Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo galinkii danbe ee shalay gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda u ah maamulkaasi, iyadoo si diiran loo soodhoweeyey, ayaa waxaana uu ka warbixiyey safark uu kujoogay magaalada caasimadda Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa xusay in dhismaha loogu jiro Hirshabeelle la dadejin doono, waxaana uu carabka ku dhuftay in la dhisayo Hirshabeelle loo dhan yahay sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas raaciyey intii uu ku sugnaa Muqdisho la kulmay madax kala duwan uuna kala hadlay sidii dhismaheeda iyo maamulkeeda loo hormarin lahaa. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay guddoomiye Cismaan in ay socdaan qorshaha lagu dardar gelinaayo dhismaha Hirshabeellada cusub, taas oo noqonayso mid loo dhan yahay , qorshahaasna uu meel fiican maraayo, waxaana xusid mudan qoraal horay uga soo baxay madaxweyne Waare uu ku sheehay in Hirshabeelle aan deg deg lagu dhisin. Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa socda dhismaha lagu dhisaayo baarlamaankiisa cusub oo hadda guddigu uu soo saaray Jadwalka iyo hannaan ay u dhaceyso doorashada, iyadoo loo qabtay guddiga ilaa 31 October in lagu soo dhammeeyo Baarlamaanka laguna dhaariyo, Hirshabeelle ayaa afartii sano ee tagtay wajahday khilaafyo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dalalka Bariga iyo Geeska Afrika waxay martigelinayaan qaxooti gaaraya 3.5M, waxaana dowlada Itoobiya ay martigalinaysaa Shir ku saabsan Sida qaxootigani si joogto ah loogu dari karo bulshooyinka maxalliga ah. Shirkaan ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona dalalka ku yaalla geeska Afrika waxaana uu Magaalada Aaddis ababa ka dhici doonnaa Oktoobar 31st – Nofeembar 1. Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan wakiilo ka socda dowladaha Kenya, Uganda, Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan, iyo South Sudan si xal buuxa looga gaaro qaxootiga dalalka Geeska Afrika ku dhibaateysan. Waxaa sidoo kale taageeri doonnaa Shirkaan Hay’addaha Qaramada Midoobey iyo dowladaha Yurub. Dalalka Geeska Afrika ayaa lagu dhaliilaa in aysan inta badan fulin heshiisyadda caalamiga ah ee ku saabsan ilaalinta Qaxootiga. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdullahi Warsame Bidhaan oo ka mid ah guddiga loo xil-saaray aaska Qaran ee loo sameynayo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay wararka sheegaya in baaris dheeraad ah lagu sameynayo waxa sababay geerida marxuumka. Bidhaan oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa caddeeyey in meydka marxuum Cali Khaliif marka la keeno la aasayo, islamarkaana aysan jirin baaris la sameynayo. Wasiirka ayaa meesha ka saaray wararkii la’isla dhex-marayey ee sheegayey in baaritaan lagu sameynayo, ka hor inta aan la aasin marxuumka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Salaadda Janaasada marka lagu tukado horey laga sii aasayo meydka. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in marxuumka lagu aasayo gudaha Muqdisho, islamarkaana ay ka qeyb-geli doonaan salaada Janaasada madaxa sare ee dalka. “Maydka Marxuumka waxaa lagu aasayaa Muqdisho, madaxda sare ee dalka ayaa ka qaybgaleysa salaadda janaasada, marka lagu tukado kadib waala aasi doonaa” ayuu yiri Wasiir Bidhaan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ehellada marxuumka ay dalbadeen in la baaro, maadaama shaki ay ka qabaan sababta geeridiisa oo is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya uu ku sheegay inuu u dhintay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus. Si kastaba ha’ahaatee saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in meydka marxuumka laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/ Muqdisho. The post DF oo war cusub ka soo saartay geerida Cali Khaliif first appeared on Caasimada Online.
  4. Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay’adood oo ka mid ah hay’adaha dawladda. Runtii aad ayaan ugu farxay muuqaalka guud oo ka kooban dhawr dabaq, bilicsan iyo farshaxanka naqshaddaba. Waxaan u malaynaya dhismahan in ay ku baxday lacag dhan hal malyuun ilaa hal malyuun iyo badh oo dollar. Kharashka waxa bixiyay dawladda Ingiriiska oo ku caawisay Somaliland. Si kastaba ha ahaatee dareenkaygii iyo xiisihii aan u qaybay in aan dhismaha hore ugu sii socdo waxa bedelay markii aan cagta saaray jaran-jarada, waxaan arkay xabado marmar ah oo meeshoodii ka fuqay iyo kuwo dhinacyada ka jabay. Waxaan gaadhay dabaqa sare iyo xafiisyo si casri ah u qalabaysan iyo dhallinyaro rag iyo haween ba leh oo ay ka muuqato haybad, aqoon iyo in si fiican loogu tababaray hawsha ay bulshada u hayaan; waxaanse ka naxay markii ishaydu qabatay khaladaad farsamo oo la sameeyay wakhtigii la dhisayay oo haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban ku soo dumi kara wakhti aan fogayn, waana khalad aan laga aqbali Karin nin injineer sheeganaya. farsamo xumadani waxay shaki gelinaysa kalsoonida lagu qabi karo aqoonta injineerada dalkeena. Dhismaha labaad oo isna kharash badani ku baxay ayaa waxaan galay qol weyn oo ka mid ah dhismaha; markii aan foodda geliyay ba waxa iga horyimid dillaac weyn oo si dadab ah gidaarka ugu dhereran kor ilaa xagga hoose, waxaan la sii yaabay dhismaha waxa loogu talo galay in dabaq la saaro mustaqbalka, hindisahaa oo aan farsamo ahaan suurto gal ahayn. Haddaba sida kharashka dhismeyaashaa loo maamulay xukumadda waxay ku tahay sumcad darro waxaanay saamayn ku yeelan kartaa deeqaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Beesha Caalamka; dhibaataduna waa isla xisaabtan la’aan iyo hay’adaha iyo masuuliyiinta ku shaqada leh oo aan lagu dabagelin laguna qiimayn sida ay u gudanayaan xilalkii loo igmaday. Talo Bixin: In Wasaaradda hawlaha guud hubiso shahaadada injineerada dhismaha sida dhakhtarrada oo kale In Qandaraaslaha lagu kormeero dhismeyaasha hay’adaha dawladda iyo in lagu ilaaliyo fulinta tilmaamaha heshiiska ku qoran (specifications) In Guddiga Qandaraasyada Qaranka la siiyo awoodo dheeraad ah iyo ‘mandate’ ka badan qabashada codsiyada iyo kala xulista shirkadaha danaynaya qandaraasyada In la xoojiyo sharciyadda hay’adda iyo aqoonta xubnaha Guddiga Qandaraasyada In la ganaaxo shirkadaha jabiya qodobada heshiisyada In madaxweynaha JSL wasiirkiisa Hawlaha Guud ku amro in uu ka soo warbixiyo tayada iyo raandhiiska dhismeyaasha dawladda ee saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay la dhisay. W/Q Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami33@gmail.com Source
  5. Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Sacid Xamsa ayaa hambalyo u diray Barnaamijka Cuntada Aduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan 2020-ka ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaano Nobel Peace Prize. “Aniga oo ku hadlay magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa WFP dadaalka xooggan oo ay sameeyeen ee dhinaca naf badbaadinta iyo ka hortagga macluusha, iyadoo ay jirto duruufaha gaarka ah eek a dhashay COVID-19, ayuu yiri Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Hey’adda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen dalka waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beni’aadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta. Inkasta oo shaqada ugu badan ee hey’adani ahayd gargaarka, hadana howlaha ay sameysay ayaa wax weyn ka taray xoojinta iyo abuurista fursad xasilooni iyo nabad iyo in laga baaqsado in gaajada noqoto hub lagu horiyo colaadaha. “Inti uu jiray COVID-19 oo ay inoo wehlisay xaaladaha sida fatahaado ka dhacay meelo ka mid ah dalka, WFP waxay Dowladda Soomaaliya ka taageertay in la caawiyo malaayiin Soomaali ah oo qatar ugu jiray macluul,” ayuu hadalkiisa ku daray Xamsa Sacid Xamsa. “Waxaan si gaar ah amaan u jeedinayaa Shaqaalaha WFP ee Soomaaliya ka shaqeeya dadaalka aan daalka lahayn iyo shaqada wanaagsan oo ay ka hayaan dhammaan deegaannada Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Xamsa Sacid Xamsa. View the full article
  6. Meydka Allaha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeydh oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo laguna aaso magaalada Muqdisho. Guddiga qaban-qaabada Aaska raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in salaada janaasada lagula tukan meydka Galeydh Garoonka diyaaraaha Aadan Cadde kadibna la aasi doono. Salaada janaasada iyo aaska meydka Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreeysa dowladda Soomaaliya. Source
  7. Kadib markii 24kii saac ee u danbeeyay uu Ayax guuraya ku dul dagay dhul beereed ku yaala duleedka Bari ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan deegaanka Dayax oo 10 km dhanka Bari kaga beegan magaalada ayaa waxaa qaar ka mida beeraleyda deegaankaasi oo Warbaahinta Qaranku ay booqatay u sheegeen in Ayax aad u badan uu ku dul habsaday beerahooda isla markaana uu bur buriyay dalagyadii u baxayay, iyadoo beerahaasi ay ka muuqanayeen dhibaatooyinkii uu Ayaxu ku reebay. Guddoomiye ku-xigeenka iskaashatooyinka Beeraleyda Gobalka Mudug mudane Cabdiqaadir Macalin Cadde oo booqday beeraha ay waxyeeladu kasoo gaartay Ayaxa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay beeraleydu dadaal fara badan u sameeyeen sidii Ayaxa ay uga saari laahaayeen beerahooda, balse awooda Ayaxu uu lahaa darteed ay sababtay in ay wax ka qaban waayaan intaa kadibna uu Ayaxu bur buriyay dalagyo fara badan oo ku yaalay beeraha deegaanada Xaar Xaar,.Booran, Cad,.Dayax.iyo Laase Caddale Si kastaba Ayax fara badan ayaa 48-dii saac ee u danbeysay la arkayay, isagoo dul hee heebaya magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow dhow. View the full article
  8. (SLT-Washington)-Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2020 waxaa ku guullestey Barnaamijka Cuntada ee Qaramada Midoobay (WFP) taas oo la dagaallanka gaajada adduunka oo dhan. Sida ku xusan warbixinta abaalmarinta, WFP (Barnaamijka Cuntada Adduunka) waxay ku guulleysatey Abaalmarinta Nabadda ee la dagaallanka gaajada, dadaalka ay ugu jirto hagaajinta xaaladaha nabadeynta goobaha ay colaaduhu ka jiraan iyo inay yihiin awoodda wadista shaqada isku dayaysa inay ka hortagto in gaajada loo adeegsado hub ahaan ee dagaalka iyo khilaafaadka. Intaas waxaa sii dheer, waxaa la sheegay in iyadoo la hubinayo sahayda cuntada, WFP ayna ka hortagin oo keliya gaajada, laakiin ay sidoo kale gacan ka geysaneyso hagaajinta fursadaha xasilloonida iyo nabadda. Waxaa jirta dood ka dhan ah sida muddooyinkii danbe ay u shaqeynayeen guddiga abaalmarinta Nobel, waxaana hore loo siin jirey dad nabadda wax ka qabtey ama ka tarey ama keenay heshiisyo wanaagsan, laakiin muddooyinkii danbe ayey la kulmayeen dhaliilo in aysan helin musharixiin u qalma. Sanadkii la soo dhaafey ee 2019 waxaa ku guuleystey raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, inkasta oo tan iyo markii uu abaalmarinta ku guuleystey Itoobiya ay ka socden dhibaatooyin uu awood ku xalinaayey. 318 qof ayaa sanadkan loo sharaxay abaalmarinta Nobel Peace Prize kuwaas oo isugu jira – 211 qof iyo 107 urur. Ku guuleystaha waxaa magacaabay Guddiga Nobel ee Nobel, oo ka kooban shan xubnood oo ay magacaabaan Baarlamaanka Norway. Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar, sanad-guuradii dhimashadii Alfred Nobel. Xaflada abaalmarinta sanadkaan waxaa saameeyey musiibada Korona Fayrsan waxay ka dhacaysaa hoolka jaamacada Oslo iyadoo ay goobjoog ahaayeen ilaa boqol qof oo marti ah oo keliya. Abaal marinta [Nobel Peac Prize] ayaa soo socotay tan iyo sanadkii 1901. Source
  9. Meydka marxuum Cali Khaliif Galaydh, oo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ayaa saaka oo Sabtiya lagu wadaa in la geeyo Muqdisho, halkaas oo aas Qaran loogu samayn doono, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa. Guddiga qaban-qaabada Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Khaliif, ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde oo saacadaha soo socda ay ka soo degi doonto diyaaradda sida Meydka Marxuumka, waxaana halkaas lagula dukan doonaa salaada Janaasada. Sidoo kale, Mas’uuliyiinta u sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la filayaa in ay ka qayb-galaan Salaadda Janaasada iyo aaska Muqdisho loogu samaynayo Marxuumka. Allaha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh, wuxuu Khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxaana Mas’uuliyiinta Dowlad degaanka Soomaalida laga soo xigtay in uu u geeriyooday xanuunka COVID-I9. PUNTLAND POST The post Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo maanta aas Qaran loogu samaynayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Qatar Airways’ CEO Akbar Al Baker has offered his take on the current state of the aviation world. The airline chief has indicated that he believes carriers are not in the clear yet and will likely need more support from governments. He also extended the comments to cover his own airline. Source: Hiiraan Online
  11. Wakiillo ka kala socda dowladaha Azerbaijan Armenia iyo ayaa wadahadallo waxaa uga bilowdeen magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kuwaas oo rajo laga qabo in lagu soo afjaro dagaalka labada wadan. Ciidamada Milatariga labada Azerbaijan iyo Armenia ayaa isku hor fadhiya jiidda gudaha iyo daafaha magaalada la isku hayo la haanshaheeda ee Karabakh, taas oo doodeedu taagneyd muddo 25 sano ah. Dagaalka labada wadan ayaa galay maalintii 14- naad, iyadoo Moscow ay isku dayeyso sidii labada dowladoow ay isugu soo dhowaan lahaayeen loona dhameyn lahaa colaadda u dhaxeysa Armenia iyo Azerbaijan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Sacid Xamsa ayaa hambalyo u diray Barnaamijka Cuntada Aduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan 2020-ka ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaano Nobel Peace Prize. “Aniga oo ku hadlay magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa WFP dadaalka xooggan oo ay sameeyeen ee dhinaca naf badbaadinta iyo ka hortagga macluusha, iyadoo ay jirto duruufaha gaarka ah eek a dhashay COVID-19” ayuu yiri Wasiir Xamsa. Hey’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen Soomaaliya, waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beni’aadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta. Inkasta oo shaqada ugu badan ee hey’adani ahayd gargaarka, hadana howlaha ay sameysay ayaa wax weyn ka taray xoojinta iyo abuurista fursad xasilooni iyo nabad iyo in laga baaqsado in gaajada noqoto hub lagu horiyo colaadaha. “Inti uu jiray COVID-19 oo ay inoo wehlisay xaaladaha sida fatahaado ka dhacay meelo ka mid ah dalka, WFP waxay Dowladda Soomaaliya ka taageertay in la caawiyo malaayiin Soomaali ah oo qatar ugu jiray macluul” ayuu hadalkiisa ku daray Xamsa Sacid Xamsa. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya uu hambalyaysay Hay’adda Cuntada Aduunka appeared first on Puntland Post.
  13. Wasaarada Arimaha Dibada Kenya ayaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya uga digtay rabshadaha ay Gobolka Gedo ka wadaan Ciidamada Dowlada Federaalka ay Gobolka Gedo Keentay, Ciidamadaasoo ay [...] The post Kenya oo u digtay Ciidamada ay Dowlada Federaalku geysay Gobolka Gedo appeared first on . Source
  14. Senator Lindsey Graham (R-S.C.) refused to take a COVID-19 test as demanded by his Democratic challenger, Jaime Harrison, Source: Hiiraan Online
  15. Somaliland: Xisbi La’aanta Deegaanda Darafiyadda iyo Dadka laga Tiro-badan yahay Doorashada Somaliland ee inagu soo fool leh, waxay u soo muuqdaan kuwo aan samayne doonin wax cusub ama isbedel ah. Waxaa ka muuqan doona ceebihii ka muuqday kuwii hore. Maxay yihiin ceebahaasi? Ma ah wax-is-dabamarin, ma aha ku shubasho, ma ah tuugo iyo khiyaamo, laakin waa mid intaaba ka weyne. Waxaaynu wada ognahay in xisbiyada wadanka laga bilaamay doorashadooda ay ku salayan yihiin oo keliya Degaanada dhexe ama haddii aan si kale u yidhahaddo meelaha dhexe (ma aha Beesha dhexe). 2002 waxaa dalka laga diwaan-geliyey ururu-xisbiyeedo oo tartan aan ku dhisnayn si cilmaysan, ay ku soo baxeen 3 xisbi sida uu dhigayo Dastuurku, waxaa tartanka ku soo baxay Xisbiga UCID, UDUB iyo KULMIYE, saddexdda (3aad) xisbi waxaa ay hog’aankoodu ahaayeen niman ka soo jeeda Degaanda Dhexe. Waa ceeb aad u weyne haddii aysan jirin Somaliland xisbi ka sharaxan ama gadhwadeen ka yihiin Degaanada Darfyadu ama dadka laga tiro-badan yahay, shaygga cadaalada la yidhahda waa mid aad u mug weyne, waxaa asal u ah in qof kasta ama koox kasta ay hesho, sinnaan, cadaalad iyo waxay xaq u leeyihiin, ama in ay helaan waxay baahida u qabaan. Bulsho kasta oo addunkan korkeeda ku uumani waxay horumarkeedu ku yimaada sida ay u qabsadan, awooda, hantida iyo fursadaha jira. Haddii awood qabsigu ummada ama wadan uu ka xumaado wuxuu dhaxalsiiya, nacaybshiyo, kala foggan, iyo ugu danbaynta colaad. Doorashadu in ay ku salaysnaato cadaalad waxaa ka aabo ah, in bulshooyinka kala gedisan ee wadanka degani ay ka muuqdaan hog’aanka xisbiyadda dalka. Waxaa xukumadda dalka ka talisa waajib ku ah in ay maalgeliso bulshada Deegaanada Darfiydda si ay u helaan fursad ay ku furtaan karaan xisbiyo, dawladu waa in ay la timaada nidaam ay ku dheerigelinyso Deegaanada Darfyada in ay ku dhiiradaan in samaystaan xisbiyo, taasi oo keeni karta in Deegaanada Dhexena ka mid noqodaan xisbiyadda Deeganada Darafyaddu furnayaan. Arrintaasin ay keeneysa is dhexgal siyaasadeed oo furfuran, waxay taasi yareyn kartaa in xisbiyaddu ay ka baxaan gacanta shakhsiyaada, mid beeleed, iyo mid ku danaysi nin iyo koox beelaysan. Marka la leeyahay waa nidaam demoqradi ah, macanaheeda asalka ah waa lahaanshaha bulshadu ay leedahay doorasho salka ku haysa bulsho kala-duwan (kala-duwanshuhu wuxuu noqon karaa kala qabiil ah, kala-dhaqan ah, iyo kala-asal ah), wallow, Somaliland tahay ummad wada-dhal ah ama wada-dhashay, kiisa jooga cidhifka bari ilaa ka jooga cidhifka galbeed. Dimqradiyaddu ma ah in dadka tirada badani ay wax kasta qaataan, kuraasta golayaasha, madaxdda xukumadda sida madaxweyn, iyo dhamman awoodaha dalka, waxaa waajib ku ah dadka xukumadda hog’aankeeda hayaa in ay abuuraan saaxad mu’waadin kasta oo wadanka u dhashay uu ku helo inuu ku muujiyo kartidiisa iyo xirfaddiisa dabiicigga ah (abilities and talents), oo si mug leh u iftiim karo xuquuqdiisa qofnimo sida in si xoriyad ah loo doorto, isaguna wax dooran karo, xuquuqdiisa ama xoriyadda cabirida fikirkiisa gaarka ah si nabadgeliyo ah, xuquuqdiisa ama xoriyddiisa isabaabulka iyo kulanadda gaarka ah. Somaliland waxay ku caano-maashay ismaqalka, isu tanaasulka, istixgelinta iyo dhaqan wanaagsan ee ay dadka reer Somaliland ka dhaxleen dadkooddii hore, taasi ayaa keentey in markii dal-weynihii la odhan jirey Somalia xukunkiisi burburay ay dadka reer Somaliland dib u hantiyaan xukunkoodi si nabadgeliyo ah. Si dimoqradiyada Somaliland u hanoqaado oo dawladnimada Somaliland u buuxsanto, waxaa lagam maarmaan in la helo madxweyne doorasho ku yimid oo xisbi ka mid ah xisbiyada Qaranka ee ka soo jeeda ama ay leeyihiin Deegaanada Darfiyadu. Waxaa la huba in Deeganada Darfiyada iyo dadka laga tiro-badan yahay ee reer Somaliland keeni karaan wax aysan keeni karin, beelaha Degaanada Dhexe, haddii aan si kale u yidhahado, wax uusan keeni karin ninka ka yimid Hargeysa, Burco iyo Berbera ayaa uu keeni karaa ninka ka yimid Lasqoray, Saylac, Buhoodle, lascaanod, Taleex, Boon, Bucame, Xariirad iyo Baki. By Osman Awad Qaran News
  16. Fanaanadda Xamda Cabdillaahi oo ku magac dheer Xamda yar, ayaa xalay shaacisay in ay si rasmiya uga baxday Fanka, kadib markii ay ka toobad keentay qaadista Heesaha, sida laga soo xigtay barteeda Instagram-ka. Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Instagram, ayay ku sheegtay in ay gebi ahaanba ka baxday Fanka, islamarkaana aysan dib dambe u qaadi doonin Heesihii looga bartay, kadib markii ay ka toobad keentay. “Waxaa ummada Soomaaliyeed iyo asxaabteyda waxaa idinla wadaagaya inaan ka baxay fanki oo aan soo afjarey gaabi ahaantiba” ayay tiri Xamda Yar Sidoo kale, waxay sheegtay in ilaahay ka madoobeeyay Fanka iyo Heesaha, sidaas darteedna ay ku faraxsantahay, Ilaahayna uga mahadcelinayso in uu ka madoobeeyay qaadista Heesaha. “Alxamdullilaaha illahay ayaa mahada iska leh oo iga madoobeyey waana ku faraxsanahay” ayay raacisay Qoraalkeeda. Fannaanad Xamda yar ayaa bishii tagtay ee September Garoowe ku qabatay Caways bandhig faneed ah, waxaana ay halkaas ka qaaday heeso kala duwan. PUNTLAND POST The post Xamda Yar oo sheegtay in ay gebi ahaanba ka baxday Fanka appeared first on Puntland Post.
  17. Campaigner gives first major interview after being appointed as government adviser on issue Source: Hiiraan Online
  18. An 18-year-old reported two men forced her into a vehicle in St. Paul at gunpoint, robbed and assaulted her before she was able to escape on Thursday night, police said. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland, ayaa saaka oo Sabti ah ku wajahan magaalada Muqdisho. Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigiisa, ayaa Muqdisho kaga qayb-galaya aas Qaran oo halkaasi loogu samaynayo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum Cali Khaliif Galaydh, oo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad degaaanka Soomaalida Itoobiya. Aaska Marxuumka waxa sidoo kale ka qayb-galaya Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha heer Federaal iyo siyaasiyiin miisaanleh oo hore xilal uga soo qabtay dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho kaga qayb-galaya aaska marxuum Cali Khaliif Galaydh appeared first on Puntland Post.
  20. MSF is witnessing a dramatic deterioration in the mental health of camp residents. In Dagahaley, the number of attempted suicides is rising, and psychosocial consultations have jumped by more than 50 per from last year, over the same time period until September – from 505 to 766. Source: Hiiraan Online
  21. NIAMEY, Niger (AP) — The World Food Program won the Nobel Peace Prize on Friday for fighting hunger and seeking to end its use as “a weapon of war and conflict” at a time when the coronavirus pandemic has driven millions more people to the brink of starvation. Source: Hiiraan Online
  22. Dalalka Armenia iyo Azerbijana ayaa heshiis xabad-joojin ah ka gaaray xiisad dagaal oo ku salaysan muranka dhulka xuduudka ah ee u dhexeeya labada dal. Mudadii labada todobaad ahayd ee colaaddu ka socotay halka la isku fara saaray oo ah xadka u dhexeeya labada dal ee Nagorono Karabakh ayaa waxaa ku geeriyooday dad tiradooda ay gaareeyso ilaa saddex boqol oo qof. Dagaalkaasi wuxuu bilowday 27kii bishii tagtay ee September,waxaana lagu tilmaamay dagaalkii ugu cuslaa ee xadkaasi ka dhaca tan iyo sannadkii 2016. Wada-hadalka debloomaasi ee lagu dhex dhexadinayay labada dal ee Armenia iyo Azerbijan ayaa waxa ka qayb-taaya dalal kala duwan iyo ururo caalami ah. PUNTLAND POST The post Armenia iyo Azerbijana oo heshiis xabad-joojin gaaray appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qoraal diginin iyo hanjabaad ah usoo dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyey wargeyska African Intelligence. Wargeyska ayaa sheegay in 2-dii October ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo ay qoraalka ay u dirtay dhiggeeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal. Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii September, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal. Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale shacab Soomaaliyeed ka afduubtay gobolka Gedo, taasi oo dhalisay carro xooggan. Wargeyska Africa Intelligence ayaa sheegay in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo uu arrintan marka hore kala hadlay xukuumadda Soomaaliya, hase yeeshee kadib ay wasiir Omamo ay si toos ah dhiggeeda ugu sheegtay in ciidanka Kenya aysan mar dambe celin doonin rasaastooda. Warqaddan ayaa sida wargeyska uu sheegay la diray kadib kulan ay yeesheen Golaha Amniga Qaranka, oo uu guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta. Kulankaas ayaa sidoo kale taliyaha Uhuru wuxuu ku amray ciidamada Kenya Robert Kibachi inuu Soomaaliya u caddeeyo in Kenya ay ka go’an tahay inay tallaabo qaado, haddii rabsho kale ay ka dhacdo xuduudda. Kibachi ayaa kadib qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo ciidamada Kenya ee jooga xuduudda Soomaaliya, sida warbixinta wargeyska ay tiri. Caasimada Online oo xiriir la sameysay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, si ay wax uga weydiiso warqaddan, waa ay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan. Hanjabaadda Kenya ayaa imaneysa ayada oo horey uga carreysneyd in dowladda Soomaaliya ay joojisay qaadkii ka iman jiray dalkaas, taasi oo ay sii dheer tahay xiisadda ka dhalatay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya. The post Kenya oo warqad digniin iyo hanjabaad dagaal ah usoo dirtay DF Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  24. Booliska dalka Australia ayaa gacanta ku dhigay sano hore haweeney Maleysian ah taas oo ka shaqeyneysay mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka islamarkaana qaab yaab badan u gelin jirtay dalkaasi daroogada. Haweeneydan oo lagu magacaabo Zailee Hana Zainal (40-jir) ayaa u shaqeyneysay shirkadda diyaaradaha Malindo Air, waxaana ay daroogada loo yaqaan Haroin-ta ay soo galin jirtay kastuumada iyo rajesiinkeeda naasaha lagu celiyo. Maxkamad ku taal gobolka Victoria oo lasoo taagay ayaa ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, waxaana ay maxkamadda ka dhex sheegtay in arrintani ay ku kaliftay duruuf dhaqaale maadaama ay haysato gabar yar oo xanuunsan. Tiro 20-jeer ayay maxkamaddu sheegtay in ay qaabkan daroogada kusoo gelisay dalka Australia. Waxaa kaloo ay maxkamaddu sheegtay in muddo saddex bilood ah ay haweeneydani u tababaraneysay in ay qaabkan ay daroogada usoo geliso iyada oo aan laga fahmeyn dhanka socodka. Waxa ay sheegtay in eysan waligeed cunin daroogo islamarkaana ruuxii usoo dhiibi jiray uu kula heshiiyay in uu siinayo lacag kun iyo boqol dollar u dhiganta doorkiiba. 6-dii bisha Janaayo ee sannadkii tagay ayay boolisku qabteen haweeneydan, waxaana ugu dambeyn la xukumar isbuucan. Qaran News