Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo safiirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka. Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gargaarka ayey labada dhinac muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado xaaladaha adag ee u baahan iskaashiga “Waa ku faraxsanahay in markii ugu horreysay ee aan xafiiskayga imid aan kulankayga 1-aad la yeesho safiirka Masar, waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in kulankan uu ku soo aaday iyada oo deeq ka timid Masar ay soo gaartay Dalka, aad ayey u mahadsanyihiin shacabka iyo Dowladda Masar” ayey tiri Marwo Khadiija Dhinaca kale safiirka Dowladda Masar u jooga Soomaaliya Maxamed Nasir ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya ay la leeyihiin uu ahmiyad wayn u leeyahay, ayna ku faraxsanyihiin inay noqdaan masuuliyiintii ugu horraysay oo heer matalaad dawladeed ah ee ay wasiirku ku qaabisho xafiiskeeda. “Waa ku faraxsanahay in aan noqday Diblomaasigi ugu horreeyay ee ay qaabisho Wasaaradda, waxaan kale oo ku faraxsanahay in aan aniga oo matalaya Dowladda Masar aan dhawaan wareejiyo deeq gaareysa 40 ton oo gargaar bani’aadannimo ah, waxayna deeqdani noqoneysaa qeyb kamid ah taageero ballaaran oo Masar ugu tala gashay Soomaaliya”. Ayuu Yiri Maxamed Nasir oo ah Safiirka Dalka Masar u fadhiya Soomaaliya. Dhawaan ayaa la filayaa in Wasaaradda kala wareegto Dowladda Masar deeq gargaar bani’aadannimo ah oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka u baahan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  2. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil uu hogaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland. Wafiga waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay, taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto Ceydiid Axmed Nuur ,taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Ameeriko.iyo sarakiil ka tirsan ciidanka booliska Punland. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahaan safaro socdaal ah ku marayay qaar ka mid ah gobolka dalka. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa ku baaqay in si rasmi ah dalka loogu maamulo diinta Islaamka, “si buu yiri aan uga run sheegno islaamnimada aan sheeganeyno.” “Islaam ayaan nahay soo maaha, waa inaan ka run sheegno waxa aan sheeganeyno, gaaladu waxay ka run sheegeen waxa ay sheeganayaan,” ayuu yriri Jeneraal Indhacadde. Si dowladnimada Soomaaliya ay u raacdo dariiqa saxda ah, isla markaana ay guuleysato waxa uu soo jeediyey in dalka lagu maamulo Kitaabka Ilaahey. “Waa inaan Kitaabka Ilaahey isku xukunno, oo Ilaahey diintiisa aan isku maamulno, markaas waxaan noqoneynaa dad dariiqa saxda ah ku taagan, waana guuleysaneynaa,” ayuu yiri. Isagoo sii hadalyey ayuu yiri Jeneraal Indhacade, “Anagoo heysana wixii adduunka ugu fiicnaa. Aakhirana na anfacaayey oo ah Kitaabka Ilaahey, ayaan inta iska diidnay waxaan raadineynaa wax kale, maxay yihiin waxa kale ee aan raadineyno?” Hoos ka Daawo The post Indha Cadde: "Waa in dalka lagu xukumaa shareecada ISLAAMKA haddii kale...." first appeared on Caasimada Online.
  4. Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Magaalada Jowhar Maanta loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in madaxdii soo dhaweysay Sheekh Shariif ay dhammaantood kasoo jeedeen Beesha Abgaal, taasina ay isaga soo xasuusisay hadalkii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa “Abgaal waa qowmiyad.” Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa Su’aal ka keenay haddii maamulka HirShabelle oo ka kooban Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe uu kusoo aruuray Abgaal, sidoo kalana wuxuu qalad ku tilmaamay in iyagoo kasoo jeedo qabaa’il yar yar ay wax ku darsadeen qowmiyad weyn sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Markaan arkay sawirrada soo dhaweynta Madaxweyne Sharif Shekh Axmad waxaan soo xasuustay warkii adeerkey Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa Abgaal waa qowmiyad. Waxaan marqaati ka ahay iney qowmiyad yihiin sababtoo ah madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Ku sime Madaxweyne Cali Gudlawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle, Guddoomiya Gobolka Sh Dhexe Axmad Meyre Makaran, Taliyaha Boliska Hirshabeelle Kor Xasan Dhicisow iyo mas’uuliyiin kale. Haddaad mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wareysato wexey ku leeyihiin soo dhaweynta Shariifka looma kala harin, haddaad hoos u sii fiirisana waa hal reer Hirshabeelle ma Abgaal ayey ku soo aruurtay? Waxaan qirayaa iney qalad aheyd inaan annagoo qabaa’il yar yar ah wax ku darsanno qowmiyad, dhinaca Xawaadlena qaladkaa anaa dusha saaranaya. Maxaa daliil u ah iney Abgaal qowmiyad yihiin? Muddo ka badan 10 sano qowmiyaddan wexey laheyd inta uu waddan gooni u taagan leeyahay; wexey laheyd lacag u gaar ah, deked u gaar ah, garoon diyaaradeed oo u gaar ah, ciidan u gaar ah iyo madax qaran oo haddana u gaar ah. Ma jiro reer kale ee Soomaaliyeed oo sidaa gaar isugu taagi karo. Maxaa dhacaya marka ay qabaa’il yaryar wax ku darsadaan qowmiyad? Hirshabeelle calool Abgaal ayey gashay, in looga tago maahane lalama lahaan karo. The post Cali Cabdullaahi Cosoble: “Qalad ayey aheyd in anagoo ah qabiil yar aan wax ku darsano Abgaal oo qowmiyad ah" first appeared on Caasimada Online.
  5. Marka (PP News Desk) — Marka, the administrative capital of Lower Shabelle region, is gradually becoming a tourist destination. That is the impression formed by a group of visitors from Mogadishu. Visitors travelled to Marka by boat. Marka is one of the oldest districts in southern Somalia. It was established by the Banadiri community, who gave it the sobriquet Marka Caddeey Minan Aw Cismaan. Marka has pristine beaches. The civil war displaced inhabitants and resulted in a remarkable demographic change. “Our perception was that the city of Marka was less peaceful. Marka recovered from the civil war” said Mire Salad, one of the visitors. “A travel by sea is risky. We ask for the Government to open the road between Marka and Mogadishu” said another visitor. Marka District Commissioner Abdullahi Wafow hosted visitors in the western part of the district. Marka District Commissioner Abdullahi Wafow welcomed and hosted visitors in the western part of the district. “We wholeheartedly welcome visitors to Marka” said Mr Wafow. Visitors visited several places including Marka General Hospital and a primary school. Marka is a district under the jurisdiction of the South West State. “Original inhabitants of the district are marginalised in the South West State” said a Banadiri activist in Mogadishu. Visitors paid a visit to the district General Hospital. In 2012 AMISOM and the Somali Forces liberated Marka from Al-shabaab. In 2016 Al-shabaab recaptured Marka briefly when Amisom and Somali Forces had vacated the town. The coastal district saw internecine clan wars during 1990s and 2000s before Al-shabaab had become the militant force battling for the control of Lower Shabelle. The sea trip to Marka might trigger a demand for weekend voyages to a district known for pristine beaches. © Puntland Post, 2020 The post A Voyage to Marka City appeared first on Puntland Post.
  6. Somalia and the UN have lauded the role played by Somali women in peace, security and governance as the world celebrated the 20th anniversary of UN Security Council Resolution 1325. Hanifa Mohamed Ibrahim, minister of women and human rights development, said the government should now create new pathways for Somali women from all generations to join forces for the future and lauded the role women have played in Somali politics and peacemaking. “From Asha Hagi Elmi becoming the first Somali woman to sign a peace agreement in 2004 to the campaign for women’s representation in the 2012 and 2016 parliamentary processes, the gains made so far provide a foundation for further progress,” Ibrahim said in a statement issued in Mogadishu. “We will not stop in our efforts to build on these accomplishments to ensure women’s full participation and representation in politics, leadership, and decision-making,” the minister said. Both the government and the UN also congratulated Somali women for their achievements and stressed the added value of their political participation and representation. Spearheaded by women leaders and organizations, the ground-breaking Resolution 1325, adopted on Oct. 31, 2000, was the first to recognize women’s leadership to achieve international peace and security and their contributions to conflict prevention and resolution, peacekeeping and peace building. Currently, Somali women account for 24 percent of Somalia’s parliamentary seats. James Swam, UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, said the women of Somalia have contributed immensely to the country’s progress and development. “We call on federal and state authorities, political leaders, civil society groups, and international partners to uphold the centrality of Somali women in peace, security and governance,” Swan said. He said the current election season presents an opportunity to bolster women’s role in Somalia’s peace and political processes. “We urge Somalia’s leaders not only to ensure the 30 percent quota for women in the forthcoming parliamentary elections but also to fulfill the commitment to 30 percent representation of women in electoral management bodies,” Swan added. View the full article
  7. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), in partnership with the US Army’s Civil Affairs Unit, on Saturday distributed personal protective equipment and sanitary supplies to traders in Mogadishu, to support efforts to combat the spread of COVID-19. The donated items included hand washing facilities, thermometers, soap and face masks, and were distributed to traders and shop owners who ply their trade within the Halane base camp. There are over 150 shops located at an area referred to as ‘Marine market,’ selling a variety of essential commodities to people who live and work within Halane. The market was closed in March this year when AMISOM implemented lockdown measures at Halane to control and contain the spread of COVID-19. Now, as AMISOM begins to ease the lockdown restrictions in the base camp, the donated items will enable the traders to safely conduct business while adhering to standard operating procedures designed to prevent COVID-19 infections. “We have provided personal protective equipment to other sectors and the Marine market. We have sensitised the traders who will be interacting with our soldiers. We need to ensure the use of these items,” said Lt. Col. Cyriaque Bikorimana, the AMISOM military deputy Civil-Military Cooperation (CIMIC) Officer Present at the handover was Lt. Abdihakim Mahad, the CIMIC Focal Point in the Somali National Army (SNA), who thanked AMISOM and the US Army for the valuable contribution, reiterating that the collaboration between SNA and AMISOM to prevent and control the COVID-19 outbreak had so far worked successfully. “The partnership between AMISOM and the US Civil Affairs Unit in supporting this community with protective gear against COVID-19 is very much appreciated,” said Lt. Abdihakim. Since March, the market has been a ghost town much to the anguish of traders. “We are delighted that the market will soon reopen. I extend my gratitude to AMISOM, the Somali government and other partners for their support to us, and for equipping us with protective equipment against COVID,” said Mohamed Daqane, who runs a clothing shop at Marine market. View the full article
  8. Just as people across the United States will be waiting eagerly for the results of Tuesday’s voting, thousands of kilometres away, on the far eastern corner of Africa, Somalis will also be closely watching the hard-fought matchup between Donald Trump and Joe Biden. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Habeen-01112020.mp3 View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhawaan sameeyo Isku-shaandhayn, Xil ka qaadis iyo Magacaabis Sal ballaadhan. Ma jiro War Rasmiya oo arrintan ku saabsan, balse Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay dhawaan u buuxsamayaan saddexdii sanandood uu ku mashquulsan Isku-shaandhayn, Xil ka qaadis iyo Magacaabis si weyn loo wada sugayo. Waxa uu Warku intaa ku darayaa in Madaxweynuhu uu xilka ka qaadi doono Wasiirro iyo Agaasimeyaal, isagoo beddelkoodana Magacaabi doono. Sidoo kale wuxuu isku-shaandhayn ku samayn doonaa Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda Somaliland. Waxa kale oo uu Warku sheegayaa in Madaxwyene Biixi kordhin doono Tirada Golihiisa Wasiirrada oo hadda ka kooban 32 Xubnood, waxaana la filayaa inuu Golihiisa ku soo daro Wasiir ku-xigeeno cusub oo uu ku kordhin doono Wasaaradaha qaarkood. Bulshada Somaliland ayaa muddadii uu Madaxweyne Biixi xilka hayey waxay Saadaaliyaan isku-shaandhaymo uu Madaxweynuhu samayn doono, laakiin badankoodu waxay ku soo idlaadaan isku beddel Masuuliyiin aad u kooban, iyadoo Bulshadu aad u dhaliisho tayada Golaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi. Source
  11. (SLT-Ottawa)-Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaheeda ku aadan qaabilaada qaxootiga (2021-2023), waxayna sheegtay inay bartilmaameedsan doonto heerka ugu sarraysa ee qaadashada soogalootiga. Saddexda sanno ee soo socota, Canada waxay shaacisay inay hiigsaneyso inay soo dhaweyso oo ay deganaasho cusub oo joogto ah siiso boqolaal kun oo qaxooti ah. Qorshahan oo ka billaabanaya Sannadka soo socda ee 2021, ayay Canada ku qaadan doontaa 401,000 qaxooti ah. Sannadka ku xigana (2022), waxay qaadandoontaa 411,000 halka sannadka 2023 ay qaadandoonto 421,000. Qaxootigii ugu badnaa ee ay Canada soo dhaweyso oo gaadhayay in ka badan 400,000 oo muhaajiriin ah ayaa ahayd sannadkii 1913. Tan iyo waqtigaas kadib, ma jirin tiro intaas le’eg ama u dhow oo ay Canada dalkeeda kusoo dhoweysay. Horaantii sannadkaan, bishii March 12-keedii, dowladda Canada waxay ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso in ka badan hal milyan oo cusub oo qaxooti ah oo helaya deganaansho rasmi ah inta u dhaxeysa 2020 iyo 2022. Maalmo kadib, Canada waxay ku qasbaneyd inay xidho xuduudaheeda sababa la xidhiidha cudurka faafa ee COVID-19. Source
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle ahna ku simaha Madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, ayaan maanta ka qeyb gelin soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Jowhar. Sheekh Shariif, ayaa garoonka waxaa uga hortagay wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana sidoo kale soo dhaweeyay kumanaan shacabka magaalada ah. Cali Guudlaawe, ayaa mar dambe Madaxweyne Sheekh Shariif ugu tagay hoteelkii uu dagay ee Jowhar waxeyna yeesheen kulan albaabada u xiran yahay oo qaatay saacado badan, iyadoo ay dibad joog ka ahaayeen mas’uuliyiin badan. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta uu Cali Guudlaawe u soo dhaweyn waayay Sheekh Shariif ay la xiriirto inuu ilaalinayo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Villa Somalia, oo la sheegay in ay u rabto Madaxweynaha HirShabeelle. Wararka ayaa sheegaya in Guudlaawe uu iska ilaalinayo in dhamaan mucaaradka lagu sarwiro si aysan saameen ugu yeelan doorashadiisa. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Guudlaawe iyo Sheekh Shariif taleefoon kuwada hadleen una sheegay in uusan soo dhaweyn doonin si aysan u sameynin qorshihiisa doorashada islamarkaana uu ka aqbalay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dad badan ayaa aaminsan in Villa Somalia ay Cali Guudlaawe u diyaarisay Madaxweynaha soo socdo ee HirShabeelle, si uu uga taageero soo laabashada Madaxweyne Farmaajo. The post Xog: Sababta uu Guudlaawe uga gaabsaday soo dhoweynta Shariif isagoo ku sugan Jowhar first appeared on Caasimada Online.
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka xog warramay kulan ay shalay la yeesheen Komishanka Doorashooyinka iyo su’aalo kala duwan oo ay ka weydiiyeen qabsoomidda Doorashooyinka, Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, xiisada ka taagan Gobolka Awdal,ee ku waajahan tabashada Saami-qaybsiga iyo qodobo kale. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka tirsan Guddida joogta ah ee Wakiilada, ayaa isagoo Wargeyska Geeska Afrika uga warramay kulankan ay la yeesheen Komishanka iyo qodobbada ay ka wada-hadleen ayaa yidhi “Komishanka ayaanu kulan gaar ah la yeelanay, haddii aanu nahay Gudidda joogta ah ee Golaha Wakiillada, way noo xog warrameen, waxay noo sheegeen inay Diiwaangelintii bilaabayaan, oo ay mar wada bilabayaan Awdal, Hawd iyo Gabiley, muddo afar cisho ahna ay wadi doonaan, laakiin wakhitgaasi waa wakhti aad u kooban, waxay ahayd in laga badiyo, Barigii hore waxaa laga codeeyey 1600 oo goobood, haddana waxay Komishanku noo sheegeen inay yihiin 1200 oo goobood, waxayna ahayd in cid walba oo qaandhay in laga diiwanageliyo goobtooda, waxayse Komishanku nagu yidhaahdeen Magaalooyinka kala ahaa A iyo B, oo ah meelo aan kala fogayn, waxayna noo sheegeen inay Goobta A oo kale soo qaateen, ta kale waxaanu weydiinay Xilli Doorashada ay sheegayaan inay ku qabsoomayso maadaama Xeebihii aad u kulul yihiin dadna aanay joogin markaas, waxaanu weydiinay waxaa uga meel yaalla, waxayna noo sheegeen in wakhtiga ay Doorashada ku qabanayaan aanay ilaa hadda hubin, oo laga yaabo inuu wakhtigu dib uga dhaco, Golayaashuna ay ku fadhiyaan qodob dastuuriya, oo korodhsiimadu ahayd ilaa bisha 11aad ee sannadka dambe, waxay noo sheegeen inay Dawladda ka hayaan shan milyan, oo cid kale aanay waxba ka hayn”. Mar uu ka hadlayey Komiishanka oo ay wax ka weydiinyeen xaaladda ka taagan Gobolka Awdal ayaa yidhi “Waxaanu weyiinay Komishanka xaaladda ka jirta Gobolka Awdal, maadaama dadka reer Awdal aanay diyaar u ahayn inay Doorasho galaan, maadaama ay wax tirsanayaan, waxaanu ku nidhi maxaa idinka meel yaalla ma in aad xoog ku diiwaangalisanaa, mise xeeladda baad ku diiwaangalinaysaan, waxay noo sheegeen in iyaga xoog ka fog yahay, balse goobaha ay Wasaaradda Arrimaha guduhu ay sheegeen inay diiwaangalinayaan, halkay yidhaahdaan ka joogaana ay ka joogayaan, tana waa diiwaangalintii ee Doorashadii maaha, inay dadku is diiwaangaliyaan ayaa fiican, dhanka kale sababta ay ugu horeeysiinayaan dhinaca Galbeedka Somaliland ayey Komishanku noo sheegeen inay yihiin in Barwaaqo ka jirto, halka dhinaca Bariga ay noo sheegeen inay abaaro ka jiraan, ilaa imika, sida Togdheer, Saraar, waxayna noo sheegeen in ay dadku kala guurguureen oo xittaa dadka qaar ay galeen Puntland, oo xooga abaar ayaa jira ayey yidhaahdeen, inkastoo la sugayo dayrtii, Komishanka waxaanu u sheegnay in inta aanay waxba bilaabin inay wax hubsadaan”. Mar uu ka hadlayey Saami-qaybsiga ayaa yidhi “Gobolka Awdal tabashadii saami-qaybsiga ayaa weli taalla, Dawladduna uma jeedo oo qarjajac ayey waddaa, ee si Somaliland loo wada yeesho waa in arinta Saami-qaybsiga wax laga qabtaa oo la dhammeeya” Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaabka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada kuraasta baarlamanka ee xildhibaanada gobollada waqooyi, wuxuuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi. Cabdi Xaashi, ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hanaanka iyo waqtiga doorashada “aan wax tixgelin iyo qadarin ahba la siinin midnimada Qarannimo oo ay u taagan yihiin siyaasiyiinta beelahaas ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta heshiiskaas “aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobollada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba, sida uu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka “ay ka maqnaayeen” siyaasiyiin metesha Gobollada waqooyi. Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada. Guddoomiayah Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi doono labada xubnood ee gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyo sideedda xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee gobollada waqooyi. Xigasho VOA The post Cabdi Xaashi oo ka horyimid qorshaha DF "Anigaa soo magacaabaya guddiyada doorashada G/Waqooyi" first appeared on Caasimada Online.
  15. Qaar ka mid ah dhalinyarada Degamada Marka ayaa soo dhaweeyay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa,iyagoo u rajeeyay guul iyo horomar waxayna sheegeyn in Wasiir Xamsa uu u qalmo jagada loo magaacabay. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/11/hmza1.mp4 Dhalinyarada Degmada Marka ee jecel horomarka ciyaaraha iyo ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiir Xamsa Saciid Xamsa,in booqasho iyo kormeer ku yimaado degmada Marka iyo guud ahaa degmooyinka dalka,si uu qiimeeyo horomarka iyo baahiya haysta dhalinyarada iyo bahda isboortiga. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/11/Wasiir-Xamsa.mp4 Dib U Aqriso Xil Wareejinta Wasiir Xamse Saciid ee Wasaarada Ciyaaraha Dalka Wasiir Xamsa Saciid Xamsa Oo La Wareegay Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo saartay qoraal ay kusoo dhoweyneyso soo Xulista xildhibaanada baarlamanka labaad ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu hambalyeyey Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka HirShabeelle iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabeelle. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya. Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri “ Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka 2aad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka 2aad ee Hirshabeelle. Qoraalkan ayaa ahaa mid laga filayey wasiirka arrimaha gudaha ee cusub ee Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, sababtoo ah sababaha uu xilkan ku helay ayaa waxaa ka mid aha heshiis dhex maray ugaaska beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle iyo madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ugaaska ku taageeray hanaanka doorasho ee HirShabeelle, si xilkan loo siiyo Jeneral Mukhtaar. The post Wasiirka cusub ee A/Gudaha oo caddeeyey mowqifkiisa doorashada HirShabeelle first appeared on Caasimada Online.
  17. Cabdi Xaashi Cabdhullaahi, guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka horyimid habraaca hirgalinta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada 2020/2021 ee bil kahor gaartay madaxda Soomaaliya. Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad Goboleedyada ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka dalka aan wax tixgelin iyo qadarin ah la siinin siyaasiyiinta Somaliland ku matala dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalla aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada ku malata Somaliland, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dalbaday in siyaasiyiin reer Somaliland ay soo magacaabaan guddiga doorashada ku matalaya gobollada Waqooyi ee Somaliland iyo xubnaha kale ee ku matala heer federaal, kuwaas oo kala 8-da xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee Somaliland, 2-da xubnood ee Somaliland ku matalaya guddiga doorashada heer federaal iyo 2-da xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka. Hoos ka akhriso warqada uu Cabdi Xaashi u diray madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada PUNTLAND POST The post Cabdi Xaashi oo ka horyimid heshiiskii siyaasadeed ee doorashada 2020/2021 appeared first on Puntland Post.
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, iyada oo si weyn ugu soo dhaweeyen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan HirShabelle iyo bulshada qeybaheeda kala duwa. Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeya safarkoodu uu la xiriiro howl ay muddo soo wadeen, isla markaana ku qotonta tabashooyin ka dhashay arrimaha doorashooyinka. Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay muddo badan lasoo daala dhaceysa kala duwanaanta fikirada iyo is-jiid-jiidka, xiligan loo baahan yahay in la is dhageysto oo wax walba si nabad ah lagu dhameeyo. “Howl aan wadnay muddo oo ku saabsaneyd dad xooga tabasho qabay oo arrimaha doorashooyinka ka qabay oo aan muddoba la wadnay, oo meel fiican soo gaarsiinay ayaa rabna in arrintaas si nabad ah lagu dhameeyo,” ayuu yiri. Wuxuu intaas kusii daray “dalka Soomaaliya guud ahaanba wuxuu kasoo daalay kala duwanaasho, oo in la is dhageystona waa wax wanaagsan. Markaa waxaan rabna in aan hiigsano dalalka horumarka gaaray oo aanu gaarno”. Madaxweynihii hore ee dalka marnaba si cad uma kala saarin arrinta ay hanaankeedu tabashada ka taagan inay tahay doorashooyinka maamulka HirShabeelle iyo mida dowladda dhexe ee laga dhawaan laga gaaray heshiiska. Si-kastaba, Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, iyada oo si dhab ah loo ogeyn sida uu sameyn ugu yeelan karo. Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo iyadu wajaheysay dhibaatooyin adag, xili ay ku jirto marxalad kala guur ah. The post Shariif oo ka hadlay safarkiisa Jowhar iyo arrimo xasaasi ah first appeared on Caasimada Online.
  19. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi ahna Senator ka yimid gobollada waqooyi(Somaliland) ayaa qoraal uu soo saaray maanta, kuna wajahan madaxda fulinta ee dowladda federaalka ah waxaa uu ka soo horjeestay go’aanka heshiiska golaha wadatashiga ee sheegaya in xukuumadda ay magacawdo xubnaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi. “Asteynta kuraasta xildhibaannada kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland waxaa loo raacayaa sida ku cad hannaankii iyo habraacyadii lagu galay doorashadii dadbaneyd 2016” sidaa waxaa yiri guddoomiye Xaashi. Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray “Xukuumadda xaq uma laha in ay guddi u magacawdo Somaliland sida aaney u magacaabeyn xubnaha guddiyada ka imaanaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah. Source: goobjoog.com
  20. Sida ku cad qoraal soo baxay goodhow, waxaa lasoo saaray jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle. 4-ta bishan ayaa lagu wadaa iney dhacdo doorashada guddoonka halka 2-bada bishan la diiwaan gelinayo murashaxiinta, 3-dana la dhageysan doono khudbadaha Source: goobjoog.com
  21. Warqad ka soo baxday guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee HirShabelle ayaa lagu shaaciyey jadwalka doorashada ee guddoonkaasi. Guddiga ayaa shaaciyey in beri oo ay tahay labada November ay bilaaban doonto qabashada codsiyada musharraxiinta u tartameysa xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen. Qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in khudbadaha musharraxiinta guddoonka baarlamaanka la dhageysan doono 3-da bishaan, kadibana maalinta xigta ee afar bisha la dooran doono guddoomiyaha & ku xigeenadiisa. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  22. Soomaaliya ayaa xilligan isku diyaarineyso doorashada soo socota ee 2020/21, taas oo ay heshiis ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, balse waxaa haatan soo baxaya habac-sanaan iyo dib u dhac ku yimid jadwalkii horey loo soo saaray. Qorshaha ayaa ahaa in maanta oo ay tahay 1-da bisha November ee sanadkan 2020-ka si rasmi ah loo guda galo soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, balse ma dhicin, waxaana ku yimid dib u dhac aan la ogeyn waxa sababay. Sidoo kale waxaa weli aan la magacaabin guddiyada doorashooyinka oo lagu ballamay in la shaaciyo 10-20-ka bishii dhammaatay ee Ocotober, inkastoo ay madaxda maamul goboleedyada soo dhammeystireen xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka dalka. Arrintan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la filayo in doorashada guddoonka labada Aqal iyo tan maadaxweynaha ay dhcado 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo ee sanadka 2021-ka. View the full article
  23. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab maanta qabsaday guri ku yaalla dhabarka dambe ee dhismaha Aqalka Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne, kadib markii ay ku timid cillad dhinaca Korontada ah, sida ay innoo dheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dabka ka billowday Koronto, islamarkaana uu baabi’iyey guriga uu ka kacay, sidoo kalena uu ku faafay guryo kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dabkaasi uu geystay burbur hanti, balse ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo soo gaaray dadka ku dhaqan halkaasi. Xaafadda uu dabku ka kacay ayaa ah mid isku raran ah, waxaana jirtay in saacado badan uu qaatay in uu dabka, maadaama gaadiidka dab-demiska ay geli waayeen goobta. View the full article