-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka. Ra’iisul Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa. “Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska, si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Mudane Rooble ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga Haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul. Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. View the full article
-
Marwo Duniyo Maxamed Cali oo ah madaxa IIDA oo todobaadkan ka qeyb gashay barnaamijka OGAAL ayaa ka hadashay Shirkii Dhuusamareeb ee doorashada, 30% haweenka iyo arrimo kale. Mar ay ka jawaabeysay waxa ay ku soo arkeen shirkii Dhuusamareeb 1 2 oo ay ka qeyb galeen waxay ka tiri ” Dhuusamareeb waxaan la kulannay shanta maamul, guddoomiye, innaga oo kaashaneyna dhismaha gobol walba oo kor kacayey, gobol walba waxaa matalayey 2 qof oo gobolkaas ah, waxaan kala hadalnay in la rabo tanaasulaad, tii innaga oo ku guuleysnay waxaa kusoo biiray ra’isul wasaarihii markaas jiray Xasan Cali Kheyre waan la kulanay, waxaa kusoo biiray waan la kulanay, inta keliya kuma ekeyne ee raggii madaxweyneyaasha la socday waan la kulanay si aan isugu dhoweyno oo aan saxiibo dhow ku leenahay”. Mar wax laga weydiiyey doorashada sanadkan, haweenka iyo ilaalinta 30% iyo saameyntooda waxa ay Dr. Duniya ka tiri “Innagu bulshada rayidka ayaa uga mid nahay, task force u gaar ayaa lagu cadeyn doonaa, qaabka aan ku raadinayo 30-ka, laakiin markaan tan u soo noqdo walalaheyngana ay ka jawaabeen qaabka iyo meesha ergada ay tahay, horta shuruudaha waa inaan wax ka dhahno oo aan ax ka dejino haddii aan bulshadii nahay, qofka murashax ma ahane waa in ogaannaa ergada, waayo intooda badan waxna ma qoraan, waxna ma akhriyaan, musuqa ugu weyn meesha uu ka imaanayo, guddiga ayaa u saxiixayey, sharciga aan dejinay waxaa uu ahaa qof ergo ah oo uu ku kalsoonyahay in uu saxiixo.. Mar haddii qabiilkii loo noqday, waxaa ka haween ahaan aan soo jeedineyno waa in 3 xildhibaan ay mid haween noqoto, inta aan 61-da la jarjarin 30% meel ha la iska dhigo”. Ma soo diyaarin doonaan gabdho wax bartey, Dr. Duniya ayaa ku jawaabtay” Aniga waxaan qabaa in xoogga la saaro shacbiga, oo wacyigelin la siiyo mid dhow iyo dheer, waan bilownay in aan baraarujinno gabdhaha, oo taariikh nololeedkoodu aruurino oo aan soo bandhigno, hey’ad ahaan waxaan wadaa isla xisaabtan, oo maamullada hoos laga soo dhiso oo aan kor laga keenin”. Barnaamijka OGAAL, waa todobaadle, waxaa soosaare ka ah Guddoomiyaha Tubta Nabadda Cabdullahi Maxmed shirwac (Halkan ka daawo) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Professor Maxamed Xuuseen Ciise(Dr. Liibaan) oo todobaadkan ka mid ahaa martida barnaamijka “OGAAL” ayaa wax badan ka dhahay kaalinta bulshada rayidka ah ee doorashada 2020/2021 isaga oo ka hadlay wixii ay qabteen, heshiiska dhacay, kaalintooda wacyigelinta iyo arrimo kale. Ugu horeyntii su’aasha aheyd waxa ay ka ciyareen heshiiskii doorasho ee ka dhacay Xamar ayaa waxaa uu sheegay sidii ay u tageen shirkii Dhuusamareeb isaga oo sidoo kale ka hadlay natiijadii Xamar, Dr. Liibaan oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri ““Bulshada rayidka waa midda u qareenta bulshada, waana marka la middeyo, ujeedkana waxaa uu ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho wada ogol ah, Dhuusamareeb 3 waxaa ka maqnaa labo dowlad goboleed ayaa ka maqnaa, iyagoo arrimo fara badan iyo waxyaabo tabanaayo, si walbaba ha ahaatee waxaa la isugu yimid magaalada Muqdisho, haddana kiiskii Dhuusamareeb 3 ayaa dib loo fiiriyey oo in wax lagu daro oo waxyaabo lagu sameeyo, waxaad moodaa in waxyaabo badan heshiiskaas laga badalay oo aad dib loogu noqday, taa waxaan is leeyahay middan dambe, bulshada rayidka ah waxaa ay sameyneysay qaabkii ay qeybta labaad uga qeyb galaysay ayey xoogga saartay waxaa ay xoogga saartay dhinaca wacyi gelintaoo cabsi weyn waxaa ay ka jirtay inuu is afgaran waa uu ka dhaco, ugu dambeyn waxaa ka soo baxay heshiis, heshiiskii dadka waa lasoo dhoweeyey in kasta oo uu ka hooseyey wixii aan niyeysaney oo ahaa 2016 mid ka ballaaran, habraacyada lagu maamulaayaana ay ka cadyihiin uu ka soo baxo, si guud ayaa loo tilmaamay, waxaa u ku jirta qodobo siinaya bulshada rayidka door siinaya, warbaahinta door siinaya”. Marka kale, su’aal laga weydiiyey bulshada rayidka ah oo bannaanka ka jooga reerkii wax soo dooraney, sidee saameyn ugu yeelan kartaa beelaha wax dooranaayo in ay soo doortaan qof fiican oo iyaga matali kara? Dr. Liibaan oo arrinkaas ka jawaabay waxaa uu yiri “Bulshada rayidka ah kaalintoo waa uu ku caddaa heshiisyadii hore, laakiin waxaan aad uga xumahay habraacyadii dambe ee soo baxay si cad uguma qeexna, waxaa qeexan odayaasha iyo sida loo tababarayo, guddiga korjoogtynta, guddiga khilaafaadka, guddigana uu ula kulmaayo sida ay iskula shaqeynayaan habraacyo gaar lagama samaynin, waxaan isleeyahay, waa waxa aan leeyahay xukuumadda cusub ra’iisalwasaaraha cusub shaqada iyo howlgalka uu la tagidoono ayey aas aas u noqonaysaa si heshiis hufan habraacyadii la isku raacay sidii u qurxin lahaa golaha baarlamaankana u ansixin lahaa. Bulshada rayidka qabiil ma gasho, iyaga ayaa yaqaan sida wax loo qeybsanayo, laakin (1). iney korjoogteeyaan (2). Iney wacyi geliyaan sidii ay u soo dooran lahaayeen qof dalkan samatabixiya. Ugu dambeyntii, Professor Maxamed Xuuseen Ciise(Dr. Liibaan) ayaa ka jawaabay sy’aal aheyd wacyigelinta Doorashada oo heerarkeeda saddexda ah ee ka hor, inta ay socoto iyo kadibba, waxaa uuna yiri “Heerka koobaad ururada bulshada rayidka waa bilaabeen, Jubbaland kulamo ayaa la sameeyey, Puntland waa laga sameeyey, Galmudug wey bilaabeen waa laga sameeyey, Hirshabelle weyn bilaabeen wey sameeyeen, waxaan ku balanay in wacyigelin dadka lagu bilaabo, marka ay bilaabatana taa waxay ila tahay doorkii laga siiyey oo xukuumadda, baarlamaanka soo ansixiyeen oo kaalintooda qaataan, oo korjoogteynta, hubinta iyo wacyigelinta iyo qeybta saddexaad oo wixii qaladaad soo baxa lala wadaago guddiga khilaafaadka iyo Mediyaga si loogu doodo qofkii dulmanaha ahaa”. Barnaamijka OGAAL, waa todobaadle, waxaa soosaare ka ah Guddoomiyaha Tubta Nabadda Cabdullahi Maxmed shirwac (Halkan ka daawo) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kusoo rogtay dadka ajnabiga ah ee ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday wasaaradda caafimaadka. Amarka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo ajnabi ah oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde looga baahan yahay inuu sito shahaadada caddeyneysa in laga baaray cudurka Coronavirus, islamarkaana laga waayey. Amarkan ayaa la rumeysnaa inuu horey u jiray balse ma cadda sababta mar kale ay dowladda usoo saartay maanta. Qoraalka ayaa dadka lagu amray inay warqadda kasoo qaataan 7 shaybaar oo dowladda ay qandaraas siisay oo ku yaalla caasimadda, waxaana laga qaadayaa 30 dollar qofkiiba. Shahaado kasta oo qofka dhoofaya uu sito ayaa waxaa kadib lagu xaqiijin doonaa sax ahaanshaheeda xarun ay wasaaradda ku dhex leedahay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Hoos ka aqriso amarka dowladda. The post DF oo mar kale amar culus kusoo rogtay ajaaniibta ka dhoofeysa garoonka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello. Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr, waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda PuntlandAxmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. PUNTLAND POST The post Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin uu xafiiskiisa soo diray ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka. “Sanad walba marka la gaaro 10 -Oktoobar waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta xanuunka dhimirka, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xoogga saari doontaa wax ka qabashada dadka qaba xanuunka ee sii kordhaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare. “Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo.” Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorrinayay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta la kulmay Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunkan, kaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed. The post R/W Rooble oo soo saaray farriin ku socota shacabka first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello. Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu xusuusan doonaa dadaalladii uu ku bixiyey nabadeynta, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo samata-bixinta shacabka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Koonfur Galbeed kulan kula qaatay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaasi gaaray. Xarunta Madaxtooyada oo ka qabsoomay kulanka ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhoweyey wafdiga, waxaana uu ka dhegaystay Qorshaha safarkooda Baydhabo iyo hawlaha uga degsan soo saarida Batroolka, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha Mareeyaha hay’adda Eng Ibraahim Cali Xuseen ayaa warbixin ku saabsan safarkooda Baydhabo ka siiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis (Lafta gareen) waxaana uu sheegey in uu yahay Safar ay ku xoojinayaan wada shaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda si wadajir ah looga qeyb qaato soo saaridda Batroolka. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa uga mahadceliyey Guddiga Hay’adda Batroolka Socdaalka ay Baydhabo ay ku tageen, waxaana uu ku bogaadiyey muhiimadda dalka ay uleedahay soo saaridda kheyraadka . PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la kulmay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Koonfur Galbeed kulan kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayey oo ay qeyb ka ahayeen Guddoomiye ku xigeenka Wakiilka Koonfur Galbeed Hay’adda Batroolka u qaabilsan oo shalay Baydhabo gaaray. Qasriga Madaxtooyada oo ka qabsoomay kulanka ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhoweyey wafdiga, waxaana uu ka dhagaystay Qorshaha safarkooda Baydhabo iyo hawlaha uga degsan soo saarida Batroolka si kheyraadka Batroolka looga Faa’iideeyo bulshada Soomaaliyeed qeynba uga qaato kobcinta dhaqaalahana dalka. Eng Ibraahim Cali Xuseen Guddoomiyaha Guddiga hay’adda Batroolka ahna Mareeyaha hay’adda ayaa warbixin ku saabsan safarkooda Baydhabo ka siiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis (Lafta gareen) waxaana uu sheegey inuu yahay Safar ay ku xoojinayaan wada shaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda si siwadajir ah looga qeyb qaato soo saaridda Batroolka Dalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa uga mahadceliyey Guddiga Hay’adda Batroolka ee Socdaalkooda ugu horeya ee Baydhabo ay ku imaadeen, taasi oo muujinaysa dadaalada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso soo saaridda kheyraadka ku jira deegannada Koonfur Galbeed, waxaana uu ku bogaadiyey muhiimadda Dalka ay uleedahay soo saaridda kheyraadka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan gaar ah xarunta Habar-Khadiijo kula qaatay taliyaha ciidamada NISA ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo sidoo kale saameen culus ku dhax leh siyaasadda Soomaaliya. Kulanka ayaa ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin, maadaama labada mas’uul uusan dhex marin wax kulan ah oo rasmi ah tan iyo intii la magacaabay Rooble, waxayna ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladda Soomaaliya ee doorashada, khilaafka dowladda iyo siyaasiinta mucaaradka ah, arrimaha gobalka Gedo iyo qatarta Al-shabaab. Kulanka waxaa goob joog ahaa Cabdullaahi Kulane oo ah ku xigeenka Fahad Yaasiin waxa uuna warbixin ka bixiyay xaaladda gobalka Gedo ee dhaq dhaqaaqyada ciidan, arrimaha Xuduud Kenya iyo Soomaaliya iyo arrimo kale. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dhinaca Ra’iisul wasaaraha aysan jirin wax kulanka kala qeyb galay oo dhankiisa ah. Fahad Yaasiin ayaa Ra’iisul wasaaraha kala hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo midda doorashada. Sidoo kale arrimaha mucaaradka iyo qorshaha uga dagsan siyaasadda dowladda ayaa qeyb ka ahaa waxyaabihii laga wada hadlay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu ku sugnaa goobta qaatay go’aanada qaar ee shirka halka qaar kalane la sheegay inuu sheegay in guddi uu saari doono. Ujeedada kulanka ayaa ahaa is faham iyo wadashaqeyn iyo in dhinacyada iska warqabaan xiliyada la qaadanayo go’aanada waa weyn ee siyaasadda iyo amaanka maadaama Fahad Yaasiin uu qeyb ka yahay shaqsiyaadka ugu saameenta badan siyaasadda dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Xog dheeri ah oo laga helay kulankii dhex-maray R/W Rooble iyo taliyaha NISA first appeared on Caasimada Online.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Army (SNA) have committed to enhancing coordination on joint military operations to counter the threat posed by Al-Shabaab terrorists. The AMISOM Force Commander, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, the SNA Commander Land Forces, Brig Gen Abas Amin Ali, and AMISOM and SNA sector commanders, on Thursday, agreed as a matter of importance to establish a Joint Operations Coordination Cell. The signed agreement fulfils a requirement by the UN Security Council Resolution 2520 (2020) for AMISOM to reconfigure and enhance its operations. It is also in line with the African Union Peace and Security Council (AUPSC) communiqué 923rd and the Head of Mission’s directive to the Force Commander to establish mobile and quick reaction forces within AMISOM’s Area of responsibility. Following the agreement, AMISOM and SNA will jointly conduct targeted offensive operations against Al-Shabaab and liberate territories ahead of the transfer of security responsibilities to Somali security forces. Lt. Gen. Ndegeya said, “the mission is taking a new direction as we get to the end stage and prepare the transfer of security responsibilities to the Somali security forces. The reconfiguration will enable us to maintain operational effectiveness, conduct offensives, and respond to threats in our Area of responsibility.” The SRCC and Head of AMISOM, Ambassador Francisco Madeira noted the reconfiguration of AMISOM was necessary for the mission to adapt to the AMISOM troop reductions as part of the phased drawdown recommended by the UN Security Council. Ambassador Madeira also thanked Somalia’s international partners for their support in establishing a quick reaction force for the Somali National Army. “I’m happy that each sector commanders have committed to look for their Somali counterparts. The Somalis have also committed to looking for their AMISOM counterparts to coordinate, discuss, and experience the action together,” said Ambassador Madeira. The signing of the agreement marked the conclusion of a three-day sector commanders conference where AMISOM and SNA commanders reviewed progress in conducting operations and planning future operations in line with the revised Concept of Operations (CONOPs) 2018-2021. The SNA Commander Land Forces, Brig. Gen. Abas said it was significant to collaborate with AMISOM. “We hope that our collaboration continues and succeeds against the enemy (Al-Shabaab) and liberating the remaining territories,” said Brig. Gen. Abas. The AMISOM Force Commander, Lt. Gen. Ndegeya pledged AMISOM military component’s readiness to support the National Electoral Security Task Force to safeguard Somalia’s upcoming electoral process. View the full article
-
Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka Dowladda Soomaaliya u soo magacaawday waddanka Senegal Danjire. Maxamed Xuseen Awliyo Danjire Maxamed Xuseen Awliyo, ayaa nuqulka warqadihiisa aqoonsiga Danjiranimo, waxaa ka guddoomay Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall, iyadoo loo sameeyay habmaamuus Qaran oo lagu soo dhaweynayay. Safiirka Soomaaliya ee Senegal Danjire.Awliyo ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta xiriirka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Senegal. Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacawday dalkiisa, wuxuuna u ballan qaaday in uu gacan ku siin doono gudashada waajibaadkiisa safiirnimo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Segegal oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaas appeared first on Puntland Post.
-
Twenty-five military officers from the Ethiopian contingent of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have completed a two-day online training on human rights. The training, which ended on Thursday, is part of AMISOM efforts to ensure that deployed personnel acquire knowledge and comply with international frameworks on human rights and humanitarian law. The Head of the Protection, Human Rights, and Gender Cluster for AMISOM, Kareem Adebayo, urged the officers to apply the acquired knowledge and skills to perform their duties. “I hope you will leave this training better equipped in aspects of protection, human rights, and gender matters,” said Adebayo. Adebayo, who represented Ambassador Francisco Madeira, the Head of AMISOM, lauded the officers for attending the training, which reflected a commitment to protecting human rights in Somalia. Participants learnt about the Somali culture and gender in peace support operations, the role of gender focal points, protection of women against sexual and gender-based violence, and conflict-related sexual violence. Others included the International Humanitarian Law and Gender; core tasks of Civil-Military Cooperation (CIMIC), introduction to AMISOM Civilian Casualties Tracking and Analysis and Response Cell (CCTARC). A Human Rights Officer for AMISOM, Ulrike Kahbila Mbuton, reiterated the mission’s commitment to ensuring full compliance with international Human Rights Law. Due to disruptions brought about by the global COVID-19 pandemic, AMISOM has had to include online training to ensure continuity in implementing the mission’s mandate. View the full article
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay meydkiisa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr. Marxuumka ayaa 8-ddii bishan waxaa uu xanuun aan la garaneyn waxaa uu ugu geeriyoodey magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Itoobiya. Markii meydkiisa la keenay waxaa dadkii salaadda janaasada ku tukaday ka mid ahaa madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Rooble, qaar ka tirsan goleyaasha fulinta iyo sharci dejinta iyo dadweyne kale. Janaasada oo lagula dukaday gudaha Airporka kadib waxaa loo gulbiyey qabuuraha si loogu soo aaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisad cusub oo dib u dhigi karta in doorashada dalka ay waqtigeeda ku qabsoonto ayaa ka dhex taagan madaxweynaha Jubaland Axmed Madobe iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya. Xiisaddan ayaa salka ku haysa ciidamada dowladda federaalka ee jooga gobolka Gedo, oo Axmed Madoobe uu dalbaday in laga saaro, haddii kale aanay doorasho halkaas ka dhici karin. Si kastaba dowladda federaalka ah ayaan diyaar u ahayn inay aqbasho shuruudda Axmed Madoobe, taasi oo cakireysa xaaladda, islamarkaana keeneysa is-mari waa aan la ogeyn halka uu ku dhammaan doono. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sharci-darro u arka maamulka dowladda federaalka ay taageerto ee Garbahaarey, oo uu sheegay inaysan marnaba maamuli karin hanaanka doorashada xildhibaanada Garbahaarey ayaa waxaa loo asteeyey in lagu doorto 16 ka mid ah 43-ka kursi ee baarlamanka federaalka ee ka imanaya Jubaland, ayada oo 27-ka kale lagu dooranayo magaalada Kismaayo. “Sababta marka horeba 16 kursi loo geeyey Garbahaarey ayaa ah in Axmed Madoobe uusan gacanta ku wada dhigin 43-ka kursi ee Jubaland, marka marnaba ma dhici karto in dowladda ay ciidankeeda halkaas ka qaado oo isaga uu maamulo doorashada halkaas,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin. Doodda Axmed Madoobe ee Gedo ayaa taagneyd xitaa ka hor inta aan la gaarin heshiiska doorashada, waxaana lagu xaliyey in dowladda federaalka ay mabda’ ahaan aqbashay in ciidamada laga saaro Gedo, hase yeeshee taas hadda ma muuqata mid dhaboobeysa. Haddii xiisadda aan xal loo helin waxay keeni kartaa in doorashada ay dib u dhacdo, ama ugu yaraan 27-ka kursi ee ka imanaya Kismaayo ay dib u dhacaan. Waxaa iyana suurta-gal ah in Puntland oo mar walba garab u ah Jubaland ay la safato Axmed Madoobe, dibna u dhigto doorashada. Hase yeeshee su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah; maxay tahay danta ku jirta dib u dhacaas, maadaama ay waqti dheeri ah siineyso madaxweyne Farmaajo, taasi oo muddo ay ka qeylinayeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. The post Xog: Xiisad cusub oo ka dhex taagan Axmed Madoobe iyo DF iyo Villa Somalia oo ku adkeysaneysa qorshaheeda first appeared on Caasimada Online.
-
JOWHAR (HOL) - Reports of elections delay and rigging are untrue and just ‘mere propaganda’ HirShabelle State Interior Minister Mohamed Ali Aadle has said. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyn (Caasimadda Online) – Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa lagu gubay Maandooriye loo soo gudbin rabay magaalada Muqdisho. Laamaha amaanka magaalada Beledweyn ayaa todobaadkii lasoo dhaafay qabtay 197 dhalo oo khamri ah taasoo la doonayay in la keeno Muqdisho, kooxda waday alaabtaan ayaa isku dayay iney qalab ganacsi ku dhex qariyaan. Meel fagaare ah ayaa lagu gubay iyadoo ay goob joog yahiin gudoomiyaha magaalada Beledweyn, gudoomiyaha maxkamadda gobolka, taliyaha booliska magaalada iyo kan gobolka. Gudoomiyaha magaalada ayaa ku bogaadiyay ciidanka Booliska shaqada ay qabteen iyadoo uu ku raacay taliyaha maxkamadda gobolka C/raxiin Taakooy. Sidoo kale waxey sheegeen in dadka lagu soo eedeeyay iney alaabtaan maandooriyaha ah u wadeen Muqdisho ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago laguna qaado xukunkooda hadii uu dambiga ku cadaado. The post Maandooriye loo soo waday magaalada Muqdisho oo lagu gubay Hiiraan first appeared on Caasimada Online.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Army (SNA) have committed to enhancing coordination on joint military operations to counter the threat posed by Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
-
Maandooriye loo soo waday Muqdisho oo lagu gubay Beledweyne
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciidamada amnaanka magaalada Beledweyne ayaa meel fagaaro ah ku gubay maandooriyaal badan oo dhawaan ay soo qabteen ciidamada Booliska kuwaas oo loo waday magaalada Muqdisho waxaana laga keenay wadanka Etoobiya. Goobta lagu gubayey maandooriyaha waxaa ku sugaa gudoomiyaha maxkamadda rayidka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy, Duqa magaalada Belaeweyne Nadar Tabaax Maalin iyo taliska Booliska gobolka Hiiraan. Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne Laba Xidigle, Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay howl-gal ay sameeyen ku soo qabteen maandooriyaha iyo ninkii waday oo goobta lagu soo bandhigay. Guddoomiyaha maxkamadda rayidkaa Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayaa amaanay ciidamada Booliska ee gacanta ku soo dhigay qamriga waxaana uu tilmaamay in sharci adag la marsiin doono ciddii lagu soo qabto arrintan. Duqa Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa ugu baaqday ciidmaada ammaanka in ay laba jibaaran howl-gallada lagula dagaalamayo maandooriyaha. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Beledweyne Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fool jignaadaan ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha, waxaana u mahadciliyey ciidamadii iyo saraakiisha gacanta kusoo dhigay. View the full article -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Meydka ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii ku geeriyooday dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde Internional. Galeyr oo noqday ra’isul wasaarahii 8-aad oo ay Soomaaliya yeelato ayaa ka mid ahaa xukuumadii Cabdi Qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Jabuuti, wuxuuna xilka hayay muddo hal sano ah. Cali oo mudooyinkii ugu dambeeyay u ololeynayay xaqqa Khaatumo State ayaa ku sugnaa Jig-jiga, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya sababta geeridiisa, inkastoo la sheegay iney tahay COVID19. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugnaa garoonka Aden Cadde, waxaana la rajeynayaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho. The post Meydka Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya oo la keenay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhow magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda meydka Allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa meydka ku sugayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo haatan ay socto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka. Allaha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa sannadkii 2000 wuxuu ra’iisul wasaare ka noqday dowladdii KMG aheyd. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qarax lagula eegtay deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada lala bartilmaaneedsaday xilli ay ku socdaalayeen wadada isku xirta Shalanbood iyo magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada la qarxiyey oo ahaa kuwa Uganda ee qeybta ka ah howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya ayaa waxyeelo kala duwan ay ka soo gaaray, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Al-Shabaab ayaa dhinaca kale war ka soo saartay weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday, waxaana ay shaacisay inay ku dishay illaa 2 askari, sida ay hadalka u dhigtay. Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxa uu dhacay, xilli ay miino baaris wadeen ciidamada AMISOM. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la xiriira qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaada ciidamada huwanta ee ka howl-gala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
