Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 1 – Badhtamihii September 2020 – Togwajale ayay Salaadiin rer-Jigjiga ahi Dr. Cali ka soo qaadeen, waxaana la dajiyey Jigjijga International Hotel. 2 – September 24, 2020 – Qado sharaf ONLF u samaysay iyo sawirro uu la galay Gudoomiyaha iyo Wasiiradda Itoobiya Filsan. 3 – September 29, 2020, October 2, Faysal Cabdi Roolbe oo Telephone ku la hadlay – waxaana isku xidhay cadre ka mid ah ONLF – waxa uu ka dayrinayey madaxda Soomaaliland. Isla maalin ka hore waxa Hargeysa gaadhay wafdi uu hogaaminayo Dr. Xussen Xaashi. 4 – October 2, Wareysi adag uu siiyey NABAD TV (waa TV ka madax banaan DDS). October 3, Sabti, Faysal Cabdi Rooble oo telephone ku la hadlay Dr. Cali Khalif Galaydh isagoo aad u caafimaad qaba – Wax xanuun ah ma sheegin. Waxaan ku booriyey in uu madaxweyne Musafa arko. 5 – October 4-7, xanuun la yidhii cunto sumow ayaa la inoo sheegay. October 5, Waxa Hotelka Cali ku sillicsanaa yimid Dr. Xuseen Xaashi iyo Xasan Dhaadi oo ah chief of staff. Waxa loo sheegay in Dr. Cali taakulayn rabo. Labaduba wey ka gaabsadeen weliba si aan naxariisi ku jirin u hadleen – waa sida warka aan kaga heley dad gacanta ku hayey marxuumka. 6 – October 6, nin Maraykanka ka yimid oo madaxweyne Mustafa xidhiidh leeyihinn ayaa laga codsaday in uu Madaxweynaha u sheego in Dr. Cali il daranyahay, xanuunka uga sii darayo. Xataa dadkii ka keenay Wajaale wey ka gaabsadeen soo eegistiisa. October 7, madaxweynaha mar ala markii loo sheegay amar bixiyey in daarada Qaryaan Dhoonaan meel looga diyaariyo Marxuumka Ocober 7, isla markii amarkaasi baxay, Xasan Dhaadi ayaa u xaqiijiyey una sheegay muwaadinkii madaxweyne Mustafa xidhiidhka la haayeen in Dr. Cali Khalif lagayn doono qol ku yaal daarada Qaryaan Dhoodaan. October 8, Waxa geeriyooday Dr. Cali Khaliif Galaydh. October 8 isagoon weli qolkii hoteelka uu lahaa mudo afar beri ah iga saara ka bixin. Isla fiidnimadii ayuu Ambulansi geeyey Qaryaan Dhoodaan maydkii Dr. Cali. Ocotber 8, fiidkii, nin la yidhii waa Dhaktar ka tirsan maamulka DDS ayaa ku andacooday in Covid-19 sababay dhimashada Dr. Cali. October 9, 2020, Dhakhtarkii Cali daweynayey ayaa beeneeyey in Cali u dhintay Covid-19. Silic, sun, iyo daryeel la’aan ayuu Dr. Cali u dhintay. In kabadan 40 sano iyo Dr. Cali maareeyn jiray sonkorta nin inta badan bukoon jirayna ma ahayn. Alahu Yarxam. The post Xogta geeridii Dr. Cali Khaliif Galayr - Maxaa dhacay 24 September illaa 9 October? first appeared on Caasimada Online.
  2. African Bank Makes Pitch for Strategic Partnerships with Nordic Businesses AfDB interested in transformational agro value chain industrialization projects which add value to competitively-produced commodities in Africa – VP Quaynor ABIDJAN, Ivory Coast, October 9, 2020/ — At a webinar held Thursday by the Nordic-African Business Association (NABA), African Development Bank (https://www.AfDB.org/) Vice President Solomon Quaynor made a powerful case for strategic investment opportunities in Africa. The digital webcast, organized by NABA, the Norwegian Ministry of Foreign Affairs, Scatec Solar and Africa Finance Corporation (AFC), was part of a day-long event aimed at reconnecting Nordic businesses with the continent. The Nordic-African Business Summit has been hosted for nine consecutive years in Oslo – with more than 3,000 guests and 300 speakers from over 40 countries taking part so far. Quaynor, Vice President for Private Sector, Infrastructure and Industrialization, who was joined by Paal Bjornestad, the Bank’s Executive Director for the Nordic countries, Ireland and India, addressed a virtual audience made up of Nordic business representatives, government and private sector and interested individuals. The Bank’s mandate to spur sustainable economic development and social progress on the African continent, saw $9 billion in commercial and concessionary lending in 2019, Quaynor outlined, during his presentation on the Bank’s activities and priority areas, which was followed by a question and answer session. This lending went towards its priority High5s, across its key cross-cutting themes – that is mainstreaming gender, support to fragile markets, and climate-friendly projects. Twenty five percent was to the private sector. One example of this is the Boko Mine and Port in Guinea, described as a “truly transformative project.” The $1.4 billion integrated mining and related transport infrastructure project has benefitted from a 14-year senior loan of up to $100m from the African Development Bank, with up to a 3-year grace period. The project is expected to add $400 million to Guinea’s GDP, $300 million to the country’s trade balance annually during the operational phase. Additionally, over 4,000 jobs will be created during its construction phase, as well as 700 permanent and 1,500 temporary jobs during the operational phase. Agro-industrialization projects for which the Bank is seeking support from Nordic country partners, would include those that add value addition to the competitive production of commodities such as cocoa, livestock and cotton, and would leverage the African Continental Free Trade Agreement, adding value and “allowing African production to participate more in these value chains and also to increase jobs and increase incomes to private sector and also the African economy,” Quaynor said. One good example of this is AFC and AP Moller Capital’s Arise Group of Companies, in partnership with Olam of Singapore. Addressing the challenges in financing projects, bankability The panel heard that there is a question of bankability which includes market and profitability / cashflow risk, lack of a conducive enabling environment, properly conducted Environmental and Social Impact Assessment (ESIA), and challenges of integrity of sponsors and contractors. Other questions focused on project financing available for investors, trade finance, and whether the Bank has invested in tourism projects. The response was that the Bank supports “all projects which support economic development, but we have decided to be selective and focus on areas of our comparative advantage.” The Bank is being more selective and targeting larger transformational industrialization projects. “We also support financial institutions to indirectly support smaller projects. We will also be pivoting more from maximizing our direct loans to using guarantees to crowd in other private investors,” Quaynor said. On the criteria for Bank support in smaller projects: “In areas where the opportunities are small but very important, such as off-grid renewable energy, we support through platforms such as SEFA (the Sustainable Energy Fund for Africa)… Overall we need bankable projects, credible business plans…and we need to be sure that ESG and compliance work has been done,” said Quaynor. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  3. Qaar ka mid ah ehelka Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, ayaa codsaday in dib loo baaro waxa geeridiisa sababay. Marxuumka ayaa shalay la shaaciyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxay sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Cali uu u dhintay fayraska korona. Hasayeeshee ehelkiisa waxa ay ku doodayaan in ay mudan tahay in baaritaan kale la sameeyo. “Anaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka. Mukhtaar wuxuu sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19. “Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.” “Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay Cali Khaliif Galeyr lagu aasi doono magaalada Muqdisho. Marxuum, Cali Khaliif Galayr waxa ay da’diisu aheyd 78 sano jir View the full article
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-9102020.mp3 View the full article
  5. Oday kamid ah mudaharaadayaasha oo la hadlaya warbaahinta Qaar kamid ah shacabka degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa maanta oo Jamce ahayd mudaharaad cabasho ah ka dhigay degmadaas. Mudaharaadka ayaa looga soo horjeeday saami qeybsiga 5 xubnood oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku hordhisay golaha deegaanka degmada Badhan. Qaar kamid ah mudaharaadayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay sheegeen in uusan caddaalad ku qeybin xubnaha cusub, kalana tashan qaar kamid ah beelaha deegaanka. Mudaharaadayaasha ayaa dowladda ka codsaday in ay wax ka qabato cabashadooda la xiriirta saami qeybsiga golaha deegaanka degmada Badhan. Golaha deegaanka degmada Badhan ayaa la dhisay bishii September ee sanadkii hore, waxayna ahaayeen 28 xubnood, basle hadda waxay noqonayaan 33 xubnood. Wareegtada lagu magacaabay 5-ta xubnood PUNTLAND POST The post Mudaharaad ka dhacay Badhan appeared first on Puntland Post.
  6. Ngozi Okonjo-Iweala’s advance to the final selection round for director-general of the World Trade Organization gives Africa a chance to have a say in shaping global commerce. The 66-year-old former Nigerian finance minister is well qualified. She spent 25 years working as a World Bank development economist and is chairman of the Global Alliance for Vaccines and Immunisation. In 2012, she ran for the presidency of the World Bank. If Okonjo-Iweala wins she will be the first African and the first woman to lead the WTO. Ngozi Okonjo-Iweala Africa is extremely under-represented in important economic-governance positions globally,” said Catherine Grant Makokera, a former New Zealand diplomat who now works as a director at Johannesburg’s Tutwa Consulting Group. “Having an African in a leadership position will provide an opportunity to developing countries from Africa and other regions to make sure that they have someone that understands their concerns.” Still, if she does manage to beat South Korea’s Yoo Myung-hee to the post, Okonjo-Iweala will face the hard reality that her job will likely be dominated by issues far away from Africa. Global trade has been thrown into turmoil by the dispute between the biggest economies, the U.S. and China. In addition, the WTO’s role has been diminished by the U.S.’s refusal over the past two years to consider nominees to fill vacancies on the panel at the appellate body, the main forum for settling worldwide trade disagreements. Whoever wins will have their hands full. If it’s Okonjo-Iweala, there is at least greater potential for Africa’s voice to be heard. “An African at the head of the WTO who is also a multilateralist is an ernomous opportunity for the continent and a source of pride,” said Vera Songwe, head of the United Nations Economic Commission for Africa. — By Antony Sguazzin, Prinesha Naidoo and Alonso Soto Source: Bloomberg The post Next Africa: A chance to be heard appeared first on Puntland Post.
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Qareen Kenyan ah ayaa sheegay in dabley uu u maleynayo inay ka tisanyihiin sirdoonka Kenya ay afduubteen kalyantigiisa kadib markii ay maxkamad ku weysay inuu ku lug lahaa weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen moolka Westgate 2013, kaasi oo lagu dilay 67 qof. Mbugua Mureithi ayaa sheegay in dableyda ay afduubteen Liibaan Cumar shan daqiiqo kadib markii lasii daayey. Liibaan ayaa Arbacadii lagu waayey wax dambi ah kadib toddoba sano oo xabsi lagu hayey. Laba qof oo kale oo lala maxkamadeeyey, Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafa ayaa lagu helay dambi ah inay shirqooleen ficil argagixiso ayaga oo taageeraya kooxda Al-Shabaab. Mureithi ayaa sheegay in Liibaan ay sii daayeen mas’uuliyiinta xabsiga, kadibna lagu wareejiyey qeybta ka hor-tagga argagixisada ee booliska (ATPU), si ay fasaxaan. Mureithi ayaa intaas ku daray in durbadii uu Liibaan ka tegay xarunta ATPU, isaga oo ay la socdaan afar qof oo qaraabo la ah, uu is hortaagay gaari madow oo xanibay taksi waday kadibna ay isku hareereeyeen rag hubeysan. “Haween la socda ayaa sheegay inay qeyliyeen, kadibna rag hubeysan oo sheegay inay ka tirsan yihiin hay’adaha ammaanka ayaa ku amray inay aamusaan,” ayuu yiri Mureithi. “Waxay u muuqataa in hay’adaha amniga aysan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda,” ayuu yiri. Madaxa booliska Nairobi Rashid Yacqub ayaa sheegay inay baarayaan afduubka Liibaan, hase yeeshee waxa uu yiri eedeynta la xiriirta in booliska ay ku lug lahaayeen ay tahay “mala-awaal.” Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in Xasan Abuukar oo ay walaalo yihiin Liibaan uu ka mid ahaa afar qof oo fuliyey weerarkii Westgate. Hase yeeshee qoyska Liibaan ayaa sheegayin Xasan uu aaday dalka Libya maalmo ka hor weerarka. The post Sirdoonka Kenya oo afduubtay Liibaan Cumar, 5 daqiiqo kadib markii la fasaxay first appeared on Caasimada Online.
  8. Yaa ku guulaystay abaalmainta nabadda ee Nobel-ka? WFP ayaa lagu yaqaan caawinta dadka baahan Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda ee sannadka 2020 waxaa la siiyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka gaajada. Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay “sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac”. Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m). Guulaystaha 101aad ee ku guuleysata abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Noorweey ee Oslo. Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd “daqiiqado lagu faano”. WFP waxay ku qiyaastay inay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal. Dadkii hore ugu guulaystay? Abaalmarinta Nobel ee Nabadda sannadkii la soo dhaafay waxaa la siiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo heshiiskiisa nabadeed ee uu la galay Eritrea uu soo afjaray ismari waagii 20 sano ee milatari ka dib dagaalkooda xadka 1998-2000. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadkii 2009, “dedaalkiisa uu ku xoojinayay diblomaasiyadda caalamiga ah iyo iskaashiga ka dhexeeya dadka” Guuleystayaasha kale ee xusidda mudan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter (2002); u dhaqdhaqaaqaha waxbarashada carruurta ee Malala Yousafzai (lala wadaagay 2014); Midowga Yurub (2012); Qaramada Midoobay iyo xoghayihii guud ee waqtigaas, Kofi Annan, (oo l wadaagay 2001); iyo Mother Teresa (1979). Maxay tahay billaddani? Abaalmarinta Nobel waa mid ka mid ah abaalmarinaha adduunka ugu muhiimsan. Waxaa loo bilaabay si waafaqsan doonista hal-abuurkii reer Sweden Alfred Nobel, iyadoo abaalmarintii ugu horreysay la siiyay 1901. Abaalmarinta Nobel ayaa dhowr qaybood lagu siiyaa dadka “kuwaas oo waxtarka ugu weyn u yeeshay aadamaha” 12-kii bilood ee la soo dhaafay Qofka qaata abaalmarin kasta oo Nobel ah wuxuu qaataa saddex waxyaalood: Shaahadada Nobel, mid walbana waa hab farshaxan u gaar ah Bilad Nobel ah Abaalmarin lacageed, oo loo kala qeybiyo inta guuleysata marka ay hal wax ka badan yihiin. Waa inay jeediyaan khudbad si ay lacagta u helaan Waxaa jiray sannado qaar abaalmarinta aan la bixin – badiyaa intii lagu jiray labadii dagaal ee adduunka. Nobel Foundation waxay xukuntay haddii qofna uusan u qalmin abaalmarinta qayb gaar ah, lama siinayo oo abaalmarintaas waa la hayaa sanadka soo socda. Qaran News
  9. Soomaaligii lagu waayay inuu ku lug lahaa weerarkii Westgate oo la afduubay Liibaan Cabdullaahi Cumar ayay maxkamaddu sii deysay markii lagu waayay caddeyn Waxaa lagu soo warramayaa in la la`yahay Liibaan Cabdullaahi oo ka mid ahaa saddex nin oo loo heystay weerarkii dhismaha laga dukaameysto ee Westgate, kaas oo maxkamaddu ay sii deysay labo maalmood kahor markii lagu waayay caddeyn. Sida laga soo xigtay ha`adda u doodad xuquuqda Muslimiinta Kenya. Liibaan ayaa markii ay maxkamaddu sii deysay wuxuu soo raacay gaari ay la saarnaayeen xubno ka tirsan qoyskiisa, kaddibna waxaa waddada u galay oo gaariga kala degay rag hubeysan. Qareenka Liibaan Mbugua Mureithi ayaa mid ka mid ah telefeshinnada Kenya u sheegay in raggan ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamada ammaanka.Booliiska ayaa ka gaabsaday arrintaas. Arbacadii, labo nin oo u dhashay Kenya ayay maxkamaddu ku xukuntay inay gacan ka geysteen weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof. Liibaan Cabdullaahi oo ah Soomaali qaxooti ku ah Kenya lana dhashay mid ka mid ah raggii weeraray Westgate, wuxuu ahaa eedeysanihii saddexaad maxkamadda ayaana sii deysay markii lagu waayay caddeyn. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoona Maxamed Xaad ayaa ka deyriyay xaalada taliyihii ciidanka Danab Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo muddo ku dhow labo bil u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay. Nabadoon Xaad ayaa si adag ugu digay madaxda sarre ee dowladda federaalka Soomaaliya isaga oo shaaciyay inay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo shirqool u maleegaya Ismaaciil. Nabadoonka ayaa sheegay inay soo gaartay in la rabo in Ismaaciil loo wareejiyo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku xiran yihiin dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, isla markaana la rabo inay ku dhex dilaan xabsiga, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu ku dhaartay in tallaabo ay ka shallaayi doonaan ay ka qaadayaan xubnaha abaabulaya shirqoolka lagu khaarajinayo Ismaaciil Maalin. Sidoo kale waxa uu xusay in Ismaaciil loo bartilmaameedsanayo qabiil ahaan, maadama ay isku beel-yihiin ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre. Wuxuuna ku eedeyay Villa Somalia inaysan rabin dowladnimo, isla markaana ay ku howlan-yihiin dembi qoorta ay u galiyaan taliyaha xiran. “Waxaan cod dheer ku sheegeynaa oo aan la gabaneynin, haddii ninkaasi wax gaaraan saameyn ay ka shallaayaan ayaa kasoo gaari doonta ragga shirqoolkaasi ka shaqeynaya,” ayuu yiri. Wuxuuna kusii daray “Waan xishooneynaa, wallaahi haddii ay arrintaasi sidaas ku fusho saameyn ay ka shallaayaan ayay ku yeelan doontaa. waxaan ballan qaadeynaa Xamar in laga sameeyo mudaaharaadyo ay ka naxaan.” Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa muddo ku siman labo bilood ka hor shaqo joojin ku sameeyey taliyaha ciidamada Danab ee Soomaaliya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, arrintaasi oo si weyn uga xumaaday Mareykanku. Ma cadda sababta dhabta ah ee shaqada looga joojiyey taliye Ismaaciil, hase yeeshee waxa muddooyinkii dambe socday is-badallo u muuqda in meesha looga saarayey dhalinyarada joogo hoggaanada Ciidamada xoogga dalka ‘ee aan la isku hubin’, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah, taasi oo uu waday taliska xoogga dalka. Gaashaanle Ismaaciil ayaa sidoo kale lagu tirinayaa inuu si aad ah ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo ay isku beel yihiin, inkasta oo la sheegay in taliyaha uusan wax qabyaalad iyo xulufeysi shaqo ku lahayn oo uu shaqadiisa un ku eg-yahay. Hoos ka daawo Xaad The post Daawo: Xaad oo shaaciyey in 'shirqool dil oo lala maagan yahay' taliyihii Danab, una dhaartay Villa Somalia first appeared on Caasimada Online.
  11. Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dibad ballaaran uu ka dhacay gudaha degmada Badhan ee gobolkaasi. Dibad-baxa oo ahaa mid cabasho ah ayaa waxaa looga soo horjeeday wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Qaar ka mid dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa wasiir Dhabancad ku eedeeyey inuu faro-gelin ku hayo golaha deegaanka degmadaasi. Sidoo kale waxa ay ka dalbadeen wasiir Dhabancad inuu faraha kala baxo arrimaha golaha deegaanka ee magaaladaasi. Banaanbaxan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmadaasi, gaar ahaan dhanka isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. Ciidamada milatariga ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan qeybta 43-aad, guutada 12-aad ayaa dhaq-dhaqaaqyo waxa ay ka bilaabeen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Sidoo kale taliyaha ciidamada xasilinta ee gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo la hadlayey boqolaal ka mid ah ciidamada milatariga ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u bilaaban doonaan howl-gallada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolkaasi. Bakaal Kooke ayaa sheegay in u jeedada howl-galladaas laga leeyahay ay tahay in la’isku furo dhammaan degmooyinka gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda ay xoojiyeen howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya. View the full article
  13. Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa shaacisay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada baaritaan lagu sameeyey dilka guddoomiyihii hobolka Nugaal, AUN Marxuum Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir). Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa sheegay in uu gaba-gabo marayo baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir, islamarkaana ay dhowaan si rasmi ah u shaacin doonaan matiijadiisa. Sidoo kale wuxu sheegay in sharciga la marin doono dad ku eedaysan in ay ka dambeeyeen dilka Marxuumka, kuwaas oo haatan ku jira gacanta laamaha baarista u qaabilsan maamulka Puntland, kadibna loo gudbin doono hay’adaha garsoorka. Marxuum Cabdisalaan Gu’jir wuxu ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo 29-kii Maarso ee sanadkan 2020 ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garoowe. View the full article
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-09102020.mp3 View the full article
  15. Badhan (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in banaanbax rabshado wata ay saaka ka istaadhmeen magaaladaasi. Banaanbaxayaasha ayaa taayiro ku gubay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Badhan, midaasi oo ay ku muujinayeen cabasho xoogan oo ay ka qabaan madaxda sarre ee maamulka Puntland. Dadka banaanbaxa dhigayey qaarkood oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay inay ka cabanayaan Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Dhabancad oo ay ku eedeynayaan inuu si ku tagri fal ah u maamulay xubno lagu daray golaha deegaanka Badhan, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay shan xubnood. Sidoo kale waxay ugu baaqeen Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland inuu sida ugu dhaqsaha badan faraha ugala baxo arrimaha la xiriira golaha degaanka magaalada Bahdna. Xaalada guud ee magaalada ayaa gebi ahaanba kacsan, tan iyo markii ay saaka banaanbaxa bilaabeen qeybo kamid ah bulshada ku nool magaaladaasi. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland, oo ku aadan banaanbaxa maanta gil-gilay Badhan iyo eedeynta loo jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha. The post Sawirro: Shacabka Badhan oo dacwo ka ah masuul ka tirsan Puntland iyo banaanbax rabshado wata oo dhaca first appeared on Caasimada Online.
  16. Agents foiled a stunning plot to kidnap Michigan Democratic Gov. Gretchen Whitmer, authorities said Thursday in announcing charges in an alleged scheme that involved months of planning and even rehearsals to snatch her from her vacation home. Source: Hiiraan Online
  17. Jigjiga (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galeyr oo ra’isul wasaare kasoo noqday Soomaaliya ayaa isagoo 78-jir ah ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada dowlad deegaanka Cali Khaliif Galeyr wuxuu u dhintay xanuunka Covid19. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mukhtaar Yuusuf ayaa shaaciyay inay arrintaas ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen. Hase yeeshee waxaa hadda soo baxaya warar taas ka duwan. Cadaani Hirmooge oo ah hogaamiyaha ururka ONLF ayaa sheegay in Cali Khaliif Galeyr la sumeeyay islamarkaana jirkiisa uu isbadalay. “Odayga cunto ayaa lagu sumeeyay baal la yiri – wuu shubmay, wuu matagay, qandho ayaa qabatay, jirkiisana wuu isbadalay, jimcadii beyna bilaabatay howshaan,” ayuu yiri hogaamiyaha. Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sababta rasmiga ah ee ka dambeysa geerida Cali Khaliif Galeyr, mana jiraan baaritaan la dalbaday oo la sameynayo. Dowladda Soomaaliya waxey magacowday guddi qaban-qaabinaya aaska qaran ee Cali Khaliif, balse ma jirto wax baaritaano ah oo ay ku dhawaaqeen si loo ogaado sababta uu u geeriyooday. Dadka siyaasadda falanqeeya waxey maleynayaan iney jirtay cadaawad hore oo kala dhaxeysay Itoobiya maadaama uu sanadkii 2000 ciidamada Itoobiya ka saaray Gedo oo ay ku sugnaayeen muddo afar sano ah. The post War cusub oo kasoo baxaya sababta geerida Cali Khaliif - Maxaa ka jira in la dilay? first appeared on Caasimada Online.
  18. The European Parliament has strongly condemned Saudi Arabia for holding tens of thousands of African migrants in slave-like Covid detention camps after The Telegraph exposed horrific conditions. Source: Hiiraan Online
  19. Marxuum Gu’jir Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, ayaa shaacisay in ay dhowaan soo bandhigi doonto Natiijada baaritaan lagu sameeyay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir). Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdi Maxamed, oo wareysi siiyay Telefishinka Dowladda Puntland, ayaa sheegay in uu geba-gabo marayo baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir, islamarkaana ay dhowaan si rasmiya u shaacin doonaan Natiijadiisa. Sidoo kale, wuxu sheegay in sharciga la marin doono dad ku eedaysan in ay ka dambeeyeen dilkii Marxuumka, kuwaas oo haatan ku jira gacanta Laamaha baarista u qaabilsan Dowladda, kadibna loo gudbin doono hay’adaha Garsoorka. Marxuum Cabdisalaan Gu’jir, wuxu ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo 29-kii Maarso ee sannadkan 2020 ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe, kaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Puntland oo dhowaan soo bandhigaysa baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir appeared first on Puntland Post.
  20. JIGJIGA (HOL) - Former Somali Prime Minister Ali Khalif Galaydh who died Thursday was killed by COVID19 becoming the second ex-premier to succumb to the disease. Source: Hiiraan Online