Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii ku yimid Illaahay ha u naxariistee Saciido Maxamed DaahiJaamac oo ahayd Marwada Islaan Ciise Islaan [...] The post Madaxweyne Deni oo tacsi u diray Islaan Ciise oo Xaaskiisii Geeriyootay appeared first on . Source
  2. Weerar khsaare badan dhaliyey oo ka dhacay dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu la’yahay dad tiradooda lagu sheegay in ka badan 100 ruux, waxaana si gaar ah uga dhacay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya sida ay sheegayaan wararka laga helaayo dalkaasi. Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo ciidanka xoreynta Oromada, kadib markii dadka loogu yeeray shir lagu sheegay dib u heshiisiin oo ka dhacayey Tuulo lagu Qaaqaa oo hoostagta gobolka Welig ee ismaamulka Oromia kadibna waa la laayey dadkaasi. Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka ay kasii socdaan dalka Itoobiya, wuxuuna cadaadiska kusii kordhayaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka. Xafiiska Abiy oo qoraalka kasoo baxay lasoo geliyey Twiter-ka ayaa tacsi u diray ehelada dadkooda la laayay. Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka lagu dilay ay dhammaantood kasoo jeedeen qowmiyadda Amxaarada. Qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bogga uu xafiiskiisa ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku yidhi: “Waxaan aad uga murugsanahay weerarka loo geystay dadka reer Itoobiya ee salka ku haya heybta”. Raiisawalwasaaraha oo sii hadlayo ayaa yiri “Cadowga Itoobiya way sii bateen iyagoo dhahaya ‘wax baan xukumi doonnaa, kuma noolaad doonno waddan’ dadaalkooda oo dhanna arrintaas ayey isugu geynayaan. Ujeedooyinkooda waxaa ka mid ah inay dhib u abuuraan dadkeenna.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirshiid Yusuf Jabril ayaa dhambaal tacsiya wuxuu u direy Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Xaaskiisii Saciido Maxamed Daahir ay ku geeriyootay Garowe. [...] The post Gudoonka Baarlamaanka Puntland oo ka tacsiyeeyey Geeridii Xaaska Islaan Ciise appeared first on . Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir oo ka duulaya amarkii ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay bilaabay inay biyaha ka saaraan waddooyinka xirmay ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa xalay kormeeray jidadka muhiimka ah ee caasimada oo saameyn ay ku yeesheen roobabkii da’ay 24-kii saac ee la soo dhaafay. Sidoo kale maamulka gobolka ayaa durbo bilaabay inay biyaha ka dhuuqaan meelaha ay fariisteen, iyaga oo isticmaalyo booyado, taas oo qeyb ka aheyd amarkii Rooble. Axmed Xasan Iimaan oo haatan ah ku simaha duqa magaalada Muqdisho, ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah jidadka ay ka dhuuqeen biyaha degay, wuxuuna intaasi ka daray in ay sii laba jibaari doonaan dadaallada ay haatan wadaan. Sidoo kale Imaan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay isku gurmadaan, si loo caawiyo dadka danta yar ee ku dhibaateen gudaha caasimada. Shalay ayey aheyd markii ra’iisul wasaare Rooble uu isugu yeeray mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, isaga oo kala hadlay saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay Xamar, wuuna faray ra’iisul wasaaruhu inay si deg-deg ah u furaan waddooyinka muhiimka ee xirmay. The post Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay fulinta amarkii ROOBLE + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha saacadaha u harsan yihiin ee Hirshabelle ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilka madaxweynnimo ee maamulka Hirshabelle. Waare ayaa sabab uga dhigay kadib markii la diiday taladiisa aheyd in doorashada baarlamaaniga ah looga dib dhigo midda dowladda federaalka ah, laakin aan dheg jalaq loo siin. Source: goobjoog.com
  6. HirShabelle President Abdi Waare who largely run his administration from Mogadishu and has been adversely accused of trading the state leadership for political expediency has resigned days before his stay in office expires. Source: Hiiraan Online
  7. HirShabelle President Abdi Waare who largely run his administration from Mogadishu and has been adversely accused of trading the state leadership for political expediency has resigned days before his stay in office expires. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa mid lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo qarxay xilli uu marayey deegaanka Siinka Dheer ee duleedka M/ Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay wadihii gaariga, iyadoona ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey baaritaano kooban. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo shaacisay inay ku dishay guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Siinka Dheer, sida ay hadalka u dhigtay. Al-Shabaab ayaa sidoo kale magaca marxuumka ku sheegtay Cali Xuseen, iyada oo oo tilmaamay in lagu khaarijiyey qarax loogu dhajiyey gaarigiisa. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Kaxda ay ku dileen duleedka Muqdisho, iyada oo raggii fuliyey toogashadaasi ay gaariga marxuumka ku xireen qarax sababay khasaare kale oo isugu jira dhimasho & dhaawac. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro u badan qaraxyo ka fuliya wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. The post Cali Xuseen oo 'lagu dilay' qarax ka dhacayMUQDISHO iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  9. Iyadoo wali uu taagan yahay muranka Siyaasadeed ee ka jira Hirshabelle ayaa hadana waxaa maanta lagu wadaa in la doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne Waare oo [...] The post Jowhar “ Baarlamaankii Cusbaa oo maanta dooranayaa Gudoomiye iyo Kuxigeenkiisa appeared first on . Source
  10. Dalka Austary waxaa Xalay fiidkii ka dhacay Weeraro dhowra oo ay Dad Rayidka ku dhinteen, Ugu yaraan Lix goobood ayaa Qolyaha darandoorigs u dhaca lagu [...] The post Weerar Dad ku dhintay oo lagu qaadey Magaalada Vienne ee Dalka Austary appeared first on . Source
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta lagu wada inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xildhibaanada la soo xulay ee baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Kulankan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo xarunta baarlamaanka HirShabelle, iyada oo khudbado kala dhuwan laga dhageysan doono musharrixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha, ku xigeenkiisa koowaad iyo labaad. Labo musharrax ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo midkii guuleysta uu bedalayo Sheekh Cismaan Barre Maxamed. Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad u sharraxan labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, halka ku xigeenka labaad ay markale isku soo taagtay Marwo Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay, taas oo tartan la geli doonto Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan. Doorashada guddoonka ayaa sida qorshuhu yahay beri oo Arbaco ah 4-ta November ka dhici doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Si kastaba doorashada HirShabelle oo weli is jiid-jiid ka taagan yahay ayaa mareysa meel gaba-gabo ah, waxaana dhowaan la dooran doonaa madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, iyada oona xalay saq dhexe uu is casilaad ku dhowaaqay madaxweyne Waare. The post Wararkii u dambeeyey ee doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle first appeared on Caasimada Online.
  12. Addis Ababa (PP News Desk) — EU is discreetly mediating TPLF and Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, according to one of the country’s leading newspapers, the Ethiopian Reporter ሪፖርተር. In October The High Representative of the EU for Foreign Affairs and Security Policy/Vice-President of European Commission Josep Borrell paid a visit to Ethiopia and met Prime Minister Abiy Ahmed. EU did not confirm the report that it was a playing the role of a mediator to bridge the gap between Tigrayan People’s Liberation Front and the Ethiopian Government. EU didn’t confirm the report in ሪፖርተር that it is playing the role of a mediator to avert conflict in Ethiopia. The possibility of military confrontation between Ethiopian Defence Forces and TPLF grows. “We have prepared our military of Special Force not in need of a war, but if the worst comes,” said Tigray region President Debretsion Gebremichael in a statement. In a statement issued on 2 November EU expressed a concern about ‘developments’ in Ethiopia Developments. “All parties as well as Ethiopia’s neighbours must act to reduce tension, eliminate inflammatory language and abstain from provocative military deployments. Failure to do so risks destabilising the country as well as the wider region” reads the statement. Tigray region President Debretsion Gebremichael: “We have prepared our military of Special Force not in need of a war, but to prepare for the worst“. Recently, the Eritrean Embassy in Addis Ababa joined the political fray when, in a tweet, it made an inflammatory comments on the political situation in Ethiopia. Eritrea views TPLF as a threat to the implementation of the agreement over Badme. “EU intervention is timely but given the rhetoric of Amhara extremists bent on waging a war on Tigray, Ethiopia may once again break up” says a retired civil servant in Addis Ababa. “What worries me a lot is the intention of extremists to drag Eritrea into Ethiopian politics so that Ethiopian and Eritrean armies can launch a joint attack on people in a part of Ethiopia. There is a big question mark over the sovereignty of Ethiopia” added the retired civil servant. © Puntland Post, 2020 The post EU ‘Mediating’ Between Ethiopian Government and TPLF appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynihii Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa Warqada Iscasilaadiisa usoo gudbiyey Saxaafada isagoo sheegay inuu isu casilay sababo La xirira qaabka loo wado Doorashada Hirshabele. Waare [...] The post Waare oo iska casilay Xilkii ugu sareeyey Hirshabelle appeared first on . Source
  14. Musharixiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee HirShabelle iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta jeedinaya khubadahooda rasmiga ah ee musharaxnimada, iyadoo haatanba ay socoto abaabulka kulanka Babaarlamaanka. Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee HirShabelle waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame. Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka HirShabelle ayaa ah gabadha kali ah ee xilkaasi mar 2-aad u tartamaysa, iyadoo uu la loolamayo Mahad Xasan Cusmaan. Doorashada Gudoonka Baarlamanka 2-aad ee HirShabelle ayaa lagu wadaa in la doorto maalinta berri ah, iyadoo markaasi ka dib ay xigi doonto doorashada madaxweynaha HirShabelle. View the full article
  15. Madaxweynihii dowlad goboleedka HirShabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay saq dhexe ku dhowaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxay xafiiska Waare ayaa waxaa lagu sheegay in isaga oo tixraacayo qodobka 52-aad ee Dastuurka HirShabeelle uu is casilay. Sidoo kale wuxuu Waare qoraalkan uga hadlay dhismaha maamulka HirShabelle, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu jiro deg-deg badan, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Subax-03112020.mp3 View the full article
  17. Madaxweynihii dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu xilka iska casilay sida ku cad warqad ka soo baxday Xafiiskiisa. Madaxweyne Waare oo warqadda Iscasilaaddiisa kaga sheekeeyay Taariikhda laga soo maray dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in hannaakii markii hore lagu dhisay Hirshabeelle uu ahaa mid qaldan taas oo is daba-marin badani ku jirtay. Mudane Waare wuxu sidoo kale soo jeediyay in doorashada Hirshabeelle ee haatan dib loo dhigo inta ay ka dhammaanayso doorashada heer Federaal si ay u noqoto mid xasiloon oo hannaan wanaagsan ku dhacda. Sidoo kale wuxu nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo duubabka dhaqanka Hirshabelle ay qayb ka yihiin dhibaatada ka taagan dowlad goboleedka Hirshabeelle. Halkaan ka akhriso Iscasilaadda PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Hirshabeelle oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  18. Rights groups said at least 54 people were killed in Sunday’s attack, which underscored how relations between Ethiopia’s ethnic groups are fraying. Source: Hiiraan Online
  19. Washington (Caasimada Online) – Dadweynaha Mareykanka ayaa intooda ugu dambeysay maanta u dareeraraya goobaha cod-bixinta, ayaga oo dooranaya madaxweynaha xiga ee dalka ee afarta sano ee soo socota. Waxaa xilkan ku loolamaya madaxweynaha iminka talada haya Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden, oo ay soo xusheen xisbiga Dimoqraadiga. Inkasta oo doorashada rasmiga ah ay maanta dhaceyso, haddana 100 milyan oo qof oo Mareykan ah ayaa ka faa’iideystay codeynta xilliga hore oo socotat muddo ku dhow bil, taasi oo macnaheedu yahay in 70% dadka ay codeeyeen. Codadka ra’yi uruurinta ah ee la sameeyo ayaa muujinaya in tartanka u uku horreeyo Joe Biden, isaga oo Trump ka horreeyey qiyaasti 8%, oo heerka taageeradooda uu la eg yahay 52-44, hase yeeshee nidaamka Mareykanka ay wax ku doortaan oo ka duwan caalamka kale ayaa macnaheedu yahay in doorashadu ay intaas ka dhowdahay. Mareykanka madaxweynaha waxaa lagu doortaa nidaam loo yaqaan “Electoral College” oo ka kooban 538 codeeyayaal ah, ayada oo gobol walba uu leeyahay tiro u dhiganta shacabka ku nool, waxaana madaxweynaha ku guuleysta musharaxa hela 270 electoral. Waxaa jira gobollo inta badan u codeeya Dimoqraadiga, kuwa u codeeya Jamhuuriga, iyo gobolo aan dhinacna u badneyn oo marba meel u janjeera, kuwaas oo ah kuw ago’aamiya cidda madaxweynaha noqoneysa. Gobolladaas ayaa sanadkan kala ah; Florida, Pennsylvania, Ohio, North Carolina, Michigan, Wisconsin, Arizona, Georgia, iyo Nevada. Sidaas darteed inkasta oo Trump guud ahaan dalka laga horeeyo 8 dhibcood marka la eego ra’yi ururinta, haddana gobollada wax go’aamiya ayaa tartanka intaas aad isaga dhow yahay, waxaana macquul ah in Trump haddii uu gobolladaas ku adkaado uu madaxweyne noqdo, si la mid ah doorashadii 2016. Saadaasha la sameeyey waxay muujineysaa inay jirto rajo ah in 90% uu tartanka ku adkaan doono Biden, hase yeeshee 10% ayaa macnaheed uu yahay in Trump uu weli uu haysto rajo kooban. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in codadka ra’yi ururinta ee gobollada loolanka adag uu ka socdo ay qaladaad ku jiraan, oo ay dhayalsanayaan heerka taageerada Trump, si la mid ah sidii dhacday 2016, markaasi oo ra’yi ururinta ay muujineysay in Clinton ay ka horresay Trump, balse markii la codeeyey uu ka guuleystay. Arrinta kale ee jirta ayaa ah inay muhiim tahay in taageerayaasha labada dhinac ay codeeyaan. Si kasta oo dad badana ay u muujiyaan inay taageerayaan musharax gaar ah, haddana haddii aanay soo bixin oo aysan codkooda dhiiban, taageeradaas wax macno ah kuma fadhiso. Waa taas sababta maalmihii tegay uu olole xooggan oo dadka loogu sheegayo inay codeeyaan ay uga socday gobollada aan dhinacna jirin, gaar ahaan gobolka Pennsylvania oo leh 20 ka mid ah 538-ka cod, kaasi oo ciddii ku adkaataa ay u badan tahay inay noqon doonto madaxweyne. Ugu dambeyntii, saadaashu waxay u badan tahay in Biden badin doono, balse rajo yar ayuu Trump leeyahay, taasi oo macnaheedu yahay in wax kasta ay dhici karaan. The post Maxaad u baahan tahay in aad ka ogaato doorashada Mareykanka ee maanta iyo saadaashii ugu dambeysay? first appeared on Caasimada Online.
  20. Mogadishu – Despite its progress over recent years, Somalia remains a far from easy place for business and commerce, especially for women. Source: Hiiraan Online
  21. Traders buy in bulk from Somalia and sell to the Kenyan market. Source: Hiiraan Online
  22. Reiterating deep concern over the growing threat to peace, security and prosperity of Africa posed by terrorism and violent extremism, the African Union (AU) Peace & Security Council has called for the full operationalization of the African Standby Force (ASF) to enable rapid deployment and timely intervention in crisis. Source: Hiiraan Online
  23. Ministers from the three African nations engaged in week-long talks brokered by the African Union, the European Union and the World Bank. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ay ka sameeyeen degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmadaas oo ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab & ilaaladiisa. Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad Dheere) iyada oo sidoo kale howl-galkaas lagu khaarijiyey 10 dagaalame oo la socotay. Warka ka soo baxay taliiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Mucaad Dheere uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca gobollada Jubbooyinka. ”Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii Sabtida sarkaalka iyo xubnaha lasocday soo gaareen Sablaale ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay ka joogeen Sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen sarkaalka iyo tobankii xubnood ee la socday, ayaa lagu yii qoraalka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi lagu dilay Mucaad Dheere oo ka mid ah saraakiisha kooxdaasi. Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mucaad Dheere iyo ilaaladiisa oo howl-gal lagu khaarijiyey first appeared on Caasimada Online.
  25. Mudanayaasha Baarlmaanka cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa Maanta kulankii labaad ku yeelanaya Magaalada Jowhar. Kulankaas ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaas oo shalay is diiwaan-geliyay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame. Sidoo kale, xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Hirshabeelle, ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas. Doorashada Guddoomiyaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, ayaa sida qorshaysan maalinta berri ka dhacici doona Magaalada Jowhar, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada. PUNTLAND POST The post Musharaxiinta Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle Oo Khudbado Jeedinaya appeared first on Puntland Post.