-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-08102020.mp3 View the full article
-
Garowe (PP News Desk ) — The City of Garowe is experiencing an increase in the number of people getting infected with the Covid-19. The rise in the infection rate allegedly results from Puntland Ministry of Health policy decisions that wound down preventive measures. About 150 people have become infected with Covid-19, most of them being Garowe residents. “There are people who do not go public with the illness, and some people who died of the illness” said a health worker who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity. “Puntland Health Ministry has stopped meetings on Covid-19 prevention measures” the health worker added. Is Puntland Minister for Health Jama Salah Hassan aware that lax preventive measures have caused spike in Covid-19 infection rates in Puntland? There is transition risk at the Covid-19 test centre in Garowe, where people go for Covid-19 tests. Neither social distancing rule nor the prevention procedure is followed at the centre. “People coming to the centre for tests do not wear face covering” the health worker said. The World Health Organisation and USAID have donated Covid-19 test equipment to the Puntland Ministry of Health. How the centre is run and how revenues from tests are managed is not known. The Health Ministry of Puntland reversed a decision about Covid-19 test fees, when allegations about misuse of the test centre for personal gains emerged two months ago. With the colder season not too far off, there is a fear that infection rates may increase if the Health Ministry of Puntland State sticks with the policy to take the risk of community transmission of the novel Coronavirus in Puntland less seriously. © Puntland Post, 2020 The post Rise in Covid-19 Infections in Puntland due to Lax Preventive Measures appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahino ayaa ka soo baxaya waxyaabaha looga hadlay kulan ay caawa yeesheen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Nabad sugidda ee Habar-Khadiijo, halkaas oo uu ugu tegay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah. Sida aan xogta ku helnay labada masuul ayaa inta badan kulankooda uga wada-hadlay arrimo khuseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhismaha golaha wasiirrada ee xukuumadda cusub. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku howlan la tashiyo ku aadan soo magacaabidda golihiisa wasiirrada, waxaana Agaasime Fahad Yaasiin lagu tilmaamaa inuu door weyn ku leeyahay dhaq-dhaqaaqa siyaasadda dowladdan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Tan iyo markii uu la wareegay xilkan Ra’iisul wasaare Rooble waa markii labaad ee uu ka baxay madaxtooyada, iyadoo socdaalkan uu ku tegay xarunta NISA ee Habar-Khadiijo kii ka horeeyay uu ku tegay garoonka Aadan Cadde, xilligaas oo safar dibadda ah uu ugu baxay dalka Kuwait. Labada dhinacba ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen kulankaas, balse Fahad Yaasiin ayaa door weyn ku leh go’aannada siyaasadeed ee dowladan, isagoo badanaa aan ka soo bixin xarunta NISA oo ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo. The post Maxay ka wada-hadleen R/wasaare Rooble iyo Agaasime Fahad Yaasiin? first appeared on Caasimada Online.
-
Bosaso (PP News Desk) — The Municipality of Bosaso, the commercial city of Puntland State, took an unprecedented decision on local government revenue generation and quashed the House Maintenance Tax. Bosaso Mayor Abdisalam Bashir told the local media that “citizens rebuilding or maintaining their properties are no longer required to pay Maintenance Tax.” Mayor Abdisalam: Citizens rebuilding or renovating their properties are no longer required to pay Maintenance Tax. Bosaso Mayor said that there were no other agencies involved in the decision about the Maintenance Tax. “Bosaso Municipality resolved to reach the decision in the interest of the people of Bosaso” he said. Bosaso people have welcomed the decision to end the House Maintenance Tax. “When someone decides to rebuild or renovate a property he/she creates a job opportunity for builders. There was no an economic logic to the House Maintenance Tax other than to discourage economic interactions of citizens” said Mohamed Isse, the manager of a mid-level construction company in Bosaso. Bosaso is experiencing declining economic output due the unresolved issues about Bosaso Port run by DP World which has been accused of failing to honour the terms of the agreement. © Puntland Post, 2020 The post Bosaso Municipality Quashes House Maintenance Tax appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabelle ayaa lagu taageeray in doorashada maamulkaas ay waqtigeeda ku dhacdo. Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-murtiyeedkan ku soo jeediyay in xilalka maamulkaas ay si siman ugu tartamaan beelaha Soomaaliyeed ee dega Hir-Shabeelle. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo beesha Xawaadle ay diidan tahay in madaxweynaha maamulka ay u tartamaan siyaasiyiinta beesha Abgaal, xilli la rumeysan yahay in madaxweynaha ku xigeenka maamulka Cali Guudlaawe ay dowladda federaalka la dooneyso xilkaas. Qoraalkan oo shan qodob ka kooban ayaa ka soo baxay kulan ay maanta xildhibaanadaasi Muqdisho ku yeesheen, waxayna taageereen jadwalkii doorashada baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle ee ka soo baxay guddiga farsamada, kaas oo madaxweyne Waare uu kasoo hor jeestay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka xildhibaanada oo dhameystiran Shir ay isugu yimaadeen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee maanta oo ay taariikhdu 08/10/2020 kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa looga tashaday laguna gorfeeyay xaalaadaha siyaasadeed mid amni, bulsho iyo midda noolaleed ee ka jirta Dowlad Goboleedka Hirshabeele. Markaan aragnay qodobada, 3aad, 4aad, 11aad iyo 22aad ee Dastuurka JFS ee qeexaya mabaadiida guud ee JFS, Ilaalinta, Sareynta Sharciga JFS, Sinaanta muwaadiniinta iyo Xaqa ka qeyb galka siyaasadeed ee qof walba oo mawaadin ah xaqa u leeyahay. Markaan aragnay Qodabda 5aad, 6aad, 25aad, 46aad iyo 47aad ee Dastuurka Dowlad Gobaledka Hirshabelle ee qeexaya Mabaadiida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sareynta Sharciga, Xaqa ka qeyb galka Siyaasadeed ee uu leeyahay qof kasta oo ah muwaadin Soomaaliyeed una dhashay deegaanada Hirshabeele. Markaan garwaaqsanay xaaladda adag ee ay mareyso Dowlad Gobaledka Hirshabele iyo masuuliyadda naga saran, waxay soo saareen Xildhibaanadda JFS deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeele war-saxaafadeedkaan; 1- In doorasha dowlad goboleedka Hirshabeele waqtigeeda ku dhacdo sida ku muddeysan Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeele . 2 – In aan taageersanahay guddiga farsamada sooxulista Baarlamaanka 2aad ee Dawlad Goboleedka Hirshabeele ee uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle Tr. 29/09/2020. 3 – Waxaan soo dhaweyneynaa Jadwalka doorasha ee ay soo saareen Guddiga Farsamada Sooxulista Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle kuna taariikheysan 06/10/2020. 4 – Si loo ilaaliyo xuquuqda Dastuuriga ah ee muwaadiniinta, waxa xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka u tartami kara muwaadin kast oo kasoo jeeda deegaanada Hirshabelle sida ku cad Qodobada 46aad iyo 47 ee Dastuurka Hirshabelle. 5 – Waa in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo cid kasta oo ay quseysa ay ka qeyb qaadato hergelinta doorasho waqtigeeda ku dhacdo. Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Madaxda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Madaxda Hirshabelle u istaagaan hirgalinta doorasho waqtigeeda ku dhacda, si looga fogaado firaaq Dastuuri ah ama muddo korarsi aan sharciga waafaqsaneyn. Sida oo kale waxaan uga mahadcelineynaa Beesha caaalamka garab istaaga mar waliba ay garab taagantahay Dawlada Federaaalka guud ahaan iyo Dawlad goboleedka Hirshabeeele. Hoos ka aqriso magacyada The post Xildhibaano ka tirsan BF oo war kasoo saaray beesha u tartami karta madaxweynaha HirShabelle first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-habeen-08102020-ok.mp3 View the full article
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigajiga ee dhulka Soomaali Galbeed ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr, waxaana soo baxaya su’aalo ku aadan geerida mas’uulkaan. Cali Khaliif Galayr ayaa tagay Jigjiga isagoo caafimaad qaba, waxaana la soo warinayaa in uu ku dhintay gudaha hoteelkiii uu daganaa, ilaa iyo haddana ma jirto cid faah-faahin ka bixisay geeridiisa. Dad badan ayaa baraha ay bulshada ku kulmaan iska weydiinaya sababtii keentay geeridii deg degga aheyd ee Prof. Galayr, taas oo lamid aheyd geeridii deg dega aheyd eek u timid Alle ha naxariistee weriyihii weynaa ee Axmed Xasan Cowke oo dhintay 17-kii Nov sanadkii 2015. In badan oo kamid ah shacabka ayaa ku taliyay in la baaro geerida marxuumka, waxeyna dadweynaha qaarkood ay baraha bulshada ku qoreen inuu fuuq bax ugu dhintay gudaha hoteelkii uu daganaa oo aan la geynin wax Isbitaal ah. Madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka ayaa ka tacsiiyay geerida Marxuumka waxaana sidoo kale jirin wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiin dowlad degaanka Soomaali Galbeed oo ay maamusho Itoobiya. Galayr ayaa maalmo ka hor shir jaraa’id uu qabtay waxa uu ku cabaareeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo su’aal laga weydiiyay arimaha Sool, Sanaag iyo Ceyn sheegay in uusan ka jawaabi karin. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafa Cagjar uu guddi u saaray geerida Marxuumka si loo baaro waxa ku dhacay maadaama ay jiraan tuhuno badan oo ku geedaaman geerida Ra’iisul Wasaare Galayr. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qaban qaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameynayo marxuum Cali Khaliif, kuwaas ka kooban seddax xubnood. Sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana ku wehliya sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-hayaha wasiirka kalluumeysiga Cabdullahi Bidhaan Warsame. Hoos ka aqriso warqadda The post Su’aalo ka dhashay geerida deg degga aheyd ee ku timid R/W hore ee Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
-
At least six Somali government soldiers were killed and four others wounded when a roadside bomb blast struck a military vehicle in the Middle Shabelle region on Wednesday, an official said. Ibrahim Adan, a police officer in the region told Anadolu Agency over phone that an “improvised explosive blast hit the military vehicle carrying soldiers traveling from Bal’ad district to a military observation post in the area.” Three soldiers escaped the attack and the wounded were transported to Mogadishu for treatment, he added. Bal’ad is an agricultural town located 30 kilometers (18 miles) north of the capital Mogadishu and it is the second largest town in the Middle Shabelle region. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the attack via internet. Meanwhile, a military base in Jazira, outside Mogadishu came under attack by al-Shabaab on Wednesday. The group said it had killed several government soldiers and destroyed six military vehicles in the attack. The post Roadside bomb blast kills 6 soldiers in Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
Former Somali Prime Minister Dr. Ali Khalif Galeyr has passed away in Jigjiga, the capital of the Somali regional state in Ethiopia on Thursday. Somaliland official has confirmed the death of the great politician who served for the nation most of his lifetime. He served as PM in 2000 and Khatumo state president in the latest years of his life. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has sent his condolences over the sudden demise of the former PM. View the full article
-
Baku (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa sii socday maanta oo Khamiis ah, ka hor wada-hadallo la filayo in Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ay ka yeeshaan sidii xabad-joojin loo gaari lahaa. Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa magaalada Geneva kula kulmi doona safiirada Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska, halka wasiirka arrimaha dibedda Armenia Zohrab Mnatsakanyan la filayo inuu saraakiil ka socota saddexdan dal kula kulmo Moscow. Wada-hadalladan ayaa billow u ah dadaal xooggan oo saddexdan quwadood ee caalamka ay ku doonayaan in lagu joojiyo dagaalka. Saacado kahor inta aysan billaabin wada-hadallada, ayaa Azerbaijan waxay sheegtay in magaalada Ganja ee bartamaha dalkaas ay madaafiic ku garaaceen ciidamada Armenia. Waxay intaas ku dartay in sidoo kale qof shacab ah lagu dilay gobolka Goranboy iyo xaafado iyo magaalooyin kale oo ay duqeeyeen ciidamada Armenia. Mas’uuliyiinta Azerbaijan ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof oo shacab lagu dilay 143 kalena lagu dhaawacay dagaalka tan iyo markii uu billowday 27-kii September. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in la duqeeyey magaalada ugu weyn maamulkooda ee Stepanakert, halkaasi oo lagu dilay 30 askari, taasi oo tirada askarta illaa hadda uga dhimataya dagaalka ka dhigeysa 350. Waxay intaas ku dareen in sidoo kale 19 qof oo shacab ah ay dhinteen. Kadibn wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka, Armenia ayaa sheegtay inay xilka ka qaaday madaxii hay’adda sirdoonka qaranka oo lagu eryey wareegto madaxweyne. Ma sheegin wax sabab ah. Isha: VOA The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Azerbaijan iyo Armenia first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray waraaq lagu cadeynayo in Aas Qaran loo samaynayo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif [...] The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegey in Aasqaran loo samaynayo Raysal wasaarihii hore Marxuum Cali Khaliif appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka tacsiyeeyey Geerida Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Garayr oo ku geeriyoodey Magaalada Jigjiga. Madaxweynuhu isago [...] The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida RW hore Cali Khaliif Galayr appeared first on . Source
-
Cudurka Coronavirus ayaa si weyn ugu soo laba kacleeyay degaanada Puntland, waxayna dowladdu dabooshay xaqiiqooyinka ku saabsan xanuunkaas, kadib markii ay xakameyn weyday faafitaankiisa. Magaalada Garowe ayaa noqotay xudunta Coronavirus ee Soomaaliya, kadib markii todobaadyadii ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay tirada ugu badan ee kiisaska xanuunkan. Dad tiradoodu u dhaxayso 100 ilaa 150 ayaa todobaadkiiba laga diiwaangeliyaa degaanada Puntland, dadkaas 90% waxay ku nool yihiin Garowe, sida ay Puntland Post u sheegeen ilo dhanka caafimaadka ah, sidoo kale waxaa jira dad qarsada cudurkan oo dadweynaha ku dhexnool iyo kuwo dhintay oo aan la ogeyn inay u dhinteen cudurkan iyo in kale. Wasiirka Caafimaadka Puntland (midig) iyo wasiirka caafimaadka Jubbaland, xarunta guud ee sheybaarka Covid-19, Garowe Khatar caafimaad iyo maamul xumo ayaa ka jirta xarunta guud baarista Covid-19 ee Puntland oo ku dhextaala isbilaalka guud ee Garowe, waa xarun ay booqdaas dadka isaga shakiya cudurka iyo kuwa doonaya warqada caddeynta Covid-19. Inta badan ma arkaysid dadka ka shaqeynaya xarunta iyo kuwa soo booqanaya oo isticmaalaya xirashada maaskarada wajiga, galoofyada gacmaha iyo jeermis dilayaasha, sidoo kale ma arkaysid tilmaalo caafimaad oo la xiriira Covid-19, waana goob ay maalmaha qaar booqdaan boqolaal qof. Dowladda ayaa gabtay mas’uuliyadda ka saaran badqabka shacabka, waxaana moodaa in xarunta loo furay dhaqaale ka sameyn, dadka doonaya shahaadaha Covid-19 ayaa laga qaadaa lacag dhan $50, waa sicir aad u sareeya marka loo eego Soomaaliya inteed kale. Xarunta waxaa qalabka iyo shaqaalaha ka taageera hay’ado caalami ah, haddana lama yaqaano meesha ay ku baxdo iyo sida loo maamulo lacagta laga qaado shacabka, sidoo kale dhaqaale farabadan oo Puntland ku heshay la dagaalanka Covid-19, ayaa la aqoon sida uu u baxay, Puntland ayaa caan ku ah la xisaabtan la’aan. Cimilada Garowe ayaa hadda aad u kulul, hase yeeshee bilaha soo socda waxaa la galayaa xili qaboobe, taasi waxay keeni kartaa in fayraska halistiisu aad u sii badato. Daryeel caafimaad oo aan tayo la ahayn hadh iyo jeer waa caqabad ka jirta gudaha Puntland, haddana waxaa xaaladda sii xumeeyey Coronavirus ama Covid-19 oo ah dilaa aan daawo la hayn, hase yeeshee leh ka hortag. Khubarada caafimaadka ayaa aaminsan in fayraskan lagu kala qaado dhecaanka neefsashada ee qofka cudurka qaba ka baxo marku uu qufaco ama hindhiso, dadka isku meel wada joogo oo isku dhow (ilaa 2 mitir) iyo taabashada shay ama meel fayraska leh. Xirashada maaskarada wajiga ayaa sidoo kale khubarada caafiamadku rumeysan yihiin inay caawineyso ilaalinta caafimaadka dadka, marka ay joogaan meel dadku ku badan yahay. PUNTLAND POST The post Puntland oo dabooshay xogta Covid-19 iyo khatar ka jirta xarunta guud ee lagu baaro appeared first on Puntland Post.
-
Ali Khalif Galayr wuxuu ku dhashay magaaladda Laas-Caanood, ee xarunta gobolka Sool 15 October 1941. Intii u dhaxaysay 1963 iyo 1965, wuxuu waxbarashadda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ku qaatey Sheikh Intermediate School and Sheikh Secondary School, ee gobolka Togdheer. Sanadkii 1962 ayuu Mareykanka u aaday inuu wax ka barto kadib markii uu deeq waxbarasho ka helay Boston University. Sidoo kale Shaahadada master-ka wuu ka qaatey Syracuse University, isagoo sidoo kale waxbarashadda sare doctorate kusoo qaatey Syracuse University. Shaqada Cali Khaliif wuxuu ahaa aqoonyahan iyo siyaasi caan ah oo shaqooyin kala duwan dalka kasoo qabtay, laga soo billaabo Warshaddii Sonkorta Jowhar oo July, 1974 loogu magacaabey maamulaja guud. Intii u dhaxaysay 1977 iyo 1980 wuxuu Marxuumka maamule ka noqday Mashruucii Sonkorta Mareerey, kaasoo ku baxday lacag gaaraysa $400 million. Intii u dhaxeysay 1996 – 2000 Galayr wuxuu aas-aasay oo maamuley shirkadda isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay ee Somtel. 1979 Galayr waxuu noqday xildhibaan. 1980 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha maamulkii Siyaad Barre. Wuxuu shaqadan hayay ilaa 1982. Markii ay is khilaafeen Siyaad Bare, Galayr wuxuu kamid ahaa koox wasiiro isbadal doon ah oo wadanka ka cararay si uusan u xirin kaligii-taliska. Wuxuu ka qayb galay shirkii Carta, Jabuuti oo bishii Oktoobar 2000, Cabdiqaasim Salaad Xasan loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Dawladdii Ku Meel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, taasoo isaga Ra’iisul Wasaaraha ka noqday. Xilka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu hayay laga soo billaabo 8 October 2000 illaa 28 October 2001. Xildhibaan ayuu ka noqday Baarlamankii 9aad ee Soomaaliya dawladdii Xasan Sheekh, isagoo xilkaasi ka tagey kadibna August 2014 Madaxweyne ka noqday Maamulkii Khaatumo. Maanta, 8-da October ee 2020 ayuu ku geeriyoodey Cali Khaliif magaaladda Jigjiga, Caasimadda Is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya, isagoo da’diisu tahay 78. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Madaxweynaha oo khadka Taleefanka kula xiriiray Marwada Marxuumka Maryan Cabdi Biixi ayaa xusay doorkii uu ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka. “Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhowaaqay in dowladda Soomaaliya ay aa sheer qaran ah u sameyn doonto Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa ugu horrey waxa uu madaxweynaha ku amray xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynaha oo khadka Taleefanka kula xiriiray Marwada Marxuumka Maryan Cabdi Biixi ayaa xusay doorkii uu ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka. “Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. The post Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray amar la xiriira geerida Dr. Cali Khaliif Galayr first appeared on Caasimada Online.
-
WAR-SAXAAFADEED: 08/10/2020 Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo War-murtiyeed Ka Soo Saaray Hadalkii Soomaaliya Hore Uga Soo Yeedhay, Kana Dooday Xeerka Gaadiidka Iyo Waddo Marista. Fadhigii 65aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya. • War-murtiyeed Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland. Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda. Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon. • Amniga Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabadgelyo ee dalka. • Xeerka gaadiidka iyo waddo marista. Goluhu wuxuu dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka. Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo wadooyinka. Qaran News
-
Abwaan Cali Saleebaan Bidde, Ilaahay ha u naxariistee waxa uu geeriyooday 1997. Waxa uu ku dhintay oo lagu aasay magaalada Hargeysa. Waa abwaan leh suugaan ka la duwan , oo qaar badan oo ka mid ah lagu luuqeeyo. Fursad loo ma helin in muuqaallo laga duubo taariikhdiisa, waxa se taariikhdiisa ka warramaya walaalkii Cabdillaahi Saleebaan Bidde, oo magaalada Oslo ee dalka Norway, wareysi ku siiyey Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”. https://www.youtube.com/watch?v=EcIIRAxkTYc&feature=youtu Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalooyinka Muqdisho iyo Beladweyne waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin xubno kamid ah siyaasiinta iyo mas’uuliyiinta Beesha Xawaadle. Kulamadaan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda HirShabeelle, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo tabasho ay qabto beesha. Kulamadaan ayaa waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha HirShabeelle, Madaxweynihii hore ee maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble iyo mas’uuliyiin kale, halka kulamada Beladweyne ay wadaan odayaal iyo siyaasiin kale. Caasimada Online ayaa heshay xogo ku saabsan kulamadaas, kuwaas oo sheegaya in siyaasiintaan ay maalmaha soo socda kulan weyn ku yeelan doonaan Beladweyne waxaana kulankaas qeyb ka ahaan doono Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo masuuliyiin kale waxayna ka arrinsan doonaan xaaladda HirShabeelle. Xubno kamid ah qaban qaabiyaasha shirka ayaa sheegay in ay beesha kaga dhawaaqi doonto go’aan adag Beladweyne kaas oo saameen weyn ku yeelan kara dhismaha maamulka, waxaana laga yaabaa in ay shaaciyaan ka fiirsashada kasii mid ahaanshaha HirShabeelle. “Haddii aanan helin Madaxweyne waxaa naga go’aan inaa ka baxno maamulka hadii sidaan ay xaalada sii ahaatana waxaa waajib ah in dib loogu laabto qaraarkii lagu dhisay HirShabeelle” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada HirShabeelle oo ka soo jeeda gobalka Hiiraan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Taabid Cabdi Maxamed ayaa Shalay iyo Dorraad soo saaray baaqyo ku aadan in aan lagu deg degin dhismaha baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle ilaa laga xaliyo tabashooyinka beelaha. Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle ayaa la filayaa inuu noqdo Cali Guudlaawe oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka maamulka, kana soo jeeda beesha Harti Abgaal. Guudlaawe ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladda federaalka. The post Xog: Beesha Xawaadle oo shir qabaneysa iyo go'aan xasaasi ah oo laga filayo first appeared on Caasimada Online.
-
Kumuu ahaa Cali Khaliif Galaydh? Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh Magaalada Jigjiga, ee xarunta u ah ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaa maanta ku geeriyooday Cali Khaliif Galaydh – oo ahaa siyaasi caan ah – xilal kala duwanna kasoo qabtay Soomaaliya. Waxyaabaha ugu waaweyn ee Cali Khaliif lagu xasuusto waxaa ka mid ah inuu Ra’iisul Wasaare ka noqday dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, taasoo uu madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan. Marxuumka oo sida lasoo tabiyay labo maalmood ku xanuunsanaa Jigjiga wuxuu ku geeriyooday da’da 78. Waayihii Cali Khaliif Galaydh Barfasoor Galaydh wuxuu ku dhashay magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, 15-kii bishii October ee sanadkii 1941-kii, halkaasoo uu ku soo qaaday qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ah. Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu degmada Sheekh ku dhammeystay sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah – oo uu qeybo ka mid ah kusoo qaatay jaamacado dibadda ku yaalla – wuxuu ka gaadhay ilaa darajada PhD, wuxuuna bare ka noqday Soomaaliya. Heerkiisii Jaamacadeed 1963-kii, Galaydh wuxuu helay deeq waxbarasho oo ay siisay jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka. Wuxuu Shahaadada heerka koowaad ee maaddada Seyniska Siyaasadda uga qalin jabiyay sanadkii 1965-kii. Cali Khaliif wuxuu kaalin muuqata kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya 1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York, Mareykanka. Shahaadadaas wuxuu diiradda ku saaray cilmiga maamulka dadweynaha, wuxuuna kasoo baxay dhammaan shuruudihii looga baahnaa inuu barfasoor ku noqdo. Buuggii uu darajadiisa aqooneed ku difaacanayay wuxuu qoray 1971-kii iyo 1972-kii. Intii u dhaxeysay 1982-kii ilaa 1987-kii wuxuu waxbarasho ka qaadanayay macadka Weatherhead ee lagu barto aqoonta Arrimaha dibadda iyo Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka. Doorkiisii dhinaca maamulka iyo siyaasadda Barfasoor Galaydh xarumaha uu kasoo howl galay waxaa ka mid ah macadkii Somali Institute of Public Adminstration (SIPA). Macdkan oo uu markii hore ka ahaa cilmi baadhe ayuu ugu dambeyn 1973-kii ka qabtay xilka agaasimaha guud. Cali Khaliif waxa uu madaxweyne kasoo noqday maamul la magac baxay Khaatumo Intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1976-kii wuxuu agaasime ka ahaa mashruucii Sokorta ee Jowhar (SNAI). 1976-kii ilaa 1982-kii wuxuu maamulayay mashruucii sokorta ee Juba (JSP). Xilalkii Siyaasadeed Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay. Dhowr sano kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda, isagoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 1965-kii ilaa 1967-kii. 1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u naxariistee -Maxamed Siyaad Barre. Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta. 13 bilood markii ay dhisneyd xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida. 20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa. Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag. Doorasho dhacday bishii August ee sanadkaas ayuu uga guuleystay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Sheel), oo ahaa musharrax kula tartamayay xilka madaxweynaha Khaatumo. In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma suuragalin. Qaran News
-
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay Geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh. Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna Dowladda iyo Shacabka Puntland. “Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.” Axmed Karaash, wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeeyay dhammaan Qoyska, Ehelada iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, waxaana uu Alle uga baryey in uu dambigiisa dhaafo oo Jannada ku arsaaqo, islamarkaana Samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed. “Waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri Qoraalka. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka tacsiyaysay Geerida Cali Khaliif Galaydh appeared first on Puntland Post.
-
Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa uu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, waxaana uu mar soo ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967) iyo Wasiirka Warshadaha (1980-1982) Sidoo kale Madaxweynaha khaatumo ayuu noqday Sanad kii 2014. Marxuum Cali Khaliif wuxuu 15-kii October 1941-dii ku dhashay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa kusoo qaatay inteeda badnayd, ilaa uu ka dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd, ilaa markii dambe uu Dugsigiisa Sare ku dhameystay degmada Sheekh. Waxaa uu ahaa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaadhay Ph.D. Waxaa uu ahaa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dowladdeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay. Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu in mudda ah kasoo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii Somali Institute of Public Administration (SIPA) ee Maamulka Dowliga ah lagu baran jiray, halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime. Marxuumka waxaa lagu xasuustaa agaasimidda barnaamijyo hormarineed oo Soomaaliya ka socday 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii, isaga oo si gaar ahaa u maamulayay Mashruucii Sonkorta ee Jubba. Galeydh waxa uu sanadkii 2000 noqday xildhibaan, iyada oo uu isla waqtigaas noqday Raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan. Cali Khaliif Galaydh waxaa 2014-kii loo doortay Madaxweynaha Maamulkii Khaatumo oo aanay DowladdII Federalka KMG Soomaaliya ahaydna aqoonsan, tii ka dambeysay ee rasmiga ahayd ee la sameeyay 2012-kiina aanay aqoonsan. Cali waxa uu dadaal xooggan ku bixiyay in la helo maamul u gaar ah gobolada Sool iyo Sanaag oo ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland, balse markii danbe waxaa uu la heshiiyay Somaliland gaar ahaan xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waxaana uu dhintay haatan iyadoo aan la fulin heshiiskii lala galay. Waxbarashadiisii: 1962-kii ayuu Cali Khaliif Galeydh dhameeyay Dugsigiisii Sare ee Sheekh, oo ka tirsan gobolka Togdheer. 1965-kii, waxa uu Cali dhameeyay Waxbarashadiisii Jaamacadda ee Heerka 1-aad, taas oo uu ku qaatay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka. 1969-kii, Cali waxa uu Jaamacadda Syracuse University ee magaalada Newyork, Dalka Mareykanka ku diyaariyay Darajadiisii 2-aad ee Jaamacadda. 1972-kii ayuu Galeydh Ph.D-diisa ku diyaariyay isla Jaamacadda Syracuse University ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku gaadhay aqoonta tacliin maadiya tan ugu sareysa aduunka. Waayo-aragnimadiisii dhanka Shaqada 1965-1967-kii, Cali Khaliif Galeydh waxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya. 1970-1973-kii, Cali waxa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Machadkii Barashada Maamulka Dowliga ee Somali Institute of Public Administration (SIPA), qeybtiisa Tababarka Cilmi Baarista. 1973-1974-kii ayuu soo ahaa Agaasimaha Guud Machadka Barashada Maamulka Dowliga ah ee SIPA. 1974-1976-kii waxa uu soo ahaa Agaasimaha Guud ee Warshaddii Sokorta Jowhar ee SNAI. 1976-1980-kii Cali waxa uu ahaa Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruucii Sokorta Jubba. 1980-1982-kii, Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Wasiirka Warshadaha Soomaaliya, xiligaas oo ay si weyn uga socdeen dalka mashruucyo ay ka mid ahaayeen warshadeynta dalka. 1982-1984-kii waxa uu saaxiib fiican la ahaa Xarunta Arrimaha Caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard. 1984-1986-kii, Waxa uu sidoo kale lahaa saaxiib fiican ee Xarunta Daraasadaha Bariga Dhexe ee Jaamacadda Harvard. 1986-1989-kii, waxa uu Lataliye u ahaa Shirkado gaar loo leeyahay oo Mareykanka ka jira, Hay’adda Gargaarka ee Mareykanka (USAID), iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Hormarinta . 1989-1991-kii, Galeydh waxa uu Caawiye Professor kasoo ahaa qaar ka mid ah jaamacadaha Mareykanka ku yaala. 1991-1994-kii Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Ku Lamaane Professor, qeybta Maamulka Dowliga ah ee Syracuse University ee magaalada Newyork, dalka Mareykanka. 1994-1996-kii, waxa uu Cali ka ahaa Jaamacadda Syracuse University Professor dhiga Maamulka Dowliga ah iyo Xiriirka Caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Taariikh Nololeedka Marxuum Cali Khaliif Galaydh appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxtin leh ee ku timid Ra’iisulwaarihii hore ee Soomaaliya Allha ha naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida. Madaxda qaranka ayaa uga tacsiyadeeyay qoyskiisa, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxaamka, waxaana alle ay baryeen inuu naxariista janna ee ka waraabiyo. Sidoo kale madaxda dawlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyey geerida Cali Khaliif oo ahaa mas’uul taariikh dheer ku leh dalka ayaa Ra’iisal wasaare ka ahaa dawladdii KMG ahayd ee Carta intii u dhaxaysay 8 October 2000 – 28 October 2001, waxaana sidoo kale uu soo qabtay xilal kala duwan oo dawladeed. View the full article
