayo. Dhammaad. Qoraaggu wuxuu ka tirsan yahay hay’adda nabadda iyo is dhexgalka bulshada “Nabad Curiye” Eng. Cabdullahi C. Cali (Faatoxo) The post Xaaladda Soomaaliya 20 sanno ka dib shirkii dib u heshiisiinta Carta appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira dagaal hadda ka socda deegaanka Miirdugul oo ilaa 30 KM dhanka Koonfur bari ka xiga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub culus ayaa ka bilowday kadib markii ciidamada 21-aad ee xoogga dalka, Danab iyo qaar ka tirsan Galmudug ay ku bexeen hawlgallo ay fuliyaan deegaanka oo la sheegayo in maalmahan ay kusoo noqnoqayeen Al-shabaab, isla markaana ay dadkii isaga carareen. In ka badan 11 tikniko ayey wateen ciidamada Galmudug, waxaase dhacday in Al-shabaab ayaa miino u dhigaan mid ka mid ah gawaaridaasi, taasi oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Inta la xaqiijiyey 3 askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi miinada halka khasaare kale oo dhimasho la sheegayo. Ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-shabaab ayaa hadda isku hor fadhiya deegaanka Miirdugul, waxaana la sheegayaa inuu dagaal socdo, lagana yaabo inuu sii xoogeysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabelaha Hoose waxa sheegeen inay ku soo qabteen qaraxyo miino oo Al-Shabaab ay ku diyaariyeen duleedka deegaankaasi. Taliyaha ururka 143 ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen duleedka Bariire lagu soo qabtay qaraxyadaasi, oo uu tilmaamay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalkaasi lagu dilay illaa13 xubnood oo ka tirsan dagaalayahanada Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada milatariga Soomaaliya ay isku fidiyeen tuulooyinka hoos yimada deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Taliska Ciidanka Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan, oo ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose. Taliyaha Ururka 143-aad ee Milateriga Soomaaliya, Dhamme Axmed Xasan Siyaad, ayaa Wakaaladda Wararka SONNA ka soo xigatay in Hawlgalkaasi lagu dilay ilaa 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabab. Taliyaha ayaa sidoo kale laga soo xigtay, in Hawlgalka lagu qabtay qaraxyo ay Al-shabaab ku diyaarinayeen duleedka Degaanka Bariire iyo tuulooyin hoostaga, kuwaas oo ay doonayeen in ay Shacabka ku dhibaateeyaan Ciidamada Milateriga Soomaaliya, oo hawlgalo xiriir ah ka wada Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa todobaadyadii u dambeeyay guulo ka sheegtay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen 13 Al-shabaab ah qaraxyana fashiliyeen appeared first on Puntland Post.
-
Dear Stakeholder, BURN Manufacturing Co. will implement the carbon project activity ‘VPA1: Efficient and Clean Cooking for households in Puntland‘ under the Gold Standard Programme of Activities (PoA) ‘ECOA_BURN multi-country Clean Cooking Programme’. The PoA is managed by BURN Manufacturing Co. In this context a Local Stakeholder Public Consultation will be carried out for all local, affected and interested stakeholders, including non-governmental organizations, women groups, research institutes and organizations/individuals working on topics related to the project activity, policy makers on a national and state level as well as for local people, communities and or representatives who are directly or indirectly affected by the project. Please note that this Local Stakeholder Consultation would be also valid for any other Voluntary Project Activities (VPAs) implemented in Puntland under BURN’s Gold Standard PoA ‘ECOA_BURN multi-country Clean Cooking Programme’, provided that they are homogeneous, i.e. deploy the same stove type(s), target the same end-users and consist of the same project boundary as VPA1. BURN Manufacturing Co. (Coordinating and Managing Entity of the PoA) invites all interested parties to attend one of the following Local Stakeholder Consultation meetings: October 21, 2020, 8:30 am to 13:00 pm in Garowe Martisoor hotel Jidka wasaaradaha, Garoowe (+252) 907 742 118 Stakeholders who cannot physically attend the meeting, have the possibility to participate online through Zoom. The login details are the following: October 21st Meeting ID: 815 7930 8351 Link: https://us02web.zoom.us/meeting/register/tZUocOCrrjMpH9Xv3dskyBtlL5rxMyk8qrci In case of any questions or if you want further details and project information prior to the consultation, please write an Email to Lucie Millard, Strategic Associate / Expansion at BURN (lucie.millard@burnmfg.com) or give a call to Mohamed Osman Adam, Director BURN Manufacturing Inc. – Somali Regions (+252 633 065 733). Please use these contact details also for providing your feedback in case you are not able to participate in the stakeholder meeting. AGENDA Reception – Signing participants list (8:30 am) Introduction & Project presentation (9:00 am) Questions and comments on the project (9:30 am) Safeguarding Principles Assessment of the project (10:30 am) Sustainability assessment of the project (11:15 am) Discussion on grievance mechanism and monitoring of sustainable development impacts (12:15 am) Evaluation forms and closure of meeting (12:30 am) Cooking demonstration (12:45 am) Lunch (13:00 am) Shirka la tashiga daneeyayaasha maxaliga ah ee heerka waxqabadka hufan ee karboonka iyo karinta cuntada wanaagsan ee nadiifta ah sida ay ugu suurtoobi lahayd qoysaskeena ku nool Puntland. Mudanayaal iyo marwooyin, Shirkada wax –soo-saarka ee BURN, waxay hirgalin doontaa mashruuca wax qabadka ee kaarboonka oo loo yaqaan (VPA1) mashruucani wuxuu ku sahabsan yahay sida uu qoys walba oo Puntland ku nool ugu suurtoobi lahayd cunto karis wanaagsan oo nadiif ah, waxay shirkada BURN fulinaysaa barnaamijka tayadiisu sarayso ee loo yaqaano Dahab, kaasoo heerkiisa wax qabad uu aad u sareeyo ‘ECOA_BURN. Barnaamijka wax kariska cuntada wanaagsan ee nadiifta ah oo ay hada shirkada BURN ka fulinayso wadamo badan ayaa loo yaqaanaa (PoA) waxaana mashruucan iska leh si khaas ahna u maamusha shirkada wax-soo-saarka ee BURN. Sidaa daraadeed waxay shirkada BURN ay u qabanaysaa shir daneeyayaasha mashruucan oo ay ka mid yihiin wasaaradaha dawlada Puntland gaar ahaan wasaarada deegaanka, haayadaha hoos yimaada qaramada midoobey, ururada aan dawliga ahayn, ururada haweenka ,machadyadaa cilmi baadhista iyo dadka deegaanka ah ee ay si toos ah ama si dadban uu mashruucani u saamaynayo. Shirkada wax-soo-saarka ee BURN, (isku-duwidda iyo maaraynta hay’adda PoA) waxay ku martiqaadaysaa daneeyayaasha maxaliga ah in ay ka soo qayb galaan mid ka mida ah shirka wada tashiga ee la qaban doono wakhtiyada soo socda. October 21, 2020, 8:30 am to 13:00 pm in Puntland Martisoor hotel Jidka wasaaradaha, Garoowe (+252) 907 742 118 Mudanayaasha iyo Marwooyinka daneeyayaasha ah ee aan ka soo qayb gali Karin kulankan waxay fursad u leeyihiin inay uga soo qayb galaan khadka tooska ah ee loo yaqaan ZOOM. Faahfaahinta galitaanka khadka ZOOM. Waa kuwan hoos ku xusan. October 21st Meeting ID: 815 7930 8351 Link: https://us02web.zoom.us/meeting/register/tZUocOCrrjMpH9Xv3dskyBtlL5rxMyk8qrci Hadii aad u baahato faahfaahin dheeraada ah oo ku sahabsan macluumaadka kulanka wada tashiga fadlan u qor Email lucie millard oo ah agaasimaha istarajiyada is balaarinta ee shirkada BURN (lucie.millard@burnmfg.com) Ama garaac Mohammed Adam agaasimaha shirkada BURN ee degaanka soomaalida (+252 633 065 733). Mudanayaal iyo Marwooyin hadii aydiin suurtoobi waydo ka soo qayb galka shirka waxaad nagala soo xidhiidhaan ciwaanadan kor ku xusan. AJENDAHA SHIRKA Soo dhawaynta saxiixa liiska ka qayb galayaasha (8:30 am) Hordhaca iyo soo bandhiga mashruuca (9:00 am) Suaalaha iyo faalooyinka ku sahabsan mashruuca (9:30 am) Ilaalinta mabaad’ida qiimaynta mashruuca (10:30 am) Qiimaynta joogtada ah ee mashruuca (11:15 am) Doodaha ku sahabsan cabashooyinka iyo kormeerka samaynta horumarka waara (12:15 pm) Foomamka qiimaynta iyo xiritaanka shirka (12:30 pm) Soo bandhiga Cunto karista (12:45 pm) The post Press Release: Local Stakeholder Consultation for Gold Standard carbon project activity ‘Efficient and Clean Cooking for households in Puntland‘ appeared first on Puntland Post.
-
Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Noordin Haji, ayaa amar ku bixiyay in la baaro $ 71 milyan oo ah “wax iibsasho aan caadi ahayn” oo ay la xiriirto Koroona oo ay sameysay Hay’adda Adeegga Caafimaadka ee Kenya (KEMSA). Shaqaalaha isbitaallada dhibaatada ugu badan la tacaalaya ee Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin si ay u muujiyaan waxa ay ku sheegeen dhaqamada fadeexada ah ee hay’adda, oo dawooyinka iyo qalabka caafimaad u iibisa isbitaallada guud ee dalka. Saddax toddobaad ka hor, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday gudiga qaran ee Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) in ay baaraan qandaraasyada la siiyay shaqsiyaad saamayn leh, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, iyadoo aan la ixtiraamin shuruucda wax soo iibsiga dadweynaha. Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa baaritaan uu sameeyey shaqada kaga hakiyey madaxa hay’adda KEMSA Jonah Manjari iyo agaasimaha waaxda sahayda Charles Juma. Dhowr ganacsato reer Kenya ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay sifo aan sharci aheyn ula baxeen lacag gaareysa $ 400 milyan oo hanti dowladeed ah taasi oo loogu talo-galay in lagu bixiyo qalabka caafimaad ee loo baahan yahay si loola tacaalo cudurka safmarka ah ee Koroona. Wadamo badan oo ku yaallo qaaradda afrika uu saameeyey xanuunka ayaan wngsan loo maamulin qarashaad ay hey’adda caafimaadka adduunka WHO u qoondaysay wadamadaas in ay kula tacaalaan kiisaska xanuunka Koroona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada labada Aqal ayaa lagu wadaa inay maanta u codeeyaan Raysal wasaaraha uu Madaxweyne Farmaajo usoo xulay inuu badalo Xasan Cali Kheyre. Maxamed Xasan Rooble [...] The post Baarlamaanka oo lagu wado inay maanta codka kalsoonida u qaadaan Raysal wasaaraha uu magacaabay Madaxweynuhu appeared first on . Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka markale ka dhacay gudaha deegaanka Miirdugul oo koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuuxuu u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal qaraar oo muddo qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka kadib ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Miirdugul ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac uu ka dhashay khasaare lixaad leh. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen garoonka magaaladaasi, waxaana taas ay keentay howl-gallada ay wadaan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. The post Dagaal markale ka dhacay duleedka Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
-
A covert Kenyan paramilitary team armed and trained by the US and supported by UK intelligence is behind renditions and controversial killings of terror suspects, the Star can reveal Source: Hiiraan Online
-
Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan dhinacyo badan taabanaya la yeeshay taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed. Kulankan ayaa waxaa arimaha loog hadlay ka mid ah, isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya, iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha ammaan ee doorashooyinka. Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay taageero hor lehoo ay siinayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Booliiska. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Qaramada Midoobay taageerada ay had iyo jeer siiso Soomaaliya. Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay Soomaaliya siiyaan taageero kala duwan, sida Amniga dhaqaalaha iyo caawinta qoysaska barakacayaasha ah. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa firxad iyo Carar ku jiray Maleeshiyaadkii Argagixisada uu ku dhuumaalaysanayay Biuralayda Galgala, kadib markii Ciidamada Puntland ay isticmaaleen isyøtaraajiyad cusub oo [...] The post Ciidamada Puntland waxay guul weyn ka gaareen Ladagaalanka Argagixisada Buuraha Galgala, Maxay isticmaaleen appeared first on . Source
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa shaacisay in uu Soomaaliya ka caawin doonto arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka Amniga, gaar ahaanna Qorshaha Sugidda Amniga Doorashooyinka soo socda. Wakiilka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, ayaa ballan-qaaday in Xafiiskiisu Soomaaliya ka caawin doono Sugidda Amniga Doorashooyinka. Kulanka labada mas’uul, ayaa sida weyn loogu faaqiday kulanka isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka, iskaashiga dhanka Amniga iyo qorshaha Ammaan ee doorashooyinka soo socda. Qaramada Midoobay, ayaa Soomaaliya waxaa ay ka taageertaa dhinacyop dhowr ah oo ay ugu horreeyaan dhinacyada Ammaanka iyo sidoo kale dhanka Taageerada xaaladaha Bani’aadanimo. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ka caawinaysa Sugidda Amniga Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka caawin doonto arrimo dhowr ah kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka soo socda oo dalka uu galayo dabayaaqada sanadkaan 2020-2021-ka. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Jemes Swan oo kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar ayaa looga hadlay arrimo quseeyo doorashooyinka. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa aad loo falanqeeyey sidii saaxiibada Soomaaliya ay taageero dhan ammaanka u siin lahaayeen dowladda waqtiga lagu jiro doorashooyinka, oo inta badan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ay dhaqaalo badan ku bixiyaan. Qaramada Midoobay ayaa dowladnimada Soomaaliya waxaa ay ku bixisaa dhaqaalo badan oo dhanka amniga ah, sida ciidama AMISOM oo mushaarkooda ay bixiso waxaana sidoo kale ay bixiyaan qarashaadka xiligi doorashooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaaladda Beledweyne ayaa aad looga deyrinayaa, kadib markii uu markale fatahaad ka geystay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in xaafadaha qaar ee Beledweyne laga barakacay, halka kuwa kalena la dagan yahay, balse ay ku hareereysan biyaha dhex ceegaaga magaalada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ka jirto halkaasi, isaga oo baaq u dirau dowladda federaalka, HirShabelle iyo haya’daha samafalka. Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa-laabta sanad-welba fatahaadaha ku dhufta bartamaha magaaladaasi, waxaana saameynta ugu daran ay soo gaartaa dadka nugul ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida caddaaladda JSL garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda Ingiriiska ay waddaagaan iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa wakiilka kala hadlay in ay xoojiyaan, siina wadaan kaalmadii UK siin jirtay guud ahaan dalka gaar ahaana, hay’adda garsoorka, iyada oo mar walba Somaliland dhankeeda diyaar u tahay horumarinta hay’adda garsoorka oo dhaqaalaha wadanka ka soo baxa hay’adda garsoorka lagu wado, haddana in ay Somaliland hesho kaalmada ay xaqa u leedahay Ingiriiska iyo adduunka oo dhan siiyo, Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay taageerada ay UK u fidiso hay’adda garsoorka, guud ahaan mucaawinada ay siiso garsoorka iyo hay’addaha kale ee la hal-maala ee soo gala sharciga iyo kala dambaynta (rule of law). Waxa kale, oo guddoomiyuhu uga mahadceliyay is-kaashiyadii hore ay dawladda Ingiriisku u fidisay Somaliland, gaar ahaan serfarada (server) loo isticmaalo dacwadaha (case management) oo si rasmi ah ay shalay ugu wareejiyeen, kuwaasi oo hore maxkamaddaha Hargeysa loogu tijaabiyay iyo sidii mustaqbalka dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa, dhaqaalana loogu raadin lahaa. Wakiilka ayaa dhankiisa guddoomiyaha ka waraystay arrinta doorashada iyo arrimaha kale ee wadanka ka socda ee hay’adda garsoorku doorka ku leedahay, waxa kale oo uu uga mahad naqay is-kaashiga wanaagsan ee ay la leeyihiin Hay’adda garsoorka iyo sida haboon ee ay u socoto dib-u-habaynta garsoorku, dadkuna ugu kalsoon yihiin. Wakiilka Ingiriiska ee Somaliland ayaa sidoo kale balan-qaaday sii wadida kaalmadii hay’adda garsoorka ay siin jireen, isaga oo uga waramay guddoomiyaha dib-u-habayn lagu sameeyay xafiisyadii Ingiriiska ee kaalmada ku bixin jiray adduunkoo dhan, kuwaasi oo hore ugu hawl gali jiray laba magac oo kala ahaa (DFID iyo FCO) halka imika la mideeyay lagana dhigay Xafiiska horumarinta arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka (FCDO) (Foreign Commonwealth and Development Office) Ugu danbayn waxa uu shirku ku soo dhamaaday is-af-garad iyo in la sii wado wada shaqaynta soo jireenka ah ee u dhaxaysa Ingiriiska iyo Somaliland. Source
