-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Denmark Mudane Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Ireland Marwo Fionnuala Quinlan oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweynaha ayaa muujisay sida ay ugu hanweyn tahay ka mid noqoshada bahda diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna. Danjiraha Jamhuuriyadda Poland Mudane Jacek Bazanski ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Andrzej Duda, isaga oo nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyey Madaxweynaha. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhaxeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta dhexe ee Xisbiga kulan kula qaatay Wafdi & Madax ka socota Hay’adda Caalamiga ah ee Interpe Hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta dhexe ee Xisbiga kulan kula qaatay Wafdi & Madax ka socota Hay’adda Caalamiga ah ee Interpeace. Dhanka Xisbiga WADDANI waxaa kulanka u matalayey Guddoomiyaha KMG ah ee Xisbiga ahna kusimaha Guddoomiyaha Xil Cabdilqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen, iyo Xoghayaha Gaarka ee Guddoomiyaha Mudane Cabdilqaadir Iidle. Dhanka Wafdiga Hay’adda Caalamiga ah ee Interpeace oo ka koobnaa 6 xubnood, waxaa hoggaaminayey Dr Theo Hollander oo ah Madaxa hay’adda ee Bariga & Badhtamaha Afrika, iyo sida oo kale Mudane Ahmed Abdirahman Abdillahi oo ah Madaxa hay’adda Interpeace ee Somaliland iyo Soomaaliya. Hoggaanka Xisbiga WADDANI, waxa ay waftiga & Madaxda Hay’adda Interpeace ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaanka geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, sidii loo dardargelin lahaa doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada & Golayaasha deegaanka, kaalinta haweenka ee ka qeybgalka doorashada, metalaadda siyaasadeed ee Beelaha la hayb sooco, tababarada Xisbiyada iyo dhismaha Garabbada Haweenka iyo dhalinyarada ee Xisbiga WADDANI . Qaran News
-
BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), November 3, 2020/ — Please join an online media briefing with representatives from the World Health Organization (WHO.int), Community Health and Information Network, Uganda and KEMRI-Wellcome Trust Research Programme in Kenya. The briefing is on-the-record and it is an opportunity for you to ask questions on COVID-19 in Africa. The media briefing is facilitated by APO Group. Speakers Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa Professor Ifedayo Adetifa, Clinical Epidemiologist, KEMRI-Wellcome Trust Research Programme and Associate Professor, London School of Hygiene and Tropical Medicine Regina Kamoga, Executive Director, Community Health and Information Network (CHAIN) and Chairperson of the Uganda Alliance of Patients Organisations (UAPO) Date: Thursday 5 November, 2020 Time: 10:00 -11:00 Dakar time 11:00 -12:00 Brazzaville time 13:00 -14:00 Kampala/Nairobi time Moderated by: Tsepiso Makwetla, Journalist To attend, please register at: https://APO-opa.com/who/ Interpretation will be provided in French. After registering, you will receive a confirmation email with details on how to access the event. You can send questions in advance in English or French. Please email Collins Boakye-Agyemang: boakyeagyemangc@who.int and Danielle Siemeni: ngom@who.int with your full name, your country and your media organization. Anonymous questions will not be accepted. Please specify if you are ok to ask your questions live during the press conference. You can also ask questions live during the briefing using the Q&A function in Zoom. Please specify your full name, your country and the media organization you work for. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay sheegay inuu iska casilay xilkaas, isaga oo saluugay habka loo maareynayo doorashada maamulka cusub ee HirShabeelle. Si kastaba, ilo-wareedyo ku dhow Waare ayaa Caasimada Online u sheegay in Iscasilaadiisa ay ka dambeysay dhowr arrimood oo isbiirsaday oo ku qutuma HirShabeelle iyo farogelinta dowladda Soomaaliya, kuwaasi 1 – Inuu xalin waayay muddadii uu Madaxweynaha ahaa tabashooyinka ay qabaan Shacabka HirShabeelle, gaar ahaan beesha uu Madaxweynaha ka soo jeeday islamarkaana hadda saartay cadaadis badan. 2 – In dhismaha HirShabeelle wali socda islamarkaana la iska indha tiray baaqiisa iyo kan ka soo baxaya odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer Hiiraan, taasina ay gelisay wal wal ah in la dhiso maamulka iyadoo aan laga jawaabin tabashada shacabka Hiiraan, si aan taas isaga loogu eedin. 3 – In Cabashooyin uu u gudiyay Madaxdii ee dalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo siyaasiin kale oo ku saabsanaa in lasoo faro-geliyo arrinta HirShabeelle la iska indho tiray, xilli la rumeysan yahay inay taageersan yihiin in qof ku beel ah loo doorto madaxweynaha cusub ee HirShabeelle. 4 – In dowladda federaalka Soomaaliya saartay cadaadis badan islamarkaana loo diiday inuu ka baxo magaalada Muqdisho, si ugu yaraan u muujiyo aragtiidiisa doorashada HirShabeelle, maadaama uu kursiga ku matalo mid ka mid ah beelaha gobalka. Is-casilaadda Waare ayaa timid xilli waqtigiisu dhamaaday, baarlaman cusub loo dhisay HirShabeelle, islamarkaana uu magacaabay dhammaan guddiyadii doroashada ee laga sugayey ee heer federal, taasi oo macnaheedu yahay in wax saameyn ah aysan yeelan doonin is-casilaaddiisa. Wararka qaar ayaa dhanka kale sheegaya in is-casilaaddan ay isla ogyihiin dowladda, islamarkaana tani ay tahay cayaar siyaasadeed heshiis ku xiran oo u uku baxay. Madaxweyne Waare oo ah aqoonyahan daggan ayaa la sheegay in muddo dheer usoo samray HirShabeelle inkastoo ay dhinac dhigeen culeesyo ka weyn oo degaanka ka jira. The post Xog: Afar arrin oo keenay is-casilaadii madaxweyne Waare first appeared on Caasimada Online.
-
Guddiga Joogtada ah ee golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan kamid ah Kalfadhiga 8-aad Kulankiisa 1-aad ee Golaha Shacabka, waxaana shir guddomiyey guddomiyaha golaha shacabka Mohamed Mursal Sheikh Cabdurraxman. Ajendaha Shirka ayaa ahaa Dib U Eegista Ajendaha Golaha Shacabka, Iyo Shuruucda Heerarka Kala Duwan Maraya ee Laga Dugayo Golaha Shacabka Inuu Ka Shaqeeyo. Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa muddo xileedkooda ka harsan muddo kooban, waxaana horyaallo shuruuc dhowr ah,kuwaas oo muhiim ah sida dib u eegista iyo meelmarinta Dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gabar yar oo afar jir ah ayaa laga soo saaray daar ku burburtay dhul gariir jimcihii aynu soo dhaafnay ka dhacay dalka Turkiga . Gabadha ayaa laga helay dhismaha hoostiisa magaalada IZMIR ee dalka Turkiga taas oo qasaare xoog leh uu u geystay dhul gariirka. 91 saac ayeey dhismaha ku hoos jirtay waxaana la sheegay in shaqaalaha gurmadka ay la fajaceen arintan, Duqa magaalada IZMIR, Tunc Soyer ayaa ku tilmaamay mucjiso arintan . Shaqaalaha gurmadka iyo dadka meesha joogay ayaa ku qeyliyay allaahu akbar rabi ayaa weyn markii ay inanta yar oo nool ay heleen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Xundubey ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan ammaanka magaalada Muqdisho. Xundubey ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay haatan ku howlan yihiin sidii ay wax uga bedali lahaayeen amniga caasimadda. Sidoo kale wuu bulshada Soomaaliyed ka codsaday in ay la sheeqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo helo xasilooni iyo ammaan buuxa intaba. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. View the full article
-
Waxaa maanta oo Talaado ah dalka Mareykanka ka dhacaysa doorashada madaxtinimo oo ku tartami doonaan madaxweynaha tallada haya Donald Trump iyo Joe Biden oo sideed sano madaxweyne ku xigeenka u soo ahaa Obama. Mr Biden oo 77-jir ah wuxuu soo bandhigay hoggaan cusub oo uu ku dhex jiro cudurka Coronavirus, kaas oo dilay in ka badan 231,000 oo qof oo Mareykan ah, haddana isaga ayaa hoggaaminaya inta badan codbixinta. In ku dhow 100,000,000 oo Mareykan ah ayaa horey u dhiibtay cododkooda ,waxayna codbixintu soo gabagaboobaysaa maanta, balse ku dhawaaqista natiijada doorashada ayaa laga yabaa inay qaadato dhowr maalmood ama xitaa toddobaadyo,sid ay qabaan khuburada doorashada Mareykanka. Doorashada Mareykanka 2020 ayaa kamid ah doorshooyinka ugu adkaa iyo tii dadkii ugu badnaa codkooda dhibaan ee dalkaas ka dhacda. Doorashada madaxtinimada Mareykanka marwalba waxaa laqabtaa Talaadada kadib Isniinta ugu horeysa Nofeembar. Mareykanku waxay u codeeyaan dadka loogu yeero “kuwa wax doorta” ee gobolkooda, kuwaas oo taageeraya musharaxa ay rabaan inuu madaxweyne ka noqdo, hanaankan waxaa loogu yeeraa kuliyada doorashada. Markasta oo ay bataan dadka kunool gobol, kuwa codbixiyaasha ah ayaa usii kordhaya gobolkaas. Tusaale ahaan Kaliforniya dadkeedu waa 38.8 milyan, waxay leeyihiin 55 cod, halka Delaware, (tirada dadka 936,000), ay haysato kaliya saddex cod. Waxaa hada jira 538 codbixiye guud ahaan,oo u dhiganta 435 Wakiilo (Koongaraska rag iyo dumar) iyo 100 Senator, oo lagu daray saddexda codbixiye ee dheeraadka ah ee laga soo doorto Degmada Columbia. Dastuurka ayaa ka mamnuucaya masuul kasta oo federaal ah, oo la doorto ama la magacaabo, inuu noqdo wax doorto. Musharaxa ku guuleysta codadka kulleejada doorashada ee gobolka oo hela illaa 270 codadka doorashada ayaa loo doortaa madaxweyne. Dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka iyo Washington DC waxay leeyihiin tiro “la doorto” ah oo ku jira kulliyadda doorashada, qiyaas ahaan waxay u dhigantaa cabirka gobol kasta. Gobol kastaa wuxuu helayaa ugu yaraan saddex cod oo doorasho ah maxaa yeelay tirada waxay u dhigantaa wadarta guud ee xubnaha Aqalka Sare iyo Wakiilada ee Koongaraska Mareykanka. Washington DC sidoo kale waxay heshaa seddex cod oo kuleejo doorasho ah, oo macnaheedu yahay wadarta 538 codbixiye ayaa sameeya College. Kaliforniya, oo ah gobolka ugu weyn Mareykanka, waxay leedahay 55 cod, Texas, oo ah tan xigta ee ugu weyn, waxay heleysaa 38. New York iyo Florida waxay leeyihiin min 29. Dhammaan laba gobol mooyee (Maine iyo Nebraska) waxay adeegsadaan nidaamka ku-guuleysiga qaadashada oo dhan, markaa haddii aad ku guuleysato codadka ugu badan ee gobolka, waxaad qaadataa dhammaanba codadkii kulliyadda doorashada. Si uu madaxweyne u noqdo labada musharrax midkoodna wuxuu u baahan yahay inuu kasbado aqlabiyadda 538 codbixiyeyaasha, yacni 270 codbixiye. Nidaamka kulleejooyinka doorashooyinka ayaa sida caadiga ah ka tarjumaya codbixinta caanka ah, madaxweynayaasha ayaa ku guuleystey codbixinta doorashada halka laga badiyay codka shacabka shan jeer oo kaliya taariikhda Mareykanka. Tusaalihii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2016, markii Donald Trump uu ku guuleystay kulleejka doorashada, laakiin Hillary Clinton, oo ah haweeneydii la tartamaysay ayaa ku guuleysatay codeynta dadweynaha. PUNTLAND POST The post Maxaad ka ogtahay doorashada Mareykanka ee maanta? appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya askari tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo askari kale maanta ku dilay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Falkan ayaa yimid, kadib markii uu labada askari soo kala dhex-galay muran iyo khilaaf sababay in mid ka mid ah la toogto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii dilka geystay, ay isna ay toogasho ku dileen ciidamadii ka agdhowaa halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobta ay wax ka dhaceen gaareen saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay afar caruur ahaa ay ku geeriyoodeen waaxda saddexaad degmada Kaxda ee gobolka Bamaadir, kaddib markii ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da,’ay caasimadda. Caruurta ayaa daganeyd kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, waxaana ku soo dumay dhismihii ay daganaayeen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale barakacaayasha ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya gurmad deg-deg ah, si ay u helaan hoy wanaagsan iyo daryeel intaba. Muqdisho waxaa 24-kii saac la soo dhaafay ka da’ay roobab maahigaan ah oo saameyn daran ku yeeshay nolosha dadka barakacayaasha ah & kuwa danta yar, waxaana sidoo kale ay biyo dhigeen roobabku jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh ayaa shaaciyey in baarlamaanka federaalka ee xiligan uu waqtiga kororsan doono uu sii shaqeyn doono marka uu waqtigiisu uu dhamaado. Mursal ayaa ku doodaya in baarlamaanku uu sii joogayo, haddii la heli waayo baarlamaan kale oo badala, midaasi oo ka dhigan in weli uu sii shaqeyn doono baarlamaanka xiligan haddii uu dib u dhac ku yimaado jadwalka doorashada. Waxa kale oo uu sheegay in xiliga xil-heynta baarlamaanka federaalka uu ku eg yahay 27-ka bisha soo socota ee December, balse ay taasi ka dhigeyn inay kala dareeri doonaan ilaa inta uu diyaar ka noqonayo baarlamaankii badeli lahaa. “Ilaa hay’ad tii bedeli laheyd ka imaaneyso baarlamaankan waa sii shaqeynayaa, ilaa qorshaha doorashada ay dhameystiraan dowlad goboleedyada iyo hay’adaha federaalka baarlamaanku wuu shaqeynayaa,” ayuu yiri Mursal. Waxa uu intaas kusii daray guddoomiyuhu “Majiro baarlamaan iska kala taga, iyadoo aan shaqada lagala wareegin”. Si kastaba, hadalkan ayaa imanaya xili uu dib u dhac wajahayo jadwalkii doorashada 2020/21 ee dhawaan magaalada Muqdisho heshiiska uga gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka. The post Guddoomiye Mursal oo ku dhowaaqay muddo kororsi uu sameynayo baarlamanka first appeared on Caasimada Online.
-
Kadib howl-gal qorsheysan oo ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran Kumaandooska Xoogga dalka Danab ka fuliyeen degmada Sablaale ee gobolka Shabeelada Hoose ayay ku dileen sarkaal la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada Jubbooyinka. Ciidamada Danab ayaa sheegay inay ka war-heleen sarkaalkaasi iyo ilaaladiisa in Sabtidii ay soo galeen degmadaasi, kadibna ay ku qaadeen howl-gal qorsheysan oo ay tilmaameen in lagu dilay isaga iyo sidoo kale 10 dagaalame oo la socotay, sida ay hadalka u dhigeen. Magaca sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay, Mucaad Dheere, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa maalmihii u dambeeyey kordhiyey howl-gallada & dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, dayn cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9-aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho. “Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”. Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin” ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo in si miisaan leh u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda shaqo ee kale. Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Duhur-03112020.mp3 View the full article
-
Shirka Banbaxa Golaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku saabsan dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, dayn cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9-aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ku yeesheen Muqdisho. “Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”. Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin” ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo in si miisaan leh u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda shaqo ee kale. Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen. PUNTLAND POST The post Shirka Banbaxa Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Muxuu caalamka ka yidhi weerarkii Vienna? Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay, hoggaamiyaha Austria Sebastian Kurz ayaa wuxuu ku yiri “waxaan ku wajaheynaa saacado adag gudaha jamhuuriyaddeenna”. “Booliiskeennu si adag ayay wax uga qaban doonaan dembiilayaasha weerarkan argagixiso. Marnaba ma oggolaan doonno in nala argagixiyo,” ayuu yiri. Austria in muddo ah kama dhicin weerarrada saameeyay dalalka kale ee Yurub. Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa cambaareeyay weerarkaas, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in Yurub aysan marnaba “u joojin” weerarrada. “Annaga, dadka Faransiiska, waxaan murugada la qeybsaneynaa dadka Austria, oo uu fiidnimadan hareeyay weerar ka dhacay bartamaha caasimadda, Vienna. Tani waa Yurubteenna. Cadowgeenna waa inay ogaadaan cedda aan la macaamileyno,” ayuu yiri. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii weerar toorrey loo adeegsaday uu ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska, kaas oo uu madaxweyne Macron ku sheegay inuu ahaa “Weerar ay fuliyeen koox Islaamiyiin ah”. Ra`iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay dadka Austria. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump – oo ku jiray ololihiisa doorashada madaxtinnimo – ayaa weerarkaas ku tilmaamay “fal kale oo argagixiso oo Yurub ka dhacay”. “Weerarradan xun ee ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan waa in la joojiyaa. Mareykanku wuxuu la jiraa Austria, Faransiiska, iyo dhammaan Yurub dagaalka ay kula jiraan argagixisada,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray. Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraaddiga Joe Biden ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkaas. Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel ayaa sidoo kale weerarkaas ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah kana dhan ah xuquuqda aadanaha. Ra`iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sidoo kale falkaas ku tilmaamay mid xun, wuxuuna taageero u muujiyay Austria. Qaran News
-
Daawo: Siduu u dhacay Weerarakii Vienna+Nin hubaysan oo la baadigaabayo kaddib Markii uu gelelefay…….. Booliska waddanka Austria ayaa weli waxa uu baadigoobayaa ugu yaraan hal qof oo eedaysane ah kaddib markii dhowr toogasho ay ka dhacday bartamaha magaalada Vienna ee caasimadda waddankaasi. Halkan ka Daawo Isaraaseynta ka socda Vienna:- Laba qof ayaa dhimatay 14 qof oo kalana waxaa lagu dabiibay isbitaalka kaddib markii dhowr nin oo boobayaal watay ay rasaas ku fureen lix goobood oo kala duwan. Weerrarada ayaa waxa ay bilowdeen abaare 8-dii fiidnimo ee xalay kaddib markii nin aad u hubaysan uu rasaas ku furay dad bartamaha magaalada Vienna ku qaxwaynayay, gaar ahaan meesha loo yaqaan Bermuda Triangle. Booliska ayaa xiray waddooyinka u dhaw aagga Schwedenplatz ee Vienna Dad badan ayaa xilligaas marayay waddooyinka oo waxa ay ku raaxaysanayeen habeenkii ugu dambeeyay ee isu socodka uu furan yahay ka hor inta aanay bilaaban xayiraadaha la soo rogayo fayraska korona awadii. Markii waaxda booliska ee WEGA ay goobta soo gaareen ayaa waxaa rasaas ay haleeshay hal askari oo boolis ah, ka hor inta uusan saaxiibkii toogan dambiilaha, kaas oo watay qori boobe ah, bastoolad iyo baangad. Toogashada ayaa waxa ay bilaabatay abaare 20:00 waqtiga maxalliga ah Laba qof oo rayid ah ayaa illaa hadda la ogyahay inay dhinteen iyadoo in ka badan 10 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaal magaalada Vienna, dadkaas oo laga dabiibayo dhaawacyada ay rasaastu soo gaarsiisay. Booliska ayaa waxa ay xalay bilaabeen olole ay ku baadigoobayaan ugu yaraan nin kale oo hubaysan. Wasiirka Arrimaha gudaha ee Austria Karl Nehammer ayaa sheegay in dalkiisa ay u tahay maalintii ugu adkayd ee muddo sanada ah soo marta. Weerrarkii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah oo dalkaasi ka dhacay ayaa waxaa la diiwaangeliyay 1985. Nin gacmaha kor u taagayaa xilli boolisku uu baarayo cidda uu yahay, iyadoo waqtigaas la baadigoobayay ragga hubaysnaa Tiro dad ah ayaa waxaa la dhigay isbitaalka kuwaas oo ay ku jiraan kuwo xaaladoodu ay liidato Qaran News
-
Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo uu shir gudoominayay maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdirshiid Yusuf iyo ku xigeenadiisa ayaa ku bilowdey ka doodida Xeerka Milcaamadaha Quraanka ee Puntland. [...] The post Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo looga dooday Sharciga Dugsiyada Quraanka appeared first on . Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa diyaarisay ciidamo cusub oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda la geeyo magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaasi oo ay ka dhici doono doorashada xildhibaanada 2 aqal ee Soomaaliya. Ciidamada la geynayo Baraawe ayaa isugu jira Daraawiish iyo Booliis, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in askartaas lagu biirin doono ciidamada haatan ku sugan Baraawe, si ay xoojiyaan amniga guud ee magaallo xeebeedkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in si gaar ah ay uga howl-geli doonaan goobaha ay ka dhacayaan doorashada xildhibaanada ka soo gelaya baarlamaanka Baraawe. Lama shaacin tirada askarta ay Koonur Galbeed geyneyso halkaasi, sidoo kalena lama oga halka laga soo qaadayo ciidamadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey waxgaradka Baraawe ay madaxweyne Lafta Gareen uga dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo suga amniga degmadaasi. Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashooyinka 2020/2021, iyada oo ay ugu horreyso soo xulista xildhibaaada oo ka dhici doonto magaalooyin dhowr ah. The post Maxay yihiin ciidamada cusub ee loo diyaariyey degmada Baraawe? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta uu shir uga furmay hoteel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble. Shirkan oo loogu magac daray shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, daynta cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho. “Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”. Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin” ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo in si miisaan leh u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda shaqo ee kale. Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen. The post 5 arrin oo looga hadlayo shir 3 maalin soconaya oo golaha wasiirada DF uga furmay garoonka Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.
-
Guddoomiyihii hire kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa ugu baaqay xiriirada ka dhisan Soomaaliya in ay si dhaw ula shaqeeyaan Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciis Xamsa,isagoo sheegay in uu yahay shaqsi aqoon iyo khibrad wanaagsan leh. “Xiriirada ka dhisan Soomaaliya waa in ay si dhaw ula shaqeeyaan Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada,waana in ay ka mira dhaliyaan hadafyada waaweyn ee Wasiir Xamsa Saciid Xamsa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii hore kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) Sidoo kale mudan Garooje wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Wasiir Xamse Saciid,isagoo magacaabistiisa Wasaarada Ciyaaraha ku tilmaamay guul weyn ee laga sameeyo horomarka isboortiga. “Wasiir Xamse waa aqoonyahan mudo badan ku soo jiray ciyaaraha dalka,wuxuu fahan sanyahay caqabadaha iyo dhibaatooyinka jira,balse wax ugu weyn ee lagu sugayo waa in ka tagaa taariikh weyn oo dhaxalgal u ah geedi socodka isboortiga Soomaaliya” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyihii hore kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje). Si kastaba magacaabista Wasiir Xamse Saciid Xamsa ee Wasaarada Ciyaaraha dalka waxa ay abuurtay rajo weyn,iyadoo bahda isboortiga Soomaaliya ay guul iyo horomar u rajeeyeen Wasiir Xamsa iyo shaqaalaha Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada dalka. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay dhageystaan khudbadaha Mushariinta u taagan xilka guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa. Musharaxiinta ayaa la filayaa in khudbooyinkooda ay kaga hadlaan waxqadka haddii ay ku guuleystaan xilka guddoonka baarlamaanka afarta sano ee soo socota, waxaana barrito ay tahay maalinta loo asteeyey in ay dhacdo doorashada guddoonka. Guddiiga doorashada ayaa maalimadii shalay shahaadooyinka aqoonsiga siiyey ilaa 6 musharax, kuwaas oo u tartamayo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen, waxaana la filaayaa in bari tartan la doorto guddoonka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
