Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka doorashada wadanka Mareykanka oo ay si weyn ugu tartamayaan Donald Trump & Joe Biden. Trump oo goor dhow wariyeyaasha kula hadlay dhismaha Aqalka Cad ayaa guul ka sheegtay doorashada, iyada oo ay harsan yihiin malaayiin codad ah oo aan weli la tirin. “Waan ku guuleysannay doorashadan,” ayuu yiri madaxweyne Trump oo loolan adag kala kulmaya musharraxa Xisbiga Dimquraaddiga ee Joe Bide Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey madaxweyne Trump “Tani waxay ceeb ku tahay dalkeenna,” Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aadayo maxkamadda sare, si uu uga dacwoodo natiijada doorashada, isaga oo ka soo horjeeda tirinta codadka lagu dhiibtay dhanka Boostada oo uu shaaciyey in la doonayo in lagu xado codadka doorashada. Marka laga tago sheegashada Trumo waxaa soo baxaya inuu haatan aad u horreeyo Joe Biden, iyadoo sidoo kale la saadaalinayo inuu ku guuleysto gobolka Minnesota oo ku yaalla bartamaha galbeedka Mareykanka, ayna ku nool yihiin Soomaali fara badan. Si kastaba waxaa laga cabsi qabaa in uu muran xoogan ka dhasho natiijada doorashadan, islamarkaana la’isla aado maxkamadda sare ee dalka Mareykanka. The post Wararkii u dambeeyey ee doorashada Mareykanka & Trump oo guul sheegtay first appeared on Caasimada Online.
  2. Magaalada Minneapolis oo ku caan Baxdey Goob ay kasoo baxaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Siyaasada Maraykanka ayaa Doorashada 2020 waxaa guul ka gaaray Afar Soomaali ah [...] The post Soomaalida Minneapolis ee ku guulaystay Doorashada appeared first on . Source
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa saaka xukun adag ku ridday milkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf Maxamed, kaas oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa. Milkiilaha Astaan TV ayaa waxaa lagu ridday xarig shan sano ah iyo ganaax lacageed oo dhan labo bilyan oo ah Shillinka Somaliland. Sidoo kale maxkamadda ayaa ku soo rogtay TV-ga Astaan xayiraad ah in uu uusan ka shaqeyn karin guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland. Maxkamaddu ma shaacin sababta uu Cabdimanaan Yuusuf Maxamed ku muteystay ciqaab intaas le’eg, waxaana arrintan ay dad badan ku noqotay la yaab. Dhanka kale qareenada u doodayey milkiilaha Astaan ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay ridday maxkamadda, iyagoo shaaciyey in lagu heysto sifo sharci darro ah. Si kastaba xunkunka lagu ridday Cabdimanaan Yuusuf ayaa daba socda cadaadisyo ay xukuumadda Hargeysa ku saareyso in shaqsiyaad ay wadato uu saami ka siiyo Astaan. The post Somaliland oo xukun adag ku ridday milkiilaha Astaan TV first appeared on Caasimada Online.
  4. (SLT-Washington)-Donald Trump ayaa ka soo muuqday qolka yare e ku yaalla dhanka Bari ee Aqalka Cad. Wuxuu billaabay in uu u mahadceliyo qoyskiisa iyo taageerayaashiisa xalay isu soo baxay. “Waxaan isu diyaarineynay dabaaldegga wayn,” ayuu yidhi. “Waxaan ku guulleysaneynay wax kasta.” Isagoo u hadlayay sida qof guul weyn gaadhay, wuxuu Trump u dabaaldegay guushii xalay uu ka gaadhay Florida. “Guul keli ah ma aha, waa mid aan ku uruursanay dhammaan,” ayuu yidhi. Wuxuu sidoo kale sheegtay in uu hoggaaminayo Pennsylvania, waa sida uu xalay fiidkii sameeyay Joe Biden. Way adag tahay in xilligan la sii saadaaliyo qofka ku guulleysanaya gobolkaas. Source
  5. Ilhaan Cumar oo gabar asal ahaan Soomaali ah balse u tartameysay mar kale kursiga Congress-ka ee degmada 5-aad ee Minnesota ee dalkaasi Mareykanka ayaa dib loo doortay. Ilhaan oo ka tirsan xisbiga Dimoqoradiga ayaa natiijo weyn uga guuleysatay Lacy Johnson oo ah ganacsade ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Sida ay sheegtay warbaahinta Associated Press codadkii la tiriyey oo 99% haan 64.6% ayey heshay Ilhaan halka nin kale uu helay 25.9% . Marwo Ilhaan, kaligeed ma guuleysan, ee waxaa la soo noqday “Squad”-ka oo ay iskula jireen sida Alexandria Ocasio-Cortez oo New York, Rashida Tlaib oo Michigan iyo Ayanna Pressley oo Massachusetts. Ilhaan Cumar oo ah geesiyad ayaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaa ay shaqo adag ka qabatay aqalka Congress-ka iyada oo magac iyo maamuus ku heshay difaaca xuquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo fuqarada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. IlhAan Cumar ayaa waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii. Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay. Dhammaan codadkii la dhiibtay ayey Ilhaan Cumar ka heshay 65%, halka Musharraxii kale ee la tartamay uu isna helay codad gaaraya 26%. Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen. Sidoo kale waxaa weli socota tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee Mareykanka, iyadoo oo ay haatan diiradda saaran tahay gobollada aadka loogu loolamayo. View the full article
  7. Waxaa lagusoo waramayaa in Ciidamada Itoobiya lagaliyey heegan ayna kusii jeedaan dhinaca Dowlad Deegaanka Tigreey. Waxaa la jaray dhamaan isgaarsiintii Gobolka, Teleefoonadii iyo Internetka ayaa [...] The post Breaking News— Xiisad ka taagan Gobolka Tigreega iyo isgaarsiintii oo la jaray appeared first on . Source
  8. Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo gabar Soomaali ah, kana tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markale guul taariikhi ah ka soo hoyday doorashada dalkaasi. Ilhaan oo la tartantay musharraxa ka socday Xisbiga Jamhuuriga ee Lacy Johnson ayaa ka guuleystay, kadib doorasho ka dhacday Gobolka Minnesota, waxaana sidaasi ay markale ku difaacatay kursigeeda degmada 5-aad ee Golaha Congress-ka Mareykanka. Dhammaan codadkii la dhiibtay ayey Ilhaan ka heshay 65%, halka Musharraxii kale ee la tartamay uu isna helay codad gaaraya 26%. Guusha ay gaartay Ilhaan Cumar ayaa waxaa sidoo kale si aad u soo dhoweeyey taageerayaasheeda oo u dabaal degay in markale loo doorto Congress-ka Mareykanka. Sidoo kale waxaa dadka codeynayey ka mid ah Soomaali badan oo ku sugan gobollo dhowr ah oo ka tirsan wadankaasi. Trumo oo isna loolan adag kula jira musharrax Joe Biden ayaa si weyn uga soo horjeeda guusha Ilhaan Cumar oo ay isku hayaan siyaasadda Mareykanka, iyaga oo marar badan iska weeraray warbaahinta iyo baraha bulshada, iyaga oo adeegsanaya erayo kul-kulul. Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sanadihii u dambeeyey si weyn uga soo dhex muuqatay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo doorashada Mareykanka. The post Ilhan Cumar oo markale guul weyn ka gaartay doorashada dalka Mareykanka (Warbixin) first appeared on Caasimada Online.
  9. Jowhar (CaasimadaOnline) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka markale dib ugu laabtay magaalada Jowhar oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Shariif iyo wafdigiisa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Booqashadan oo ah tii labaad oo uu maalmo kooban gudahood Sheekh Shariif ku tago Jowhar ayaa saacadihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada. Safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa la xiriira dadaallo uu ugu jiro xal ka gaarida dhismaha HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in Shariifka ay la socdaan waxgarad ka raacay magaalada Muqdisho, isaga oo sidoo kale kulamo ka bilaabi doono caasimada Jowhar. Sheekh Shariif ayaa doonaya inuu xaliyo tabashada iyo khilaafaadka ka taagan dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Socdaalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay maanta dhaceyso doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle, iyadoona ay ku xigi doonto tan madaxeynaha & ku xigeenkiisa. The post Sawirro: Shariif oo dib ugu laabtay Jowhar + ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  10. Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku soo dhigay labo nin oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen fal kufsi iyo dil isugu jira oo loo geystay gabar yar oo dhowaan meydkeeda laga helay magaalada. Ragga lasoo qabtay ayaa qirtay inay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed oo meydkeed laga helay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, waxaana meydkeeda uu labo maalin yaallay Isbitaalka guud ee Boosaso. Labada eedeysane mid ka mid ah oo lagu macaabo Maxamed Cabdi Fareey oo ka hor hadlayey Booliska ayaa sheegay in gabadha ay kusoo kaxeeyeen gaari ay wateen isaga iyo wiil la socday kadibna ay kula dhaqaaqeen falka kufsiga ah. Eedeysanaha oo sii hadlaayo waxaa uu sheegay in markii dambe uu go’aansaday inuu gabadha dilo sidaasna uu nafta ku dhaafiyey isaga oo ku ceejiyey cimaamad kadibna waxaa uu madaxa ka marsiiyey gaarigii ay ku soo qaadeen. Taliyaha ciidamada Boolika bolika Bari G/sare Xuseen Cali MAaxamuud oo dhankiisa hadalay waxaa uu sheegay in howlgallo ay ciidamadu sameeyeen lagu soo qabtay raggaan tacadiga u geystay marxuum Naciimo Cabdi Maxamed. Taliyaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu xusay in raggaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeynayo maxkamadda si loo waafajiyo cadaaladda, waxaana uu aad ugu mahadceliyey ciidamada ammaanka oo gacan ku lahaa soo qabasha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xildhibaannada Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe ay doortaan guddoonka Baarlamaanka, sida uu shaaciyey guddiga doorashada. Xildhibaannada ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ay dhageysteen khudbooyinkii ay jeediyeen murashaxiinta u taagan qabashada xilkaas, iyada oo mid weliba uu ka hadlay waxa uu qaban doono. Waxaa xilka guddoonka u taagan xil ruuux iyadoomid labo ugu tartami doonna jagada guddoomiyaha, ku xigeenkiisa 1aad iyo ku xigeenka 2aad. Doorasha guddoonka ayaa waxaa xigi doonta mida maxaweynaha waxaana ay ku soo aadaysaa iyadoo uu xilkii iska casilay madaxweyne Waare ka hor xil wareejinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka dekedaha iyo Kalluumyesiga Galmudug Cabdinaasir Nuur Shuuriye ayaa talaadadii sheegay in wasaaradiisa ay heshiis caalami ah la gashay shirkadda Oriental Company oo ay ku mideysan yihiin seddex shirkadood oo Turki, Ingriis iyoSsoomaali isugu jira oo ku howlan dhismaha dekedda hobyo. Hishiiskaan waxaa dhanka Galmudug u saxiixay wasiirka dekedaha iyo kalluumeysiga, Cabdisabir Nuur Shuuriye, halka dhinaca bariga ay u mataleen Crom ltd, hobyo investment ltd, indian ocean holding ltd. Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Holman Fenwick Willan (hfw), oo ah sharikad ka shaqeysa arrimaha sharciyada badda ee uk oo kala Talinaysa sharciga dowlad goboleedka Galmudug. Shirkadda oriental ee fadhigeedu yahay london ayaa heshiiskan la gashay wasaaradda dekedaha iyo kalluumeysiga galmudug ka dib shirar xiriir ah oo bilihii la soo dhaafay ay la yeesheen wafdi uu hoggaaminayo wasiir Nuur Shuuriye, ”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda dekedaha qeyb ka mid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Fannaanka caanka ah ee Qamar Suugaani ayaa saaka dib u helay xorriyadiisa. Fanaanka Qamar Suugaani ayaa dhawaan lagu xidhay magaalada Berbera, xilli uu socdaal dhanka dhulka kaga yimid Garoowe. Fanaanka ayaa muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Muqdisho. Source
  14. ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — Ethiopia’s prime minister on Wednesday ordered the military to confront one of the country’s regional governments after he said it carried out a deadly attack on a military base overnight, citing months of “provocation and incitement” and declaring that “the last red line has been crossed.” Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahin ayaa xafiiskeeda ku qaabishay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka Sadik Syed. Wasiir Xaniifa Maxamed ayaa sheegtay in Soomaaliya tallaabooyin u qaadday ka qeyb galka siyaasadda haweenka, iyadoo ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso hirgalinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed oo la jaal ah qaraarka Qarammada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1,325. Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka Sadik Syed ayaa wasaaradda haweenka ku ammaanay dadaallada ay waddo,isagoo wasiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay. View the full article
  16. Hargeisa (HOL) - A court in Somaliland as sentenced Abdimanan Yusuf, the CEO of Astaan TV to 5 years imprisonment and a fine of 2 billion Somaliland shillings on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo u warramayey warbaahinta kadib is-casilaadiisii ayaa ka hadlay xaaladda iyo dhismaha dowlad goboleedkaas oo ka socda magaalada Jowhar. Waare ayaa ugu horreyn shaaciyey inuu ka tanaasulay xilka madaxweynaha, iyada oo ay u harsan tahay hal sano, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey inuu marar badan ku dadaalay sidii loo horumarin lahaa HirShabelle, hayeeshee ay socon weysay. Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in doorashada HirShabelle la ‘afduubtay’ islamarkaana ay la wareegeen dad gaar ah. Waare ayaa sidoo kale shaaciyey ujeedada laga leeyahay dhismaha haatan ee HirShabele, wuxuuna sababta ku sheegay in loo dagaalamayo kaliya kuraasta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee taala deegaanada maamulkaasi. “Neefka xoolaha markii uu caatoobo oo cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka HirShabelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd,” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Waare. Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuu ku taliyey in dib loo dhigo doorashada iyo howlaha dhismaha maamulka, balse dhagaha la fureystay, wuxuuna ka digay in la sii wado howlaha socda, iyada oo aan la sameyn dib u heshiisiin lagu xalinayo xiisada taagan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta ay dhaceyso doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle, kadibna la dooran doono madaxweynaha & ku xigeenkiisa. The post Waare oo shaaca ka qaday arrin laga damacsan yahay dhismaha HIRSHABELLE first appeared on Caasimada Online.
  18. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwado loo haystay Mulkiilaha Astaan TV Cabdi Manaan Yuusuf. Mulkiilaha Astaan TV Cabdi Manaan Yuusuf ayay maanta maxkamadu ku xukuntay 5 sanno oo xabsi ah, Sidoo kale waxaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo shilinka Somaliland ah. Dhan kale waxa ay maxkamaddu xayirtay TV-ga Astaan. Source
  19. Congreswomen Ilhaan Cumar ayaa mar kale si fudud ugu guulaysatay Kursigeedii Aqalka Repræsentanternes . Inkastoo Natiijada rasmiga ah aan wali la shaacin hadana Waxaa la [...] The post Breaking — Ilhaan Cumar oo si fudud u guulaysatay appeared first on . Source
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay labo qof oo rayid ahaa ay ku dileen inta u dhexeysa deegaanada Xananbuur iyo Miirjicley ee gobolka Galgaduud. Labada qof ee la dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen wiil iyo adeerkiis, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka loo geystay labadaasi qof uu salka ku hayo dilal la xiriira aano qabiil. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dilal la xiriira aanooyin Qabiil iyo sidoo kale weeraro halkaasi ay ka fuliyaan maleeshiyaad hubeysan. The post Wiil & Adeekiis oo xalay lagu dilay gobolka Galgaduud + sababta first appeared on Caasimada Online.
  21. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa si rasmiya u shaaciyay in gacanta lagu dhigay nin, oo ku eedaysan dilka gabar dhowaan maydkeeda laga helay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Howlgal qorshaysan oo Booliiska Gobolka Bari ka fuliyeen xaafad ku taalla dhanka Bari ee Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay labada nin, oo ku eedaysan dilka Alle ha u naxariistee Niciimo Cabdi Maxamed, oo dhowan maydkeeda laga helay Boosaaso. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay labada eedaysane ay si cad u qirteen dilka marxuumad Niciimo Cabdi Maxamed, wuxuuna sheegay in baaritaanka ay ka qayb-qaateen laamaha kala duwan ee baarista u qaabilsan Puntland. Taliyaha ayaa sidoo tilmaamay in maxkamad la horgayn doono labada nin ee ku eedaysan dilka marxuumadda, islamarkaana sharciga la marin doono, maadaama ay qiraal ku yihiin danbiga loo haysto. Hoos ka eeg sawirada eedaysanayaasha PUNTLAND POST The post Booliiska oo soo bandhigay laba nin oo qirtay dilka gabar maydkeeda laga helay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  22. Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dilal ka geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Labo ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay kooxahaasi ay ku dileen inta u dhexeysa deegaanada Xananbuur iyo Miirjicley. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ee la dilay ay kala haayeen wiil iyo adeerkiis oo si weyn looga yaqiinay halkaasi. Sida aan xogta ku helnay dhacdadan ayaa salka ku heysa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan dilalkaasi, balse ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah. Dhowaan ayey aheyd markii kooxo hubeysan ay sidan oo kale dilal uga geysteen gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. View the full article
  23. Xildhibaannada Baarlamanka Hirshabeelle, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaco ah Jowhar ku doortaan Guddoonka cusub ee Baarlamanka labaad ee Maamulkaasi. Musharrixiinta u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle iyo ku xigeennadiisa, ayaa Talaadadii Shalay xildhibaannada u jeediyay khudbado ku saabsan Barnaamijkooda siyaasadeed ee u qorshaysan haddii la doorto. Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka, waxa u sharraxan laba mudane oo kal ah; Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ay u sharraxan yihiin Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Hirshabeelle, waxaa u tartamaya Mahad Xassan Cusmaan iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horay u soo noqotay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Guddoonka Baarlamanka Hirshabeelle oo maanta la dooranayo appeared first on Puntland Post.
  24. Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta ka dhacaysa doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan laga dareemayaa gudaha Jowhar, iyada oo si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee HirShabelle ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame. Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka HirShabelle ayaa ah gabadha kali ah ee xilkaasi mar 2-aad u tartamaysa, iyadoo uu la loolamayo Mahad Xasan Cusmaan. Doorashada gudoonka baarlamanka 2-aad ee HirShabelle kadib ayaa waxaa xigi doonto doorashada madaxweynaha cusub ee HirShabelle iyo ku xigeenkiisa. View the full article
  25. Goobaha codbixinta ayaa bilaabanaya in ay xirmaan dalka Mareykanka fiidnimada Talaadada, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriga Donald Trump iyo ninka la tartamaya ee Dimuqraadiga, Madaxweyne kuxigeenkii hore Joe Biden, ay sugayaan in saraakiisha doorashooyinku ay soo saaraan tirinta ama natiijada ugu horreysa ee codabixinta tartanka sida weyn loogu loollamay ee loogu jiro ciddii noqon laheyd madaxweynaha Mareykanka afarta sano ee soo socota. Iyadoo goobaha codbixinta la xiray gobolka ku yaalla bartamaha dhexe ee Indiana iyo gobolka deriska la ah ee Kentucky saacaddu marka ay ahayd 6-da maqribinomo ee waqtiga maxalliga ah, dadka ayaa wali sii waday in ay ka codeeyaan gobollada Bariga iyo dhammaan Galbeedka Mareykanka. Waxay ka mid ahaayeen tobanaan milyan oo qof oo maanta oo dhan safaf dhaadheer ugu jiray in ay codkooda ka dhiibtaan Maalinta Doorashada. In ka badan 101 milyan oo qof ayaa toddobaadkyadii la soo dhaafay sii codeeyey, taasi oo qeyb ka ahayd in laga fogaado in dadku ay si fool ka fool ah u kulmaan maalinta Doorashada, xilli ay wali jiraan kiisaska cudurka COVID-19. Tirinta hore ee codbixinta ayaa diiradda lagu saarayaa labada gobol ee badda Atlantic dhaca – Florida, oo ah gobol uu deegaan ka dhigtay Trump, iyo North Carolina. Labadan gobol ayuu Trump si dirqi ah ugu guulaystay sanadkii 2016-kii, oo uu ka adkaaday musharraxii Dimuqraadiga Hillary Clinton, laakiin ra’yi aruurinta dadweynaha ayaa muujineysa in Trump iyo Biden ay si aad ah isugu dhow yihiin. Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in labada gobol ay lagama maarmaan u yihiin in uu Trump mar kale ku guuleysto madaxtinimada, kana fogaado in uu noqdo madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah ee afartankii sano ee la soo dhaafay looga adkaado tartankiisa dib u doorashada. Haddii uu Biden ku guuleysto labadan gobol midkood ama labadaba waxa ay si weyn kor ugu qaadi doontaa fursadaha uu ugu guuleysan karo madaxweynenimada ee isku daygiisii saddexaad. Waxa uu lumiyay tartan uu u galay inuu noqdo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga sanadihii 1988-kii iyo 2008-kii. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Goobihii ugu horreeyey ee codbixinta doorashada Mareykanka oo xirmay appeared first on Puntland Post.