-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo wareysi gaar ah siinayey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo ku aadan doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka. Ugu horreyn guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay arrimo badan ku kala aragti duwanaayeen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dib u dhaca ku yimid jadwalkii lagu heshiiyey ee doorashooyinka dalka. Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa hoosta ka xariiqay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxdii heshiiska ku gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dhinaca kale wuxuu shaaciyey in loo baahan yahay in doorashooyinka kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland loo raaco habraacii lagu galay doorashadii sanadkii 2016-kii. Guddoomiyaha ayaa xuay in heshiiskii doorashada laga gaaray uu ka mid ahaa in guddiga doorashada ee maamulaya kuraasta gobollada waqooyi ay xukuumadda magacowdo, wuxuuna arrintaasi uu ku tilmaamay mid wax u dhimeysa hannaanka doorasho madax banaan oo dalka ka dhacda dhamaadka sanadkan & kan xiga 2021-ka Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo aan weli lagu dhowaaqin guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaana sidoo kale dib u dhacay diyaarinta ergadii soo xuli laheyd xildhibaanada cusub ee BF Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Masar ee Soomaaliya, Maxamed Nasar, xili la fahamsan yahay inuu sii xumaaday xiriirka labada dal. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iyada oo labada mas’uul isku afgarteen in lasii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac. Danjiraha Masar ee Soomaaliya ayaa isagu dul istaagay sooyaalka wada-jirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoona balan-qaaday in dowladda Masar ay gacan qaban doonto dowladda Soomaaliya. Danjiraha ayaa si gaar ah sheegay in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawin doonto arrimaha waxbarashada, oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka iyo dowlad dhiskaba. Kulankan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay danjiraha, Safiir ku-xigeenka dowladda Jarmalka, Sascha Andreas Kienzle oo uu maanta wada qaabilay wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya. Safiirrada ayaa si wada-jir ah ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha, iyaga oo u rajeeyeyna ka mira-dhalinta shaqooyinka qaran ee horyaalla, isla markaana u muujiyey is-garab taag. Ugu dambeyntiina Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa uga mahad-celiyey Danjireyaasha booqashadooda, isagoona la wadaagay dadaalladda dowladda federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah. Waxa uu ahaa kulankii saddexaad ee dhex-maray safiirka Masar ee Soomaaliya Shalay ayey aheyd sidoo kale markii wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, uu qaabilay safiir Mohamed Ibrahim Nasr, si loo faaqido xoojinta hababka iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dhinac. Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa looga dooday dhowr arrimood oo muuqda oo ku saabsan xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee gobolka iyo dunida inteeda kale. Isla shalay, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo safiirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka. Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gargaarka ayey labada dhinac muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado xaaladaha adag ee u baahan iskaashiga Kulamada ayaa imanaya xili uu sii xumanayey xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kadib markii dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay dhinaca saartay Itoobiya, oo si weyn isku hayaan Masar. Wararka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay hadda isku dayeyso inay dib u hagaajiso xiriirkaas, hase yeeshee ma cadda sida ay u maareyn doonto siyaasaddii markii horeba ku riixday dhanka Ethiopia. The post DF oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirka Masar ee u xumaaday Ethiopia darteed - Maxaa ka socda Xamar? first appeared on Caasimada Online.
-
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ku qabtay Munaasabaddo si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah Suxufiyiinta. Wariyaal ka socday qeybaha warbaahinta dalka ayaa kasoo qeybgalay munaasabaddaha Ururku maanta qabtay, kuwaasi oo ka kala dhacay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo iyo caasimadda dalka ee Muqdisho. Munaasabadda Muqdisho lagu qabtay ayaa ka dhacday fagaaraha beerta Dhagaxtuur halkaasi oo uu Xoghayaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Omar Faruk Osman uu kula hadlay wariyaasha. Xoghayaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinkii loo geystay wariyaasha ee isugu jiray dilka, xarigga, jirdilka iyo hanjabaadda, wuxuuna caddeeyay inaysan jirin cid illaa iyo hadda loo maxkamadeeyay dambi ay ka galeen suxufiyiinta, isagoona ku baaqay hay’addaha Garsoorka inay wax ka qabtaan baaqqa Ururka ee ah in caddaaladda la horkeeno dambiilayaasha dhibaateeya Wariyaasha. Ugu dambeyn Xoghaye Omar ayaa Wariyaasha u sheegay ka Urur ahaan inaysan ka gaabin doonin halganka ay ugu jiraan raadinta xuqquuqda wariyaha iyo warbaahinta xorta ah. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Sawirro Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada ee Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas.Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto doorashada xubnaha golaha Shacabka BFS ee ka imaanaya Puntland. Taliye waxaa kumeerkiisa ku wehlinayay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto. Ceydiid Axmed Nuur, iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland. Waxa uu Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska kormeer ku tegay qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliiska Puntland ay ku shaqeyaan, isla markaana saraakiisha maamulka ku amaanay sida wanaagsan ay shaqada u wadaan. Kormeerkaan ayaa ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, maadaama Garoowe ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya. View the full article -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Duhur-02112020.mp3 View the full article
-
Waa Maxay sababtay u iibsan waayeen alaabta Faransiiska lagu sameeyo? Mishi Khan, Latife Ozdemir iyo Hiba Maxamed Muusa waxay dhammaantood taageereen in la qaadaco badeecadaha Faransiiska Laga bilaabo Turkiga, Bangladesh, Urdun ilaa Malaysisa, waxaa ka socday dibadbaxyo ballaaran oo loogu baaqay dadka inay qaadacaan badeecadaha uu soo saaro Faransiiska. Qaar kamid ah xarumaha laga dukaameysto waxay meesha ka saareen badeecadaha uu soo saaro Faransiiska xilli baraha bulshada ay ka socdaan olole ka dhan ah badeecadaha dalkaas. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in sababta loo dilay macalinka ay aheyd ‘Xoriyatul qowlka’ kaddib markii uu ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebiga. Wuxuu sheegay Macron in sababta “loo dilay ay Islaamiyiintu doonayaan mustaqbalkeenna”, laakiin Faransiisku “kama quusan doono sawir gacmeedyada”. Madaxweyne Macron waxaa lagu amaanay qaabka uu u difaacay cilmaaniyadda iyo mabaadii’da ku salysan xoriyatul qowlka ee dalkiisa, inkasta oo hadalkiisa uu caro ka dhashay, Khamiistii magaalada koonfurta dhacda ee Nice waxaa lagu dilay saddex qof, Macron wuxuu weerarkaas ku tilmaamay “Weerar argagixiso ay ka danbeeyeen islaamiyiin” Macron wuxuu noqday nin si weyn looga neceb yahay dunida muslimka, tusaale ahaan dalka Bangladesh, waxaa Arbacadii ka dhacay dibadbaxyo ay ka qeyb qaateen tobonaan kun oo qof oo looga soo horjeedo Faransiiska waxayna shacabka ku baaqayeen in la qaadaco badeecadaha Faransiiska. BBC-da waxay la hadashay saddex qof oo sheegayo inay go’aansadeen in aysan iibsan doonin badeecadaha lagu sameeyo Faransiiska. Mishi Khan – oo ah atariishad ku sugan caasimadda Pakistan ee Islamabad Atarishadda u dhalatay Pakistan Mishi Khan waxay sheegtay in haatan la qaadayo tallaabo ka dhan arrintaas Waxay sheegtay inay isticmaali jirtay waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan ee laga keeno Faransiiska gaar ahaan badeecadda la yiraahdo L’Oréal, “Taas oo laga heli karo halkan Pakistan, haatan waxaan diyaar u ahay in aanan iibsan wax kasta uu soo saaray Faransiiska”. Badeecadahii laga keeni jiray Faransiiska waxaan ku baddalanayaa kuwo laga soo saaro Pakistan, ayay tiri Mishi Khan. “Maxay tahay sababta? Madaxweyne dal inta uu subax soo kaco isla markaana go’aansado in uu aflagaadeeyo bulshada muslimka ah” Waxay sheegtay in qof kasta oo baraha bulshada adeegsada ay ugu baaqeysay in uu qaadaco badeecadaha Faransiiska, “Go’aankeygu wuu cad yahay sababta oo ah waxaan sameynayaa tallaabo kasta oo lagu difaacayo Islaamka” Mishi Khan waxay sheegtay in marar badan la cafiyay dad horey u aflagaadeeyay Islaamka balse haatan ay qaadayaan tallaabo ka dhan ah arrintaas. “Macron wuxuu isku dayayaa in si ula kac ah uu inoo dhibaateeyo, waa sida adiga oo feeray qof, kaddibna aad ku leedahay ‘Xanuun miyaad dareentay?’ Mishi Khan waxay sidoo kale ka dhawaajisay in madaxweynaha uu wado falal naceyb ah oo lagu kala qeybinayo dadka. “Haddaladiisa jees jeeska ah waxay hurin karaan Islaam naceyb, waxaa laga doonayay in uu mideeyo dhammaan muwaadiniinta dalkisa oo uu si sinaan ah ula dhaqmo” “Markii aan arkay sawir gacmeedka uu daabacay Charlie Hebdo, xitaa waan hadli waayay, waan naxay, waan ooyay, waxaan is iri ‘Ilaahayow, maxaa ku tusay waxan?’ Latife Ozdemir – Waa ardayad ku sugan – Istanbul, Turkiga Latife Ozdemir oo ah ardayad kasoo jeedda Turkiga waxay sheegtay qaadacaadda badeecadaha Faransiiska in looga golleeyahay ka hortagga “Islaam naceybka” “Badeecadaha kala ah Lancôme, Garnier iyo BIC waa kuwo aan isticmaali jiray maalin kasta balse haatan masoo iibsan doono” ayay tiri Latife Ozdemir. Waxay sheegtay in sababta ay u qaadaceyso badeecadaha ka yimaado Faransiiska ay tahay in marar kale aanan loo dulqaadan doonin hadalka madaxweynaha si looga hortaggo Islaam naceybka Faransiiska. Latife Ozdemir waxay sheegtay in waxa kaliya ah ay sameyn karaan ay tahay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska. “Charlie Hebdo wuxuu daabacay sawir kale oo xun oo muujinayaa madaxweynenaheena Recep Tayyip Erdogan oo xiran funaanad kaliya ah isaga oo cabaya khamri isla markaana kor u qaadaya goono gaaban oo ay xirneyd haweeney xijaaban” Waxay sheegtay in tallaabadaas ay dhibeyso haweeney xijaaban marka ay aragto sida la yeelayo haweeneydaas. “Haweenka muslimka ah waxay maalin kasta galaan dagaal ah in islaamka fikrad wanaagsan laga qaato si bulshada dhexdeeda looga arko in aan simanahay” “Sawir gacmeedka iyo hadallada jees jeeska ah waa inay horseedaan dood iyo fikrad cusub intii Yurub ay adeegsan laheyd tallaabooyin ay kusoo bandhigeyso fikradaha ay ka heysato muslimiinta” ayay tiri Latife Ozdemir. “In aad soo saarto sawir gacmeed lamid ah kuwan markasta, waxay horseedeysa xaalad hurin ah, waxaan la yaabanahay, in arrintan ay tahay waxa aan dooneyno: Ma sidan baa laisku dhibaateynayaa oo aan is neceb nahay anaga oo adeegsaneyo xoriyatul qowlka?” Hiba Maxamed Muusa – Waa ardayad ku sugan-Nouakchott, Mauritania Hiba Maxamed waxay dooneysaa in Macron uu raalli gelin u jeediyo muslimiinta Hiba waxay sheegtay in iyada qoyskeeda iyo asxaabteeda ay ka qeyb qaateen banaanbax ka dhacay Nouakchott oo looga soo horjeeday waxa ka socda Faransiiska. “Waxaan u qaadaceynaa badeecadaha Faransiiska anaga oo ku rajo weyn in dhaqaalaha Faransiiska uu dhulka galo si Macron uu raali gelin ugu jeediyo 2 balyan oo muslimiin ah oo uu u gafay kaddib markii uu jeediyay hadallo naceyb dhalin karo” “Waxaan adeegsanayaa cadarka Lacoste ee Faransiika laga keeno mar haddii uu iga dhamaado masoo iibsan doono” ayay tiri Hiba. Waxay sheegtay in warqad ay u qortay madaxweyne Macron oo ay kaga codsaneyso in uu raali gelin u jeediyo muslimiinta, “Waxaan weydiyay haddii macalinkaas uu qaddarin mudnaa, siduu noqon karaa Nabigeena oo isagu ahaa macalin ahaa? “Waxana inaga careysiiyay waxay tahay khudbadda ku saabsan islaam naceybka ee Islaamka la xiriirineyso dhaqamada xun, waa arrin caddaalad darro ah oo dandaansi ah oo aan inaba la aqbaleynin” Waxay ka dhawaajisay in tallaabooyinka qaar ay dhibaato u geysanayaan kooxo gaar ah, “Arrinta dhabta ah waxay tahay in dal sida Faransiiska oo kale uu qaadayo sawiiro dhibaateynayo koox gaar ah oo dacaayad aan habooneyn ah taas oo aan inaba aheyn xoriyatul qowl” Hiba Maxamed waxay sidoo kale sheegtay in markii ay yareyd uu wargeyska Charlie Hebdo soo daabacay sawir gacmeedka laga sameeyay Nebi Maxamed, sidoo kalena ay soo xuusasato weerarkii lagu qaaday wargeyska. “Balse xilliggan waxaa iska ilaalinayay in aan eego sawir gacmeedka balse maalin ayaan ku arkay Twitter-ka, waxaan dareemay in la ii aflagaadeeyay oo laii xushmeyn waayay. Maxay tahay sababta Islaamka loogu qaddarin la’yahay sida diimaha Yuhuudda ama Kiristaanka? Qaran News
-
(SLT-Ceerigaabo)-Ciidammada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan ku galay deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas. Ciidanka Puntland ayaa gaadhay degmada Laasqoray iyo deegaano kale oo hoostega, halkaas oo dhawaan la wareegeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay in Ciidanka ay ka sameeyeen howlgallo. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howlgallo gaar ah ka fuliyeen degaanka Gurya-samo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidankooda. Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaya Ciidanka Puntland ayaa warbaahinta ka howlgasha Puntland u sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Gobolka, iyagoona kulan la qaatay qaar kamid ah dadka deegaanka. Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, isla markaana ay muxaadiro u jeediyeen dadkii ku sugnaa deegaanada ay tageen, hayeeshee waxaa la sheegay in maalmo kadib ay halkaas iskaga baxeen, waxaana gelinkii dambe ee shalay howlgallo ku galay Ciidanka Maamulka Puntland sida ay warar xog ogaal ahi u sheegeen Somalilandtoday. Dhan kale xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Sanaag wali kama hadlin sheegashada Al-shabaab iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka Puntland ka waddo gudaha gobolka Sanaag. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka dhinaca caalamiga ah ee Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay qaaday afartii sano ee la soo dhaafay tallaabooyin ka dhan ah dowladaha Masar, Sucuudiga iyo Imaaraadka, iyada oo is xijineysa Qatar, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in diblumaasiyiinta dowladahan ay albaabada ka xirteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay bilaabeen inay raadiyaan diblumaasiyiinta dalalkaasi, oo uu sheegay inay muhiim u ahaayeen dhanka waxbarashada, ganacsiga, xajka, diblumaasiyadda iyo xiriirka taariikheed. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in go’itaanka xiriirka ay Soomaaliya la laheyd saddexdan dal ay sabab u ahaayeen madaxweynaha iyo taliyaha NISA. Halkan hoose ka aqriso: Fahad iyo Farmaajo cabsi miyaa taabatay mise taladii Qatar ayaa meesha ka baxday?! Dowlada Farmaajo hoggaamino safiiro uma joogaan sadexda dowladood ee kala ah Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladahaan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan dadka Soomaaliyeed dhanka Waxbarashada, Ganacsiga, Xajka, Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Taariikheed. Maanta oo muddo xileedka Farmaajo ka harsantahay 3 bilood ayuu bilaabay in uu dabo cararo diblomaasiyiintii albaabada laga furi diiday afartii sano ee la soo dhaafay. Xiriirka xumaaday ee wadamadaan Soomaaliya kala dhaxeeyay ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasin oo ku jaan goynayay amarada iyo talooyinka gurracan ee uga imaanayay dalka Qatar oo iyaga ruuxooda xiriir aan la lahayn sadexdaan dal. Haddaba Su’aashu waxay tahay Farmaajo iyo Fahad hada miyay ogaadeen muhiimada dalalkaan Soomaaliya u leeyihiin mise amaradii Qatar ayaa meesha ka baxay?! Sawiradan waa safiirka Masar ee Soomaaliya u qaabilsan oo lagu qaabilayo Madaxtooyada, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaarado kale. Hon. Mahad Salad The post Maxaa sabab u ah inuu xumaado xiriirkii Somalia ee Masar, Sacuudiga & Imaaraadka? first appeared on Caasimada Online.
-
Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka gobolka Cumar Cali Cabdi iyo xubno kale ayaa kormeer ku tagay guryo ku yaalla caasimadda oo xalay ay galeen biyahii ka hooray roobkii xalay ka da’ay. Muqdisho. Gudoomyiha oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyen qoysas danyar ahaa o ku nool xaafada qaar ee gobalka Banaadir kuwaasi uu sameeyay roobkii xalay da’ay, isla markaana guryihii ay daganaayeen ay biyo farabadan ugu galeen. Waxaa uu sheegay guddoomiye kuxigeenka Howlaha guud ee maamulka in Roobka inta uu da’yay uu dumay guri ku yaalla dagmada Howlwadaag, lagana soo badbaadiyay dadkii ku sugnaa, uuna jirin wax khasaaro nafeed ah uu gaystay Roobka. Wuxuuna intaa sis ii raciyay in sidoo kale ay bilaabi doonaan sidii biyaha looga saari lahaa waddooyinka, dadka wax haysta ayuu ugu baaqay inay gargaar gaarsiiyan dadka masaakiinta ah ee roobka uu sameeyay. View the full article
-
Mahboub Maalim. PHOTO | FILE (The East African) Former executive secretary of the Inter-governmental Authority on Development Mahboub Maalim spoke with Fred Oluoch. After being at the helm of Igad for 12 years, how are you using your experience and contacts in continuing work for regional peace and security? I still get to discuss and offer advice on current political happenings through invitations to different forums. Besides advising local and regional leaders and foreign missions, Igad and African Union officials also approach me for advice on peace and security. Besides Somalia and South Sudan, what other threats to peace and security are emerging in the region? Transnational crimes persist, especially terrorism as terrorist cells domiciled in Somalia increased with time. Piracy; illicit trade; illegal arms trade; human trafficking; money laundering and cybercrimes remain a challenge across the region. The complex political transition in countries like Sudan, South Sudan, Ethiopia, and Eritrea are also emerging as new threats to security. The Covid-19 pandemic has also stagnated diplomatic and political consultations that had been going on for long and driving peace. ADVERTISEMENT The ripple effect of conflict in the Middle East has also caught up with the region, given the geopolitical competition for influence, which has led to the militarisation of the Red Sea (Gulf of Aden) area with countries competing to establish military bases. Issues of climate change such as floods, drought, and locust are threatening food and human security. So I think the role of Igad is needed now more than any other time. It is eight months since formation of a transitional government in South Sudan, but still security arrangements and total ceasefire remain a challenge. What is the way forward? The Sant Egidio talks in Rome are very positive developments. That the warring parties have agreed to a ceasefire to promote peace was not possible for a very long time. It was difficult for South Sudanese to meet among themselves and agree. Is it easier for South Sudanese to talk far from the influence of the vested interests of neighbouring countries? You may say so because it was not possible for them to sit and agree before. The hundreds of times they met under Igad, AU, and other countries, they could not agree. However, the region had built a bridge and the factions now know they can meet. The region had laid the foundation for them to agree on their own. Igad is accused of presiding over the peace agreement in 2015 but failed to enforce the implementation. That is far from the truth. In 2014, there were nine extraordinary Heads of State meetings from 2013 when conflict broke out to the time when the 2015 peace agreement was signed. During the mediation, regional leaders met regularly to assist South Sudan. The question is the lack of follow–up in the implementation. I am trying to dispel that notion. There is no way you can fail to follow up on implementation when you have put in time in the process. After the government was formed in 2015, there was a matrix of follow-up and implementation mechanisms like Joint Monitoring and Evaluation Commission and the ceasefire monitoring process. Igad is trying very much to hold the government and other parties to account. Insecurity in Somalia persists despite efforts by the world. Is there a need for a different approach? Yes, there is a need for a new process. So far, $100 billion has been put in to improve security in Somalia with little success. I might not have what exactly is the new approach, but what I know is that it requires a new modus operandi that involves consultation. You can imagine after three decades and the money that has been put in, not much has changed. The answer is yes, there is a need for a new approach but with a lot of consultations involving Igad, the AU and the international community. Somalia has elections in the coming months. What role can the region play to ensure a peaceful exercise? Somalia is a sovereign state and therefore the region cannot do state functions in Somalia. But the region understands that the stakes in the elections are very high. The region can work with Somalia to ensure that the elections are held on time because if they are not, there will be a lot of problems. The region can also work with Somalia to ensure that there is no extension of the term of the current government. The region can support Somalia to avoid external influence in the election. Somalia has been in a state of stagnation for the last four years; there is no constitution, no electoral system; no judicial system, while the federal system is still being contested. Do you think Amisom’s phased withdrawal should continue as Somalia faces these crucial elections? A lot of money has gone into supporting Amisom. The handover process must be gradual, and should only happen in the next four years. But at that time there will be another election. Maybe the next administration will have an opportunity to work on the issue without pressure. Any comment on the plans by the US to withdraw its troops from Somalia? Withdrawal will harm US interests in the region, which has attracted a lot of geopolitical competition. After spending a lot of money in Somalia, the US would lose because others who have not invested as much in security in Somalia are waiting in the wings to come in. Also, the counter-terrorism project would be lost, and would mean the US would be abandoning its partners. Ethiopia is facing internal political instability. Is it likely to impact on the region, especially Somalia and Kenya? Ethiopia was a hallmark of stability, infrastructure development, and economic growth in the region. They achieved a lot within a very short time, and I believe the economic growth momentum is still in progress. However, there is some internal political contest that is not unique in the African context. My advice is for Ethiopia to choose losing decades of economic development and stability or embrace national dialogue. When will Eritrea be re-admitted to the Igad community? What are the challenges? I was not privileged to have Eritrea as a member of Igad for the 12 years I served. But the UN had lifted sanctions against and there had been talks at the heads of state and ministerial levels for Eritrea to resume its seat. By the time I left, Eritrea had not taken up the seat, but I hear whispers that Eritrea was pushing for revitalisation and reforms in Igad. Nothing wrong with that, but they should better do it from inside. Source: East African The post MAALIM: Region losing chance to cement gains made on peace and security appeared first on Puntland Post.
-
Roobab xalay ka curtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo aan heysan hoy ay ka galaan roobka. Waddooyinka Janaraal Daa’uud iyo Soddonka ayaa kamid ah meelaha uu saameeyay roobka,gaar ahaan isgoyska fagax oo gabi ahaanba biyuhu fadhiisteen, taas oo sababtay in gaadiidku isaga gudbi waayaan labada dhinac ee waddada soddonka. Qaar kamid ah gaadiidleyda ka xeeya moota bajaajta iyo caasiga ayaa sheegay in xilliyada roobabka ay dhibaato xooggan soo wajahdo inkastoo ay xuseen in waddooyinka qaar la hagaajiyay. Sidoo kale dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ayaa wajahaya xaalad adag maaddaama ay ku noolyihiin guryo ka sameysan cooshado oo aan gaabaad uga noqo Karin roobabka xooggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka da’ay Roobab mahiigaan ah oo saameyn ku yeeshay magaalada oo dhan, gaar ahaan isku socodka dadka iyo sidoo kale gaadiidka qeybihiisa kala duwan. Roobabkan oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay biyo dhigeen waddooyinka waa weeyn ee magaalada Muqdisho oo aan laheyn dhuumaha biyaha ka saara. Sidoo kale Roobabkaas ayaa sababay inuu istaago isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay intaba. Waxaa sidoo kale dumay dhismo ku yaalla degmada Hodan oo ay daganaayeen qoysas badan, walow laga soo bad-baadiyey, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir. Saameynta ugu daran ayey Roobabkani waxa ay ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo sidoo kale kuwa danta yar ee ku nool Xamar. Gurmad loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeesheen biyaha ayaa haatan socda, wuxuuna guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, Cumar Cali Cabdi uu tilmaamay in booyado loo diri doono waddooyinka xirmay, si ay biyaha uga saaraan. Inta badan jidadka waa weyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somaaliya ayaa ah kuwa aad liita, islamarkaana aan u baahan dib u dayactir ballaaran iyo in loo sameeyo meelaha ay ka baxaan biyaha Roobka, sida bulaacado ama dhuumaha biyaha. The post Sidee roobabkii da'ay u saameeyeen Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee caasimada Hi rShabelle ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi. Shariif ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ah mid is-xog wareysi ah, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday dhismaha maamulka HirShabelle. Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalab culus hordhigay duubabka dhaqanka, wuxuuna ka codsaday inay ka soo qeyb-galaan golgol dib u heshiisiin ah oo uu dhigayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. “Waxaan idinka codsanayaa in dib u heshiin la dhex dhigo beelaha dega Hirshabelle ka hor inta aan la galin doorashada Hirshabelle,”ayuu yiri SHeekh Shariif Sheek Axmed. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Shariifka uu doonayo in xal waara laga gaaro kursiga madaxweynaha oo ay isku heystaan beelaha Xawaadle & Abgaal, si loogu tartamo, islamarkaana ay noqoto doorashada mid loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah. Safarka uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tegay Jowhar oo ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo xildhibaano ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhammeynta tabashada ka taagan dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle. Dadaallada uu wado Sheekh Shariif ayaa ku soo aadayo, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda qorshe gaar ah ka wadato dhismaha HirShabelle, waxaana shalay ay soo dhoweysay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi. The post Sawirro: Sheekh Shariif oo dalab hordhigay odayaasha dhaqanka HIRSHABELLE first appeared on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada daraawiishta Puntland oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa howlgallo ka sameeyey gudaha gobolkaasi. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaas oo dhowaan lagu arkay Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Gurya-Samo iyo tuulooyin hoos yimaada, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in u jeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku jooga gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Si kastaba dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo todobaadkii hore ay kooxda Al-Shabaab ku dhowaaqay inay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, walow markii dambe ay dib uga baxeen dagaalyahanadii lagu arkay qeybo ka mid ah gobolkaasi. The post PUNTLAND oo howlgal kula wareegtay deegaano lagu arkay kooxda Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta magaalada Jowhar ka socota qabashada araajida musharxiinta utaagan qabashada xilka guddoonka baarlaamaanka 2-aad ee Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana lasoo gaban gabeen doona isla maanta sida ku cad jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga doorashada. Musharaxiinta isdiiwaan geliso ayaa lagu wadaa in maanlinta barrito ah ay khudbadahooda ka horjeediyaan Baarlamaanka oo ay uga hadlayaan wax qabadkooda haddii ay ku guuleystaan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka labaad Hirshabeelle. Sida ku cad qoraal soo baxay guddiga doorashada guddoonka , waxaa lasoo saaray jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle, waxaana lagu wadaa in 4-ta bishan iney dhacdo doorashada guddoonka iyo ku-xigeennadiisa, waxaana xigi doona doorasha madaxweynaha maamul goboleedka iyo ku-xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in loo baahan yahay doorashooyinka kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland loo raaco habraacii lagu galay doorashadii sanadkii 2016-kii. Cabdi Xaashi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo ay gaareen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir aysan ka qeyb-gelin siyaasiyiinta metalaya gobollada waqooyi, islamarkaana loo baahnaa inay metalaad rasmi ah ku yeeshaan. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiskii doorashada uu ka mid ahaa in guddiga doorashada ee maamulaya kuraasta gobollada waqooyi ay xukuumadda magacowdo, wuxuuna arrintaasi uu ku tilmaamay mid wax u dhimeysa hannaanka doorasho madax banaan oo dalka ka dhacda sanadkan 2020 illaa 2021-ka Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sidoo kale intaasi ku daray in uu soo magacaabi doono isagu guddiga maamulaya doorashooyinka xildhibaannada gobollada waqooyi. Shalay ayey aheyd markii uu warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay isku dayeyso inay magacowdo guddigaan, iyada oo la tashaneysa siyaasiyiinta gobollada waqooyi, laakiin wuxuu caddeeyay haddii tallaabadaas la qaado ay dhaawac ku tahay hannaanka madax banaanida doorashada. View the full article
-
Ilo wareedyo kala duwan, oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in uu fashil ku dhammaaday mooshin abaabulan, oo maalmihii la soo dhaafay ka socday xarunta Baarlamanka Puntland. Mooshinka oo la doonayay in xilka looga qaado labada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada Puntland, ayaa soo ifbaxay bilowgii Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland oo haatan socda, balse waxa la sheegay in xukuumaddu kala furtay xubno ka tirsan Baarlamanka oo mooshinkaasi waday. Madaxweyne Deni iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Xassan Abgaal, oo ka cabsaday in xasarad siyaasadeed gudaha kaga furanto, ayaa la sheegay in ay kaalinta ugu adag ka ciyaareen fashilinta mooshinka, islamarkaana ay xildhibaannada qaarkood ballan-qaadyo u sameeyeen, halka qaar kalena ay shaki ka dhex abuureen. Labada Guddoomiye ku xigeen, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame, oo mooshinka lagu ridi lahaa, ayaa dhankooda kulamo gaar-gaar ah la yeeshay xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamanka, si ay u fashiliyaan mooshinka. Waxa xusid mudan, in aysan jirin eedaymo sugan oo lagu caddeeyay mooshinka, kuwaas oo loo cuskaday labada Guddoomiye ku xigeen, waxaana wararka qaar sheegayan in mooshinku la xiriiray arrimo siyaasadeed. PUNTLAND POST The post XOG: Mooshin ay wadeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo fashilmay appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka looga hadlayaa sharciyo dhowr ah. Ajandaha kulanka xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda iyo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya. Xildhibaannada golaha shacabka oo waqtigoodu sii dhacayo ayaa ayaa la filayaa iney maalmaha soo socdo ansixiyaan miisaaniyadda 2021-ka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imanaaya Gobolka Sanaag, ayaa ku warramaya in Ciidamada Daraawiishta Puntland ay hawlgal qorshaysan gelinkii dambe ee Shalay ku tageen degaanno ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in ay gelinkii dambe ee Sabtidii Shalay hawlgal qorshaysan ku gaareen degaanka Gurya-samo iyo nawaaxigiisa oo dhowaan lagu arkay koox ka tirsan Al-shabaab. Saraakiishu waxay sheegeen, in Hawlgalkaasi ku wajahnaa kooxda Al-shabaab oo mararka qaarkood lagu arko degaannada hoos yimaada degmada Laasqoray, islamarkaana todobaadii hore maalmo ku sugnaa tuulada lagu magacaabo Gurya-samo, balse markii dambe iskood uga baxay. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay halkaasi kulamo kula yeesheen Odayaasha iyo Shacabka tuulooyinka ay Ciidanku hawlgalka ku tageen, oo qaarkood ku yaalla jidka loo maro degmada Laasqoray marka laga yimaado dhinaca buuraleyda Calmadow. PUNTLAND POST The post Ciidamada Daraawiishta Puntland oo hawlgal ku tegay degaan dhowaan lagu arkay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulankooda caadiga ah ku yeelan doono xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo lagu war-geliyey dhammaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa goor dhow si rasmi ah u furmi doono. Ajandayaasha kulanka maanta ayaa waxa ay kala yihiin, 1. Akh 3aad ee H/Sh Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda, 2. Akh 2aad ee H/Sh Socdaalka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya oo uu haatan ka sii dhammaanayo muddo xileedka ayaa dardar gelinaya shaqooyinka hor-yaalla, si looga faa’iideysto waqtiga, ka hor doorashada 2020/21. View the full article
