Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baku (Caasimada Online) – Rajadii laga qabay xabad joojin ay Ruushku dhexdhexadiyeen oo ay gaareen Azerbaijan iyo Armenia ayaa maanta oo Axad ah sii xumaatay, iyadoo labada dhinac uu midba kan kale ku eedeeyay duqeyn ba’an oo lala beegsaday goobaha rayidka ayna sii kordheyso laba toddobaad oo iska horimaadyo aad u daran ay ka dhex socdaan labada dal. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan ayaa sheegtay in madaafiic habeenimadii xalay ciidamada Armenia ay ku garaaceen magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Ganja ay ku dhinteen 7 qof, halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan caruur, tani oo imanaysa wax ka yar 24 saac ka dib goortii lagu waday inay bilaabato dhaqangalka xabbad joojinta. Kooxaha badbaadada ee koofiyadaha cas ayaa galay howlo ay ku raadinayaan calaamadaha dad ka badbaaday gantaallaha sida uu wariye ka tirsan AFP oo ku sugan magaalada soo wariyay. Hal qof ayay ka soo badbaadiyeen goobta burburka oo loola cararay isbitaalka. Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga ee gobolka gooni u goosadka ah ayaa Axadda maanta ah sheegay in ciidamada Armenia ay ixtiraamayaan xabad joojinta bani’aadamnimo iyadoo uu dhinaca kale ku eedeysay Azerbaijan in ay duqeysay aagag ay deggan yihiin dad rayidka ah. Sheegashooyinka ah in ciidamada Armenia ay mas’uul ka ahaayeen duqeynta Ganja ayay wasaaraddu ku sheegtay kuwa been abuur ah. Heshiiska ah in la joojiyo colaadda si la isu weydaarsado maxaabiista iyo meydadka dadka lagu dilay labo toddobaad oo uu dagaal ka socday gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ayaa waxaa isku raacay wasiirrada arimaha dibada ee Armenia iyo Azerbaijani oo ku wadahadlay Sabtidii magaalada Moscow. Xabbad joojinta ayaa si rasmi ah u dhaqan gashay duhurnimadii Sabtida laakiin labada dhinac ayaa durba bilaabay in uu midba kan kale ku eedeeyo inuu ku xadgudbay xabbad joojinta. The post Maxaa ka cusub dagaalka Azerbaijan iyo Armenia? first appeared on Caasimada Online.
  2. Logan • Local officials and educators have been concerned about the effects of COVID-19-related shutdowns and closures on children’s' education. But according to local advocates, it’s been hardest for those who were already struggling to begin with: local refugees and immigrants. Source: Hiiraan Online
  3. The UK’s first hijab-wearing mayor has resigned from the Labour party citing racism and a “system that allows white men to have what they want, when they want”. Source: Hiiraan Online
  4. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa maamule kumeel ah u magacowday dugsiga sare ee Gambool, kadib shaqaaqadii maanta ka dhacday dugsigaas. Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ahna ku simaha Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa warqad uu soo saaray wuxuu dugsiga Gambool maamule kumeel gaar ah ugu magacaabay Mustafe Cabdiqaadir Maxamed oo ahaa maamule ku xigeenka 1aad ee dugsigaas. Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban 5 xubnood u magacowday shaqaaqadii maanta ka dhacday dugsiga sare ee Gambool. Ardayda dugsiga sare ee Gambool ayaa maanta sameeyay mudaharaad rabshada watay. Hoos ka eeg warqadaha ka soo baxay Wasaaradda Waxbarshada Puntland PUNTLAND POST The post Guddi baaritaan iyo maamule KMG ah oo loo magacaabay dugsiga Gambool appeared first on Puntland Post.
  5. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay duqayn xalay ka dhacday Ganja oo ah magaalada labaad ee Azerbaijan, xafiiska xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in 24 saacadood wax ka yar markii la gaadhay heshiiskii xabadjoojinta eek u saabsanaa dhulka lagu muran san yahay ee Nagorno-Karabakh. Heshiiska Azerbaijan iyo Armenia oo uu gadhwadeen ka ahaa Ruushku, ayaa looga gol lahaa in lagu joojiyo dagaalka, isla markaana ay maxaabiista is dhaafsadaan. Labada dhinacba waxa uu midba midka kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay xabad-joojinta oo uu duqaynta bilaabay. Armenia ayaa iyadu diiday inay bartilmaameedsatay Ganja, waxaanay ku eedeeyeen ciidamada Azeri inay duqeeyeen caasimada gobolka Nagorno-Karabakh ee Stepanakert iyo magaalooyin kale intii lagu gudo jiray jabinta xabad-joojinta. Source
  6. Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ahaa kalfadhiga 2aad kulankiisa 6aad ee golaha wakiillada maamulkaas. Kulanka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa uu ku furmay kooramkii loo baahnaa, Ajandiha kulanka ayaana ahaa. Akhrinta Koowaad ee Shuruucda kala ah: A. Dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug. B. Hay’adaha Samafalka aan Dawliga aheyn. C. Maareynta Deegaanka Galmudug. D. Dhismaha Dawladaha Hoose. Wasiirada kala ah, wasiirka Bay’da Galmudug Siciid Siyaad Shirwac, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo dowlaha hoose Axmed Cusmaan (qooje) iyo wasiirka qorsheynta Iyo maalgashiga Galmudug Cabdinasir Gelle Cilmi, wasiir kasta ayaa xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug usharaxay muhiimadda sharcigaan uu u leeyahay Galmudug, iyaga oo ka codsaday akhrinta kadib in ay meel mariyaan sharciyadaan wasaaraduhu soo diyaariyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladdaa Imaaraadka Carabta ayaa dalbatay in la xiro saldhigga Turkiga ku leeyahay dalka Qatar, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labadan dal ee Islaamka ah. Ciidamada Turkiga ee jooga Qatar waa qeyb ka mid ah xasilooni darrada gobolka Khaliijka, waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta, oo intaas ku daray inay uga sii darayaan kala qeyb-sanaanta gobolka. Imaaraadka Carabta iyo xulufo Carbeed oo ay qeyb ka yihiin ayaa go’doon geliyey Qatar bartamihii 2017, waxayna dalbadeen in la fuliyo shuruudo ay ka mid yihiin in Doha ay xirto saldhigga militari ee Turkish-ka ay halkaas ku leeyihiin. Ankara iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale kala taageera dhinacyada isku haya dagaalka Libya. “Jiritaanka saldhigga Turkiga ee Gacanka Carbeed waa xaalad deg deg ah,” ayuu yiri Anwar Gargash oo ah wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka oo qoraal soo dhigay Twitter-ka. “Waxa uu xoojinayaa kala qeybsanaanta, mana ixtiraamayo madax-banaanida dalalka gobolka, danaha dalalka Khaliijka iyo shacabkooda.” Mareykanka oo doonaya in dalalka Khaliijka ay u midoobaan Iran ayaa isku dayey inuu xaliyo muranka Qatar iyo xulufada Carbeed ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaamiyaan, hase yeeshee weli kuma guuleysan. 9-kii September, diblomaasiga ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Bariga Dhexe David Schenker ayaa sheegay inuu jiro horuamr toddobaadyadii tegay laga sameeyey xalinta xiisaddan. Diblomaasiyiin iyo ilo-wareedyo ku sugan Khaliijka ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu jiro wada-hadal u dhaxeeya Riyadh iyo Doha, kadib wada-hadalladii burburay horraantii sanadkan, hase yeeshee ma jiraan wax astaamo ah oo muujinaya horumar laga sameeyey. REUTERS + VOA The post Imaaraadka oo doonaya in la xiro saldhig Turkigu leeyahay first appeared on Caasimada Online.
  8. The World Bank has endorsed a new Country Engagement Note for Sudan, which outlines the financial institution’s program of support for the country’s efforts including economic reforms and building a more equitable social contract. The CEN focuses on helping Sudan to stabilize the economy and accelerate progress towards addressing the country’s debt challenges, including clearing arrears to the World Bank, the Bank said. “To end extreme poverty and lift people up from a history of fragility and conflict, Sudan must ensure access to basic services, stable jobs, transparent and accountable institutions, and economic and social inclusion,” according to Hafez Ghanem, World Bank Vice President for Eastern and Southern Africa. “The World Bank’s engagement will support the country’s development vision, focusing on macro-economic stability, job creation, and sustainable development for all Sudanese people.” The World Bank also approved $400 million worth of grants to Sudan, namely $200 million for the Pre-Arrears Clearance Grant for the Sudan Family Support Program and a similar amount for the Sudan Transition and Recovery Support Trust Fund. The project aims to deliver cash transfers and improve safety net systems for Sudanese families affected by expected economic reforms and other short-term shocks. Arabnews Qaran News
  9. Labo diyaaradood oo isku dhacay xilli ay hawada ku jireen Baaritaan ayaa ku socda sababta keentay in ay diyaaraduhu isku dhacaan Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil diyaaradeed oo kasaare dhimasho ka geystay waddanka Faransiiska. Labo diyaaradood oo aan aad usii waaweyneyn ayaa isku dhaca iyagoo hawada ku jira kaddibna waxay ku burbureen bartamaha dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinteen shan ruux, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah. Shilka labada diyaaradood ayaa galinkii dambe ee sabtida ka dhacay magaalada Tours ee ku taalla koonfurta-bari ee waddankaas. Shaqaalaha gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan qiyaastii 50 dab damis, ayaa loogu yeeray goobta. Ma jirin cid kale oo waxyeello soo gaadhay markii ay diyaaradaha dhulka kusoo dhaceen. Labada diyaaradood midda yar, oo siday labo ruux, ayaa ayaa ku dhacday xeyndaabka guri ku yaalla magaalada Loches, oo 46km u jirta magaalada Tours. Booliska ayaa isku gadaamay goobta uu shilka ka dhacay Qof goob jooge ah ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in diyaaradda yar ay holacday islamarkiiba, maadaama ay ku dhacday keydka korontada ee gurigaas. Diyaaradda weyn, oo nooceedu yahay Diamond DA40, ayaa iyana ku dhacday meel goobtaas u jirta 100m (328ft). Waxaa saarnaa saddex dalxiise. “Dhammaan shantii ruux ee la socday diyaaradaha way wada dhinteen,” ayey tiri sarkaal la hadashay AFP, oo lagu magacaabo Nadia Seghier. “Shaqaalaha gurmadka shilalka dhinaca hawada ayaa laga keenay magaalada Lyon.” Ma jirto sharraxaad dheeri ah oo ku saabsan magacyada iyo waddamada ay u kala dhaceen dadka dhintay. Waxaa kale oo aan ilaa hadda la ogeyn sababta ay labada diyaaradood isugu dhaceen. Duqa magaalada ayaa isku dhaca diyaaradaha ku tilmaamay “dhacdo aan la rumeysan karin” Booliska maxalliga ah ayaa billaabay baaritaanno ku saabsan dhacdadan. Meelaha ay diyaaradaha ku burbureen ayaa laga xannibay shacabka, waxaana dadka deegaanka loo sheegay inaysan kasoo bixin guryahooda, sida uu qof goob jooge ah ku warramay. Goob jooge lagu magacaabo Genevieve Allouard-Liebert, oo ku nool deegaankaas, ayaa sheegtay inay si toos ah u maqleysay “shanqarta weyn” ee diyaaradaha markii ay dhulka kusoo dhaceen. Waxay intaas ku dartay in iyada iyo seygeeda ay arkeen nin kasoo dhacay diyaaradda weyn. Shilalka diyaaradaha ee hawada ka dhaca ayaa loo yaqaannaa inay dhif yihiin. Shil dhimasho sababay oo Faransiiska ka dhacay sanadkii 1998-kii ayaa sababay in ay 15 ruux geeriyoodaan. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland, Abshir Maxamed ayaa maanta lagu xanibay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, xilli uu kusiii jeeday magaalada Nairobi, sida ilo xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online Agaasimaha ayaa waxa saacado badan lagu xanibay garoonka, iyada oo lagu wargeliyay inay haysato Nabadsugida, wallow aan si dhab ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ay u hakisay. Abshir ayaa markii hore rabay inuu Muqdisho uga duulo Baasaboorka Sooomaaliga ee Diblomaasiga oo uu ku jiray liiska madow, ee xubnaha baasaboorka la hakiyey, oo lagu daray xiligii uu jiray khilaafkii dowladda federaalka iyo Jubbaland. Hase yeeshee wuxuu markii dambe lasoo baasaboor kale oo ajnabi ah oo uu sitay. Hakinta lagu sameeyay Abshir ayaa waxa ka dhashay buuq iyo ismari-waa xoogan, kaasi oo uu ugu dambeyntiina keentay inay goobta yimaadaan Wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka duulista Soomaaliya, oo garoonka ku sugnaa xilligaas. Cawad iyo Oomar ayaa murankaasi meesha ka saaray kadib markii ay la xiriireen Mas’uuliyiintii hay’adda la sheegay inuu u xayiran yahay agaasimuhu, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaarka. Agaasimaha ayaa ugu dambeyntiina loo ogolaaday inuu ka duuli karo garoonka Muqdisho, xili ay ka tagtay diyaaradii uu raaci lahaa. Si dhab ah uma caddo arrinta ay Nabadsugidu ay ku haysato Abshir, iyo nooca ay aheyd waan-waanta ka dambeysay in dib loogu fasaxo inuu ka duuli karo magaalada Muqdisho. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxaya maamulka Jubbaland iyo wasaarada duulista oo ku aadan hakinta lagu sameeyay agaasimaha. The post Xog: Agaasimaha madaxtooyada Jubaland oo lagu xanibay garoonka Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha waaweyn ee dawladdu ku leedahay magaalada Boorama, isaga oo xadhigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey gudaha magaalada gaar ahaan dooxa haye-yaabe, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, habeenimadii xalay kulamo la qaatay madax-dhaqameedka gobolka Awdal. . Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa kormeeray xafiiska badhasaabka gobolka Awdal, xafiiska wasaaradda Horumarinta maaliyadda iyo xarunta dawladda Hoose ee Boorama, waxana uu halkaas kusoo dhaweeyey oo uu warbiximo kaga dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xafiisyadaas, kuwaas oo ka warramay halka ay shaqadu u marayso iyo qorsheyaashooda mustaqbalka, isaga oo dhinaciisana madaxweynuhu ku adkeeyey inay sii laban-laabaan dedaalkooda, xil weynna iska saaraan gudashada waajibaadka saaran. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu booqday xafiiska shirkadda biyaha ee SHABA, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta shirkadda ee xarunta ku sugnaa, kuwaas oo ku dheeraaday hawsha dhinaca biyo soo saarka ah ee ay shirkaddu ku hayso bulshada ku dhaqan magaalada Boorama. Kormeerka shaqo kaddib, waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray Buundo cusub oo isku xidhaysa magaalada Boorama iyo xaafadda Haye-yaabe oo dhawaan la dhammaystiray, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa goobta xadhig-ka-jarista kusoo dhaweeyey bulshada ku dhaqan xaafadda Haye-yaabe, kuwaas oo farxad iyo rayn-rayn ku qaabilay madaxweynaha, ugana mahadnaqay inay muddo dheer kaddib heleen Buundo isku-xidhaysa xaafaddooda iyo magaalada inteeda kale, islamarkaana ay Meesha ka baxday caqabad dhinaca isu socodka bulshada ah oo ay usoo samreen. Maayarka magaalada Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi oo hadallo kooban ka jeediyey madasha xadhig-ka-jarista Buundada cusub, ayaa hoosta ka xarriiqay inay cashuurtii ay ummadda ka qaadeen ku dhiseen buundada, islamarkaana ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii ay bulshadu uga bixi lahayd caqabadda dhinaca isu socodka ka haysatay. Suldaan Dacar oo kamid ah salaadiinta bulshada ku dhaqan xaafadda Haye-yaabe, ayaa madaxweynaha iyo guud ahaan xukuumadda iyo dawladda Hoose ee Boorama uga mahadnaqay hirgelinta Buundada isku xidhaysa xaafadda iyo magaalada inteeda kale oo ay xaafaddu baahi weyn u qabtay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si kooban uga hadlay xadhig-ka-jarista, ayaa bogaadiyey cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha Buundada, isaga oo caddeeyey inay ka go’an tahay in meesha laga saaro caqabad kasta oo ku gedaaman bulshada deegaanka Haye-yaabe, waxana uu yidhi “Dawladda Hoose waannu ku ammaanaynaa inay xaafaddan Biriijkaas u dhistay si ay isu gaadhaan, waana waajib ay lahayd, qofkuna haddii uu waajibkiisa guto waa lagu bogaadinayaa, suldaan Dacar iyo mushtamacan uu ka wakiilka yahayna aad iyo aad baanu ugu dedaali in wixii dhibaato ah ee ay qabaan laga daryeelo.” Weftiga madaxweynaha, ayaa waxa xubno ka ah guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, taliyayaasha ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo siyaasiyiin iyo agaasimayaal guud, waxana ay maalintii labaad oo safar shaqo ah ku sugan yihiin magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Wa-Bilaahi Tafiiq Source
  12. Garowe (PP News Desk) — Pupils of a Garowe secondary schools today took to the streets to protest policy decisions about fees and teacher transfers. Gambool Secondary School pupils turned out in large mumbers to express their satisfaction with the school fee increase and the transfer of more popular teachers to other schools in Garowe. One of the vehicles damaged by angry pupils in Garowe. Angry pupils gathered at the school, forcing the school management to barricade themselves in the offices until the police arrived at the scene. Demonstrations affected some parts of Garowe city. Pupils hurled rocks at passing cars. Mahamed Ahmed, the headteacher of Gambool Secondary School in Garowe Puntland Post has learned that pupils had complained to the Ministry of Education about fee and teacher transfer policies. Gambool Secondary School was one of the best performing schools in secondary school leaving examinations but has recently fallen behind in the rankings. © Puntland Post, 2020. The post Garowe Pupils Demonstrate Against Fee Hike and Teacher Transfer Policy appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada dowladda, si uu ugu kuurgalo adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadaama xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay soo celinta adeegyadii caafimaadka dadwaynaha. Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso. Isbitaallada Dowladda ee Martiini iyo Banaadir ayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobollada dalka waxa ay ka helaan adeegyo bilaash ah, wuxuna xusay Ra’iisul Wasaare Rooble in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegga caafimaad ee laga helo xarumahaan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan. View the full article
  14. Somalia’s money remittance firm Amal Express says it is open to an audit by regulators to prove it has not aided money laundering for purchase of illegal arms. The company, which runs the semi-formal transfer service known as Hawala in most East African countries, says it has always followed local laws and standards, including limits on the amounts of money to be sent by individuals. “We reiterate our long-standing commitment to upholding our corporate integrity and full compliance with laws and regulations in all the countries we operate in,” Guleid Jama, the firm’s Chief Executive Officer, said in a statement on Friday. “We have invited the Central Bank of Somalia, our regulators, to audit our internal systems regarding the alleged dealings with blacklisted persons. We expect the findings of the independent audit would be made public.” The company is reacting to a report by Geneva-based Global Initiative Against Organised Crime. Published in September, the report claimed a number of Hawala service providers including Amal had been used to settle illegal payments to arms dealers in Yemen. With Somalia under an arms embargo since 1993, any purchases of arms could be both illegal in the country and the region, given the UN Security Council’s resolutions that are binding to all member states where Amal is licensed to operate. Thresholds surpassed The report titled “Following the Money”, authored by former UN Expert panellist for Somalia, Jay Bahadur, said illegal payments were as high as $3.7 million between 2014 and 2020. It also said that Somalia’s port city of Bossaso in Puntland state was the origin of most of the illegal payments to arms sellers in Yemen. Some of the payments reportedly went above the $10,000 threshold, where, normally, the handling firm should raise red flags and report to authorities. Amal was particularly accused of handling cash sent to Abdulrab Salem al-Hayashi, who was in October 2017 sanctioned by the US Treasury for “assisting in, sponsoring, or providing financial, material or technological support for, or financial or other services to or in support of” Al-Qaeda-linked terror groups in the Arabian Peninsula. Amal rejected claims it transferred money to such an individual and refutes a copy of the receipts published in the report. “The document was not authentic. It was a very poor imitation of our real receipts and had several inconsistencies and formatting mistakes. We proved [this] to the author of the report when he sought to establish its authenticity, before the report’s publication,” the CEO said. “As we speak, auditors from the Somalia Central Bank are in Bossaso and they have been given adequate access to our systems to verify for themselves that our systems have stringent checks,” Jama told the Nation when asked about the company’s know-your-customer rules.” Little scrutiny Somalia’s Hawala system has been influential in reaching millions of people who remain largely unbanked. According to local regulations, individuals can send or receive up to $300 without undergoing rigorous background checks. But Somalia doesn’t have national ID data and the Global Initiative report claimed some senders and receivers may have used variations of their names to dodge scrutiny. Amal officials told the Nation they cooperate with authorities and use a system called World-Check to flag transactions involving persons listed as high risk. The World Bank estimates that just about 15 per cent of the 15.5 million Somalis have bank accounts, leaving the Hawala system as the main service for transmitting the estimated $1.3 billion sent by the Somali diaspora every year. It advised the Somali government to begin developing a robust identification system to eliminate the loopholes. “An effective identification system would help narrow the significant financing gap in Somalia and address de-risking issues,” it said in a report titled “Rapid Growth in Mobile Money”. “Better mobile money regulation and a robust identification system are closely connected and need to be developed in parallel.” The post Somalia remittance firm fights money laundering claims first appeared on Caasimada Online.
  15. Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya & Kenya. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo cusub ayka bilaabeen halkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo, Ismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ayaa sheegay in ciidamadaas ay sugi doonaan amniga xadka labada dal. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaasi ay yihiin kuwo horey uga howl-galayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyadan cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay xad-gudubyo ka geysanayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. View the full article
  16. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus, la’iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay duleedka deegaanka Xananbuure ee gobolkaasi Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, balse waxaa maleeshiyaadka labada dhinac kala dhex-galay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda dadaallo ay wadaan waxgarada deegaanka oo lagu kala dhex-dhexaadinayo labada dhinac. Inta badan waxaa gobolka Galgaduud ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geysta oo dhex-maray maleeshiyaad ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi. View the full article
  17. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad farabadan oo ka bogsaday Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo uu horey ugu dhacay. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 maalin ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga baaray 3,464 qof, isla markaana laga helay 119 ruux kamid ah dadkaas laga helay cudurka, waxaana ka bogsaday 79 Ruux. 11 October 2020: Tirada la baaray Covid-19, 5tii maalin ugu dambeeyay Soomaliya: 3,464 Laga Helay: 119 Puntland : 99 Somaliland: 18 Banadir: 2 Lab: 83 Dhedig: 37 Bogsasho: 79 Dhimasho: 0 Tirada Guud ee Laga Helay: 3,864 Bogsashada Guud: 3,089 Dhimashada Guud: 99 View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-11102020.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa beeniyay war qoraal ah uu kusoo qoray bartiisa facebook-ga kuna sheegay in akoonkiisa la jabsaday. Barqadii maanta ayaa bogga masuulkaan ee Facebook lagu soo qoray qoraal uu kaga hadlayo isbaaro uu sheegay iney taallo xafiiska Ra’isul wasaaraha cusub, waxaana qoraalkaas uu u qornaa sidaan: “Raiisul wasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah,” ayuu yiri. Qoraalkaan wuxuu qirayaa in Cali Cabdullaahi Cosoble la weydiiyay lacag laaluush ah oo gaareysa 300 Doolar si loogu gudbiyo ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, balse waa laga tiray qoraalkaan bartiisa. Saacado kadib ayuu masuulka mar kale soo qoray in akoonkiisa la jabsaday isla markaana uusan shaqo ku laheyn warkii lagu soo qoray, wuxuuna qoraalkiisa dambe ku yiri: “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka raali gelinayaa in maanta faceboogeyga la jabsaday war been abuur ahna lagu soo qoray. Raiisulwasaaraha iyo xafiiskiisa waan ku xiranahay cilaaqaad wanaagsan ayaana naga dhexeeya. Faceboogeyga waan soo ceshtay ee saa ha la ogaado” Dadka siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen, iyagoo badankood kula kaftamaya masuulka iney dib kala xumaatay wixii uu soo tabiyay oo ka jiray xafiiska Ra’isul wasaaraha cusub. The post Cali Cosoble oo arrin yaab leh ka sheegay xafiiska R/W Rooble haddana ka laabtay first appeared on Caasimada Online.
  20. Ciidammada Turkiga ee jooga Qatar waa qeyb ka mid ah xasilooni darrada gobolka Khaliijka, waxaa sidaas yidhi sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta, oo intaas ku daray inay uga sii darayaan kala qeyb-sanaanta gobolka. Imaaraadka Carabta iyo xulufo Carbeed oo ay qeyb ka yihiin ayaa go’doon geliyey Qatar badhtamihii 2017, waxayna dalbadeen in la fuliyo shuruudo ay ka mid yihiin in Doha ay xidho saldhigga millatari ee Turkish-ka ay halkaas ku leeyihiin. Ankara iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale kala taageera dhinacyada isku haya dagaalka Liibiya. “Jiritaanka saldhigga Turkiga ee Gacanka Carbeed waa xaalad deg deg ah,” ayuu yidhi Anwar Gargash oo ah wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Turkiga oo qoraal soo dhigay Twitter-ka. “Waxa uu xoojinayaa kala qeybsanaanta, mana ixtiraamayo madax-banaanida dalalka gobolka, danaha dalalka Khaliijka iyo shacabkooda.” Mareykanka oo doonaya in dalalka Khaliijka ay u midoobaan Iran ayaa isku dayey inuu xaliyo muranka Qatar iyo xulufada Carbeed ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaamiyaan, hase yeeshee weli kuma guuleysan. 9-kii September, diblomaasiga ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Bariga Dhexe David Schenker ayaa sheegay inuu jiro horuamr toddobaadyadii tegay laga sameeyey xalinta xiisaddan. Diblomaasiyiin iyo ilo-wareedyo ku sugan Khaliijka ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu jiro wada-hadal u dhaxeeya Riyadh iyo Doha, kadib wada-hadalladii burburay horraantii sanadkan, hase yeeshee ma jiraan wax astaamo ah oo muujinaya horumar laga sameeyey. Source
  21. (SLT-Burco)-Ugbaad Cali Dhaban-loox, oo ahayd gabadh Dhallinyaro ah oo xalay lagu dilay Burco ayaa maydkeeda la dhigay Cisbitaalka guud ee Burco sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Cisbitaalka Dr Cabdi Suudi. Ninka ku eedaysan dilka gabadhan ayaa isna Ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan. Ilaa hadda ma cadda sababta Wiilku u dilay gabadha Ciidamada Booliskuna waxa ay sheegeen in ay gacanta baadhitaanka arrintan. Ugbaad, oo ahayd Hooyo saddex Carruur ah dhashay balse ninkii hore ay kala tageen ayaa la sheegay ninkan hadda eedaysanaha ah ay sheeko wadaag ahaayeen. Source