Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Maxamed Amiin) ayaa noqday guddoomiyaha degmada Afmadow, kaddib markii doorashada ay u gudubtay wareega labaad sidoo kale uu tanaasulay mushariixi la gudbay wareega labaad kaas oo ah Maxamed Cabdullaahi Xaashi. Natiijada waxaa ku dhawaaqay Xamse Cabdi Barre guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland. Tirada codadka ay kala heleen saddexda musharax ee u tartameysay xilkaan ayaa kala ah. Maxamed Amiin 13 Maxamed Cabdullaahi Xaashi 6 Yuusuf Xasan Xuseen 2 Afmadow ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee golaha deegaanku ay doortaan guddoomiye, waxaana degmooyinka kale ka socdo dadaallo lagu dhisayo golaha deegaanka. View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. View the full article
  3. (SLT-Oslo)-Dowladda Norway ayaa xanibaadii ka qaadday masaajidka Tawfiiq, oo muddo dheer ay maamulkiisa isku haystaan laba kooxood oo Soomaali ah oo mid walbaa uu sheeganayo maamulka saxda ah. Khilaafka ayaa salka ku hayay arrimo ay kamid yihiin habka loo maamulayo dhaqaalaha uu gobolka Oslo ee dalka Norway ku taageero masaajidka. Gobolka Oslo ayaa soo saaray go’aan ah in lasoo fasaxayo dhaqaalihii uu ku caawin jiray masaajidka inkasoo aan weli xal buuxa laga gaadhin cidda rasmiga ah ee loo aqoonsan yahay maamulka masaajidka. Guddiga hadda gacanta ku haya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin go’aan kasta oo kasoo baxa dowladda Norway ayna ku qanacsan yihiin in masaajidku ka baxo isqabqabsiga maamul ee gaadhsiiyay marxaladdan. Qolyaha dhinaca kale ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aan kasta oo maxkamada Oslo kaasoo baxa haddii tallada masaajidka dib loogu celiyo guddiga hore gacanta ugu hayay. Soomaalida ku dhaqanka dalka Norway ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka joogtada ah ee masaajidkaTowfiiq, iyagoo hore u codsaday in loo dhiibo dad ka madax bannaan labada dhinac. Source
  4. Jig-jiga (Caasimadda Online) – Cali Khaliif Galeyr oo mar Soomaaliya kasoo qabtay xilka ra’iisul wasaaraha ayaa isagoo 78-jir ah ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Masuuliyiinta maamulka waxey sheegeen in marxuumka uu u geeriyooday sabab la xiriirta xanuunka COVID19, balse waxaa jirtay hadal heyn kale oo ah in cunto lagu sumeeyay. Iyadoo ay taasi jirto ayey ehelka Marxuumka codsadeen in baaritaan lagu sameeyo xilli lagu aasayo maanta magaalada Muqdisho. “Waxaan codsaneynaa in la baaro, baaritaanka dambe waxaa looga sameynayaa meesha loo qaadayo ee ay macquulka noqoto in lagu aaso” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud u sheegay warbaahinta ka hor intaan lasoo qaadin meydka. Mukhtaar wuxuu aaminsan yahay in cunto lagu sumeeyay, isla markaana aysan aheyn wax la aamini karo inuu u geeriyooday Covid19. “Caloosha ayaa laga qabtay, wuu shubmay, wuu fuuq baxay, isaga ayaa noo sheegay inuu in cunto ay sababtay xanuunkiisa, cunta waxa ay tahay? meesha uu ka cunay? lama gelin, waan fududeysanay, waxaan is laheyn wuu ka bogsoon doonaa” The post Ehelka Cali Khaliif Galeyr oo codsaday in la baaro waxa geeridiisa sababay first appeared on Caasimada Online.
  5. (SLT-Hargeysa)-Liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee rasmiga ah ee lagu ansixiyey shirweynihii 4aad ee qabsoomay 4 ilaa 6 October 2020, ayaa la shaaciyey maanta oo taariikhdu tahay 10-ka October. Liiskan oo ay si wadajir ah u xaqiijiyeen hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo shirguddoonkii shirweynaha 4aad ee xisbigu, waxa tiradiisu tahay 239 ka mid ah ergooyinkii ka imanayey gobollada iyo 54 xildhibaan, iyadoo lagu dari doono Maayarrada degmooyinka dalka ee KULMIYE, Guddoomiyayaasha xisbiga ee Gobollada iyo labada xubnood ee ergada gobollada ka maqan oo lambarradoodu kala yihiin 49 iyo 50 ee liiska golaha dhexe ee la faafiyey. Liiskan golaha dhexe oo uu saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen magayacyadoodu waa kuwan hoos ku daabacan. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo magaalooyinka dhinaca bari kaga teedsan. Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dilla, Tulli, Goroyo-cawl iyo Boorama, ayaa si aan kala hadh-lahayn madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, waxana iyagoo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen dariiqyada kala duwan ee magaalooyinkaas. Sidoo kale, markii uu madaxweynuhu gaadhay magaalada Boorama, waxa uu xadhigga ka jaray Buundada weyn ee isku xidha Jaamacadda Faca-weyn ee Cammuud iyo magaalada Boorama oo uu hore madaxweynuhu u dhagax dhigay. Hormuudka Jaamacadda, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo Injineerrada gacanta ku hayey Buundada Cammuud oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee uu ugu guntaday inay buundadaasi dhammaato, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay dhismaha Biriishkaasi uu fududeeyey isu socodkii ardayda ee Jaamacadda iyo magaalada oo markii hore dhib badani ka taagnayd muddana dheerna baahi u qabay inay mar uun haleen biriish ay kaga gudbaan doxa si ay waxbarashada jaamacada uga soo gaadhaan wakhtiyada roobabka. Wa-bilaahi tawfiiq Source
  7. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Magaalada Boorama kaga qayb-galay Munaasibad loo sameeyay Qalin-jebinta arday ka aflaxday Jaamacadda Camuud. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey Munaasibadda Qalin-jebinta Ardayda ka aflaxday Jaamacadda Camuud ayaa sheegay in la saxayo wixii ka khaldan Dawladda, si taa loo sameeyana loo baahan yahay in Dastuurka la raaco. “Waxaanu diyaar u nahay in la saxo Dawladda, waxaana lagu sixi karaa iyadoo siyaasadda la tayayeeyo oo Dastuurka la raaco.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaana lagu sixi karaa in dastuurka la raaco, Waayo? haddii doorashada la qaban waayana Dadku way is qabsanayaan..” Source
  8. Marka (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday qarax oo lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Hoose. Qaraxa oo ahaa noocca miinada ayaa waxaa ciidamadaasi lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanka Shalanbood iyo degmada Marka ee xarunta gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaraxa lala bartilmaameedsaday oo ah kuwa Uganda uu ka soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay illaa labo askari oo ka mid ah miino baarista ee ciidamada AMISOM. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Askar ka tirsan howl-galka AMISOM oo qarax lagu dilay first appeared on Caasimada Online.
  9. MOGADISHU (HOL) - The family of the departed former Prime Minister of Somalia Ali Khalif Gulaid has called for a probe over the death of their kin noting the circumstances surrounding his death are suspect. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (HOL) - The family of the departed former Prime Minister of Somalia Ali Khalif Galaydh has called for a probe over the death of their kin noting the circumstances surrounding his death are suspect. Source: Hiiraan Online
  11. Saacadaha soo socda waxaa Muqdisho kusoo wajahan Meydka Marxuum Cali Khaliif Galayr oo Aas Qaran loogu sameynayo Magaalada Muqdisho isla maanta. Raysal wasaare Galayr ayaa [...] The post Alla ha u naxariidtee Raysal wasaare Galayr oo lagasoo qaadey Itoobiya (Sawiro) appeared first on . Source
  12. Garowe (PP News Desk) — In response to calls to rein in inflation in Puntland, Hassan Shire Abdi, the Puntland State Finance Minister, proposed a theory about the comparatively higher exchange rate in Puntland. “We have seized a large amount of money from Southern regions, where 2,500, 000 million shillings buys one hundred dollars, bound for Puntland where 4,000, 000 shillings buys one hundred dollars” said the Minister. Mr Hassan has not explained the motivation of money changers to buy or sell dollars in a part of Somalia where the exchange rate is higher. Some preople have criticised Puntland Finance Minister for economic illiteracy. A foot in the mouth: Hassan Shire Farah’s theory of inflation in Puntland puzzles economists. A Puntland Post reporter visited the currency exchange market in Garowe one hour ago. “Somali shilling from South and South-central is not used in Puntland. Only Somali shilling printed by the former Puntland administration of Dr Abdiweli M. Ali is in circulation. Importers are seeking dollars” said one money changer in Garowe. “Puntland State does not understand the source of the inflation” says a Bosaso-based economist. Puntland Traders have resorted to a price hike to offset the higher exchange rate with which Puntland Finance Ministry is unable to deal. Puntland Finance Minister said his Ministry was consulting experts about the run-away inflation in Puntland. Last week, an influential Sheikh in Garowe called for Puntland State Government to devise policies to deal with higher cost of living caused by an exchange rate-driven inflation. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Finance Minister Advances a ‘Puzzling’ Inflation Theory appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Burco)-Dr Maxamed Gaboose ayaa madaxwaynaha ku eedeeyey masuuliyadda shaqo la’aanta dhallinyarada iyo dayaca adeega Somaliland. https://youtu.be/z86-npErIr0 Source
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa qorsheyneysa in ciidamo dheeraad ah ay u soo dirto gudaha Soomaaliya, si ay ugu biiraan howl-galka AMISOM. Ciidamada ay Kenya soo direyso ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 600 oo aaskari, sida lagu sheegay war qoraal ka soo baxay guddiga sare ee dowladda Ingiriiska. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ciidamadaasi lagu diyaarinayo magaalada Samburu halkaas oo ay tababar ku siinayaan saraakiil ka socota UK. Kenya ayaa ciidamada cusub ee ay soo direyso waxaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Balse warka ka soo baxay guddiga sare ee Ingiriiska laguma sheegin xilliga rasmiga ah ee ay ciidamadaasi soo gaari doonaan gudaha Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa waxaa horay Soomaaliya uga joogay ciidamo badan oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya. Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya ,Ethiopia iyo Jabuuti. The post Kenya oo ciidamo hor leh u soo direyso Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  15. Dowladda Kenya ayaa diyaarineysa ciidamo badan oo ay u soo direyso Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ka soo baxay guddiga sare ee dowladda Ingiriiska. Ciidamadaasi oo tiradoodu ay gaareyso illaa iyo 600 oo askari ayaa waxaa tababaro gaar ah ku siinaya magaalada Samburu malateriga Ingiriiska. UK ayaa Kenya ka taageerta tababarada dhinaca ciidamada, si ay qayb ugu noqdaan deganaanshaha iyo ammaanka bariga Afrika. Ciidamada cusub ayaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Julius court oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ka caawinayaan ka hortagga colaadaha ee Qaarada Afrika. Lama sheegin xilliga rasmiga ah ee ciidamada ka socda Kenya ay soo gaari doonaan Soomaaliya. Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi,K enya ,Ethiopia iyo Jabuuti View the full article
  16. mMuqdissho (Caasimada Online) – Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa ugu dambeyn heshiis hor-dhac ah ku gaaray magaalada Mascow ee caasimadda wadanka Ruushka, sida uu shaaciyey wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Sargey Levarov. Labada dhinac ayaa yeeshay wada-hadallo qaatay muddo illaa 10-saacadood ah, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirku, waxayna gaareen heshiis xabad-joojin ah, si loo qaboojiyo xiisada ka taagan gobolka lagu muransan-yahay ee Nagorno-Karabakh. Sidoo kale wada-hadalladan waxaa qeyb ka qaatay hay’adda caalamiga ah ee Laan Qeyrta Cas, sida uu isna shaaciyey diblumaasi sare oo ka tirsan dowladda Ruushka. Waxa kale oo kulanka dhex-dhexaadinta Armenia iyo Azerbaijan ka qeyb-qaatay Ururka Iskaashiga ee Midowga Yurub iyo labada wasiir ee arrimo dibadeed ee labada dal. Si kastaba ha’ahaatee dhaqan-gelinta heshiiska xabad joojinta ayaa bilaaban doono maanta oo Sabti ah, 10-ka October ee sanadkaan 2020-ka. Sidoo kale labada dowladood ayaa is-weydaarsan doono maxaabiistii ay kala qabsadeen intii ay socdeen dadaalladii dhex-maray Armenia iyo Azerbaijan. Dagaalladii cuslaa ee faraha looga gubtay ee dhex maray dalalka Armenia iyo Azerbijan, islamarkaana billowday 27-kii bishii la soo dhaafay September ayaa waxaa ku dhintay dad gaaray illaa 3000 oo qof, halka kumanaanna kale ay guryahoodii ka barakeceen. The post Armenia iyo Azerbaijan oo heshiis ka gaaray dagaallada gobolka Nagorno-Karabakh first appeared on Caasimada Online.
  17. Xili shalay ay ku beegneyd sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dhaariyey xubnaha baarlamanka HirShabelle ayaa waxaa haatan ay dad badan is-weydiinayaan wax-yaabihii u qabsoomay muddaasi. Baarlamanka HirShabelle ayaa waxa uu ka mid yahay hay’adaha ugu shaqada yar, marka laga hadlayo maamul goboledyada kale, waxana jirta in mudadaasi ay yar tahay waxa u qabsoomay. Sidoo kale baarlamankan HirShabelle ayaa waxa hareeyay guud ahaan khilaafaad siyaasadeed iyo wax-qabad la’aan mudadii uu jiray. Dhinaca kale waxa jirtay in tiro xildhibaano ah lagu dilay bartamaha magaalada Jowhar iyo sidoo kale wadadda xiriiriso magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, taas oo dadka qaar ay tilmamayaan in cabsi ay qaban darteed aysan qaban howlo fara badan oo hor-yaallay. Xildhibaanada baarlamanka HirShabelle oo xiligaan ay u dhamaaday muddo xileedkooda ayaa waxa looga fadhiyaa, sidii ay uga shaqeyn lahaayeen doorashada maamulkaasi. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Onlin) – Dowladaha Cuba iyo Kenya ayaa markale ka wada-hadlay arrimo ku aadan dhaqaatiir sanad ka badan u afduuban kooxda Al-Shabaab. Wada-hadallada ayaa yimid, kadib markii madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel oo xiriir dhanka taleefanka ah la soo sameeyey dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Díaz-Cane iyo Kenyatta ayaa ka wada-hadlay xaaladda iyo xorriyadda labo dhaqtar u dhashay dalka Cuba. “Waxa aan wadahadal taleefoon oo miro dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, innaga oo is weydaarsanay arrimaha Dhaqaatiirta iyo qodobo kale,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta f witter-ka ee madaxweyne Miguel Díaz-Canel. Dowladda Cuba ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sidii ay u soo bad-baadin laheyd dhaqaatiirtaasi oo haatan la sheegay inay Al-Shabaab uga faa’iideystaan daaweynta dagaalyahandooda ku soo dhaawacma dagaallada ay wado, ama kuwa ka xanuunsan. Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo takhasulkoodu yahay Qalliinka iyo daaweynta ayaa bishii April ee sanadkii 2019-kii laga soo qafaashay qeybo ka mid ah gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana tan iyo xilligaas ay gacanta ugu jiraan dagaalyahanada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya. The post Dowladda Cuba oo Kenya kala hadashay xaaladda dhaqaatiir looga heysto SOOMAALIYA first appeared on Caasimada Online.
  19. Waxaa lagu wadaa goordhow in meydka ra’isul wasaare Cali Khalif Galyer la keeno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Cali Khaliif oo geeriyoodey 8-dii bishan waxaa uu ku geeriyoodey magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Sida wararku sheegayaan marka la keeno Muqdisho ayaa lagula tukan doonaan garoonka, kadibna waxaa lagu aasi doonaa isla Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Magacyadda Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Kulmiye ee laga reebay liiska Golaha Dhexe ee Xisbigaas. Waxay isugu jiraan kuwo ay Madaxwaynaha isa seegeen iyo kuwo kale Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbul-xaakimka KULMIYE ayaa waxa laga reebaysiyaasiyiin muddo dheer ka mid ahaa Xisbigaasi. Wali lama soo saarin liiska rasmiga ah ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, haseyeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in liiska Xubnaha Golaha dhexe ee la gudbiyay laga saaray siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadn Qabo, Wasiirkii hore ee Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdilahi Ibraahim Habbane, Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Xiodhibaan Cabdilahi Balaaki, Siyaasiga Maxamed Iid Dhimbiil iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar. Lama oga sababta Golaha dhexe looga saaray xubnaha kor ku xusan, maddaama oo aanay jirin meel ay ku sheegeen inay iyagu ka bexeen Xisbiga, marka laga reebo siyaasiyiin hore u dhaliilay hoggaaminta Madaxwaynaha ee Xisbiga KULMIYE. Siyaasiyiinta laga reebay Golaha dhexe ee Xisbiga ayaan weli intooda badani ka hadal, marka laga reebay Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil oo cambaareeyay. Geeska Afrika Source