Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xog: Haweenay ay Walaalo yihiin marxuum Cali Khaliif Galeydh oo ku hanjabtay Arrin xasaasiya Sida ay Warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya waxay dood adagi ka dhalatay aaskii Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxruum Cali Khaliif Galeydh, taas oo u dhaxeysay xubno kamid ah qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Haweeney la dhalatay Prof. Galeydh, oo lagu magacaabo Saafi Khaliif Galeydh ayaa Doraad gelinkii hore diiday in la aaso meydka iyadoo dalbatay in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo, hase yeeshee waxaa markii dambe go’aan gaadhay Garaadka beesha uu Maxruumka ka soo jeedo oo goobtaas ku sugnaa. “Saafi waxay diidaneyd laba arrimood oo kala ah, 1) – In la aaso iyadoo aan lagu sameynin baadhitaan dhab ah & waxa sababay geeridiisa iyo 2) – In aan lagu aasin meel aan aheyn Laascaanood oo ah halka uu ka soo jeedo kana dardaarmay, balse markii dambe dowladda iyo Garaadka Beesha ayaa ku heshiiyay waana la aasay dood dheer kadib, “Saafi waxay xitaa ku hanjabtay inay sun cabi doonto haddii Muqdisho lagu aaso, sidoo kalane la aaso isagoon la baadhin, markii dambe mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa dalbaday in la kaxeeyo, xaaladeedana lala socdo lana ilaalsho maadaama ay sheegtay in ay sun cabi doonto,” Allah ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galeydh ayaa dhawaan si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Jigajiga ee Dhulka Soomaali Galbeed waxaana ilaa hadda geeridiisa ku geedaaman Su’aalo badan oo shaki abuuray. Inkasta oo mas’uuliyiinta Jigjiga ay sheegeen inuu u geeriyooday COVID-19, haddana sarkaal ka tirsan ONLF ayaa sheegay in la sumeeyey, taasi oo dhalisay shaki iyo cadho xooggan. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 66 sano guuradii ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee Soomaaliya calan yeelato. Xasan Sheekh ayaa xusay in calanka Soomaaliya mamnuuc ka ahaa in ka badan 85% dhulka Koofurta iyo bartamaha markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya September 2012, iyada oo calanka Al-Shabaab oo kaliya uu ka taagnaa. “Ilaaheey fadligiis, dadaalka halyeeyadeena iyo haggaaminteena darteed, waxaan ku guuleysannay in calankeena cirka u eg dib looga taago gobolla badan oo uu ka dul babado,” ayuu ku yiri hadal uu si gaar ah ugu jeediyay bulshada munaasabadda maalinta calanka. “In ka yar 10% ayaa lagu soo koobay dhulka ay Al-shabaab ka talinayeen markii uu xilka wareejiyay Xasan Sheekh. Waxaa la xoreeyay in ka badan 25 degmo oo ka tirsan dalka” Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab ayaa deegaannada ay ka arrimiyaan ka mamnuucay calanka Soomaaliya oo maanta 66 sano jirsaday, walina waxaa jira deegaanno badan oo calanka uu mamnuuc ka yahay. The post Xasan Sheekh: "Waxaa jira deegaano uu mamnuuc ka yahay calanka Soomaaliya" first appeared on Caasimada Online.
  3. Wasiirka Difaaca waddanka Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska laga leeyahay dalkaas ee The Nation, ayaa ka warbixisay Arrimaha ku xiran in Milateriga Kenya laga saaro Soomaaliya. Mrs. Juma ayaa beenisay wararka ku saabsan in Ciidamada Kenya laga saarayo Soomaaliya, waxaana ay faahfaahisay shuruudaha ku xiran in Ciidankaas ay ka baxaan gudaha Soomaaliya. “Kenya waxay qeyb ka tahay dalalk ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii” ayay tiri Juma “Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” Muddooyinkii u dambeeyay, waxa soo baxayay warar sheegaya in Kenya Ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya, kadib khilaaf soo kala dhex galay labada dal balse wasiirka Difaaca dalkaas ayaa si cad u beenisay. PUNTLAND POST The post Kenya oo beenisay in ay Ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Imaaraadka oo doonaya in la xidho saldhig Turkigu leeyahay Dowladdaa Imaaraadka Carabta ayaa dalbatay in la xiro saldhigga Turkiga ku leeyahay dalka Qatar, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labadan dal ee Islaamka ah. Ciidamada Turkiga ee jooga Qatar waa qeyb ka mid ah xasilooni darrada gobolka Khaliijka, waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta, oo intaas ku daray inay uga sii darayaan kala qeyb-sanaanta gobolka. Imaaraadka Carabta iyo xulufo Carbeed oo ay qeyb ka yihiin ayaa go’doon geliyey Qatar bartamihii 2017, waxayna dalbadeen in la fuliyo shuruudo ay ka mid yihiin in Doha ay xirto saldhigga militari ee Turkish-ka ay halkaas ku leeyihiin. Ankara iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale kala taageera dhinacyada isku haya dagaalka Libya. “Jiritaanka saldhigga Turkiga ee Gacanka Carbeed waa xaalad deg deg ah,” ayuu yiri Anwar Gargash oo ah wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka oo qoraal soo dhigay Twitter-ka. “Waxa uu xoojinayaa kala qeybsanaanta, mana ixtiraamayo madax-banaanida dalalka gobolka, danaha dalalka Khaliijka iyo shacabkooda.” Mareykanka oo doonaya in dalalka Khaliijka ay u midoobaan Iran ayaa isku dayey inuu xaliyo muranka Qatar iyo xulufada Carbeed ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaamiyaan, hase yeeshee weli kuma guuleysan. 9-kii September, diblomaasiga ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Bariga Dhexe David Schenker ayaa sheegay inuu jiro horuamr toddobaadyadii tegay laga sameeyey xalinta xiisaddan. Diblomaasiyiin iyo ilo-wareedyo ku sugan Khaliijka ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu jiro wada-hadal u dhaxeeya Riyadh iyo Doha, kadib wada-hadalladii burburay horraantii sanadkan, hase yeeshee ma jiraan wax astaamo ah oo muujinaya horumar laga sameeyey. Qaran News
  5. Islamabad (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa mas’uulkii ka horreeyay ku eedeeyay inuu dhibaato ku fiirsaday wadamo ay ku jirto Soomaaliya xilli uu ka qeyb galay barnaamij aqoon is-weydaarsi ah. Nawaz Sharif waa ra’isul wasaarahii laga badalay shaqada, wuxuu ahaa midkii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara wadanka Pakistan, waxaana lagu eedeeyay inuu ku mashquulay kaliya arrimaha wadanka Hindiya. “Nawaz wuxuu kaliya muhiimad siinayay arrimaha Hindiya ee sawir-xumeynta ciidanka Pakistan, wuxuuna iska indho-tiray xaaladda wadamada Libiya, Soomaaliya iyo Yemen oo ay soo wajahday dhibaato dhanka ciidanka ah,” ayuu yiri imran Khan. Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, waxeyna ka wada tirsan yahiin dhawr urur oo laga xusi karo Jaamacadda Carabta. Nawaz Sharif wuxuu ahaa masuulkii ugu wakhtiga dheeraa ee wadankaas soo hogaamiya maadaama uu 9-sano ku sugnaa xafiiskiisa, balse waxaa ka guuleystay Imran Khan. The post Imran Khan oo masuulkii ka horeeyay ku eedeeyay inuu dhib ku fiirsaday Somalia first appeared on Caasimada Online.
  6. Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku weerareen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax dheere. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Al-Shabaab islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada Qansax dheere ee gobolka Baay. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Qansax dheere ee gobolka Baay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhiga ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  7. War-murtiyeed بسم الله الرحمن الرحيم Shir ay isugu yimaadeen dhaqanka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo Dhallinyarada beesha reer Garaad taariikhdu markay ahayd (11-10-2020) kaas oo looga arrinsanayay kursigii matalaadda beesha ee labada aqal ayaa waxaa ka soo baxay war murtiyeedkan:- Beeshu iyadoo ka duulayso hannaanka awood Qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee lagu heshiiyay shirkii Carte ee dalka Jabuuri 2000, islamarkaana xiganaysa dustuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Iyadoo xusseyso tanaasulaadkii faraha badnaa ee ay marar badan kasoo samaysay, si aysan caqabad iyo culayska ugu siyaadinin xal u helidda dhibaatada raagtay ee soomaaliya. Beeshu Iyadoo ka dabaaqtamayso dulmiga daba dheeraaday ee laga galayay dhamaan dowladihii is xigxigay ee dalka soo maray, oo ay igu danbaysay dowladdii lasoo dhisay 2016 kaas oo beesha lagu duudsiiyay xuquuqdii iyo matalaaddii ay ku lahayd labada aqal ee baarlamaanka Fadaraalka soomaaliyeed, Waxay beeshu soo saaraysaa Qodobadan soo socda. 1. Beesha reer Garaad waxaa ay ugu baaqaysaa dowladda federaalka ah, Gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudame Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) in uu indhaha ku hayo, mudnaan gaar ahna siiyo hannaan qaybsiga kuraasta metalaadda labada gole ee lagu dooran doono J. Land gaar ahaan Magaalada G/Harrey iyo Kismaayo, si uusan u dhicin boob iyo sad bursi, si aysan mar dambe u dhicin boobkii horey u dhici jirey. 2. Beesha reer Garaad waxaa ay ugu Baaqeysaa Madaxweynaha maamul goboboleedka J. Land Mudane Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), inuusan soo laaban mar kale dulmigii dhacay 2016, ee lagu boobay kursigii metalaadda beesha Reer garaad ee J. Land ee golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. 3. Beesha reer Garaad waxaa ay uga digayaan dhaqanka beesha SADE in aysan mar 2aad iyo mar 3aad aysan dhicin boobkii beesha dhexdeeda ahaa ee ku saabsanaa Metalaada Kuraasta labada aqal ee beeshu 4.5 ay saami ahaan ugu heshay, siddii 2016-kii dhacday oo hal beel si boob ah ay 2 kursi ugu qaadatay, taasoo lagu boobay kursigii metalaadda beesh Reer Garaad. 4. Beeshu waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo wadamada daneeya nidaamka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya inay indhaha ku hayaan, si dhowna ula socdaa hannaanka soo xulista kuraasta 2-da aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo dooranayo J. Land, si aysan u dhicin wax isdaba-marin iyo boob lakala boobo kuraasta gole-yaasha labada aqal. The post Video: Beesha Reer Garaad ee Mareexaan oo farriin u dirtay madaxweyne Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa weerar khasaare kala duwan dhaliyey oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne oo xarun ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan ay fuliyeen dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab, waxaana lagu qaaday fariisin ay leeyihiin ciidamada dowladda. Inta la xaqiijiyey illaa lix askari ayaa ku dhaawacantay weerarkan, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud ee Beledweyne. Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad kooban oo dhex-maray labada dhinac. Kooxda fulisay weerarka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsatay is-rasaaseynta kadib. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Beledweyne ayaa weeraro gaadmo ah kala kulmayey dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Weerar khasaare geystay oo ka dhacay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  9. During a time when the world is too caught up with the American presidential elections, The Norwegian Nobel Committee turned our attention to malice long forgotten, hunger. Source: Hiiraan Online
  10. Booliska rabshadaha ka hortaga waddanka Belarus ayaa dhuumo biyo ah u adeegsaday si ay u kala ceyriyaan dibad-baxayaal diiddan madaxwaynaha dalkaas Alexander Lukashenko. Dibad baxyada ayaa ka socday dalka Belarus tan iyo markii uu madaxweyne Lukashenko guul muran badan dhalisay uu ka sheegtay Mr Lukashenko doorashadii dhacday bishii August. Tobonaan kamid ah dibad baxyaasha ayaa lagu xiray rabshadihii ugu danbeeyay ee dhacay maalinnimadii Axadda. Waxaa sii kordhaya cambaarayn loo jeedinayo madaxwaynaha Belarus oo lagu eedeenayo in uu ku shubtay doorashadii ugu danbaysay ee ka dhacday wadankaasi. PUNTLAND POST The post Dibad-baxyo rabshado wata oo ka socda Belarus appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kula kulmay Muqdisho qoyska alle ha u naxariistee raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif [...] The post M/weyne ku xigeen ka Puntland Axmed Karaash oo la kulmay qoyskii Dr.Cali Khaliif Galeydh appeared first on . Source
  12. The Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise (ESLSE) is under preparation to buy two bulk-cargo ships. Mekonnen Abera, director general of the Maritime Affairs Authority and board chairman of the Ethiopian Marine Transport and Logistics Services Enterprise, and Roba Megerssa, CEO of the enterprise, on Monday launched the project office that would oversee the procurement of the two ships. The enterprise said the project office has six members who have long years of experience. The project office will be responsible for the design of the ships and the selection of the shipyard that would build the new vessels. The fleet that is operated by ESLSE has 11 ships with a total loading capacity of 400,000 tons of cargo. Two the ships are fuel tankers. Robe told The Reporter that the enterprise is preparing to float an international tender and invite companies with repeatable ship building experience to bid for the project. “The ships will be built in East Asia, most probably in China, Korea or Indonesia,” Roba said. The ships will be built in the 2020-2021 budget year. Each ship will have 60,000 tons of bulk-cargo loading capacity. Roba declined to disclose the cost of the two ships saying that it would affect the bidding process. The Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise transported and handled 11 million tons of cargo in the 2019-2020 Budget Year, which ended on June. Out of the total, some 7 million tons was transported by ships. The enterprise that serves 330 ports leases ships with slot charter agreement from other carriers. The company transports 60 percent of the Ethiopia’s imports, every year. The enterprise generated about of 25.8 billion birr and earned a profit of 2.5 billion birr. The enterprise’s capital stands at 20 billion birr and plans to raise it to 80 billion birr. Roba said his company registered a remarkable performance despite the adverse impacts of COVI-19 that hit the global marine transport industry. China where Ethiopia’s majority import originates was closed when the COVID-19 broke out last December. One third of Ethiopia’s containerised cargo comes from China. The Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise is a merger of four enterprises which were working independently in the sea transport sector. These were Ethiopian Shipping Lines Share Company, Ethiopian Maritime and Transit Service Enterprise, Dry Port Enterprise; and the former Comet Transport Share Company which was consolidated in to the new company, August, 2016. The Reporter Qaran News
  13. HOGAANKU WUU TEGI DOONAAYE , HAL AYNU ISLA OGAANO !!! Jamhuuriyada Somaliland waxa iska soo badelay shan Madaxwayne oo uu hadda joogo madaxweynihii shanaad ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka dib markii ay Somaliland qaranimadeeda dib ugala soo noqotay Somalia 18-May-1991. Madaxwayne walba oo soo maray waxa uu ku beegmay xaalad iyo marxalad uu dalku markaa marayey, waxii kaga beegnaana wuu ka qabtay ee markaasi awoodiisu ahayd , waxaana ka hadhaya uun waxii uu qabtay iyo taariikh lagu xasuusan doono. Waxa hubaal ah in hogaamiye kasta oo qaranka soo maraa uu maalin uun ka tagi doono talada iyo kursiga uu ku fadhiyo , laakiin inaga waxa inoo muhiim ah ee inoo hadhayaa waa dalka iyo waxii wanaagsan ee laga qabto oo noqonaya dhaxalka iyo wanaaga umadu iska sii daba dhaxli doonto. Markaa waxa aynu u baahanahay in aynu ku baraarugsanaano oo ilaashano wanaaga iyo wadajirka qaranka jamhuuriyada Somaliland oo ah dhaxalka uu jiilba jiil u gudbin doono, waxaana inagu waajib ah in aynu taa u guntano oo hadba qofka hogaanka qaranka haya iyo kooxda uu cugtey ee la shaqeynaysa aynu nidaamka iyo sharciga ku ilaalino si aanay dhibaato iyo caqabad inoogaga tagin. Hogaanka maanta joogaana wuu tegi doonaa ee hal aynu isla ogaano, in uu inooga tago dal qurux badan oo wanaagsan oo dadkiisu mideysan yihiin dadkiisu dhisan yihiin oo ay yihiin umad u jiheysan wax wada qabsi iyo horumar, aynu ogaanona awooda meesha lagu fadhiyaa in ay tahay ta shacbiga Jamhuuriyada Somaliland oo hadba cida ay u gartaan mooyaane in aan cid kale imanayn. Kala duwanaanshaha aragtida iyo qaabka wax loo hogaaminayaa waa mid lagu kala duwanaan karo oo binu adamku waligii ku kala duwanaa, ha yeeshee muhiimada iyo waxa aynu ilaashanayno ee tacabka badani inagaga jiraa waa waxa aynu wada leenahay oo ah dalka iyo wanaaga dadkiisa. Muxamed Dhimbiil Image Qaran News
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ku shirsan Sheekh Shariif Sheekh, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Xasan Cali Kheyre, sidoo kale waxaa halkaas ku sugan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Sidoo kale siyaasiinta Nairobi ku sugan waxaa kamid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno kale. Dhamaan kulamadaan ayaa leh shirar gaar gaar ah waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Warar hordhac ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyadaan oo is arkay ay iska wareysteen xaaladda siyaasadeed Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo ammaanka. Siyaasiintaan ayaa isla gartay in ay dejiyaan qorshe looga hortagayo mid ay damacsan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibadiisa siyaasadda. “Ilaa hadda ma jirto natiijo rasmi ah oo soo baxday balse waxaa jiro is afgarad laga gaaray sidii loo wajihi lahaa qorshaha uu damacsan yahay Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan doorashada dalka,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb-galay kulamadan. Xubno kamid ah siyaasiinta halkaas ku sugan oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in siyaasiintaan ay marka hore xalinayaan khilaafka dhaxdooda ah, si ay aragti mid ah uga qaateen wax kasta oo keeni kara in doorashada qof ku shubto ama ay dhacdo doorasho aan xalaal aheyn. Taas kadib waxaa xiga, in musharaxiinta gaaraan heshiis midka ugu rajada dhow kadib wareegga koowaad ee doorashada lagu taageerayo, haddii weli madaxweyne Farmaajo uu taagan yahay, oo aanu ku harin wareegaas, taas oo u badan inaysan dhici doonin. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shirka ka socda Nairobi oo ah mid aad u adag la filayo in uu ku biiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo siyaasiin kale. Siyaasadda Soomaaliya ayaa gashay xaalad adag waxaana socda loolan ay suurta-gal tahay in ay ku baxdo malaayiin lacag ah. The post Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada siyaasadeed ee Nairobi oo qorshe lagu dejiyey first appeared on Caasimada Online.
  15. The Shabab, the Somalia-based militant group that is Al Qaeda’s most powerful ally in Africa, is not only collecting millions of dollars in tariffs and payoffs but moving the money through local banks and even investing it in real estate and businesses, according to a new United Nations Security Council report. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-Shabelle-11102020.mp3 View the full article
  17. Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee gobollada Nugaal iyo Sool ayaa maanta oo Axad ahayd xukun ku riday saddex dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay A-shabaab. Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal Puntland iyo -Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo ah guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Nugaal iyo Sool. Sidoo kale maxkmadda ciidamada ayaa Maxamed Ibraahim Isaaq oo 16 sanno jir ah la sheegayna inuu la socday ragga kale, ku wareejisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan. Xeer Ilaalinta ayaa saddexda dhallinyarada ah ku eedeysay inay tababaro A-shabaab ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, kadibna u soo safreen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Maxkamada ayaa tilmaantay in xukunka saddexda eedeysan uu ka furanyahay racfaan 30 cisho ah. PUNTLAND POST The post Garowe: Xukun lagu ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed-Weli Sheekh Axmed Nuur ayaa aad u amaanay dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isagoo soo bandhiga sifooyin ay leedahay oo dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre kadib dowlad leh aysan Soomaaliya soo marin, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in dowladan oo kale aysan dalka soo marin tii kacaanka ee Maxamed Siyaad uu hoggaaminaayey kadib. Balse uu qirsanyahay inay tabar-darantahay. Ugaas Maxamed-Weli waxa soo soo tiriyey lix sifo oo sida uu qabo u gaar ah dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah. 1 – Seddax sano iyo lix bilood ra’iisul wasaare shaqeeya dowladan ayaa laga arkay. 2 – Ku dhawaad afar sano dowlad mushaarka si toosa u bixineysay, iyadaa laga arkay. 3 – Maxamed Siyaad Barre kadib dowlad qab-leh oo ninkii UN-ka wakiilka uga ahaa Soomaaliya subax ceyrisa, iyadaa laga arkay. 4 – tan iyo burburkii maxaabiistii Soomaaliyeed oo qaarkood laga samray, xaasaskoodiina la guursaday, dowlad wadan kasta ka keentay, iyadaa laga arkay. 5 -30-kii sano ee lasoo dhaafay deyntii caalamku nagu lahaa dowlad qaar laga cafiyey, hadana diyaar loola yahay, iyadaa laga arkay. 6 – Ciidanka Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre kadib dowlad nidaam u sameysay oo mushaahrka joogto u siineysa, iyadaa laga arkay. ‘Ayuu yiri Ugaas Maxamed-Weli’. “Dowladani dhibcahaas ayey heysataa, tabarteeda ayaa gaaban, faro-gelinta shisheeyaha, waxaan heynaa sawir Turkiga looga qaaday Gabre iyo Faarax Cabdulqaadir oo shiraya, waad aragtee iyadoo Jabuuti lagu shirayo Gabre oo warqadaha u kala bedelaya wasiirkii arrimaha dibadda dowladii Xasan Sheekh,” ayuu yiri. Ugaas Maxamed-Weli oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Madaxweynaha iyo maamul goboleedyada markii ay shirayaan Gabre inuu dhex fadhin jiray waad ogtihiin, maantana dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda kaligoodbaa shira ajanibina uma yimaado.” Hoos ka Daawo The post Daawo: Ugaas Maxamed Weli: "Siyaad Barre kadib dowlad aan soo marin ayaa Soomaaliya ka jirta" first appeared on Caasimada Online.
  19. CUTUBKA KOOBAAD: DALKA HORDHAC. Inkasta oo dadka Soomaaliyeed badankoodu aaminsanyiin in ay yihiin tafiir ka hartay odayaal Carbeed oo ka soo haajiray jaziiradda Carabta wixii ka dambeeyey soo ifbixitaankii diinta islaamka, haddana taariikhda gayiga Soomaaliyeed iyo dadkiisu ba waa ay ka facwayn yihiin sida ay dadkaas la tahay. Raadraacyada cilmi-afeed ee af Soomaaliga lagu sameeyey, oo waliba kooban, ayaa ina tusinaya in uu afkeennu yahay mid ka mida kuwa ugu qadiimsan afafka caalamka. Marka aad ogaato in af Soomaaligu bahwadaag la yahay afaf kummannaan sano ka hor dabargo’ay, ayaad garawsanaysaa in afka iyo dadkiisuba yihiin kuwo ka facwayn odayaal Carbeed oo hijro ku yimid. Dhanka kalana, raadraacyada taariikheed ee ay ka tageen taariikhyahannadii hore ee dalkeenna booqday ama wax ka qoray ayaa iyana meesha ka saaraya afkaarta khaldan ee aynu iska aaminsannahay ama cid kale inaga aaminsantahay. Ogaal la’aanta aynaan ogayn taariikhdeenna qadiimka ah, ayaa sasab u noqotay in aynu noqonno umad ay dhibaato wayni ka haysato xagga cirqiga. Qalalaasaha cirqi ( Identical Crises) ee inagu dhacay ayaa sababay in aynaan ka tirsanayn dadyowga aynu oodwadaagta nahay midkoodna, iyo in aynaan lahayn jaal iyo bahwadaag hoose toonna. Inaga oo ah ummad madow oo ku nool qaaradda Africa ayaynu haddana nahay kuwo qariib ku ah qaaradda iyo dadkeeda ba, maxaa yeelay aaminsanaanta aynu aaminsannahay in aynu nahay muhaajiriin doola ayaa inaga hor istaagtay aqbalaadda dadka aynu midab-wadaagga nahay. Dhanka kalana, Carabta oo aynu aaminsannahay in aynu dhiig iyo dhalashaba la wadaagno ayaan wali garawsan sheegashadeenna marka laga reebo ka mid ahaanshaheenna Jaamacadda Carabta. Qalalaasaha cirqi ee aynu qabno iyo u dhicid la’aanta aynaan dhanna u dhicin ayaa sabab u noqda in aynu guuldarro kala kulanno marka aynu cid kale arimo masiiriya isku hayno. Qormooyinkaan oo ahaan doona kuwa xiriira ayanu uga hadli doonnaa in Soomaalida iyo dhulkeeduba ka facwaynyihiin sida ay iska aaminsantahay. Waxa aynu soo bandhigi doonnaa taariikhda qadiimka ah ee uu dhulka Soomaalidu lahaa iyo xiriirkii dhaqan-dhaqaale ee uu la lahaa bulshooyinkii kale ee caalamkoodii kula noolaa. Qormooyinkaani waxa ay inoo bayaamin doonaan oo ay beenayn doonaan in aynaan ahayn ummad soo galootiya oo aan lahayn taariikh qadiima. Waxaa kale oo ay ina bari doonaan in aynaan ahayn geed kaligiis meel ka baxay ee aynu nahay ummad ka mida beelwayn wadaagta af, dhaqan iyo dhalashaba. Waxa aynu qoraalkeenna u kale qaybin doonnaa labo cutub oo mid waliba ka koobnaan doono dhawr qaybood. Cutubka koobaadi waxa uu ka warbixin doonaa dhulka. Waxa uu sharrixi doonaa taariikhdii qadiimka ahayd ee uu dhulku Soomaalidu lahaa iyo xiriiradii ganacsi ee uu la lahaa caalamkii qadiimka ahaa. Waxaa kale oo uu cutubkaasi inoo soo gudbin doonaa qoraaladii ay taariikhyahannadii hore gayiga Soomaalida ka qoreen. Cutubka labaad ayaa isagu ka hadli doona dadka Soomaaliyeed. Cutubkaan oo ka guda waynaan doona kii ka horreeyey ayaa diiradda saari doona dadka Soomaaliyeed iyo taariikhdoodii hore. Waxa aynu cutubkaan ku eegi doonnaa circiga dadka soomaaliyeed, halka ay ka yimaadeen, cidda ay bahwadaagta la yihiin iyo saida uu afkooda iyo dhaqankoodu xiriirka ula leeyahay bulshooyinka ay bahwadaagta yihiin. Dabcan waxaa aynu daliishan doonnaa wixii ay taariikhyahannadii hore sida Giriiggii, Roomaankii iyo Carabtii hore ay dalka iyo dadkii ku noolaaba ka qoreen. Addiladaas ayaynu saldhig uga dhigi doonnaa in dadka laga hadlayaa ay yihiin awoowayaashii hore ee Soomaalida, taas oo meesha ka saari doonta in aynaan ahayn farac ka haray awoowayaal kol dhow soo haajirey ee aynu nahay asal qadiima oo wali kobtii lagu beeray ku sugan. Waxaa kale oo uu cutubkaani ka jawaabi doonaa carab sheegashada Soomaalidu in ay sal iyo xujo leedahay iyo in kale. Waxaa aad qoraalladaan dhammayn doontaa adiga oo qaba fikrad ka gaddisan middii aad ka aaminsanayd dhulka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa aad dhammayn doontaa adiga oo aqoon kororsaday shakina uusan kaaga jirin cirqiga dadkaaga. La soco qaybta koobaad. Mohamed Ahmed Elmi. The post TAARIIKHDA QADIIMKA AH EE DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED appeared first on Puntland Post.
  20. Garowe (PP News Desk) — Puntland Ministry of Education intervened to diffuse pupil demonstrations that rocked parts of Garowe today. The Ministry appointed Mustafe Abdulkadir Mohamed, a former deputy headteacher, as the interim headteacher of Gambool Secondary School. Meanwhile, the Ministry has tasked a five-member committee with finding out the causes of pupil demonstrations in Garowe. Puntland Education Ministry vowed to investigate “the incident and bring culprits to justice.” The city of Garowe today saw violent demonstrations by Gambool Secondary School pupils who forced the headteacher and senior teachers to barricade themselves in the school offices. Pupils were demonstrating against fee hike and the transfer of some teachers from Gambool Secondary School to other schools in Garowe. In a letter signed by the Deputy Education Minister Bashir Jama Mohammed, the Ministry vowed to investigate “the incident and bring culprits to justice.” The threat in the letter is targeted at pupils whose complaints Puntland Education Ministry has failed to address. “The sacking of the former Gambool Secondary School headteacher comes across as an admission of failure on the part of Puntland Education Ministry” said a former educational administrator in Garowe. © Puntland Post, 2020 The post An Interim Headteacher Appointed for Gambool Secondary School appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya waxaa shalay dood adag ay ka dhalatay aaska Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxruum Cali Khaliif Galeyr, taas oo u dhaxeysay xubno kamid ah qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Warar muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe la aasay Maxruumka kadib markii ay diideen aaskiisa xubno kamid ah qoyskiisa. Haweeney la dhalatay Prof. Galeyr, oo lagu magacaabo Saafi Khaliif Galeyr ayaa shalay gelinkii hore dhan diidaneed in la aaso meydka iyadoo dalbatay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, hase yeeshee waxaa markii dambe go’aan gaaray Ugaaska beesha uu Maxruumka ka soo jeedo oo goobtaas ku sugnaa. “Saafi waxay diidaneed laba arrin oo kala ah, 1) – In la aaso iyadoo aan lagu sameynin baaritaan dhab ah waxa sababay geeridiisa iyo 2) – In aan lagu aasin meel aan aheyn Laascaanood oo ah halka uu ka soo jeedo kana dardaarmay, balse markii dambe dowladda iyo odayaga dhaqanka ee Beesha ayaa ku heshiiyay waana la aasay dood dheer kadib,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan qoyska Marxuum Galeyr. “Saafi waxay xitaa ku hanjabtay inay sun cabi doonto haddii halkaan lagu aaso, sidoo kalane la aaso isagoon la baarin, markii dambe mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa dalbaday in la wado, xaaladeed lala socdo lana ilaalsho maadaama ay sheegtay in ay sun cabi doonto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan aan la hadalnay. Allah ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galeyr ayaa dorraad si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Jigajiga ee Dhulka Soomaali Galbeed waxaana ilaa hadda geeridiisa ku geedaaman Su’aalo badan oo shaki abuuray. Inkasta oo mas’uuliyiinta Jigjiga ay sheegeen inuu u geeriyooday COVID-19, haddana sarkaal ka tirsan ONLF ayaa sheegay in la sumeeyey, taasi oo dhalisay shaki iyo carro xooggan. The post Xog: Cali Khaliif Galeyr walaashiis oo shalay aaskiisa ku hanjabtay arrin xasaasi ah first appeared on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Hawen-11102020.mp3 View the full article
  23. Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in adduunka waajib ku tahay in uu caawiyo Afrika sida dhibaatadan uga soo kabtaan, Afrika waxaa ay kamid tahay qaaradaha ugu saameynta yaraa feyraska corona. Baanka adduunka ayaa sheegay in 43 milyan ay hadda khatar ugu jiraan saboolnimada uu sababay safmarka feyraska corona. Saameynta dhaqaalaha waxaa ay sii jiri doontaa sanadaha soo socda qaaradda Afrika, sidoo kale shaqooyinka ayaa la waayi doonaa, dhakhliga qoysaska wuxuu hoos u dhici doontaa ilaa 12%, sidaa waxaa sheegtay Georgieva oo ka hadlaysay kulan aaladda fogaan aragga ku yeesheen saraakiisha IMF. Dowladaha Afrika waxay sameeyeen siyaasado lagu yaraynayo khatarta taas oo lagu qiyaasay 2.5% dhakhliga gudaha ah. IMF waxay dalalka Afrika siisay 26 bilyan oo dollar oo lagu yareynayo saameynta feyraska laakiin marka la eego baaxadda dhibaatada jirta waxaa loo baahan yahay dhaqaale intaas ka badan. “Wadamada qaar daynta faraha badan oo lagu leeyahay darteed waxay ku qasbanaadeen in ay kala dooran wayaan in daynta iska bixiyaan ama in ay ka caawiyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,” agaasimaha IMF ayaa sidaa sheegtay. Iyadoo arrintaas laga duulayo ayaa agaasimaha IMF waxay sheegtay in dalalka G20 looga baahan yahay in ay kordhiyaan xilliga deen bixinta sidoo kalena amaah hor leh siiyaan dalalka dhibaatada dhaqaale heysato. Goobjoog News Source: goobjoog.com