Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo warbixin caafimaad oo la faafiyay lagu sheegay inuu u geeriyooday COVID19. Haddaba waxey su’aal ka timid halkuu ku dambeyn doonaa heshiiskii u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo State, waxaa su’aashaas la hordhigay gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe. Cali hadduu geeriyooday heshiiskii waa nool yahay annaguna waan nool nahay, insha Allah waa la dhammaystiri doonaa. Cali wuxuu doonayey in waddanka aan la kala sarrayn oo caddaalad la gaadho oo la fidiyo maamulka, wuxuu odhan jirey Yoocada, Insha Allah Yoocadiina waan gaadhi doonnaa” ayuu Eng Feysal Cali Waraabe u sheegay idaacadda BB-da. Haddaba nuqul ka mid ah heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Khaatumo State ayaa sidaan ahaa: In la helo cadaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho. In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland. In khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo jid nabadeed. In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan caddaalada iyo Sinnaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro. In Somaliland, ururada samafalka iyo hey’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ay ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo In ciidamada hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo, oo Somaliland ay yeelato ciidan qaran oo suga xuduudaha, jirintaanka iyo danaha Somaliland. Heshiiskaan waxaa la gaaray 20-ka Octoobar 2017, waxaana xiligaas Somaliland hogaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, balse tan iyo markii ay xukuumadii Muuse Biixi timid wax badan oo hormar ah lagama sameyn heshiiskii kal hore la gaaray. The post Halkee ayuu ku dambeyn doonaa heshiiskii ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Khaatumo? first appeared on Caasimada Online.
  2. Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la keeno Muqdisho meydka ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khalif Galeyr. Ra’isul wasaaraha ayaa ku geeriyoodey magaalada jigjiga halkaasi oo la sheegayo inuu maalmo yar ku xanuunsanaa. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u saartay guddi ka shaqeeya sidii loo dhigi lahaa aas qaran, waxaana ka tacsiyeeyey ra’isul wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo Source: goobjoog.com
  3. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sabab layaab leh ku diiday inuu hab online ah kula doodo musharaxa xisbiga dimoqoraadiga Joe Biden. Labada musharax ayaa dhamaadka bishii lasoo dhaafay doodii koowaad yeeshay, taasoo loo falanqeeyay inuu Joe Biden kaga guul helay madaxweynaha talada haya, balse dooda labaad oo la balansan yahay 15-ka bishaan uma muuqato mid dhaceysa. Maadaama Donald Trump uu asiibay xanuunka Covid19, waxaa la qorsheeyay in labada musharax ay dood ku dhexmarto hab Online ah, balse Trump wuu diiday isagoo wali u heysta in qaban-qaabiyayaasha dooda iyo Biden ay isku saf yahiin. “Wac macno ah ma lahan inaad la doodo qof Computer kasoo hadlaya, hadey rabaan waxey iga xiri karaan codka” ayuu yiri Trump oo shaki ka qaba in qiyaamo lagu sameeyo. Trump wuxuu la hadlayay Fox News Business, madaxweynaha xukunkiisa sii dhamaanayo ayaa mar walba doonaya dood waji ka waji ah maadaama uu jecel yahay inuu qofka aamusiyo. Donald wuxuu dhawr jeer ka dhex-galay Biden doodii ugu horreysay, waxaana hadda jirta rajo aan badneyn oo ah in la qorsheeyo dood labaad. The post Maxey tahay Sababta uu layaabka leh uu Trump ku diiday inuu hab Online ah ula doodo Biden? first appeared on Caasimada Online.
  4. Shiinaha ayaa si rasmi ah u saxiixday heshiiska ku biirista Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, si loo hubiyo in dalalka saboolka ah ay helaan tallaal lagu badbaadinayo nolosha aadanaha . Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hua Chunying ayaa ku sheegtay in go’aanka Shiinaha uu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo bulshada guud ee caafimaadka iyo in tallaallada COVID-19 loo beddelo mid caalami ah oo wanaagsan. Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka leh dhaqaalaha ugu weyn ee taageeray dadaalka illaa iyo hadda looga hortagayo cudurka,inkastoo dalalka Mareykanka iyo Ruushka midkoodna uusan weli saxiixin heshiiskaasi. UN-ka ayaa ku baaqay taageero dheeri ah oo loogu talagalay qorshaha tallaalka dadka,waxaana WHO ay ka digtay in tirade dhimashada ay gaarto 2 milyan oo dhimasho ah, ka hor tallaalka. Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunkee WHO,waxa ay qorsheynayaan in tallaalka la gaarsiiyo ilaa laba bilyan dhamaadka sanadka soo socda.si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada caalamka ay qabaan. PUNTLAND POST The post Shiinaha oo ku biiraya xarunta COVAX ee ka hortagga Covid 19 appeared first on Puntland Post.
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, waxeyna ujeedadiisa tahay inuu halkaas ka xoojiyo ololahiisa doorashada. Xasan Cali Kheyre oo goor hore ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ayaa xukuumadiisa la tuuray dhamaadkii July ee sanadkaan, wuxuuna soo dhameeyay safarkiisii wadanka Jabuuti. Wararka la helayo waxey sheegayaan inuu Kheyre ololahiisa halkaas ka xoojin doono, wuxuuna la kulmi doonaa xubno ka tirsan dowladda hadda jirta iyo sidoo kale siyaaasiinta qudhooda u hanqal taagaya doorashada. Magaalada Nairobi waxaa ku sugan xubnaha ugu badan ee doonaya iney isi soo sharaxaan xilka madaxtinimo, waana meel sanadahii ugu dambeysay aheyd halka laga jaangooyo siyaasadda dalka. Waxaa la xasuustaa in madaxweyne Farmaajo uu ololahiisa madaxtinimada kasoo bilaabay Nairobi dhamaadkii 2016, waxaase la sugi doonaa hadii Nairobi ay mar kale soo saarto madaxweynaha xiga. The post Xasan Cali Kheyre oo dal dariska ah ka xoojinaya ololahiisa doorashada. first appeared on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo soo dhoweyn loogu sameeyey. Khayre ayaa isla xalay kulamo kala duwan ka bilaabay magaalada Nairobi, kuwaas oo ku aadan ololihiisa doorashada ee 2020 illaa 2021-ka. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu la kulmo xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa horey booqasho ugu tegay dalka Jabuuti, isaga oo kulan gaar ah la qaatay madaxweyanaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Gelle, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidoo kale doorashooyinka 2020/2021. View the full article
  7. Violent extremism is taking hold in Kenya’s Isiolo County, positioning the vast area as the centre of youth radicalisation in the country. In Isiolo, the problem has been brewing for several years, prompting the deployment in 2016 of the Anti-Terrorism Police Unit (ATPU). Source: Hiiraan Online
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeynaya Aaska loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Guddigan ayaa ka kooban 13 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo wasiir ku xigeeno. Halkan hoose ka daawo sawirada:- View the full article
  9. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday goob lagu caweeyo oo lagu magacaabo Balanbal, taas oo ku taallo xaafadda Guulwade ee magaaladaasi. Ugu yaraan saddex qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhaawacan-tay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaank ah. Sidoo kale waxaa weerarka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo howlgallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyey halkaasi. Maalmihii u dambeeyey waxaa Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyo qaraxyo ay dusha u ridatay Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  10. 11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen galbeedka itoobiya kaddib markii la weeraray mid kamid ah gaadiidka dadweynaha qaada ee loo yaqaan Bas-ka. Saxaafada itoobiya ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobalka Benishangul-Gumuz halkaas oo basku marayay. Madaxa amaanka gobalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jira muwaadiniin u dhashay dalka shiinaha. Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Gobalkaan Benishangul-Gumuz ay maalmahaan ka dhacayeen dagaal ku saleysan qabaa’ilada ka jira degaanka. PUNTLAND POST The post Dad lagu laayay gudaha Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  11. Is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyey geeridii ku timid, marxuum Cali Khaliif Galayr oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Dr, Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradsa caafimaadka dowlad deegaanka Soomaalida Dr, Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ka mid ah guddi loo xilsaaray baaritaanka sababaha keenay geerida Marxuum Cali Khaliif ayaa sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeysay uu la xanuunsanayay marxuumku Cudurka Covid-19. “Naqaska ayaa ku dhegy,aad ayuuna u xanuusanay,anigoo la jooga ayay naftu ka baxday, runtii waa geeri aad u xanuun badan,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlad deegaanka Soomaalida. Marxuum Cali Khaliif Galayr ayaa lagu wadaa in meydkiisa laga soo qaado maanta magaalada Jigjiga, laguna aaso caasimada dalka ee Muqdisho oo loogu sameyn doono aas qaran. View the full article
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-09102020.mp3 View the full article
  13. NAIROBI, Kenya - A Kenyan lawyer said gunmen he suspects were security officials wearing black balaclavas abducted his client on Thursday shortly after he was acquitted of supporting the 2013 extremist attack on the Westgate Mall that left 67 people dead. Source: Hiiraan Online
  14. Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda ee sannadka 2020 waxaa la siiyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka gaajada. Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac. Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m). guulaystaha 101aad ee ku guuleysta abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Noorweey ee Oslo. Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd daqiiqado lagu faano. WFP waxay ku qiyaastay in ay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal. PUNTLAND POST The post Abaalmarinta Nobel-ka oo hay’ad la guddoonsiiyey appeared first on Puntland Post.
  15. In September, almost a dozen Somali workers complained about discrimination on the job. Business owner Tom Jacobson and mediator Cani Adan figured out how to get back to work. But first they had to talk—and listen. Source: Hiiraan Online
  16. The supermodel and CARE global ambassador tells PEOPLE in this week's issue that she works to empower girl and women refugees because "without non-government agencies who checked on me every day to make sure I was okay, I don't know what my trajectory would have been" Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU, Somalia (AP) — The foreign ministers of Cuba and Somalia say two Cuban doctors held hostage by the al-Shabab extremist group in Somalia have not been freed. Source: Hiiraan Online
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa lix bilood kadib maanta shaaciyey in lasoo geba-gebeeyey baaritaanka qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 29-kii bishii Maarsoo ee sanadkan ka dhacay magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal. Qaraxaas ayaa waxaa lagu dilay Allah ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), oo xiligaasi uu ku sugnaa bartamaha magaalada Garoowe. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland oo ka hadlayey baaritaankaasi ayaa sheegay in kiiskaasi uu soo geba-gaboobey, isla markaana ay gacanta ku hayaan dad lug ku lahaa qaraxaasi. Wuxuuna ka dhawaajiyey in dadkaasi loo hayo loo gudbin doono Hay’addaha Garsoorka si ay u maxkmadeeyaan, inkasta oo uusan carabaabin tirada dadka loo hayo qaraxaasi. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay bulshada iyo warbaahinta la wadaagi doonaan qaabkii uu u dhacay qaraxii lagu dilay Cabdisalaan Gujir, oo ahaa guddoomiyaha gobolka Nugaal. Hadalkan ayaa imanaya xili ku dhawaan lix bilood ay kasoo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Gujir lagula eegtay agagaarka Saldhiga Bartamaha ee magaalada Garoowe. Waxaana mas’uuliyada weerarkasi hore u sheegatay kooxda Al-Shabaab oo iyadu badanka fulisa qaraxyada ismiidaaminta ee gudaha Soomaaliya. The post Puntland oo 6 bil kadib soo geba-gebeysay baaritaanka dilka gudoomiyihiiNugaal first appeared on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo saddex jeer oo hore baaritaan lagu sameeyay dhamaan shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka gobalka Banaadir, islamarkaana aysan ka soo wareegin xiligaas sanad shaqaale cusubna aan la qaadan, ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in markale la baari doono shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya. Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda NISA iyo wasaaradda iska kaashan doonaan diiwaan gelinta shaqaalaha taasi oo laga muujiyay walaac xoog leh. In badan Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshahaan uu yahay mid la rabo in boosaska looga saarto shaqaalaha dowladda si loo gashado kuwa kale oo cusub maadaama la galay waqti kala guur ah. “Annaga ayaa damiinanay qof kasta gurigiisa ayaa la tagayay waana la soo sawirayay isaga iyo gurigaba waxeyna baaritaanka mareen 3 jeer, hadda waxaa la rabaa in la ruqseeyo qaarkood si kuwa kale loo qaato,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. In badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay muujinayay walaac badan. Dadka qaar ayaa sheegaya in beegsigu yahay shaqaalaha ku sugan xafiisyada dowladda ee Muqdisho iyo kuwa safarada ku maqan ee heesta fasaxa. Lama oga sida uu xaalku noqon doono hase yeeshee waxaa jira qeyla dhaan badan oo arrintaan ku saabsan. Sidaas oo kale waxaa jira aragtiyo kale oo sheegaya in sababta waqtigaan adag loogu soo aadiyey tahay cabsi gelin ku saabsan dhanka doorashada. The post Xog: Shaqaalo badan oo ka mid ah kuwa dowladda oo shaqadooda weyn doona first appeared on Caasimada Online.
  20. Mekelle (Caasimada Online) – Waxaa kasii dareysa xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka Ethiopia iyo ismaamulka Tigray ee uu hoggaamiyo xisbiga TPLF, ayada oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhex qarxo labada dhinac. Getachew Reda, oo ka mid ah guddiga fulinta ee TPLF, ayaa ku hanjabay tallaabo ka dhan ah dowladda, isaga oo sheegay in dadaal kasta oo la isku dayayo in adeegyada dowladda looga joojiyo gobolka Tigray uu la macno yahay “iclaamin dagaal.” Waxa uu tixraacayey go’aan kasoo baxay baarlamanka Ethiopia oo ugu baaqay dowladda inay xiriirka u jartay gobolka, taasi oo ka dambeysay markii TPLF ay ugu baaqday xubnaheeda inay ka baxaan dowladda Ethiopia. Getachew Reda ayaa sidoo kale ugu yeeray Abiy Ahmed inuu yahay hoggaamiye kooxeed la mid ah dagaal oogayaashii hore ee Soomaaliya. Dhinaca kale, gobolka Tigray ayaa ku hanjabay inuu joojin doono canshuurta uu dowladda federaalka uga ururiyo gobolka, taasi oo lagu dabooli doono dakhli kasta oo dowladda ay ka jarto gobolkaas. Ismaamulka Tigray-ga waxa uu shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday 5-tii October. Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa doorashooyinkii guud ee federaalka Ethiopia ee lagu waday inay dhacaan bishii August balse uu dib u dhigay Abiy Ahmed oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus. The post Getachew Reda: Abiy waxa uu la mid yahay hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya, wuxuuna iclaamiyey dagaal first appeared on Caasimada Online.
  21. Detroit (Caasimada Online) – FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay fashilisay shirqool lagu afgambin lahaa dowladda laguna afduuban lahaa barasaabka gobolka Michigan Gretchen Whitmer. Shirqoolkan ayaa waxaa ku lug lahaa maleeshiyo hubeysan oo fadhigoodu yahay gobolka Michigan. Warqado maxkamadeed ayaa muujiyey in kuwa shirqoolka damacsanaa ay laba mar kormeereen guri ay fasax ku qaadato Whitmer, ayna ka wada hadleen sidii ay u afduuban lahaayeen, oo ay ula aadi lahaayeen gobolka Wisconsin, si halkaas maxkamad loogu soo saaro wax ay ugu yeereen “qiyaano qaran” kahor doorashada. “Xubno ka mid ah kooxdan ayaa ka wada-hadlay in la khaarijiyo ‘daba-dhilifyada’ ama la afduubto barasaabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay FBI-da. “Kooxdan ayaa go’aansaday inay tirada maleeshiyadooda badiyaan, waxayna isku booriyeen inay la hadlaan deriskooda, si farriinta loo baahiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka FBI-da. Qoraalka ayaa lasoo saaray saacado kadib markii wakiillada FBI-da ay Arbacadii weerareen guri ku yaalla magaalada Hartland Township. Shirqoolkan ayaa waxaa waday lix qof, oo uu ku jiro Ty Garbin oo ah 24 jir, kaasi oo degan guriga ay FBI-da weerareen goor dambe oo Arbacadii aheyd. Kiis ay FBI-da ka diiwaan gelisay maxkamad federal ayaa waxaa lix qof lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool afduub oo ka dhan ah Whitmer, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay: Adam Fox Barry Croft Garbin Kaleb Franks Daniel Harris Brandon Caserta Baaritaanka dadkan lagu soo xiray ayaa socday tan iyo horraantii 2020. FBI-da ayaa markii hore ka ogaatay baraha bulshada inuu jiray shirqool la doonayo in lagu afgambiyo dhowr dowlad goboleed. FBI-da ayaa waxay kooxdan ku dhex lahayd qof si hoose ula shaqeeya oo duubayey kulmada, kaasi oo la siiyey lacag dhan $8,600. The post Afgambi iyo afduub ka dhan ahaa barasaabka Michigan oo si yaab leh loo fashiliyey first appeared on Caasimada Online.
  22. Jigjiga (Caasimada Online)-Xukuumadda dowlad deegaanka Soomaali-Galbeed ayaa shaacisay in ra’iisul wasarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday cudurka Coronavirus. Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlad deegaanka Soomaalida Mukhtaar Yuusuf ayaa sheegay in natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay sababta ka dambeysay geerida marxuumka lagu ogaaday in uu u geeriyooday cudurka COVID-19. Madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Cagjar ayaa maanta qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xukuumadiisu ay guddi u saartay baaritaanka sababta ka dambeysay geerida marxuum Cali Khaliif. “Xukuumadu waxay magacawday guddi u xilsaaran baadhitaanka habka geerida marxuum prof Cali Khaliif Galaydh, kahor intaan la’aasin! Allaha u naxariisto Prof Cali ummada Somaliyed oo idil ayuu kabaxay” ayuu bartiisa Facebook-ga maanta ku daabacay madaxweyne Mustafe Cagjar. Waxaa jira shaki badan oo ay qabaan dadka Soomaaliyeed, kaas oo ku aaddan in dad hal door ahaa oo Soomaaliyeed ay horay ugu geeriyooday magaalada Jigjiga. Allaha u naxariistee dadkii ku geeriyooday magaaladaas waxaa kamid ahaa Weriye Axmed Xasan Cowke, Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub, Abwaan Cabdixakiin Cabdullaahi Jibriil Qiiq, Cali Khaliif Gareyr iyo dad kale oo qaranimada Soomaaliya u soo halgamay. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qaban qaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameynayo marxuum Cali Khaliif, kuwaas ka kooban seddax xubnood. Sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana ku wehliya sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-hayaha wasiirka kalluumeysiga Cabdullahi Bidhaan Warsame. The post Xanuunka uu u geeriyooday Cali Khaliif Galayr oo la shaaciyey first appeared on Caasimada Online.