Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Culimada Carabta ma waxa loo shaqaaleysiiyay inay xayeysiiyaan heshiiska Israa’iil? Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys Laga bilaabo Sucuudiga illaa Imaaratka Carabta, culimada ku sugan halkaas waxay u muuqdaan kuwa ka hadlaya xiriirka Israa’iil iyo Carabta, waxayna u xayeysiinayaa si aad u sareysa, si ay u xoojiyaan saameynta ha’yadaha diinta ee dalalka Carabta. Culimada waxayna ka mid yihiin ha’yadaha dowladda ee wax ka baddalaya fatwada iyo go’aanada arrimaha diinta ay soo saaraan, sida ay rumeysan yihiin dad badan oo dusha kala socda xaaladaha gobolka. Sheekh Sudeys iyo Sheekh Wasiim Yuusuf Dhawaan ayay aheyd markii dadka isticmaala baraha bulshada ay si wayn uga hadlayeen khubaddii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ee uu 4-tii bisha September uu ka jeediyay Xaramka Makah, taas oo uu kaga hadlay xiriirka nebi Maxamed NNKH uu la lahaa Yuhuudda. Dadka qaar waxay sheegayaan in khudbaddaas ay gogol dhac u aheyd xiriirka Israa’iil iyo Sacuudiga. Dad ka soo horjeeda in dalalka Carabta ay xiriir la yeeshaan Israa’iil, waxay sheegayaan in khudbadda Sheekha aysan ka turjumeyn fikaraddiisa gaarka ah ama tan diinta, balse uu isaga matalayo dowladda jirta gaar ahaan marka la fiiriyo xiriirka ka dhexeeyo dowladda iyo ha’yadaha arrimaha diinta qaabilsan ee Sacuudi Carbiya. Dadka qaar waxay is wedinayaan, sidee dowladda wax uga baddali kartaa aragtida ha’yadaha diiniga ah? Marka la eego dhinaca Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqay in xiriir uu la yeeshay Israa’iil, Sheekh Waasim Yuusuf oo xiriir dhaw la leh dowladda ayaa hadal heyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada. Sheekha waxay aragtidiisa tahay in xoojinta xiriirka Israa’iil ay tahay tallaabada ugu wanaagsan, sida uu ku qoray barta uu Twitter-ka ku leeyahay. Weli sheekha wuxuu Twitter-ka soo dhigayay qoraallo dhowr ah oo ku saabsan arrintaas, wuxuu rumeysan yahay in xiriirka Israa’iil uu xal nabadeed u noqon karo qadiyadda Falastiin. Sheekh Wassin Yuusuf Sheekh Waasim Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil aysan mas’uul ka aheyn dhibaatooyinka ka dhacay dalalka Carabta. “Israa’iil ma aysan qarxin masaajid, ma aysan abuurin khilaafka ka dhex taagan Suniyiinta iyo Shiicada, ma aysan gubin kaniisadaha ku yaalla Carabta. Kuwa sameeyay dhibaatooyinkaas waa inaga.” Waasim Yuusuf wuxuu bartiisa Twitter-ka ku weeraray kacdoonkii Carabta oo uu ku tilmaamay “Kacdoonkii waalnaa”, wuxuuna taageerayaasha Xisbullaah iyo Ikhwaanul Muslimiin ku eedeeyay in ay yihiin dadka colaadda ka dhex abuuray gobolka. Sida culimada Sucuudiga, Sheekh Wasiim Yuusuf wuxuu baraha bulshada kala kulmay dhalleeceyn xooggan, maadama uu jeediyay hadallo is burinaya, horraan wuxuu taageeri jiray qadiyadda Falastiin wuxuuna inta badan ku adkeysan jiray in Qudus ay tahay caasimadda Falastiin. Waa aalad gacanta ugu jirta dowladda Ha’yadaha diinta ee rasmiga ah ee ka qeyb qaadanaya xoojinta arrimaha xiriirka Sucuudiga iyo Imaaraatka, waxay muujineysa in culimada soo saaraya fatwada diinta islaamka ay saameynta ku leeyihiin arrimaha siyaasadda ee dalalka Carabta iyo sida hoggaamiyeyaasha ay u adeegsadaan diinta si danahooda ay ugu gudbistaan. Sacuudiga iyo Imaaraatka kaliya kuma saabsano arrintan, balse waxaa jiro dalalka kale oo Carab ah oo horey u soo saaray fatwo ogolaaneyso in dalalka Khaliijka ay xiriir la yeelan karaan Israa’iil. Muftigii guud ee Masar, sannadkii 1979-kii, Jaadal Xaq Calaa Jaadal Xaq, wuxuu soo saaray fatwo uu ku taageeray Masar markii ay xiriirka la yeelatay Israa’iil. Sannadkii 1995-tii, Muftigii weynaa ee Sacuudiga, Cabdul Caziiz Bin Baaz, wuxuu soo saaray fatwo tan lamid ah ka dib markii Sacuudiga uu saxiixay heshiiskii Oslo. Qorshaha lagu heshiiyay Sida ay sheegayaan dadka la socoda siyaasadda gobolka; waxa ka muuqda heshiiska waa arrin diini ah, gaar ahaan xiriirka Israa’iil iyo Imaaraatka, waxaana heshiiskaas loo xayeysiinayay isu soo dhawaansho u dhexeeyo Muslimiinta, Yuhuuda iyo Masiixiyiinta. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in loo bixiyay ‘Heshiiskii Abraham’. Warbixinno ay qoreen cilmi baarayaal u dhashay Israa’iil waxay ku sheegeen in Baadariga ugu weyn madhabta katoligga ee diinta masiixiyiinta, Pope Francis iyo muftiga Al Azhar ay ka qeyb qaateen xoojinta walaaltinimada, si loogu dadaalo nabadda iyo wada noolaanshaha aadanaha. Waxay cilmi baarayaasha intaas ku dareen, in marka la gaaro sannadka 2022-ka, qoyska Abraham ay xarigga ka jari doonaan masaajid, kaniisad iyo macbad ay ku cibaadeysataan Yuhuudda kaas oo looga golleeyahay sare u qaadidda is-fahanka dhanka diimaha iyo xoojinta waxyaabaha laga mideysan yahay. Qaran News
  2. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Maanta oo Isniin ah xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, wefdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya Cesar Arroyo. War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya looga hadlay, dardar-gelinta Kaalmada Banii’aadanimo iyo Mashaariicda kale ee WFP ka waddo Puntland. “Kulanka waxa looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo mashaariicda kale ee WFP Puntland ka wado iyo sidii loo dar-dar galin lahaa.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. Kulanka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Madaxa hay’adda WFP ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa waxaa ciidamada dowladda ay ku qaadeen deegaanka Miirdugul oo koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab. Ilo dada deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkaasi hal askari looga dilay ciidamada dowladda iyo dhaawacyada askar kale. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in dhankooda ay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen dagaalayahanada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay la wareegn gacan ku heynta deegaanka lagu dagaalamay oo hoosta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug. View the full article
  4. Ciidamada Booliiska ee dalka Kenya ayaa si weyn u adkeeyay amniga deegaanada ku dhaw xadka ay la leedahay Soomaaliya oo ay weeraro ka soo qaadaan dagaalyahano Al-Shabaab. Qaar ka mid ah deegaanada waxaa la geeyay ciidamo dheeraad ah, si loo hooga hartago weeraro ka yimaada dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa halis weyn ku tilmaamay A-Shabaab, iyadoo maanta ay ku beegan tahay xilligii la weeraray y suuqa westgate ee magaalada Nairobi. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa howl-gallo ciidamada ammaanka ee Kenya ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi Bari iyo kuwa xeebta waxaa ay ku soo qabteen rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada Booliiska Kenya General Hillary Mutyambai ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay ka feejignaadaan halista weeraro ay Al-Shabaab ka geysan karaan dalkaasi. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Midawga Yurub iyo waddamada Sweden iyo UK. Waftigaas oo uu hogaaminayay Safiirka Midawga Yurub Mudane. Nicolas Berlanga ayaa sidoo kale waxa ku wehelinayay Safiirka Sweden Mudane. Staffan Tillander iyo Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland, Mudane. Stuart Brown. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay guud ahaan arrimaha doorashada Somaliland oo hawlgalkeedii hadda socdo iyo sii xoojinta doorka taageero ee ay beesha caalamku Somaliland ka siiso arrimaha la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo hirgalinta doorashooyinka. Source
  6. General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee dowladihii soo maray dalka, islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xaalada amni ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Indha Cadde oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in amniga dalka uu yahay mid liita, wuxuuna sheegay in aysan jirin is-bedal laga sameeyey 4 sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka looga baahnaa inay la timaado qorshe cad oo ay ku wajaheyso dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article
  7. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Kenya ku dhex-maray gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay deeganka Qooqaani, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yimid yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ku yaalla halkaasi. Ma caadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladaasi iyo weerarada ka horreeyey. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa milatariga dalka Kenya. View the full article
  8. War qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya. Warsaxaafadeedkan ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dowlad madax banaan, islamaraakan aysan wax shaqo ku laheyn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu war-geliyey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Beesha Caalamka. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  9. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay magaalada Muqdisho. Dilka oo ka dhacay xaafadda Soona-Key oo ka tirsan degmada Hodan ayaa waxaa loo geystay Marxuum Bile Cali Diini,kaas ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajta. Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi, waxaana meydka marxuumka goobta ka qaaday qaar ka mid ah ehelladiisa. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dil iyo dhaawac u geysta dhalinyarada ku shaqeysata mootada nooca Bajaajta ee ka howl-gasha magaalada Muqdisho. View the full article
  10. Taipei (Caasimada Online) – Tirada diyaaradaha ciidamada cirka Shiinaha ee soo galaya hawada Taiwan ayaa walaac xooggan ku abuuray shacabka Taiwan, oo hadda is-weydiinaya haddii Beijing ay ugu dambeyn qorsheyneyso weeraro ka dhan ah kadib sanado hanajbaad ah. Ciidamada cirka Shiinaha ayaa kordhiyey tirada duulimaadyada ka gudbaya xariiqda hawada labadan deris afartii bil ee lasoo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin ay sii daysay wasaaradda difaaca qaranka Taiwan. 18 diyaarado militari oo Shiinees ah ayaa ka gudbay hawada Taiwan Jimcihii, waxaana xigay 19 kale Sabtidii, sida ay sheegtay wasaaradda. Diyaaradihii Sabtidii gudbay ayaa u duulay hab loo naqshadeeyey inay fuliyaan weeraro. Ayada oo ka jawaabeysa, ayaa wasaaradda difaaca Taiwan waxay sheegtay in Jasiiraddan “ay xaq u leedahay inay is difaacdo oo ay sameyso weerar celis.” “Ayada oo militariga Shuuciga ay sare u qaadeen daan-daansiga militari iyo diyaar-garowgooda maalmihii tegay, iyo awoodda ay u leeyihiin inay weeraraan Taiwan, ciidamada Taiwan waxay isu diyaarinayaan xaalad dagaal iyo sida ay ula tacaali lahaayeen halistan,” waxaa sidaas bayaan ay Isniinta soo saartay ku sheegtay wasaaradda difaaca Taiwan. Ra’yi uruurin ay sameysay Yahoo horranatii September ayaa muujisay in 64% shacabka Taiwan ay walaac ka qabaan dagaal qarxa, halka 33% ay sheegeen inaysan walaacsaneyn ama aysan aragti ka dhiiban. China waxay sheegtaa in Taiwan ay ka tirsan tahay. Taiwan ayaa is iskeed ah isu maamuleysa tan iyo 1949-kii markii xisbigii Wadaniga Shiinaha ee uu hogaaminayey Chiang Kai-shek looga adkaaday dagaalkii sokeeyey ee ay la galeen Shuuciyiintuu uu hogaaminayey Mao Zedong, taasi oo qasabtay in Chiang saldhig ka dhigto Taiwan, kagana dhowaaqo dal. VOA The post Shiinaha oo ku dhaqaaqay qorshaha weerar ka dhan ah Taiwan iyo cabsi ka taagan first appeared on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-2192020.mp3 View the full article
  12. Somaliland ayaa Beesha Caalamka ku wargelisay inay wax shaqo ah ku lahayn heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay dal shacabkiisu doorasho qof iyo cod ah ku daartaan cidda ku matalaysa golayaashii kala duwan ee dowladda, sidaas darteed uusan qusayn heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho. Heshiiskii Muqdisho waxaa ku jiray qodobo ka hadlayay sida loo dooranayo xubno labada aqal ee baarlamaanka ku matala Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Qaraxa miino oo Goor dhawayd ka dhacay Duleedka Muqdisho. Wararka dheerraad ah ayaa ka soo baxaya wadada Dheer ee iskuxidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay barqadii maanta Duleedka Muqdisho siiba deegaanka Weydow, sida ay wararku sheegayaan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaadhay illaa saddex qof, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho. Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaraxyo miino lala eegtaa xilliyada ay u socdaalayaan gobollada Shabeelooyinka ee dariska la ah caasimada Muqdisho. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Weydow, sida ay sheegeen dad goobjooagayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaartay illaa saddex qof, kuwaas oo loola soo cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka caasimada oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in gaariga ay wateen ciidanka dowladda uu ka badbaaday qaraxa, islamarkaana ay hadda wadaan baaritaan ku aadan qaraxaasi. Ciidamada ammaajnka ayaa sidoo kale muddo kooban hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen, inkastoo markii dambe dib loo furay. Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaraxyo miino lala eegtaa xilliyada ay u socdaalayaan gobollada Shabeelooyinka ee dariska la ah caasimada. The post Wararkii ugu dambeeyey KHASAARAHA ka dhashay QARAXII maanta dhacay first appeared on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka Soomaaiya, kadib heshiiska ay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ku gaareen Muqdisho. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dowlad madax banaan, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland ayaa qoraalkan ku war-gelisay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Beesha Caalamka. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale dowladda federaalka oo ay ku tilmaamtay mid taag daran uga digtay sheegasho ay sheegtay inay wado. “Waxaanu nahay dowlad madax bannaan oo aan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Ugu dambeyn Somaliland ayaa ugu baaqday shacabkeeda inay muujiyaan feejigaan dheeri ah oo ku aadan hagar-daamo ay sheegtay inay wado dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garoobeyso doorashooyinka 2020/2021, waxaana heshiiska la gaaray ku jira in xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka lagu dooranayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post SOMALILAND oo war lama filaan ah ka soo saartay doorashooyinka Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  16. (SLT-Hargeysa)-Shirarkii Xisiga KULMIYE qabsaday tan iyo aasaaskii xisbiga waxa ka dhashay khilaafaadyo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo shantii shir ee Golaha dhexe iyo saddexdii shir weyne ee uu KULMIYE qabsaday ay ka dhasheen muranno iyo is qab-qabsiyo sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno Kaadiriin ahaa oo muhiim u ahaa xisbiga. Sannadkii 2003 Iyo Loollankii Musharrax Xigeenka Madaxweynaha Kulmiye Sannadkii 2003 aasaaskii Xisbiga KULMIYE ka dib, ayaa khilaafkii koowaad ee Xisbiga KULMIYE ka dhex istaadhmay kaadiriintii wakhtigaasi, kaasi oo ka dhashay loollankii loogu jiray jagada Musharaxa Madaxweyne Xigeen ee KULMIYE, waxaana kamid ahaa Raggii xilligaasi ku loolamayey jagadaasi Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ““IHU” iyo Cabdi Xasan Buuni “IHU”, iyada oo uu loolankaasi ugu dambayn ku guulaystay Musharax xigeenkii ay wateen garabkii Mujaahidiintii KULMIYE Cabdiraxmaan Aw Cali , kaasi oo noqday Musharax xigeenkii doorashadii ugu horaysay ee Madaxweynenimada Somaliland u orday KULMIYE oo wakhtigaasi lagaga adkaaday doorashadaasi 2003-dii. Sannadkii 2006-dii Iyo Khilaafkii labaad Ee KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa khilaaf labaad ka dhex-qarxay sannadkii 2006dii, kadib markii ay Xisbiga guul-darro ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2003-dii dalka ka dhacday taasi oo uu ku guulastay Madaxweynihii xilligaasi Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigiisii UDUB. Khilaafkan KULMIYE ka dhex-qarxay sannadkii 2006-dii, ayaa ahaa mid u dhexeeya laba garab oo kaadiriinta Xisbiga ugu waa weyn ay kala hoggaaminayeen, kuwaas oo kala ahaa garab doonayey in Siilaanyo maaddaama uu tartankii Madaxweynenimada doorashadii 2003-dii uu ku guul-daraystay in la bedelo iyo garab doonayey in fursad labaad la siiyo, waxaana ku adkaaday garabkaa u ololaynayey in fursad labaad la siiyo Ex Madaxweyne Siilaanyo si uu isku sharaxo doorashada dambe. Sannadkii 2007-dii Iyo Xanaftii tartankii Guddoomiye Xigeenka KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa sanadkii 2007 waxa tartan loo galay jagada Guddoomiye xigeenka KULMIYE, waxaana u tartamayey rag badan, kuwaas oo ay ugu cuslayeen Madaxweynaha hadda Muuse Biixi iyo Muhaajid Dhegaweyne,waxaana doorashada ka dhashay muran iyo xafiiltan weyn, balse waxa Guddoomiye xigeen loogu doortay inuu noqdo Muuse Biixi, kaasi oo ay rafiiq ahayeen Guddoomiyihii xiligaasi ee KULMIYE Ex Madaxweyne Siilaanyo. Burco 2008: Khilaafkii KULMIYE Iyo Mujaahidiintii Ka Baxday Khilaaf aad u weyn ayaa sannadkii 2008 ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo ka curtay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsaday Magadaalada Burco 24/08/2008-kii, waxaana xusid mudan in shirkan hakad la geliyey si loo xaliyo khilaafkaasi, balse ay suurtagal noqon weyday,Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo kamid ahaa raga u tartamayey jagada Musharax Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo jeediyey in wax laga badelo qaabka doorashada, balse looma joojin, iyadoo ay shirkaasi ay debad uga baxeen xubno badan oo ka biyo diiday sida ay wax u socdaan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Mujaahid Dhegaweyne , Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mujaahid Cali Gurey iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo weliba xubno kale oo ka mid ahaa tiirarkii ugu cuslaa ee golaha dhexe ee KULMIYE . Guddoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga KULMIYE Ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo garabkii la safnaa ee golaha dhexe ayaa duubka u xidhay inuu noqdo Musharax Madaxweyne ku-xigeenkiisa Madaxweyne ku-xigeenka hadda Cabdiraxmaan Saylici, waxaan arrintaasi ka dhalatay inay xubnio badan oo muhiim ahaa ka baxaan Xisbiga KULMIYE , kuwaas oo sheegay inuu shirkaasi ahaa mid caddaalad darro ku dhacay. Shirkii Dagaalka Isu Bedelay Ee KULMIYE Ee Sannadkii 2012kii Hargeysa Ka Dhacay Iyo Dhawicii Ka Dhashay Xisbiga KULMIYE ayaa markii ugu horaysay ee uu hoggaanka dalka qabtay sanadkii 2010kii laba sano ka dib oo ku beegnay sannadkii 2012kii, magaalada Hargeysa ku qabsaday shir weynihii Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu ka dhashay dagaal gacanta la isula tegay oo sababay dhaawac la soo gaadhsiiyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii KULMIYE ee wakhtigaasi, waxaana lagu eedeeyey inuu sharciga ka hor yimi xisbiga iyadoo isla shirkaasi intii lagu gudo jiray laga dalbaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro. Guddoomiye ku xigeenkii 1aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee xilka laga qaaday ayaa shirweynaha ka dalbaday inla dhagaysto si uu uga dooddo eedaasi, isagoo sheegay in aan awood loo lahayn in xubinimadda iyo xilkaba laga qaado, maadaamo oo shirweyne lagu doortay, haseyeeshee, lama dhagaysan oo xoog ayey ciidamadda amnigu ku saareen,waxaana xoogaa iyo jujuubkii ciidamada ay ku saareen kasoo gaadhay dhaawac-y dhanka dhabarka ah oo dhakhtar loo dhigay . Madaxweynaha hadda Biixi oo ahaa xiligaasi Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee KULMIYE, ayaa ku xigeenkiisa xilka laga qaaday dhabarkana laga jabiyey ku eedeeyey inuu jabiyey xeerar hoosaadka xisbigu dhigtay, isla markaana eedeen usoo jeediyey xukuumadda ka timid xisbiga kulmiye, balse waxa ku gacan-saydhay eedaasi guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo sheegay in aanu wax xeer ah jabin, isla markaana dacwadiisa geyn doono maxkamadda dalka iyo kuwa caalamiga ah. Khilaafkii 2014 Iyo Dagaalkii Ka dhex-qarxay Axmed Siilaanyo Iyo Guddoomiyihii Muuse Biixi. Sannadkii 2014kii ayaa waxa uu khilaaf aad u weyni ka dhex-qarxay garab uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, waxaana dhex-maray loolan adag oo siyaasadeed, kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi in laga adkaaya garabkiisa, balse todbadii bishii ogoos, ayaa khilaafkaas la xaliyey “Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran, Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee Waad Naga Adkaateen, Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu”Ayuu yidhi Muuse Biixi. Khilaafkii 2015dii iyo Shirkii KULMIYE ee Hargeysa ka dhacay Sannadkii 2015, ayaa waxa uu khilaaf culus mar kale ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo sababay inay xukuumaddii ee KULMIYE xiligaasi ay iska casileen wasiiradii ugu tirada badna, kuwaas oo kasoo horjeeday in musharax xisbiga laga dhigo Madaxweynaha hadda ee Muuse Biixi, kaasi oo uu watay Madaxweynihii iligaasi Axmed Siilaanyo, Xubnihii xukuumaddii KULMIYE iska casilay oo la magac baxay isbahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka KULMIYE oo garabsanaya Xukuumaddii ayaa waxa circa isku shareeray khilaafkood iyagoo weeraro afka isku qaaday, isla markaana war-baahinta kala duwan isku dhaafsan jiray haddalo kala duwan oo xafan leh , waxaana xusid mudan in garabka is bahaysigu ay wateen Musharaxiin Madaxweyne oo kala ahaa Xildhibaan Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis Dhanka kalene Isbahaysiga KULMIYE ayaa qaadcaday shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, kaasi oo Hargeysa ka qabsoomay 2015 bishii Noofanber,waxaanu sheegay Xuseen Axmed Caydiid oo xiligaasi u hadkayey isbahaysigaa “Shirkaas in Xaaraan lagu sifeeyo mooyaane wax kale muu ahayn, wax aka soo baxaana uu ahaan uun Xaaraan, sidaa daraadeed Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu caddaynayaa inuu sii wadayo hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka, Qabyaaladda, Sharci darada iyo talo-maroorsiga, laguna xaqiijinayo wada tashiga, dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka xeerarka Xisbiga..” Ugu dambeyn xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyey inuu shir weynihsiisa afraad ku qabsanayo magaalada Hargeysa 4 bishan fooda inagu soo haysay ee October ee sannadka 2020-ka, kaas oo lagu dooranayo hoggaanka shanta sanno ee soo socota majaraha u hayndoona Xisbiga, Shirkan ayaa u muuqda inuu ka xaararad kulul yahay saddexdii shir weyne ee uu hore u qabsaday Xisbigu iyadoo ay hadda siyaasiyiin badan qaadaceen inay ka qayn-galaan halka qaar kalena ay guuxayaan, haseyeeshee hadda kursiga kaliya ee lagu tartamayaa ayaa ah ka Guddoomiye ku-xigaanka afraad ee Xisbiga,balse Saylici ayaa muujiyey in aanu jeclayn in lagula tartamo isagoo dedeelo baddana sameeyey, madaama aan hoggaanka kale ee xisbiga lagula tartamayn, waxaana muuqda ifafaale muujinaya inuu Xisbiga KULMIYE uu shir weynaha lumin doon masuuliyiin miisaan kulahaa Xisbiga isla markaana door weyn ka soo qaatay guushii doorashada Madaxweyne Biixi 2017-kii Source
  17. Axmed Maxamuud Dhicisow oo horay u soo noqday ciyaaryahan heerka labaad ee Soomaaliya ayaa mudo 15-sano ahaa xoghayaha guud ee kooxda Wasaarada Warfaafinta Madbacada Qaranka,wuuxuuna xiligaas kooxdiisa la gaaray guulo waaweyn oo ciyaaraha gudaha iyo dibadda. “Intii aan ahaan maamulka kooxda Madbacada Qaranka waxaan gaarnay guulo taariikh ah waxaan soo saarnay xirfadlayaal badan oo magac iyo sharaf ku leh isboortiga Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Axamed Maxamuud Dhicisow. Naadiga Madbacada Qaranka waxay ka mid aheyd kooxihii ugu adagaa kubbadda cagta xiligii berisamaadka waxaana ka baqi jiray Jeenyo,Horseed iyo Muqdisho City Club oo xiligaa ahaa kooxaha ugu dhaqaalaha badnaa Soomaaliya. “Waxaan gaarnay in aan noqono naadiga ugu adag kubbadda cagta Soomaaliya,taasna waxay ku timid da’daalka maamulka iyo laacibiinta oo ay ka go’need horomarka iyo kor u qaadida magaca Madbacada Qaranka” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Maxamuud Dhicisow. Dhiciosw wuxuu qoray mid ka mid ah buugaagta xiisaha badan ee laga diyaariyay taariikhaha ciyaartooyda kala duwan ee dalka, wuxuuna sheegay in hadafkii laga lahaa buugaas oo guulaystay. “Idaacadihii dalka ku yaalay waxay aqrisan jireyn xogta ku qoran buuga Gool ee sharaxaad badan ka bixinayay xogaha faah faahsan ee xidigihii hore Soomaaliya” ayuu markale u sheegay Goobjoog Sports. Kolkii aad booqata hooyga uu ka deganyhay Muqdisho Qoraa Axmed Dhicisow waxaa aad kuu soo jeedinaya buugaagta kala duwan ee ka hadlay Arrimaha bulshada,dhaqanka iyo Diinta Islaamka. “Buugaagta ku keedsan hooygayga waxa ay gaarayaan ilaa afar kun ,wixii dagaal ka dhacay dalkeena wax dhib iyo bur bur igama soo gaarin,taasna waxaa ku mahadsan Allah” ayuu Qoraa Axmed Maxamed Dhicisow u sheegay Goobjoog Sports. Intii uu ka shaqaynay isboortiga wuxuu waayay saaxiibo qiimo badan oo u soo halgamay horomarinta ciyaaraha dalka maqaam sarayna gaaray,waxaana dadkaas ka mid ah ilaahay ha u naxariiso Aadan Yabarow Wiish iyo Faarax Wehliye Caddow ee darajo sare ka gaaray heerarka maamulka dalka iyo dibadda. “Waxaan waaynay dad qiimo badan oo Soomaaliya gaarsiiyay meel sare waxaan eebe ugu baryeenaa in uu janadiisa Fardowso siiyo,balse waxaan ku da’daalay in guddoomiyihii hore Olimikada Soomaaliya Aadan Yabarow Wiish magaciisa aan la iloobin laguna magac daro garoonka kubbadda kolayga ee ku yaala degmada Cabdicasiis Alxamdullilaha ilaahay wuu nagu guulay maanta waxaa loo yaqaanaa “Wiish Stadium” ayuu Qoraa Axmed Dhicisow u sheegay Goobjoog Sports. Wuxuu bahda isboortiga iyo dadka ka shaqeeya arrimaha ciyaaraha dalka kula dardaarmay in la wayneeyo magacyada qiimaha badan ee kooxaha Soomaaliya. “Waxaan bahda ciyaaraha iyo maamulada isboortiga kula dardaarmayaa in la waynayneeyo magacayada kooxaha waaweyn ee dalka,isagoo intaa raaciyay in ay dhallinyarada la baro qiimihii ay la haayeen dadkii u soo halgamay magacayada ay maanta haystaan” ayuu hadalkiisa ku soo gaba -abeeyay Qoraa Dhicisow. Daawo Waraysiga Qoraa Axmed Maxamuud Dhicisow Oo Dhameystiran W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  18. Ka hor inta aynaan u gelin kharashaadka ku baxa xafladdaha qallinjebinta, waxa ay dul-istaagi doonaa Daraasad uu sameeyay mac-hadka cilmi baadhista Heritage ee Muqdisho ku yaala sanadkii 2013-kii ayaa waxaa lagu waraystay 44 jaamacadood oo ku yaala inta u dhaxaysa Hargeysa illaa Kismaayo.Tirada ardayda ee jaamacadahaas dhigtay xilligaas waxa ay ahaayeen 51,471 arday sida daraasadda lagu sheegay. Waxaana dhigaysay macalimiin dhan 2501 oo ka dhigan in 21 arday oo kasta uu ku soo beegmo hal macalin. Jaamacadihii daraasadda lagu sameeyay 68% waxa ay bixinayeen maaddooyinka kombuyuutar (computer)-ka la xidhiidha, balse waxaa la yaab lahayd in 15% ka mid ah guud ahaan ardayda dhigata jaamacadaha ku yaal koonfurta-bartamaha, Soomaaliland iyo Puntland ay ka diiwaan gashan yihiin kulliyadaha la xidhiidha computer-ka. Daraasadda waxaa kale oo lagu ogaaday in baaxadda cilmi baadhiseed iyo bandhig qoraallada jaamacadaha dalka oo idil ayaa aad u hooseeya. 15 ka mid ah 44-ta jaamacadood ee la daraaseeyay ayaa sheegatay in ugu yaraan ay ka qayb qaataan hal bandhig qoraaleed (academic publication). Kharashka ku Baxa xafladaha Qallinjebinta. Inta badan wakhtiyadan oo kale waxa guud ahaan Soomaalilaan ka dhaca xafladaha ay dhigayaan jaamacaddaha dalka gudihiisu. Kuwaasi oo ay ku qallinjebinayaan ardaydii muddooyinkii ugu dambeeyey soo waday waxbarashadda Jaamacadda. Waxa aynu qormadan ku soo bandhigi doonaa dhammaan kharashaadka ku baxa ardayda jaamacaddaha wakhtiyadan qallinjebinta ee dhiig baxa ku waalidiinta hayntoodu yartay ama aan waxba haynin. Waxa aynu u kala saari doonaa inamada iyo hablaha kharashka ku baxa iyo weliba kan ay jaamacaddu qaadato: Jaamacadduhu inta badan waxa u go’an inay arday kasta ka qaadaan $100. = Kharashka ku baxa inamada: suudhka uu xafladda qallinjebinta u xidhinayo $75, wiilka Kamarada sawirada ka qaadaya oo maalintaasi oo dhan la soconaya $50, kirada baabuurka xafladda geynaya $ 50, sharraxaada baabuurka $25. Haddii wiilka qoyskiisu casuumad u sameeyaan waxa ku baxaya $70. Markaa isku geynta kharaska wiilk ku baxayaan wuxuu dhan yahay $370. = Kharashka ku baxa hablaha: dharka xafladda qallinjebinta $200, lacagta koofeerka ku baxaysa $ 50, wiilka Karamada $50, kirada baabuurka iyo sharraxaadda $75. Inta badan hablaha waxa xafladdo loogu qabtaa guryaha ama hudheellada. Xafladda guriga waxa ku baxa $25 keeg ah iyo $50 sharaab ah. Xafladda hudheellada waxa ku baxa $ 30 keeg ah iyo tirada dadka ka soo qaybgalaya oo mid $5 loogu dhufto. Tusaale ahaan haddii 60 qof la casuumo waa 5×60= $300. Markaa isku geynta kharaska ku baxaya hablaha waa $450. Haddii ay inantu xafladda ku qabsato hudheel wuxuu kharashku noqonayaa $675. Xogtan ururinteeda waxa ka qaybqaatay Garyaqaan C/casiis Axmed Yoonis. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
  19. Garoonka kubbadda cagta Mire-Awaare ayaa lagu bilaabay dhigista Rooga Cagaaran waxaana howshan laga shaqaynanya mudooyibkii danbe,hergelinta howshan waxaa ka qeyb qaatay ganacstada,siyaasiinta iyo dadka reer Puntland,iyadoo dhallinyarada iyo bahda isboortiga madaxda Puntland sida wanaagsan ay ugu qeyb qaateen howlaha dib u haaginta garoomada kubbadda cagta Puntland. “Waxaan bogaadinayaa Dhammaan Guddiga Dayactirka iyo Dib-u-dhiska Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Jaamac ee Garowe ee bilaabay fidinta rooggii cagaaran waan wax lagu amaano dadka reer Puntland” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha arrimaha gobolada ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed. Guddiga la socodka iyo dhismaha garoonka Mire-Awaare ayaa mahadcelin gaar ahu diray qof kasta oo kaalin ka geystay in la soo gaaro meesha iminka la joogo,iyagoo sheegay in hadagkooda uu yahay in Puntland ay hesho garoomo casri ah oo diyaarsan “Rajadeenu waxa ay aheyd in sida Puntland ay u qurux badantahay garoomadeeda ciyaaraha loo diyaariyo,si dhallinyarada ay helaan goobo casri ah ay ku soo bandhigaan xirfadooda,balse waxaan ku haminaynaa in aan isku tashano” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/ciirro.mp4 Maamo Xaliimo Cali Warsame (Biyood) waxay ka mid tahay Maamoyinka doorka wanaagsan ka qaatay tan iyo bilaawgoo dhigista rooga cagaaran ee garoonka Mire-Aware,welina waxay qeyb ka tahay howsha socota,waxaana sawir laga soo qaaday iyada oo ku jirta howlaha socda ugu mahad celiyay dhallinyarada,guddiga dhosmaha garoonka Mire-Waare iyo madaxda Xiriirka kubbbadda Cagta Puntland. “Way jiraan dadka kale oo isku xilqaamay quruxinta garoomada Puntland kuwaas oo waqtigooda iyo fikirkooda geliyay in la helo goobo casri ah ay dhallinyarad ku ciyaaraan mustaqbalka dhaw,balse Xiriirka Puntland wuxuu mahad celin balaaran u diriyaa dhamaan dadkii gacanta weyn kulahaa horomarinta howlaha guulaystay” waxaa sidaaa Goobjoog u sheegay Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Mustafe Cabdiraxmaan Majacase. Si kastaba Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Raysal wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kaalin wanaagsan ka qaatay dib u dhiska garoomada kubbadda cagta deegaanada Puntland,iyadoo labada masuul iyo madaxda kale loogu mahad celiyay doorka ay ka qaateen howshan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. ISBADELADA GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO ISKU EKAANSHAHA XAALADAHA SIYAASADEED EE DALALKA SOMALILAND IYO SOMALIA , IYO WAXA LA ODHAN KARO WAY SABABEEN !! Somalia waxa mudo dheer la isku haystay doorashooyinka iyo sidii ay u qabsoomi lahaayeen, nooca ay noqonayeen iyo waliba xiliga la qabanayey, dabcan waxa jiray aragtiyo iyo kala fogaansho uu arinkaasi keenay. Waxa haddaba heshiiyey madaxdii maamul goboleedyada Somalia iyo Madaxwaynaha Somalia oo ka dhinac ahaa, iyo waliba iyaga oo aan ka mideysnayn maamul goboleedyada madaxdoodu wax badan, haddana waxa la isla qaatay in uu Madaxwayne Farmaajo tanaasulo oo la galo doorasho. Arimahani waxa xooga saaray oo tacab badan galiyey beesha caalamka oo u arkaysay in khilaafka siyaasadeed abuuri karo xasilooni daro ka dhacda dalka oo ay burburaan wax mudo badan tacab iyo dhaqaale lagu soo bixinayey, sidoo kale oo uu istaago geediga dawlad dhisida Somalia , iyada oo laga cabsi qabo ururada argagixisada iyo cidkasta oo aanay dan u aheyn xasiloonidu. Madaxwaynaha Somalia waxa uu jeediyey laakiin hadal iyo khudbad ku lidi ah dedaalka beesha caalamka , waxa aanu ku nuux-nuuxsaday in uu u tanaasuley danaha dadka soomaaliyeed iyo in aanay maamul goboleedadu dawlada dhexe ka xidhiidh furan, maadaama ay Somaliland uyadu awelba dawlad gaar ah ahayd ayuu hadalka u dhigey. Si kasta oo ay ahaataba hadda waxa la galay xaalad xasiloon oo la isku diyaarinayo doorasho aadna la iskugu wada raacay mucaarad iyo muxaafad oo la soo dhaweeyey, arinkani waxa uu meesha ka saarayaa in ay mudo kordhini dhacdo oo ah waxa Somaliland nidaamkeega dimuqaradiyadeed la degay. Somaliland waxa heshiiyey axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Biixi waxaana lagu heshiiyey in doorashooyin la qabto, iyada oo in badan la isku haystay sidii ay dalka doorasho uga dhici lahayd oo lagu kala fogaa arinkaasi isla markaana uu ahaa khilaaf lagu kala aragti duwanaa. Madaxwayne Biixi waxa u tanaasuley axsaabta mucaaridka ah oo la qaatay komishankii uu doonayey ee uu ku adkaystay , waxaana la Isla qaatay in komishankaasi doorasho qabto , arimahani waxa dedaal ku bixiyey beesha caalamka oo aad tacab badan u galisay in la isku soo dhowaado. Waxa kale oo la xusi karaa in ay axsaabta mucaaridka ah iyo xisbiga muxaafidka ahi ka mideysan yihiin kuna heshiis yihiin in ay siyaasadu kooto ugu xidhnaato maadaama uu dhow yahay xiligii ururada siyaasadeed la furi lahaa sida xeerarka iyo shuruucda dalka ku cad , waxaana loo gudbiyey Golaha wakiilada wax ka badel xeerarka doorashada ah. Haddaba waxa isweydiin leh beesha caalamku maxay ka dooneysaa Somalia iyo Somaliland ee ay ula daba socotaa in ay danahooga ka heshiiyaan? Halkaasi waxa ku jira wax weyn , beesha caalamku waxa ay rabtaa in nidaamka dimuqaeadiyadeed ee wadamadooda ka jira mid la mid ah halkan laga hirgaliyo, taasina waxa u daliil ah xeerarka goleyaasha la horkeenayo iyo sida loo buun-buuniyo dhacdooyinka iyo gefafka iyo xadgudubyada ka dhaca dalka oo umad ahaan marka horeba aan aheyn wax dhaqanka dadka soomaalida ah iyo diinta midna waafaqsan. Waa marka labaad e soomaalidu maadaama ay heshiin wayday oo ay iskeed u dhameysan wayday arimaheega waalla soo dhex galayaa cidkasta oo dano ka lihina waxa ay ka dhex fushanaysaa waxa ay rabto , waxaana ayaan daro ah in soddon sanadood Somalia na la isku dhex haysto iyaguna ay Somaliland lugta hayaan. Taariikh baa qormaysa jiilkasta oo joogana ka hadhi doonta, dadkii Somalia iyo Somaliland hogaanka u hayey 30 sanadood ee waxba ku heshiin waayey umadiina u taagan tahay oo Somalia na dagaalo iyo xasilooni la ‘aan ka bixi wayday Somaliland na dedaal kasta oo ay ku jirto aanay wali helin aqoonsi buuxa iyo dawlad caalamku aqoonsan yahay oo aduunka ka mid noqota , in Somaliland dawlad gaar ah noqotana Somalia waxa ay kaga jirtaa dagaalo badan oo kala duwan. Arimahani marka aad dhuuxdo waxa aad is odhanaysaa dhacdooyinka jiraa waa qaar Soomaali loogu talogalay in aanay halkaasi ka dhaqaaqin, marwalbana waxa sii badata qaybsanaanta iyo kala fogaanta maadaama afkaaro, aragtiyo siyaasadeed iyo mabaadii kala duwan la dhex keenay oo qolo waliba dhinaceega u taag laadahay culeysyo siyaasadeed khilaafyo aan dhamaan iyo murug joogto ah. Aragtideyda iyo Arimaha socda Muxamed Dhimbiil Qaran News