-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booliska waddanka Austria ayaa weli waxa uu baadigoobayaa ugu yaraan hal qof oo eedaysane ah kaddib markii dhowr toogasho ay ka dhacday bartamaha magaalada Vienna ee caasimadda waddankaasi. Laba qof ayaa dhimatay 14 qof oo kalana waxaa lagu dabiibay isbitaalka kaddib markii dhowr nin oo boobayaal watay ay rasaas ku fureen lix goobood oo kala duwan. Weerrarada ayaa waxa ay bilowdeen abaare 8-dii fiidnimo ee xalay kaddib markii nin aad u hubaysan uu rasaas ku furay dad bartamaha magaalada Vienna ku qaxwaynayay, gaar ahaan meesha loo yaqaan Bermuda Triangle. Laba qof oo rayid ah ayaa illaa hadda la ogyahay inay dhinteen iyadoo in ka badan 10 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaal magaalada Vienna, dadkaas oo laga dabiibayo dhaawacyada ay rasaastu soo gaarsiisay. PUNTLAND POST The post Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay dalka Austria appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed ka hadlay arimo xasaasiya & Dad la xasuuqay Dad tiradooda lagu sheegay wax ka badan 100 ruux ayaa lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya. Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo Coodanka Xoreynta Oromada. Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka ay kasii socdaan dalka Itoobiya, wuxuuna cadaadiska kusii kordhayaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka. Xafiiska Abiy ayaa tacsi u diray ehelada dadkooda la laayay. Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka lagu dilay ay dhammaantood kasoo jeedeen qowmiyadda Amxaarada. Qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bogga uu xafiiskiisa ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku yidhi: “Waxaan aad uga murugsanahay weerarka loo geystay dadka reer Itoobiya ee salka ku haya heybta”. “Cadowga Itoobiya way sii bateen iyagoo dhahaya ‘wax baan xukumi doonnaa, kuma noolaad doonno waddan’ dadaalkooda oo dhanna arrintaas ayey isugu geynayaan. Ujeedooyinkooda waxaa ka mid ah inay dhib u abuuraan dadkeenna.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa. Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Tirada rasmiga ah ee dadka la laayay lama xaqiijin karo, hase yeeshee dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay kor u dhaafayaan boqol qof. Dowlad goboleedka Oromada ayaa maanta soo saartay bayaan ay falkaas dhacay galinkii dambe ee Axadda ugu qeexeyso “ficil argagixiso”. Afhayeen u hadlay maamulka Oromia, oo lagu magacaabo Getachew Balcha, ayaa BBC-da u sheegay in weerarradaas ay ka dambeeyeen dad jabhad ah oo ka goostay garabka hubeysan ee xisbiga mucaaradka Oromada. Koox xaqiiqo raadin ah ayaa loo diray degmada Guliso – oo ah goobta ay dilalka ka dhaceen – si ay usoo qiimeeyaan inta ay dhibaatada dhacday gaadhsiisan tahay. Laakiin tirada dhimashada ayaa laga yaabaa inay inta la qiyaasayo ka badan tahay, sida uu sheegay Getachew. Warbaahinta dowladda ee luuqadda Amxaarada – oo ah tan labaad ee ugu caansan dalka Itoobiya – ayaa soo tabisay in dadka falkaas geystay ay 200 oo ruux meel isugu geeyeen, ka hor inta uusan weerarka dhicin. Tobannaan guri ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay, sida lagu soo warramay. Labadii bilood ee lasoo dhaafay, dad badan oo rayid ah ayaa lagu dilay qalalaase qowmiyado ku saleysnaa oo ka dhacay dalka Itoobiya. Abiy oo ka qeybgalaya dhoolatuska ciidanka gaarka ah Xiisado ayaa billowday markii dib u dhigis lagu sameeyay doorashadii la filayay, sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee corona. Mudaharaadyo ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo qeybo kale oo ka mid ah waddankaas ayaa lagu muujinayay carada laga qaaday go’aanka dowladda loogu oggolaaday inay xilka sii haysato waqti aan loo cayimin. Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Tigray-ga ayaa cadaadiska ugu adag saaraya Ra’iisul Wasaaraha kasoo jeeda qowmiyadda Oromada. Abiy, ayaa awoodda dalka qabtay ka dib muddo 3 sanno ah oo ay socdeen dibadbaxyo ay hoggmaaminyeen qowmiyadda Oromo. Ra’iisulwasaarah oo ka soo jeeda qowmiyaddan, ayaa isku dayey inuu horseedo isbadello badan, isagoo heshiis nabadeed la sixiixday dalka dariskooda ah ee Eretariya. Isbadelladan ayaa soo jiitay malaayiin maalgashadeyaal ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka bariga dhexe. Qaran News
-
Kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidanka sida gaarka ah utababaran kumaandooska soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Sablaale ee gobolka shabeelada hoose ayay ku dileen sarkaalkii Al-shabaab uqaabilsanaa Jubbooyinka iyo toban dagaalme oo la socday. Ciidanka kumaandooska ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen guri ku yaala degmada Sablaale, islamarkaana halkaasi ku toogtay sarkaalka iyo ilaaladiisa. Sarkaalka ay dileen ciidanka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad dheere) kaasi oo Al-shabaab uqaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan wilaayaadka Jubbooyinka ama gobolada Jubbooyinka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kumaandooska Somalia. Kumaandooska Somalia ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee lagu beegsanaayo Saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa appeared first on Puntland Post.
-
Ciyaartoy faqri ku soo koray oo u istaagey inuu caawiyo carruurta Ciyaartoyga kooxda Manchester United, Marcus Rashford, wuxuu olole ugu jiraa in dowladda UK ay raashin siiso carruurta baahan ee waddanka Weeraryahanka kooxda Manchester United, Marcus Rashford, hadda wuxuu isbuucii qaataa lacag dhan $250,000, laakiin wuxuu kusoo koray faqri wuxuuna noqday qof u ololeeya la dagaallanka saboolnimada. Dhawaan wuxuu dhaliyay gool yimid daqiiqaddii 87 oo uu shabaqa ku taabsiiyay ciyaar ka tirsaneyd tartanka Champions League-ga, laakiin islamarkiiba Rashford maskaxdiisa waxay ku mashquulsaneyd wax aad uga duwan kubadda cagta. Kaddib markii uu u dabaal dagay ciyaartii ay kooxdiisa 2-1 uga guuleysatay kooxda Paris Saint-Germain, 22 jirka weerarka uga ciyaara Manchester United wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray hadallo ku saabsanaa siyaasadda. Markii hore sawirro ku saabsan goolkiisii guusha ayuu soo dhigay Twitter-ka, laakiin durbadiiba wuxuu soo qoray: “Haddii aad wax ii sameyneysid caawa ii saxiix ololaha,” isagoo markaas ula jeeday ololihiisa ku aaddan sidii cunto bilaash ah loo siin lahaa carruurta iskuullada dhigata. In ka badan 1 milyan oo ruux ayaa ololahaas saxiixay, waxayna taasi u sahleysaa ciyaartoygan inuu dowladda ka dhaadhiciyo ujeeddadiisa. Waddanka uu ku dhashay ee UK waa dalka lixaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, laakiin sidaasoo ay tahay waxaa ku nool 4.2 milyan oo carruur sabool ah – taasoo ka dhigan in waalidiintooda aysan awoodin inay siiyaan raashin ku filan, dhar iyo hoy – sida lagu xusay tirakood rasmi ah oo ay dowladdu sameysay.. Tiradaas waxay muujineysaa in 30% carruurta ku sugan UK ay baahan yihiin, waxaana laga yaabaa inay sii bataan oo hal milyan oo kale ay kusii darsanto ilaa sanadka 2022-ka. Saboolnimada waxay aad u saameysaa carruurta kasoo jeedda qoysaska bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo kuwa hal waalid kaliya uu koriyo. Markii uu yaraa ciyaartoyga Manchester United, Marcos Rashford, labadaas arrimoodba way isugu darsameen. Qiyaastii 1.3 milyan oo ka mid ah carruurta UK ayaa cunto bilaash ah lagu siiyaa Iskuullada Inkastoo maanta uu ciyaartoygan taajir yahay, haddana wuxuu kusoo koray faqriga magaalada Manchester, wuxuuna ka mid yahay shan carruur ah oo ay soo korisay hooyadood Melanie kaligeed. “Waan garanayaa baahi waxa ay tahay,” ayuu yiri mar uu BBC-da la hadlayay horaantii sannadkan. Wuxuu in muddo ahba waday sidii uu uga hortagi lahaa in carruur kale ay soo maraan noloshii ay qoyskiisa soo mareen iyo sinnaan la’aanta. Caawinaad Rahsford iyo walaalihiis waxaa waxbarashada looga bixiyay lacago ay bulshada iska aruuriyeen. Marcus wuxuu dhigtay iskuul hoose dhexe oo ku yaalla magaalada Manchester, halkaasoo 28.1% ka mid ah carruurta wax ka barata ay cunto bilaash ah helayeen guud ahaan sanadkii 2019-kii, sidii uu isagaba uga heli jiray. Hooyadiis, oo shaqadeeda ay ahaan jirtay maqal-haye, waxa culeys badan kala soo kulantay korriimadooda. Laakiin xirfadda uu wiilkeeda yeeshay ayaa noloshooda sare u qaadday ugu dambeyn. Waxay maamulka kooxda Manchester United ka dhaadhicisay inay aqbalaan in wiilkeeda uu ku biiro carruurta loo tababaro kooxdaas, isagoo markaas ay da’diisu ahayd 11 sano. Waa laga oggolaaday codsigeeda, inkastoo markaas da’da ugu yar ee la qaadanayay ay ahayd 12 sano jir. Arrintaas waxay Rashford u sahashay inuu helo hoy u dhow xarunta tababarka. Rashford described his mother’s struggle to feed five children on her sole income Intaas wixii ka dambeeyay waa taariikhdiisa dhinaca kubadda cagta ee heerka sare gaadhay, taasoo gabi ahaanba hilmaansiisay noloshii adkeyd. Go’aan ka noqoshadii dowladda Waddanka England, qiyaastii 1.3 milyan oo carruur ah ayaa helayay cunto bilaash ah oo lagu siinayay iskuullada sanadkii 2019-kii. Tiradaas waa 15% ka mid ah carruurta dhiga dugsiyada dowladda. Balse bishii June ee sanadkan, xilli uu heer aad u sarreeya gaadhay cudurka Covid-19, saameyn ba’anna ku yeeshay dhaqaalaha, Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku dhawaaqay in dowladdu aysan cunto bilaash ah siin doonin qoysaska saboolka ah xilliga xagaaga ee fasaxa lagu jiro. Olole uu horkacayay weeraryahanka Manchester United oo laga sameeyay baraha bulshada ayaa dowladda ku khasbay inay go’aankaas ka noqoto. Rashford waxaa arrintaas lagu guddoonsiiyay abaalmarinta MBE oo uu ku muteystay sida uu u garab sitaagay carruurta baahan. Hase yeeshee 21-kii bishii October, baarlamaanka UK, oo uu aqlabiyad ku leeyahay xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa cod ku diiday qorshe lagu doonayay in barnaamijka raashinka bilaashka ah ee carruurta waqtigiisa la kordhiyo ilaa bartamaha sanadka 2021-ka. Hal isbuuc ka hor, dowladdu waxay sheegtay in Iskuullada aysan ku khasbaneyn inay carruurta raashin siiyaan waqtiga lagu guda jiro fasaxa. Rashford wuxuu tallaabadaas uga fal celiyay canbaareyn adag oo uu u jeediyay. “Turi badan oo carruur ah ayaa caawa seexanaya iyagoo baahan oo waliba dareemaya inaysan waxba ahayn kaddib hadalladii maanta la jeediyay,” ayuu Rashford kusoo qoray bartiisa Twitter-ka oo ay ku taxan yihiin 3.5 milyan oo ruux. Garabka waaxda cuntada Melanie Rashford waxay Manchester United ka dhaadhicisay inay wiilkeeda tababar u qaataan isagoo ka yar da’da ay aqbalaan Hase yeeshee, go’aankii kasoo baxay baarlamaanka waxaa daba socday dhawaaq kasoo yeeray golaha wakiillada deegaanka, makhaayadaha iyo dhammaan meheradaha cuntada ee waddanka oo sheegay inay raashin bilaash ah ugu deeqayaan carrurta nugul. Bishii September, Rashford wuxuu suuqyada waaweyn ee waddanka ku hoggaamiyay olole dowladda looga codsanayay inay kordhiso dhaqaalaha ay ku bixiso howlaha la dagaallanka saboolnimada iyo raashinka la siiyo carruurta UK. Sidoo kale wuxuu abaabulay dhaqaale aruurin shirkado ka qeyb qaateen oo carruurta iskuullada loogu helay $25 milyan oo doolar. Howshiisa dhinaca kubadda cagta ee xilli ciyaareedka 2020-21 wax saameyn ah kuma aysan yeelanin waxyaabaha kale ee uu ku mashquulsan yahay. Ilaa hadda waxaa lagu ammaanayaa in heerkiisa ciyaareed uu sare u sii kacay, rajo fiicanna laga muujinayo xirfaddiisa. Qaran News
-
Booliska wadanka Tanzania ayaa xabsiga dhigay hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in uu huriyay muran ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday. Freeman Mbowe ayaa la laxiray ilaa iyo laba hogaamiye oo kale kuwaas oo iyagana ku eedaysan hurinta dibad baxyo rabshado wato sida ay sheegayaan Booliska. Mucaaradka dalka Tanzania aayaa diiday in ay aqbalaan doorashadii todobaadkii hore ka dhacday dalkaasi taas oo sy ku sheegeen in ay ahahd mid lagu shubtay PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania oo xabsiga loo taxaabay appeared first on Puntland Post.
-
Earlier this month, reports emerged that U.S. President Donald Trump had asked his senior advisors to devise a plan for the withdrawal of the 650 to 800 U.S. forces stationed in Somalia. This directive cast a striking contrast with Trump’s prior track record of supporting the expansion of U.S. military involvement in Somalia. For example, in March 2017, Trump approved a Pentagon proposal to expand the scope of U.S. airstrikes against al-Shabab in central and southern Somalia. In 2019, the United States carried out 63 airstrikes on al-Shabab targets. Between January and May this year, it conducted 40. That’s a drastic increase from the 14 strikes that U.S. President Barack Obama authorized in 2016. Trump’s about-face might well be electoral theater, not an indication of real policy shift. After all, the president announced the drawdown of 2,200 U.S. troops from Iraq in September and recently pledged to withdraw all U.S. forces from Afghanistan by Christmas. Nevertheless, senior Somali and Kenyan officials immediately expressed alarm at Trump’s willingness to even entertain the idea of U.S. withdrawal. Shortly after the directive was made public, Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed emphasized the central role the U.S.-Somalia partnership plays in stabilizing the Horn of Africa. On Oct. 18, Kamau Macharia, Kenya’s former ambassador to the United Nations and current foreign-affairs principal secretary, opined that a U.S. exit “will worsen the already fragile situation in the country.” These expressions of concern are well founded. A U.S. withdrawal from Somalia could strengthen al-Shabab and leave the Somali Armed Forces without a reliable external partner on counterterrorism. The abdication of U.S. leadership could also create opportunities for China and Russia, and increase Somalia’s vulnerability to the destabilizing ambitions of regional powers in the Middle East. In spite of frequent U.S. counterterrorism strikes in Somalia, al-Shabab’s capacity for destruction has steadily grown. The group’s terrorist activities have resulted in at least 4,000 civilian deaths in the country since 2010, and more than 3,000 of those deaths have come since 2015. As Somalia’s presidential elections, which are scheduled for early 2021, draw nearer, al-Shabab has carried out more frequent strikes on civilians. On Aug. 16, for example, it took control of the beachside Elite Hotel in Mogadishu, killing at least 10 civilians. In the week from Sept. 11 to Sept. 18, al-Shabab carried out more than a dozen attacks. The terrorist organization has also crowded out rival groups in Somalia, and it is aligned with al Qaeda. An abrupt U.S. withdrawal from Somalia could help al-Shabab achieve its goals of territorial expansion in Somalia and spreading its reach across borders. So far, the U.S. military presence has prevented al-Shabab from capitalizing on Somalia’s intraregional divisions, which cause the Somali Armed Forces to divert scarce resources towards fighting regional militias. U.S. training has also helped the Somali special forces achieve notable military successes against al-Shabab, such as the liberation of towns in the Lower Shabelle region over the past month. Meanwhile, there is the rest of the region to consider. On Jan. 5, al-Shabab attacked a U.S. base in Manda Bay, Kenya, killing three Americans. The severity of al-Shabab’s threat to Kenya’s security reportedly motivated the U.S. Department of Defense to consider carrying out drone strikes in there, but the idea was rebuffed by the country’s president, Uhuru Kenyatta. Al-Shabab also poses a long-term risk to the security of Uganda and Tanzania, and it has even deployed mercenaries to train Ansar al-Sunna militants in northern Mozambique. Given al-Shabab’s transnational reach, a U.S. withdrawal from Somalia could precipitate a broader collective security crisis in eastern Africa. The risks of al-Shabab’s expansion are compounded further by the probability that the Somali Armed Forces could find themselves without an external partner that can fill the shoes of the United States. Although France backed Kenya’s efforts to combat al-Shabab in Somalia in 2011, it remains overwhelmingly focused on stemming the rising tide of political violence in the Sahel. Britain trains Somali National Army personnel in the southwestern Somali city of Baidoa. However, Britain lacks experience carrying out U.S.-style drone strikes against al-Shabab. As France and the United Kingdom are unlikely to fill the void, the Somali National Army could appeal for increased support from the African Union (AU), which has 21,000 troops in Somalia. However, the AU’s commitment to military intervention in Somalia is uncertain. Since 2017, the union has called for the handover of counterterrorism responsibilities to the military, and in October, the AU reiterated its plan to withdraw militarily from Somalia in 2021. That means Somalia could face a double shock of a U.S. and AU military drawdown at a time when al-Shabab is ascendant. A U.S. withdrawal from Somalia could also have far-reaching geopolitical implications. China, Russia, and Middle Eastern regional powers are likely beneficiaries from a U.S. departure. China has close relations with Somalia and is concerned about rising instability in the Horn of Africa. In February, al-Shabab attacked a Chinese construction crew on Kenya’s Lamu-Garsen road, and a U.S. withdrawal from Somalia could increase the frequency of these attacks. Chinese state-aligned private security companies are exploring commercial opportunities in Ethiopia and Djibouti, and Beijing could deploy private security contractors to defend its infrastructure investments from al-Shabab. Via its naval base in Djibouti, China could also deepen its maritime security cooperation with U.S. partners, such as Saudi Arabia, who are concerned about al-Shabab’s threat to Red Sea commercial activity. These actions could give China an advantage in its competition with the U.S. for hegemony over the Red Sea. Unlike the United States, China has not devised a counterterrorism strategy for Somalia and has focused exclusively on protecting its own commercial interests. China’s narrow interests could force the Somali Armed Forces to fight alone in tracts of central and southern Somalia where the Belt and Road Initiative does not cross. Russia could also see its influence expand in the event of a U.S. withdrawal from Somalia. Since 2016, Somalia has asked Russia for counterterrorism assistance against al-Shabab, and would likely renew these requests if the United States departs. Although Russia does not wish to send its military there, it could view a U.S. exit as a window of opportunity to establish a naval base in the Horn of Africa. In January, U.S. Department of Defense officials stated that Russia had designated the port of Berbera in Somaliland, a self-declared state within Somalia, as the ideal location for such a base. The United States previously thwarted Moscow’s ambitions of establishing one in Djibouti, so Russian officials could view a U.S. withdrawal from Somalia as an opportunity to enter the international competition for Red Sea facilities. A U.S. withdrawal from Somalia would also remove a vital check on the destabilizing conduct of the United Arab Emirates, Qatar, and Iran in Africa. The UAE has backed separatist movements in Somaliland and Puntland, as it seeks to expand its leverage over critical ports in both regions and counter Turkey’s rising influence in Somalia. Iran has allegedly provided assistance to al-Shabab, while Qatar’s interference in Somalia’s internal politics has exacerbated corruption and poor governance in the country. Given a U.S. departure, Somalia could become, like Yemen or Libya, a battleground for influence between all four countries. Although the many risks associated with an immediate U.S. withdrawal from Somalia make Trump’s proposal ill-advised, the alternative of a U.S. “forever war” in Somalia is equally problematic. Even though the United States was expected to hand over security responsibilities to the Somali National Army in 2021, Africom stated in March that U.S. training efforts for Somalia’s Danab (Lightning) Brigade would last until 2027. In order to eventually complete a safe withdrawal, the United States needs to strike a middle ground between Trump’s and the Pentagon’s preferred policies on Somalia by incrementally shifting burdens to the African countries that are most acutely threatened by al-Shabab. The recent improvement in U.S.-Kenyan relations, which resulted in the announcement of free trade negotiations in early July, should facilitate Nairobi’s expanded participation in U.S. counterterrorism operations in Somalia. The United States should revive the cooperation with Tanzania seen during the Obama and George W. Bush administrations, and endorse ad hoc regional security initiatives, such as the Somalia-Ethiopia-Eritrea trilateral summits on counterterrorism which began in January. If African countries are better equipped to fight al-Shabab, the United States will be able to orchestrate a phased withdrawal from Somalia at the appropriate time and avoid the security crises that would accompany Trump’s plan. Although it is uncertain whether Trump will follow through on his plans to end U.S. counterterrorism operations in Somalia, the risks associated with an abrupt U.S. withdrawal doing so unwise. As Somalia prepares for presidential elections in 2021, the U.S. needs to devise a new strategy to counter al-Shabab which extends beyond the binary of forever war or immediate withdrawal that polarizes Washington. Regardless of whether Trump or former Vice President Joe Biden prevails on Nov. 3, terrorism and instability in Somalia will present major challenges for U.S. officials in the months ahead. Samuel Ramani is a nonresident fellow at the Gulf International Forum and a doctoral candidate in Politics and International Relations at St. Antony’s College, University of Oxford, specializing in post-1991 Russian foreign policy. Twitter: @samramani2 The post Trump’s plan to withdraw from Somalia couldn’t come at a worse time first appeared on Caasimada Online.
-
Mudo xileedka mudanayaasha baarlamaanka labada aqal ayaa maraya heer gabo gebo ah, waxaana la isu diyaarinayaa doorashada baarlamaanka 11-aad ee Somalia oo lagu heshiiyay inuu noqon doono mid ku saleysan nidaamka 4.5 murashax walbana uu kursiga u raadsanaayo deegaan doorashadiisa. Hadaba, waxaan qormadaan ay noqon doontaa mid bidhaamisa xildhibaanada Soomaaliyeed, inagoo marba kasoo qaadan doono deegaan doorasho iyo qaab qabiileedka Soomaalida wax u qeybsado. Waxaana qormadaan ay dul istaagi doontaa xildhibaanada beelweynta Abgaal Ismaan oo leh kuwo muuqda iyo kuwa aan muuqanba. Xildhibaanada beesha Abgaal ee aqalka hoose iyo sare, waxaa ku fadhiyo xildhibaano ku kala duwan dhinaca aqoonta, damiirka, siyaasadda, waxqabadka iyo kuwo hurda oo moogayaal aan la moogeen, danahoodana ku ilaalsada kursiga xildhibaanimo iyo xasaasanada uu leeyahay. Qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Halka qaar kale siyaasadda wax uun ay ka fahansan yihiin. Xildhibaanada qaar ayaa dantooda ah inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac iyo mansab siyaasadeed. waxqabadkoodana ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah. Bal aan eegno, mudanayaasha beeshaan madasho iyo waxqabadkooda, iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo bulshada dhexdeeda. Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, wuxuu baarlamaanka nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo, wuxuu markii danbe ahaa wasiir ka dhex muuqday xukuumaddii dhacday ee Kheyre, xilkiisana ku waayay saaxiibtinimadii Kheyre. Wuxuu lahaa awood buuxda oo xukuumadii hore, waa ganacsato meel walba lug kula jira, xilkiisa shaqsi ahaan wuu ka faa’iideystay haddey ahaan laheyd arrimahiisa gaarka iyo ganacsigiisa, wuxuu leeyahay shirkadd ku xeran AMISOM oo ka howlgasha Xalane iyo ganacsiyo kale, ma jirto waxqabad muuqda iyo horumar uu gaarsiiyay deegaanka uu madalo, marka laga reebo inuu tabcaday hanti iyo shaqsiyaad gaar ah oo uu ku beeray wasaaradii uu xukumayay ee amniga, beeshiisana waxay u aragtaa in xilkiisa lagu khasaaray deegaankiisana ka war qabin. Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, waa ganacsade da’yar 30 jir milyanaar ah, wuxuu leeyahay hotelka caanka ah ee Elite, wuxuu ahaa saaxiibadii ku dhowaa Xasan Sheekh, isagoona soo noqday wasiiru dowlihii maaliyada ee dowladdii Xasan Sheekh, halkaasi oo la is leeyahay inuu ku noqday 30 jir milyanaar ah. Marka ay timaado masiibo iyo dhibaato wuxuu boqolaal kun ugu deeqaa hadba meesha masiibada ka dhacday, laakiin ilaa weli ma jirto goob waxbarasho ama caafimaad oo uu ka hirgeliyay deegaankii laga soo doortay, wuxuuna miisaan culus uu ku leeyahay baarlamaanka marka ay timaado doodaha iyo mucaaradnimada dowladda ee xiligaan. C/qaadir Cosoble, waa siyaasi, ganacsato ah, xildhibaanada ugu muuqda baarlamaanka, wuxuu dhowr mar isu soo sharxay xilka madaxtinimada isagoo helay codod uu ugu gudbay wareega labaad, waa mucaarad aan la gamban fikradiisa, wuxuuna xilkiisa xildhibaano ay tahay ila meereeyso oo wax horumar ah oo muuqda uu deegaankiisa ku hormariyay ma jirto, marka laga reebo inuu dhaliilo dowladda iyo inuu ka dhex muuqdo xisbiyada siyaasadeed ee doonaya in dalka hoggaanka u qabtaan. Senator Muuse Suudi Yalaxow, waa hoggaamiye afkaartiisa cad yihiin, wuxuu si cad oo gambasho laheyn fakaarayaasha ugu sheegaa mab’da’iisa iyo in lugta la haysto horumarka bulshada uu madalo, gaar ahaan waa hoggaamiye u dooda xuquuqda dadkiisa leeyihiin, laakiin waayay garab, wuxuu si cad u sheegaa in beesha uu ka dhashay ee Abgaal hoggaan xumida haysa awgeed aysan jirin in la isku duubnaado, waana xildhibaanka kaliya ee beeshiisa horumar la doonayo. Xildhibaan Saadaq C/kariin, waa xildhibaan laga soo doortay Galmudug oo beesha Abgaal, waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa Agaasimihii madaxtooyada ee xiligii Xasan Sheekh oo ina adeer ay yihiin, waa mooge aan la moogeyn, magac u yaal ah oo aan muuqan, beesha uu ka dhashayna ay karaahiyeysatay mudada afarta sano ee uu xilka ku fadhiyo, waxayna ku shalaaynayaan ergadii dooratay eexdii ay ka eenden ninkii la tartanmayay ee C/llaahi Cali Xasan maxaa codkeena ugu hiilin weynay, waa xildhibaan albaabada dadkiisa ka xertay, kana warqabin deegaankii laga soo doortay. Caddow Cali Gees, waa xildhibaan Ganacsade ah oo aan ku mashquulin siyaasadda, wuxuu ganacsigiisa gaarsiisan yahay ilaa Dubia, sababta uu baarlamaanka u galayna waa in uu xasaanad ku helaa iyo in ganacsigiisa ku ilaashada, wuxuu qandaraasyo ka haystaa xarunta AMISOM ee Xalane oo dhaqaale xoogan uu kasoo galaa, beeshiisa waxay ka aaminsan tahay in lagu khasaaray, hase ahaatee hadda uu tolkiisa u sheegay in uusan isa soo sharxi doonin, fursadana cid kale uu siin doono. Dr. Mina Xasan Shibis, waa ganacsato, waxay leedahay hotelka Global ee degmada Shibis ku yaal, waa xildhibaanad qunyar socod ah oo siyaasaddana ku dhiban, laakiin ciyaarta hadba meeshii muuqata inay ka muuqato jecel, waxaa lagu eedeeyaa inay tolkeeda albaabada ka xiratay, waxna ka qaban weyday dhibaato baahsan ee deegaan doorashadeeda ka taagan, colaad, abaar, waxbarasho la’aan iyo caafimaad xumo, intaasina aysan warba u heyn, waxayna tolkeeda ku tuceysanayaan in illaahey wax ka qeyr badan ugu badalo doorashada danbe. Xildhibaan Yusuf Kabaale, oo Hirshabeele laga soo doortay, cid ka war haysa inuu xildhibaan yahay iyo in kale ma jirto, waayo siyaasadda uma bisla, kamana muuqda saaxada siyaasadda iyo baarlamaanka, wax muuqda oo uu deegaankaasina ka qabtay ma jirto, inkastoo xasilooni amni ay hortaagan tahay. C/qaadir Carabow wuxuu ka mid yahay xildhibaanada ugu da’da yar baarlamaanka Somalia, horay weligii siyaasad uma gelin baarlamaanka ka hor, hase ahaatee waa xildhibaan dhiiran oo galgal badan, waxaa xildhibaanka kallya ee dhalinyarada dadka uu madalo u heelan, inkastoo aan aqoon u laheyn, haddana aabihii ayaa aqoon u leeyahay oo uu ii ahaa macallinkeygii dugsiga sare ee Umul Quraa 95-kii. Waa Xildhibaan u taagan inuu dhibaatada dadkiisa la qeybsado, kuwa codkooda meel sare gaareyna u hiiliya. Senator Maxamed Amiin, Senator Samsam Dahir iyo Xildhibaan Sahro Cumar Maalin waa saddax xubnood oo aqalka sare iyo aqalka hoose ka tirsan, waa mudanayaal aan ka dhex muuqan hay’adda ay ka tirsan yihiin, inkastoo ay kala siman yihiin eedaha iyo ceebaha xildhibaanada kale ee howshii loo igmaday gebay. Hadda, xildhibaan walba marka laga reebo Caddow Cali Gees waxaa ham ugu jiraa inuu dib usoo laabto dadkoodii ay dayaceena ay cod ka helaan, hase ahaatee doorashada Somalia oo la og yahay xaalkeeda waa suuragal ah in inyar oo ka mid ah ay dib usoo laabtaan iyagoo adeegsanaayo jeebkooda, waase ku doqonimo in kan ku dooranaya xaalada jirta. Ali Muhiyaddiin – Waxaad kala xiriiri kartaa: muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Xildhibanada Abgaal: Mooge-yaasha aan la moogeyn first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah ugu yeeray maamulka gobolka Banaadir, kaasoo ku qabsoomay xafiiska Rooble, waxaana looga hadlay dhibaatada roobabka iyo biyaha xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in si deg deg ah wax ugu qabtaan dhibaatada roobabka iyo wadooyinka biyaha xiray, isagoona sidoo kale amray in la caawiyo dadka barakacayaasha ah ee roobabka waxyeeleeyeen. “Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.” ”Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay” Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku amray in dadka caasimada ku cool la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, si ay u dareemaan in canshuurtooda wax loogu qabto. Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa aad u saameeyay roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka degay magaalada, iyadoo wadooyinka ay xirmeen, xaafadaha qaarna loo kala gudbi karin. Dadka Muqdisho ayaa si joogto ah u bixiya laçago canshuur ah oo bil walba laga qaado guryaha iyo goobaha ganacsiga, lamana oga halka ay ku baxdo, mana haystaan adeeg waxbarasho, caafimaad iyo mid nadaafadeed. The post Daawo: Rooble oo amar deg deg ah siiyey MAAMULKA Gobolka Banaadir + Sababta first appeared on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100 qof oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada ayaa lagu dilay weerar maalin ka hor, 1-dii bishan November ay qaaday koox la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Jabhadda hubeysan ee Oromo Liberation Army oo magaceeda loo soo gaabiyo (OLA). Weerarkaas waxa uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Gawa-Qanqa oo hoos tagta degmada Guliso ee dhacda galbeedka gobolka Wellega Zone ee dalka Itoobiya. Kooxdaas waxay weerarka qaaday maalin kadib markii ciidamada milteriga dowladda dhexe ee Itoobiya ay isaga bexeen aaggaas, iyagoo aan shaacin sababta bixitaankooda. Dad ku sugan deegaanada dadkaas lagu laayey ayaa warbaahinta u sheegay in tobaneeyo rag, dumar iyo carruur isugu jira la dilay, hanti badan la dhacay, isla markaana ay kooxdu gubtay oo dab qabadsiiday wixii ay qaadi weysay. “Weerarkan macno darrada ah ayaa ah kii ugu dambeeyay ee taxane dilal dalka ka dhaca, kaas oo xubno ka tirsan qowmiyadaha tirada yar si ula kac ah loola beegsaday. Xaqiiqda ah in dhacdadan foosha xun ay dhacday waxyar kadib markii ciidamada dowlada ay si lama filaan ah uga baxeen aaga duruufo aan la fahmi karin ayaa keenaya su’aalo ay tahay in laga jawaabo” waxaa sidaas yiri Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Sarkaalkaas ka tirsan Amnesty ayaa mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ka dalbaday inay baaraan wixii dhacay oo ay maxkamadeeyaan kuwa mas’uulka ka ahaa weerarkaas, weliba si cadaalad ah. “Amnesty International waxay la hadashay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkii foosha xumaa ee ka badbaaday geerida iyagoo ku dhuumaaleystay keyn ku dhow. Waxay sheegeen in kooxda weerarka soo qaaday ay cadeeyeen inay yihiin OLA oo ay sheegeen inay ‘gacanta ku hayaan’ aagga ay ciidamada dowladdu baxeen 31-kii October” ayuu yiri Agaasime Deprose Muchena. 100-ka qof waxaa la sheegay in kooxdu isugu geysay inta aysan leyn xarun School oo deegaanka ku taalla, kadibna ay ku dhex dileen, badankoodna waxay ahaayeen dadkii aysan u suurta-gelin inay cagahooda ku baxsadaan, oo waxay u badnaayeen haween, carruur iyo dad waayeel ah. Mid ka mid ah dadka ayaa u sheegay Amnesty International in la dilay seddax ka mid ah eheladiisa – aabihiis, walaashiis iyo xaaskiisa awoowgeed. Mid kale wuxuu yiri, “Waxaan waayey walaalkey, dumaashidey iyo seddax caruur ah oo ay kujiraan adeer iyo ilma adeer. Meydadkooda waxaa laga dhex helay barxada iskuulka oo ay ka muuqdaan dhaawacyo rasaas ah.” Ugu dambeyntii Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hey’adda Amnesty Internation oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixintiisa ku yiri, “Dowladda Ethiopia waa inay xoojisaa dadaalkeeda si loo joojiyo weerarrada hubeysan ee lagu hayo kooxaha laga tirada badan yahay, loona ilaaliyo naftooda, loogana hor-tago burburka guryahooda, kaliya ma ahan Oromiya, laakiin guud ahaan dalka xaaladaasi way ka jirtaa.” The post Dagaalka qowmiyadaha ee Ethiopia oo ka daray iyo 100 Amxaaro ah oo la dilay first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhowaaqay inuu is-casilay, isaga oo sheegay inuu saluugsan yahay qaabka loo wado dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle. Warqadda is-casilaadda, oo lasoo garasiiyey Caasimada Online, ayuu Waare ku sheegay in dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle lagu wado si deg deg ah, taasi oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed. Waxa uu tusaale usoo qaatay in markii koowaad ee maamulkan la dhisayey oo ahayd 2016 la aas-aasay xilli dalka ku guda jiro doorasho federal, taasi oo keentay in xildhibaano aan tayo lahayn iyo maamul fadhiid ah, oo ay beelo badan cabasho ka qabaan lasoo dhiso. Waxa uu sheegay in hadda lagu socdo waddadii oo kale, islamarkaana uu soo jeediyey in dib loo dhigo soo xulista xildhibaanada HirShabeelle illaa bil kadib doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, balse taasi ay diideen hoggaanka HirShabeelle, odayaasha dhaqanka, dowladda federaalka iyo xildhibaanada metela HirShabeelle ee federaalka. Waare ayaa sidoo kale nasiib-darro ku tilmaamay in mucaaradka dowladda federaalka oo badankood kasoo jeeda HirShabeelle ay ka aamuseen waxa ka socda HirShabeelle, halka ay ka dhiidhin jireen dhibaatooyinka maamul goboleedyada kale. Waxa uu warqaddiisa ku yiri in isaga oo eegaya dhammaan arrimahaas uu go’aansaday inuu is-casilo. The post Madaxweynaha HirShabeelle oo is-casilay first appeared on Caasimada Online.
-
VIENNA (Reuters) - At least one person was killed and several wounded in central Vienna in exchanges of gunfire late on Monday, in what the Austrian interior minister said was believed to be a terrorist attack near the central synagogue. Source: Hiiraan Online
-
Vienna (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay 15 kalena lagu dhaawacay weerar isugu jira is-miidaamin iyo rasaas oo lagu qaady meel u dhow kaniisad Yahuudeed oo ku taalla magaalada Vienna ee dalka Austria. Weerarka ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, waxaana lagu warramayaa in la qabtay dhowr ka mid ah, halka qaar kalena la la’yahay oo weli lagu raad joogo. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in mid ka mid ah uu isku qarxiyey dibedda kaniisadda. Wargeyska ugu afka dheer Austria ee Kronen Zeitung, oo soo xiganaya wasiirka arrimaha gudaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Austria, Karl Nehammer ayaa ku sheegay dhacdadan mid argagixiso, islamarkaana sidoo kale lagu toogtay oo si xun loogu dhaawacay sarkaal boolis. Illaa iyo hadda ma cadda haddii kaniisadda Yahuudda uu ahaa bartilmaameedka weerarka, ayada oo dhisme iyo maqaayad u dhow labaduba ay xirnaayeen markii weerarka uu dhacay Sawirro naxdin leh oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad goobta ka baxsanaya, ayaga oo dhaawac ah oo dhiigmaya. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Austria ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof oo kaliya iyo dhaawaca dhowr kale. Idaacadda dowladda ee ORF ayaa goobjoogeyaal kasoo xigatay in toogashada ay billaabay abaare 7-dii habeennimo, laguna qaaday waddo hormarta kaniisadda Yahuudda. The post Weerar isugu jira toogasho iyo is-miidaamin oo lagu qaaday Vienna + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar oo haatan uu ka socdo dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaa laga dareemayaa hardanka ay beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ugu jiraan hanashada jagooyinka sare ee maamulka cusub. Toddoba musharax oo u taagan qabashada xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta la diiwaan geliyey, waxayna doorashada guddoonka baaramaanka dhaceysa laba maalin kadib. Hadaba sidey beeluhu ugu loolamayaan shanta jago ee ugu sareysa maamulka? 1 –Xilka Madaxweynaha: Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa loolan adag ugu jira xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, afartii sano ee lasoo dhaafay madaxwenaha HirShabeelle waxa aheyd beesha Xawaadle, balse hadda waxaa kula loolameysa beesha Abgaal. 2 –Xilka Madaxweyne ku xigeenka: Sidoo kale beelaha Abgaal iyo Xawaadle waxaa dhex yaalla xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka HirSahbeelle, waxaana qaadan doonta beesha looga guuleysto madaxweynaha. 3 –Seddax ka mid ah 7-da musharax ee maanta la diiwaan geliyey waxay u tartamayaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo jeedaan beesha Gaaljecel. 4 –Laba musharax waxay u taagantahay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo jeedaan beesha Gugundhabe. 5 –Labada kale ee musharaxiintii maanta la diiwaan geliyey waxay u tartamayaan xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo kala jeedaan beelaha Udeejeen iyo reer Ow-Xasan. Waxaa xusid mudan inay jiraan beelo kale oo aan ku xusneyn loolankaan, isla markaana aan ka soo dhex muuqan, waxaana ka mid ah beesha Jareer-weyne. Odayaasha iyo waxgaradka beeshaas waxay qabaan in markii la aas-aasaayey HirShabeelle afar sano ka hor aan lasiin jagooyinkii ay mudnaayeen, sidoo kale waxay marar badan sheegeen in dowladda dhexe aysan ku heysan mansabkii ay mudnaayeen. The post Shanta xilal ee ugu sarreysa HirShabeelle iyo beelaha isku haysta first appeared on Caasimada Online.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today commemorated the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists (IDEI) by bringing together journalists at the national monument of Dhagah-Tur, a symbol of freedom and justice, to demand justice for journalists in unusual way. This year’s commemoration is steeped in the possibility of real change as IDEI holds special resonance in Somalia because of the country’s appointment of a special prosecutor to investigate crimes against journalists in September 2020. This historic and strategic decision came about as a result of NUSOJ’s tireless campaigning and specifically, the union’s filing of legal action at Banadir Regional Court in Mogadishu as part of their work against impunity. In response to this legal action, the courts ordered the Office of the Attorney General to make the appointment. NUSOJ believes that 2020 IDEI must be commemorated within this context and the historical move made. This year, NUSOJ calls for going beyond the routine statements condemning impunity, and is arguing that swift progress must be made to ensure the special prosecutor is able to fast track his responsibilities and take urgent judicial actions to end impunity. It is time for commitments to translate to real action and change. NUSOJ has also been at the forefront of calling for changing Somalia’s antiquated Penal Code. Several aspects of the Penal Code have been used to arrest and harass journalists. The decision by Somalia’s President to revise the Penal Code to ensure it cannot be used against journalists to curtain democratic freedoms, is encouraging and is further reason that recognition of IDEI is so important to contemporary political currents in Somalia. IDEI is a reminder that impunity is the most sinister enemy to justice and to the realisation of media freedom in Somalia. This impunity, which Somalia has lived with for much too long, empowers perpetrators of the action and fosters the perpetuation of the practice. This in turn led to further decay of democratic and human rights principles. “In essence, the failure to tackle the pervasive culture of impunity of crimes committed against journalists in Somalia decisively and courageously, in turn nurtures endless injustice that negates any hope for justice and human rights in Somalia,” says Omar Faruk Osman, NUSOJ’s Secretary General. “It’s a bitter cycle.” Somalia still has a long way to go to eradicate the culture of impunity in society. Journalists continue to be detained, harassed and intimidated with the wheels of justice turning very slowly and actions against perpetrators woefully inadequate. As a country that has seen 57 journalists killed in the last decade (two in 2020) and only four perpetrators brought to justice, Somalia is proof that impunity is a stubborn social problem that requires sustained efforts from a range of actors. Eradicating impunity is an essential component of stability in Somalia. Without tackling impunity of crimes committed against journalists, there can be no peace and freedom for journalists to live and operate. If journalists are unable to carry out their essential watchdog role and task of keeping the public informed, Somali society is poorer and weaker as a result. Somalia has turned important social, economic and political corners in recent years. However, impunity for crimes against journalists continues to be a stain on the country’s image and a flagrant violation of the rights of journalists. 2020 has been a unique year for many reasons; it has been a year for reflection and change. In the same vein, IDEI 2020 must also be memorable as the moment when concrete actions were taken to change the culture of impunity in Somalia. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Bar___Qubanaha-02112020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa jawaab kulul ka bixiyey jeedin uu shalay sameeyay guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe, xili uu shir uga qeyb-galay magaalada Nairobi. Guddoomiye Faysal ayaa shir ay yeeshen beelaha Dir ka sheegay in beeshu ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75-kursi, lana mid yihiin Daarood, Mogadishu Clan iyo Digi/Mirifle, balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro. Hadal jeedintaasi ayuu wasiirka cusub ee warfaafinta Soomaaliya ku tilmaamay mid aan kasoo bixin shaqsigii ku munaasabsanaa, maadama uu si dadban Faysal Cali Waraabe ugu sifeeyay shaqsi umadda Soomaaliyed ku kala irdheeyay xumaan iyo cuqdad, sida uu hadalka u dhigay. Cismaan ayaa sidoo kale sheegay inay caadi tahay in shir beeleed ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaal, balse ay nasiib darro tahay inay shirkaasi kasoo muuqdaan siyaasiyiin uu sheegay inay 30 sanno hortaagnayeen midnmada Soomaalida. Wuxuuna shaqsiyaad uusan carabaabin oo uu kamid yahay Faysal Cali Waraabe ku sifeeyay inay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan ‘sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay mudada 30-ka sano ah caayayeen’. “Dad badan baa isoo weydiiyey shir ka dhacay Nairobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la fahmi karo in dhaqan ahaan Beeluhu u shiraan, Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano” ayuu yiri Wasiir Cismaan. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen. Odayadaas dhuumanaya waxan leenahay soo dhowaada walaalayaal, Albaabadu weli way furan yihiin”. Si kastaba, hadalka Cismaan ayaa imanaya xili shirkaasi laga soo saaray war-saxaafadeed lagu dalbanayay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan-yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada. The post Wasiirka cusub ee warfaafinta oo si yaab leh ugu jawaabay dalabkii Faysal Cali Waraabe first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ugu yeeray guddoonka gobolka Banaadir ayaa faray in ay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska 3 ruux oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, isagoo maamulka gobolka Banaadir faray in ay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee roobabku waxyeelleeyeen. “Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.” Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku boorriyay in dadka caasimadda la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, isagoo yiri” Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay” View the full article
-
Survivors count 54 dead after Ethiopia massacre, group says
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — Survivors of a massacre by rebels in western Ethiopia on Sunday counted 54 bodies in a schoolyard, the latest attack in which members of ethnic minorities have been deliberately targeted, Amnesty International said Monday. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa galabta weeraray diyaarad uu galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ka soo raacay magaalada Dhuusamareeb. Xubno la socday wafdiga madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa sideed xabadood oo laga riday qoriga loo yaqaano Suuga ay Al-Shabaab ku rideen diyaaradda, daqiiqado yar kadib markii ay hawada gashay. Xubnaha aan soo xiganeyno oo naga dalbaday inaanaa adeegsan magacyadooda ayaa noo sheegay in shaqaalada hey’adda duulista rayidka qeybtooda ka howlgasha Dhuusamareeb ay duuliyaha ku war-geliyeen inay rasaas ku socoto, isla markaana uu jiha kale u weeciyo diyaaradda. “Hubkii lagu soo riday diyaaradda oo naguula sheegay sideed xabadood waa lala waayey Alle ayaa mahadleh, duuliyaha waxaa lagu wargeliyey inuu jiha kale u weecdo, khal-khal badan ayaan dareenay, balse hada waxaan si nabad ah ku imaanay Muqdisho,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii madaxweyne Qoor Qoor Dhuusamareeb ka soo raacay oo Caasimada Online u waramay. Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo u socotay Muqdisho ay gashay wareeg dheer, isla markaana ay dulmartay degmada Gurceel oo 60 KM koonfur galbeed uga beegan Dhuusamareeb. Xilliga diyaaradda la weeraray waa 5:30am oo galabnimo, waxuuna Madaxweyne Qoor Qoor caawa ku suganyahay magaalada Muqdisho oo safarkiisu uu ku wajahnaa. Wixii ka dambeeyey markii Ahlu-Sunna looga taag roonaaday Galmudug, waxaa caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb ku soo dhawaaday Al-Shabaab, waxayna xilliyada habeenkii ah duqeeyaan garoonka diyaaradaha. Sidoo kale waxaa si cabsi ah lagu maraa wadada u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Gurceel oo dhowr habeen lagu arkay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo gaadiidka boonadooda canshuurta u jaraya. Seddax maalin ka hor inta u dhaxeysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamareeb waxaa lagu qarxiyey gaari weyn oo kuwa ciidanka ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee milateriga Soomaaliya. Illaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Galmudug oo ka hadlay amni darada ka soo cusboonaatay deegaanada ku xeeran magaalada Dhuusamareeb oo Al-Shabaab badan ay gudaha u soo galeen, mana jirto wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo hadda socda. The post Diyaarad uu la socday Qoor Qoor oo weerar lagu qaaday iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (PP News Desk) — The Eritrean Embassy in Addis Ababa had issued a political statement viewed by many as a veiled threat to the Tigray People’s Liberation Front. As if that was not enough, the Eritrean Foreign Ministry website published an “editorial” accusing TPLF of opposing the economic integration in the Horn of Africa. Ethiopian activists criticise President Isaias Afwerki for taking sides in the Ethiopian political struggles. Some analysts argue that Ethiopia might relapse into 1980s-style civil war. “My advice is for Ethiopia to choose losing decades of economic development and stability or embrace national dialogue” said Mahboub Maalim, the Former executive secretary of the Intergovernmental Authority on Development, in an interview with The East African. Political longevity: President Afwerki has outlived Haile Selassie, Mengistu and Meles regimes, and likes to take an uncalculated political risk. The statement from the Eritrean Embassy in Addis Ababa According to Salah Gadi Johar, the editor of Awate, a news website, reckless policies of President Isaias Afwerke are based on four pillars of which ‘Against all odds’ is one of them. “ Nobody ever dared to tell Isaias it was wrong to start a war … against Ethiopia, to get involved in Somalia, to taunt the US and get Eritrea sanctioned. Wait for the ‘against all odds’ victory and make it sweetest by increasing the odds” writes Johar. Tigray region rejected the appointment of an army sector commander by the Ethiopian Government. The most heavily mechanised division of the Ethiopian Army is based in Tigray, a region that shares a border with Eritrea. There is a growing fear that the Ethiopian Army can split into rival groups loyal to different nationalities. “Strong and disciplined, the army remains the only solid pillar supporting the security of the country. It might crack, if it were to become involved in massive operations that were publicly perceived as attacks on specific communities or popular movement…” wrote Professor Mehari Taddele Maru in 2019. “Prime Minister Abiy Ahmed is allowing a foreign country to meddle in the Ethiopian politics. His policies can lead to proxy wars in Ethiopia. Kenya and Sudan are watching the situation carefully” says a security expert in Addis Ababa. The Ethiopian Government has not commented on what many Ethiopians view as blatant violation of diplomatic protocol by the Eritrean Embassy in Addis Ababa. Awol Allo: “The idea that Abiy can impose his will on Tigray through war in 2020 is mind-numbing,” “A war with Tigray will not solve the central ideological and political problem between TPLF and Abiy’s government. It will be endless and calamitous, with massive consequences for the rest of Ethiopia. The idea that Abiy can impose his will on Tigray through war in 2020 is mind-numbing” tweeted Dr Awol Allo, Senior Lecturer in Law at Keele University in the United Kingdom. © Puntland Post, 2020 The post Eritrean President’s ‘Interference’ in Ethiopian Politics Draws Anger appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa ballan-qaaday inuu ka caawin doona Armenia dagaalka ay kula jirto Azerbaijan, haddii uu soo gaaro gudaha dalkaas, kadib markii Yerevan ay codsatay kaalmo amni. Codsiga Armenia ay u dirtay Moscow ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay isku dhacaan Ruushka iyo Turkey, oo ay xulufo yihiin Azerbaijan. Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa si rasmi ah u weydiistay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu billaabo “wada-tashi deg deg ah” oo la xiriira caawimaad amni oo uu siiyo ciidamada Armenia, xillia kuwa Azerbaijan dhulal badan ka qabsadeen gooni u goosatada gobolka la isku hayo ee Karabash. Codsiga ayaa sidoo kale yimid kadib markii Azerbaijan iyo Armenia ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan xabad-joojin cusub intii lagu guda jiray wada-hadallo Jimcihii ka dhacay magaalada Geneva. Si kastaba, madaxweynaha Azerbaijan Ilhan Aliyev ayaa Axaddii sheegay inaysan jirin sababo Ruushka ay usoo faro-geliyaan dagaalka, sababtoo ah buu yiri, Baku halis kuma ahan dhulka Armenia. Dagaalka ayaa muddo bil ka badan ka socda gobolka Karabakh, oo ay degan yihiin dad Armenian ah, balse ka tirsan dalka Azerbaijan. AFP + VOA The post Ruushka oo ballan-qaaday inuu soo galayo dagaalka Armenia iyo Azerbaijan first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa maalmahaan muran ka taagan yahay Gudiga Soo xulaya Xildhibaanada Soomaaliland ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , murankaasoo dhaliyey inay Xisbiyadu soo faragaliyaan. Madasha Xisbiyada [...] The post Madasha Xisbiyada oo hoosta ka xariiqdey in Gudoomiyaha Aqalkasare looga dambeeyo Magacaabida Gudiga Beelaha Waqooyi appeared first on . Source
