-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa Sabtidii (10-10-2020) magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicolas Berlanga. Labada xisbi ee WADDANI Iyo UCID oo ay metelayeen guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo uu weheliyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha xisbiga Md Cabdiqaadir Iidle waxa kulankan lagu lafo guray dardar gelinta arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka. Kulankan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka iyo sidii haweenka iyo dhallinyaradu doorkooda kaga beegan uga qaadan lahaayeen qabsoomida doorashada ugana qayb noqon lahaayeen goleyaasha la dooranayo. Madaxda Labada xisbi ayaa Amb Berlanga la wadaagay sida ay uga go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku, islamarkaana ay tixgelinayaan sidii dhallinyarada iyo haweenku door firfircoon uga qaadan lahaayeen doorashada iyo ka qayb galka siyaasadda. Source
-
Siyaasi Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi Dheere) oo wasiirka waxbarashada ka soo qabtay xukumaddii hore ee Kulmiye ayaa dhalliilay tallaabada lagaga saaray Golaha Dhexe ee Kulmiye waxaanu sheegay in aanu waxba u noqonayn arrintaas. Cabdillaahi Dheere oo wargeyska Geeska Afrika u warramay ayaa sheegay in lagu maagay ka qayb galka qado sharaf loo sameeyay Maxamuud Xaashi. “Anigu shirweynaha waan joogay halka ay Qabyotire iyo Maxamuud Xaashina ka maqnaayeen, haddiise Kulmiye nalaga saaray Kulmiye muxuu yahay? Ma waxa uu ka duwan yahay xisbiyada kale ee dalka ka jira? Haddii caqliga xisbiga Kulmiye noqday Maxamuud Xaashi buu la qadeeyay ee Golaha Dhexe xisbiga ha laga saaro waxba u noqon maayo ee caqligooda ayaa halkaas dhigay, shirkad haddii shuraako lagu yahay oo lagu kala tago way kacdaa, Kulmiyena waa lagu kala tagay,” Sidaas ayuu yidhi Cabdillaahi Dheere. Cabdillaahi Dheere oo xukumaddii Siilaanyo ka mid ahaa, horena muddo dheer u ahaa xoghayaha Golaha Guurtida ayaa ka hor shirkii Kulmiye ka qayb galay munaasibad danjiraha Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil u sameeyay Maxamuud Xaashi iyo siyaasiyiin kale. Baashe ayaan isna ka mid ahayn liiska Golaha Dhexe ee la shaaciyay. Source
-
Mid ka mida Madaxweynayaashii Soo maray Somalia oo Qirtay Xatooyo” Musuq” uu sameeyay+Cadadka Lacagtuu xaday 7 wuxu ku iibsaday? Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo bixiyey wareysi dhif iyo naadir ah ayaa wuxuu kaga hadlay waayihiisa nololeed iyo arrimo kale oo xasaasi ah. Cali Mahdi oo u warramay TV-ga Soomaali Cable ayaa soo hadal qaaday dhacdooyin kala duwan oo la kulmay, sida dagaalkii Habargidir iyo Abgaal. Ugu horreyn waxaa la weydiyey su’aal la xiriirta, haddii u sameeyey xatooyo xool dadweyne, intii uu madaxweynaha ahaa iyo ka horba. Madaxweyne Cali Mahdi ayaa qirtay inuu sameeyey xatooyo, wuxuuna sheegay in isaga oo dhalinyaro ah 1968-dii uu xaday lacag gaareyso 25 kun oo Shilin Soomaali ah, islamarkaana uu ku dhistay guri uu ku lahaa xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. “Xoolo dadweyne anigu waa xaday anoo yar oo dhalinyaraa oo 20 jir ah ayaa waxaan xaday 25 kun oo shilin Soomaali ah 1968-dii waaye, waxaana ku dhistay guri Siigaale ku yaallay oo aan daganaay, 3000 dhul ayaan kala baxay 3000 Injineerka ayaan siiyey inta kalena alaab ayaa ku gatay.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Cali Mahdi Maxamed ayaa sidoo kale intaasi ku daray in markii uu dib u bartay Diinta uu Sadaqeeyey gurigaasi. “Diinta marka aan dib u bartay waxaan ogaaday inaan qatar ku jiro oon guriga aan daganahay xalaal ii aheyn, waxaa ku cunaayana ay xalaal aheyn waxa igu dhashayna uu Ilaahey ogyahay xaaladooda, gurigii waa Sadaqeeyey.” ayuu markale yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Muddo ka bacdi, hadana waa fakiray waxaan iri Sadaqo waxa aad adigu leedahay ayaad Sadaqeysataa see adiga deyn laguugu lahaa u Sadqeynee?. waan baxay bangiga dhexe ayaa tegay waa xilliga Xasan Sheekh Maxamuud, Bashiir Ciise ayaan u tegay guddoomiyihii Bangiga Dhexe waxaan ku iri Bashiirow 1968-dii Dollarku meeqow ahaay wuxuu ahaay ayuu yiri lix shilin 18 sinti, 25 kun iigu qeybi, waxay noqotay 4045 Dollar, kadib Xasan Sheekh ayaan u tegay waxaan iri lacag ayaa la’iigu leeyahay dowladaa lacag igu leh ii sheeg sidaan yeelaayo ma’adaan kuu keenaa mise meel ayaad ii sheegeysaa oo aan geeynaa bangiga dhexe ku shub ayuu yiri, waana geeyey”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu ka qoomameyo labo arrin oo dhacday waayihiisii, gaar ahaan intii uu dalka ka ahaa madaxweynaha. Mahdi ayaa tilmaamay in labadaas qodob ay yihiin go’aankii ku dhaawaqay Ra’iisul wasaarihiisii Cumar Carte Qaalib ee uu ku kala diray ciidamada Qaranka iyo dagaalkii uu la galay Ceydiid ee markii dambe xoogeystay, iskuna bedalay dagaal u dhexeeya Habargidir iyo Abgaal. Qaran News
-
Buuggii qadiimi ah oo lagu kala iibsaday lacagta qaali ah . Nuqulkii ugu horreeyay ee mabaadi’da Xisaabeed ee Sir Isaac Newton ee Falsafadda Dabiiciga aoo ku qoran Afka Ingiriiska ayaa lagu iibiyay xaraash dhan £22,000. Buuggan “dhifta ah” ayaa laga helay maktabatad yar oo ku taal guri ku yaal South Wales intii lagu jiray bandawga. Wakiilka xaraashka, Chris Albury ayaa sheegay inuu “ku sigtay inuu ka dhaco” kursigiisa markuu ogaaday inuu yahay buuggani “shaqada ugu weynayd ee sayniska ee luuqada Ingiriiska”. Wuxuu yiri: “Ma ahayn nuqulkii adduunka ugu fiicnaa laakiin waa la dhameystiray.” Buugga waxaa laga iibiyey iibsade New York ka soo jeeda wuxuuna ka sarreeyaa 15,000 ilaa guide 20,000 qiimihiisa. Xaraashihii Chris Albury ayaa sheegay in buuggani ahaa mid mar la arag ah. Mabaadi’da Xisaabta ee Newton ee Falsafadda Dabiiciga ah guud ahaan waxaa lagu sifeeyaa inay tahay shaqada ugu weyn taariikhda sayniska. Fisigiska wuxuu ku sharraxayaa sida walxuhu u dhaqaaqayaan una dhigayaan aasaaska aragtidiisa culeyska. Mr Albury, oo ka socda shirkadda Dominic , ayaa sheegay inay “aad u adag tahay in la yidhaahdo” imisa daabacadood oo ugu horreysay oo Ingiriisi ah ayaa jirey sannadkii 1729-, laakiin buuggani waxa uu ahaa mid”naadir” ah. ,Sir Isaac Newton Waxa uu sheegay “iibiyaha nasiibka leh” in uu farxay markuu ogaaday in buuggan uu hayaa yahay buugga qiimahaa leh. “Waxay uu ku jiray shelfyada maktabaddayada waxaannuna raadinaynay wax kale, ka hor inta aannaan helin buuggan, xilligii lagu gudo jirey bandawga. ” Ayuu yidhi. “Waa laba qaybood oo haddii mid bog ka maqanyahay, dhammaantood daaqadda ayay ka baxayaan sidaa darteed marka ay yimmaaddeen kuwii iibsanayey oo waxay ila daawadeen anigoo isku xidhaya waxayna qaadatay 40 daqiiqo oo cabsi ah illaa aan ka xiro qaybta labaad oo aan idhi way dhammaystiran tahay oo waxay ku kacaysaa 15k.” Qaran News
-
Maamulaha Iskuulka Gambool, Maxamed Axmed Maxamed oo gaarigiisii la burburiyay Arday gadoodsan ayaa maanta mudaharaad rabshada wata ka sameeyey iskuulka sare ee Gambool oo kamid ah iskuullada ugu waaweyn Puntland. Ardeyda ayaa ka gadoodsanaa macallimiin laga baddelay iskuulka iyo lacagta laga qaado arday oo la kordhiyay, waxayna weerareen maamulka iskuulka, sidoo kale waxay jajabiyeen baabuurkii maamulaha. Iskuulka ayaa muddo saacado ah ku jiray xaaalad kacsan, iyadoo maamulku uu ku go’doonsanaa qol, waxaana markii dambe u gurmaday ciidamda Booliska. Mudahraadku kuma ekeen oo kaliya iskuulka, balse ardayda ayaa mudaraad rabshada wata ka sameeyay qeybo kamid ah gudaha magaalada Garowe, iyagoo dhagaxan ay tureen ay waxyeeshay gaadiid. Cabashada ardayda iskuulka sare eee Gambool ayaa muddo dheer soo jiitameysay sida ay ogaatay Puntland Post, waxayna cabashadooda dhowr jeer gaarsiiyeen Wasaaradda Waxbarashada Puntland, taas oo haba yaratee aan wax ka qaban. Iskuulka sare ee Gambool oo kamid ahaan jiray iskuulada ugu tayada wanaagsan Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyay laga dareemayay hoos u dhac weyn. PUNTLAND POST The post Garowe: Arday gadoodsan oo mudaharaad rabshada wata sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo bixiyey wareysi dhif iyo naadir ah ayaa wuxuu kaga hadlay waayihiisa nololeed iyo arrimo kale oo xasaasi ah. Cali Mahdi oo u warramay TV-ga Soomaali Cable ayaa soo hadal qaaday dhacdooyin kala duwan oo uu la kulmay, sida dagaalkii uu lagalay General Maxamed Faarax Caydiid. Ugu horreyn waxaa la weydiyey su’aal la xiriirta, haddii uu weligiis sameeyey xatooyo xool dadweyne, intii uu madaxweynaha ahaa iyo ka horba. Madaxweyne Cali Mahdi ayaa qirtay inuu sameeyey xatooyo, wuxuuna sheegay in isaga oo dhalinyaro ah 1968-dii uu xaday lacag gaareyso 25 kun oo Shilin Soomaali ah, islamarkaana uu ku dhistay guri uu ku lahaa xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. “Xoolo dadweyne anigu waa xaday anoo yar oo dhalinyaraa oo 20 jir ah ayaa waxaan xaday 25 kun oo shilin Soomaali ah 1968-dii waaye, waxaana ku dhistay guri Siigaale ku yaallay oo aan daganaay, 3000 dhul ayaan kala baxay 3000 Injineerka ayaan siiyey inta kalena alaab ayaan ku gatay.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Cali Mahdi Maxamed ayaa sidoo kale intaasi ku daray in markii uu dib u bartay Diinta uu Sadaqeeyey gurigaasi. “Diinta marka aan dib u bartay waxaan ogaaday inaan qatar ku jiro oon guriga aan daganahay xalaal ii aheyn, waxaa ku cunaayana ay xalaal aheyn waxa igu dhashayna uu Ilaahey ogyahay xaaladooda, gurigii waa Sadaqeeyey.” ayuu markale yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Muddo ka bacdi, hadana waa fakiray waxaan iri Sadaqo waxa aad adigu leedahay ayaad Sadaqeysataa see adiga deyn laguugu lahaa u Sadqeynee?. waan baxay bangiga dhexe ayaa tegay waa xilliga Xasan Sheekh Maxamuud, Bashiir Ciise ayaan u tegay guddoomiyihii Bangiga Dhexe waxaan ku iri Bashiirow 1968-dii Dollarku meeqow ahaay wuxuu ahaay ayuu yiri lix shilin 18 sinti, 25 kun iigu qeybi, waxay noqotay 4045 Dollar, kadib Xasan Sheekh ayaan u tegay waxaan iri lacag ayaa la’iigu leeyahay dowladaa lacag igu leh ii sheeg sidaan yeelaayo ma’adaan kuu keenaa mise meel ayaad ii sheegeysaa oo aan geynaa bangiga dhexe ku shub ayuu yiri, waana geeyey.” Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu ka qoomameeyo labo arrin oo dhacday waayihiisii, gaar ahaan intii uu dalka ka ahaa madaxweynaha. Cali Mahdi ayaa tilmaamay in labadaas qodob ay yihiin go’aankii ku dhaawaqay Ra’iisul wasaarihiisii Cumar Carte Qaalib ee uu ku kala diray ciidamada Qaranka iyo dagaalkii uu la galay Ceydiid ee markii dambe isku bedalay dagaal u dhexeeya Habar-gidir iyo Abgaal. The post Madaxweyne Cali Mahdi oo qirtay inuu hanti dadweyne xaday, kadib maxaa dhacay? first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Addis Ababa)-Israa’iil waxay qorshaynaysaa in ay Itoobiya ka qaado in ka badan 2000 oo ka mid ah Itoobiyaanka Yuhuudda ah ee ku dhaqan gudaha Itoobiya. Raysalwasaaraha Israa’iil ayaa dhigiisa dalka Itoobiya u sheegay in dadkan loo qaadi doono gudaha Israa’iil. Ben Netenyahu ayaa khadka telfanka kula hadlay Abiy Ahmed. Netemnyahu wuxuu sheegay in uu tallaabadan ula danleeyahay si uu uga dhabeeyo ballan qaadkiisii ahaa in uu Yuhuuda Itoobiyaanka ugu qaadi lahaa deegaanada Israa’iil oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku leeyihiin qaraabo. Illaa 250 qof ayaa bilihii uu socday xanuunka Covid-19 loo qaaday gudaha Israa’iil. Sanadkii 1991-kii, markaas oo qaybo ka mid ah itoobiya uu dagaal sokeeye ka bilaabmay, waxay Israa’iil muddo laba maalmood ah ku qaaday in ka badan 14,000 oo ka mid ah Yuhuudda Itoobiyaanka ah. Waxay ballan qaaaday in dhammaan inta hadhay ay rari doonto sanadkii 2015, balse may dhicin. Source
-
Somalia’s money remittance firm Amal Express says it is open to an audit by regulators to prove it has not aided money laundering for purchase of illegal arms. Source: Hiiraan Online
-
Britain has backed Kenya’s cautious stance on withdrawal of Kenya Defence Forces troops from Somalia, saying exit will be dependent on the country’s stability. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda federaalka ciidamo dheeraad ah ay geysay xadka ay la wadagaato Kenya. Ciidamada ayaa waxaa la dhigay xad-beenaadka labada dal, gaar ahaan degmooyinka Beled-Xaawo iyo Mandera, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus. Sidoo kale deegaanada la geeyey ciidamadaas ayaa waxaa horey ugu sugnaa askar ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan kuwii dagaalka la galay wasiir Janan. Bakaal Kooke oo ah taliyaha ciidanka xasilinta gobolka Gedo oo la hadlayey ciidamadaasi ay faray inay xoojiyaan amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nagad-gelyada. Sidoo kale wuxuu amray inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa xadka Soomaaliya oo dhowaan ay isku rasaaseeyeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya. Si kasbata ha’ahaatee tallaabada cusub ee ay qaaday dowladda dhexe ayaa ku soo aadeysa, xilli Kenya ay soo dirtay warqad digniin ah, islamarkaana ay ku sheegeyso inay beegsan doonaan ciidamada Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal. Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxaa ka dhex jiray xiisado xoogan, kuwaas oo ka dhashay kiiska Badda oo weli horyaalla maxkamadda ICJ. The post Sawirro: DF Soomaaliya oo ciidamo badan geysay xadka, kadib hanjabaaddii Kenya first appeared on Caasimada Online.
-
Galka’yo (PP News Desk) — A young man was yesterday evening brutally murdered in a mosque at Israac, a North Galka’yo neighbourhood. Puntland Security officials said the victim, Saeed Mohammed Jama, a taxi driver by trade, was at Abu Hurayra mosque when a young man armed with a handgun had “committed murder and fled the scene”. Murder in Galka’yo: Saeed Mohammed Jama was a hardworking young man who was killed by a gunman still at large. Security forces in North Galka’yo launched investigations into the murder. The Northern parts of the administratively divided city underwent security overhaul several months ago following spate of targeted assassinations against senior and low ranking government employees. “The assassination of a young, hardworking man in a mosque sent shockwaves in the district. In the past assassins attacked victims outside a mosque, not inside” said a local traditional leader. © Puntland Post, 2020 The post An unidentified gunman commits murder in Galka’yo appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in doorashada maamulka uu waqtigeeda ay ku dhacayso, waxaana uu intaas ku daray in aysan jiri doonin wax waqti kororsi ah oo loo sameeyo maamulkaasi. “Dastuurka dowlad goboleedka waxaa uu qorayaa Mandate-ka he’adaha dastuuriga ah ee fulinta iyo sharci dejinta in afar sano yahay, Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabeelle kuma qorna waqti kororsi iyo baarlamaanka waqtigaas jooga in wax loogu daro intaba kuma qorna afarta sano markii ay dhammaanto in doorasho la qabto la cusboonaysiiyo ayuu qorayaa” ayuu yiri. Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Bishii September waxaa la magaacaabay guddigii farsamada ee xulitaanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle, runtii guddigaas waxaa lagu magacaabay si dastuuri ah, waxaan leeyahay guddigaas waa guddi dastuuri ah, waa guddi shaqadii loogu talo galay in ay qabtaan loo idmaday, waxaan leeyahay shaqadiina qabsada” Dhanaka kale Guddoomiye Cismaan ayaa yiri “ Waxaan leeyahay odoyaasha dhaqanka ee saxiixayaasha ah ee soo dhisay dowlad gobleedka Hirshabeelle waxaan ka codsanayaa in ay yimaadaan Hirshabeelle si ay u dhisaan oo ay u soo xulaan golaha, sida uu qabo dastuurka waxaa soo xulayey xubnhii hore doorasho kuma imaanine beelaha ayaa soo xulayey waxaana soo gudbiyey odayaasha” Hadalkan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Waare uu ka horyimid guddiga iyo hawlaha socda, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa [Qaramada Midoobay] ayaa 19-kii December 2011 qaraar ay soo saareen ku asteeyey in sannad walba 11 Oktoobar loo aqoonsado maalinta gabdhaha, waxaanna maalintaasi oo loo aqoonsaday maalin caalami ah, la gorfeeyaa dhibaatooyinka loo gaystay gabdhaha oo ay ka mid tahay kufsiga iyo dilka. Zahra Naaleeye, waxay madax ka ahayd muddo ku dhow 30 sanno mashruuca ka hortagga nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha dalka Nederlands, Sidoo kale waxay u dhaqdhaqaaqdaa ka hortaga tacadiyada loo gaysto haween waynaha caalamka. Zahra waraysi ay siisay shabakadda Somnieuws ee ka faaloota arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalka Nederland, ayeey kaga hadashay arrimo dhowr ah, waxaanna waraysigii la la yeeshay u dhacay siddatan:- SU’AAL: Muddo dheer ayaad madax ka ahayd mashruucan ka hortagga gudniinka gabdhaha, adigoo ka mid ahaa gabdhihii ugu horreeyey ee dalkan yimid burburbkii ka hor, waxaad sawir koobban innaga siisaa sidii ay xilligaasi xaaladdu ahayd iyo sida xaalku iminka uu yahay.? ZAHRA: Waddankaan aniga iyo dadkii ila socday qaxootinimo kuma iman, waxaan u imid inaan shahaadada master-ka “master programme” ku diyaarino markaan wax yar joogay waxaa Soomaaliya ka dhacay dagaalkii lagu riday Dowladdii. markii 90-meeyadii ay waxbarashadii ii dhammaatay waxaa billowday dagaaladii sokeeye, waxaana naga xirmay xiriirkii isgaarsiineed ee dalka, marka maadaama dagaal sokeeye dalkii uu ka dhacay aniga iyo ardaydii ila socotay waxaan dalkan waydiisanay qaxootinimo, kaddib-na waxaa billowday qulqulkii qaxootiga, waxaad moodaa wax waliba in ay ahaayeen silsilado isku xig-xigay. Arrimahan gudniinka markaas ayaa ka shaqo billaabay waxaa igu kafilay waxaa ii muuqatay in ay jirtay baahi xooggan oo loo qabay in dadkii imaanayay loo sheego shuruucda dalka ay ku cusub yihiin, anigu xilligaa fikir fiican ayaa ka haystay arrimahan, waxaan horay ula soo shaqeeyay wasaaradii haweenka iyo ururada xuquuqda haweenka iyo kuwa caafimaadka, dadkii Soomaalida ah ee qaxootinimada dalkan u yimid gaar ahaan hooyooyinka waxaa maskaxdooda ku qafilnaa caaddadii ahayd in gabdhaha la gudo markaas ayaa billowday “orientation” iyo inaan haweenka u bilowno wacyigelin. SU’AAL: Soomaaliya markii la joogay, gabadha haddaan la gudin, weliba generation-adii hore, waa la takoori jiray, dhowr iyo 30-kii sanno ee u dambeeyay markii ay dadka diintu dhacday waa yaraatay gudniinkii gabdhaha, inkastoo weli gabdhaha la gudo, taas ma kuu muuqataa.? ZAHRA: Haweenka Soomaalida ilaa 50-jir xittaa 40 jir aan iraahdo waa wada gudan yihiin, waaya-aragnimada ayaa dadka ku yarayd, gabadha haddii aan la gudin lama guursanaayo, sababtuna waxay ahayd; waxay un iska ahayd caado la iska raacay, waxaa jirta maahmaah duug ah oo Soomaalidii hore hal-hays u ahayd. “Caada la diidaa, carra ALLEEY leedahay” 30-kii sanno ee ugu dambeeyey dardartii iyo xawaarihii uu gudniinku ku socday wuu hakaday, inkastoo oo si xoog leh baadiyaha loogu gudo gabdhaha, haddana caasimada Muqdisho xittaa waxaa la ii sheegay in gudniinku ay caadi ka tahay waxay leeyihiin fircoon ma sameyno, dadka sidaa samaynaya iyaga xittaa daliil diimeed ma hayaan. Dalkan Holland, culimadii ayaa ka hadashay oo dadka ka wacyigelisay in gudniinka fircooniga ah aanu diin wax shaqa ah ku lahayn, waxaa nala mid ahaa dalal dhowr ah oo Afrikaan u badan, waxaa ka hadlay culumaa’udiin isugu jira Marookaan, Turki, Aljeeriya, Tuuniisiya, kuwaas oo dadka u sheegay in aysan ku kadsoomin. ZAHRA: Waxaa la sheegaa in ay jiraan hooyooyin gabdhaha dalkii ama dalal kale ku celiya, halkaas na ku soo guda, kuwaasi maxay mudan karaan.? ZAHRA: Qolyahan “Groen Amsterdam” waxaa la leeyahay dad ayaa la wadaa, weliba Soomaalida ayaa farta lagu fiiqaa, oo waxaa la leeyahay Kenya ama Soomaaliya ayeey gabdhaha geeyaan halkaas ayeey ku soo gudaan, arrintiina wax cadayn sax ah looma hayo oo qof lagu qabtay ma leh, haddii gudniin la soo qaato mar walba Soomaalida un ayaa la soo qaataa, haddii la tuhmo qofka, ee hadhow dambi lagu helo waxaa lagu xukumayaa 12 sanno oo xabsi ah iyo 70 Euro oo ganaax ah, arrintaas marar badan waa ka digay laakiin sidaas oo ay tahay waqtiga kulaylaha gabdhaha waa la wadaa, gabdhuhu marka ay waynaadaan ama hooyo noqdaan dhaqaatiirtii ayaa arkaysa, inkastoo ay yaraatay, haddana Soomaalida waxaan xasuusin lahaa in arrintaani ay faraha ka qaadaan. SU’AAL: Gabdhaha dalkan ku dhashay, ama ku koray iyo kuwa wax ku bartay, ee doonaya in ay soo gaaraan halka aad adigu maanta joogto, maxaad talo ku siin lahayd.? Zahra: Genertion-kii 90kii dalkan yimid iyo kuwa maanta farqi wayn ayaa u dhexeeya, 30 sanno ayaa ka soo wareegtay. Dadkii halkan ku dhashay ama yaraan ku yimid waa dad wax bartay oo dadkooda dhinac ka raacay, annaga waxaan ahayn dad Ingiriis luqad ahaan u yaqaan, oo dalkan waynaan ku yimid, waxyaabaha ay naga qaadan karaan waxaa ka mid ah samirka, iyagu dhaqanka dadkaan ayeey u dhawaadeen. SU’AAL: Inkastoo aad tahay qof ka shaqeeya arrimaha bulshada, haddana waxaa tahay hooyo, waxa jirta in warbixinanno sannadle ah oo ay soo saaraan hay’ado madax-bannaan, kuna saabsan sida ajnabiga dalkan ku dhaqan ay uga faa’ideystaan fursadaha dhanka waxbarashada iyo shaqada ah ee ay dalkan ka helaan, Soomaalidu waxay liiskaasi kaga jirtaa halka ugu hooseeya, maxaa u sabab ah ayay kula tahay.? ZAHRA: Sannad kasta waxaa la soo saaraa warbixinno dhinaca waxbarashada ah, intii hore waa dhaanaa, 5 sanno ka hor meeshii aan joognay hadda ma joogno, haddii aad aragto niveu-ga ilmaheena gaar ahaan gabdhaheena HBO ayaay u badan yihiin, waxaad moodaa inaan soo kabanayno, laakiin waagii hore dib u dhaca waxaa inoo keenay waxay ahayd; waalidkii oo aan afkii aqoon iyo waalidkii oo caruurta ku leh waxaad noqotaa dhaqtar ama injineer iyo caruurtii oo ay ku adkaanayso in ay xaaladaasi wajahaan. Dib u dhaca kale ee na haystaa wuxuu yahay inaan sannad walba kaalimaha hore ka galno dadka ajnabiga ah ee lacagta Cayrta ah qaata, oo waxaa la leeyahay Soomaalidaa u badan dadka cayrta qaata, haddana waxaa nalagu tilmaa Soomaalidu in ay yihiin dad firfircoon oo haddii ay jaanis helaan ka faa’idaysta. SU’AAL: ma ii sheegi kartaa maadaama muddo dheer oo ku dhow 30 sanno aad ka soo shaqeyneysay arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida dalkan ku dhaqan, muxuu noqon karaa Legecy-ga lagu soo xasuusan karo Zahro.? ZAHRA: Ma jirto howl aan keligeey qabtay, mar walba koox ayaan ku shaqayn jirnay, anigu waxaan isu arkaa qof shaqadan u soo dhabar adaygtay, waajibaadkeediina u gudatay sidii ugu wanaagsaneyd, midna xasuuso shaqadan laftigeeda qabashadeeda in loo bareero ayaa ahayd wax adag markii la billaabayay, waxaa laga yaabaa in bulshadii aad u shaqeyneysay laftigeeda ay dhibaato kaa soo gaarto, lagu magac-xumeeyo, lagu masabito, inta badan waxaa ALLE mahadiis ah in dadkii aan la soo shaqeeynay iyo kuwii aan u qidmaynay intooda badan inay ahaayeen dad aan wanaag iyo xushmad kala kulanay, aniga waxaa halku dhigaygu uu yahay samir iyo adkeysi. SU’AAL: Maadaama waqti dheer aad soo shaqeysay adiga iyo saaxiibada aad isku xilliga tihiin, ma ku talo jirtaan inaad fursad siisaan jiilalka cusub, ZAHRA: Horta shaqooyinka aan qabano ma ahan kuwa Soomaali keliya loogu shaqeeyo, aniga waxaan la shaqeeyaa dadyow u dhashay dalal kala duwan, una badan Afrikaan, waxaa ALLE mahadiis ah dadkii na la shaqeyn jirnay iyo kuwa aan tababarnay intuba in qaarkood ay la shaqeynayaan GGD-da. Teeda kale, dad shaqooyinkan tababar ku qaatay ama Soomaali ha ahaadaan ama Afrikaan kale ha noqdaan oo shaqadan qaban kara waa jiraan. SU’AAL: Su’aal kale oo dalkeenii ku saabsan haddaan ku waydiiyo, maxaa u sabab ah ayeey kula tahay in Soomaaliya muddooyinkan ay ku soo bataan gabdhaha inta la kufsado haddana la dilo.? ZAHRA: Waa su’aal meesha ku jirta, dhaqankan waayadan dambe waa nagu soo kordhay oo marar badan ayaan aragnay gabdho yaryar oo kuwa la dilay, kuwa na la kufsaday xittaa saqiiro la fara xumeeyay waa la arkay, waa falal xun xun oo aad looga naxo. Anigu waxaan qabaa falalkan waa jiri jireen, ee isbeddelka waxaa keenay waa warbaahintan Digital-ka ah iyo baraha bulshada oo daqiiqad walba wixii dhaca la soo dhigayo, haddana waxaad arkaysaa in meelaha qaar wixii dhacay si xun loo tarjumayo waayo wax walba inta aadan dhagaha iyo indhaha bulshada u soo bandhigin waa inaad cilmi baaris sameeysaa. Waxaan isku dayay inaan ogaado waxa falalkan soo celceliyay, dadkii markii aan waydiiyey waxay leeyihiin; dhalinyaradu intooda badan waxay isticmaalaan waxyaabo maan-dooriyayaal ah. Dalalkan Yurub xittaa way ka dhacaan waxaas, qof wayn oo caruur yaryar fara xumeynaya, qofkaas wuxuu qabaa xanuun. Waxaa runtii aad ugu xumahay in dhinaca sharciga aan weli qaraar laga soo saarin, 2018 ayaa baarlamaanka la geeyey sharci kufsiga ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Oktoobar waxba lagama qaban. Sheekooyinka aan maqlay waxaa ka mid ah gabadha haddii la kufsado ama la dilo reerkii dhibanaha waxaa u tegaya odayaal ama xildhibaanno arrintii faataxo iyo dhaqan Soomaali ayaa lagu dhamaynayaa, waxaas oo dhan waxaa ka waynaan lahaa haddii uu sharci jiro in sharcigaas qofka dambiga gaystay lagu qaado, qofkii kale ee falkaasi ku dhiiran lahaa cashar ayeey u noqon lahayd. The post Zahra Naaleeye: Soomaalida ayaa farta lagu fiiqaa, waxaa la leeyahay Soomaaliya ama Kenya yey gabdhaha geeyaan first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegay in uusan dhaqan geli doonin qeyb kamid ah heshiiska doorashada Soomaaliya haddii aysan dowladda Soomaaliya ciidankeeda ka soo saarin gobalka Gedo. Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan fulin heshiiskii ay la gashay Jubaland ee arimaha gobalka Gedo, haddii ay dhici weysana aysan dhaqan geli doonin arrimaha heshiiska doorashada Soomaaliya qeybta quseysa Gedo, gaar ahaan doorashada la filayo in ay ka dhacdo Garbohaareey oo xarunta gobalka Gedo. Dooda Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay tahay mid aan meelna ku tiirsaneen islamarkaana aysan dhaqan geli karin maadaama markii horaba heshiisku ahaa mid qarsoodi ah. “Axmed Madoobe waxaa muuqata in loo dhigay qiyaano siyaasadeed sababtoo ah heshiisku ma aheyn mid qoran, beesha caalamku goobjoog kama aheyn sidoo kale ma jirin qof kale oo goobjoog ahaa marka laga reebo saaxibkiisa Deni, waxaana muuqata in aan laga ogolaan doonin diidmo waxaana soo farogelin doono beesha caalamka haddii uu isku dayo,” ayuu yiri Prof. Cabdirisaaq Jimcaale oo kamid ah falanqeeyaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya. “Waa dhici kartaa in isku dhacyo yimaadaan markaas waa macquul in wada-hadallo dib loo galo laakiin hadda iima muuqato meel ay ku tiirsan tahay doodda madaxweynaha Jubaland laakiin markasta doorashada waa ka dhacaysaa Gedo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. Cabdirisaaq. Dhinaca kale, Prof. Cabdirisaaq ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uusan dooneyn in Gedo ay ka soo baxaan ciidanka dowladda ee ku sugan sababo badan aawgood, waxaana jira qorshayaal kale oo ay dowladdu isku dayi doonto haddii ay u socon weyso rabitaankeeda. “Madaxweynaha inuu yahay hoggaamiyaha dalka waxaa u dheer in uu reer Gedo yahay maamulka Jubaland-na waxey shacabka gobalkaas ka tabanayaan dhibaatooyin badan marka ma muuqato go’aan dhow oo Farmaajo ciidan uga soo saarayo gobalka Gedo,” ayuu markale Caasimada Online u sheegay Prof. Cabdirisaaq Jimcaale. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa todobaadkii hore ka digay fashil ku yimaada heshiiska doorashada Soomaaliya ilaa laga dhaqan geliyo is afgaradkii laga gaaray arimaha gobalka Gedo. Wali ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo hadalka Axmed Madoobe ku saabsan, hase yeeshee ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshaha Villa Somalia uusan ku jirin ciidamo laga soo saaro Gedo. Axmed Madoobe ayaa hadda waxaa u furan inuu diido qabashada doorashada Kismaayo oo ah 27 xildhibaan, ama inuu qabto sidoo kalena aqbalo tan Gedo. Haddii uu diido doorashada Gedo u joogsan meyso, waxaana suurta-gal ah in laga dhaqaaqo oo xitaa kuwa Kismaayo lagu qabto Gedo. Waxaa halkan ka muuqata in laga siyaasad badiyey. The post Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga siyaasad badiyey Axmed Madoobe? first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Gaalkacyo)-Dil qorsheysan oo xalay ka dhacay waqooyiga gudaha masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysan Bastoolado ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradoona). Marxuumka ayaa waxaa lagu dhex-dilay masaajidka Abuu Hureyra ee ku yaalla xaafadda Israac ee magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen illo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in kooxihii ka dambeeyey dilkaasi argagaxa leh ee loo geystay marxuumka ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Puntland oo howl-gallo ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay. Siciid Maradoona ayaa caan ka ahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka mid ah taksiilayaasha ka shaqeeya gudaha magaaladaasi. Illaa iyo hadda laga oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday, islamarkaana loo toogtay, iyadoo weli laamaha amnigu ay wadaan baadhitaano dheeraad ah. Ammaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayay dilal iyo iska hor imaadyo dhexmara ciidanka amniga maleeshiyaad hubeysan oo weli ku sugan qeybo ka mid ah magaaladaasi. Source
-
Ciidamada dowladda federaalka ee sugan xuduudka wadanka Kenya uu la wadaago Soomaaliya ayaa saacadihii tagay halkaas kawaday isbalaarin, kadib fariin hanjabaad u muuqatay oo maalinimadii shalay kasoo yeertay dowaladda Kenya oo warbaahinta qortay. Ciidamada oo horay ugu sugnaa dhanka xuduudka Balad Xaawo iyo Mandheera ee Milaratiga oo ay kaabayaan ciidamadii dhowaan halkaas la geeyey ee Danab ayaa isku ballaariyey teerdka xuduudka sida Goobjoog News ay u sheegeen dad ku sugan xuduudka Balad Xaawo. Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo Bakaaal Kooke oo ciidamada kula hadlay xuduudka ayaa kula dardaardaarmay in ay dardargeliyaan xasilinta xuduuda, iyadoo dhwaan Miltariga labada wadan ay isku rasaaseeyeen halkaas. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa muddooyinkii dambe aad xumaa cilaaqaadka ka dhaxeeyo, iyadoo dhowaan dalka laga joojiyey qaadkii ka imaanjiray Kenya, la keenijiray dalka, wolow Doomo soo mara badda ay soo geliyaan Qaadka, kaas lagu kala iibsado magaalada caasimadda ah, iyadoo welina aan xal laga gaarin kiiska Badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawir hore Laba ruux ayaa ku geeriyooday shil gaari oo gelinkii dambe ee Xalay ka dhacay laamiga u dhexeeya Caasimadda Garoowe iyo degmada Dangoroyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen laba nin oo keliya, ayaa ku rogmaday nawaaxiga tuulada Sinujiif oo u dhexaysa degmada Dangoroyo iyo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Shilka waxa ku dhintay labadii nin ee gaariga watay, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qudde, waxaana gebi ahaanba burburay gaariga rogmaday. Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso oo ah mid kor u dhisan, islamarkaana meelaha qaarkood saddex mitir dhulka ka sarreeya ayaa khasaarihiisu bataa mar kasta oo shil gaari ka dhaco. Sidoo kale, waxa jirta in burburka meelaha qaarkood laamigaas gaaray uu sababo shilal kala duwan oo ka dhaca gaar ahaanna xilliyada roobka. PUNTLAND POST The post Shil Khasaare gaystay oo ka dhacay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Puntland lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka. Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay inay marxuumka dileen xilli uu ku sugnaa gudaha masjidka Abuu Hureyra ee magaaladaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Siciid Jaamac Kulan (Siciid Maradona), kaas oo la sheegay inuu ahaa Taksiile caan ka ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in kooxihii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Laamaha amniga ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale saaka wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkaasi. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan. View the full article
-
Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka ayaa xiray qaar ka mid ah jidadka caasimadda oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha. Meelaha la xiray waxaa ka mid ah isgoysyo badan oo ku teedsan wadada Maka Al-Mukarrama sida, Banaadir, Soobe, Taleex, Tarabuunka iyo kuwa kale. Askarta Booliiska ayaa ka celinaya jidadkaasi gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoona ay dadku isticmaalayaan cagahooda. Lama oga ilaa iyo hadda sababaha rasmiga ah ee loo xiray wadooyinkan, mana jiro wax ogeysiis ah ama war-gelin ah oo ay bixiyeen laamaha ammaanka Soomaaliya. Inta badan ciidamada dowladda ayaa xira jidadka marka ay shirar muhiim ah ka dhacayaan Muqdisho ama caasimadda ay imaanayaan wufuud culus. View the full article
-
Waxaa saaka weli xiran qaar kamid ah woddooyionka magalaada Muqdisho, gaar ahaan Maka Almukaraba qeybo kamid ah, sida ay inoo sheegeen dadka shacabka ah. Maka Almukarama ayaa xiran inteeda badan, dadayaana lugeynayo wadaas, oo ah midda ugu mashquulka Badan gudaha magaalada caasimadda ah. Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray maalintii shalay aheyd oo aas qaran loo samaeynayey Ra’iisalwasaarihii hore Cali Khaliif Galeyr,oo lagu aasay caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-11102020.mp3 View the full article
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, Ibraahim Cumar Qaasim. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Wasiirka, oo ku taariikhaysan 10/10/2020, ayaa xilka looga qaaday Guddoomiye Ibraahim Cumar Qaasim, kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye u magacaabay Aweys Cabdullaahi Cumar. Wasiirka ayaa sidoo kale faray Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye iyo Shacabka in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii halkaas lagu dilay wiil dhallinyaro ahaa oo kamid ahaa dhallinta magaalada sidaweyn looga yaqaanno. Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay dhanka Woqooyi ee magaalada ee Puntland, marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu toogtay wiil dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad xili uu kasoo baxay masjidka Abuu Hureyra. Marxuuka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Kulan (Siciid Manadona), waxaana la sheegay inuu kamid ahaa dhallinta Taxsileyda ah, ee ka shaqeyso magaalada Gaalkacyo iyo Magalaada Garowe ee gobolka Nugaal. Ninkii dilka geystay ayaa si deg deg ah goobta isga baxdasay kadib markii uu toogtay Siciid, ciidamada Booliska Puntland ayaa soo gaaray masjidka , waxaana ay bilaabeen baaritaanno, wolow aan la sheegin cid lasoo qabtay. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal iyo qaraxyo kuwaas oo lala beegsaso mas,uuliyiin iyo ciidamo katirsan maamulka Puntland, maamulka ayaana sheegay in badan in ay ka qabanayaan amni darrada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The world marks the International Day of the Girl Child on Sunday, during a year in which a global pandemic and subsequent economic downturn has created further challenges for girls. Source: Hiiraan Online
