Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey Xafladii ay Beeshiisa ugu mahad celiyeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada qaabkii ay u maareeyeen Murankii ka [...] The post Xasan Sheikh muxuu ka yiri Xafladii Maanta ay Beeshiisu ku casuntay Madaxweynayaasha appeared first on . Source
  2. Waxaa la isku raacay in maalinta Sabtida ah la horgeeyo Baarlamaanka Heshiiskii ay dhowaan wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya ee Habraaca Doorashada. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha [...] The post Heshiiskii Doorashada oo si wadajir ah ay labada Aqal Cod ugu qaadayaan Sabtida 26 Sep. appeared first on . Source
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-22092020.mp3 View the full article
  4. Xafladii masnta ka dhacdey Muqdisho oo Beesha Mogadishu Clan ay ku casumeen Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa Khudbado ka jeediyey Masuuliyiin hore iyo kuwo hada xilal haya. [...] The post Daawo Khudbadii Madaxweyne Cali Mahdi ee Munaasabadii Masnta iyo Muqdisho appeared first on . Source
  5. Beelweynta Mogadishu Clan waxay maanta Xaflad soo dhaweyn iyo Mahadcelina u qabteen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo lagu amaanay Howshii ay ka qabteen Doorashada dooda inakusoo haysa. [...] The post Daawo Khudbadii CC ee Xafladii maanta Muqdisho appeared first on . Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweynayey madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ku qabteen ayaa ka hadlay marxaladda ay haatan wajaheyso doorashada Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadada maanta wax lagu wado ay tahay tii ay horay u furtay dowladii tan ka horeysay ee uu hoggaaminayey. “Doorashadii hore waxaa la-lahaa jiitamaad badan ayaa ku jira, laakiin jiitankaas wadada aad maanta ku raaxeysaneysaan ayuu falay, marka dhibka aan ka soo marnay taas waxaa ogaa akhyaartii ila soo shaqeysay xilligaas oo Axmed Madoobe uu ka joogo, marka ragga hadda shaqeynaya hambalyo ayaan leeyahay waad soo dadaasheen inta dhimana kalsooni badan ayaad abuurateen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda ayba ula muuqato in waqtigeeda laga soo hor mari karo doorashada, hadii caqli la isticmaalo. “Dhinicii siyaasadda waad soo dhameyseen, laakiin hadii caqlina la isticmaalo, dadka khibradda u leh oo doorashadii hore nagala shaqeeyeyna loo adeegsado, waxaana is leeyahay wixii shalay naga halaabay xataa wey garanayaan oo shaqo tii ka qurxoon ayey qaban karaan,” ayuu yiri . Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shirkan oo beelaha Mogadishu Clan ay u qabteen madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in maalinba ay wax soo dhismayeen Soomaaliya, rajaduna ay fiicantahay hadda. Halkan hoose ka Daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo soo jeediyey qorshe doorashada waqtigeeda looga soo hor-marin karo first appeared on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweynayey madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ku qabteen ayaa ka hadlay marxaladda ay haatan wajaheyso doorashada Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadada maanta wax lagu wado ay tahay tii ay horay u furtay dowladii tan ka horeysay ee uu hoggaaminayey. “Doorashadii hore waxaa la-lahaa jiitamaad badan ayaa ku jira, laakiin jiitankaas wadada aad maanta ku raaxeysaneysaan ayuu falay, marka dhibka aan ka soo marnay taas waxaa ogaa akhyaartii ila soo shaqeysay xilligaas oo Axmed Madoobe uu ka joogo, marka ragga hadda shaqeynaya hambalyo ayaan leeyahay waad soo dadaasheen inta dhimana kalsooni badan ayaad abuurateen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda ayba ula muuqato in waqtigeeda laga soo hor mari karo doorashada, hadii caqli la isticmaalo. “Dhinicii siyaasadda waad soo dhameyseen, laakiin hadii caqlina la isticmaalo, dadka khibradda u leh oo doorashadii hore nagala shaqeeyeyna loo adeegsado, waxaana is leeyahay wixii shalay naga halaabay xataa wey garanayaan oo shaqo tii ka qurxoon ayey qaban karaan,” ayuu yiri . Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shirkan oo beelaha Mogadishu Clan ay u qabteen madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in maalinba ay wax soo dhismayeen Soomaaliya, rajaduna ay fiicantahay hadda. Halkan hoose ka Daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo soo jeediyey qorshe doorashada waqtigeeda looga soo hor-marin karo first appeared on Caasimada Online.
  8. Xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah kulan ku yeelanaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, kaddib fariinta guddoonka golaha. Ajendaha kulanka ayaa ah hadal jeedinta madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeedin doona fadhiga golaha Shacabka. Sidoo kale waxay u codeyn doonaan kalsooni siinta Ra”iisul-wasaaraha cusub ee xukummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka Ra”iisulwasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo maanta beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ugu sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo jeediyey in la qabto shir-weyne qaran. Cali Mahdi ayaa ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ku amaanay badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ee xilligan, maadaama sida uu sheegay hadii uusan tanaasuli laheyn dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya ay khatar ugu jirtay inay burburto. “Madaxweynaha waan uga mahad celinayaa, waana ku bogaadinayaa, markii uu arkay hadii saan loo kala taagnaado in qaranimada Soomaaliya ay burbureyso tanaasulka uu muujiyey, runtii waan ku amaaneynaa go’aankaas uu qaatay,” ayuu yiri. Cali Mahdi ayaa ka dhawaajiyey in Soomaaliya ay dhibaato daran ku soo jirtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, maantana aysan u baahneyn khilaaf dambe, “Soomaalidu waxay u baahantahay inay is walaashato maanta,” ayuu yiri. Mahadweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaantood ku sugnaa xafladan ka dalbaday inay qabtaan shir-weyne Qaran oo la isugu keenayo dadka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay. “Soomaaliya dhibaataa kala gaartay waa is dishay, waa kala guurtay, waliba qof kasta waxa uu ku noqday tuuladii uu lahaa, hadda kor waa la iska fiirsanayaa oo waal la isku jeedaa, laakiin la isu imaan maayo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in cudurka ka dhashay colaadihii dalka ka dhacay uu sii jiraayo illaa dadka Soomaaliyeed la isugu keenaayo shir weyne ay isku saamaxaan. “Waxaan inka codsanayaa in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo dib u heshiisiin dhaba la sameeyo, hadeysan dhicin taas oo aan shirkaas la qaban, Soomaali colaadu waa jireysaa, waxayna ku daawoobi karaan in la isu keeno, maanta idinkaa masuul ka ah dalka ee shirweyne Qaran hala qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Cali Mahdi Maxamed. Halkan hoos ka Daawo The post Muxuu yahay shir-weynaha cusub ee uu Cali Mahdi ku baaqay maanta? + Video first appeared on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo maanta beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ugu sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo jeediyey in la qabto shir-weyne qaran. Cali Mahdi ayaa ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ku amaanay badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ee xilligan, maadaama sida uu sheegay hadii uusan tanaasuli laheyn dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya ay khatar ugu jirtay inay burburto. “Madaxweynaha waan uga mahad celinayaa, waana ku bogaadinayaa, markii uu arkay hadii saan loo kala taagnaado in qaranimada Soomaaliya ay burbureyso tanaasulka uu muujiyey, runtii waan ku amaaneynaa go’aankaas uu qaatay,” ayuu yiri. Cali Mahdi ayaa ka dhawaajiyey in Soomaaliya ay dhibaato daran ku soo jirtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, maantana aysan u baahneyn khilaaf dambe, “Soomaalidu waxay u baahantahay inay is walaashato maanta,” ayuu yiri. Mahadweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaantood ku sugnaa xafladan ka dalbaday inay qabtaan shir-weyne Qaran oo la isugu keenayo dadka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay. “Soomaaliya dhibaataa kala gaartay waa is dishay, waa kala guurtay, waliba qof kasta waxa uu ku noqday tuuladii uu lahaa, hadda kor waa la iska fiirsanayaa oo waal la isku jeedaa, laakiin la isu imaan maayo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in cudurka ka dhashay colaadihii dalka ka dhacay uu sii jiraayo illaa dadka Soomaaliyeed la isugu keenaayo shir weyne ay isku saamaxaan. “Waxaan inka codsanayaa in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo dib u heshiisiin dhaba la sameeyo, hadeysan dhicin taas oo aan shirkaas la qaban, Soomaali colaadu waa jireysaa, waxayna ku daawoobi karaan in la isu keeno, maanta idinkaa masuul ka ah dalka ee shirweyne Qaran hala qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Cali Mahdi Maxamed. Halkan hoos ka Daawo The post Muxuu yahay shir-weynaha cusub ee uu Cali Mahdi ku baaqay maanta? + Video first appeared on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbaddii uu ka jeediyay gogoshii ay maanta beesha Mogadishu Clan u dhigtay wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho. Hogaamiyaha Jubbaland wuxuu bogaadiyay sida ay isku badashay magaalada Muqdisho, isla markaana waxa dhibka ugu weyn dadka ku haya ay tahay kooxda Al-Shabaab ee aysan jirin cid iska xigsaneysa iyo dad aan kala fikir duwaneyn. Axmed oo hadal ku tuuraya beesha Mogadishu Clan oo ay marti u ahaayeen wuxuu yiri: “Soomaalida markey is xamaneyso waxey oran jirtay dowladnimada Mogadishu Clan ugu daran, oo laguma xaman jirin in dowladnimada looga fiican yahay.” “Waxaa hadda muuqata cidda dowladnimada ugu dhaw, ee raadineysa, ee war dowladnimo, war Soomaali, war hala isku yimaado, war shir nabadeed oraneysa iney Mogadishu Clan yahiin waan idinkaga mahad celinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhinaca kale Axmed Madoobe wuxuu madasha uga mahad celiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u dhaqmay intii lagu jiray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen wuxuuna yiri: “Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda inuu yiri – anigu xitaa dhan farsamo ma rabo ee waxaan rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu dhaw ee dadka loogu qabto doorasho, una arko iney xasiloonida intaas ku jirto.” Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay waxa ay u qalanto magaalada Muqdisho iyo hadii beelweynta Mogadishu Clan ay ka xigaan Soomaalida kale. “Waxaan rabaa inaan ka hadlo magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, Hawiyow aad u dhageysta, caasimaddan Mogadishu Clan dadka kama xigo, waa magaaladaan kusoo koray waxna ku bartay, caasimadda Muqdisho waa iney yeelato maqaam sharci ah oo ay leedahay oo ay matalaad ku leedahay, caasimadda uma baahna gudoomiye loo soo magacaabo, uma baahna nin mar walba la badalo, waxey u baahan tahay gole deegaan, maamul iyo dhaqaale dadka wax loogu qabto, biyo macaan ay helaan, koronto lacag la’aan ah iyo dhaqaalahooda oo dib loogu celiyo.” “Xiligii horana waan ka hadalnay howshaas, maanta hadii Baarlamaanka go’aankaas gaari waayo, waxyaabaha aan rabno raadka in laga tiro waxaa ka mid ah, doorashada soo socota inaan lagu murmin, maqaamka caasimadda iyo matalaadeeda inaan lagu murmin oo la qeexo, wax walba wax cad oo la isku ogyahay iney noqoto ayaan rabnaa.” “Howsha aan sidaas u wada qaadano, yaanan isku dhaga-hadlin, anaa ugu jecel Muqdisho iney maqaam iyo matalaad yeelato, qof iga xigana ma jiro, waxaan idinka sugeynaa inaan sameyno fulinta waxyaabaha aan heshiiska ku gaarnay, ayna soo baxdo in loo dareeri karo doorashada” The post Axmed Madoobe: Hawiyow magaalada Muqdisho dadka kama xigtaan + Video first appeared on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbaddii uu ka jeediyay gogoshii ay maanta beesha Mogadishu Clan u dhigtay wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho. Hogaamiyaha Jubbaland wuxuu bogaadiyay sida ay isku badashay magaalada Muqdisho, isla markaana waxa dhibka ugu weyn dadka ku haya ay tahay kooxda Al-Shabaab ee aysan jirin cid iska xigsaneysa iyo dad aan kala fikir duwaneyn. Axmed oo hadal ku tuuraya beesha Mogadishu Clan oo ay marti u ahaayeen wuxuu yiri: “Soomaalida markey is xamaneyso waxey oran jirtay dowladnimada Mogadishu Clan ugu daran, oo laguma xaman jirin in dowladnimada looga fiican yahay.” “Waxaa hadda muuqata cidda dowladnimada ugu dhaw, ee raadineysa, ee war dowladnimo, war Soomaali, war hala isku yimaado, war shir nabadeed oraneysa iney Mogadishu Clan yahiin waan idinkaga mahad celinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhinaca kale Axmed Madoobe wuxuu madasha uga mahad celiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u dhaqmay intii lagu jiray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen wuxuuna yiri: “Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda inuu yiri – anigu xitaa dhan farsamo ma rabo ee waxaan rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu dhaw ee dadka loogu qabto doorasho, una arko iney xasiloonida intaas ku jirto.” Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay waxa ay u qalanto magaalada Muqdisho iyo hadii beelweynta Mogadishu Clan ay ka xigaan Soomaalida kale. “Waxaan rabaa inaan ka hadlo magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, Hawiyow aad u dhageysta, caasimaddan Mogadishu Clan dadka kama xigo, waa magaaladaan kusoo koray waxna ku bartay, caasimadda Muqdisho waa iney yeelato maqaam sharci ah oo ay leedahay oo ay matalaad ku leedahay, caasimadda uma baahna gudoomiye loo soo magacaabo, uma baahna nin mar walba la badalo, waxey u baahan tahay gole deegaan, maamul iyo dhaqaale dadka wax loogu qabto, biyo macaan ay helaan, koronto lacag la’aan ah iyo dhaqaalahooda oo dib loogu celiyo.” “Xiligii horana waan ka hadalnay howshaas, maanta hadii Baarlamaanka go’aankaas gaari waayo, waxyaabaha aan rabno raadka in laga tiro waxaa ka mid ah, doorashada soo socota inaan lagu murmin, maqaamka caasimadda iyo matalaadeeda inaan lagu murmin oo la qeexo, wax walba wax cad oo la isku ogyahay iney noqoto ayaan rabnaa.” “Howsha aan sidaas u wada qaadano, yaanan isku dhaga-hadlin, anaa ugu jecel Muqdisho iney maqaam iyo matalaad yeelato, qof iga xigana ma jiro, waxaan idinka sugeynaa inaan sameyno fulinta waxyaabaha aan heshiiska ku gaarnay, ayna soo baxdo in loo dareeri karo doorashada” The post Axmed Madoobe: Hawiyow magaalada Muqdisho dadka kama xigtaan + Video first appeared on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-2292020-ok.mp3 View the full article
  14. International partners* take note of the agreement announced by the Federal Government of Somalia (FGS) President and the five Federal Member State (FMS) Presidents regarding the 2020/21 electoral process. They acknowledge that this agreement resulted from a Somali-led and Somali-owned dialogue among FGS and FMS leaders, and understand that some details of the agreed process are still to be clarified and additional stakeholders may be consulted. The partners observe with regret that the announced model falls short of the longstanding Somali goal of direct voting for members of parliament in this electoral cycle. The partners urge that the 2020/21 electoral process be free, fair, transparent and inclusive. Looking to the future, international partners encourage rapid progress to establish other Somali democratic institutions, including the judicial services commission and the human rights commission, along with efforts to advance the review of the Provisional Federal Constitution and ensure respect for international commitments on human rights. Partners would also welcome a roadmap with clear milestones, agreed among Somali political leaders, to ensure decisive democratic progress going forward. International partners appeal to the FGS and FMS leaders to continue meeting regularly in a spirit of dialogue and compromise to address urgent national priorities, including security and economic reform as well as inclusive politics. View the full article
  15. Kenya Defence Forces troops on Monday killed five Shabaab militants after they ambushed a military convoy. The ambush happened in Lafey, Mandera County near the Kenya-Somalia border. While security bosses have dodged questions regarding the incident, reliable reports say one KDF soldier was killed and two others left injured as they attempted to contain the militants. Sources say the terrorists ambushed KDF officers along Alungu-Elwak Road on morning hours using grenades and guns. According to the sources, the Kenyan troops were heading to an airstrip when the militants laid an ambush, prompting gunfire. Other than the five militants who were killed, others are said to have escaped with injuries. The incident happened five days after two traders on a motorbike were attacked by suspected Al shabaab militants along Fino-sheikh Barrow road, Lafey Sub County. The two survived the ambush. View the full article
  16. Following his ouster last July as PM, Hassan Ali Khaire kept silent on public talk as the country enters a new political situation with leaders working around the clock to hold polls. But, Khaire maintained receiving former comrades at his residence in Mogadishu’s heavily protected airport road to discuss forthcoming elections as he declared to run for president. Last night, Khaire held a meeting with Galmudug leader Ahmed Abdi Kariye better known as Qor-Qor, and discussed the latest development in the regional state. The immediate former premier joins a tough race for presidency against incumbent and other political heavyweight figures, including opposition leader Abdirahman Abdishakur. View the full article
  17. The UN humanitarian agency on Tuesday called for increased funding to provide life-saving humanitarian assistance to millions of Somalis in need. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said that slowing down programs due to funding constraints could reverse recent humanitarian and socio-economic gains in Somalia. The OCHA said Somalia funding constraints come when the triple threat of COVID-19, floods and locusts has aggravated humanitarian needs. “It is critical that further support is provided to ongoing humanitarian responses,” the UN humanitarian agency in a statement. According to OCHA, the Somalia Humanitarian Response Plan which seeks 1.01 billion U.S. dollars to assist and protect three million out of 5.2 million people in need, has only received 575 million dollars. It said several humanitarian clusters have received less than 35 percent of required funding, which has impacted their programs in the Horn of Africa nation. The OCHA said it works with 363 humanitarian partners that provide life-saving assistance and protection to 3 million out of 5.2 million people who need assistance across Somalia. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo wakiillada beesha caalamka, kadib qoraalkii lama filaanka ah ee beesha caalamka ay ku dhaliishay heshiiska doorashada Soomaaliya. Kulankan ayaa waxa loog hadlay oo diirada lagu saaray arrimo badan oo ay kamid yihiin: Amniga, Dhaqaalaha, siyaasadda dalka iyo weliba marxalada kala-guurka ah. Waxaana kulankaasi Mahdi ku wehlinayey wasiirro ka tirsan xukuumadii dhacday ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Mudane Mahdi Guuleed oo kulankaasi kadib ka warbixiyay ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay kala hadleen heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho. Wuxuuna xusay in kulankaasi si gaar looga wada-hadlay dib u habeynta federaalka iyo isbedeladii siyaasadeed ee bilowday tan iyo markii xilka laga tuuray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka. ”Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda” ayuu yiri. “Waxaana ka hadalnay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota” ayuu sidoo kale yiri Mudane Guuleed. Ugu dambeyntiina waxa uu carabaabay in kulankaasi si fiican loogu lafo-guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo sidii arrintaas looga miro-dhalin lahaa. Shirkan ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka yahay isku-dayo ay dowladda federaalku ku rabto inay beesha caalamka ku qanciso heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka, xili ay wer-wer badan ka qabaan arrintaas wakiilada beesha caalamku. Beesha caalamka oo shalay qoraal kasoo saatay heshiiskii doorashada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. “Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibadu waxay fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.” The post Sawirro: DF oo la kulantay xubnaha beesha caalamka kadib qoraalkii lama filaanka ahaa ee kasoo baxay first appeared on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo wakiillada beesha caalamka, kadib qoraalkii lama filaanka ah ee beesha caalamka ay ku dhaliishay heshiiska doorashada Soomaaliya. Kulankan ayaa waxa loog hadlay oo diirada lagu saaray arrimo badan oo ay kamid yihiin: Amniga, Dhaqaalaha, siyaasadda dalka iyo weliba marxalada kala-guurka ah. Waxaana kulankaasi Mahdi ku wehlinayey wasiirro ka tirsan xukuumadii dhacday ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Mudane Mahdi Guuleed oo kulankaasi kadib ka warbixiyay ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay kala hadleen heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho. Wuxuuna xusay in kulankaasi si gaar looga wada-hadlay dib u habeynta federaalka iyo isbedeladii siyaasadeed ee bilowday tan iyo markii xilka laga tuuray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka. ”Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda” ayuu yiri. “Waxaana ka hadalnay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota” ayuu sidoo kale yiri Mudane Guuleed. Ugu dambeyntiina waxa uu carabaabay in kulankaasi si fiican loogu lafo-guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo sidii arrintaas looga miro-dhalin lahaa. Shirkan ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka yahay isku-dayo ay dowladda federaalku ku rabto inay beesha caalamka ku qanciso heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka, xili ay wer-wer badan ka qabaan arrintaas wakiilada beesha caalamku. Beesha caalamka oo shalay qoraal kasoo saatay heshiiskii doorashada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. “Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibadu waxay fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.” The post Sawirro: DF oo la kulantay xubnaha beesha caalamka kadib qoraalkii lama filaanka ahaa ee kasoo baxay first appeared on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa beri 24-ka September 2020 hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya halkaas oo uu khudbad uu ka jeedin doono. Kulanka ayaa lagu wadaa sidoo kale in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisulwasaarah magacaban Maxamed Axmed Rooble,oo dhawaan loo igmaday xilkan. Sidoo kale qorshaha Golaha shacabka ayaa ah sidii ay u meel marin lahayeen heshiiska arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gareen Madaweyne Maxamed Cabdullahi Faarmaajo,Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Madaxda Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku sugan ayaa wada olole ay ku doonayaan in Golaha Shacabka uu meelmariyo Heshiiska Villa Somalia iyo Dowlad-goboleedyada iyo in codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa magacabay Ra’iisulwasaare cusub ka dib markii Golaha Shacabka ay eryeen Xasan Cali Khayre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Heshiiska hannaanka doorashada ee ay gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalinta sabtida ee todobaadka dambe la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka kowaad Aqal Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa sheegay in heshiiskaas ay kulan wadajir ah ku ansixin doonaan labada aqal ee Baarlamaanka. Guddoonka Aqalka Sare Senator Bukhaari oo hadal ka jeediyay kulan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada loogu qabtay Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyay meelmarinta heshiiskaas. “Shir ay maanta isku yimadeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa lagu go’aamiyay in heshiiska doorashada kulan wadajir ah (labada aqal) lagu ansixiyo maalinta sabtida” ayaa yiri Senator Bukhaari. Qodobada heshiiska hannaanka doorashada ku jira ee aan la qeexin, waxaa kamid ah, soo xulista ergada oo sida lagu sheegay heshiiska ay iska kaashan doonaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Goormaa Baarlamaanka la horgeyn doonaa heshiiska doorashada? appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3. Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto. Daawo Wixii Ka Soo Baxay Kulankii Madaxda Ay Ku Yeesheen Villa Somalia https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whatstry.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho. Shirkan oo ay sidoo goobjoog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo faahfaahinka bixinayay shirka ayaa yiri” Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda, inagoo ka hadleynay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota” Mudane Mahdi ayaa sheegay sidoo kale shirka lagu lafo guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo waddooyinkii arrintaas loo mari lahaa. Shirkan ayaa lagu bogaadiyay horumarrada DFS gaartay muddooyinkii la soo dhaafay iyo joogteynta iyo xoojinta wadashaqeynta dowladda iyo saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaiya taageera. Sii hayaha Ra’iisulwasaraha oo la hadlay Warbaahinta https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whats-s-1.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Sii hayaha Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiillada beesha Caalamka oo ka dhacay Muqdisho Shirkaan oo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda Kulankaan oo u dhaxeyey dowladda Soomaaliya iyo wakiiladda dowladda Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa looga hadlayey amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshadda siyaadda iyo horumarrada laga gaaray. Sii hayaha wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa warbixin ka siiyay daaladka iyo guulaha ay dowladda Soomaaliyeed ka sameysay arrimaha nidaamka maaliaydda dalka. “Maanta waxa aan ka qeyb galay shirka Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ee uu shir Gudoominayay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed . Guleed. “Waxaan ku faraxsanahay sida safiirada caalamka ee Soomaaliya jooga ay noogu garab taagan yihiin geedi socodka horumarinta dhaqaalaha Dalka.ayuu hadalkiisa ku daray sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  25. Halkan ka fiirso heesta iyo Hobolada Waaberi ee Muqdisho. The post Daawo Hobolada Waaberi iyo heestii : – ” Deni soo dhawoow, Muqdishaawi dhab ah baad tahee.” appeared first on . Source