-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo muddo socday. Weerarka oo uu dagaal xigay ayaa si weyn looga dareemay gudaha caasimada, waxaana dhawaqa iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay meelo baxsan degmada Kaxda oo ah halka lagu dagalaamay. Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in xubnaha kooxda Al-Shabaab ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Booliska, taas oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, waxaana cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka deegaanka. Bartan oo lagu hubiyo gaadiidka ayaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay marka hore ku garaaceen qorayga Sabanka, waxaana kadib dhacay iska hor imaad foolka fool ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa goobta iyo raggii weerarka qaaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aan la heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi. Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, ayada raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda. Sidoo kale waxaa goobta la weeraray ku sugan ciidamada ammaanka oo iyaguna dadaallo dheeraad ah wada, kuwaas oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka soo qaaday. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan weerarka iyo dagaalka xigay ee xalay ka dhacay halkaasi. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee haatan ka dhacaya gudaha Muqdisho, oo inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo qaraxyo ay ka fuliso Al-Shabaab. The post Xogta dagaal culus oo xalay Al-Shabaab iyo ciidamada DF ku dhex-maray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Bagdad (Caasimada Online) – Bayaan ay si wada jir ah Jimcihi shalay u soo saareen Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka. Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah. Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan. Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka. Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq. Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee isbahaysiga ayaa la filayaa inay ku sii sugnaadaan magaalada Erbil. Waddamada kale, ee qeybta ka ah howlgalkaan ayaa isugu jira Jarmalka, Faransiiska, Spain, iyo Talyaaniga. The post MAREYKANKA oo soo afjarayo howlgalkiisa Ciraaq appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khodbad dheer ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, asagoo ka hadlay arrimo dhowr oo ay ku jiraan hormarka ay dowladdu gaartay ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo dowlad wanaagga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu sannadihii la soo dhaafay ku tillaabsatay hormar baxaad leh oo dhinaca dhaqaalaha ah, asagoo tusaale u soo qaatay kororka dakhliga gudaha deyn cafintii ka dib iyo ku biirista ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshada bariga Afrika, wuxuuna maalgashadayaasha ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadaha Soomaaliya ka jira. Dhinaca dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in labadii sano ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu guulo waaweyn ka soo hooyeen, islamarkaana ay degmooyin iyo deegaanno badan badan ka saareen kooxda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii hadal-jeedintiisa ku jiray si kulul u wareeray maamulka Abii Axmed, asagoo sheegay in Itoobiya ayadoo la dagaallanka argagixisada ku soo gambanaysa ay fara-gelin iyo xadgudub ku hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dekedaha Soomaaliya ay u furanyihiin ganacsi kasta oo sharci ah, balse aan la aqbali karin damaca foosha xun ee Addis Ababa ay waddo. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Hay’ adaha Qaramada Midoobay wax laga badelo si ay ula jaanqaado siyaasad Juquraafiyadeedyada cusub ee dunida iyo xaaladaha taagan, asagoo tilmaamay in Soomaaliya ay kursiga golaha ammaanka u adeegsan doonto wax ka qabashada xasradaha dunida ka jira iyo hagaajinta iskaashiga caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
AQPUt7GAyDFLa9i9uAEuIadZ5zjmW0OmbSaOLLHg1C1TbWywkBCoJnPX9dh0wWBREp-Hb3e63Evd8Nr2fIFQSZXh Qaran News
-
Yesterday in Mogadishu, Ambassador Daccò Coppi held a ceremony for 22 Somali University students “who have been awarded a Scholarship by the Italian Government” . Mogadishu (PP Editorial) — The scholarships that the Italian government has awarded to graduates of Somali universities mark a new era in reviving the higher education ties between Somalia and Italy. Italy played an important role in enhancing the institutional development of the pre-1991 Somali National University, particularly the departments that used Italian as the medium of instruction. It was an open secret in the mid-1980s and afterwards that departments using English as the medium of instruction lagged behind in standards compared to those using Italian as the language of instruction. The teaching of Italian for a year before students began their university education was a key differentiator. Students carrying their libro bianco to the former campus of the Somali National University, near Casa Italia in central Mogadishu, was a common sight. This language programme, along with Italian language classes at Il Centro Culturale Italiano near Radio Mogadishu, ensured that students attained a high level of proficiency in Italian for academic purposes. The much-lauded assessment system of oral and written examinations, dreaded by many students, was as highly regarded as the Oxbridge tutorials. The cooperation between Somalia and Italy in higher education produced capable graduates in various fields. It would be beneficial to reintroduce the option of using Italian as a medium of instruction at some universities in Somalia to address the execrable standards in departments that currently use English as the medium of instruction. Earlier this year, SIMAD University and Luiss University formed an “academic collaboration that included joint research initiatives, knowledge exchange, and dual degree programmes.” Before 1991, all departments of the Somali National University were located in Mogadishu, with the exception of the College of Education and the Department of Agriculture. For the higher education cooperation between Somalia and Italy to succeed, the Federal Government of Somalia and the Italian Government can explore ways to allow universities in Federal Member States to benefit from scholarship and collaboration opportunities. © Puntland Post, 2024 The post Reviving the Higher Education Ties Between Somalia and Italy appeared first on Puntland Post.
-
In recent decades, Somalia has navigated a challenging journey fromturmoil to asserting its sovereignty and self-sufficiency. The nation once faced deep internal conflicts, especially after the overthrow of its central government in 1991, where a lack of consensus among various factions led to instability. Source: Hiiraan Online
-
Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka. Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah. Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan. Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka. Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo shaaciyay in uu Ciidamadiisa kala baxayo dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Millitariga Israa’iil ayaa sheegay in ay xalay madaafiic xiriir ahaa ku garaaceen xarumaha uu ururka Xisbullah ku leeyahay magaalada Beyrut, kuwaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyaha Xibullah Xasan Nasrallah. Tan iyo markii ay duqeyntaasi dhacday markii u horeysay ilo wareedyo Iran iyo Lubnaan ah ayaa soo wariyay in uu go’ay xiriirka hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah oo ay Israa’iil sheegtay inay duqeyntaa oo aan horey uga dhicin dalka Lubnaan ku beegsatay. Warbaahinta Israa’iil oo uu ku jiro raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa ku warramay in ay saraakiisha Israa’iil aaminsanyihiin in uu geeriyooday Nasrallah. Ururka Xisbullah oo ah cidda u dambeysa ee laga sugayo ku dhawaaqista nolasha iyo geerida Nasrallah ilaa iyo hadda ma jiro wali war ka soo baxay, taasi oo shakiga siyaadisay. Haddii ay dhacdo in uu duqeynta ku dhintay Nasrallah sidoo kale waxaa la dhintay labadii qof ee ka beddeli lahaa hoggaanka sare ee Xisbullah oo uu ku jiro , Cali Karaki, sida laga soo xigtay Israa’iil oo sheegtay goobtaa ay duqeysay inuu sarkaalkan iyo xubnaha sare ku sugnaayeen. Weerarkaasi khasaare uma horseedayo kaliya Xisbullah, sidoo kale Iran ayaa khasaare weyn la kulmi karta, sababtoo ah Nasrallah waxaa la sheegay in ay la joogeen saraakiil sare oo ka tirsan Iran gaar ahaanna Ilaalada Kacaanka Iran. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo duqayn xooggan ku beegsaday Hoggaamiyaha Kooxda Xisbullah appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay dhigiisa Wadanka Turkiga Hakan Fidan. Labada masuul oo ku kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka wada hadlay ka miradhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo gogoshu ay taallo Ankara. Sidoo kale labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga oo aad saaxiib u ah. Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga. Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinaya sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana hadda la qorsheynayaa in la isku arko wareeg 3-aad. Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.” Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Fiqi iyo Hakan Fidan oo labo arrin uga hadlay kulan ay ku yeesheen New York appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka aag bedelatay saldhigyadii ay ku lahaayeen daafaha magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada suga amniga caasimada ay dhankooda u ruuqaansadeen. Al-Shabaab ayaa dareemay culeys uga yimid ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, waxayna sameysteen saldhigyo cusub oo Muqdisho aan ka fogeyn. Kooxdii laga saaray daafaha ayaa saldhigyo ka sameysatay deegaano dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo lagu magacaabo Beerta Cali Mahdi, Ceelshaanle, Dareerta, Faadadiir iyo deegaano kale. Al-Shabaab waxay Khamiistii shalay aagga Beerta Cali Mahdi ku xayireen ku dhowaad 40 gaadiidka dadweynaha ah, iyagoo ku xujeeyey inay dalbadaan damiin gudaha Al-Shabaab la yaqaano. Dadka ku nool deegaanadaas ayaa noo sheegay inay arkeen dagaalamayaal badal oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanadaas soo dhoobtay oo dadka weydiinaya halka ay u socdaan iyo cida damiinka ka ah, sidoo kale waxay gaadiidka u baaraan si adag. Kooxahaan ayaa sameystay aag aysan u ogoleyn shacabka, ganacsatada Muqdisho iyo dadka u dacwooda ayey ku balamiyaan aagga beerta Cali Mahdi iyo dhul beeraley ah oo u dhow degmada Afgooye. Kooxdaan ayaa halis weyn ku ah amniga caasimadda, inkastoo ciidamada ammaanka ay baxeen oo deegaansadeen daafaha Muqdisho, hadana Al-Shabaab ayaa ka aag bedeshay fariisimahoodii hore. Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in kooxdaan aysan ka harin oo looga dabatago dhulka howdka ah ee u dhow degmada Afgooye, si khatartooda looga badbaadiyo shacabka Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow, sida Afgooye. The post Xog: Al-Shabaab oo saldhigyo cusub ka sameystay deegaano aad ugu dhow Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa Maanta Shir ku yeeshay magaalada New York halkaasi oo uu ka socdo kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres. Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026. Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobey iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ka wada-hadlay Mustaqbalka Xafiiska UNSOM appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres. Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026. Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya Kulankaan waxaa ka horeeyey kulan kale oo weyn oo Ra’iisul Wsaare Ra’iisul Wasaare Xamsa uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika. The post R/W Xamsa oo Xoghaye Guterres kala hadlay 3 qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October iyo Ciidanka NISA ee deegaanka Lambar-konton ayaa si wadajir ah uga hortagey weerar ay Kooxda Alshabaab qorsheynayeen inay ku soo qaadaan deegaankaas. Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” oo la hadlay Warbaanhinta codka ciidamada qalabka sida ku hadasha ayaa Xaqiijiyay in dagaalamayaasha Alshabaab iyagoo is Aruursi ka wadey Tuulada Buur-fuule oo Lambar-konton ka tirsan ay ku bexeen ciidanka xoogga dalku, halkaasna uu dagaal xooggani labada dhinac ku dhex maray. si kastaba ha ahaatee xog rasmi ah laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidanka xoogga iyo kooxda Alshabaab ee ka dhacay aagga deegaanka lambar konton ee gobolka Shabeellada Hoose, balse saraakiishu waxay sheegeen inay xubnaha Alshabaab waxyeelo weyn gaarsiiyeen. Source: goobjoog.com
-
Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhistay isbaheysi caalami ah oo ka shaqeyn doona sidii loo afjari lahaa dagaalka marinka Qasa, islamarkaana loo heli lahaa laba dowladood oo Israa’iil iyo Falastiin kala ah . wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka hadlay magaalada Newyork oo uu ka socda shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York ayaa xaqiijiyay dadaalka ay wadaan iyo dalalka qeybta ka ah. Isbaheysigan uu Boqortooyada Sucuudiga dhistay ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka. Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in kulamada ugu horreeya ee isbaheysigaasi ay ka dhici doonaan magaalooyinka Riyadh iyo Brussels. Ka dib markii bishii October 2023 uu qarxay dagaalka marinka Qasa ee u dhexeeya maamulka Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas Sacuudi ayaa hakiyay qorshe uu Maraykanku waday oo ku saabsan in boqortooyadu ay xiriir la yeelato Israa’iil, ayadoo arrintaas ku xirtay in la helo qaran madax-bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daba-yaaqaddii asbuucii hore ku guuleystay inuu hoos u dhigo xiisaddii isaga iyo reer Koonfur Galbeed, laakiin markale waxaa la qaaday tallaabo muujineysa in uusan heshiiska daacad ka aheyn dhanka dowladda federaalka. Maalin kahor waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu celiyay xildhibaan Ciirow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga soo doortay Koonfur Galbeed. Xildhibaanka ayaa kusii jeeday magaalada Baydhabo. Wuxuu weriyaasha u sheegay in taliska nabad-sugidda ka hor istaagay inuu u safro Baydhabo xilli uu u socdo tacsida geerida wiilkiisa. Xildhibaan Ciirow ayaa toos u eedeeyay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo uu sheegay inuu isagu ka dambeeyay caburinta iyo is-hortaagga lagu sameeyay. Wuxuu yiri Xildhibaanka, “horey ayuu xarig xildhibaan kursigiisa ugu waayay, haddana wuxuu markale bilaabay caburinta iyo beegsiga xildhibaannada.” Xildhibaan Ciirow wuxuu durba tegay fadhiga Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya shalay, halkaas oo buux xooggan uu ka bilowday kadib markii uu xildhibaanka dalbaday inuu ka hadlo dhibka loo geystay. Arrintan ayaa dib usoo faagtay xiisaddii Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah, waxay kale oo muujisay in dowladda dhexe aysan ka laaban go’aankii lagu xayiray liis kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku aragtida ah hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Waxay kale oo dhacdadan fursad cusub siinaysa maamulka Koonfur Galbeed oo iyaguna dib usoo celin doona dhaqankii ay Baydhabo ugu diidi jireen dadka ka aragtida duwan, mar haddii ay dowladdii dhexe dariiqaas qaldan aaday. Illo wareed aan rabin in magaciisa la isticmaalo ayaa laga soo xiganaya in uusan madaxweyne Xasan Sheekh kaalin ku laheyn tallaabada lagu joojiyay xildhibaankan. Laakiin haddii ay taasi dhab tahay waa inuu madaxweynaha fahma inay jiraan dad wax uga ciyaaraya oo duminaya xasiloonida siyaasadda. In Xasan Sheekh oo aan hadda haysan Puntland iyo Somaliland uu haddana lumiyo Koonfur Galbeed, macnaheedu waa inuu ku fashilmay isku hayntii iyo midnimaddii dalka. Si uu taas uga hortago Xasan Sheekh waa ku qasban yahay inuu dhulka isku dhigo reer Koonfur Galbeed. Laakiin hadda wixii uu 10 cisho ka shaqeynayay in sidaan fudud loo dhaawaco oo xiisaddii meesheeda lagu celiyo sax ma ahan. NISA oo loo haysto is-hortaaga xildhibaannada Koonfur Galbeed kama jawaabin eedaha loo soo jeediyay. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u baahan yahay inuu mideeyo aragtidiisa iyo ficilada dowladdiisa. Dadka reer Koonfur Galbeed ee ka hadlay ficilka lagu hor istaagay xildhibaanka tacsida u socday ee Ciirow waxay leeyihiin majirto si la isku waafajin karo in Xasan Sheekh uu nabad rabo oo uu ergo soo dirsanayo iyo inuu xildhibaannada Koonfur Galbeed u diidan yahay xoriyaddii socdaalka oo uu ku celinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Illo dowladda ka tirsan waxa ay leeyihiin awoodaha sar-sare ee dowladda ayaa isku aragti ka aheyn arrinta Koonfur Galbeed, waana midda keenaysa in tallaabooyin is-khilaafsan la qaado, laakiin madaxweynaha ayaa laga rabaa inuu iska qabto dadka wiiqaya dadaalkiisa inta aanay xaaladda gaarin meel uuna waxba ka qaban karin. The post Madaxweyne Xasan Sheekh yaa ka duminaya xasiloonida siyaasadda? appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa dhistay isbaheysi caalami ah ka shaqeeya helidda xal laba dowladood ah oo laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin, waxaa sidaas Khamiistii sheegay wasiirka arrimaha dibadda Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka dhinaca hadlay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York. Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka. Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in kulamada ugu horreeya ay ka dhici doonaan Riyadh iyo Brussels. Kadib markii bishii October 2023 uu qarxay dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay qorshe uu Maraykanku waday oo ku saabsan in boqortooyadu ay xiriir la yeelato Israel, sida ay sheegeen laba il-wareed oo xog ogaal ah, horraantii sanadkan. “Hirgelinta xalka laba dowladood waa xalka ugu wanaagsan ee lagu jabin karo colaadda iyo dhibaatada soo noqnoqotay, laguna dhaqan gelin karo xaqiiqo cusub oo gobolka oo dhan, oo ay ku jirto Israel, ay ku naaloonayaan amni iyo wada noolaansho” ayuu yiri Amiir Faisal Bin Farhan. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay todobaadkii hore in boqortooyada aysan aqoonsan doonin Israel ayada oo aan la helin dowlad Falastiin, wuxuuna si kulul u cambaareeyay “dambiyada duullaanka Israel” ee ka dhanka ah shacabka Falastiin. Israel iyo Xamaas ayaa dagaal uu ka dhaxeeyey tan iyo markii rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Falastiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza ay weerar ku qaadeen koonfurta Israel, 7-dii Octobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, ayna ku qabsadeen ilaa 250 la haystayaal ah. Israel ayaa ku jawaabtay weerar militari oo ay ku qaaday Gaza kaas oo lagu dilay in ka badan 41,500 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee Gaza. Israel ayaa dhinaca kale sheegtay inay sii wadi doonto ololaheeda xooggan ee ka dhanka ah kooxda Xizbullah ee Lubnaan, ka dib ku dhawaad sanad ay labada dhinac ay gantaallo isku weydaarsanayeen xuduudda. Sidaas oo ay jirto, haddana Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxa uu maanta sheegay in Israel ay sii wadi doonto inay ka xajaooto hindisayaasha ku aadan xabad-joojin lala galo Xizbullah. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Washington ay ka digtay in dagaalka uu ka sii dara uu sii adkeyn doono in shacabka labada dhinac ay guryahooda ku soo noqdaan. The post SACUUDIGA oo dhisay isbaheysi ballaaran oo la xiriira dagaalka GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
461309877_1189403282138432_4728202399434406596_n Qaran News
-
Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka, Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan Shir la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka, Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobey ee magaalada New York. “Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maraykanka oo shir ku yeeshay magaalada New York appeared first on Puntland Post.