Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ee (Video-Conference) ayaa si kulul uga hadlay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxaya shirka golaha wasiirada oo uu guddoomiyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay meel ka dhac iyo gef ku tahay in xildhibaano metalaya lagu doorto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Sidoo kale golaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay qofka Somaliland ee qaadanayo wax ay ugu yeereen quursiga Xamar. Golaha wasiirada Somaliland ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya ay horeyba u watay colaada ka dhanka ah qaranimada Somaliland, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale golaha ayaa uga digay muwaadiniinta Somaliland inay isku dayaan ka qeyb-galka metalaad ay sheegeen inay tahay mid been abuur ah. “Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon,”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka golaha wasiirada. Somaliland ayaa horey uga hadashay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo shaacisay in aysan qusyen dhammaana arrimaha gudaha ee xukuumadda Muqdisho. The post Golaha Wasiirada Somaliland oo war xasaasi ah ka soo saaray doorashada Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  2. Golaha wasiirada Somaliland oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021. Shirkan oo ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka (Video-Conference) ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay meel ka dhac iyo gef ku tahay in xubno metalaya lagu doorto magaalada Muqdisho. “Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Somaliland. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  3. Hogaamiyihii Khaatumo Cali Khaliif Galeydh oo Geeriyooday+Halkuu ku geeriyooday Cali Khaliif Galeydh Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu goor dhow halkaasi ku geeriyooday Cali Khaliif Galeyr. Geerida Cali Khaliif oo mar soo noqday Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa BBC-da u xaqiijiyay Cumar Faaruuq Warfaa, oo ah wasiir ku xigeenka madaxtooyada Dowlad Deegaanka. Wararku waxay intaasi ku darayaan in marxuumka uu ku xannusanaa Jigjiga labadii maalmood ee la soo dhaafay. Qaran News
  4. Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ku geeriyoodey ra’isul wasaarihii hore ee TNG-da Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr, haddaba halkan kala soco taariikhdiisa. Cali Khaliif Galeyr, waxaa uu ku dhashtay magaalada Laascaanood 1941. Cali Khalif waa shakhsiyad caan ah oo xilal badan kasoo qabtay dalka iyo dibadda, Waxbarashadii: Cali Khalif Waxaa uu waxbarashadiisa kusoo qaatay dugsiga Sheekh sanadii 1962, Isagoo sidoo kale ka baxay Jaamacadda B.A (Honors) Boston University, Boston, M.A. sanadkii 1965-tii, Waxaa sidoo kale M.A kasoo qaatay Jaamacadda University, Syracuse, N.Y sanadkii 1969-kii. isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahaadad ugu sareysa dunida ee loo yaqaano PH.D Syracuse University, Syracuse, N.Y 1972-dii. Shaqadii uu qabtay: 1965-1967 Waxaa uu Xafiiska Siyaasadda u qaabilsanaa Wasaaradda arimaha gudaha. 1970-1973 Waaxda tababar-ka ee Somali Institute of Public Administration (SIPA) 1973-1974 Agaasinta guud SIPA 1974-1976 Agaasinka Mashruuca Sonkorta ee Jowhar (SNAI) 1976-1980 Madaxa fulintam, Barnaamijka loo yaqaano Juba Sugar Project (JSP) 1980-1982 Wasiirka Warshadaha ee Dowladii Mohamed Siyaad Barre 1982-1984 Waaxda Arimaha Dibadda ee Harvard University, Cambridge, MA 1984-1986 Xarunta Daraasaadka Bariga dhexe, Harvard University, Cambridge, MA 1986-1989 Lataliyaha US Firms, USAID, U.N-ka qeybta hor-umarka 1989-1991 Assistant Professor Wax ka dhiga Public Administration . Maxwell, Syracuse, University, Syracuse, N.Y 1991-1994 Associate Professor, Qeybta Public Administration, Maxwell School, Syracuse University, Syracuse, N.Y 1994-1996 Professor-ka Public Administration and International Relations, Maxwell School, Syracuse University, Syracuse, N.Y 1996- 2000 Maamulahan , Sharjah, UAE Cali Khalif iyo Dowladii Cabdiqaasim Salaad Cali Khalif waxaa uu ka mid ahaa wufuudii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta Arte ee dalka Djabuti. Oktoobar 8-dii 2000 ilaa oktoobar 28 2001 R/Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya ee madaxda ka ahaa Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan. 2002 – 2006 Professor-ka ayaa wax ka dhigay University of Minnesota, Minnesota, USA Khaatumo: Waxaa Saaxdheer loogu doortay Madaxweynimada Khaatumo 14-08-2014 l. 28-08-2014-ka ayaa loo dhaarinayaa xilka madaxweynimada Khaatumo State. Inkasta oo uu maanta Jigjiga ku geeriyoodey, muddooyinkii dambe waxaa uu ku sugnaa Hargeisa isaga oo qaatay siyaasadda Somaliland. Arrintan ayuu sheegay iney ku timid wada hadal dhexmaray isaga iyo maamulkaas oo la xiriira wax qeybsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh ayaa goordhaweyd ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta maamul degaanka Soomaalida Itoobiya. Cali Khaliif ayaa la sheegay inuu maalmahan kixanuunsanaa magaalada Jigjiga, waxaana geeridiisa xaqiijiyay dad ka tirsan eheladiisa. Cali Khaliif Galeydh, wuxuu soo noqday Ra’iisul wasaare Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967), Wasiirka Warshadaha (1980-1982) iyo 2014 oo noqday madaxweynihii maamulkii la magacbaxay Khaatumo. Dr. Galeydh oo cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamac ku taalla Mareykanka, ayaa geeriyooday isagoo 79 sano jir ah. PUNTLAND POST The post Dr. Cali Khaliif Galeydh oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  6. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo maanta ciidamada Kenya ay ka filiyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay deegaanada Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaas oo hoostaga Beled-Xaawo & Gabahaarey. Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyey oo ah kuwa Mii ah ay ku sugnaayeen dad shacab ah, islamarkaana ah xoolo dhaqato. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhamaan ah dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Kenya ayaa tacadiyo xoogan ka geysanayey qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  7. JIGJIGA (HOL) - Former Somali Prime minister Ali Khalif Galeydh has today died in Ethiopian Somali region, official confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. Allaha u naxariistee siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu labadii maalin ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa gudaha magaaladaasi. Cali Khaliif ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, wuxuuna mar soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, gaar ahaan dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Marxuumka ayaa ku dhashay Magaalada Laas-Caanood ee xarunta Gobolka Sool, sanadkii 1941-dii, waxaana hadda da’diisu aheyd 78 sano jir. View the full article
  9. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo War-murtiyeed Ka Soo Saaray Hadalkii Soomaaliya Hore Uga Soo Yeedhay, Kana Dooday Xeerka Gaadiidka Iyo Waddo Marista. Fadhigii 65aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya. • War-murtiyeed Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland. Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda. Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon. • Amniga Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabadgelyo ee dalka. • Xeerka gaadiidka iyo waddo marista. Goluhu wuxuu dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka. Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo wadooyinka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  10. Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyihii khaatumo ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Gallaydh, ayaa sidoo kale hore u soo noqday Raysal waaaaraha Soomaaliya. Source
  11. Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Baar Ismaaciin oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale. Sidoo kale ciidamada ammaanka oo sameeyey howl-gallo baarinaato ah ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo qaraxaasi. Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku an amniga, sida dilal, qaraxyo iyo weeraro toos ah oo Al-Shabaab ay ku soo qaaday degmadaasi. View the full article
  12. Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa dhawaan ansixiyey Xubnaha Golaha Dhexe oo tiradoodu gaadhaysay 234 xubnood oo aan magacyadooda la shaacin. Xubnaha oo ahayd in magacyadooda la shaaciyo, si loo ansixiyo, ayaa waxa arrintaasi ka sheegay in dib laga sheegi doono Shirguddoonkii weynaha Kulmiye, kaas oo ku dooday in aanay suurto gal ahayn in magacyada dad ka badan 200 qof in la yeedhiyo, waxaanay xuseen in wixii khaladaad ah iyo tabasho ah si wakhti loogu helo aan la shaacinayn Magacyada Liiska Golaha dhexe. Tan iyo intii ka dambaysan markii la ansixiyey xubnaha Golaha dhexe iyo muddadii saddexda cisho ahayd ee shirweynaha Kulmiye socday, waxa la dareemayey loollan adag iyo is jiid jiid ka dhex jiray masuuliyiinta Kulmiye iyo Beelaha qaarkood, kuwaas oo hirdan ugu jiray ka mid noqoshada Golaha Dhexe ee Kulmiye. Loollankan cusub, ayaa waxa keenay laba qodob oo mid ahaa in Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Maayaradda dalka ee Kulmiye ka soo baxay si toos ah uga mid noqdaan Xubnaha Golaha dhexe ee Kulmiye, taas oo dhicisowday ka dib markii la diiday. Qodobka kale ee ahaa in xubnaha golaha Wasiirrada ay si toos ah uga mid noqdaan Golaha dhexe, ayaa meesha laga saaray, waxaanay labadan qodob keeneen loollan iyo is riix riix Beelaha dhexdooda ah, iyada oo Masuuliyiinta Kulmiye, sida Wasiirrada, Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Maayarradu ay ku hawlan yihiin sidii ay Beelahooda ugu soo geli lahaayeen, inkasta oo ay Loollan adag kala kulmay xubno Xisbiyahanno iyo siyaasiyiin igu jira oo doonaya in ay xubnimadoda adkaystaan. Sidoo kale, waxa iyaguna meel ay ka galaan raadinaya Xubno ka mid ahaa Golihi Wasiirradda ee Xukuumaddii Siillaanyo oo Wasiirnimo ugu jiray Golaha dhexe, kuwaas oo qorshahan cusubi uu meesha ka saaray, iyada oo la sheegay in qaarkood xubno Golaha dhexe oo beelnimo ugu jiray ay uga baxeen. Loollanka iyo hirdankan Xubnimada Golaha dhexe, ayaa sidoo kale saamaysay Beelaha qaarkood, kuwaas oo madaxa iskula jira, iyaga oo xubno damac leh mid walba uu doonayo inuu ku soo galo magac Beeshiisa. Source
  13. Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Jigjiga, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. Warkan ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu barta twitter-ka soo dhigay afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar. Wax faah-faahin oo intaas dheer lagama bixin geerida Dr. Cali Khaliif Galaydh. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Cali Khaliif Galaydh uu u geeriyoday xanuun kusoo booday xilii uu joogay magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Soomaalida Ethiopia. Cali Khaliif Galaydh ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka kadib burburkii, markaasi oo uu magacaabay madaxweynihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd Cabdiqaasim Salaad Xasan, sanaddii 2000. Faah-faahin naga filo dhowaan, Insha Allah. The post Dr. Cali Khaliif Galaydh oo geeriyooday first appeared on Caasimada Online.
  14. This summer has seen significant escalation between Ethiopia, Egypt and Sudan over the filling of the new Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), the latest front in a long-standing dispute between the countries over rights to the Nile’s water. The United States has tried to play the role of a mediator in such disputes. But in September, the Trump administration announced it would slash Ethiopia’s aid budget by $130 million, intervening in support of Egypt and exacerbating tensions. Ever since construction began on the dam in 2011 — and indeed for decades before that — it has been a flash point in the region. The problem is that all parties have a point. The GERD would provide Ethiopia with clean, cheap and abundant energy — a much-needed addition to a country in which 55 percent of people lack electricity and 27 percent live in poverty. Failing to move forward with the dam’s filling would deprive 65 million Ethiopians of substantial energy potential, condemning them to inadequate living standards and sluggish economic prospects. A boat sails in the Nile River in Aswan, Egypt, on Apr. 29, 2015. (Mosa’ab Elshamy/AP) Yet to dam a river that provides 90 percent of Egypt’s freshwater will deepen that country’s perilous water crisis. In recent years, Egypt’s persistent water deficit has strained its agricultural industry and upended life in many parts of the country. For Sudan, stuck in the middle, the cheap energy and flood regulation benefits are attractive, but the possible water shortages are too great to overlook. Khartoum has weighed in on the side of its downstream partner, Cairo. The issue is complex and requires careful mediation, but the Trump administration has taken a different approach. By cutting aid to Ethiopia, Washington appears to be pressuring it to accept Egypt’s demands: to slow the dam’s filling and sign up for deferential water-sharing quotas. In practice, the abrupt move has worsened the dispute — hardening Ethiopia’s resolve, emboldening Egypt’s nationalism and undermining the United States’ own credibility as an international mediator. There is now little room for maneuver. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has begun filling the dam at haste, threatening to mobilize “millions” of people if Egypt gets in the way. The Egyptians in turn have tested Abiy’s words, launching cyber strikes against Ethiopia and leaving haunting warnings: “Prepare the Ethiopian people for the wrath of the Pharaohs.” As the two sides clash, many warn of a “water war,” the sort of resource scarcity crisis that may pull many neighbors apart in the future. With fears of sabotage still growing, Ethiopia took the extraordinary and ominous step this week of banning all flights over the dam. If Washington still hopes to stave off war between two of its closest allies on the African continent, it will need to reverse course. Fortunately, the path forward does not rely on the United States. Negotiations will now be led by the African Union, a more honest and informed broker. However, the United States can still help. The right strategy for defusing tensions is not to strip Ethiopia of 25 percent of its non-humanitarian assistance. That decision, made with little public warning or explanation, has left Ethiopia undaunted. While Ethiopia’s government has coolly requested that Washington “reconsider” its decision, Ethiopian civil society has been incensed by what they see as a betrayal. Ethiopian commentators place the move within the “legacy of British colonialism” and view it as “another example of Trump’s disregard for Africa,” harking back to Trump’s derisive comments about “shithole countries.” Others have asserted that Washington solely seeks to curry favor with Egyptian President Abdel Fatah al-Sissi, whom Trump has memorably referred to as his “favorite dictator.” African officials elsewhere have said that the United States “unnecessarily became a vector of instability in an already volatile situation.” Instead, the United States should seek to solve Egypt’s water crisis. Egypt loses 50 percent of its freshwater to poor planning and regulation, wasting scant resources by using freshwater for industrial cooling, for example, when it could use seawater. The United States could alter the dynamics of the dispute by investing in more rigorous water-efficiency programs. Examples from Jordan to Kenya — where the United States has successfully reduced water waste by up to 41 percent and helped provide drought-adjustment innovations — show the potential of such an intervention. As this crisis continues, Washington must realize that carrots nearly always fare better than sticks. Indeed, recent research has shown that as much as 90 percent of contemporary sanctions regimes fail to achieve their objectives. These measures are more likely to raise the stakes of disputes and make compromise more difficult. It will be important for this administration, or the next one, to work toward a real solution on the Nile. If not, the region’s water crisis and power politics may provoke an avoidable war. Stephen Paduano is a PhD candidate at the London School of Economics and the executive director of the LSE Economic Diplomacy Commission. Source: Washington Post The post A conflict is brewing on the Nile — and the United States is bringing it to a boil appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-08102020.mp3 View the full article
  16. Sports CS Amina Mohamed has not made it to the final leg of the race for the WTO job, according to Bloomberg. Source: Hiiraan Online
  17. Gabadha da’ yar oo Hal maalin ra’iisal wasaare ka noqotay dalkeeda Dalka Finland wuxuu inta badan kaalmaha koobaad kaga jiraa dadaallada lagu simayo fursadaha ragga iyo haweenka. Ra’iisul Wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa dadaal u gashay sidii lagu simi lahaa fursadaha ragga iyo haweenka, waxay gabadhan yar ee 16 jirka ah u ogolaatay in haal maalin ay Ra’iisul Wasaare ka noqoto dalkaasi. Gabadhan la yiraahdo Aava Murto waxay kulan la qaadaneysaa siyaasiyiinta oo ay ka wada doodi doonaan xuquuqda haweenka iyo teknooloojiyadda. Waxay tallaabadan imaaneysaa maalin ka hor xilliga la xuso maalinta xuquuqda gabdhaha oo ah olole caalami ah oo ay garwadeen ka yihiin ha’yado samafal oo qaabilsan xuquuqda carruurta. Waa sanadkii afaraad ay Finland ka qeyb gasho qorshaha caalamiga ah ee ‘Awood siinta gabdhaha’ kaas oo u ogolaanayo gabdhaha da’da yar ee kasoo jeedo caalamka inay noqdaan hogaamiyeyaasha mustaqbalka iyo inay qaban karaan shaqooyin kale. Sanadkan waxaa ololaha diiradda lagu saarayaa sidii gabdhaha ay u heli lahaayeen fursadaha dhanka teknooloojiyadda iyo Digital-ka, waxaana kamid ah waddamada ka qeybta ah barnaamijkaas Kenya, Peru, Sudan , Vietnam iyo dalal kale. “Waxaan ku faraxsanahay in aan halkan hadal ka jeediyo, si kastaba, haddii aan ka hadalno runta weli lama gaarin arrinta ku aadan in la simo fursadaha haweenka iyo ragga, inkasta oo aan wax badan ka qabanay arrintaas weli waxaa loo baahan yahay in howl badan la geliyo dadaalladaas” ayay tiri Aava Murto. Gabadhan waxay si weyn ugu ololeyn jirtay in wax laga qabto isbaddalada cimilada iyo in haweenka la ilaaliyo xuquuqdooda, waxay kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Finlad waxayna ka wada hadleen fursadaha haweenka ee dhanka teknooloojiyadda. Aava Murto oo warbaahinta la hadleysay xilli ay maalin qabaneysay xilka Ra’iisul wasaaraha Finland Ka hor munaasabadda xilka halka maalin loogu wareejinayay gabadha, Ra’iisul Wasaaraha Finland Sanna Marin waxay carabka ku adkeysay muhiimadda ah in qof kasta uu xaq u leeyahay fursadaha teknooloojiyadda balse aana lagu gacan bidxeyn dal ama bulsho. Sanadkii lasoo dhaafay, Finland waxay kaalinta saddexaad ka gashay dalalka caalamka ee kasoo baxay shuruudaha lagu xaqiijiyo in la simo fursadaha haweenka iyo ragga. Si kastaba, fursadaha teknooloojiyadda si buuxda loogama qeyb geliyo haweenka. Ms Marin waa Ra’iisul Wasaaraha ugu da’da yar adduunka, waxaana xilkan loo dhaariyay sanadkii lasoo dhaafay iyadoo 34 jir ah. Waa Ra’iisul wasaarihii saddexaad oo haween ah oo soo mara Finland, waxay hogaamisaa isbaheysiga garabka dhexe iyo afar xisbi oo kale- oo ay dhammaantood hogaamiyaan haween. Qaran News
  18. Madaxweyne Biixi, Golihiisa Wasiirrada ma ku soo kordhin doonaa siyaasiyiin Miisaan Leh ? (SLT-Hargeysa)– Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu soo Magacaabo Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye, ka dib markii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye uu wax ka beddel ku sameeyay Xeerkii Xisbiga ee khuseeyay Xulashada Xoghayaha guud. Xoghayaha guud oo markii hore tartan loo geli jiray ayaa hadda waxa soo Magacaabaya Guddoomiyaha Xisbiga oo ah Madaxweynaha. Lama oga in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dib u soo Magacaabi doono Xoghayihii guud ee hore Mudane Xasan Siciid Yuusuf oo 9-kii sanadood ee u dambeeyay ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo inuu soo xulan doono siyaasi kale oo noqon doona Xoghayaha guud. Warar kale oo soo baxaya ayaa iyaguna waxay sheegayaan in Madaxweyne Biixi uu wax ka beddel iyo isku shaandhayn ku samayn doono Golihiisa Wasiirrada, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu sugayey qabsoomidda shirweynaha Xisbiga Kulmiye, kaasi oo Salaasadii la soo la soo gebogabeeyay. Wararka Wargeyska Geeska Afrika helay waxay intaa ku darayaan, in Madaxweyne Biixi samayn doono isku shaandhayntii ugu ballaadhnayd muddadii uu xilka hayey. Madaxweyne Biixi oo siyaasiyiinta Mucaaradku ku dhaliilaan in Golihiisa Wasiirradu u badan yihiin kuwo aan Miisaan siyaasiya lahayn, ayaa sidoo kale la filayaa inuu kordhiyo Tirada Golaha Wasiirrada oo hore u ahaa 32 Wasiir iyo Wasiir ku-xigeeno. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay dib uga soo baxeen deegaanka Basro iyo tuulooyin kale oo hoos yimaada, kuwaas oo dhaca wadada xiriirisa magaalada Afgooye iyo Balcad. Wararka ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay durbo la wareegeen deegaanadaasi, kuwaas oo isku fidiyey halkaasi. Meelaha ay soo baneeyeen ciidamada waxaa ka mid ah Basra,Daniga Baalow,Buulo Kuunto iyo Walamoy. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan dagaalyahanada Al-Shabaab ay howl-gallo iyo dhaqaaqyo ay ka wadaan deegaanadaasi. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac ee ka socda halkaasi. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa todobaadyadii u dambeeyey howl-gallo ballaaran ka waday duleedka Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Si kasta ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii qarax dhaliyey khasaare culus ciidanka ilaalada guddoomiyaha magaalada Balcad lagula eegtay duleedka degmadaasi. The post Ciidamada Xoogga dalka oo isaga soo baxay Basra iyo Al-Shabaab oo dib ula wareegay first appeared on Caasimada Online.
  20. Askarigii dilay George Floyd oo la sii daayey Derek Chauvin, ayaa ahaan xor illaa inta laga gaadhayo maxkamadaynta danbe Sarkaalkii hore ee booliska Mareykanka ee loo haystay dilka ninkii madowga ahaa ee aan hubeysneyn George Floyd ayaa lagaga sii daayay xabsiga qaab damiin ah. Derek Chauvin ayaa soo dhigay $ 1m (£ 774,000) oo dammaanad ah waxaana la sii daayay subaxnimadii Arbacada, sida uu muujinayo diiwaanka maxkamaddu. Sarkaalkan caddaanka ah ayaa laga duubey isaga oo jilibkiisa qoorta kaga haya Mr Floyd muddo ku dhow sideed daqiiqo ah, ka hor inta uusan dhiman 25 May. Dhimashada Mr Floyd waxay horseedday muddaaharaadyo caalami ah iyo baaqyo ku saabsan dib-u-habeyn dhanka bilayska ah, oo ka dhashay dhaqdhaqaaqii Nolosha Dadka Madow waa Mudan. Mr Chauvin ayaa laga caydhiyay shaqadiisa waxa uuna hadda sugayaa maxkamad bisha Maarso ee sannadka soo socda iyadoo lagu eedeenayo dil labaad iyo dil badheedh ah. Seddexdii sarkaal ee kale – J Alexander Kueng, Thomas Lane iyo Tou Thao – ayaa sidoo kale shaqada laga caydhiyay waxaana lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen dilkaasi. Dhammaan afartan sarkaal ee loo haysto dilka Mr Floyd oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa hadda la soo damiintay, waana xor ilaa laga gaadhayo maxkamadeyntooda danbe sannadka soo socda. Chauvin wuxuu ku jiray xabsiga ugu amniga badan ee Oak Park Heights, Minnesota, tan iyo dabayaaqadii bishii May. Bishii Juun, garsooraha ayaa dhigay dammaanad ah $ 1.25m oo aan lahayn wax shuruud ah, ama $ 1m oo ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin Mr Chauvin in aanu la xidhiidhin qoyska Mr Floyd, dhiibistiisa qorigiisa oo uusan ka shaqeyn karin waaxaha sharci fulinta ama amniga maadaama uu maxkamad sugayo. Mr Chauvin, damaanaddiisa ayaa tan shuruudda leh, taasoo diiwaanka maxkamada ay muujisay inay u dammaanad qaadday wakaalad ka shaqaysa damiin qaadidda, sida ay soo tebisay warbaahinta CBS Minnesota. Mareykanka gudahiisa, wakiillada damaanad-qaadayaasha ah aa ayaa kuu ballan qaadaya inay siiyaan mas’uuliyiinta qaddarka dammiin buuxa ee looga baahan yahay deysanayaasha haddii aysan awoodin inay sidaas sameeyaan ama ay ku fashilmaan inay ka soo muuqdaan maxkamadda. Ka bilaw koonha bidix: Derek Chauvin, Tou Thao, Thomas Lane iyo J Alexander Kueng Mr Chauvin ayaa laga sii daayay xabsiga wax yar ka hor 11:30 waqtiga maxalliga ah (17:30 GMT) Arbacadii, sida laga soo xigtay Xafiiska Sheriff County Hennepin. Ben Crump, oo ah qareen u dooda xuquuqda madaniga ah oo matalayay qoyska Mr Floyd, ayaa sheegay in siidaynta Mr Chauvin ay ahayd “xusuusin xanuun badan” sida oo kalena “wali ay ka fog yihiin inay cadaalad u helaan George”. “In kasta oo George Floyd loo diiday inuu caddaalad ku helo nolosha, haddana ma nasan doonno illaa iyo inta uu ka helayo caddaalad buuxda kaddib geeridiisa, “ayuu yidhi Mr Crump. Xilligan, dhammaan afarta sarkaal ee la eedeeyay waxaa loo qorsheeyay inay si wada jir ah u wajahaan maxkamad bisha Maarso, laakiin qaaddiga ayaa ka fiirsanaya inuu si goonni goonni ah u maxkamadeeyo. Dhacdadan dacwad oogisteeda ayaa muujisay nabarro qoto dheer oo ka dhashay sinnaan la’aanta jinsiyadeed ee Mareykanka. Banaanbaxyadii Nolosha Madow waa Mudan – oo qaarkood rabshado isu rogeen – waxay noqdeen arrimo siyaasadeed oo muhiim ah xilligan loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynenimo ee bisha Nofeembar ka dhici doonta Mareykanka. Qaran News
  21. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaa sheegay in guud ahaan uu hoos u dhac ku yimid sanadkan tirada kiisaska xanuunka daacuunka ee Soomaaliya, marka la barbad dhigo sannadihii ka horreeyay. Hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hoos u dhaca kiisaska cudurka ay sababeen wanaajinta iyo hirgelinta waxqabadka ka hortagga oo ay ku jiraan ololaha tallaalka cudurka daacuunka iyo xoojinta howlaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda goobaha. WHO, ayaa xaqiijisay in ay sii wadi doonto hirgelinta waxqabadka yareyn kara faafitaanka cudurka,iyadoo kaashaneysa hogaaminta iyo taageerada maamulada caafimaadka dalka. PUNTLAND POST The post Hay’adda caafimaadka Aduunka oo war ka soo saartay Kiisaska Cudurka daacuunka ee gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolkaas, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay bar koontarool aoo ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin halka loo yaqaano baar Ismaaciil. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa labo qof oo kala ahaa darawal mooto Bajaajle iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa xiray aaga meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano la xiriira qaraxaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamniga iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan iyo qaraxyo ka fuliso gudaha magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye iyo Wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.